Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay ogolaatay heshiiskii nabada ee gudiga xuduudaha caalamiga ay soo jeediyeen ayna ka bixi doonaan dhulkii uu gudigaasi u calaamadiyey Dawlada Ereteriya si ay dhulkeeda ula wareegto. Arintan ayey Dawlada Itoobiya ku macnaysay inay uga goleedahay si loo soo afjaro xiisadihii uu dhiigu ku daatay ee u dhaxaysay labada Dal. Labada dal ayaa colaad xoogan ay u dhaxaysay tan iyo xiliyadii uu muran dhuleedku bilowday. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii kasoo baxday gudigii xadaynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray. Natiijadii ka soo baxday heshiiskaasina Itoobiya waxay diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, Ereteriyana waxay ku eedaysay Itoobiya inay xoog ku haysato dhulkeeda. Iminka Itoobiya waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa deegaano ay ka mid tahay magaalada Badme. ‘Ereteriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoon wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeenan si loo soo celiyo nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah’ waxaa sidaasi lagu qoray bogga Facebooga ee ururka EPRDF. Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la’aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Ereteriya markii uu xilka qabtay. Hadii Itoobiya ay ciidankeeda ka saarto xuduuda lagu muransan yahay waxay taasi muujin doontaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay nabada ay sheegayso. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo qaadatay go’aan taariikhiya oo ay Ereteriya ugu daysay dhulkii ay isku hayeen appeared first on Puntland Post.
  2. Two lawmakers from Somalia’s semi-autonomous Hirshabelle state were killed on Tuesday along with several of their bodyguards in an ambush near the Somali capital Mogadishu claimed by militant Islamist group al Shabaab. Major Abdullahi Abdirahman, a Somali army officer, said the lawmakers had been riding in a small car escorted by 10 soldiers in a military pickup truck when the ambush took place in the village of Elka Gelow some 45 km (28 miles) north of Mogadishu. “The lawmakers, Sheikh Dahir and Ismail Mumin, died in the fighting. Several of their bodyguards were also killed. Some bodyguards escaped into the jungle and are still missing,” Abdirahman told Reuters. However, a local resident said no one riding in the two vehicles had survived the ambush. “Al Shabaab hit the two cars with rocket-propelled grenades and the two lawmakers and their 10 bodyguards were all killed,” the resident, Ali Ibrahim, said. Al Qaeda-affiliated al Shabaab is trying to topple Somalia’s Western-backed government and establish its own rule based on a strict interpretation of Islamic Sharia law. The group also aims to drive the Africa Union-mandated peace keeping force AMISOM from Somalia. Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s military operations spokesman, told Reuters they had carried out the ambush and said they had killed all the occupants of the two vehicles. Last month the group killed another lawmaker from Hirshabelle state, also in an attack outside Mogadishu.
  3. Ethiopia’s governing coalition has announced it will fully accept and implement the peace deal that ended its border war with Eritrea. It says it will accept the outcome of a 2002 border commission ruling, which awarded disputed territories, including the town of Badme, to Eritrea. This will end a dispute with Eritrea that sparked Africa’s deadliest border war in 1998. Tens of thousands of people were killed in two years of fighting. The two sides have remained on a war footing as Ethiopia had, until now, refused to accept the ruling of the border commission, which was set up as part of a peace deal. As a result, Ethiopia had refused to withdraw its troops out of the disputed areas – leading Eritrea to accuse Ethiopia of forcefully occupying its territory. “The Eritrean government should take the same stand without any prerequisite and accept our call to bring back the long-lost peace of the two brother nations as it was before,” the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) wrote on Facebook. Eritrea had refused to hold any talks with Ethiopia until it agreed unconditionally to the border commission’s findings. Ethiopia’s new Prime Minister Abiy Ahmed had promised to make peace with the country’s northern neighbour after taking power earlier this year. BBC World Service Africa editor Will Ross says if Ethiopia does now remove soldiers from the disputed land, it would show it is serious about seeking peace. Source: – BBC
