Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imaanaya Xafiiska R’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, waxaa baaritaan lagu hayaa warqado uu horay u saxiixay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/Rashiid Cali. Wararka aanu heleyno waxa ay tibaaxayaan inay jiraan Heshiisyo gaara oo ay gashay Xukuumadii uu hogaaminaayay Cumar C/Rashiid, balse aan keydka warqadaha Heshiisyada aan lagu xareyn. Heshiisyada sida hoose loo baarayo ayaa waxaa kamid ah Heshiiska Dekadda Berbera oo la xaqiijiyay in Cumar C/rashiid uusan xiligaa Xukuumada ka danbeysay u reebin cadeymaha Heshiiska. Waxaa jira Heshiisyo kale oo Cumar C/rashiid la galay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwaa oo xiliga dhicitaankiisa laga saaray Keydka Heshiisyada ay Xukuumadii hore la gashay dowladaha saaxiibada ah. Heshiisyada ay ku wareersan tahay Xukuumada hadda jirta ee uu Hoggaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah Heshiisyo dhacay bishii ugu danbeysay ee xiliga kala guurka, isla markaana ay dowlada aheyd mid isku diyaarineysay doorashada. Xukuumada Somalia ayaa baaritaanka hadda socda la kaashaneysa Wasiiro iyo Xildhibaano hore oo xiligaa aad ugu dhawaa Ex Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid. Xukuumada Somalia ayaa iminka wada qorsho ay dib ugu cusbooneysiineyso Heshiisyadii ay gashay Xukuumadii hore si loo helo Heshiisyo tixraac ah. Ma cadda in Xukuumada Somalia ay ku guuleysan doonto baaritaanka ay iminka ku heyso warqadaha maqan ee uu Heshiiska ku galay Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Jen. Gordan ee ku taalla Degmada Hodan, kuwaasoo uu tababaray Imaaraadka Carabta. Ciidamadaan oo tiradoodu tahay 270-askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kummaanoos ee Imaaraadka uu tababaray ayaa gaadiidka waa weyn looga daabulay Xerada, waxaana iyadoo la galbinayo xarunta Wasaaradda Difaaca Somalia loogu geeyay Madaxweyne Farmaajo. Kulanka dhinacyadan dhexmaray oo qaatay wax ka badan saddex saac ayaa wuxuu khuseeyay xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Jeneral Gordan, gaar ahaan is-rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa marka hore ciidamadan u sheegay inaysan jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wax Alla iyo dhacay horeyna looga socdo. “Waad mahadsan tihiin marka hore, waxaan idinkaga mahad-celinayaa inaad aqbasheen wicitaankeyga, wixii dhacay wayba dhaceen, mana ahan wax ku cusub ciidamada, waxaanan idin sheegayaa inaysan jirin cid wax loo heyso, khasaare waxaa inagu filan intii ku dhimatay iska-hor-imaadka, mana rabno in sidaas oo kale ay mar kale dhacdo, waxaad sameyseen wixii ciidan looga baahnaa oo ah inaad is-difaacdaan,” ayuu Farmaajo u sheegay ciidamadaan. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa ciidamadaan u sheegay inay gaarsiiyaan ciidammada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo. “Aniga ayaa maanta ugu sarreeya Somalia, waxaan kaloo ahay taliyaha ugu sareeya ciidanka, waxaan idin balan qaadayaa inaad bil walba heli doontaan xuquuqdiina, Ciidamada maqan gaarsiiya fariinteyda dib ha ugu soo laabtaan xerada, arrintan saraakiishiina ayaan kala hadli doonaan oo aan kula xisaabtami doonaa,” hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn, Xerada Jen. Gordan oo amaankeeda guud ay la wareegeen Ciidamada DANAB ee ka tirsan Kummaandooska Soomaaliya, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aanay