Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismayo (HOL) - Jubbaland State has started registration of over five thousand militia of the Darwish militia in Jubbaland state who will be integrated into the state security forces. Source: Hiiraan Online
  2. NAIROBI (HOL)- The government of Kenya on Friday officially announced that it halted the Construction of the controversial Security Wall along its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL ) - The Lower House sitting scheduled for Saturday has been called off the following intervention by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo, officials said. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin. “Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaan” Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda sida uu hadalka u dhigay. “Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”ayuu yiri Xildhibaanka. Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari,isla markaana waxa uu sweyn u dhaliilaa hab dhaqanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in lasoo qabtay gaarigii todobaadkii laga dhacay Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo katirsan culimada Puntland ahna guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe. Taliyaha ayaa sheegay dableyda dhacay gaariga inay isku hayb ahaayeen Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, kuwaas oo uu sheegay inay u dhaceen sababo dhaqaale awgeed, balse markii dambe lagu guulaystay in laga dabo oo lasoo qabto Gaarigii iyo maleyshiyadi falkaas ka dambeeyay. Waxaa uu taliyuhu sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah oo Sheikha iyo ilaaladiisa soo gaaray, isagoo intaas ku daray in isla subixii gaarigiisa loosoo celiyay, isagoo bad qaba. Halkaan ka dhegayso codka taliyaha. Taliye Faarax Puntlandi.com
  6. Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN. GEERIDU WAA XAQ. GEESI NAGA BAXAY BUU AHAA. Allaah ha u naxariistee waxaa xalay oo Jimce aheyd taariikhduna 30.03 2018 ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska Korneyl / Eng Abshir Muse Siciid. Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Saciid ayaa ahaa geesi iyo halgamaa weyn oo taariikhdu xusi doonto oo ka baxay guud ahaan ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland. Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Siciid ayaa soyaal,raad aan duugoobin iyo saameyn weyn oo togan ku lahaa xayaatada ama noloshii iyo geedigii siyaasadeed, midkii halgan, midkii ciidan iyo midkii maamul wanaag iyo wax qabad ee ummada Somaaliyeed soo martay 50 sano ee ugu dambeysay. Korneyl Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan doonaa doorkiisii muhiimaka ahaa ee uu kaga midka mu’asasiintii iyo hogaamiyaayashii halgankii wax iska caabinta ahaa ee Jabhadii Badbaadinta Ummada Somaaliyeed ee SSDF kala hortageen taliskii Milataryiga ahaa ee Kacaanka. Sidoo kale Halgamaa Abshir Muse siciid ayaa lagu xusuusan donaa doorkii hurmuudnimo ee uu ku lahaa, hal abuurkii, asaaskii iyo dhisamaha maamulka siyaasadeed ee Dawlada Puntland,kaas oo shacbiga iyo deegaanada Puntland looga badbaadiyey aafooyinkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii sagaashameedyadii kadib markii ay burburyay ee meesha ay ka baxday Dawladii dhexe ee Somaaliyeed. Allaah ha u naxariistee Eng.Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan donaa waxqabadkii iyo horumarkii uu ku soo kordhiyey Wakaladii Xooga Koronta Ummada ee ENEE, oo uu ka soo noqday Maareeye guud, iyadoo dhaxalkii iyo hantidii qaranka ee uu gacanta ku hayey kadib burburkii dawlada dhaxe ay Allaah mahdii maanta weli si fiican oo habsami ah ugu adeegaan shacabiga somaaliyeed deegaan badan oo dalka ka mid ah. Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa dadka aadka u yaqaaney ku sifeeyeen in lagu xusuusan donaa inuu ahaa Shakhsi Cibaado badan, Somaalinimada iyo wadaninimadu ay aad ugu weyneyd, bulshaawi ah oo dad isku wadida aad ugu fiican. Sidoo kale Abshir Muse ayaa ahaa Siyaasi hal adeyg u dhashay, oo ku dhac siyaasadeed lahaa, cod kar ah, isla markaan ahaa geesi aan goroda u laa-laadin, dariiqana uga beyrin wax isaga ka liita. Fiiro gaar : waxaanu gadaal kasoo gudbin donaa Taariikh nololeedkii Marxuumka oo dhameystiran. Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo aad uga tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid Tacsi u diraynaa qoyskii, ehelkii iyo guud ahaan Ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland in Allaah samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaani sidaa si la mid ahna Marxuumka Allaah uga baryeynaa dembi dhaaf iyo naxariis.
