-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu casuumaad u fidinaayo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax oo dhawaan laga sii daayay Xabsi ku yaala dalka Ethiopia. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maamulka uu ku howlan yahay qorsho uu casuumaad ugu fidinaayo Qalbi-Dhagax. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin dadka kasoo jeeda dhulka Soomaalia Ethiopia, sidaa aawgeed ay Somaliland garatay inay casuumaad gaara u sameyso Qalbi-Dhagax oo hadda ku sugan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Waxa uu Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax loo sameynayo xaflad dhiiragelin ah maadaama uu yiri uu kasoo baxay gacanta DFS iyo tan Ethiopia. Waxa uu Faysal Cali haddalkan ka sheegay kulan uu ka hadlaayay mar uu kasoo laabtay safar uu ku aaday deegaanka Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag , halkaasi uu dagaal ku dhexmay Beelo mudo dagaalkooda uu soo laab laabtay. Dhinaca kale, Faysal Cali ayaa sheegay inay kalsooni siin doonaan cid waliba oo kasoo horjeeda dowlada Somalia maadaama ay caqabad ku tahay jiritaanka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in afafka hore ee Madaxtooyada Somalia ay weli yaalan Meydadka Maleeshiyaadkii shalay weerarka geestay. Meydadka ilaa iyo afar ruux oo xiran dareeska cusub ee Ciidamada Militeriga Somalia ayaa yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Somalia. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in afarta ruux ee goobta uu weerarku ka dhacay yaalla ay yihiin Kooxdii soo weerartay Ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda. Meydadka maleeshiyaadkan oo la is dul saaray kadibna joodari dusha laga saaray illaa shalay markii weerarka uu dhacay ayaa iminka halkaasi yaalay. Meydadka qaar ayaan muuqaal ahaan la aqoonsan waxaana saameyn xoogan ku yeeshay biraha ka dhashay Qaraxa. Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayan wali warbaahinta la hadlin, waxa ayna su’aashu tahay sababta ay Hay’adaha amaanka afka uga qabsadaan dhacdooyinka ceynkan ee iyaga quseeya. Sidoo kale, gaadiidka waaweyn ee Gobolka ayaa lasoo sheegayaa in goordhow loo dalbay si meydadka loogu qaado isla markaana loo xabaalo. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa shaki galiyay hanaanka shaqo ee Taliska ciidamada Militeriga, waxa ayna far ku godan tahay Taliska ciidamada Xoogga oo iyagu wax laga weydiin doono sida uu ku baxay dareeska ay wateen maleeshiyaadka weerarka fuliyay oo ahaa kuwo dhawaan la bixiyay isla markaana cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia hails its charismatic young leader as a peacemaker
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The flags of the two nations flew bright and sharp. The two leaders waved at the happy crowds. The formal meetings overran, amid ostentatious displays of bonhomie. Even the hatchet-faced security officials appeared relaxed. Source: Hiiraan Online -
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-shabaab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarka, si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo qaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan. “Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan al-Shabab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay. Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee Shabaab caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay Shabaab oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awooddooda, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman Shabaab” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. DHAMAAD The post Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay qaraxyadii Shalay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dubai-based DP World has commenced a legal battle with Djibouti over termination of a contract to manage the Doraleh Container Terminal. Source: Hiiraan Online