jirin cid gudaha u galeysay ama ka baxeysay, balse hada dib ayaa looga qaaday xayiraada, waxaana soo laabanaya Ciidamadii ku kala firxaday iska hor imaadkii dhacay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay ciidankii ay tababartay Dowladda Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  3. Kooxda Liverpool ayaa xalay guul weyn ka gaartay kooxda reer Talyaaani ee Roma oo marti u ahayd, kulan ka tirsanaa lugta hore ee afar dhammaadka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay ugu awood sheegatay 5-2. Mahamed Salah dhaliyaha reer Masar ayaa labo kamid ah goolasha Liverbool dhaliyay halka uu labo kale caawiye ka ahaa, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa saddexda gool oo kale dhaliyay. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qaladkii ugu waynaa sameeyay daqiiqadii 75-aad markii uu ciyaarta ka saaray Mohamed Salah oo ay ku mashquul sanayeen difaacyada Roma, waxaan markaas kadib Roma la timd labo oo ay kala dhaliyeen Edin Dzeko iyo Diego Perotti dhammaadkii ciyaarta. Roma ayaa hadda qabta rajadii wareegii hore ee tartankan oo ay Barcelona 4-1 kaga badisay lugtii hore, balse markii Talyaaniga lagu loogu yimid 3-0 ku badisay, sidaasna ugu soo baxday weraagan afar dhammadka, waxaana hadda laga rabaa hadii ay rabto in ay u soo baxdo ugu danbeynta tartankan in ay sameeyso wacdarihii oo kale. Lugta labaad ee tartankan ayaa la ciyaari doonaa labada bisha soo socota ee May, waxaana labada kooxood tii soo baxadaa ay ugu danbeynta (Final) la ciyaari doontaa Real Madrid iyo Bayer Munich midkood oo caawa lugta hore wada ciyaari doona. Mahamed Salah oo sanadkan aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta ayaa dhaliyay 43 gool tan iyo markii uu sanadkii hore ka soo wareegay Roma, 10 kamid goolashaas waxa uu ka dhaliyay tartankan Champions League-ga . Salah ayaa jabiyay rikoorka Afrikaanka ugu goolasha badan hal xili ciyaareed tartankan, waxaana horey u heystay Samuel Eto’o oo dhaliyay 9 gool. PUNTLAND POST. Garowe The post Liverpool oo guul ka gaartay Roma tartanka kooxaha Yurub iyo M. Salah oo wacdaro dhigay appeared first on Puntland Post.
  4. Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa ka jiray maalmihii u danbeeyey shidaal yari aad u weyn, waxayna tani sababtay inuu si aada kor ugu kaco shidaalku. Qaar kamida dadka ka ganacsada shidaalka oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST waxay sheegeen in shidaal yarida iyo sare u kaca ku yimi shidaalka ay sii weheliso shidaal tayadiisu aad u liidato oo magaalada soo galay, waxayna sheegeen in qaar kamida kaalmaha iibiya shidaalka ay joojiyeen maadama aan la hubin tayadiisa, uuna khatar u keeni karo gawaarida isticmaasha. Maalma kahor halkii litir oo shidaalka batroolka ah wuxuu magaalada ka maraayey 0.75$ halka uu maanta ka maraayo hal dollar, waxaana arintan cabasho xoogan ka muujiyey gaadiidleyda siiba kuwooda nolol maalmeedka ka raadiya waxayna sheegeen inaysan is bixinayn waxay ka helaanba daaye. Gaadiidleyda ayaa sheegay in Puntland horayba shidaalka laga isticmaalo uu ahaa mid tayadiisu liidato aadna u qaali ah aysana sii xamili karin xaaladahan cusub ee soo siyaaday, waxayna ugu baaqeen ganacsatada iyo Dawladu inay arimahan wax ka qabtaan una turaan dadkooda. PUNTLAND POST The post Shidaalka oo si aada kor ugu kacay Magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.