  7. Garowe (Puntandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa aqbalay iscasilaada taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, Sareeyo Guuto Dayr Xaaji Aadan, kaasoo bartamihii bishaan March gudbiyay istaqaaladiisa. Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysnayd 25-kii bishaan, taasoo soo gaartay xafiiska wararka ee warsidaha Puntlandi, ayaa ku cad in madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta. Puntlandi.com
  8. Mashruucii Dismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa meel Gabo gabo ah maraya waxayna wadada ay fooda lagashay Magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag. Daamurkii Wadada lagu goglay ayaa waxa uu sidookale isan uu marayaa meeshii udambaysay iyadoo jidcadihii wadadana uu fooda saaray meel waxyar ujirta Magaalada Baran. Wadadan ayaa waxaa baahi wayn uqabay bushada ku dhaqan Gobolka Sanaag , waxaana muuqata in Mashruucan oo ahaa mid isku tashi ah uu guulaystay. Mukhtaar C/salaan oo kamid ah Xoghaynta Madaxweyne Gaas oo booqasho kutagay Wadadan ayaa Gudigii dhisay wadadan waxa uu ku amaanay sida ay ugu hagar baxeen dhismaha Wadadan. Hindisaha Wadadan Ceel-dhaari iyo Ceerigaabo ayaa waxaa iska lahaa Madaxweyne Puntland Cabdiwali Cali gaas. Xaghaye Mukhtaar ayaa sheegay in intii aan wadadan ladhisin ay dadku ku qaadan jirtay in ay ukala safraan magaalooyinka waawayn ee Puntland mudo 4 saacadood ah , taas oo u muuqata haatan in ay meesha ka baxday.
  9. Suhayb Abdirahman, 12, works as a porter in Gobanimo market in Hargeisa. He works more than 12 hours a day ferrying goods weighing up to 40 kg for customers on his handcart. He takes around $5 home with him. The family lives around four kilometres from the market. Suhayb’s mother is at home taking care of her bedridden husband who suffered a stroke in August 2016, paralyzing one side of his body. Suhayb is the only source of income in his family and has never attended school. He supports his three siblings. Only his eldest sister goes to school. “Sometimes I don’t even see my siblings for a week – I go home at nine at night and leave home at five in the morning,” said Suhayb. “Some the biggest challenges include the bad roads and some customers who refuse to pay for the services.” Suhayb is one of around 3,000 children in Hargeisa working in jobs including fetching water, building, washing cars, and waiting tables in local eateries. They work long hours and often in heavy manual work unsuitable for their size and age. Faysa Mohamed, director of SOYDA, a child rights organization, said information they had gathered in five districts of the city showed that the majority of children were pushed into work by poverty. Abdifatah Barkad Osmano, 13, also works in Gobanimo market using a cart he hires for 3,000 Somaliland Shilling ($0.25). He was taken out of school when his father died at the end of 2016 to support his mother and four siblings. Abdifatah works around nine hours a day to earn $6 Somaliland claims to abide by the UN Convention on the Right of the Child, banning child labour. Somalia has ratified the convention. However, Guled Ahmed Jama, head of the Human Rights Centre, said the reality is that children cannot stay at home and go to school when there is no food, so they are forced to go to the market and seek jobs. Ergo
  10. Waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka ee loo ballansanaa maanta, kadib soo jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo, oo kullan gaar ah la qaatay gudoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadooda. Dhinaca kale, Gudoomiye Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee la hakiyo uu socdsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana laga aqbalay. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaa inoo yeeray madaxweyne Faramajo wuxuuna naga codsaday in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka amaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari” Halkaan ka dhegayso codka gudddoomiyaha. Maxamed-Sheekh-Cusaman-Jawaari-mp3 Puntlandi.com
  11. HARGEISA—Somaliland minister of foreign affairs and international cooperation Dr Sa’ad Ali Shire met with Turkish counsular to Somaliland Ali Niyon at his office the meeting was discussed a key important issues between the two countries. The Turkish counsular underlined how Turkish government is committed to Stan beside to somaliland and to contribute the ongoing developments specially social services such as education and health Ali Niyon also emphasized that Turkish airlines will start direct flight to somaliland, and all these interests will exacute soon on Turkish development agency TIKA The minister is accompanied by the vice minister Liban Yousuf Osma MOFA
  12. By Ahmed Abdi Somaliland’s electricity supplier says that it is cutting power bills from its customers in Gabiley on Thursday. The Somaliland Electric Company (Sompower) which is a member of Somaliland electric association contributes 60% of Somaliland’s electricity. Sompower says that it has proposed a way to cope with high power prices throughout Somaliland. The government issued decree to deal with the inflation and lower price energy will help the people of Somaliland.
