-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsan Xarakada AL-shabaab oo xalay qabsaday degaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud. Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee degaankaas ayaa sheegay in xalay Ciidamo ka tirsan AL-shabaab ay qabsadeen degaanka islamarkaana ka khudbeeyeen iyaga oo markii dambana iskood uga baxay. Taliyaha Booliska Galmudug ee degaanka Baxdo oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidankii Galmudug ee ku sugnaa degaankaas ay isaga baxeen markii ay AL-shabaab galayeen Magaalada. Waxaa uu xusay in ay Al-shabaab magaalada ku galeen labo Gaari oo kuwa dagaalka ah kuwo kalena dhigteen banaanka Magaalada islamarkaana ay dadka kala haldeen masaajid ku yaalla Degaanka Baxdo. Waxaa uu intaas ku daray in AL-shabaab ay dadka degaanka uga digeen la shaqeynta Maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,nus saac kaddibna ay isaga baxeen degaankaas. Taliyaha ayaa sheegay in ay dib ugu laabteen degaanka oo uu sheegay in markii hore ay xeelad dagaal uga baxeen maaddaama ciidan u babac dhigi kara AL-shabaab aysan degaankaas u joogin Galmudug. Al-shabaab ayuu sheegay in ay ka baxeen markii hore degaanka Xiindheere oo ka tirsan isla Galguduud Baxdana u jirta 80 ilaa 100km, waxyar kaddibna ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka duullaan tageen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xaflada Caleemasaarka Gudoomiyaha waxa ay ka socotaa xarunta tababarada ciidamada Booliska ee General Kaahiye. Xafladan waxaa ka soo qeeybgalaya Madaxda ugu sareeyso ee dalka Soomaaliya Sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale Xafladan caleemasaarka waxaa ka soo qeybgalaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana Wadooyinka lagu daadiyay ciidamo aad u hubeysan. 30-kii bisha April ayey aheyd markii Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ay xildhibaanada Baarlamaanku ku doorteen Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaflada Caleemasaarka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo ka socota Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
20 dead, hundreds displaced as Patel Dam 'bursts' in Nakuru
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least 20 people have been confirmed dead and hundreds of families displaced after the walls of Patel Dam in Solai, Nakuru County, broke down on Wednesday night. Source: Hiiraan Online -
“We met in the desert,” says Badru Mohammed, gesturing at his three companions. The four Ethiopian boys pause for breath and refreshment beside the road, grasping their plastic water bottles tightly as they sip, careful not to waste a drop. The Djiboutian sun is still low in the sky but the road is already hot. They have more than 200km left to walk and their plastic sandals are disintegrating. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor imaaday qorsho ay wateen Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland. Wararku waxa ay sheegayaan in Xaaf loo soo jeediyay inuu is garabtaago maamulada Jubbaland iyo Puntland oo Siyaasad ahaan xiligaan kasoo horjeeda Dowlada Somalia. Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayey Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ka dalbadeen inuu kusoo feelo garabka adeecsan Imaaraadka ee kasoo horjeeda Mowqifka dowlada Somalia, hase ahaatee Xaaf ayaa ka hor imaaday in loo adeegsado dowlada Somalia. Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa labada Hogaamiye ee kale u cadeeyay in mowqif ahaan uu ku feelan yahay dowlada Somalia, maadaama uu maamul ahaan yahay mid hoostaga, waxa uuna ka cudur daartay in xiligaan uu khilaaf iyo buuq u horseedo maamulkiisa. Xaaf ayaa la tilmaamay inuu doortay in uu dhexdhexaad ka noqdo khilaaf Siyaasadeedka dadban ee Jubbaland iyo Puntland kala dhexeeya Dowlada. Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa iminka ku howlan abuurista mucaarad ka horjeesta Dowlada Federaalka oo ay u badnaan doonaan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas ayey isku dhaceen dowlada tan iyo markii ay Dowlada Somalia dhaqaale xoogan Garoonka Muqdisho uga qabatay dowlada Imaraadka Carabta taa oo la doonaayay in lagu kala furfuro Siyaasada Somalia. Wixii intaa ka danbeysay C/wali Gaas ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta la galay Heshiis hoosaadyo u muuqday in lagu baabi’inaayay karaamada Qaranimo ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaan buunbuunin Khilaafka kala dhexeeya Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Dowlada Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dhoofinta Dhuxul sharci darro ah ay ka socto Dekadda maamulka. Dhuxusha ayaa la sheegayaa in iminka laga raraayo Deked Macmal ah oo ku taalla Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada Hoos, una dhow Xadka Kenya. Dhuxusha ayaa la xaqiijiyay in lagu raraayo Markab u kireysan Ganacsato reer Jubbaland ah kaa oo kusii jeeda magaalada Dubai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Rarista Markabkaan ayaa la socda maalintii Seddexaad waxaana lasoo sheegayaa in Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu amray rarista Dhuxusha, waxaana xusid mudan in Buurgaabo ay gacanta ku heyso Jubbaland. Dowladaha saaxiibada la ah Somali iyo Dowlada Somalia ayaa horay uga hor imaaday in Dekadaha dalka laga dhoofiyo Dhuxul iyo in la guro dhirta. Sidoo kale, DFS ayaa asbuucii la soo dhaafay mamnuucday ka Ganacsiga dhuxusha, ka gadaal markii shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu mamnuucay Dhuxusha. Dhinaca kale, Ganacsatada iyo maamulka Jubbaland ayaa dhuxusha horay uga dhoofin jiray Dekedda magaalada Kismaayo hase ahaatee waxaa haatan loo weeciyay Buurgaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayen maleeshiyaadka al-Shabaab. Duqeynta ayaa la xaqiijiyay inay geysatay Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, waxa ayna xoogeeda ka dhacday deegaano u dhow degamda Bariire. Duqeyntaan oo aad u xooganeyd ayaa dhacday Saqdii dhexe xalay, waxa ayna dadka deegaanka soo sheegayaan in duqeynta kadib ay maqlayeen Gantaalo ay tuurayeen Al-Shabaabka. Duqeynta ayaa khasaaro kala duwan u geysatay maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab iyo dad shacab ah, inkastoo aan la xaqiijin Karin heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha. Geesta kale, Dowlada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal Duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay iyo waxa uu ahaa qasdiga duqeynta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
An opposition alliance led by Malaysia's former ruler Mahathir Mohamad has won a majority in parliament - a shock victory that ends the ruling Barisan Nasional (BN) coalition's 60-year grip on power. Source: Hiiraan Online
-
The Ethiopian government through the sector ministry has suspended the mining license of top gold mining firm, Mohammed International Development Research and Organization Cos., MICROC. The state affiliated FANA Broadcasting Corporate reported that the Ministry of Mines, Petroleum and Natural Gas had suspended MIDROC’s Lega Dembi gold-mining license. Source: Hiiraan Online
-
Worried about increasingly aggressive tactics, civil liberties groups in Maine, New Hampshire and Vermont sued the federal government Tuesday for records of immigration enforcement actions to get a clearer picture of what’s happened since Republican President Donald Trump took office. Source: Hiiraan Online
-
(Nairobi) – A string of recent prosecutions in Somaliland targeting people who spoke out on controversial issues is a dangerous attack of free expression, Human Rights Watch said today. In the latest such case, a prominent traditional elder was charged, tried, and sentenced to five years in prison on April 26, 2018, in proceedings that lasted less than an hour. Source: Hiiraan Online
-
Electronics equipment firm Sollatek is riding the wave of increased power connectivity and consumption to expand its business and introduce green energy products in the East African market. Source: Hiiraan Online
-
