-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Itoobiya ee Addis Ababa. Ra’iisul wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki garoonka diyaaradaha Addis Ababa ee Bole International, waxaana la sheegay in booqashadaasi qaadan doonto seddex beri. Booqashada Isaias Afwerki ee Addis Ababa ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo ay kamid ahaayee in labada dal ay booqan doonaan wufuud kala duwan. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ahaa mid aad u xun mudo ka badan labaatan sano, waxaana isbedel uu ku yimid, markii ra’iisul wasaare Abiy shaacisay in uu aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal. Tan iyo markii talada Itoobiya uu la weegay Abiy Ahmed bishii April ee sannadkan ayuu billaabay inuu furfuro siyaasadda dalka Itoobiya oo lagu tirin jiray tan ugu adag Afrika. PUNTLAND POST The post Isaias Afwerki oo ka degay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)- Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadlay isticmaalka shiishada. Xildhibaan Aadan Barre ayaa sheegay in dhalinyarada ku sugan magaalada Nairobi ay yihiin kuwo intooda badan isticmaala shiishada waxa uuna ka digay in lasii wado shiishada. Xildhibaanka oo la hadlayay dadweyne badan oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa dhalinyarada uga digay inay adeegsadaan Shiishada waxa uuna ku baaqay in la hakiyo. Waxa uu cadeeyay in dhalinyarada qaarkood ay ku dhex isticmaalan guryahooda kuwaasi oo uu sheegay inay muteysan doonaan ciqaab. Sidoo kale, xildhibaan Aadan Barre ayaa hay’adaha amaanka ugu baaqay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Kenya joogta ee isticmaasha shiishada. Haddalka Xildhibaan Aadan Barre ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan ay dowlada Kenya mamnuucday isticmaalka shiishada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Last week Human Rights Watch released “We are Like the Dead,” a report documenting torture, rape, and other serious human rights abuses in Ethiopia’s notorious Jail Ogaden in the Somali Region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa uu ku fashilmay qorsho uu ku doonaayay in dowlada Somalia uu uga dhaadhiciyo dib usoo celinta wada shaqeynta Imaaraadka carabta iyo Shirkada DP World ee maalgishata Dekadaha Somalia. Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa, ayaa la xaqiijiyay in arrintaasi uu kala hadlay qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa dalka, hase ahaatee ay ka biya diideen in Baxreyn ay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa uu isku dayay in arrinta labada dal uu ku dhameeyo qadka Telefoonka, balse Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay ka biya diideen in dowlado kale ay gacan ku yeeshay arrinta labada dal. Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa la xaqiijiyay inuu isku dayay damaanashada Imaaraadka carabta, waxaase arrintaasi si cad u qaadacay Ra’isul wasaare Kheyre oo la rumeysan yahay inuu ku mowqif yahay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo. Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa doonaayay in dowlada Imaaraadka carabta uu kalsooni uga abuurto dhex dhexaadinta Somalia iyo Imaaraadka carabta si loo sii wado mashaariicda uu Imaaraadka kawaday Somalia, balse Somalia oo eersaneysa faragalin iyo amni darro ay u abuurtay Imaaraadka ayaa diiday go’aanka lagu dhex dhexaadinaayo labada dal, iyagoo ay muuqato inay heshiinkaraan. Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay in shuruud wadahadalka uu yahay in marka hore uu Imaaraadka xiro heshiiska uu Dekadda Berbera kala galay Somaliland, isla markaana dib u saxo khaladaadka laga galay dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka duulaya garoonka Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay ku sii jeedaan Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium-ka. Madaxweynaha ayaa Brussels ugu qeeybgali doono 16-ka bishaan shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladaha amaanka Soomaaliya. Shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalaya xubno sar sare oo katirsan wadamada Caalamka kuwaasi oo daneeya arimaha Soomaaliya. Shirkaasi oo shirar hordhac u ah ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ugu dambeeyn ka dhacaya Brussels . Shirkaasi ayaa lagu lafa guri doonaa Amaanka dalka Soomaaliya taakuleeynta ciidamada Soomaalida iyo sidii amaanka dalka ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen. Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku suganyahay kulamo la qaadan doonaa madax kala duwan oo beesha caalamka ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Brussels appeared first on Puntland Post.