  5. I’m tired of saying, “Be careful, it’s speculative.” Then, “Be careful, it’s gambling.” Then, “Be careful, it’s a bubble.” Okay, I’ll say it: Bitcoin is a scam. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa kulan saacado badan qaatay xarunta Wasaarada Gaashandhiga kula yeeshay Saraakiisha iyo ciidamada ay tababareen Imaaraadka oo ay la wareegtay dowlada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay dhinacyo badan oo ay kamid tahay sugida amniga iyo in dalka uu yahay mid ay iyagu leeyihiin difaaciisana laga sugaayo. Madaxweynaha waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada oo dhamaa ilaa 270 Askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kuwa Kummaanooska lugta u sheegay inay ka tirsan yihiin Wasaarada Gaashandhiga Somalia, maadaama uu soo dhamaaday mashruuca Imaaraadka. Madaxweynaha ayaa hadaladiisa diirada ku saray xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Gen. Gordan, gaar ahaan is rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in dowlada Federaalka iyo ciidamadeeda ay mas’uuliyad ka saran tahay difaaca dalka, isla markaana aanu jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wixii dhacay, horeyna looga sii socdo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidankan u sheegay in ay gaarsiiyaan Ciidamada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Saraakiisha iyo ciidamada u cadeeyay in dowladu ay dhowreyso sharciga wixii ka baxsana aysan u dulqaadan doonin, isagoo ka digay in Hubka Qaranka loo adeegsado shacabka iyo ciidamada Qaranka. ‘’Wixii sharci ah kama xishoon doono mana aqbali doono falal amni daro iyo is rasaaseyn, waxaan dalbanayaa inaanu mar kale soo noqon wixii horay u dhacay’’ Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada u ballanqaaday bixinta xuquuqdooda, waxa uuna carab ***** in dowlada Somalia ay ku filan tahay ciidamadeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. BELEDWEYNE (HOL) - More than 9,000 people have been displaced following floods in Beledweyne town of Hiiraan region after River burst its banks. Source: Hiiraan Online
  8. More than 9,000 people have been displaced following floods in Beledweyne town of Hiiraan region after River burst its banks. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey uu dib shaqada ugu fasaxay xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux. Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa waxaa horay shaqo joojin ugu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdiwali Muudeey. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka ayaa shaqo ka fadhiisinta xoghayaha ku micneeyay inuu ka talaabay xadka shaqooyinkiisa, sidaana uu xiligaa ku muteystay shaqo ka joojin. Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye muudeey, isla markaana la ogeeysiiyey dhammaan hay’adaha dowladda iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa Shaqadii loogu fasaxay xoghaye Buux. Warqada ayaa waxaa sidoo kale Wasaarada Maaliyada iyo Bankiga dhexe ayaa waxaa looga codsaday in ay fasaxaan kharashaadkii golaha ee hakadka galay bilihii febaury, Maarso iyo Apriil. Sidoo kale, Buux, ayaa looga digay inuu ka weecdo xadka howshiisa iyo inuu ku garabnoqdo dhinacyo isku haya shaqooyinka baarlamaanka dalka. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili baarlamaanka Somalia uu galay qalalaaso shaqo, waxaana iminka muuqaneysa in laga gudbay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. WARSAW - Ethiopia is not yet ready for foreign investments in its telecoms and banking sectors, but is interested in developing its manufacturing, Ethiopian President Mulatu Teshome Wirtu said on Tuesday. The country, which has one of the last state telecoms monopolies on the continent, has let foreign companies including fashion chain H&M set up factories in a decade-long push to change the economic focus from agriculture to manufacturing. “Ethiopia is not ready yet for accepting investments in telecoms and finance,” Mulatu said during a joint news conference with his Polish counterpart Andrzej Duda. “Our priority is manufacturing sector. Ethiopia opens door broadly for investments in manufacturing sectors such as textiles, skin products, pharmaceuticals, food processing, and agriculture,” Mulatu said.