Jeddah, May 9 (BNA): The OIC General Secretariat calls upon the Member States and their humanitarian organisations to urgently extend immediate assistance to Somalia, which is currently facing devastating floods in the southern parts of the country affected by the heavy rains on the Ethiopian highlands. Source: Hiiraan Online
-
Many regard the invasion of Iraq as the worst foreign policy move in the history of the American republic. Now we arguably have a competitor. The decision to abandon the nuclear agreement with Iran isolates the United States, reneges on an American commitment, adds to the risk of a trade war with the United States' allies and a hot war with Iran, and diminishes the prospects of a durable and truly verifiable agreement to eliminate the North Korean nuclear and missile threat. Source: Hiiraan Online
-
National Assembly Majority Leader Aden Duale has lashed out at flamboyant city lawyer Donald Kipkorir following his controversial post about the Somali Community. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu caleemasaaro Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Caleemasaarka ayaa la filayaa inuu ka dhaco xarunta Booliska ee General Kaahiye, waxaana qeyb ka ahaan doona Madax kala duwan. Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa caleemasaarka ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo wufuud caalami ah oo dalka Dibaddiisa ka imaanaya iyo xubno kale. Caleemasaarka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona oo lagu martigaliyay Xubno ka socda Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Somalia. Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka gaashaman ayaa waxaa saaka lagu arkayaa waddooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow xarunta General Kaahiye kuwaa oo la sheegay inay xaqiijinayaan amniga goobta ay ka dhaceyso caleemasaarka. Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa xilka Guddoomiyenimo la wareegay Khamiistii ina dhaaftay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa dib u habeeyn iyo qalabeyn ku sameysay Safaarad la sheegay in dhawaan ay magaalada Abu Dabai uga furtay maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka carabta oo u muuqata mid siyaabo kala duwan uga jawaabeysa khilaafka kala dhexeeya dowlada Somalia, ayaa maamulka Somaliland garab kusiisay dib u habeynta Safaarada. Dowlada Imaaraadka ayaa la sheegay in Safaarada Somaliland ay ku dajiso qorshooyinka lagu carqaladeeyo arrimaha dowlada Federaalka, waxaana xusid mudan in Safaarada ay tahay mid iminka daha laga rogay. Dowlada Imaaraadka carabta oo aad uga soo horjeeda Hormarada Somalia, ayaa adeegsaneysa maamulka Somaliland oo ay u muuqato xal u helida gooni isku tag sanado badan lagu riyooday. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa dhawaan sheegay in Imaaraadka uusan xiriir la laheyn Somaliland. Qarqaash waxa uu dafiray in Imaaraadka carabta ay dhaqaale xoogan ku bixiso Somaliland si ay uga fushtaan danahooda, waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland ay aqoonsan yihiin. Beeninta Qarqaash waxaa kamid aheyd inaanu Somaliland Safaarad ku laheyn Imaaraadka, halka iyaguna aanu jirin wax Xarun Qunsuliyad ay ku leeyihiin Somaliland. Tani waxa ay banaanka soo dhigeysaa in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ku hadleyso laba af, waxaana xusid mudan in magaalada Abuu Dabai ay ku taallo Safaarad yar oo ay leedahay maamulka Somaliland, isla markaana ay fangareyso Imaaraadka.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlad Federaalka ah ee Somalia ayaa bilowday qorsho lagu doonaayo in looga itaal roonaado maleeshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaalanta G/Sh/Hoose. Qorshaha dowlada gaar ahaan Taliska Difaaca dalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mid suuragalinkara ciribtirka al-Shabaab. Qorshaha ugu cad ee iminka miiska u saaran Taliska Difaaca ayaa ah in dhammaan ciidamada Xoogga la dajiyo Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Howdka ay ku dhex dhuumaaleystan Shabaabka. Mid kamid ah Saraakiisha Taliska Difaaca ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada ugu badan ee Taliska dhufeysyo rasmi ah looga sameyn doono Howdka si dowladu ay ula wareegto gacan ku heynta Gobolka. Waxa uu Sarkaalkan sheegay in qorshahaani uu yahay mid looga gol leeyahay gacan kusoo celinta Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna intaa raaciyay in mudada ay ka saldhiganayaan ciidamada la adeegsan doono Diyaarado dagaal. Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani uu yahay midka qura ee looga guuleysan karo maleeshiyaadka al-Shabaab. Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhawaan dib u habeyn ku sameeyay Saraakiisha iyo ciidamada Xoogga dalka, waxaana xusid mudan in weli uu dagan yahay Xarunta Wasaarada Gaashandhiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (CaasimadaOnline) – Hogaamiyaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa wajahaaya caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya baarlamaanka maamulka. Waare ayaa caqabadahaani ku muteystay xuquuq la’aan uu dhigay labada Gole ee maamulka iyo waxqabadkiisa oo aad loo dhaliilay. Xildhibaanada ugu badan ee maamulka ayaa ku goodinaaya in Hoggaamiye Waare ay si dhaqsi ah xilka uga qaadayaan, waxa ayna ku dhaliilayaan inuu dhaliilsaday aragtida Xildhibaanada iyo isla xisaabtanka oo uu diiday. Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabella ayaa Waare ku tilmaamay mid caqabad ku ah Horumarka maamulka, waxa ayna farta ku godeen inuu isdaba mariyay dhaqaale loogu tallo galay shacabka. Mooshinka ka dhanka ah Waare ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowlada Federaalka kuwaa oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe. Siyaasiyiinta gadaal ka riixeysa Mooshinka ayaa waxaa ku jira tirro u hanqal taageysa Kursiga uu iminka ku fadhiyo Maxamed Cabdi Waare oo buuq uu ku furan yahay. Docda kale, Waare qudhiisa ayaa isku uruursanaaya Xildhibaano ka difaaca kuwa Mooshinka kawada ee doonaaya inay ka tuuran xilka, wallow aanu cadeyn sida uu arrinku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho seddex ku jooga dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sida Somalia looga qaadi lahaa halka ay iminka taagan tahay. Ismaaciil Cumar Geelle, oo kulan khaasa qasriga Kenya kula qaatay dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Somalia ay xiligaani tagan tahay heerkii laga filaayay hase ahaatee uu muhiim u arko in la dhameystiro halaha u harsan. Waxa uu Geelle tilmaamay in amniga iyo xasiloonida Somalia ay tahay mid raali galineysa dhammaan dalalka deriska la ah Somalia, oo uu sheegay inay halis ugu jiraan firxadka xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab. Si looga badbaado halista al-Shabaabka firxadka ayuu sheegay inay muhiim tahay in Somalia loola shaqeeyo si daacad ah, iyadoo qorshaha muuqanaayana uu noqon doono badbaadinta Africa. Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale dhigiisa Uhurro u sheegay in xiligaan lagu jiro uu yahay mid ka halis badanxiliyadii hore, taa oo uu ula jeedo in adduunka ay kusii faafayaan Kooxaha xagjirka ah, sidaa aawgeed la doonaayo in la badbaadiyo qaarada Africa. Sidoo kale, Madaxweyne Geelle waxa uu hoosta ka xariiqay inay Jabuuti iyo Kenya ku yaallaan Gobal aad u rabshadaysan, loona baahan yahay inay labada dal xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii dalalka Gobalka loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda. Madaxweyne Geelle waxa uu farta ku fiiqay in waxa ka dhacayo Somalia ay si degdeg ah u wada baab’in karaan Gobalka, xuxuuna xusay in Jabuuti sida Kenya oo kale ay ka daacad tahay sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad Buuxda. Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale cadeeyay in dowlada Jabuuti ay dawo u aragto Somalia oo ka hana qaada halka ay maanta taal. Haddalka Madaxweyne Geelle ayaa u muuqanaaya mid dhiirigalin u ah dowlada Somalia oo hadda ku howlan xal u helida dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia gets Lamu land to cut reliance on Port of Djibouti
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Landlocked Ethiopia is set to build an office in Lamu, giving the clearest indication yet of its intention to shift some of its logistics undertakings to the Kenyan coast. Source: Hiiraan Online