-
Ku dhowaad 40 Qof oo ku somoobay Caano ay Cabeen Gal-Gaduud
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gal-Gaduud ee baratamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in dad ku dhow 40 ruux ay ku somoobeen caano ay cabeen. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Xanan-Buure ee Woqooyiga Gobolka Gal-Gaduud dadka ayaa isugu yimid meel uu Alle Bari ka dhacayay waxaana ay cabeen caano iyaga oo ku sumoobay. Gudoomiyaha deegaankaasi Xanan Buure Cali Xaashi Faarax Ayaa ka warbixiyay xaalada dadkaasi isaga oo sheegay in dadka qaar kamid ah xaaladooda ay liidato. Dadkaasi ayaa loo soo qaaday Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ku dhowaad 40 Qof oo ku somoobay Caano ay Cabeen Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la filayaa in safar uu ugu baxo magaalada Brussels ee daka Belgium-ka. Sida qorshaha uu yahay, madaxweynaha ayaa magaalada Brussels uga qeybgali doona shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb gali doonaan Madaxda caalamka. Waxaa safarka ku wehlin doona Madaxweyne Farmaajo Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiro kale. Shirkaan ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madaxda maamul goboleedyadda. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sida ammaanka, dhaqaalaha iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab maadaama maalmahan dambe laga itaal roonaanayo Kooxaha xagjiriinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka jeedin doono Khudbad uu uga hadlaayo arrimaha Somalia. Docda kale, inta Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay joogan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxa ay la kulmi doonaan madax kasoo qeybgali doonta shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Police say gun-related crime is increasing across Ottawa neighbourhoods Source: Hiiraan Online
-
"As a country, we need to look beyond the hateful sentiments of some of our politicians and see the ‘crisis’ for what it is: ephemeral. Far from being a permanent phenomenon, the tide of asylum seekers is similar to a natural disaster — an acute circumstance that is as disruptive as it is short-lived." Source: Hiiraan Online
-
"As a country, we need to look beyond the hateful sentiments of some of our politicians and see the ‘crisis’ for what it is: ephemeral. Far from being a permanent phenomenon, the tide of asylum seekers is similar to a natural disaster — an acute circumstance that is as disruptive as it is short-lived." Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shalay waxa uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland, oo dowladda Soomaaliya ay soo dirtay. Taliyaha garoonka laga celiyey oo lagu magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Guutada 43-aad, waxa uuna beddeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday ee Janaraal Ismaaciil Saxardiid. Jubbaland waxa ay ku dooday in magacaabistan aan lagala tashan, ayada oo qodob ka mid ah dastuurka uu qorayo in taliyayaasha qeybaha ee loo magacaabayo deegaanada maamul goboleedyada la tashi lagala sameeyo madaxda maamulladaas. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in Axmed Madoobe uu qabo walaac ka weyn magacaabis taliye, oo aan lagala tashan, uuna ka wel welsan yahay in magaalada Kismaayo loogu yimaado. Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe, ayaa aaminsan in ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, ay dhowaanahan tiro ahaan iyo cudud ahaanba sii kordhayeen, ayaga oo dowladda ka helaya taageero. Waxa uu rumeysan yahay in ciidankaas, oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ay dib usoo sheegan karaan magaalada Kismaayo, soona weerari karaan. Axmed Madoobe ayaa gacan ku haynta Kismaayo kala wareega Barre Hiiraale oo Mareexaan ah, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya. Dhowaan ayay ahayd markii uu aad uga carrooday hub dowladda ay u dirtay ciidamadaas, waxaana Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu cabasho ka muujiyey in hubka ay dowladda u dirtay ciidamada jooga Gedo ay u gacan geleen Al-Shabaab. Inkasta oo aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in hubkaas uu Shabaab gacanta u galay, haddana waxay ahayd qodob Axmed Madoobe u adeegsaday sida uu uga walaacsan yahay hubka gacanta u galay ciidamada beesha Mareexaan. Axmed Madoobe oo ay aad isugu wanaagsanaayeen sanadihii dambe dowladda Xasan Sheekh, ayaa aad loogala tashan jiray dhammaan dhaqdhaqaaqyada deegaanada