  4. The head of the Turkish Red Crescent (Kizilay) Kerem Kinik said the aid agency aimed to reach a total of 10 million people during the Holy month of Ramadan. Speaking to Anadolu Agency in an exclusive interview, Kinik said Kizilay delivered aid and was operating in more than 35 countries. “We try to deliver aid to people in Turkey who are in need. On the other hand, we try to reach lots of areas that are suffering from poverty, war [and] natural disasters,” Kinik said. The head of the Turkish Red Crescent said the agency had helped a total of 145,000 families with 350 Turkish liras ($75). “This year our budget for domestic aid is 50 million Turkish liras ($10.8 million). We also deliver food to 200,000 families in Turkey. We organize iftar meals and break our fasts with families.” Kinik added that iftar meals were distributed to people in Syria, Somalia, Iraq, Myanmar’s Rakhine State, Bangladesh, Pakistan, in the Balkan countries and in the Caucasus region. The Turkish Red Crescent also delivered aid to Palestinians last month, especially at the beginning of Ramadan. Thousands of Palestinians had gathered on the Gaza Strip’s eastern border on May 14 to take part in protests marking the 70th anniversary of the founding of Israel — which Palestinians refer to as Nakba, Arabic for ” the Catastrophe” — and protest the relocation of the U.S. embassy from Tel Aviv to Jerusalem. According to the Palestinian Health Ministry, at least 60 Palestinian demonstrators were martyred by cross-border Israeli gunfire in one of the deadliest single-day massacres in the country’s history. The Turkish Red Crescent rushed to the Palestinian people’s help and the permanent representatives of the agency in Gaza and Jerusalem locally obtained $100,000 worth of emergency medical equipment and successfully delivered them to hospitals and to the Palestine Red Crescent throughout the night. Source: – – Anadolu Agency
  5. The mother of a man whose skeletal remains were found in a bush grave months after his killer fled Perth for Somalia has been awarded $23,000 in criminal injuries compensation. Abdullahi Mohamed Igal, 25, was found buried behind a sports centre in Mirrabooka in October 2015 after Cabdi Qadir Farah admitted to village elders in Somalia he had stabbed Mr Igal to death five months earlier. Mr Igal’s mother, Ruun Ahmed Awad, said the circumstances in which her son was found was distressing. “It’s the horrific condition of his remains that were found that really has have me bed bounded,” she said. Criminal Injuries Compensation chief assessor Helen Porter ruled Ms Awad had suffered psychological injury as a consequence of her son’s death. “There were additional significant stressors, which very likely contributed to her condition and for which I could not include compensation,” Ms Porter said. “These included the imprisonment of her (other) son, the death of other close relatives and conflict with the Somalia community in the aftermath of her son’s murder.” In a statement of material facts, police said Mr Igal and Farah had been friends for years and were drinking alcohol when they had an argument. It escalated into a physical confrontation and resulted in Mr Igal being repeatedly stabbed in the torso with an unknown weapon. Police have issued a warrant for Farah’s arrest, but Australia does not have an extradition treaty with Somalia. Source: – Nine News
  6. Garoowe (Caasimada Online)-Dhiilo colaadeed ayaa waxa ay weli ka taagan yihiin Gobolka Sool kaa oo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland. Colaada oo dib usoo rogaal celineysa ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland ay gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh saacadihii lasoo dhaafay geysay deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Gaadiidka iyo ciidamada ayaa loola gol leeyahay in dib loogu soo nooleeyo dagaalka oo maalmahaani u muuqday mid laga caajisay,waxa ayna talaabadaani shaki galisay maamulka Puntland. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo ah hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay wado Somaliland uu noqon doono mid iyada ku laabta. Camey, waxa uu sheegay in dagaal hor leh ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool. Camey ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland, tan iyo inta ay Ciidamadeeda ka baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi. ‘’Somaliland wey ka sheekeyn doontaa Puntland qorshuhuna waxa uu yahay in dagaalka uu sii socon doono inta askari dhinaca kale ah uu ku sugan yahay Sool’’ Waxa uu intaasi ku daray in shacabka reer Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan duulaan kasto oo kaga yimaada dhanka Somaliland. Sidoo kale, Camey ayaa ku goodiyay in Puntland ay u bareertay in Gobolka Sool ay saldhigyadeeda kusii lahaato inta uu maamulka jiro. Haddalka Camey, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu ku baaqayo wadahadal iyo in la qaboojiyo colaada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso xukuumadda cusub ee dib u heshiisiinta qaran ee Libya. Dowladu waxa ay sheegtay in dowladaha carbeed ay ku khasban yihiin inay isgarabtaagan Libiya oo kasoo boganeysa dhaawacyada dhan maamul iyo mid dhismo ee kasoo gaaray burburka. Caadil Al-jabiir oo ah Wasiirk arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu taageero siiyo xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya. Al-jabiir ayaa sheegay in Libya ay ka taageerayaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga gaar ahaan dhinaca la dagaalanka argigixisada. Waxa uu tilmaamay in Libya ay hooy u tahay kooxda Daacish, hase ahaatee ay doonayaan inay ka ciribtiraan si Libya ay usoo noolaato. Hadalka A-jaabir ayaa yimid ka dib markii isaga iyo Faa’is Siraaj oo ah madaxa xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya ay ku kulmeen magaalada Jiddah ee cariga Sacuudiga. Dhinaca kale, Libya ayaa fowdo amni ay ka jirtaa tan iyo markii uu geeriyooday Mucamar Al-qadaafi waxaana waddanka isku haysta kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Daacish. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhismaha darbiga lagu sugayo amniga dalka Kenya ee laga wado xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya. Dhismaha oo inkabadan sanad socday ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa inuu galay hakat, kadib markii ay mushaar la’aan soo food saartay shaqaalihii waday dhismaha. Saraakiisha adeegga dhallinyarada Kenya ee NYS ee loo dadaad-gureeyey si ay u dhisaan Derbiga Ammaanka ee Xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia ayaa xaqiijiyay inaan shaqaalaha lasiin wax mushaar ah. Saraakiisha adeegga ayaa dalbaday in la siiyo Mushaarkooda oo dhan 350 million oo Shillinka Kenya, maadaama dhismaha uu yahay mid heer gabago ah. Saraakiisha adeegga, waxa ay intaa raaciyeen in ka badan 500 shaqaale oo ka soo jeeda Webiga ‘’Tana River’’ ay sheegteen inaysan wax mushaar ah helin muddo 18-bilood ah. Dowlada Kenya ayey ugu baaqeen inay la imaado qorsho ka duwan kan ay iminka ku dooneyso inay kusii wado dhismaha darbiga maadaama aanu jirin wax xuquuqa oo ay bixiso. Dowlada Kenya ayaa iska dhaga tireysa dhawaqa kaga imaanaaya shaqaalaha, hase ahaatee waxa uu arrinku u muuqanayaa mid sabab u noqon doono hakinta dhismaha. Si kastaba ha ahaatee Dowlada Somalia ayaan weli ku qanacsaneen hanaanka ay Kenya u wado dhismaha Derbigaasi oo ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga hor tagayaan sidii loo joojin lahaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee u gudba Xuduudka Kenya, si ay Howlgallo uga fuliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii Madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga tababarka Gen. Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag. Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan. Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada. Laamaha baarista oo kaashanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda. Gaba-gabadii ayuu sheeegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howlgeli doonaan rugaha ciidamada. Maalmihii la soo dhaafay Magalada Muqdisho waxaa ku soo kordhayey isku-dhacyada Ciidamada dowladda Dhexdooda ah kaas oo sababay dhimashada dad Shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. A visiting delegation from the African Union (AU) headquarters left Somalia today, after a three-day assessment tour of AU funded community projects in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Two lawmakers from Somalia’s semi-autonomous Hirshabelle state were killed on Tuesday along with several of their bodyguards in an ambush near the Somali capital Mogadishu claimed by militant Islamist group al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  12. The mother of a man whose skeletal remains were found in a bush grave months after his killer fled Perth for Somalia has been awarded $23,000 in criminal injuries compensation. Source: Hiiraan Online