  13. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyaaday xalay Dalka Ingeriiska Gaar ahaan Magaalada London. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dawladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbweynaha Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid. Dhinaca kale marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuumka marlabaad Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Guud ahaan shacabka Puntland.
  14. Buuqa siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hada gaaray meshii ugu saraysay. Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaan heysan tiradii ay ku ridi lahaayeen Gudoomiye Jawaari, taasina waa mida isjiidjiidka keentay iyo iney fooda galin waayaan Baarlamaanka maadaama aysan heysan Tiradii sharciga ahayd. Kulamadii maanta dhici lahaa ayaa gabi ahaan baaqday sababtoo ah waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanada fooda isdaraan oo ay dagaalamaan waayo kooxda Mooshinka wadaa waxay doonayeen in kulanka maanta uu ajanduhu ahaado Mooshinka lafa keenay Gudoomiyaha isla markaasna uu shir gudoonsho Gudoomiye Xogeenka Kowaad maadaama dacwo ka taal Gudoomiyaha, laakiin Gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisu way diideen in taas ay dhacdo. Dadaalo tan iyo shalay socday ayaa la isla gartay in la baajiyo kulamadii maanta dhici lahaa ka dib markiib Madaxweyne Farmaajo soo jeediyey in maanta uusan wax kulan ahi dhicin. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhawayd la hadlay saxaafada ayaa cadeeyey in kulamadii maanta ay baaqdeen. Puntlandi Muqdisho
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta kadib markii la hakiyay kulanka baarlamaanka ee maanta lagu madalsanaa. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in la hakiyo kulanka maanta, waxa uuna sheegay in hakinta ay ka danbeysay kadib markii leysla arkay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin kala duwan. Guddoomiye Jawaari, waxa uu sheegay in isaga iyo ku-xigeenadiisa ay kulan khaasa la qaaten Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay go’aan ku gaareen in xalka khilaafka uu ku jiro in la hakiyo kulanka maanta. Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jawaari in ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo, waxa uuna cadeeyay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin amni darro. Waxa uu intaa ku daray Jawaari in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo sheegay in mushkilada jirta ay tahay isfahan’darro soo kala dhexgashay madaxda. Haddalka Jawaari, ayaa kusoo beegmaaya xili uu Madaxweyne Farmaajo uu Guddoonka baarlamaanka ka dalbaday in la baajiyo kulanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Baarlamaanka oo goordhow Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay baaqashada Kulankii Mooshinkiisa lagu soo bandhigi lahaa. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in arintaasi ay tahay codsi ay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo islamarkaasina uu ka aqbalay in la baajiyo kulankaasi. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulan dhexmaray isaga iyo labadiisa ku xigeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaan la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka anaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ” ayuu yiri Jawaari. Waxaa maanta hakad uu ku yimid kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in codka kalsoonida loogu qaado Guddoomiye Jawaari codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo lamana oga halka xaaladaan ay ku dambeeyn doonto. Hoos ka Daawo Video-ka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Jawaari.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyay sababta loo hakiyay kulankii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari ee khilaafka badan dhaliyay. Booorsaani, ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa ee dalka ay dhaliilsanayaan dhibta ka dhalankarta Mooshinka, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in xili hore laga waantoobo Mooshinka iyo Khilaafka xiligaan taagan. Boorsaani ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka Somalia, kaas oo curyaamiyey howlihii dowladda, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu hakat galay shaqooyinka dowlada. Boorsaani khilaafkaan ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabay baarlamaanka Somalia basle aysan wanaagsaneyn in dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ay wax xun ku soo dhacaan,taasina suurtagal aheyn in horay loo socdo. Boorsaani ayaa intaa ku daray hadalkiisa in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay aad uga walwalsan yihiin sida ay wax u socdaan, waxa uuna ku baaqay in la dhammaan xal laga gaaro Mooshinka. Madaxda ugu sareysa dalka ayuu ugu baaqay in xal kama danbeyn ah ay ka gaaran Mooshinka iyo Khilaafka, waxa uuna carab ***** in Mooshinka uu dalka dib ugu celin doono burbur. Sidoo kale, Somalia ayuu sheegay in xiligaan aysan u wanaagsaneen Khilaaf iyo Mooshin soo laalaabta, waxa uuna ku baaqay in la raadiyo xalka. Haddalka Boorsaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleystay hakinta kulanka maanta oo laga cabsi qabay inuu ka dhasho gacan ka hadal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha shacabka. Kulanka oo ahaa mid xiisa gaara lahaa ayaa waxaa diirada lagu saaray sida lagu hakin lahaa kulanka maanta ay ku madalsanaayen Xildhibaanada, waxa uuna soo jeediyay Madaxweynaha in lagu raaco hakinta. Madaxweyne Farmaajo, waxa uu guddoonka Golaha Shacabka u sheegay inaanu suuragal aheyn in iyagoo ay fiirsanayaan malaayiin shacab ah, ay hadana u dhaqmaan si ay ka muuqato mas’uul dari. Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Guddoonka u sheegay in Villa Somalia ay dhibsaneyso Khilaafka ceynkaan ah, waxa uuna cadeeyay in ahmiyada koowaad ay mudan tahay in la saaro xalinta Khilaafka. Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo. ‘’Ma fiirsan karno in lagu dul murmo sharciga dalka, waxaan qabaa in xalka laga dhex raadiyo dhexdiina, waayo ma dhaceyso in khilaaf dhexdeena ah ay xaliyaan saaxiibada caalamka’’ Madaxweynuhu waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay. Sidoo kale, kulanka Madaxweynaha uu la qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare. Geesta kale, kulamo gaargaar ah ayaa waxa uu maanta ka socdaa Xarunta Villa Somalia, waxaana la filayaa in mar kale xal loo raadiyo khilaafka ka dhashay Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka ee loo ballansanaa maanta,kadib soo jeedin ku timid madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo. Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajinka Saaraan. Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, sababta loo hakiyay ayaa la sheegay inay tahay cabsi laga qabay in halkaa uu ka dhaco isku dhac iyo dagaal dhexmara Xildhibaanada iyo ciidamada Xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, C/nuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka Somalia ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid madaxweynaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex billowda baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen. Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex billaabatay golaha shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo fara-geliyay xaalada cirka isku shareertay., kaddib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka. Sidoo kale, Labada dhinac ee iska soo hor-jeeda ayaa labo ajande oo kala gaar ahaa ku balansanaa kulanka maanta, taasoo xaaladda ka dhigtay mid cakirnaanta, isla markaana hawada la isku mariyo hanjabaado kulul oo midba midka kale uu ku difaacayo ajandahiisa. Xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa iyagu ku adkeysanayay in kulanka maanta ee Sabtida looga doodo kulanka baarlamaanka, halka xildhibaanada ka soo horjeeda oo qaba in Mooshinka uu jabay ajandahooda ahaa in looga doodo kulanka arrinta Beledxaawo ee darbiga Kenya ka dhiseyso. Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Jawaari oo xalay uu saxaafadda u akhriyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad, Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu gabay xilkii ka saarnaa ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka, waxaana si toos ah ay u sheegeen in Madaxweynuhu ku lug yeeshay khilaafka taagan oo dhinaca Xukuumadda la saftay. Ugu dmabeyn, Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan, iyadoo ciidamo Boolis ah ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post DEG-DEG: Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay kulankii Baarlamanka Somalia ee Maanta loo ballansanaa appeared first on Puntland Post.