hoos yimaada maamulkiisa. Si kastaba, dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo ayaa billowday inay si toos ah ula macaamisho dadka reer Gedo, taasina ma farxad gelin Axmed Madoobe. Dhowaan Axmed Madoobe waxa uu Nairobi kula kulmay siyaasiyiinta beeshiisa ee ku jira dowladda Kenya, isaga oo arrintan ka cabanaya, kana digaya qatarta ah in Kismaayo gacantiisa ka bixi karto. Lama oga waxa ay isku raaceen oo ay arrintan uga hortagi karaan. Si kastaba, waxaa cad inuu aad u xun yahay xiriirka Axmed Madoobe iyo madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu caansan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedelada ay ku talaabeyso dowlada Somalia tan iyo markii la dhisay dowlada hadda jirta. Salaad Cali waxa uu sheegay in dowlada hadda jirta ay waxbadan ka wanaagsan tahay dowladihii hore waxa uuna cadeeyay inay ka fursado badan tahay kuwii hore. Dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka ayuu sheegay in dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xooga saartay, isagoo intaa raaciyay in si dhow ay uga warqabto ciidamada qeybahooda kala duwan oo xiligaan qaata xuquuq rasmi ah. Salaad Cali, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay aad u adkeysay amniga waxa uuna yiri “Dowladani waxa ay waxbadan ka qabatay amni daradii ka jirtay dalka xiligii hore waxaa maalin dhaaf u dhici jiray Qaraxa iyo dagaal hadase waxaa dhalatay nabad buuxda” “Waxaan aheyn dad ku tashan jiray Qarax joogta ah hadda Qaraxa waxa uu noqday dhowrkii bilba hal mar, waxaan dareemeynaa inuu soo hagaagayo dalka dowladuna ay lasoo baxday awood muujineysa in dalka uu ka jiro dowlad” Salaad Cali, waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka ay tahay qeybaha mucaaradka oo mar waliba dalka u horseeda dhibaatooyin aan dhamaan, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in wadan sanado badan burbursanaa hadana la hor istaago nabadiisa. Waxa uu sheegay Salaad Cali inaan awood lagu dhameyn dowlad laga aqoonsan yahay adduunka “Dowlad laguma dhamo awood mucaradna waxaa lagu yaqaana inuu dhiso dalkiisa, maaha in mucaaradnimadu tahay inaad burburiso dalka oo aad dib ugu celiso halkii laga soo bilaabay taasna yeeli meyno” Sidoo kale, Salaad Cali ayaa ku baaqay in dowlada Somalia laga dhaafo dhibaatooyinka iyo hadalada xun, waxa uuna sidoo kale carab ***** in dowladu aysan diidaneyn mucaarad balse shuruuda la doonaayo ay tahay in mucaaradka uu noqdo mid dalka dhisa. Haddalka Salaad Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu difaacayo dowlada Somalia, isla markaana lagu muujinaayo dhibaatooyinka ay mucaaradka u horseedayaan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afewerki ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Booqashada Isias Afewerki ee maanta ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed. Isias Afewerki socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo 20-kii sano ee la soo dhaafay aad u liitay. Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa. Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday. Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.
-
Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Kenya ayaa Qunsuliyado ka furaneysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa oo nidaam ahaan hoostaga dowlada Somalia. Dowlada Kenya ayaa furashada Qunsuliyadahani ula gol leh isu socodka shacabka Kenya iyo dadka ku dhaqan deegaanadaasi waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin ogolaanshiyo ay Kenya ka heshay dowlada Somalia. Qorshaha lagu furaayo Qunsuliyadaha ayaa waxaa gadaal ka riixaya Madxaweynaha Kenya Uhurro Kenyatta oo dhawaan loo gudbiyay in gudaha Somalia ay ku noolyihiin Kenyan kor u dhaafaya 3,000 oo intooda badan Somalia ku jooga sifo sharci la’aan ah. Kmowi Matiangi oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Kenya ayaa sheegay in talaabada lagu furaayo Qunsuliyadaha uu yahay mid ka imaaday Madaxtooyada Kenya oo dhawaan la gaarsiiyay baahiyo ku aadan furista Qunsuliyadaha. Waxa uu Sarkaalkan qiray inaanu jirin wadahadal ay Somalia iyo Kenya ka galeen furashada Qunsuliyadaha, hase yeeshee ay suuragal tahay inuu bilowdo wadahadal labada dhinac oo ku aadan furashada xafiisyada. Qorshaha ay Kenya ku irdo fureyso xafiisyada Qunsuliyadaha Kismaayo iyo Hargeysa ayaa cagsi ku ah Heshiis ay sanadkii hore kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta. Qodobada ka hor imaanaya furashada Xafiisyada wargalin la’aanta ah ayaawaxa kamid ah: 1-In labada wadan ay si wada jira u tixgaliyaan madaxbanaanida. Waxaa tani caddeyn u ah in Kenya weli sheeganeyso badda Soomaaliya, dhinaca xuduuddana uga soo gardarootay Soomaaliya Beledxaawo. 