-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa tilmaamay in Madaxweyne kasta oo Somaliya soo maraa inuu weji fiican tuso Somaliland, marka uu Kursiga ku fadhiistana uu nacayb u muujiyo. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka ka furmay Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya marka ay wax ka dhacaan, bay naxdinta ina soo eegaan, inta kale inama soo xasuustaane, inaguna mar kasta weynu u ducayn jirnay, colaada Dawladda Xamar inoo haysana maaha wax imika inagu cusub, waa wax waligeedba soo jiray, Madaxweyne kasta oo Xamar soo mara marka hore wax buu ina tusaa, marka uu kursiga ku fadhistana nacayb buu inoo muujiyaa, laakiin awalba waxba inamay jeeli jirin, imikana waxba inama yeelayaan, teena ayey noqonaysaa oo loo soo noqonayaa, Madaxda Xamarna waxaan leeyahay aynu ahaano laba dal oo jaar ah”. Wasiirkii hore ee Qorsheyntu mar uu ka hadlaayey Shirkan ka furmay Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkan looma kala hadhin,Culimadii dalka, Salaadiintii kala duwanayd ee dalka, Madaxweyne ku xigeenkii iyo Siyaasiyiintii ugu cuslaa ee dalka ayaa ka qayb galay, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa in khilaaf dambe iyo dagaal dambe aanu dhexmarin, labadan beelood ee walaalaha ah, waxaana labada beelood ee leeyahay waad aragtaan culayska iyo lexe-jeclada la idinka qabo, oo aanay cidina hadhin, oo intii mudnayd ee wadankan magac ku lahayd, siday idinku soo gurmadeen, markaas qiimaha aad leedihiin halkaas baad ka arkaysaan, waxaan idinkula talinayaa in taladdaas ugu dambeeya aad qaadatan, gacmaha isa saartaan oo aad isa saamaxdaan”. Mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo, walaalnimo, iyo inaynu la shaqeeyno oo aynu is garab taagno Dawladda iyo Ciidankeena Qaranka, oo difaacana aynu ka wada qayb qaadano, waxaana si aad ah u amaanaya cid kasta oo Ciidankeena Qaranka is garab taagtay, una caawiyeen” W/Q: Maxamed Ibraahim Qabo
-
Waxaa marag ma doonto ah in Soomaaliya waxbadan looga dayan doono ama lagula yaabi doono. Caasimadda dalka Belgium, magaalada xarunta u ah midowga yurub ee Brussels oo uu ka furmay kulan lagu lafa gurayey arimaha Soomaaliya kaasoo daba socday kuwii horay uga dhacay London iyo Muqdisho sanadkii tegay ee 2017-ka ayaa waxaa la yaab noqotay in ay soo gaaraan todoba madaxweyne oo ka socota hal dal. Soomaaliya waxay waddo cusub u furtay dowladdaha caalamka iyadoo arintani noqon karta hab dastuureed iyo nidaamka federal ah dunida ku soo kordhay qarnigan. Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo ay dad badani rejo fiican ka qabeen ayaa muujinaya kala fogaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeeya madaxda sarsare ee hogaamiya dowlad goboleedyada dalka. Shirka waxaa lagu diirad saarayey habsami u socodka adeegyada dowladdu shacabka u heyso, kobcinta dhaqaalaha, kasoo kabsashada dhibaatooyinkii lixaadka lahaa ee dalku soo maray iyo arimaha “bini-aadanimadda, ha ahaatee, madax badan ayaa u aragtay gorgortan iyo tartan loogu jiro awood qeybsiga dalka gaar ahaan kaalmadda dhaqaale ee ay bixinayaan midowga yurub. Dhalinyarada qurba joogta ah ee ku lugta leh saxaafadda soomaaliya iyo kuwa caadeystay inay dowladda dhaleeceeyaan ayaa u arkay fursad ay kula kulmi karaan mas’uuliyiinta dowladda taasi oo muujineysa in ay rejo ka leeyihiin in dalku u talaabsado dhanka horumarka. Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo aan magaciisa rabin in la shaaciyo ayaan weydiiyay sababta keentay in dad badani dacaayadeeyaan dowladda ayaa ii sheegay in uu weligii ka gadoodsanaa horusocod la’aanta dowladda iyo ballanqaadyada oo aan la fulin, dhalleeceyntiisuna ay marwalba salka ku heysay qaladaad badan oo aannu ka aamusi Karin. Dhinaca kale waxaan shaki ku jirin qilaafka weyn iyo mugdiga soo kala dhex galay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne goboleedka Jubba land, Axmed Madoobe. Siyaasadda Soomaaliya ayaa dhowaantan noqotay mid suuqa yaacsan oo ay shacabku kasii warqabaan tilaab walba oo ay madaxda sare qaadayaan, dadka ay la tashtaan iyo qorshooyinkooda gaarka ah ka hor inta aan go’aanada qaarkood loogu dhawaaqin si rasmi ah. Lacagaha loogu talo galo in lagu garab qabto dowladda taagta daran ayaa ku luma soo marista gacmo badan iyadoo marka dambena inta soo harta ay jeebka ku ritaan masuuliyiinta sar sare. Madaxweyne Farmaajo ayaa marki qudbadiisa la dhuuxo laga dareemi karay in uu hada u bilaabanayo halgan siyaaseed oo “u” baahan olole cusub si uu ugu sii nagaado kursiga “kadib” muddada afarta sano ah. Kulankii uu la qaatay jaaliyadda Soomaalida, halkii laga filayey in uu ka hadlo waxqabadka dowladda iyo siyaasad cad oo uu kula dagaalamayo argagixisada oo ay wehliso qodobo dhab ah oo ku wajahan hiigsiga mustaqablka dhow ayuu bedelkeedii doortay in uu ka sheekeeyo taariikho la wada ogsoon yahay. Madaxweynuhu wuxuu ku jiraa riyadii doorashada, isagoo mooda in weli shacabku xiiso u qabaan in been cusub lagu madadaaliyo. W/Q:: Abdul Aziiz Mohmoud Kulmiye Brussels Belgium
-
Gogol-Dhigga Qoraalka Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin, oo xanuun & wal-wal badan ku abuuray kuna reebay dadka Geeska Afrika & dunida xorta ahbaa, gaar ahaan shucuubta dalka Ethiopia, Musiliinta & Somalida. Waxaa deegaanka Hararghe (gaar ahaan Hawadaay & Balbaleyti) ka dhacay xasuuq & isir-sifeynaan loo aabayeelin loogeystay shacab Somaliyed oo qabiil walba leh, waxa kaliya ee loo xasuuqayna waa “waxaad tihiin Somali”. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Harar ama Hararghe (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab oo ka badan 600 Somali Muslim. muddo bilohood ah waxaa la xasuuqay shacab Somaliyed, boqolaal ayaa la laayay ama la qowracay, halka kumanaan la barakiciyay, hanta & xoolo waxay lahaayeenna la boobay ama gubay. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia & maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka. Kadib dhacdooyinkaa foosha xun, waxaan iksu dayay inaan wax ka ogaado taariikhda dadka & dhulka ama deegaanka uu xauuqu ka dhacay ee Deegaanka Harar; (i) dadka kunool dhulkaa, siday ku yimaadeen, qolada joogtay ama loogu yimid dhulkaa, (ii) siduu ahaan jiray xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab ee Oromada & Somalida guud ahaan, gaar ahaan Hararghe, (iii) Xasuuqa & mashaqada dhacday & cidda ka dambeysa & ujeedka ka dambeeyay, (vi) dhibka & qalalaasaha uu u keeni karo nadda aan cago ku taagneyn ee geeska Afrika. Hadaba, waxaan fursad u helay inaan la sheekeysto dad badan oo Oromo & Somali ah, waxaa kale oon akhriyay qoraalada & dukumiintyada dowlada Ethiopia, gaar ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994, & qoraalo ay sameeyeenashkhaas & hay’ado caalami ah. Dhibaatada ugu weyn ayaa ah ayada ooyna jirin qoraalo ama raad-raac ay sameeyeen aqoon-yahanka Oromada & Somalida. dhammaan tix-raacyadaa ahaa ah kuwo ay qoreen dad aan Somali ahayn (sida ahaan tirakoobka dadweynaha ee 1994 oo ay qoreen shaqaale Xabashi & Oromo ah oo ka socday dowladda dhexe), halka qoraalada qaar ay qoreenha’ado caalami ah & shakhsiyaad Xabashi ah. Dhanka kale markaan ka eegno waxaan helay suugaan aad u badan ooy Somalidii hore ka tagtay, waxaana ugu muhiimsan gabayada oo ahaa xiliyadii hore waxa kaliya ee isku xidhi jiray shucuubta, deegaanka & taariikhda. Qoraalkani ma aha mid dhamays tiran, wuxuuse noqon karaa mid laga amba qaado oo lagu raadin karo xogta dhabta ama daahsan ee dadka iyo deegaanka Harar (Hararghe) guud ahaan, gaar ahaan aagga Balbaleyti oo ah halka ay mashaqada ugu ka dhacday. Hadaba, waxaan isku mashquuliyay inaan helo taariikhda shacabka Somalida iyo Oromada ee deegaanka Harar (Hararghe), gaar ahaan Balbaleyti, wakhtiga ay yimaadeen ama tageen halkaa, iyo macnaha “magaca Balbaleyti”, waxaan helay ama ururiyay xogo macquul ah, wallow ay iga maqan yihiin waxyaabo badan, waxaana jeclaan lahaa in qofkii haya xog ama macluumaad arinka Harar (Hararghe) ama Balbaleyti iyo dadka daga ama dagi jiray inay sheer-gareeyso ama qoraal ku sameeyaan, lana wadaagaan bulshada Somaliyed. Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromada Somalida & Oromadu (gaar ahaan Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxaa ka dhaxeeya xidhiidh soojireen ah. Labada shacab waxay wadaagaan waxyaabo badan; waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diinta. Taariikhdu waxay qortay in Oromadu (gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso) tahay kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaaddii Somalida & Gumaystihii Yurub (Engiriis), halka Somalidu ahayd walina tahay saanad & cudud, iyo halka kaliya ee Oromado muciin u ah ama aadaan mar walba ooy dhibaato la soo daristo. Dadka Kushitiga (Cushitics) ama dadka ku hadla Afka Kushitik-ga (Cushitic-speaking people) waxay ku nool yihiin wadamada Geeska / Bariga Afrika, sida Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somaliya & Sudan, waxaana ka mid ah dadka Agaw, Alaba, Arbore, Beja, Boni, Burji, Daasanech, Canfar, Gedeo (Darasa), Hadiya, Kambaata, Konso, Libido (Maraqo), Maraago, Oromo (Borana, Guji, Gabra, Ittu (Qotu), Macha, Wellaga, Tulema, etc), Qebena, Qimant, Qwara (Falasha), Raya, Rendile, Sakuya, Saho, Sidamo, Somali, Timbaro (Timbara), Warji & kuwo kaleba. Canfarta, Oromada & Somalida waxay wadaagaan xuduud dhulka, halka Agow ay dagaan dhulka u dhaxeeya Ethiopia & Eritrea. Dad badan ayaa aaminsan in Xadaaradii & Boqortooyadii Aksum (Aksumite civilization & Axum Kingdom) & Afka Ge’ez-ka ay sameeyeen Xabashidu (Amhara & Tigray), waxaase la ogaaday inay qowmiyada Agow ay xadaarad ka sameeyeen dhulka Buuraleyda Xabashida kahor intayna Xabashidu imaanin dhulkaa. Magaalada Harar waxa ahayd magaalada ugu caansan Geeska Afrika qarnigii 11aad, waxayna noqotay Caasimadii Muslimiinta Geeska Afrika. Sida laga dareemayo raadadkii culimada Somaliyed, waxaad arkeysaa in badankood sheegtaan inay wax ku barteen deegaanka & magaalada Harar. Hadaba su’asha ayaa ah yaa deegaan ahaan iska leh ama dagi jiray ama ku soo horeeyay deegaanka & magaalada Harar; Somaali mise Oromo? Taariikhda Soomaalida iyo Oromada Deegaanka Harar? Xogaha aan helay waxaa kamid ah inay Somalida iyo Oromadu yimaadeen dhulka ama deegaanka Harar oo uu ka mid yahay deegaanka Balbaleyti wakhti hore iyo xilliyo kala duwan. Lama xaqiijin karo qolada ugu hortimid ama ku horeysay deegaankaa, waxaase jira qoraalo cadaynaya inay labaduba yimaadeen xilliyo isku dhow (qarniyadii 14aad – 16aad). Waxaa la sheegaa in marka jabeen Muslimiintu wakhtigii Axamad Guray ay Oromadu soo gashay dhulkii ay Somalidu banaysay ee Harar, iyo in markay jabtay Daraawiish inay Oromada Hararghe iyo Caruuso (Caruuso ama Arsi) soo dhoweeyeen Somalidii. Xogaha qaar ayaa sheegaya inay Somalidu timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo hore iyo xiliyo kala duwan. Maadama Balbaleyti ay hoos tagto Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta, gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay dhulkaa wakhti aan ka yarayn shan-lix qarni. Waxaase jira qayb kamid ah Somalida oo deegaanka Balbaleyti timid wakhtigii Daraawiishta, waxayna isugu jireen dad culima ah oo qolo walba leh, kana fikir duwanaa daraawiish iyo Sayid Maxamad. Dadkaa ama Culimadaa waxaa hormuud u ahaa culimada, waxaana ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo udhashay Ogaden (Ree Warfaa, Ree Cabdile (Cabdulaahi), Maxamad Zubeer). Arinkan wuxuu ku tusinayaa inay Somalidu dhulkaa ama deegaankaa ugu timid Oromo ama Oromadu dagi jirtay dhulka Harar (Balbaleyti) iyo Caruuso (Carsi ama Arsi). The Joshua Project: waxaase jira xogo ama darasado ay qoreen hay’adaha Ree Galbeedka gaar ahaan kuwa faafiya diinta kiristaanka (The Joshua Project) oo sheegay arinkaa wax ka duwan. Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) oo ah hay’ad raadisa taariikhda shucuubta dunida gaar ahaan kuwa ay ku yarhiin dadka aaminsan diinta kiristaanka wuxuu sheegay in Oromada Hararghe (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso & Babile) ay qarnigii 16aad yimaadeen dhanka ama deegaanka Harar, ayagoo noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-nool ayaga iyo Soomaalida. Carra-Weelo: Haweeneyda lagu magacaabo Carra-Weelo (ama Carraweela) waxaa laga sheegaa inay ahayd hogaamiye soo xukuntay dhulka Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Somalida, qaar kamid ah Oromada & Xabashida. Arinkaa wuxuu arinkaa ku tusayaa isdhax-galka labada umadood ee Somalida iyo Oromada & inay Somalidu hogaanka u haysay shucuubta Geeska Afrika ooy ku jiraan Oromadu. Dadka qaar ayaa sheega in Carra-Weelo xukuntay dhulka Somalida ilaa Agow ee xadka Ethiopia & Eritrea. Nasiib darro lama hayo wax sheegaya wakhtiga ay Carra-Weelo xukumi jirtay dhulkaa iyo qabiilka ay ku hayb tahay ama ka dhalatay. Carra-Weelo lama oga inay tahay wax jira ama khuraafaad Somalidu samaysatay. Sheekada Carra-Weelo waa sheeko ku xoog badan taariikh-afeedka Soomaalida, waxaana looga sheekeeyaa siyaabo kala duwan. Dadka qaar waxay ku sheegaan inay ahayd boqorad Soomaaliyeed oo waayo hore ka talin jirtay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Waxay caan ku noqotay ciqaabta Ragga (xaniinyaha ka bixin jirtay) iyo dumarka oo ay xuquuqdooda difaaci jirtay una dagaallami jirtay. Raggu markay ag-maraayaan xabaasheeda waxay ku tuuraan dhagax ay u la jeedaan kohasho iyo neceyb, dumarkuna waxay