-
The Ethio-Somali Regional State is said to have released prisoners convicted of different crimes who were former members of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), The Reporter has learnt. Source: Hiiraan Online
-
The UN Migration agency says it has resumed its humanitarian operation to voluntarily repatriate migrants through the Yemeni seaport of Hodeida after a three-week interruption due to escalating fighting between the Saudi-led coalition and Houthi rebels. The fighting still goes on. But, the International Organization for Migration says it has carefully assessed the situation and, with the expert help from others, has been able to create a safe corridor to move a first group of migrants from Hodeida Seaport. IOM Spokesman Joel Millman says on Thursday a ship transported 53 Ethiopian migrants out of war-torn Yemen to Djibouti, from where staff will ensure their journey back to their homes of origin. "Meanwhile, IOM Yemen is continuing its humanitarian assistance to fleeing and displaced populations from Hodeida at its Migrant Response Point, which is now serving displaced Yemenis in addition to migrants," Millman said. "With the support of other UN agencies, IOM has been providing the migrants with food, transportation out of Hodeida, health care assistance, psychosocial support and cash assistance." Millman tells VOA his organization hopes to continue its repatriation operation on a more or less regular basis. But, he notes Yemen is an unstable country and outbursts of fighting can upend the best of plans. "Our best intention is yes, to continue these evacuations and repatriations whenever possible, but, obviously Yemen is a real war situation and that is going to impact what we can do and when we can do it," Millman said. To date, Millman says IOM has assisted more than 480 Ethiopian migrants to return home out of Hodeida, and more than 1,200 Somali refugees have been voluntarily repatriated out of Aden Seaport. Source: Hiiraan Online
-
Turkey condemned Saturday's deadly terror attack that killed at least three people in Somalia’s capital of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
The defection of an Emirati prince to Qatar has provided a rare glimpse into tensions among the rulers of the United Arab Emirates and added an awkward complication to its feud with Qatar, its regional rival. Source: Hiiraan Online
-
Mohamud Noor hopes to maintain Somali-American voice at the State Capitol, but he's got plenty of company Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay Mahad Cilmi oo ka tirsan baarlamanka Galmudug u magacaabay gudodomiyaha degmada Waaberi, xilli uu maalmahan magacaabayey gudodomiyeyaal cuusb. Magacaabistan ayaa timid laba maalin un kadib markii sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan ee Muqdisho loo magacaabay Cabdixakiin Dhagajuun, oo beddelay Maxamed Axmed Cantoobo. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sidoo kale lix guddoomiye degmo oo cusub la filayo in dhowaam uu magacaabo Yariisow, ayada oo maalinba mid lagu dhawaaqayo. Magacaabista xilalkan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu qanciyo xildibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo kaalin weyn ku lahaa ridistii guddoomiye Jawaari, iyo shaqsiyaad kale oo dowladda aad ugu dhow. Tusaale, Mahad Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ayaa waxaa lagu qanciyey xildhibaan Abtidoon Yare oo isla beeshaas u dhashay, iyo xubno kale oo isaga ku beel ah, halka Dhagajuun uu keensaday nin lagu magacaabo Cali Yare, oo aan dowladda ka tirsaneyn balse ku dhow Villa Somalia. Dhagajuun iyo Cali Yare labadaba waxay kasoo jeedaan beesha Ceyr. Sidoo kale, xubnaha kale ee la qorsheeyey in la magacaabo ayaa iyagana lagu qancin doonaa xildhibaano iyo siyaasiyiin kale. Ilo-wareedyo ku dhow Caasimada Online ayaa sheegaya in Yariisow uusan wax shaqo ah ku lahayn magacaabista, ayna ka socoto xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxtooyada, oo dhammaan magacyadan usoo gudbinaya gudodomiyaha gobolka Banaadir. Waxaa yaab leh in dadka la magacaabay qaarkood ama kuwa la magacaabayo aysan xitaa deegaan u lahayn degmooyinka loo dhiibayo, waana calaamad kale oo muujineya habka maamul xumo ee ka jira magaalada, oo dhowaan amnigeeda uu faraha kasii baxay. Horey waxaa u jirtay in xildhibaano iyo siyaasiyiin badan lacag baad ah ay bil walba uga qorneyd qasnadda gobolka Banaadir, haddana waxaa kusoo biiray xilal qancis ah. Waa calaamad kale oo muujineysa heerka uu gaaray musuq-maasuqa ka jira dowladda iyo gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar u muuqday mid wakhti badan laga soo shaqeeyay oo maalinimadii shalay lagu qaaday baro ay fadhiistaan ilaalada xarunta Madaxtooyada Somalia. Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaa oo ku qarxay meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada gaar ahaan meelo u dhow Hotelka SYL iyo Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab. Maleeshiyada hubeysneed iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in mudo ka badan 30 daqiiqo ay halkaasi ku dagaalamayeen, iyadoo markii danbe laga adkaaday maleeshiyada dooneysay inay awooda ku galaan Madaxtooyada. Sida aan xogta ku heleyno labada Gaari oo midi ahaa nooca loo yaqaan Saruf ay abaaro (Afar saac oo subaxnimo) kasoo dhaqaajiyey gudaha Degmada Waabari, waxa uuna ku nastay goob ku tiilay agagaarka buundo labaad oo aan sidaa uga sii fogeyn Ceelgaabta. Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in buundo labaad uu ku sugaayay Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo muddo kadib buundada ku gaaray Mooto bajaaj ay la socdeen. Waxa ayna sidaa ku raaceen gaariga Sarufta oo qadar 17 daqiiqo kadib u dhaqaajiyay dhanka Ceelgaabta oo ah halka uu ka dhacay weerarka koowaad. Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo u dhexeeyay 5 ilaa 7, ayaa waxaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow Afar cisho ay ku sugnaayen Degmada Waabari, halkaa oo laga abaabulay weerarka, sida aan kasoo xiganay illo lagu kalsoon yahay. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in maleeshiyaadka la socday gaariga Sarufta ee Madaxtooyada ka koray Ceelgaabta uu waday laba caag shidaal oo kiiba uu yahay 20-le. Shidaalka ayaa gaariga la saaray inta uu taagnaa Buundada, waxaana ujeedka shidaalka la sheegay inuu ahaa in lagu ololiyo Qaraxa si uu u geesto khasaaro xoogan. Dowlada Somalia ayaa maalmahaani aad u adkeysay amniga magaalada Muqdisho, waxaana jiray xogo muujinaayay in gudaha magaalada ay ku jiraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Sidoo kale, waxaa su’aalo ka taagan yihiin sida ay Hay’adaha amaanka ku ogaan waayen gaadiidka weerarka lagu fuliyay oo maalmahaani aad loo hadalhayay. Geesta kale, Qaraxyada shalay ka dhacay afafka xarunta Villa Somalia, ayaa kusoo beegmaaya xili asbuuci lasoo dhaafay uu Qarax lamid ah ka dhacay Xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu magacaabay guddi khubaro ah oo baaritaan ku sameeya Qaraxa sabtigii shalay iyo sabtigii lasoo dhaafay ka kala dhacay agagaarka Villa Somalia iyo kii Otto Otto. Gudiga uu magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre oo laga soo kala xulay Hay’adaha amaanka ayaa baaritaan degdeg ah ku sameynaaya Qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ka dhacay Villa Somalia iyo Otto Otto. Guddigan ayaa awood buuxda loo siiyay barista iyo inay garabsadan Khubaro cadaan ah oo iyagu ku howlan barista qalfoofta kasoo haray gaadiidka Qarxay. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa khubaradaasi u qabtay in 72 saacadood ay ku keenaan macluumaad waafi ah oo muujinkara xogta Qaraxyada iyo raadraacooda. Kheyre ayaa u sheegay xubnaha Guddiga in baaritaanka laga dhigo mid isku dhaf ah oo mideyneysa Saraakiisha ku qoran Degmooyinka la tuhunsan yahay, Gaadiidka Qarxay iyo Maleeshiyaadka weerarka tooska ah qaaday. Sidoo kale, Kheyre ayaa lagu wadaa in baaritaanka Guddiga kadib uu isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ku sameeyo Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka, gaar ahaan kuwa la tuhunsan yahay. Geesta kale, Qaraxyada kusoo beegmaaya maalmaha Sabtiga ayaa la rumeysan yahay inaanu aheyn mid abaabulkeeda ku eg Al-Shabaab, waxaana jira haddal-heyn muujineysa inay garab ka helayaan dadka tirsan dowlada, waxa uuna Ra’isul wasaaruhu qabaa shaki ku aadan Qaraxyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku sugan dalka Norway ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay ku fashilantay kasbashada dadka shacabka ah. CC Shakuur waxa uu sheegay inaanu jirin xiriir sidaa usii fog oo dowlada Somalia kala dhexeeya dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid khatartiisa leh. Mar uu CC Shakuur u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayuu cod dheer ku sheegay inuu jiro mugdi u dhexeeya dowlada iyo shacabka, isagoo ku baaqay inay isdabaqabato dowlad. CC Shakuur, waxa uu carab ***** in kalsooni darada ka dhex taagan dowlada iyo shacabka ay sababtay in dadka shacabka ah ay Garsoor u raadsadaan dhinaca maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxa uu CC Shakuur arrin aad khatarteeda u leh ku sheegay in dowlada Somalia oo leh Hay’addo Garsoor ay shacabka Garsoor u doontaa deegaanada ay heystaan Shabaabka. Waxa uu yiri “Wax xiriir ah dowlada Somalia kalama dhexeeya shacabka, hadii uu jiri lahaa xiriir shacabku Al-Shabaab uma doonteen garsoor”. CC Shakuur, ayaa sheegay inaanu jirin cadaalad ka dhex jirta xarumaha dowlada Somalia, waxa uuna carab ***** in dowladu ay ku fashilantay dadaalkii ay ku nabadeyn laheed Somalia. Haddalka CC Shakuur ayaa u muuqanaaya mid uu uga faa’iideysanaayo dhibaatooyinka amni darro ee wali ka dhex jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin kale, qaraxyo iyo weerarro ayey goobjoog u noqotay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Isla shalay oo kale, sabti waxa ay weerarro iyo qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsadeen xarumihii dowladda, gaar ahaan kuwii amniga qaabilsanaa sida Wasaaradda Amniga, Gudaha iyo Taliska warfaafinta, taas waxa ay su’aalo hordhigtay madaxda sar sare ee dowladda iyo gaar ahaan laamaha ay amaanku hoos tagaan ee weerarka lala beegsaday? Toddobaad kaddib, shakay waxaa ay Al-Shabaab weerareen madaxtooyada oo bartilmaameed u ahayd walow aysan ku guuleysan oo ay fashiliyeen ciidamadii ku sugnaa agagaarka Ceel Gaabta oo ay ka sameeysan yihiin baro koontorool lagana ilaaliyo madaxtooyada. Fallaqeyeyaasha siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa maankooda ka guuxaya cidda dusha u ridan doonta mas’uuliyadda weeraradan iyo qaraxyadan aan u muuqan kuwo xalkoodii la helay. Dowladdii midda hadda jirta ka horreeysay ee uu hoggaaminayey Xassan Shiikh Maxamuud waxaa la xasuustaa in uu iska casilay xilkii wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Cabdirakiin Xassan Guuleed kaddib markii uu ammaanka faraha ka baxay cadaadis bandanna uga yimi bulshada qeybeheeda kala duwan. Hadda mala joogaa xilligii uu tallaabadaas oo kale qaadi lahaa wasiirka hadda ee aminga gudaha Abuukar Axmed Islow Ducaale? Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Inta badan madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku sugan Magaalada Brusseles oo lagu qabanyo shir looga hadlayo danaha Soomaaliya oo saaxiibada beesha calamkaa sida dowladda Ingiriiska, dowladda Swedan iyo hay’adaha taageera Soomaaliya ku kulmi doonaan. Shirkan Brussels waxa uu ka duwanyahay shirarkii London Somalia conference iyo New deal Somalia waxaana shirkan uu yahay “Somali partnership forum, oo diiradda lagu saari doonaa arimo kala duwan sida: wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore ee lagu kala qabtay London iyo Muqdisho, guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska , dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii dalka. Madaxda Soomaaliyeed ayaa la fahansanyahay in aysan aheyn isku ajando iyo isku aragti gaar ahaan Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo arimo dhowr ah isku khilaafsan- walina aan xal laga gaarin, waxaana la saadaalinayaa in uu noqon doono shirkii Bishii May ee isla sanadkan ka dhacay Brussels oo Ra’isul wasaare kheyre iyo wafdi ka socda Maamul goboleedyada dalka isku khilaafeen, taa oo ururka midowga Yurub aad uga careysiisay is aaminaad la aanta ka dhextaagan Soomaalida. Dowladda waxey Madasha horgeyn doontaa; Siyaasadda loo dhanyahay, Kheyraadka Wadaagiisa, Nidaamka Doorashada, Dib uhabeynta dastuurka, Xeerka Doorashooyinka iyo Nidaamka Doorashooyinka oo la isla qaatay si dalka Hal qof iyo Hal cod doorasho ah uga dhacdo dalka. Waxaa xusid mudan in Maamul Goboleedyada ay doonayaan in siyaasadahooda dibadda loo madax banaaneeyo maadamada maadaama Dowladda Federalka Soomaaliya horey u shaaciyay in ay tahay mida kaliya ee Soomaaliya ku mateli karta shirarka caalamiga ah, waxeyna badi ka soo horjeedaan Ajandaha u diaayrsan Dowladda Federalka ee shirka Brussels sida in AMISOM dalka laga saaro iyo arimaha qeybsiga Kheyraadka dalka. Soomaaliya ayaa weji gabax kala kulmi doonto beesha Beesha caalamka oo taageero dhinacyo kala duwan ah siisa hadii ay isku khilaafaan Qodobada looga hadlayo iyo waxa ka soo bixi doona, taa oo dhabar jab weyn ku ah Soomaalida iyo Saaxiibadeeda Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Is-afgaradkii jimcihii ay Villa Somalia ka shaqeysay, una dhaxeeyey dhinacyada Galmudug, waa arrin la soo wada dhoweeyay, laakin waxaa jirto cabsi laga qabo sida Ahlu-sunna ula dhaqmi-doonto hirgelinta arrimaha la isku afgartay, taasi oo sheekada ku celin karta meel “Eber ah”. Khilaafka Muqdisho lagu xalliyay ma aha mid ku kooban madaxweynaha Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo afhayeenka baarlamaanka, arrinta salkeeda waa sida loo fulinayo heshiiskii 14ka qodob ahaa ee Galmudug iyo Ahlu sunna wada gaareen. Galmudug iyo Ahlu sunna, ma aha markii ugu horeysay ee arrintooda Villa Somalia u fariisato, ee waa markii 3aad ee madaxweyne Farmaajo uu arrintan isku xil saaro 7dii bil ee ugu dambeysay, laga soo bilaabo heshiiskii December 6, ee 10ka qodob ahaa ilaa midkan lagu dhameystirayo heshiiskii Djibouti. Heshiisyada Galmudug iyo Ahlu sunna waxaa ay soo socdeen tan iyo July 30, 2014kii, xillgan waa markii ay ugu dhowaayeen balse ku adkeysiga Ahlu-sunna ee ah in ay baarlamaanka Galmudug ku soo darto tiro ka badan midka Cadaado ku sugan, in laga tillaabsado awood qeysiga beelaha iyo arrimo kale waxaa ay horseedi karaan jug jug meeshaada jog iyo in mar walbo meel eber ah wax laga soo bilaabo. Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug waxaa ay qabaan in Ahlu-sunna aaney u hoggaansami-doonin heshiiska lagu saxiixay Djibouti, taasina ay waxba kama jiraan ka dhigi-doonto is-afgaradkii madaxweyne Xaaf, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Liibaan Cabdullahi Sheekh Xasan waxaa uu sheegay in arrinta dhacday ay aheyd is-afgarad iyo dib u sixid lagu sameeyay heshiiskii Dibouti. Xildhibaan Liibaan oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yri“Shirkii Djbouti waxaa lagu heshiiyay 14 qodob, saxiixa kadib waxaa ay aheyd in wasaaradda arrimaha gudaha ka shaqeyso, oo inta baarlamaanka Galmudug la keeno la sharciyeeyo, iyada oo aan taasi la sameyn ayaa Dhuusa-mareeb la geeyay, tiina waa socon-weyday, hadda waa in la soo celiyo, oo dib loo saxo, waa in baarlamaanka Galmudug hubiyo in heshiiska loo maray awood qeybsiga beelaha ee arrimaha kale”. “Horta mu’min god 2 jeer lagam qaniino, waa arrin xun in meesha la taagnaado, waa in la isla ogolaado in qaladaadka la saxo, in dastuurka loo hogaansamo, oo wax walbo dib loo saxo, maslaxadda Galmudugna wax walbo laga hormairyo” ayuu intaasi raaciyay . Dhinaca kale Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamud waxaa uu qabaa in arrinta dhacday ay tahay in madaxweyne Xaaf uu ku galay si deg deg ah, oo Ahlu-sunna aaney u hoggaansami doonin 14kii qodob ee Djibouti. “14 qodob ee Djibouti ee madaxweyne Xaaf heysto, Ahlu-sunna ma ogola, 14ka waxaa ay rabaan in laga dhigo sida ay iyaga rabaan, waxaa ay iila muuqataa jug jug meeshaada joogo”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarka ay Shalay Al-Shabaab ku qaaday agagaarka xarunta Madaxtooyada. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay weerarka. Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo khaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan. “Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabab in ay gaaran goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay. Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisada oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mahad Idaylkeed Alle Ayaa iska Leh ,Marka xiga waxaan salaan Hawada Umarinaya Idil Ahaan Ummada Soomaliyeed Ee Af, Dhaqan, Dhalasho iyo dhiig wadaagta ah. Salaan kadib waxaan Jeclahay inaan Maanta si qotodheer u lafa-guro Isbadalka ugub ee ka Curtay Gobolka Bariga Africa oo ay ugu Horayso Dalka Ethiopia. Sida aan wada ogsoonahay Mudo aan dheerayn waxaa Ethopia ka dhacay Isbadal Siyaasi ah oo saamayntiisa wata ,waxaa hogaanka dalka qabtay Abid Markii ugu Horaysa Taariikhda Nin kasoo Jeeda Qowmiyada Ugu Tiro badan dalka ethopia. Abiy Ahmed ayaa noqday Raysaal Wasaaraha Ethopia ,Bar bilowgii Xukunkiisa Wuxuu qaaday talaabooyin dardar leh oo aan looga baran Maamuladii Isaga kala danbeeyey Talada dalka ethopia,talaabooyinkaas oo ay ugu Mudan Yihiin Kala diridii Haraadigii Maamuladii dhiig yacabka wada ahaa shaksiyadkoodii awooda iyo saamaynta ku dhex lahaa awooda siyaasadeed ee dalka, wuxuu si shuruud la,aan ah ooda uga ragay Maxaabiistii buux dhaafisay xabsiyada wadanka ee sida Xaq-darada ah u xirnaa,wuxuu daah furay siyaasad cusub oo ku dhisan is qancin iyo wada xaajood,wuxuu liiska Argagixisada ka saaray Jabhadii Hubaysnaa oo ay kamid tahay Jabhadii xornimo doonka ahayd ee ONLF. Wuxuu sidoo Kale qaaday taalaabooyin Diblomaasiyadeed oo cul-culus sida wada-xajoodyada uu La galay wadama Soomaliya,Ereteria iyo Masar oo dhamaantood saamayntooda siyasadeed leh. Isbadalka iyo Ifaafalaha wanaagsan ee kasoo muuqday Ethopia waxay Abuurtay Rajo wayn oo ah in Bariga Africa ay noqon karto meel xasiloon siyaasad ahaan iyo dhaqalo ahaanba. Soomalida Iyo Isbadalka Ethopia?. Taarikhiyan waxaa Jiray dagaal qotodheer oo udhaxayn Jiray Qowmiyada Soomalida iyo Qowmiyada xabashida oo iyagu waligood Majaraha uhayay ethopia walow labatankii sano ee u danbaysay ay kusoo biirtay qowmiyada tigreega oo iyaguna mudadaas hogaanka wadanka hayay ,dagaaladaas waxay dad badani ufasirteen mid udhaxayn jiray ethopia iyo soomaliya xaqiiqaduse waxay tahay in labadaas qowmiyadood iyo soomalidu ay is hayeen. Taarikhiyan Waligeed Xabashi iyo tigree toona ma qabsan dhul soomaliyeed oo kama talin,waxaase caawiyay gumaystihii ingiriiska oo dhulka hada loo yaqaan Ogaadeenya ugacan geliyay. Waxa jira Xeerar Caalaamiya oo dhigaya inaan xuduudihii gumaystaha waxba laga badalin si looga baaqsado dagaalo ,taas oo la micno ah in dhulka waqooyi galbeed ama Ogadeenya ay wadan ahaan yihiin ethopia haba ahadaan isir ahaan soomaliye. Tan iyo Maalinkii Gumaystihii Ingiriisku ka baxay africa waxay dawlada ethopia ee hogaankeeda uu meertada u ahaa tigreega iyo xabashidu gumaad iyo gumaysi ku hayeen dadka ku nool dhulkaas oo ay rabeen inay xoog ku itoobiyaaneeyaan, waxaa gobolka Waqooyi galbeed ka dhacay xasuuq si bahalnima ah loogu dabar goynay dadka soomaliyeed ee halkaas ku nool. Dadkii waxay noqdeen wax la dilo,waxa cararra ,wax hubka qaata oo duurka gala,wax la xiro iyo wax gumaysiga qaayiba. Wixii dhacay waa dhaceen oo waa hubaal in la isaga daba iimaan doona oo laga xisaab tami doona dulmiga iyo darxumada loo gaystay dadka soomaliyeed ee gobolkaas ku nool. Hadal iyo dhamaan wajigii ethopia aan ku naqiinay waxaad mooda inuu is badalay, dawlada soomaliya waxaa laga rabaa in ay uga faa,idayso isbadalka ka dhacay ethopia dadkeeda laba siyaabood; 1- Dawlada soomaliya waa inay xooga saartaa sidii ay u baabi,n lahayd faraglinta siyaasadeed ee ay caadada u lahayd ethopia inay soomaliya ku samayso, isla markaasna aynu u noqon lahayn laba wadan oo xor ah oo daris wanaag kuwada nool. 2- Dadka Soomaliyeed ee ku nool Gobolka waqooyi galbeed in xuquuqdooda iyo xornimadooda lala raadiyo oo si buuxda loo garab istaago oo la tuso caalamka iyo ethopiyaba in dadkaas ay leyihiin dad iyo dal utaagaan ilaalinta sharaftooda iyo sumcadooda, lana qaado hadba talabadii macquul ah si loo xaqiijiyo rabitaanka dadkaas soomaliyeed ee ku nool gobolkaas. F.G= waxaa mudan in laga digtoonaada dhagarta cadawga ee ku aadan iska horkeenida labada qowmiyadood ee walaalaha ah ee Oromada iyo soomalida si looga gashaanto dhaawac ku yimaada isbadalka cusub ee ka bilowday dalka ethopia. W/Q: Abdikadir ibrahim Ahmed (Kambale)
-
Looking back at the election of H.E Mohamed Abdullahi Farmajo on February 2017 you could sense an air of freshness, an aura of new beginning for Somalia welcomed with enthusiasm and optimism from the Somali public across Somalia. The task that awaited the new Administration was enormous, hazardous and daunting to say the least. However, Eighteen month on, it is worth re-evaluating what has been accomplished so far under the current Administration Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta ay Qarxyo culus ka dhaceen meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan C/shakuur. Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Qaraxyada ay magaalada Muqdisho ka geystaan Al-Shabaab ay fududeeyan ciidamada Xasilinta, sida uu hadalka u dhigay. CC Shakuur, oo u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in ciidamada xasilinta ay kaalin weyn ka geystaan Qaraxyada ay fuliso Shabaab. CC Shakuur oo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn haddii aysan Al-Shabaab taageerayaal ku dhex lahayn ciidamada dowlada inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada. Siyaasigan mucaaradka ah ayaa wax aan suuragal aheyn ku sheegay in Qaraxyo iyo weeraro toosa ay ka dhacaan meel aan ka fogeyn Xarunta Villa Somalia, xili ciidamada ugu badan ay yihiin kuwo ku sugan Madaxtooyada. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Shabaab waxa ay ku dhex leeyihiin hay’adaha nabadgelyada taageero xoog leh waxayna ku dhex leeyihiin dad u sahla inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada.” Sidoo kale, CC Shakuur ayaa ku tilmaamay ciidamada xasilinta ee magaalada Muqdisho ka howlgala inay yihiin ciidamo aan sax ahayn oo aysan ku jirin heshiisyadii ay gaareen dowlad goboleedyada iyo xisbiyada dalka. Dhinaca kale, CC Shakuur ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada federalka ah ee Somalia aysan haysan kalsoonida shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The meeting was held in Columbus Ohio on June 22-24. The meeting was initiated by a group of Somali intellectuals who felt the need to get together and discuss the historical perspectives and the future challenges and opportunities facing the Somali agricultural sector. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Waaberi,isaga oo guddoomiye cusub u magacaabay degmadaas. Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa xilka guddoomiyaha degmada Waaberi loogu Magacaabay Xildhibaan Mahad Cilmi oo lagu wado inuu xilka kala wareegi doono Guddoomiyihii hore ee Degmada Rowdo Cabdullaahi. Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Rowdo Cabdullaahi Colaad ayaa xilkan loo soo Magacaabay 23kii Bishii May ee Sanadii hore markaas oo Gobolka uu Gudoomiye ka ahaa Taabit cabdi Maxamed. Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Waabari Mahad Cilmi Cali ayaa kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, waxa ayna Magacaabistan salka ku heysaa Nidaamka Wax qeybsiga ee Qabaliga. Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkan waday Isbadallada dardarta leh ee uu ku sameynayay Gudoomiyayaaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dhawaan xilkii laga qaaday Maxamed Axmed Cantoobo oo ahaa Gudoomiyaha degmada hodan, waxaana Booskiisa loo dhiibay Dhagajuun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Laba Qarax iyo Weerar toos ah oo maanta lagu qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda Somalia. Waxa uu weerarka ku bilowday rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen maleeshiyaadka weerarka qaaday iyo ciidamada dowlada ee ku sugnaa Bartakoontarool. Maleeshiyaadka ayaa ku hormaray dilka waxa ayna goobta ku dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan. Dableyda hubaysan ayaa ku cararay jidka u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda, halkaasi oo ciidanka si adag ay ugula dagaalameen. Xilli uu socday dagaal culus ayaa sidoo kale Markale Qarax Labaad waxaa uu ka dhacay Kontaroolka ku yaalla dhabarka dambe ee Hoteel SYL waxaana loo adeegsaday Gaari laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa toogtay raggii Weerarka soo qaaday ee galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda. kooxda Weerarka soo qaaday ee Sawiradooda Warbaahinta lasoo bandhigay ayaa ahaa Saddexda ruux ee Weerarka soo qaaday iyo Ruuxii Isqarxiyay. Qaraxyada iyo weerarka tooska ah ayaa waxa ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaartay ugu yaraan 9 ruux oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah kuwaa oo ku sugnaa goobaha ay wax ka dhaceen. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas , waxaana ay sheegeen in ay howlgallo ka waddaan Hareeraha Madaxtooyadda.