  11. Two fighter jets took off and roared over the Djibouti-Ambouli International Airport, a sprawling complex in this tiny African nation that is quickly becoming a strategic military and shipping outpost for the world. Not far away, a massive U.S. flag waved over transport planes parked in front of America’s only permanent military base in Africa, Camp Lemonnier, home to about 4,000 personnel. Djibouti, an arid Horn of Africa nation with less than 1 million inhabitants, also has become a military outpost for China, France, Italy and Japan, with that nation’s first overseas base since World War II. Other powers including Saudi Arabia have expressed interest in the key location across the Bab el-Mandeb strait from the Arabian Peninsula and on one of the world’s busiest shipping corridors. On the chaotic streets of what has been called the “Singapore of Africa,” the jostling between the United States and China for influence is plainly seen. Before his firing by President Donald Trump, then-Secretary of State Rex Tillerson made a point of stopping in Djibouti on his Africa visit last month and noting its importance in the fight against the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group in neighboring Somalia and the Islamic State group in the region at large. The U.S. carries out drone missions in Somalia and Yemen from Djibouti, but the military paused air operations last week after a jet crashed and a helicopter was damaged during a landing. China’s first overseas military base, which was manned last year, is just a few miles from the U.S. one. The head of the U.S. Africa Command, Gen. Thomas Waldhauser, earlier this year predicted that “there will be more.” China’s economic interest is strong as well, with Djibouti borrowing up to $957 million from the Export-Import Bank of China to finance several projects in recent years, according to the China Africa Research Initiative at Johns Hopkins University. The Chinese built a new electrified rail line that links the capital of neighboring Ethiopia, Africa’s second most populous country and one of its strongest economies, with Djibouti as the nation aims to become a global shipping power. “We sit on two of the busiest shipping lanes in the world. We are servicing the wider region, including some of the world’s fastest-growing economies,” the chairman of the Djibouti Ports and Free Zones Authority, Aboubaker Omar Hadi, said in an interview during a recent visit by The Associated Press. He called Djibouti, a largely Muslim nation, a model of stability in an otherwise volatile region. It is also one of the world’s fastest-growing economies, with the World Bank projecting 7 percent growth this year. The country made headlines earlier this year when it seized control of a container terminal run by the Dubai-based DP World, one of the world’s largest port operators, in a long-running legal dispute. If China takes over the terminal’s operations, the effects on supplying the U.S. military base could be “significant,” the U.S. Africa Command chief has warned. That will not happen, Hadi’s office said: “Djibouti has no plan to give Doraleh Container Port to China.” It is now managed by a fully state-owned company controlled by the ports authority, it added. Djibouti is currently investing $15 billion in local infrastructure projects that connect the region to global trade routes, including the expansion of ports, improved road and rail links and new airports, according to official figures provided to AP. The country’s ports now have a total handling capacity of 18 million tons per year, officials said, and the new Doraleh Multipurpose Port, a $590 million joint project between the ports authority and China Merchants Port Holdings opened in May last year, is already working at full capacity. It is a separate entity from the Doraleh Container Port. Now officials are pursuing a new project called the Djibouti International Free Trade Zone, expected to be the largest of its kind in Africa. “Once complete it will span an area of 4,800 hectares (11,860 acres), following a total investment of more than $3.5 billion,” the ports authority chairman said. The first phase is expected to be complete by the end of the year. Officials hope the ambitious infrastructure projects will not only raise Djibouti’s global image but also help it pay off significant debts. During Tillerson’s visit, Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf acknowledged that Djibouti’s debt totals roughly 84 percent of its GDP, most of it to China. “The burden of debt is there, we are aware of it,” he said. “But let me tell you that it is so far manageable.” One sign of investor confidence is whether China’s commercial banks begin lending to Djibouti as well, said Jyhjong Hwang, senior research assistant at the China-Africa Research Initiative. Djibouti’s officials anticipate that the demand for their ports will grow as more African nations expand their economies. They also dismissed concerns about a recent deal by DP World, Ethiopia and Somalia’s semi-autonomous region of Somaliland to develop and manage the Port of Berbera there, seen by some as another reason for Djibouti’s seizure of the container terminal from DP World. “Competition will make the region more attractive. East Africa’s economies are growing fast, and there is a clear demand for Djibouti’s infrastructure to support this growth,” the ports authority chairman said. Djibouti’s residents said local business is booming as a result of the growing international military and shipping interest, despite the country’s unemployment rate of nearly 40 percent, and construction sites and new roads dotted the city. Economic growth has attracted entrepreneurs from India, Yemen, Gulf nations and elsewhere. “Our company provides a fleet of cars for the army bases and we are really benefiting from it,” said Nour Omar, one of Djibouti’s best-known businessmen and general manager of local import and distribution business BSH Holding. “We aim to expand our services following their demand.”