ku tuuraan laamo qoyan ama ubax ay uga gol leeyihiin bogaadin iyo uriyaaqidda wanaagii ay dumarka taaran jirtay. Axmad-Gurey qarnigii 16aad: Axmad-Gurey wuxuu ahaa hogaamiyihii horseedka u ahaa fidinta diinta Islaamka ee Geeska Afrika, asagoo gaadhay xadka Ethiopia & Sudan. Wakhtigii Imaam Axmad-Gurey Muslimiinta Geeska Afrika waxay ahaayeen dad isku duuban oo isku hadaf ah, sidaa ayayna ku gaadheen guulo lama filaan ah. Jabka Muslimiinta ee wakhtigaa waxaa sabab u ahaa laba arimood; ayagoo dhexdood khilaaf ku yimid iyo Gumeystihii Bortuqiiska oo hub iyo saanad iyo ciidan ku taageeray Boqortooyadii Xabashida. Waxaa la sheegaa in 21 Feb 1543 Imaam Axmad-Gurey lagu dilay dagaalkii Weyna Dhaga (Battle of Wayna Daga) kaas oo ka dhacay Bariga Harada Taana (Lake Tana) ama magaalada Baxar-daar (Bahirdar) ee caasimada Gobolka Axmaarada. Waxaa kale oo la sheegaa in Imaam Axmad-Gurey lagu xabaalay magaalada “Shire” ooy Tigraygu u yaqaanaan “Inda Selassi” oo macnuhu yahay “sadexda ilaah ee ay caabudaan”. Shire waxay ku taalaa cidhifka waqooyi ee Ethiopia ama gobolka Waqooyi-Galbeed ee MaamulkaTigray, waxayna u dhowdahay xadka Ethiopia, Eritrea & Sudan. Saldanadii Ajuuraanka qarniyadii 12aad-18aad: waxaa la sheegaa in Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) ay ka talin jirtay Geeska Afrika oo lagu sheego inay ahayd boqortooyadii Somali ugu horreysay ayadoo markii danbee ku fidday dhulka Somaliyed iyo Afrikada Barri, illaa xeebaha Konfur Afrika iyadoo addegsaneysay ciidan, gacansi iyo xidhiidh caalami ahba. Saldanada Ajuuraanka waxay dagaal la gashay sadex quwadood oo damaaci kaga jiray dhulka somalida iyo Afrika kuwaas oo ahaa Boqortooyadii Xabashida, Gumeysigiiy Bortuqiiska iyo duullaankii Gaal Madow (Oromo), weyna ka guuleysatay dhamaan xoogagaa shisheeye eek u soo duulay dhulka Somalida. Harar waxay ka mid ahayd dhulka ay xukunto Saldanada Ajuuraanka, lamase hayo wax cadaynaya in shacabka deegaankaa deganaa ahaayeen Somali ama Oromo ama qowmiyado kale. Raahibki Xabashida (the Abysinian Monk) qarnigii 16aad: Raahibkii Xabashida (the Abysinian Monk) ee Abba Bahrey oo u dhashay Tigray wuxuu ku sheegay buug uu qoray qarnigii 16aad waxyaabahan: “Oromada ayaa duulaan soo qaaday, ayadoo qabsatay deegaanka Koonfur-Bari oo daris la ah Baali (xarunta Gobolka Caruusada ee maanta) ka hor dagaalkii Axmad-Gurey (qarnigii 16aad). Dagaalada Oromada waxay ahaayeen kuwo xadidan, waxayna mar walba ku soo laaban jireen xaruntooda oo u dhoweyd Wabiga Shabeele. Sanadadii 1551-1567 waxay jabiyeen ciidamdii Amiir Nuur Bin Mujaahid oo ahaa Amiirkii Harar”. Hadaba xogta uu qoray Raahib Abba Bahrey wuxuu ku tusayaa imaanshaha Oromada ee deegaanka Harar oo ahaa qarnigii 16aad ama wakhtigii ay Muslimiintu jabeen, wuxuuna ka dhigan yahay Somalida ayaa ku horeysay ama daganeyd dhulka ama deegaanka Harar kahor inatyna Oromo imaanin. Qoraalka Raahibku wuxuu isku xidhayaa duulaanka Gaal-Madow, dagaaladii Garaad Wiil-Waal (Garaad Xirsi Faarax Xirsi) iyo jabkii Saldanadii Ajuuraanka (Ajuuraan Sultanate) iyo ciidamdii Axmad-Gurey. Raahibku waxaa kale oo uu sheegay in dagaalka ama weeraka Oromadu uusan ahayn dhanka Bariga ama Somalida oo kaliye ee ay duulaanno ku qaadeen dhulkii wakhtigaa la odhan jiran Xabashida ama Abysinia (Amhara & Tigray). Qoraalka Raahibka ayaa waafaqsan warbixinta Mashruuca Yashuuca (the Joshua Project) ee sheegay in Oromada Harar (Ittu, Ania, Ala, Nole, Jarso iyo Babile) ay yimaadeen dhulkaa qarnigii 16aad, kadibna noqday beeralay-xoolo dhaqato ayagoo sameeyay wada-noolaansho ayaga iyo Soomaalida. Garaad Wiil-Waal Qarnigii 16aad: Garaad Wiil-Waal oo ka soo jeeda dhulka Harar gaar ahaan Jig-Jiga wuxuu talinayey xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad wuxuuna xukunkiisu ku koobnaa dhulka Soamlidy. Dagaal khadhaadhayaa ayaa wuxuu ku dhexmaray Somalida iyo Gaal-Madow (Oromo) aagga Jig-Jiga waxaana kala hogaaminayay Garaad Wiil-Waal (Somalida) iyo Gaal-Gureey (Oromada) waxaana dagaalkaa lagu jabiyay Gaal Madow (Oromada). Garaad Wiil-Waal oo markuu jabiyay Gaal Madow (Oromo) iyo Boqorkeedi (Gaal-Gureey) ayuu mariyay gabaygan oo ah maansada kaliya ee laga hayo Garaad Wiil-Waal: Xalay gallin dhaxaadkii, miyaan gogosha soo laabay Gurxanka iyo gooraanka, iyo goohi iga yeedhay Hanqadh geeda laaya ah, miyaa laabta iga guuxay Ogaadeen Galduur iyo, haduu, Webi [Wabi Shabeele] kasoo gaasay Meeshiyo Garlawgubay haduu, Galowgu eedaamay Guntadayeey hadaan khayligii, labada naas geeyay Asaan wayrax nadigii gashay, u’u gucumo aar yeeshay Gaaladii [Oromo] ka goor iyo ka goor, riibi nagu goysay Gurey [Gaal-Gureey] maalintaan dilay, colkeed inuu go’aan sheegtay Golyaay maalintaan idhi darkii, inay gashaan sheegtay Meeshaan ka geylamay, dadkii inuu go’aan sheegtay Garbidaan ku tiirsaday, rag inuu garab maraan sheegay Geeraarshe-dheer iyo dagaal, waran galaan sheegtay Gacaniyo in geed laga hadliyo, gobonimaan sheegtay Hayaankii Harar (Balbaleyti) & Daraawiish 2.1. Soomaalida iyo Harar Deegaanka Balbaleyti wuxuu hoos tagaa Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta laga soo bilaabo qarnigii 14aad. Muslimiinta Harar waxaa hormuud u ahaa Somalida iyo Canfarta. Maadama Balbaleyti ay hoos imaato Harar oo ahayd caasimadii Muslimiinta gaar ahaan Somalida waxaa hubaal ah inay Somalidu joogtay deegaanka Balbaleyti wakhti aan ka yarayn afar-shan qarni (ama 400-600 sano). Somalidu waxay timid dhulka ama deegaanka Balbaleyti wakhtiyo kala duwan inkastoo kuwii ugu dambeeyay ay yimaadeen wakhtigii Daraawiish. Wakhtigaa waxaa jiray Culimo badan oo fikirkoodu ka duwanaa firirka Daraawiishta iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Kadib markay culimadaa dareemeen inayna ku noolaan karin Daraawiish dhul ay joogto ayaa waxay go’aansadeen inay u haajiraan (u guuraan) dhankaa iyo Galbeed gaar ahaan dhulka Oromada waxayna la dageen qabiilada Oromada sida Caruuso, Noola, Oboro iyo Ituu. Hadaba qabiilada Oromada ee Noola, Oboro iyo Ituu way soo dhoweeyeen culimadaa, halka ay Caruusadu weerar & dhac kala hor tagtay culimadaa ka soo baxsatay Daraawiish. Wakhtigaa waxaa la sheegaa inuu Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan amar ku bixiyay in la dilo culimada ka soo horjeeday, sidaa ayayna culimo badan iyo reerahoodu kaga soo guureen dhul Soomaali iyo carro Daraawiish. Somalida waxay dhulkaa ay yimaadeen dhulkaa ay yimaadeen ku heleen Amni iyo Amaan, waxayna ka bilaabeen fidinta iyo baritaanka Quraanka iyo diinta Islaamka, ayagoo dhulkaa ka dhigay meel ama hooy ay ku soo hirtaan Xer-Cilmiga (Dhaalib Cilmi) Somali ama Oromo ha ahaadaanee. Gabaygii Sayid Maxamad ee ahaa “Ba’ a ee yow sheega” ee uu u tiriyay niman Sool clan ah la