  13. The head of the Turkish Red Crescent (Kizilay) Kerem Kinik said the aid agency aimed to reach a total of 10 million people during the Holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  14. Ethiopia's governing coalition has announced it will fully accept and implement the peace deal that ended its border war with Eritrea. Source: Hiiraan Online
  15. Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa ka digay war xumo tashiil uu sheegay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka faafineyso Qadar. Sheekh Tamim, waxa uu sheegay inay jiraan warar aan munaasib aheyn oo warbaahinta ay la wadaagan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa uuna ka digay in qiima tirka Qadar loo maro saxaafada. Waxa uu tilmaamay Sheekh Tamim in Qadar aysan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo sharafkeeda, waxa uuna intaa raaciyay in Qadar ay dhowrto dowladaha kala dhexeeya calaaqada iyo kuwa siyaasad ahaanta aysan isku wanaagsaneyn. ‘’Waa arrin muqadas ah in dal waliba lagu tixgaliyo waxa uu yahay, waxaa nasiib darro ah in warar aan wanaagsaneen laga faafiyo dowladaha, waxaan ku talineynaa in laga fiirsado waxa u dhexeyn kara khilaafka iyo ku taraxyaga arrimaha hoose’’ Sheekh Tamim, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hanjabaad dhawaan kaga imaaday dowlada Sacuudiga taa oo ku aadan in Qadar aysan soo iibsan Karin diyaaradaha qumaatiga u kaca. Waxa uu Sheekh Tamim cadeeyay in Qadar ay iibsan doonto diyaarado dagaal nooca aadka u dheereeya, isagoo sacuudiga kaga digay inuu qaado talaabo lid ku ah Qadar. “Sacuudiga hanjabaadeeda waa mid khuseysa Qadar wixii u roon wey garaneysaa weyna iibsaneysa diyaaradaha” Sidoo kale, Sheekh Tamim, ayaa adduunka ugu baaqay inay la socdaan hanjabaadaha iyo waxa uu ugu yeeray borobagaandada ay faaninayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka. Haddalka Sheekh Tamim, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka digeen in Qadar ay iibsato diyaarado dagaal oo hor leh. Caasimada Online Xafiiska Doxa Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Dalalka beesha caalamka ayaa dawladaha gobalka Geeska Afrika ee IGAD u xilsaaray inay xaliiyaan dagaalada dhex maray maamullada Somaliland iyo Puntland, Sidaas waxa xaqiijiyay ilo xog ogaal ah. Sida ay xogahani sheegeen wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika ee ku bahoobay IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland. Warku wuxuu xaqiijiyay in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland ee Soomaaliya. Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal la xidhiidha nabad raadintan iyo doonista ay Itoobiya ku doonayso inaan dagaal dambe dhicin ku tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland. Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada. Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne-xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.
  17. Kulanka aadka looga dhursugayo ee dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka. Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo. Waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah. Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay “si wanaagsan u socdaan”. “Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor” ayuu ku yiri saxafiyiinta. “Waa arrin ahmiyad leh” maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan”. Xoghayaha dhanka saxaafadda ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka Sarah Sanders ayaa Twitter-ka ku xaqiijisay in shirku uu ka dhici doono huteelka Capella. Sentosa waa mid ka mid ah 63da jasiiradood ee ay Singapore ka kooban tahay. Jasiiraddan oo badkeedu 500 oo hektar yahay wax yarna u jirta dhulwaynaha kale ayaa hoy u ah goobo loo tamashle tago, doomaha qaaliga ah ee sida gaarka ah loo adeegsado iyo goobo lagu ciyaaro golf. Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal. ISHA BBC
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa wax ka beddelay hadalkiisii hanjabaadda ee colaadda ka dhaxeysa Puntland, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu doonaayo inuu ka fogaado colaad ay u qaadan Somalia. Waxa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso inay nabad kula noolaato dhammaan Soomaalida kale, sidaa aawgeed aysan waxba u dhimi doonin Somalia, waa haddii laga badbaado. ‘’Anagu dooni meyno inay cadaawad na dhexmarto Somalia inteeda kale, waxaanu dooneynaa nabad inaan kula noolaano walaalaheen Somalia, waxaanu ka digeyn in nalagu soo xadgudbo’’ ‘’Somaliland waxa ay jeceshahay in Somalia ay dhan waliba iska caabiyaan anagoo aan isku sameyneynin xadgudub, balse waa inaan isku gafin oo aan si wada jira u ilaalinaa dareenka labada shacuub’’ Biixi waxa uu intaa raaciyay mar uu la hadlaayay warbaahinta gudaha ‘’Somalia inaanu wax u qabano mooyaane anagu colaad lama dooneyno, waxaanu jecelnahay nabadda waa in Somalia laga helaa nabad si ay nooga nabad hesho’’ Biixi, waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Soomaalida laga doonaayo inay ilaaliyaan wada noolaanshiyaha labada dhan, waxa uuna taasi ku sheegay inay horseedi karto xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan, sida uu yiri. Sidoo kale, Biixi ayaa cadeeyay in Somaliland aysan diyaar u aheyn in xiligaan ay dagaal la gasho Somalia qeybaheeda kala duwan, maadaama aan horay looga baran. Haddalka Biixi, ayaa u muuqanaaya mid ku fooraara Dowlada Somalia oo looga dalbanaayo inay ka shaqeyso Nabadda, isla markaana xaliso colaada Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda wadaaga ah ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay si dhamaystiran u aqbashay oo ay hirgelinayso heshiiskii nabada ee lagu dhamaynayay dagaalkii xuduuda Ereteria. Itoobiya waxay kaloo ay ogolaatay natiijadii ka soo baxday gudigii loo saaray calaamadaynta xuduudii la isku hayay laga soo bilaabo sanadii 2002-dii. Gudigaasi ayaa Ereteriya u calaamadeeyey deegaano ay ka mid tahay Badme. Arinkani ayaa soo afjaraysay ismariwaagii ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Ereteriyan, dagaalkaasoo noqday dagaalkii ugu dhimashada badnaa Afrika ee 1998-dii. Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo socday mudo labo sano ah. Labada dal ayaa colaad xoogan ay u dhaxaysay tan iyo waagaasi. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii kasoo baxday gudigii xadaynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray. Natiijadii ka soo baxday heshiiskaasina Itoobiya waxay diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, Ereteriyana waxay ku eedaysay Itoobiya inay xoog ku haysato dhulkeeda. ‘Ereteriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoon wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeenan si loo soo celiyo nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah’ waxaa sidaasi lagu qoray bogga Facebooga ee ururka EPRDF. Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la’aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Ereteriya markii uu xilka qabtay. Hadii Itoobiya ay ciidankeeda ka saarto xuduuda lagu muransan yahay waxay taasi muujin doontaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay nabada ay sheegayso. Isha: BBC Somali
  20. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Difaaca, La-taliyaha Amniga Qaranka, wasiirada dawlad goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed oo si habsami leh u marti galiyay shirka. Goluhu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa ciidamada amniga Konfur Galbeed, XDS iyo AMISOM. 1. Arrimaha Amniga: Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka, tix-galiyeenna aragtiyada iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Goluhu wuxuu isku raacay qodobada hoos ku xusan: 1.1. Madax-bannaanida: Golaha Amniga Qaranku wuxuu adkeynayaa in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah. 1.2. Ka hortagga khataraha: Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada. 1.3. Qorshaha Kala-guurka: Golaha Amniga Qaranka wuxuu ansixyey qorshaha kala-guurka (Transition plan), kaasoo loo arkay inuu yahay qorshe horseedaya in Soomaalidu hanato, kuna filnaato amnigeeda, iyada oo la raacayo tallaabooyinka soo socda; 1.3.1. In si wadajir ah looga mira dhaliyo fulinta wejiga koowaad ee qorshaha kala guurka oo dhigaya qaabka lagu hawlgalinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Booliiska ee labada heer oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu. 1.3.2. In ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay qeyb noqonayaan hawlgallada qorsheysan ee lagu furayo waddada muhiimka ah (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hawlgalkan waxaa doorka hoggaamineed qaadanaya Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed, waxayna ciidamada ka amar qaadanayaan Taliska Ciidamada Xoogga Dalka inta hawlgalkaas lagu jiro. 1.3.3. In Guddiga Qaran ee Isku-dhafka Ciidamada la yimaadaan muddo soddon (30) maalmood guduhood ah qorshe hawleedkooda. 1.3.4. In qorshaha kala guurku uu noqdo mid dhammeystiran oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta, soo kabashada dhaqaalaha, sarreynta sharciga iyo caddaaladda. 1.4. Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga: Goluhu waxa uu ansixiyay in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah lagu hawlgeliyo Xafiisyada Aminga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si loo dardargeliyo in Golaha Amniga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ay noqdaan kuwo waajibaadkooda shaqo gutaan. 1.5. Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada. 1.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga Fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kala guurka. 1.7. Goluhu wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada wax ku oolka ah ee laga wado CXDS oo ay kamid yihin sida qaab-dhismeedka ciidanka, mideynta tababarka iyo hagaajinta anshaxa iyo adaabta ciidanka iyo sidookale qaabaynta hannaanka dallacsiinta saraakiisha iyo saraakiil xigeennada oo la waafajiyey sharciga dallacsiinta. 1.8. Goluhu wuxuu farayaa Guddiga Dib-u-habeynta Booliiska Federaalka ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha in ay kusoo dhameystiraan qaabka dib-u-habeynta Booliiska Federaalka muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah. 1.9. Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda. 2. Arrimaha Siyaasadda Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay qodobada soo socda: ¢ Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka. ¢ Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta). 2.1. Goluhu wuxuu bogaadinayaa waxqabadka Guddiga Wada-xaajoodka iyo Wasaaradaha ka shaqeeya Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay. 2.2. Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in lasii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka. 2.3. Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga. 2.4. Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018. 2.5. Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta. 2.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka la sii dardar-galiyo, laguna soo gabagabeeyo sannadka 2018-ka, ayada oo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin. 2.7. Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun 2018. 2.8. Goluhu wuxuu faray Guddiga Farsamada (TC) ee Golaha Amniga Qaranka in ay soo gudbiyaan Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta shirka xiga ee la qabanayo bisha Agoosto iyadoo laga amba qaadayo go’aamadii shirkii Wasaaradaha Cadaaladda ee ka dhacay magaalada Jowhar bisha Jannaayo 2018. 2.9. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la hawlgaliyo xubnihii ay dawlad gobaleedyadu u soo magacaabeen guddiyada dib uu eegista dastuurka. 2.10. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardar geliyo wadaxaajoodka arrimaha federaalka si loo dhamaystiro hannaanka awood qaybsiga ee ku qeexan Qodobada 53-54 ee Dastuurka. 2.11. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hindisaha lagu abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka. Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post AKHRISO:-Shirkii Baydhabo oo la soo gabagabeeyay, war-murtiyeedna laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
  21. Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxda Al-Shabaab ay halkaasi la wareegtay. Ciidamadii Dowlada ee maamulayay degmadaasi ayaa isaga baxay Galinkii dambe ee maanta iyaga aaday dhanka iyo xadka Kenya. Al-Shabaab ayaa xiligii Afurka si toos ah gudaha u galay Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo koonfurta Soomaaliya. Al-Shabaab oo wata Gaadiidka dagaal ayaa si toos ah gudaha ugu galay Degmada Ceel iyaga oo dadka kala hadlay masaajida iyaga oo ku baaqay in ay is dajiyaan. Lama oga sababta ay ciidamada dowlada uga baxeen Magaalada Ceel-waaq hayeeshee horay maamulka waxa uu u sheegay in Ciidamada ku sugan ceel waaq aanay aheyn kuwo qalabeeysan. Dhowr jeer oo hore ayeey sidaan oo kale Al-Shabaab u la wareegeen Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo inkastoo hadana ay dib uga baxayeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo La Wareegay Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  22. Koox Bastoolado ku hubeeysanaa Ayaa Degmada Wada Jir ee Muqdisho waxa ay ku dileen Nabadoon Caan ahaa sidoo kalena kamid ah Ganacsatada caanka ah ee Muqdisho. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi Jiray Macalin Daahir Cali Tifow Waxaana dishay dableey hubeeysan xili uu ka soo baxay masjidka. Kooxdii dilka geeystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana goobtaasi soo gaaray Ciidamada Dowlada oo baaritaano ka sameeyay. Sidoo kale Allaha u naxariistee Macalin Daahir Cali Tifow ayaa sidoo kale kamid ahaa Xubnihii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheeysan oo loo geeysto Masuuliyiin iyo odoyaashii wax ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Nabadoon iyo Ganacsade Caan ah oo lagu Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Baydhabo (Caasimadda Online) – Warka ka imaanayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirkii Amniga Qaran ee magaalada Baydhaba uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada lagu gaaray heshiis. Heshiiska ayaa ku saabsan labadii Qodob ee sida weyn la isugu khilaafsanaa, kuwaasoo kala ah Wadaagga Kheyraadka iyo Hannaan Doorasho Federal ah ee 2020-ka, waxaana munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska ay goor dhow ka dhacday magaalada Baydhaba. Qodobadda lagu heshiiyay waxaa ugu waaweyn: 1- In doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhacayso Sanadka 2020 oo ay kuraasta Barlamaanka ku tartami doonaan Xisbiyo Siyaasadeed . 2- In la mideeyo Canshuuraha Dalka. 3- In laga heshiiyey habka Qeybsiga khayraadka dalka. 4- In la Dhameystiro Dastuurka KMG ah. 5- In la qaadayo Howlgal lagu furayo Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyo guud ahan Goobaha ay shabab kaga sugan yihiin dalka oo dhan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay dhamman qodobada Shirka loo Gudbin doono Barlamaanka Soomaaliya. Shirka oo lagu waday in caawa xilli hore lasoo gabagabeeyo ayaa dib ugu dhacay dood ku saabsan hab qoraalka heshiiska labada qodob ee ay gaareen dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
  24. Balcad (PP) ─ Ugu yaraan sagaal qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen xildhibaanno barlamaanka Hir-shabelle ka tirsanaa ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Xildhibaannada weerarkan lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray; Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaana sidoo kale lagu dilay weerarkaas guddoomiye ku xigeenkii degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Hosoe, Muuse Cabdule Maxamed Muuse [Af-weyne]. Sidoo kale, Waxaa kaloo weerarkan lagu dilay lix askari oo ilaalo u ahaa xildhibaannada la dilay, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu khasaare badnaa oo loo geysto xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hir-shabeelle. Inkastoo Maamulka Hir-shabeell uusan weli ka hadiln weerarkaan, ayaa haddana waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay ku dileen weerarkaas 12-qof oo isugu jira ciidammo iyo xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas. Weerarkan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Qali-moow iyo Balcad, waxaana weerarkan uu noqonayaa mid aan ku cusbayn waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo ay inta badan adeegsadaan mas’uuliyiinta maamulka Hir-shabelle. Dhanka kale, Ciidammo fara badan ayaa gaaray halka weerarkaas uu ka dhacay, waxaana goobtan horay loogu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku socday Jowhar, kuwaasoo laga dilay tiro askar ah, gaadiid kala duwan looga gubay. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa kordhisay weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada ka baxsan Muqdisho, waxaana maamulka Hir-shabelle uu ugu baaqay dhawaan in la adkeeyo amniga waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Baarlamaanka Hir-Shabeelle ka Tirsan oo lagu dilay Weerar Gaadmo ah appeared first on Puntland Post.
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si carro leh uga hadlay lacag ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya siisay maamulka Somaliland, oo maamulka sheegay in Muuse Biixi uu hub kusoo iibsan doono. Shir Jaraa’id oo ay maanta magalada Garoowe ku qabteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, ayaa waxa ay war ka soo saareen lacagta halka milysn ahayd ee shalay dowladda federaalka ugu deeqday fatahaadda Somaliland. Dowladda ayaa lacagtaas ugu talo gashay dadka ay duufaantu saameysay ee ku nool degaanada bari ee maamulkaas, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ah guddoomiyaha guddiga qaran ee fatahaadaha. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullahi Jaamac Xersi (Timacade) ayaa walaac ka muujiyey lacagtaas in loo adeegsado hab siyaasadeed, islamarkaana maadxweynaha Somaliland uu ku iibsado hub looga qeyb qaato dagaalada u dhaxeeya labada dhina, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kaloo oo uu sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin gurmadkaas basle xilligan dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahnaa in ay u wakiilato culimada iyo waxgaradka, laakin taasi ay hadda faraha ka baxday, islamarkaana Muuxe Bixi ay gacanta u gashay. Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Wasiir-Puntland.mp3