  21. Rome, March 30 - A Somali man wrongfully convicted in the Mogadishu murder of RAI reporter Ilaria Alpi and her cameraman Milan Hrovatin on Friday got three million euros in compensation for his almost 17 years in jail. Source: Hiiraan Online
  22. Rome, March 30 - A Somali man wrongfully convicted in the Mogadishu murder of RAI reporter Ilaria Alpi and her cameraman Milan Hrovatin on Friday got three million euros in compensation for his almost 17 years in jail. Source: Hiiraan Online
  23. Jennie Olafson vividly remembers descending into Los Angeles as a child, seated in the plane’s cockpit next to her pilot father. Source: Hiiraan Online
  24. Maalintii talaadada ahayd ee March 27, 2018, markii ay golaha Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) ee dalka Itoobiya ay ku dhawaaqeen Abiy Axmed Cali Cumar DHera inay u doorteen gudoomiyaha xizbiga iyo waliba inuu yahay ra’iisal wazaaraha dalka ayaa mar keliya magaallada Addis Ababa xiisadihii mudaaharaadka ee ka aloosnaa waxay isu bedeleen heeso, qoob-ka-cayaar, iyo jidadka laysugu hambalyeeyo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamanka dalkaas codkiisa siiyo si aan shaki ku jirin. Sida muuqata Abiy Axmed ayaa in la soo magacaabo waxaa sabab u ahaa bannaan baxyo muddo 3 sano dalka ka socday oo ay qoomiyadda Oromada ah kaga cabanaysay in si bareer ah looga faquuqay wax ku lahaanshaha talada dalka, banaan baxyadaas ayaa dowladda Itoobiya ku qasbay inay labo jeer ku xaalad degdeg inuu dalka ku jiro. Abiy ayaa ka soo baxay kulano adkaa oo socday muddo bil iyo labo toddobaad ah ka dib markuu si lama filaan ah isu cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Guusha Abiy ayaa timid ka dib markii uu tartanka ka haray Demeke Mekonnen oo isagu ka soo jeeday DHaqdhaqaaqa Wadaniga Diimuqraadiga ee Amxaarad, waxaa asguna uu noqday guddoomiye ku xigeenka, isla markaasna tanaazulka uu sameeyay ayaa lagu macnayn karaa inuu horseedayo inuu samaysmo is-bahaysi dhex mara labada qabiil ee ugu waaweeyn dalkaas ee Amxaarada iyo Oromada. Sida laga war qabo, Abiy ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee Oromo ama Muslim ah ee taariikhda casriga hoggaamiya dalka Itoobiya, waxaana talada u dhiibay xizbiga EPRDF ee talada dalka ka qaaday nidaamkii Derge ahaa ee Mengistu Xaylemariam, xizbigan ayaa waxaa isugu tegay oo ku midoobay Oromada 34.4% tirada dadka Itoobiya, Amxaarrada 27%, Tigray 6.1%, iyo qabiilo ilaa 40 qabiil gaaraya oo laysku yiraahdo Qaarumaha Koonfurta, iyoWadaniyiinta Dadka ee Gobolka (The Southern Nations, Nationalities and People’s Region) oo uu ku jiro qabiilka Wolayta oo uu u dhashay ra’iisal wazaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxaa isna sidaas oo kale qaarumaha konfurta ka soo jeeda Waziirka Gaashaan-DHigga dalkaas Siraj Fegesa. Abiy Axmed; waa Obamaha Itoobiya!!…. Marka ay timaado arrimaha iyo xaaladaha guud ee uu dalka Itoobiya ku suganyahay xagga siyaasadda ma jiraan wax weyn oo la filayo inuu bedelo Abiy Axmed siiba dhanka arrimaha dibadda, hasa yeeshee siyaasadda gudaha iyo inuu dejiyo xiisadaha dalka ka jiray oo ah sababta u weyn ee loo doortay ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto, waxaana in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay indhaha ku hayaan waxa uu ka yeelo ama go’aanka uu ka qaato maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda ugu xiran dalkaas. Waxaa kaloo iyadana laga sugayaa wax ka qabashada xiisadda ka dhex aloosan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada, iyadoo waliba shacabka is-maamulka Soomaalida Itoobiya si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Abiy Axmed una haysta inuu yahay nin sumcad wanaagsan