isku yidhaahdo Bah-Ararsame waxaa ku jiray todoc uu kaga hadlay culimada Soomaaliyeed ee u guuray Galbeed. Sayidku isagoo u digaya sheegayana mar haddii uu gacanta u qaado waxa ku dhici doona culimadaa oo uu hormuud u ahaa Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) ayuu tiriyay gabay dheer waxaana ka mid ahaa: Culimada sidii Baaniyaal[1], baladka gaal joogta Baabkii Allaa laga akhriyey, inay beloobeene Inay belalka naartii ku dhici, ba’a ee yow sheega Ninkii balada laguu yeeriyee, bayraq lagu duubay Marna haddaanu bara aaminiyo, baahi geys noqonin Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega Haddaysan sidii beelo raran, Xarunta soo buuxin Ama aanay Bangaal iyo Hindiya, beled kale u dhoofin Baaruud la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo Barakada Illaahay haddaan, badi u noolaado Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega Hadaba waxaa dhacday in dagaal dhex maray Oromo (Caruuso) & Soomaali. Caruusada ayaa weerar ku soo qaadday Somalidii daganayd deegaanka Qarri-Juqood (Qarri-Jiqood) oo ku yaala aagga Nobob ee Gobolka Somalida waxayna halkaa ku laayeen dad badan ayagoon u aabayeelin caruur iyo ciroole, rag iyo dumar, waxaana halkaa lagu dilay Sheekh Yuusuf Dubad (Cagayare) oo ahaa hormuudka culimada iyo reeraha ka soo guuray Daraawiish iyo Sayid Maxamad Cabdulaahi Xasan. Soomaalida waxaa la soo darstay xaalad kale oo cakiran iyo inay mar labaad qaxaan goob ay ku helaan amaan iyo amni. Soomaalidii ayaa ka soo qaxday dagaalkaa, waxayna la dageen oo soo dhoweeyay Oromo Ittu, dhulkii ayay camirteen. waxaa dhulkaa iman jiray Xer-Cilmi (Dhaalib Cilmi), waxayna zakada ka qaadi jireen reeraha ama shacabka halkaa dagan, gaar ahaa shacabka Oromada ee Ittu. Oromo Ittu waxay ahaayeen shacab aad u wanaagsan, oo Islaamnimo, soo dhoweyn & wanaag lagu yaqaanay, wanaad weyna u galay Somalida, maantase waa la iksu diray labadii shacab ee walaalaha ahaa, waana siyaasad ay dowlada Ethiopia ka dambeyso (gardaro garab og). Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017! Xidhiidhka Soomaalida iyo Oromadu Harar Somalida & Oromadu waa dad wadaaga waxyaabo badan, waxayna leeyhiihiin xidhiidh soojireen ah. Labada shacab ee Somalida & Oromadu (Oromada Harar, Caruuso iyo Boran) waxay wadaagaan waxyaabo badan waxaana ka mid ah deegaanka, dhaqanka iyo hayb-raaca (isirka) & diintaba. Oromadu gaar ahaan kuwa Harar iyo Caruuso waxay ahaayeen kuwii soo dhoweeyay Sayid Maxamad iyo Daraawiish oo ka soo qaxay colaadda Somalida iyo Gumaystihii Yurub (Engiriis). Dhanka kale Somalida ayaa abaal weyn ku leh Oromada; mar walba oo dhibaato ku dhacdo Oromo, ama Oromo aqoon, cilmi & shaqo u baahato, meesha kaliya ee eey aadaan waa Somalida & dhulka Somalida. Oromadu waxay dhahdaa “Qofka Oramada ah (Oromo Muslims) waxbartaa wuxuu noqdaa Somali (Somali ayaa halkaa gaadhsiisay), halka kooda aan Muslim ahayn (Oromo Chrisitians) uu ka noqdo Xabashi (ileen Axmaaro ayaa wax soo bartayee). Hadaba hadalkaa wuxuu ku tusinayaa qiimaha & wanaaga Oromo u hayso Somalida & xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada qowmiyadood. Oromada (gaar ahaan Oromada Harar & Caruuso) waa shacab aad u wanaagsan, aaminsan in ayaga & Somalidu yihiin walaalo, waxyaabo bandanna wadaagaan. Oromada Harar & Caruuso waa shacab lagu yaqaanay Islaamnimo & soo dhoweyn & wanaag, ayagoo wanaag weyna u galay Somalida markay halganka kula jirtay Istcicmaarkii Ree Yurub & Xabashida. Maantase waa la iksu diray labada shacab ee walaalaha ahaa, wanaagu ka dhaxeeyay, waxaana la dhax dhigay colaad siyaasadeed oo ay dowlada Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeyso (gardaro garab og). Xasuuqa Harar (Hawadaay & Balbaleyti) ee 2017 Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aan la ilaawi Karin. Laba maalmood gudahood (12.09.2017 & 15.12.2017) waxaa Bariga iyo Galbeedka Hararghe (Hawaday & Balbaleyti) ee Gobolka Oromada lagu qowracay shacab ka badan 600 Somali Muslim ah oo ka soo jeeda Kililka 5aad, & wadamada Djibuti & Somaliya. Waxaa xasuuqaa ka dambeeyay ama fuliyay madaxda & ciidamada maamulka Oromada ooy hormuud ka yihiin dad sheeganaya magaca Oromo oo waliba Muslim ah. Arinkaa ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia, shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka. Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) & agagaarkeeda waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada, wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, halka dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof, waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee maamulka Oromada. Dadka lagu xasuuqay Hawaday (12.09.2017) waxay gaadhayaan 100 Qof oo iskugu jiray ganacsatada & wakiilada shikadaha Qaadka & shacab caadi ah, meesha dadka lagu xasuuqay Balbaleyti (15.12.2017) ay kor u dhaafayaan 300 Qof waxaana badankood lagu xasuuqay xarumaha dowladda gaar ahaan saldhigyada ciidanka Booliska ee Oromada. Dadka Somalida & Oromadu waxay aaminsan yihiin in madaxda & ciidamada dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) gaar ahaan maamulka & ciidamada Oromadu ooy hormuud ka yihiin madax sheeganeysa magaca Oromo oo waliba Muslim ah ay fuliyeen xasuuqaa waxshino ayagoo halkaa ku xasuuqay boqolaal shacab Somali ah. Arinkaa foosha xun ayaa fajac iyo argagax ku noqday dadka Ethiopia & shucuubta Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamka waxaana la waayay wax lagu macneeyo dhacdadaa foosha xun. Hadaba hadduu dadka Somalida & Oromadu aaminsan yihiin inay dowladda Ethiopia (Ururka OPDO/ EPRDF) ka dambeysa ooy fulisay xasuuqaa waxaa lagama maar maan ah inay ka wadas shaqeeyaan nabadeynta labada shacab, kahortaga xasuuqa lagu hayo shacabka Somalida, dambiilayaasha in la hor keeno cadaalada, iyo kahortaga dacaayada & magic-bi’inta lagu hayo shacabka Oromada. Gabo-Gabo & Talo-Bixin Labada shacab ee Somalida & Oromadu waa dad walaalo ah, waxayna wadaagaan xuduud dheer, waxaana dhici jiray isku dhac qabiilo kamid ah labada shacab iyo qaab lagu xaliyo isku-dhacyadaas ooy sabab u ahaayeen arimaha daaqa & xoolaha. Ma jiraan wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Soomaalida & Oromada Hararghe. Mashaqada ka dhacday Bariga & Galbeeedka Hararghe (Hawadaay & Balbaleyti) ma aha wax horay loo arkay, Somalida & Oromaduna way ogyihiin cidda abaabushay ee fulisay xasuuqaa foosha xun. Shacabka waxaa xasuuqay ciidamada Dawladda Ethiopia, waxaana hormuud ka ahaa Oromo OPDO, ciidamada maamulka Oromo, Oromo Liyu Hial & malayshiyada QEERROO oo ah ciidan dowlad oo adeegsanaya dharka, hantida & gaadiidka dawladda. Waxaa xasuuqa amarka bixiyay madaxda ugu sareysa Ethiopia sida oAfhayeenkii Baarlamaanka (Abadula Gemeda), Madaxweynaha maamulka Oromo (Lemma Megersa), Madaxii OPDO/EPRDF (Abiy Ahmed), Afhayeenka dowladda dhexe (Negeri Lencho) & madaxda Qurbajoogta Oromada, madaxda amaanka & ciidamada dowlada dhexe & maamulka Oromada. Dowladda Federaalka waxay abuurtay jawi & waxyaabo u sahlay maamulka Oromo inuu geysto xasuuq waxshinimo oo aan loo aabo yeelin. Ree Galbeedku & UN-tuna way ka aamuseen xasuuqaa. Xasuuqu wuxuu keenay in Abi Axmad uu ku fadhiisto kursiga ugu sareeya dalka (Raisal Wasaare) waxa kaliya ee lagu doortay ama lagu abaal mariyay ayaana ah xasuuqa uu ku xasuuqay shacabka aan Oromo ahayn eek u dhe nool Oromada, gaar ahaan Somalida oo isu heystay inay Oromo yihiin, marka laga soo tagana rumaysnaa inay walaladooda Muslimka ah ee Oromo wax la qabaan. Nasiib darro waxaa dhacday in loo xasuuqay kabadn 1000 shakhsi shacab Somali ah ayadoon loo aaba yeelin hooyo & aabe, ilmo yar & waayeel, naafo & bukaan & wax xidhiidh la leh dhaqanka suuban, diinta Islaamka & dastuurka dalka ama kuwa caalamiga ah. Xasuuqii Hawadaay & Balbaleyti waxaa xigay kuwo kale oo ka dhacay Lagahida, Tuli-Guuleed, Ma’eyso, Moyale, Babile, Ceel-Kari & meelo kale. Ujeedka xasuuqa noocaas ah ayaa ah in colaad laga dhax abuuro Somali & Oromo oo ah dad walaala ah, ujeedka xiga ayaana ah in Oromo la xasuuqo ooy waayaan meel eey u cararaan ama muciin & walaalo caawiya. Oromadu hadday kuwii dad ugu xigay (Somalida) sidaa xun u xausuuqen way adag tahay inay taagero helaan waana ujeedka EPRDF Ethiopia. Dowladda Federaalka waa inay abuurtaa jawi sahlaya geeddi-socodka nabadda & wada noolaanshaha ladan shacab, waana inay joojiso ay danaha garaka ah & gorgortanka siyaasada. Waa in la sameeyo baadhitaan madax banana oo maxkamad la geeyo dembiilayaasha shacabka xasuuqday. Khilaafka siyaasadeed ma aha in uu abuuro iska horimaad & xasuuq qowmiyad. Maamulada & madaxda labada shacab & maamul waa in ay abuuraan xaalad ama jawi keeni kara dulqaad, caddaalad iyo xushmeyn xuquuqda muwaadiniinta labada shacab. UN & Ururada Xuquuq Insaanka waa inay sameeyaan baadhitaan madaxbannaan oo dhexdhexaad ah oo lagu sameeyo xasuuqa & xadgudubyada & barakicinta lagu sameeyay dadka shacabka ah ee Hararghe & qaybaha kale ee dalka. W/Q: Axmad Rooble roblehzy@gmail.com
-
Xafiiska Taliye ku-xigeenka koowaad ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xili khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta heyaddaas. Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan. Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub. Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay. Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Brussels. Khilaafka Dowlada iyo Maamulka ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Somalia ay isku dayday inay la xisaabtanto maamulka, waxaana arrinkaasi marar kala duwan is hortaagay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe. Axmed Madoobe oo magaalada Brussels kulan khaasa kula qaatay mas’uuliyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo xubno kale ayaa sheegay in dowlada Somalia ay caqabad ku tahay isbedelada ay ku talaabeyso Jubbaland. Waxa uu Madoobe sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka hor ay ahaayen kuwo la jaanqaada dowladihii hore, hase yeeshee iminka ay ka dhamaan la’yihiin khilaaf iyo muran dhexmara dowlada iyo maamulka. Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in caqabada koowaad ay tahay mid kaga imaaneysa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna talaabooyinkiisa ku sifeeyay kuwo aysan marnaba aqbali doonin, waa haddii uu la imaan waayo isbedel. “Anagu dooni meyno inaan ku mashquulno howlaha dowlada side ayay ku keentay inay naga dabaqaado, horay ayaan uga dignay hadana dowlada waan uga digeynaa inay nagu sii fogaato” Axmed Madoobe, waxa uu cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamo ay horay u wada galeen waxa uuna carab ***** inuusan garankarin waxa Jubbaland keliya ku khasbaaya inay dhowrto ballamaha. “Jubbaland haddii ay ka bixi laheyd balamaha waxaa la oran lahaa wey na khilaafeysa bal haddii Mdaxweynaha uu nooga baxaayo ballamaha maxaan oronaa” Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay inuu ka weecdo heshiisyada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Jubbaland ay mudan tahay in laga xishoodo maadaama aysan sabab u aheyn khilaafyada inta badan soo laalaabta. Haddalka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ku qabanaayo magaalada Brussels, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu khilaaf hoosaad maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi. Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya. Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka.
-
Mohammed Issa Al Suwaidi, UAE Ambassador to the Kingdom of Belgium, EU and Luxembourg, has reiterated the UAE’s commitment towards the people of Somalia and its support for efforts aimed at bringing unity, security and stability to Somalia and addressing security, political and developmental challenges in the Horn of Africa. He welcomed the latest positive development between Ethiopia and Eritrea. ”The UAE is willing to work with regional and international partners to build on this historic achievement to enhance peace and stability in the Horn of Africa.” ”Over the recent years, the UAE has always been at the forefront of international efforts to support Somalia and restore peace and stability to its people. Towards this end, the UAE has provided humanitarian and developmental assistance, security training as well as financial and logistic support for its armed forces. We also supported efforts to combat maritime piracy off the coast of Somalia and contributed funds to regional development projects,” said the UAE ambassador while addressing the international stakeholders gathered in Brussels for the Somalia Partnership Forum (SPF) Organised by the European Union together with the Federal Government of Somalia and Sweden from 16th to 17th July, the event aimed to mobilise the international community to step up support for Somalia’s efforts to build a more secure and prosperous political, economic and security future following years of conflict. Representatives from 58 countries and 6 international organisations gathered in Brussels to participate in the 2nd SPF, following the successful inaugural SPF in Mogadishu on the 5th of December 2017. ”The UAE welcomes the June political agreement between the Federal Government of Somalia and other federal member states,” said Suwaidi, expressing the UAE’s support for the new Somali partnership and its pledge to advance efforts by the Federal Government of Somalia to implement