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan Heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad shisheeye, taasi oo fadhigeedu yahay islamarkaana ka diiwaangashan dalka Imaaraadka Carabta. Shirkaddan oo lagu magacaabo SKA International ayaa kula heshiisay Wasaaradda Gaashaandhigga inay ka taageerto gaarsiinta Sahayda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan goobaha Al Shabaab laga saarey. Heshiiskan ayaa dhinac SKA ku waajibinaya inay bixiso dhamaan qalab ay ku jiraan gaadiid ku shaqeyn karo xaalad walba iyo shaqaalaha saadka gaarsiinaya goobaha loogu tala galay ee Ciidanka uu joogo. Waxaa ku jira Heshiiska qodob xambaarsan waxa loogu yeeray ujeedooyinka ganacsi, kuwaasi oo aan wali fahfaahin laga bixin. SKA ayaa sidoo kale heshiiska ku qasbayaa inay shidaal ku dhubto gaadiidka daabulaya saadka iyo inay bixiyo gunnooyinka iyo raashiinka Ciidamada ka ilaalinaya baabuurta Kolonyada weerarada Al-Shabaab. Dhinaca Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu Heshiiskan ku waajibinayaa qodobo ay kamid yihiin inay bixiso kaalmo toos ah oo isagu jira ilaalada hubaysan ee galbinaya Gaadiidka sahayda qaadaya ee SKA. Ciidamada ayaa sidoo kale laga doonayaa inay ilaaliyaan amaanka shaqaalaha iyo Gaadiidka SKA oo khatar ugu jira weerarada Al Shabaab xilliga ay ku safarayaan wadooyinka isku xira gobollada dalka. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod] ayaa xaqiijiyay saxiixa heshiiskan, isagoo sheegay in wax dhaqaale ah aan Wasaaradda difaaca uga baxeynin shaqada SKA. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, oo mas’uul xafiiska iibka iyo qandaraaska dowladda, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiskan ay wasaaradda difaaca iyo SKA kala saxiixdeen, sidaasi darteedna uu yahay waxbka kama jiraan. SKA International, oo asal ahaan laga leeyahay Mareykanka ayaa mudo sanado ah soo maamushay Garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli dalka ay ka talinaysay dowladda KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Dalka Mareykanka ayaa sheegay in tirada Ciidamada u dagaallama Al-shabaab ay gaarayaan 4,000 ilaa 6,000 oo askari. Waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in Al-shabaab ay ka midyihiin Ururrada ugu waaweyn Caalamka ee ka farcama Al Qaacidda. Waxaa ay sheegeen in Alqaaciddada Afrika ay sii kordhayaan marka loo eego Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyiga iyo galbeedka Afrika. Waxaa ay sheegayaan in 4,000-6,000 oo Askarta Al-shabaab ah ay aad ugu howlgalaan Soomaaliya kuwaas oo caqabad ku ah amniga meelo badan oo ka mid ah Bariga Afrika. Ururka Daacish ayey warbixintu sheegtay in ay tiro ahaan aad u yaryihiin, waxaana lagu sheegay 75 ilaa 80 Askari oo kaliya, kuwaas oo ka dagaallama Buuraleyda Maamul Goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Dhinaca kale Warbixinta Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Alqaacidda qeybteeda Dalka Mali ay tiradoodu gaareyso 800 oo Askari, kuwaas oo iyaguna weerarro ku haya Ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey iyo dowladda uu caalamku taageersanyahay ee dalka Mali. Mareykanku waxaa uu warbixintiisa ku sheegay in dagaalyahannada Ururka Boko Haram ay gaarayaan 1,500 oo Askari halka Daacishta Galbeedka Afriak ay heysato Ciidan gaaraya 3,500.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay xadiday dhaqdhaqaaqa Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo iminka ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Dowlada Kenya ayaa talaabadaani qaaday kadib markii ciidamada amaanka dalkaasi ay is hortaag ku sameeyen Kulan looga hadli lahaa arrimaha Siyaasada oo loo qabtay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Dowlada ayaa la xaqiijiyay in Siyaasiga ay ku wargalisay inaanu qabankarin wax ku saabsan kulan Siyaasadeed, isla markaana ka hadli Karin kulamada khuseeya Siyaasada mudada uu joogo Kenya. Waxa ay dowlada Kenya Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur u cadeysay inuu dusha saran doono wixii caqabad ah ee ka imaada ka weecashada talaabooyinka loo xadiday, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay Siyaasiga, sida aan xogta ku heleyno. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in xitaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur la soo koobay kulamada uu la qaadanaayo saaxiibada adduunka ku sugan Kenya, iyadoo laga fogaanayo mugdi ku imaada xiriirka Dowladaha Somalia iyo Kenya. Sidoo kale, Talaabada lagu xadidaayo Siyaasiga ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aden Bare Ducale oo isagu horay u ballanqaaday in Kenya aysan saldhig u noqon doonin duulaanka Somalia, kadib markii magaalada Nairobi ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Ugu Danbeyn Du,ale ayaa ugu Baaqay asxaabta Siyaasadeed ee somalia in Gudaha somali ay ku Qabtaan Kualamada Ceynkani oo Kale ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowlada Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Bekar ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto is garabtaaga Somalia. Danjire Olgan Bekar, waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka fogaan doonto qaadista talaabo waliba oo aan maslaxad ugu jirin Somalia, waxa uuna carab ***** in Somalia ay ka go’an tahay inay ka ambaqaado halkii hore. Waxa uu Olgan Bekar cadeeyay in Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu u taagan yahay sida Somalia looga saari lahaa dhibaatooyinka yaryar ee muuqda, waxa uuna carab ***** in muddo kooban ay Somalia uga dhigi doonaan dal isku tashtay. Olgan Bekar, ayaa ballanqaaday ka dhabeynta Seddex qodob oo uu sheegay in Somalia ay walwal xoogan ka qabto waxa ayna kala yihiin: 1-In Siyaasada Turkiga aysan noqon mid waxyeeleysa danaha Qaranka Somalia. 2-Qaadista talaabo waliba oo Turkiga uu ku dhaqan galin doono rajada iyo baahiyaha ay qabaan Soomaalida. 3-In Siyaasadooda aysan noqon mid looga macaashayo Soomaalida, isla markaana ay ka dhabeynayaan hadafka Siyaasadeed, iyagoo aan lamid noqon doonin dalalka ka dana fushta Somalia. Sidoo kale, Danjire Olgan Bekar, waxa uu ballanqaaday in dowlada Turkiga ay diyaar u tahay buuxinta dhammaan boosaska ay faarujisay dowlada Imaaraadka Carabta, taa oo muujineysa in dowlada Erdogan ay ka go’an tahay is garabtaaga Somalia. Ballanqaadka Danjire Olgan Bekar ayaa imaanaya iyadoo ay wada kulmeen Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed oo ka shaqeynaaya sida lagu dardar galin lahaa howlaha Qaranka ee arrimaha dibadda khuseeya. Si kastaba ha ahaatee, Danjire Olgan Bekar ayaa Somalia uga digay inay kalsooni siiso dowladaha aanu danta ugu jirin Horumarka iyo xasiloonida Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si aada looga hadal hayaa doorashada la filaayo in 30-ka Bishan ka dhacdo magaalada Muqdisho. Doorashadan oo ay ku loolamayaan Xildhibaano dhowra oo doonaaya inay buuxiyaan Kursiga uu iska casilay Gudoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dadka ayaa ku kala aragti duwan hanaanka uu u socdo ololaha Doorashada, waxa ayna badi qabaan in ololahaani uu yahay mid ka qabow kuwii hore. Waxa ay qabaan dadku in qabowga ololaha uu yahay mid ay sababta Xukuumada Somalia, oo iyadu dhabarka ka riixeysa inta ugu badan Musharaxiinta oo ka tirsanaa isla xukuumada. Xukuumada Somalia ayaa loo arkaa inay dhabarka saaratay dhaqaalaha ku bixi doona Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso, kuwaa oo qaarkood isu sharaxaaya boos buuxisa taa oo ay tusaale kaaga filan tahay mudada diiwaan galinta oo aad u yareed. Dadka qaar ayaa qaba Xildhibaanada Mucaaradka qudhooda ay kaalin weyn ku leeyihiin ololaha socda balse Siyaasad gaara laga damacsan yahay aamusnaanta badan. Waxa ay qabaan in Musharaxiinta qaar ay ku jiraan kuwo markoodii hore ka imaaday dhanka Mucaaradka, hase ahaatee isku muuqaal ekeysiinaaya muxaafid. Aragtida ugu badan oo ay qabaan dadka ayaa ah in Xukuumada Somalia ay wadato shaqsiga la saadaalinaayo inuu noqon doono Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka. Shaqsiyaadka la rumeysan yahay in Xukuumadu ay ku bixineyso dhaqaalaha ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo iska casilay Wasaarada Gaashandhiga una taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ahaa Xildhibaanada riday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sidoo kale, Xukuumada Somalia ayaa iska fogeyneysa inay kaalin ku leedahay ololaha lagu soo saarayo Gudoomiyaha cusub, wallow inta badan dadku ay yihiin kuwo aan aaminsaneyn iska fogeynta Xukuumada. Si kastaba ha ahaatee, dadka oo idil ayaa qaba in sababta ay Xukuumada u riday Jawaari ay tahay inay la imaado Gudoomiye adeecsan dowlada Nabad iyo Nolol ee hadda jirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Lamaane aroos ahaa oo ku noolaa deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa u dhintay biriq ku dhacday habeen hore, kuwaasi oo meydkooda laga helay hoygii ay ka deganaayeen Caabudwaaq. Masiibadaan ayaa dadka deegaanka ka war heleen subaxnimadii Tallaadadan. iyadoo la sheegay in lamaanahaan ay hal todobaad wada noolaayeen oo ay aroos ahaayeen. Aabe Subeyr oo ah aabaha dhalay Faadumo Subeer Cabdi iyo seeygeeda oo la oran jiray Raage Maxamed Aadan ayuu ku sheegay in loo maleynayo in geeridooda ay sabab u tahay biriq soo dhacday oo xoolana ay ku dhinteen. Wuxuu sheegay Subeyr in gabadhiisa iyo seygeeda allaha u naxariistee ay wada joogeen hal todobaad kaliya, inkastoo uu xusay in meherkooda uu mar hore dhacay, balse ay wada noolaayeen todobaad kaliya.
  18. Siyaasi Buubaa Oo Si Adag Uga Hadlay Buugii Uu Qoray Wasiir Guri Barwaaqo Muuse Biixina Ugu Baaqay In Uu Talaabo Ka Qaado.
  19. The African Development Bank’s Deputy Director General for East Africa, Nnenna Nwabufo, represented the institution at the launch of the Say No to Famine – Short-Term Regional Emergency Response Project (STRERP) for Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. The Spanish navy launched its assault on pirates who had seized a fishing boat called the Gavi. Source: Hiiraan Online
  21. Beledweyne (HOL) - A trader from Beledweyne has turned down his appointment to hold a post in the infant Hirshabelle administration, citing a complete lack of consultation before his appointment. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - The Parliamentary Elections committee officially concluded the registration of candidates on Tuesday ahead of the election of the Lower House Speaker slated for 30th April. Source: Hiiraan Online
  23. Dowladda Puntland ayaa marti-gelinaysa shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo lagu casumay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Shirkaan ayaa sida qorshuhu yahay maalinta berri ah ka furmaya,caasimadda Puntland ee Garoowe,waxaana ka qeyb galaya Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirada Amniga maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya. Wasaaradda Amniga dowladda Puntland ee shirkaan marti-gelinaysa ayaa khibraddeeda la xiriirta sugidda amniga la wadaagaysa mas’uuliyiinta ka socda Koonfurta Soomaaliya,si loo xasiliyo Amniga Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay weli ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,islamarkaana ay ka socdaan dagaallo iyo qaraxyo joogta ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo marti-gelinaysa shir ku saabsan xasilinta Amniga Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.