2-In Kenya aysan xiriir toosa la sameyn maamul Goboleedyada, iyadoo wixii howl ah la marin doono dowlada Somalia. Weli way socotaa arrintaas, oo maamul goboleedyada waxaaba xarun u ah Nairobi, Addis-Ababa iyo Dubai oo casharada ooga meeriyaa. 3-Iska warqab iyo wada shaqeyn aasaas u noqota labada dal, si loo dhowro nidaamka iyo madaxbanaanida. Qodobada koowaad iyo labaad ayaa meesha ka saaraya Heshiiska wada jirka ahaa oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Kenya, waxa ayna jabinta Heshiisyada ka imaaneysa dhanka Kenya. Sidoo kale, Dowlada Kenya oo dhulal badan ka heysata Somalia ayaan furashada xafiisyada kuwar galin Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo nidaam ahaan ku shaqo leh. Geesta kale, dowlada Kenya oo waayadii danbe u muuqatay mid wanaagsan ayaa iminka dib u dhaqan galineysa faragalin Siyaasadeed oo ay ku sameyso Somalia. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowlada isbedel doonta Ethiopia ay wado qorsho xilka looga qaadayo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley). Qorshaha ay Ethiopia ku laaleyso Cabdi Iley ayaa looga gol leeyahay in dowlada Isbedel doonka Ethiopia ay ku kasbato Soomaalida kasoo jeeda Kililka Shanaad oo caburin lagu hayay dhowrkii sano ee ina dhaaftay. Isbedelka lagu saarayo Cabdi Iley ayaa waxaa hormuud ka ah Ra’sul wasaare Abiy Axmed oo aan isagu la dhacsaneyn maamulada kasoo hara xukuumadii uu talada dalka kala wareegay sida maamulka Soomaalida iyo Oromada. Sii joogitaanka Cabdi Iley ayaa caqabad hor leh u horseedi kara Maamulka Abiy Axmed oo u muuqda mid dib u saxaaya khaladaadkii horay u dhacay. Marka la eego Siyaasad uu hiigsanaayo Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed waxa uu Cabdi Iley xilkiisa ku weyn doona arrimaha kala ah:- 1 – Xadgudubyadii ka dhacay xabsiga Jeel Ogaadeen ee dhowaan la xiray, oo uu Cabdi Iley ku eedeeyey madaxii hore ee sirdoonka Ethiopia, taasi oo xisbiga talada haya ee Tigreega si carro leh uga jawaabeen. 2-Sii shaqeynta Cabdi Iley waxa ay sii xoojineysaa colaada dhiiga badan ku daatay ee Soomaalida kala dhexeysa Oromada, iyadoo taasi ay soo dadajineyso fashilka Xukuumada Abiy. 3-ONLF oo shirkii ay Ra’isul wasaare Abiy Axmed kula galeen magaalada Asmara ee dalka Eriterea kusoo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay in meesha laga saaro maamulka hadda ka arimiya DDSI ee uu hogaamiyo Cabdi Iley. Ra’isul wasaare Abiy Axmed qudhiisa kuma qanacsana howlaha uu hayo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), waxa uuna khudbadihiisa hore ku sheegay inuusan la shaqeyn doonin maamul caqabad u horseedi kara midowga Ethiopia. Isbedelada Abiy Axmed ee lagu saadaalinkaro kan kusoo fool leh DDSI waxaa kamid ah in tabashooyinka xisbiyada mucaaradaka Oromada ay xilka ku wayeen ku dhawaan 7 Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo si fool-xun kula dhaqmi jiray Hogaamiyayaasha iyo Xubnaha Mucaaradka. Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh maamulka DDSI waxaa ifafaalo u ah Madaxweynaha maamulka Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo shacabkiisa ka dalbaday cafis, isagoo sidoo kale albaabada u xiray Xabsiga weyn Jeel Ogaadeni oo lagu ciqaabi jiray ONLF. Si kastaba ha ahaatee, siyaasadaha iminka ka socda Ethiopia ayaa muujineysa in Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) uu weyn doono xilkiisa, si ay Ethiopia cabsi la’aan kula soo baxdo shidaalka ku jira dhulka Soomaalida oo hadda la rumeysan yahay inay caqabad ku yihiin ONLF. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Waxaa laga yaabaa qormadeydaan inaysan ku raaxeysan aqrinteeda dad badan oo dowlada taageero weyn u ah durbana igu dari doonna liiska mucaaradka, iyagoon wax su’aal ama sabab ah is weydiin, hase ahaatee waxaan rajeynayaa qaar badan oo caqli saliim Ilaahey siiyay in ay warbixinteyda wax ka fahmi doonaan. Markasta waxaa la is weydiiyaa sababta ay weli dowlada ugu suura gali la’adahay in magaalada Muqdisho ay ku soo dabaasho amaan la isku haleyn karo iyadoo dowlada ay bixineyso dadaal aad u balaaran si loo sugo amniga tiiyoo ay jirto in ciidanka dowlada tiradooda buux dhaafiyeen magaalada Muqdisho. Anigoo kaashanaya macluumaad iyo dhacdooyin badan aan hubo xaqiiqdooda inta badan ciidamada ka howl gala magaalada Muqdisho ma ahan ciidanki saxda ahaa ee magaalada Muqdisho nabada u keeni kara sababahan soo socda awgood: Marka lasoo xulanayo ciidan waxaa laga fiiriyaa dhowr tayo oo ay ka mid tahay heerka waxbarsho, danbi-gelis hore iyo shaqsi muuqaal iyo maskax ahaan aqbali kara shaqada ciidanka. Hase ahaatee inta badan ciidanka ka howla gala Muqdisho waa kuwa aan buuxin shuuradahaas, waxaas ka daran taas in lagu soo xulay qaab beeleed mudnaanta koobaadna la siiyay beelo gaar ah, ku darsoo qaarkood waaba ciidamadii hogaamiye kooxeeedyadii magaalada muqdisho ka talin jiray, mid laabadna aan kugu sii daree uma lahan aqoon shuruucda kala gedisan ee ciidmada wallow tababaro kooban la siiyay hadana taas waxba kama bedelin mar hadii heerka waxbarasho aad u liito amaba aysan soo marin, waxaase intaaso dhan ka daran inay yihiin kuwa balwad leh oo isticmaalla waxyaabaha mukhaadaraadka, taaso gebi ahaanba mamnuuc ka ah qof ciidan loogu tala galay in shacab amaankiisa sugaan, intaas kaliya kuma eka’e waxaa taliye loogu sii dhigaa shaqsi aan weligiis howl ciidan soo qaban laguna keenay nin jecleysi amaba dantiisa gaarka ah ay kala weynta tahay howsha loo xilsaaray, taasoo sababtay inaysan jirin dhibaatooyinka ciidanka geystaan meel loo raacdo. Arimahaas oo dhan waxay keeneen in ciidanka shaqad loo igmaday ay garan waayeen mar hadii ay buuxin waayeen shuruudihi ciidanka loogu tala galay una dhaqmaan sida maleeshiyaadki hogaamiye kooxeedyadi wadanka soo maray kuwaasoo aan u jixinjixin shacabka, iyagoo kala kulma dil, dhac, madax-furasho, jid-xirid tiiyoo ay jirto in qaarkood ay fududeeyaan qaraxyada ka dhaca magaalada IWM. Inkastoo ay jiraan qaar yar oo ka mid ciidamada oo ay ka go’antahay inay si daacad u ah u gutaan howshooda amni, hadana waxaa barbar socda kuwa badan aan daacad ka heyn howsha amaba aan aqoon u laheyn shaqada kuwaasoo wiiqay dadaalkooda amni. Iyadoo ay xusid mudantahay dowlada federaalak horumarka ay dalka gaarsiisay xaga horumarinta dhaqaalaha, dhisida hey’adaha dowliga, horumarinta xiriirka diblomaasiyada iyo sida weli ugu go’antahay inay horumar gaarsiiyaan dalka, ayaa waxaa muhiim ah in ay xil weyn iska saarto dhisida ciidan tayo iyo aqoon u leh howsha loo igamanayo. Isku soo wada duub si loo helo amaan iyo nabad waxaa lama huraan ah in la helo ciidan aan lagu soo xulin qaab beeleed, ka maran danbiyo hore, ugu yaraan soo dhaameystay waxbarasho dugsi-dhexe, lana marsiiyay imtixaan shaqsiyadeed si loo ogaado dareenkiisa iyo heerkiisa howlqabad. Hadii arimahaas la dhaqan geliyo waxaan aaminsanahay in guud ahaan wadanka soomaaliya amaankiisa dib usoo laabanayo inta ka horeysase, Baadidaada nin baa kula daydayi daalna kaa badane oo inaad heshana aan dooneyn. W/Q: Abdinasir Ahmed Email:Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga dhigtay Sheikh Safar Al-Hawali oo ka mid ah culimada ugu caansan dalkaas iyo wiilal uu dhalay kadib markii uu jeediyey hadallo ka dhan ah boqortooyada. Sheikh Safar Al-Hawali ayaa ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Sahwa ama Baraaruga, oo u ololeeya in bulshada Islaamka ku baraarugaan dhibaatada iyo naceybka gaalada. Xarigiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii uu daabacay buug cusub oo uu ugu magac daray Muslims and the Western Civilisation oo macnaheedu yahay Muslimiinta iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka, kaasi oo uu ku weeraray qoyska boqortooyada Sacuudiga iyo Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed. Sheekha ayaa buugiisa shaaca uga qaaday in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu xiriir la leeyahya Yahuuda, oo gumaad ku haysa shacabka Falastiin, xoogna ku haysata masjidka barakeysan ee Al-Aqsa. Waxa uu sheegay in Maxamed Bin Salman uu dhabar-jebiyey Islaamka. Sheikh Safar Al-Hawali ayaa kadib waxaa gurigiisa tagey ciidamo jirdilay, kadibna kaxeystay isaga iyo wiilashiisa, lamana oga illaa hadda halka lagu hayo iyo sida xalakoodu yahay midna. Maxamed Bin Salman iyo Imaaraatka ayaa dhowaanahan saaxiibo dhow la ahaa Yahuuda iyo maamulka madaxweyne Donald Trump. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Rep. Keith Ellison (D-MN), Rep. Yvette D. Clarke (D-NY), and Rep. Pramila Jayapal (D-WA) led 83 members of Congress in sending a letter to Secretary Kirstjen Nielsen and Secretary Mike Pompeo urging them to redesignate Temporary Protected Status (TPS) for Somalia and extend the program for eighteen months Source: Hiiraan Online
-
Peace building in a post-conflict state goes far deeper than repairing damaged buildings and refurbishing public institutions, but also involves building relations among all levels of people. It is about the ownership of the political direction of the country by the indigenous population. Since the end of the cold war, the peacekeeping missions were directed by the United Nations mandate for state building in a post conflict state. One of the positive indications for successful operations was the desire of the five permanent members of the Security Council for peace settlement and post settlement development (Roberts, 2008). Their objective was to achieve a friendly environment for successful state building. This cooperative environment in the Security Council changed the attitude of the superpowers when debating international conflict resolutions. A form of western state building – liberal democracy and market economy or neo liberal economy – have been forced on post-conflict countries to conform with the international governance norms (Roberts, 2008). Liberal democracy or liberal peace combined with economic market is negative peace because it favors the elites during the ‘transitional phase’ which might never end while the majority of the indigenous population remains poor (Ramsbotham, Woodhouse, Miall 2011). This can incite conflict again. To avoid this conflict, locally legitimate indigenous institutions must be strengthened. This can be done by going back to the systems present before the colonial era. The late president of Somaliland Mohamed Egal who did great work in stabilizing my country by disarming, demobilizing and reintegrating militia factions without foreign help, coined a saying in naming his first administration ‘’I know this administration was not selected on merit but as a solution to the tribal balance of the country’’. Given deep and lengthy traditions of mistrust of the state and the elites per se in most state building environs, President Egal wanted legitimacy from the indigenous people. This yielded greater dividends in the long term by laying the ground for positive peace – a foundational element of state and peace building, but that is often low on the intervention agenda (Roberts, 2008). In other African countries, the African leaders who replaced colonial rulers had to work in foreign conceived pluralistic institutions which were not practiced before. This allowed the elites to capture the mantle of political legitimacy and was left the general population disillusioned. A pertinent example of this de-alignment is given by Clapham (2002 in Roberts, 2008) who claimed that the elites ‘were the extension of the rich and corrupt metropolis, to which few from the far rural areas related’. Therefore, a gap exists between the state, its elites and the international polity who only care for negative peace on one hand and the civil society and the rest of the population that require positive peace to buy into the legitimacy of the state and its institutions. Milliken and Straus suggest that this gap can be resolved if the state supplies welfare to its citizens it can gain their trust and legitimacy, but at the same time, the authors acknowledge that those countries being poor can’t provide their citizens with the basic needs (Roberts, 2008). Roberts provides an interesting case to solve this by arguing that the international polity should put as much focus on building positive peace as it does to establish negative peace (through the strengthening of political institutions to stave off conflict in the short term). This effort would require international bodies to co-operate and focus on developing a state’s national and local level health institutions, thus allowing the state, NGOs and other local actors could create a viable national public health system that can transfer legitimacy to the state and buy-in co-operation from the local populace REFERENCES Ramsbotham, O., Miall, H. and Woodhouse, T. 2011. Cotemporary Conflict Resolution. 3rd. Wiley: New York. Roberts, D. 2008. Post-conflict Statebuilding and State Legitimacy: From Negative to Positive Peace? Development and Change. 39: 4. pp. 537-555 Ismail Abdi Abdillahi ( Bashe Abdi Gaboobe), holds Marine Engineer Certificate from Arab Maritime Transport Academy in Alexandria-Egypt, Marine Engineer Certificate from Sharjah- UAE, Post Graduate Diploma in Peace Building from Hargeysa University and Master degree in Peace Building from Coventry University, UK.
-
Why Djibouti Is the Loser of the Horn of Africa’s New Peace
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ethiopians and Eritreans alike are celebrating the breakneck speed of a rapprochement between Addis Ababa and Asmara, two longtime enemies. Closer ties between the two, while not necessarily a done deal, could usher in a new era of peace and prosperity for the Horn of Africa, resuming a thriving trade relationship and granting landlocked Ethiopia access to a new port. Unfortunately, nearby Djibouti—which has successfully exploited its prime territory on the Red Sea to offer both port access and military bases to foreign countries—stands to lose. At the least, this tectonic shift will reduce the revenues available to President Ismail Omar Guelleh, in power since 1999, and undermine his ironclad grip on the country. At worst, Djibouti could prove a spoiler, which would threaten prospects for regional peace as well as longstanding US strategic interests in the Horn of Africa. For decades, Djibouti was the undisputed winner of Ethiopian-Eritrean hostility and the latter’s international isolation. The New Jersey-sized country of just under one million people has unique geostrategic advantages—its coastline spans the meeting of the Red Sea and the Gulf of Aden, a chokepoint through which significant amounts of the world’s energy supply and commerce pass every year. While ports exist in Sudan, Somaliland, and Eritrea, Djibouti’s developed facilities, political stability, and investment-friendly atmosphere have proven more attractive than anywhere else in the region. As a result, Djibouti has enjoyed a near-monopoly on moving goods to and from landlocked Ethiopia. The United States also has longstanding security interests in Djibouti, including the only permanent US military base on the continent—a vital component of US counterterrorism operations in East Africa and the Arabian Peninsula. Some 4,000 US military personnel are stationed at the American base, which extends to the nearby airport used to launch both armed and reconnaissance drones that operate in Somalia and Yemen. Underscoring the country’s strategic importance to the Pentagon, US Secretary of Defense Jim Mattis visited Djibouti in April 2017, just months ahead of the opening of China’s first overseas military base there. Additionally, France, Japan, Italy, and Saudi Arabia have bases of various sizes and capabilities in Djibouti. Ethiopia and Djibouti have traditionally maintained a close political and economic relationship out of mutual necessity. When the Ethiopia-Eritrea border war broke out in 1998, Ethiopia lost access to Eritrea’s port, an existential crisis for a landlocked country. Since then, Ethiopia has overwhelmingly relied on Djiboutian ports to process its imports and exports: some 95 percent of Ethiopian imports transit through Djibouti. Djibouti, too, relies on its larger neighbor, from which it imports freshwater and electricity. Profits from Ethiopia’s use of Djiboutian ports—estimates top $1 billion annually—are a key source of Guelleh’s government revenue. But Ethiopia finds this arrangement deeply flawed, and is interested in more diverse, and better, deals for port access. The United States, as well, is deeply dissatisfied with Guelleh’s partnership. Specifically, his penchant for extracting costly rents from as many foreign militaries as possible, including allowing a Chinese military base just kilometers from the US one, has left the United States discontented. Eritrea and Djibouti have a more restive history, and unresolved tensions could flare up again. Djibouti’s western border with Eritrea has been militarized since the end of border clashes in 2008. Qatar attempted to mediate the dispute, and it even managed to facilitate a 2016 prisoner swap before withdrawing its peacekeepers from the Eritrean-Djiboutian border in protest of both countries’ decision to side with Saudi Arabia and the United Arab Emirates (UAE) in the Gulf crisis. Djibouti’s shipping and land lease profits directly supplement Guelleh’s tight political control over the country. The Chinese will reportedly pay $20 million a year until 2025 for their base, though that figure does not include more than $1 billion in Chinese loans. The Americans pay some $70 million annually for at least another six years, and the French pay another $30-plus million yearly for their military facility. These profits contribute to what appears to be a booming economy: Djibouti’s annual GDP growth is expected to remain around 7 percentinto the near future. But despite Djibouti’s ostensible riches, most of the country remains desperately poor, underdeveloped, and subject to Guelleh’s authoritarianism. Nearly a quarter of the population lives in extreme poverty, and Djibouti ranks abysmally on political rights and civil liberties. Ethiopia-Eritrea peace talks are bad news for Guelleh, who has staked his country’s growth on its role as the port of choice for economic giants like Ethiopia. Assuming normalization efforts continue, Ethiopia could soon have the option to use Eritrea’s ports, which are closer and more convenient than Djibouti. While it is unlikely that Ethiopia will cease using Djiboutian ports altogether, it will have options—and thus will be less inclined to settle for usurious port usage rates. Eritrea may even prove a welcoming partner to foreign militaries, as the country previously allowed Emirati use of its port at Assab to prosecute the war in Yemen. One constraint on Ethiopia’s turn away from Djibouti, however, is its imperative to pay back nearly $3 billion in Chinese loans for the newly opened Addis Ababa-Djibouti railway. Lastly, if foreign militaries follow Ethiopia’s lead and diversify their security partners, Guelleh will rapidly lose a key source of income, making the four-term president vulnerable to longstanding grievances about his government’s corruption and repression. Once his resources dry up, the little political support he has been able to cajole or co-opt will likely follow. In recent years, the UAE’s increasing interest in the Horn of Africa adds a new complication to Djibouti’s predicament. The UAE has acquired rights to a naval base in Eritrea, a military base and commercial port in Somaliland, and a multi-purpose port in Puntland. But relations between Djibouti and the UAE have been fraught since February 2018 when the Djiboutian government cancelledthe contract of Emirati firm Dubai Ports World (DP World) to operate Djibouti’s main container shipping terminal. Early reports suggest that the UAE might have even played a role in the rapprochement between Ethiopia and Eritrea. The UAE’s growing partnership with Ethiopia—which recently acquired a 19 percent stake in the Berbera port alongside DP World and Somaliland—is also noteworthy evidence of regional diversification. While it is unfortunate that Guelleh perceives normalization with Eritrea as a zero-sum game, he has some reason to be nervous that Addis Ababa and Asmara are warming up to one another. The faster they normalize relations, the faster Djibouti’s strategic advantages disappear—and with them, Guelleh’s cash flow. Resolving a decades-long conflict between Ethiopia and Eritrea would strengthen overall regional stability and open new doors for economic trade and prosperity. But there are very real losers in that scenario, and the opportunity to spoil the well-deserved peace should be carefully scrutinized. Kelsey Lilley is associate director of the Atlantic Council’s Africa Center. Follow her on Twitter at @KelseyDegen. -
Ethiopian-Somali region president, Abdi Mohamoud, has been criticized for egregious human rights abuses in the region and also implicated in the displacement of more than half a million Ethiopians from the region following what seemed to be an orchestrated ethnic-based conflict involving Somalis and Oromo. A report published today by a government-affiliated media outlet in Ethiopia says that the regional president admitted that “mistake” has been done and his administration will take responsibility for it. He confessed about the “mistake” at the regular congress of the Ethiopian Somali region council which is underway since yesterday. “Mistakes are inevitable while working. The culture to keep up the good work and openly apologize for the mistake is a good one and we all need to strengthen such a culture,” The president is quoted as saying by Fana Broadcasting Corporate. The president added that his party and the regional government has immense respect to what Abiy Ahmed achieved since he took office as prime minister about hundred days ago. Abdy Mohammed also pledged that his party, Ethiopia Somali Peoples Democratic Party (ESPDP), will work toward achieving Ethiopian new prime minister Abiy Ahmed’s motto of forgiveness and unity and he called on Ogaden National Liberation Front (ONLF), a movement which the Ethiopian parliament removed from the list of the terrorist group about a week ago, to take advantage of the amnesty and be part of prime minister Abiy Ahmed’s initiative for forgiveness and unity. The Human Rights Watch report released on July 4 indicates egregious human right violations at “Jail Ogaden” and requested the Ethiopian government to hold those responsible accountable for it. Unverified information circulating among Ethiopians in social media has it that Abdy Mohammed implicated former intelligence chief, Getachew Assefa who is from Tigray People’s Liberation Front, for human rights abuse in the region. Source: borkena
-
Hargeisa, June 27, 2018 – The Global Partnership for Education’s Board of Directors approved a grant of US$7.68 million to support Somaliland’s efforts to extend quality education to more of its children. The three-year grant will support Somaliland’s Education Sector Strategic Plan 2018-2021 which aims to increase the enrollment of girls and boys from diverse and under-educated communities in primary and secondary schools, improve the quality of schooling through teacher skill training and better learning materials, and establish an effective system to gather and analyze education data to measure progress. The grant will also support the building and rehabilitating of learning spaces across the country to make them more conducive to learning, especially for girls and develop early childhood education initiatives that boost long-term learning performance. “Somaliland’s future depends upon high-quality education for all our children,” said Yasin Haji Mohamoud Hir ( Faratoon), Somliland’s Minister of Education and Science. “GPE and Save the Children are enabling us to build a strong and sustainable education system that will prepare our citizens for lifetimes of productivity and prosperity. This is what we aspired to achieve through our Education Sector Strategic Plan.” Somaliland is affected by fragility, drought and economic crisis. Nearly half the population of Somaliland lives in poverty with many not being able to send their children to school. Between 2012 and 2015, Somaliland’s primary school enrolment rate has been low at around 34%, and primary school completion rates were also low. Secondary school enrollment has been even lower, though it more than doubled from nearly 11% in 2012 to 21% in 2015. Gender parity has improved with 83 girls for every 100 boys in primary school and 88 girls for every 100 boys in secondary school. Children from rural areas and internally displaced families are far less likely to be in school than their urban counterparts. “Over the last several years, Somaliland has engaged in a rigorous process of creating a promising, long-term plan to build an education system that will be a foundation of its nation-building program,” said Alice Albright, Chief Executive Officer, Global Partnership for Education. “GPE will now support the implementation of that plan to help Somaliland move along a path of greater prosperity and stability.” Save the Children has been the GPE grant agent in Somaliland since 2017 and will continue to serve in this role for the new grant as well. The new program is expected to begin in July 2018.