its national development plan, especially in area of security reform. ”The UAE is closely monitoring the encouraging progress made in discussions between the Federal Government of Somalia and the international financial institutions. We urge regional and global actors as well as the central government to distance themselves from strategies that seek to sow seeds of division and rivalry,” he added. He also called on them not to waste time and build on the momentum of this progress and block the way before terrorist organisations. The President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo said: “The Federal Government of Somalia is fully committed to implement the Political Roadmap 2020, Transition plan for security, economic reform and reach out to the whole of Somalia for reconciliation and dialogue. The Somalia Partnership Forum is key for strengthened partnerships with our regional and international partners. We want to work according to the theme of the forum – forward together.” EU High Representative/Vice-President Federica Mogherini said: “The European Union is leading the international partnership to strengthen Somalia’s political, economic and security reform agenda. Today, I announced that the EU will provide additional 200 million euro to support Somalia’s overall stabilisation to create a better future for its people. I also signed the EU’s contribution of 114.2 million euro for the African Union Mission to Somalia until the end of this year. The stability and development of the country is also critical for the stability of the broader region and for Europe.” Minister for Foreign Affairs of Sweden, Margot Wallstrom, said: “The Somalia Partnership Forum has made a number of strong commitments for inclusive politics. Somalia has taken very important steps on the pathway for sustainable peace and development. Sweden remains a committed partner and will double our development support to Somalia to approximately $350 million over the next five years. A Joint Communiqué was adopted which outlines the key outcomes of the Forum. The UAE participated in drafting the third para of the Joint Communiqué, which reads, ” We recognise that the meeting takes place in a context of recent positive and historic developments in the Horn of Africa and enhanced engagement between the leaders of the region, creating new opportunities for reconciliation, stability, regional cooperation and economic integration. This new momentum should be seized by all Somali actors and we call for all in the international community to cooperate towards that end. ” Source: WAM
-
The State of Qatar has invited the international community to join forces to find radical solutions to the crisis in Somalia so that it can maintain its sovereignty and achieve national reconciliation, noting the efforts and concrete steps taken by Somalia at all levels for the benefit of the Somali people. This came in a speech delivered by Minister of State for Foreign Affairs H E Sultan bin Saad Al Muraikhi, at the International Partnership Forum on Somalia on Tuesday in Brussels, Belgium. The Minister of State said that the broad participation of the international community in the Forum affirms the common will to find radical solutions to the Somali crisis so that the country can maintain its sovereignty, achieve national reconciliation, establish security on its territory, build its institutions and provide a decent living for its people. “This can only be achieved through joining the efforts of the international community,” he said. “In order to build on the momentum that has been achieved, we must continue to make initiatives to support Somalia, honour the commitments we made, respect Somalia’s sovereignty and not interfere in its internal affairs, in accordance with international law and the political declarations made in this regard, in addition to providing full support in the fight against terrorism, which we condemn regardless of its pretexts, and strengthening cooperation between the federal government and all its states without marginalising any party,” the Minister added. He emphasized the importance of increasing support for African Union Mission to Somalia (AMISOM), particularly the by United Nations, pursuant to Chapter VIII of the Charter. He affirmed that the State of Qatar would continue providing relief assistance to Somalia and other affected countries, thus assuming its responsibility as an active and responsible member of the international community, out of the belief that peace, security, development and human rights are interdependent and are the only way to avoid extremism, violence and terrorism. Source: – The Peninsula
-
Somalia has been admitted into the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), increasing the membership of the common market to 21. In a meeting between COMESA officials and Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire in Lusaka, Zambia, the officials resolved to admit the Horn of Africa nation into the 49 million people market on Thursday. “Today, signed Somalia’s re-entry to COMESA, our return to this 21 nation trading bloc is a testimony to our relentless efforts to rebuild our nation and a true indication of our commitment to taking our rightful place in the growth of our region and our continent,” PM Kheire said in a Twitter post. Somalia joins the 20 member countries of COMESA and it will be part of the regional integration projects that have been the subject of discussion among member countries. COMESA which was launched its Free Trade Area in 1994 , remains the fastest growing economy in the world despite a drop in overall growth, according to a recent newsletter published by the organization.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaa lagu maxkamadeyn doono Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, sababo la xiriira dhaliil ay jeediyeen. Duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey) ayaa sheegay in Xildhibaanadasi ay ku xadgudbeen xeerka waxa uuna ku eedeeyay inay qalqal galin ku hayaan maamulka. Waxa uu Mr Tumey sheegay in maxkamadeyntooda ay ku muteysan doonaan Mooshin uu sheegay inay kawadan isaga, sidaa aawgeed ay u aqoonsan doonaan qaswadayaal. “Xildhibaanada oo kamid ah kuwa deegaanka waxaanu soo taagi doonaa Maxkamad oo ay ku muteysan doonaan Mooshin ay ku doonayaan inay ku hor istaagan shaqadeyda”. “Mooshinka ay iga gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, waxaa gadaal ka riixaya xubno Siyaasiyiin ah, sidaa aawgeed waxa ay Mooshinkooda ku muteysan doonaan xukun maxkamadeed”. Waxa uu sheegay Duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland in Xildhibanaada Mooshinka ka gudbiyay qaarkood ay iyaga dambiyo ka yaalan Maxkamadda, islamarkaana sheegay in hore dambiyo kala duwan u galeen. “Waxa ay afduub iyo dhac u geysteen dad danyar ah oo ay boobeen hanta tooda ah”. Sidoo kale, duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey), wuxuu kale uu sheegay in ay hayan nambarada Kaarar ay lacago ku shubeen oo ay ku dhawaad kun qof ka qaateen lacagta. Sidoo kale, Tumey ayaa ku goodiyay in Xildhibaanadaasi ay ka shaleyn doonaan Mooshinkooda, waxa uuna cadeeyay inay banaanka soo dhigi doonaan kiisaska cadeynta u ah musuqa. Haddalka Tumey ayaa u muuqda mid carada madaxa looga ceshanaayo, waxaana muuqaneysa in Mooshinka laga geeyay uu ahaa mid mudo soo jiitamaayay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