leh oo kasban kara kalsoonida labada shacab. DHanka kale ra’iisal wazaaraha cusub in kasta oo loo doortay guddoomiyaha xizbigiisa EPRDF-ta isla markaasna uu yahay ra’iisal wazaaraha dalka hadana waxay dad badan rumaysanyihiin in arrimaha amniga iyo ciidammada ay adkaanayso inuu si buuxdo u maamulo. In kastoo uu Abiy leeyahay waayo aragnimo xagga ciidanka la xiriirta oo uu gaaray darajada Gaashaanle DHexe (Lieutenant colonel ) haddana si dhib yar oo uu u madax bannaanyahay uma hanan doono arrimaha amniga iyo ciidammada, waxaana laga sugayaa siduu wax uga bedeli lahaa siyaasadda 30 jirka ku dhow ee xukuumaddii Tigreega laga dhaxlay, waxaana intaas u dheer oo aysan dad badan rumaysnayn inuu wax badan ka qaban karo tabashada faraha badan ee Qoomiyadda Oromada ah ee uu ka soo jeedo isaga laf ahaantiisa, kuwaasoo tabanaya dulmi dhinac kasta ah oo sida mararka qaarkood la sheego la bilowday taariikhda dheer ee dalka iyo dowladnimmada Itoobiya, waana sababta ugu muhiimsanayd ee uu ku salaynaa kacdoonkii seddexda sano socday ee uu isku cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee Xaylemaryama Deseliin (Hailemariam Desalegn). Siyaasaddiisa Soomaaliya! Fursadda uu ku soo baxay Abiy Axmed ee uu ku noqday ra’iisal wazaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay fursad ku timid in laysku badbaadiyo oo keliya, waxaana muuqday oo xizbiga EPRDF-ta u muuqday inay arrimuhu ku sii siqiyaan dhanka halista, sidaas daraadeedna tallaabada keliya ee furana ay tahay in maanta Abiy Axmed la qaato, taasi waxay ku tusaysaa dirqiga ay fursadani ku suuro gashay iyo sida ay u yartahay inay mar labaad soo noqoto!….waxaana guud ahaan dabeecadda uu ku soo baxay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay shabbahdaa middii uu ku soo baxay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka Brack Obama ama uu ku soo bixi kar qofka African American-ka ah si madax-weyne uga noqdo dalka Maraykanka! Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu tilmaamay nin siyaasad qabow oo deggan ku hoggaamin doona siyaasadda dalka. Abiy Axmed, lagama filiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabihii horay u soo socday ee xukuumaddii ka horeysay ay waday, sida heshiiska dekedda Berbera ee ay wada saxiixdeen shirkadda DP World ee Midowga Immaardaha Carabta!….Waxaana arrimaha Soomaaliya fahamka uu ka qabo mar kasta uu ku xirnaanayaa hadba sida ay ugu qeexaan dalalka ay markii horaba Itoobiya taladooda ku soo gashay Soomaaliya, waxaana sidaasoo kale qayb badan oo saamayn ah ku yeelanaya dalalka Gacanka Carabta, iyo dalalka kale ee dan wadaagta ay ku yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Kenya. Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Xulashada Abiy Axmed Waxay ahayd tallaabbada keliya ee u furnayd EPRDF-ta appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraaal la xiriir xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka Jawaari, kaasi oo uu baaq ugu diray madaxda hay’adaha dowladda. Halkan hoose ka akhriso Baaqa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh:- Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka. Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda. Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin: 1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo. 2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida. Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa: 1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH. 2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn. Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo. Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN. Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo.