Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. More than 35,000 needy people have benefited from Ramadan projects worth over QR1m which are being implemented by Jassim and Hamad Bin Jassim Charitable Foundation (HBJ Foundation) in cooperation with the Organization of Islamic Cooperation Humanitarian Funds (INSANIA) in five African countries. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay colaado uu sheegay in dhinacyo badan ay Somaliland uga furan yihiin. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tusaale usoo qaatay culeysyo ka jira deegaanka Ceel-Afweyn iyo dagaalka Tukaraq ee weli ka socda Gobolka Sool. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in xanuunka ugu badan uu kaga imaanayo dhanka Tukaraq waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland laga qasaayo magaalada Garoowe. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Garoowe ay saldhig u tahay dhibaato, waxa uuna cadeeyay in tan iyo markii ay isku darsameen Somalia ay sidaa dhibaato u shidi jirtay Puntland. Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu yiri ‘’Waxa na qasaaya waa Garoowe, waxa ay kasoo jeesteen Somalia oo 5 Madaxweyne ay u sameeyen oo xabaashii ay ku rideen ayey usoo jeesteen Somaliland’’ ‘’Puntland kuma ekaan doonto Tukaraq ee ilaa Kismaayo ayey is qabsan doontaa sidii Sagaashanka, anaga culimadeena wey na waaninayaan oo waxa ay naleeyihiin jooga, culimada Puntland waxa ay hubka u cabeynayaan ciidanka’’ ‘’Anagu waan ehbineynaa Puntland waxaanu leenahay naga jooga, haddii ay diidaan waxaan qaadsiineynaa seeftii cumar binu khadaab waxaanu tageynaa Garoowe’’
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa bishii May 24, 2018 ku dhawaaqay in xil ka qaadis iyo eryin lagu sameyn doono Guddoomiyihii ay Degmadiisu ka dhacaan falal amni darro. Ra’isul wasaare Kheyre xiligaa waxa uu goodintiisu intaa kusii daray in Guddoomiyayaasha Degmooyinka ay kula xisaabtami doonaan falalka sida Qaraxyada iyo Dilalka, waxa uuna Guddoomiyaha degmadiisa laga helo falalkaasi ku sifeeyay mid aan mudneyn inuu sii hayo xilka. Xiliga goodinta Ra’isul wasaare Kheyre oo ay kasoo wareegatay muddo badan, ayaa waxaa xili waliba Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhaca Qaraxyo kala ceyn ah iyo dilal bareera oo loo geysto dadka indhaha u ah dalka. Dilalka iyo Qaraxyada ugu badan ee dhacay tan iyo goodinta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u muuqday kuwo ay maleeshiyada al-Shabaab ku xumeyneysay Dowlada Somalia, hase ahaatee ma hirgalin hanjabaada uu Kheyre u jeediyay Guddoomiyayaasha. Qaraxyada iyo dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Howlwadaag, Dharkiinley, Wada jir, Boondheere, Waabari, Yaaqshiid iyo Kaaran oo gabi ahaantooda bisha Ramadaan marti galiyay falalka amni darro ee ugu badan. Xukuumada Somalia ayaa inta badan dhaqan galin digniinada ay ka horjeediso shacabka, waxa ayna taasi horseed u noqoneysaa inaan waxba laga soo qaadin caga jugleynta Dowlada. Sidoo kale, Gobolka Banaadir ayaan ku taagneyn caga wanaagsan maadaama ay kusii kordhayaan dilalka iyo Qaraxyada ay ka caagan yihiin Gobolada kale ee ka jira dalka. Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaan qudhiisa u muuqan mid u jilcan hagaajinta Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee kusoo dhamaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo dhammaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha Amaanka ee magaalada Baydhabo. Waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay ka dhabeyso dhaqan galinta shirka, hase ahaatee waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay in laga weecdo ama la dhaliilsado qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saaray shirka. Waxa uu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay ahmiyad u leedahay inay ku dhaqmaan qodobada shirka, waxa uuna cadeeyay in Maamulada ka jira dalka laga doonaayo inay xooga saran sida lagu dhaqan galin lahaa shirka. ‘’Cid waliba ayey mas’uuliyad ka saran tahay inay aqbasho qodobada, waxaa ahmiyad noo leh inaan u taagnaano ku dhaqanka qodobo waliba oo aan ku xariiqno gacanteena’’ Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inaanu jirin cabsi uu ka qabo in maamulada ka jira dalka ay ka weecdaan qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saray shirka Golaha Amaanka balse uu doonaayo inuu baraarujiyo dhinacyada qeybta ka ahaa shirka. Sidoo kale, waxa uu Farmaajo ku celcelshay in Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada iyo Madaxda ka hooseeysa lagula xisaabtami doono hanaanka loo dhaqan galinaayo heshiiska shirka Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay in dhaqan galinta qodobada ay kala shaqeeyan dowlada iyo maamulada maadaama intooda badan ay iyaga quseeyan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’ada IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 46 qof ay ku dhinteen dooni siday Tahriibayaal oo ka timid nawaaxiga Bosaaso ay ku degtay xeebaha dalka Yemen. Doonida oo macquul aheyd ayaa siday Muhaajiriin Ethiopia-n ah kuwaa oo ay la rogmatay doonida xili ay marayeen meel ku dhow xeebaha Yemen. Warbixin ay baahiyeen wakaladaha ayaa waxaa lagu sheegay in Doonidan ay waday dad gaaraya 100 qof oo Tahriibayaal ah. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wareysi lala yeeshay dadka ka badbaaday musiibadan ay sheegeen in weli la la’a yahay meydka dad gaaraya 16 qof oo ku maqan biyaha badda. Waxaa lagu jah wareersan yahay waxa ilaa hadda sababay shilka doonidan, waxaana warbixinta IOM lagu sheegay in bil walba ay tahriibayaal gaaraya 7000 oo ka yimid Ethiopia ay soo gaaraan dalka Yemen.
  6. Qaar ka mid ah culimadda Somaliland oo kulan magaalada Hargeysa kula qaatey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku garab istaagay Xukuumadda Hargeysa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib markey ku eedeeyeen Puntland inay soo weerartey dhulka Somaliland. Wadaad caana fariisin ku leh magaalada Boorame oo ka hadlay xafladda ayaa si gaar ah talooyin ku saabsan colaadda ka jirta Tukaraq usoo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku qanciyay in cid kasta ogtahay in looga gardaran yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Hadalka Shiikha ayaa noqonaya mid waji ka duwan leh habkii ay uga hadleen culimada Puntland colaadda u dhaxaysa labada maamul ee dariska oo hab dhexdhexaadnimo ay ku muujinayaan uga hadlay mar sii horeysay baaq ay u direen Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kale waxaa ka hadlay munaasabada saaxiibka dhaw ee Madaxweynaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaadey shacabka Garowe iyo culimo udiinka Puntland ka dib markii uu ku eedeeyay inay dagaalka Tukaraq kula safteen Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Daawo. Abshir Dhiirane. PUNTLAND POST The post Culimo kula saftey Somaliland dagaalka Tukaraq iyo Eedeyn loo jeediyay Culimada Punland appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti, waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo Gaaray Dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  8. The sports-crazed nation of Israel was in uproar Wednesday over Argentina's abrupt cancellation of a World Cup warmup match following pro-Palestinian protests, with some of the country's leaders accusing Lionel Messi and his teammates of caving to terrorism. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ka hadlay arrimaha xajka iyo lacagaha tirada badan ee Xujeyda Soomaaliyeed laga qaado iyo sida loo kala goosto. Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu sheegay in dadka doonaaya inay xajiyaan ay la darisaan dhibaatooyin badan, hase ahaatee ay meesha ka maqan tahay doodii labada Gole looga fadhiyay inay ka keenaan dhibaatada ay tabanayaan dadka xajka doonaaya. Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu si dadban u weeraray mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowlada iyo kuwa wakiilka uga ah dalka Sacuudiga. Qaar badan ayuu sheegay inay dhexda u fadhiyaan dhaqaalaha ay wataan Xujeyda, hase ahaatee waxaa caqabad ku ah kuwo kale oo kasoo horjeeda dhaqanka ceynkaasi ah. Arrin xaaran ah ayuu ku sheegay in la niyad jabiyo dadka doonaya inay xajiyaan, waxa uuna ku baaqay in dhibka laga dhaafo xujeyda. Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee ku shaqada leh howlaha Xajka ayuu ugu baaqay inay qaadan talaabo lagu badbaadinaayo hantida ay wataan xujeyda. HOOS KA DAAWO MUUSE SUUDI OO KA SHIFAYO ARRIMO BADAN
  10. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ka hadlay Qodobadii kasoo baxay shirkii golaha Amniga ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-gabeed. Axmed Madoobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo qodobadii kasoo baxay shirka loona baahan yahay in dhammaan madaxda Dowladdda iyo kuwa Dowlad-goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda. Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in la xoojiyo Qodobbada amniga iyo siyaasadda oo uu ku sheegay inay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka kasoo baxay. “Qodobbadii kasoo baxay shirkii Amniga ee Baydhabo lagu qabtay waxay u yihiin guul Soomaali oo dhan, waxaana ku talinayaa in laga shaqeeyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhanka kale, Axmed Madobe ayaa ku baaqay in laga wada-shaqeeyo sidii loo heli lahaa xasillooni siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay tahay tan ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay ka hir-gasho waddanka oo dhan. Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Baydabo ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo in doorashada dhacaysa sannadka 2020-ka ay noqoto mid qof iyo cod ah. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay, kaddib markii uu maanta dib ugu laabtay halkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay siduu Akro Qodobbadii kasoo baxay shirkii Amniga appeared first on Puntland Post.
  11. Al-Shabab, meaning the The Youth, is an armed group in Somalia. It launched operations in 2006 as a splinter group of the Islamic Courts Union, which has ceased to exist. Source: Hiiraan Online
  12. ETHIOPIA has announced it will fully accept a peace deal to see an end to its long-running border dispute with Eritrea after the government voted to accept the terms of the agreement. Following a lengthy meeting of its 36-member executive committee session yesterday, the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) accepted the outcome of the Algiers peace agreement brokered in 2000. The peace accord followed a two-year deadly border war which saw tens of thousands killed in fighting between the two countries. Both agreed to accept the outcome of the Eritrea-Ethiopia Boundary Commission established as part of the peace agreement as “final and binding.” However, then Ethiopian prime minister Meles Zanawi backtracked, leaving the countries on a war footing. The commission ruled in 2002 that the disputed town of Badme should be returned to Eritrea, but Ethiopia refused to withdraw its troops from contested areas, leading to accusations they were illegally occupying Eritrean territory. Ethiopia’s new Prime Minister Abiy Ahmed promised he would make peace with Eritrea which had refused to negotiate with Addis Ababa until it agreed to the border findings “unconditionally.” “The Eritrean government should take the same stand without any prerequisite and accept our call to bring back the long-lost peace of the two-brother nations as it was before,” an EPRDF government statement said. In another development the government announced It was opening up the state-run telecoms monopoly and Ethiopian airlines to the private sector in a bid to attract foreign investment. The ruling coalition said state-run companies, including “railways, sugar, industry, hotels and various manufacturing firms,” would be fully or partially privatised. Morning Star
  13. MOGADISHU—Somalia’s law makers called on Puntland to cease the hostilities it is fueling in the border regions with Somaliland. The MP’s have further suggested that the Somali authority must do all they can so as to diffuse the escalating tensions between Somalia and Somaliland. They said that using a barrel of gun would not end the war that broke out in Tuka Raq between Somaliland and Puntland. Somaliland leveled accusations against the Somalia authority of inciting the unrest in the region. The lawmakers from both houses in Somalia accused Puntland of waging the war under the pretext of ethnic kinship and claiming of territory which is not under its control and belonging to Somaliland in terms of geography and border demarcations which dates back to the colonial era. The MP’s have reiterated that the the greater Somalia came into being after the merging of Somaliland with Somalia in the 1960’s.
  14. The government of Somaliland has accepted the call by the international community concerning the war between Somaliland and Puntland in Tukaraq town. The international community had issued a stern warning to the Puntland militia to stop the constant attack on Somaliland. The minister of foreign affairs and international cooperation Mr.Sa’ad Ali Shire speaking to a local English daily newspaper the Horn Newspaper accused the Somalia sponsored Puntland administration for constant incursions into Somaliland territorial borders to initiate attack on Somaliland armed forces guarding her international borders. Addressing the international community Dr.Sa’ad stated “I urge the community of nations to exert pressure on Puntland and her sponsor Somalia to stop the naked interferences on Somaliland internal affairs. I call on the international community to urge Somalia to intervene so that Somalia quits her constant attacks and propagations of anarchy in Sool region of Somaliland.” Minister Sa’ad revealed that the people of Sool are thirsty and need development, hospitals, schools, jobs. Sool province is located in Somaliland and her people are Somalilanders. “Somalia should disengage from fueling fire in Somaliland. I send my congratulations to Somaliland armed forces for the spirited fight to defend their people and country from the invading Somalia/Puntland militias. This is an army that day a night loses sleep to defend their country and sovereignty. Speaking about the Tukaraq war Mr.Sa’ad “The war that has transpired is an insult to Somaliland because the country boundary is well known inherited from the British colonial masters. We did not create it. It was created by the British and the Italians; furthermore it is an international border just like the one Somalia has with Kenya and Ethiopia. “ In another development the minister of foreign affairs talked about the recent visit by the H.E president Musa Bihi Abdi in the western coastal plains regions of Somaliland that were hit by cyclone. “We toured four towns they are as follows Asha-ado, Gargaar Bari,Lughaya and Sayla’a. The people we met told us many livestock died, many farms were destroyed and upto 31 people lost their lives as a result of the cyclone disaster. These people need emergency relief aid; they need water, food stuff and humanitarian assistance. They lost their livelihood and now live in destitution. I call on the local people who have resources to help their brothers who have been afflicted by the cyclone disaster. International and local humanitarian organizations should come to the peoples’ rescue.” Dr.Sa’ad said. The foreign minister also revealed that the UAE sent two Chinook helicopters to reach the marooned people of the cyclone disaster. They distributed basic disaster relief aid to the western coastal plains. The government of Djibouti also helped with a aero plane that ferried the president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi to tour the affected region. Hornnewspaper
  15. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka. Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka. Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka la Iclaamiyay ama loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka inta u dhaxeeysa 25 ilaa iyo 26-ka Juun ee sanadkan, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.
  16. Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid ahmiyad gaara u leh guud ahaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inuu kusoo dhamaaday guul, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Hoggaamiye Axmed Madoobe sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii ka soo baxay Shirka loona baahan yahay in dhamaan madaxda dowladdda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda. ‘’Shirka waxa uu kusoo dhamaaday guul, waxaan is leeyahay nasiib daro waxa ay dhaceysaa marka laga weecdo qodobada aan gacanteena ku xariiqnay’’ ‘’Waxaan ku baaqeynaa in si rasmi ah loo dhaqan galiyo qodobada, waayo shirka waxaa ahmiyadiisa la arki karaa marka lagu shaqeeyo wixii kasoo baxay’’ Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo qodobada amniga iyo Siyaasada oo uu ku sheegay in ay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee Shirka ka soo baxay. Sidoo kale, Madoobe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Dhinacakale, haddalka ayaa imaanaya ka dib markii uu maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo isaga oo ka soo laabtay Magaalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  17. Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin. Hadalka waxaa toddobaadkii la soo dhaafay jeediyay guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee Australia kaddib markii shirkadda dulimaadka Qantas lagu khasbay diyaaradeeda inay bixiso $18,000 oo ganaax ah maadama ay si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia. Diyaaradda ayaa loo weeciyay garoonka Canberra oo ay muddo 8 daqiiqo ah ku sugneyd, maadaama ay hawada ay ku duuleysay xumeyd. Mr. Graeme Samuel, oo ah guddoomiyaha waaxda oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa duulimaadyada oo Australia ka dhacay ayaa ka carooday ganaaxa diyaaradda lagu soo rogay, isagoo yiri: “Diyaarad si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna khasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi kara meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yiri Samuel. Samuel ayaa intaasi ku daray in arrintaa lagu matali kara dhaqanka burcad badeedda Soomaalida oo kali ah. Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabsho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, wuxuuna caro ka muujiyay arrintan wuxuuna sheegay “inay nasiib darro tahay in garoonka sida wayn loo qaddariyo ee Jomo Kenyatta aan lagu matali karin dhaqanka burcad badeedda.” Wuxuuna sheegay in ”Kenya ay kumanaan ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan u gystaan soo celinta nabadda dal ay dunida inteeda badan xaaladiisa iska indha tirtay’.’ Graeme Samuel ayaa markiiba raalgelin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuusan u gol lahayn inuu xummaan u soo jiido garoonka Kenya. Warqad uu u qoray safaaradda Kenya ee Australia ayaa ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen xulashada erayadiisa. Isha: BBC Somali
  18. American Islamophobia opens with its author, Khaled A. Beydoun, coming to a tragic realization: Converting to Islam is a dangerous proposition for anyone living in the United States. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay isku dhacyada dhex-mara Ciidanka Dowladda Somalia, kaasoo muddooyinkii dambe kusoo kordhayay Muqdisho. Guddoomiyaha Maxkamadda darajawada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin isku dhacyada ciidamada dhex-mara, kuwaasoo ay khasaare kasoo gaarto dad rayid ah. Sidoo kale, Shuute wuxuu ka dalbaday laamaha baarista DF in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo caddeeyaan cidda ka mas’uulka ah isku dhacyada iyo waxyeelada dadka rayidka ka soo gaartay. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay diyaariyeen qaabkii lagula xisaabtami lahaa cid walba oo ku lug yeelata isku dhacyada, isla markaana tallaabo cad looga qaadi lahaa. “Ciidamada Amniga Muqdisho sugayay iyo kuwa kale ee xeryaha ku jira ma ahan shaqada loo diray inay dadka shacabka ah dilaan. Sidoo kalena meel ay sharciga kasoo gasho in qof shacab ah la dilo ma jirto,” ayuu yiri Shuute. Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Marka qof la dilo, ruuxaas la dilayna uu noqdo qofkii shacabka ahaa ee loo adeegayay arrintu intaas waa mid aad u daran oo aan la aqbali karin.” Dhanka kale, Labadii Todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa xaafado Xamar ka tirsan ka dhacay iska hor-imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda FS, waxayna sababtay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadaan waxaa aad u sii kordhayay dilalka ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo ay geysanayaan ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kooxo kale oo hubeysan, kuwaasoo ay ku jirto Al-shabaab. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Guddoomiye_Shuute_Muqdisho.mp3 PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo ka Digtay Dilalka loo Geysanayo Shacabka appeared first on Puntland Post.
  20. Two more people have died of suspected Rift Valley fever (RVF) in Wajir, bringing death toll to four as panic grips the county. Source: Hiiraan Online
  21. Sanguuni (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xoogan oo socday saacad iyo wax ka badan, kaasi oo ka dhacay deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, una dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwo ajaanib ah oo isku dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab. Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxa ay weerareen deegaanka Sanguuni oo maanta barqadii ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan. Khasaare kala duwan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay. Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan ku soo qortay gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya. Saraaakiisha ciidanka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay weerarkan, waxayna tilmaameen in ay wadaan hawlgal ay uga daba tagayaan raggii weerarkan ka dambeeyay. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. ST. PAUL, Minn. (AP) — Democratic Rep. Keith Ellison, the first Muslim elected to Congress and a top official with the Democratic National Committee, filed to run for Minnesota attorney general Tuesday in a last-minute move triggered by the incumbent's decision to run for governor. Source: Hiiraan Online
  23. Earlier this spring, I was invited to participate in the launch of Pathways for Peace, an important study jointly developed by the UN and World Bank. Based on extensive research of what has ‘worked’ in different countries, the study sets out recommendations for how development processes can better interact with security, diplomacy, mediation, and other efforts to prevent conflicts from becoming violent. Addressing exclusion, including of women and youth, is central to these efforts. Source: Hiiraan Online
  24. Five GSU officers have been killed in Liboi, Garissa County after their vehicle ran over an improvised explosive device. Source: Hiiraan Online
  25. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa xalay saqdii dhexe magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay shirka amniga qaranka, shirkan oo 2 maalin halkaasi ka socday waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa Heshiiska Lahaanshiyaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga Ah Ee Dalka(Shidaal iyo Macdan). Haddaba, waxaan akhristayaasheena usoo gudbineynaa heshiiska Kheyraadka Dabiiciga ah kaas oo ay saxiixeen madaxdii shirka ka qeybgalashay. Qodobka 1aad: Lahaanshaha Kheyraadka Dabiiciga Ah Kheyraadka macdanta iyo shidaalka ee ku jira dalka, bad iyo bariba waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana wakiil uga ah dowladda federaalka ah iyo dowlahada xubnaha ah iyo kuwa ka noqon-doona. Qodobka 2aad: Maamulka Kheyraadka Maamulka Kheyraadka shidaalka iyo macdanta: waxaa si wadajir ah u maamulaya dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon-doona, waxaana la dhisi-doonna hey’ado ka shaqeyn-doona arrimaha shidaalka iyo macdanta ay ka mid yihiin. Golaha Kheyraadka Dalka: Golaha Kheyraadka Dalka waa golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro ee u baahan in laga heshiiyo, loona noqdo wixii lagu xallin waayo gobolayaasha maamul ee kale, waxaa uuna ka kooban yahay madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer maamul goboleed. Wasaaradda Betroolka iyo Macdanka Federaalka Ah: Diyaarinta hindise sharciyeedka, dejinta siyaasadda, qorshaha iyo saxiixa shatiyada ee la xiriira arrimaha macdanta iyo shidaalka ee heer federaal waxaa mas’uul ka ah wasaaradda macdanta iyo shidaalka iyo wadatashi kala sameyneysa hey’adaha shidaalka ee dowlad goboleedyada. Wasaaradaha/Hey’adaha Shidaalka ee Dowlad Goboleedyada: Diyaarinta hindise sharciyeedka, siyaasadda iyo qorsheynta la xiriira Batroolka iyo macdanta ee heerkooda si waafaqsan shuruucda iyo siyaasadda guud ee dalka. Hey’adda Batroolka Soomaaliya: waa mid loo dhan yahay oo lagu dhisi-doonno sharci goonni ah, waxaa ay ka shaqeyn-doontaa wada hadallada heshiisyada iyo diyaarinta shatiyada, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyada Batroolka, Maamulka hey’adda waxaa uu ka kooban yahay 2 xubnood oo matalada dowladda federaalka ah iyo min hal xubin oo matala maamul goboleedyada, xubnaha hey’adda ka mid noqonaya waxaa ay noqon-doonaan xubno aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan lagu soo xulay. Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed: Waxaa la aasaasi-doonnaa shirkad ganacsi oo ay wada yeelan-doonaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ah ama ka mid noqon-doona taas oo yeelaneysa xermooyin(blocks) shidaalka dalka iyaga oo kaligood ah ama la wadaagaya shirkadaha caalamiga ah ee mas’uulka ka ah sahminta(upper stream), dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta(mid-stream) iyo suuq-geynta wax-soo saarka shidaalka, maamulka shirkadda waxaa uu ka koobaanayaa 2 xubnood oo matalaya dowladda federaalka ah, min hal xubin oo matalata maamul goboleedyada, raasmaalka iyo wadaagga saamiga waxaa lagu faafin-doonaa sharci gaar ah. Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada: Sidoo kale, dowlad goboleedyadu waxaa ay yeelan-doonaan shirkado ganacsi ee ka shaqeeya danahooda ganacsi, arrimaha shidaalka, waxay dowlad goboleedyadu u matalaan saamiga ay ku leeyihiin shirkadda shidaalka Soomaaliyeed, shaqadeeduna waxaa ay noqoneysaa dhisidda iyo maamulka kaabayaasha shidaalka ee heer maamul goboleed(down-steam) iyo suuq-geynta cadadka shidaalka ah ee wadanka gudahiisa lagu isticmaali karo ama isaga oo sifeysan dibadda loo iib-geyn karo. Qeybta 3aad: Wadaagga Dakhliga Dakhliga ka soo baxa macdanta iyo shidaalka waa wadaag, waxaa si isku dheelli-tirsan loogu qeybinayaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo kuwa ka noqon-doona Maamulka Maaliyadda Ee Dakhliga Shidaalka iyo Macdanta: Keydinta iyo maamulka dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo macdanta waxaa lagu keydin-doonaa xisaab gaar ah oo laga furi-doono bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa xisaabta lacag looga saari karaa go’aan golaha kheyraadka dalka iyadoo la raacayo hannaanka maamulka maaliyadda ee dalka.