LUSAKA (HOL) - Somalia has been admitted into the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), increasing the membership of the common market to 21. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamaanka Puntland oo ku jira kalfadhiga 41-aad ayaa fadhigiisa 13-aad ka dooday habka shaqaalaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdixamiid sheikh Cabdisalaan ayaa sheegay in dood dheer kadib ay baarlamaanka Puntland isku raaceen inaysan hay,ada Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland haysan wax sharciyad ah. Golaha ayaa kala diray Hay,ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxaana dalbadeen i si degdeg ah sharciyadeeda loo sameeyo markaa kadibna Madaxweynuhu soo magacaabo Masuuliyiinta Hay,ada. Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdi Salaan ayaa intaa ku daray in shaqada hay,adu ay qaban jirtay la hoos geeyey Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland. Hay,ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaana hay,adaan lagu soo eedeeyey musuqmaasuq baahsan iyadoo ay shacabo badani ka jirtay habka lagu shaqaalaysiiyo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Halkaan Ka dhegeyso warbixin. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Warbixinta-Baarlamaanka-by-Jaamac-.mp3 Puntlandi.com The post (Dhegeyso)-Baarlamaanka Puntland oo shaqadii ka joojiyey Hay,ada shaqaalaha Rayidka ah. appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo inuu dhaco dagaal dhex maro dowladaha Jabuuti iyo Eereteriya kadib muddo labada wadan ay qaboojiyeen xiisadii u dhaxeysay. Dowladda Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa inay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u dirtay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah dalka Ereteriya. Labada dowladood ayaa waxaa u dhaxeyso xurguf ka dhalatay muran ku saabsan dhul xuduudka ku yaalla waxayna hadda wararka sheegayaa inuu Maxamed Siyaad Ducaale danjiraha Jabuuti u jooga Qaramada Midoobay waraq uu u qoray Guterres ku sheegay in ay doonayaan hannaan nabadeed oo lagu dhammeeyo xurgufta wakhtiga dheer u dhexaysay Jabuuti iyo Ereteriya oo ku muransan dhul xuduudka ku yaalla. Dowladda Jabuuti ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in muranka dhulka xuduuda ku yaalo lagu kala baxo maxkamadda Adduunka ama qaab kale oo dhexdhexaadineed si loo helo xal nabadeed oo u cuntami karo labada dowladood. Dowladda Jabuuti ayaa Eretariya ku eedeysay inay wado daansani isla markaasna ay sii wadaan heysashada dhulkooda waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay wax aan la aqbali karin. “”Ciidamada Ereteriya waxay sii wadaan haysashada dhulka Jabuuti. Maxaabiista dagaalku waa arrin aan wali laga xisaabtamin, waxa wali socota haddidaada ciidamada ee ka imanaysa dhanka Ereteriya, waxaana saraysa halista loogu jiro isku dhacyo mar kale qarxa,” ayuu yiri Maxamed. Danjiraha ayaa Qaramada midobaay si deg deg ah uga codsaday in la keeno farsamo nabadeed oo cusub si loo xaliyo xiisadaan laga yaabo inay gaarto meel halis ah iyo dagaal cusub oo labada dowladood dhexmaro. Waxaa Sanadkii 2010 falshimay dhex dhexaadin ay dowladda Qatar ka dhex sameysay labadooda waxayna arrintaas keentay inay Qatar ciidamadeeda ka qaadato xuduuda lagu muransan yahay. Qatar ayaa ka carootay markii dowladda jabuuti ay si cad ula safatay Isbahesyiga Sacuudiga hoggaamiyo oo xayiraad saaray dalka Qatar. Wixii ka dambeeyey go’aankaas ay gaartay Qatar waxaa kor u kacday halista ah in ay isku dhacaan Ereteriya iyo Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maantay soo bandhigtay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad ee dugsiyada Sare ee Puntland. Agaasimaha Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Axmed Maxamuud Warsame Axmed Saahid oo akhriyey natiijada Imtixaanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay guul weyn ka gaartay hanaanka Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray dhamaan ardayda gashay imtixaanka ee qalin jabiyey waxaana uu kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan. Halkaan Hoose ka dhegeyso codka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Agaasimaha-waaxda-Imtixaanaadka-wasaaradda-waxbarashada-axmed-saahid.mp3 Puntlandi.com The post (Dhegeyso)Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay Imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimadda Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay baraha Bulshaday qabsaday muuqaal naxdin leh ayaa waxaa arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlay dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya. Maxamed Maxamuud Fiidow oo ah U-qeybsanaha Warbaahinta ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalladda Khartoum oo wareysi siiyey Wargeyska Al-tayyar ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in muuqaalkaas lagu sameeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Fiidow ayaa sheegay inaysan Soomaaliya wax xiriir ah la laheyn Muuqaalkaas waxuushnimada ah ee lagu faafiyey baraha Muqdisho kaasoo ahaaa kufsi loo geystay Gabar. Muuqaalkaas marka lagu baahinayey Baraha Bulshada ayaa waxaa la sheegay inay arrintaas ka dambeeyeen dad kasoo jeedo dalka Suudaan, sidoo kalana waxaa la sheegay inuu falkaas ka dhacay dalka Suudaan dhexdiisa balse arrintaas dowladda waa ay beenisay. Suudaan ayaa tilmaamtay in muuqaalkas lagu sameeyey dalka Soomaaliya isla markaasna aysan Suudaan lug ku laheyn. Labadii Maalin ee lasoo dhaafay dhacdadaan ayaa si weyn looga hadal hayey warbaahinta dalka Suudaan welina Wasaaradda Arrimaha Gudah si rasmi ah ugama hadlin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cameey Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa xubnaha wasiirada loogu qeybiyay xeerka cilmi-baarista denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha daahsoon,maadada denbiga loo adeegsaday,goobta iyo goorta la geystay denbiga. Golaha xukuumadda Puntland ee loo qeybiyay xeerkan ayaa ansixintiisa u ballamay Kulanka xiga ee Khamiista todobaadka soo socda. “Golaha xumuumadda Dowladda Puntland ayaa loo qeybiyay Cilmiga barista danbiyada. Xeerkan oo dalku baahiweyn u qabo ayaa qeexaya habka caddaynta danbiilaha dahsoon,maadada loo adeegsaday,goobta iyo goorta ayay golahu si qoto dheer uga doodeen waxaana loo balamay kulanka xiga ee golaha xukuumadda in lagu meel mariyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee khamiista maanta ah. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo loo qeybiyay xeer ku saabsan baarista denbiyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo khamiis ah waxaa maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida xukun ay ku riday askar tiradooda ay gaareyso 18 askari,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qal-qal ka dhex wadeen ciidanka ka tirsan Guutada 14 October iyo in ay gadood ka sameeyeen xarunta Generaal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobalka Banadir. Xerilaalinta ayaa waxaa ay askartan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen boob la sheegay in ay ka geysteen xerada,iyagoona sidoo kale sheegay in cadeeymo arimahaasi ku saabsan ay ka hayaan. Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askartan lagu soo eedeeyay in ay wax ka ogaayeen hub la sheegay in la gala baxay xerada Generaal Gordon iyo in ay qal-qal ka dhex abuuri rabeen askarta ka tirsan Guutada 14 October oo la as aasay Qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale askartaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay arrimo qabiil ka dhex wadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya taasoo lagu qalqal gelinayey ciidamada. Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in Sideed iyo tobankan askari maanta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan. Dhawaan ayay aheyd markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay,iyadoona maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalbka sida ay askar ku xukuntay in arintaasi ay wax ka ogaayeen. Ciidamadani waxay kala yihiin: 1- Xuseen Baashi Cawad Canshuur 2- C/wali Ibraahim Maxamed Xasan 3- Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur 4- Ismaaciil Saciid Muuse Xiir 5- C/wali Faarax Ismaaciil Maxamuud 6- C/shakuur Maxamed Xirsi Cali 7- Fatxi Aadan Cali Yuusuf 8- Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige 9- C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne 10- Maxamed Axmed Dhalac Cabdi 11- C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi 12- C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise 13- Daahir Maxamuud Gurxan Cali 14 – Axmed Jaamac Siid Cali 15- Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac 16 -Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi 17 -Cali Maxamed Abyan Cilmi 18- iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac. Askartan ayaa ku dooday 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo hore loo ruqseeyay markii xilli Ramadaan ah ay isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A total of 450 undocumented migrants were held across Turkey on Thursday, according to security sources. In the northwestern province of Edirne, 102 migrants were rounded up in Yenikadin, Orhaniye, Bosnakoy and Meric districts, said the coast guard sources, who asked not to be named due to restrictions on speaking to the media. The migrants were from Egypt, Iraq, Libya, Somalia and Pakistan. In the northwestern port city of Canakkale, 39 in a sinking rubber boat were rescued by the Turkish coast guards. Separately, 302 undocumented migrants — including Afghan, Pakistani and Bangladeshi nationals — were rounded up in Ipekyolu district of eastern Van province after they attempted to illegally enter Turkey, the sources said. Turkey has been a main route for refugees trying to cross into Europe, especially since 2011 when the Syrian civil war began. Among the migrants held in 2017 in Turkey, the majority came from Pakistan — around 15,000 — followed by Afghans at around 12,000. Syrians totaled about 10,000. There has been a 60 percent increase in migrant flow since 2016. The number was 31,000 in 2016. The post Somalis among 450 undocumented migrants held across Turkey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Doha (Caaimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay wado dadaal ay dhaqaale badan ugu raadineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hormariyo dadka iyo dalka. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo. “Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad “In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar. Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya. Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”. Hadalka kasoo yeeray dowladda Qatar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro loolan u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya. Isbaheysiga uu hoggaamiye Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada sida ay hadalka u dhigeen. Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay inay dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadato Khilaafka dowladaha Khaliijka halka Imaaraadka ay ku dadaaleyso inay Soomaaliya xiriirka u jarto dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
-
Maamulka Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq ayaa warbixin kasoo saarey koox ay sheegeen magac been abuur inay ku isticmaalayaan magaca Towfiiq General Trading kuwaas oo qandaraasyo kaga qaata dowladda Puntland,Hay,addaha samafalka iyo Kuwa caalamiga ee fadhigoodu yahay deegaanada Puntland. Maxamed Axmed Muuse madaxa suuq-geynta iyo ganacsiga Shirkadda Towfiiq oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay jiraan dad si sharci daro ah ugula macaamila Dowladda Puntland iyo Hay,addaha kale magaca Shirkadda Towfiiq General Trading. “Waxaan ku ogaanay dad ka cabanaya mashaariic lagu qaatay magacayagga oo qaarkood xafiiska noogu yimid,qaarna ay telefonada naga soo wacayaan,iyadoo aysan shirkadda Towfiiq ka galin wax dembi ah laakiin aan ku qancin weynay cid kale inay isticmaashay magaca,arrintaas oo ah dembi dhinaca sharciga caalamiga iyo dhaqanka suuban” Ayuu yiri Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Towfiiq. Maxamed Axmed Muuse ayaa ugu baaqay Hay,addaha Caalamiga sida kuwa UN-ka,NGO’ska iyo Dowladda Puntland inay iska hubiyaan isticmaalka magacaas been abuurka, wuxuuna sidoo kale farey kooxda isticmaasha magacooda inay samaystaan magac u gaara oo ay leeyihiin islamarkaana ay ka waantoobaan magaca shirkadda Towfiiq General Trading. Shirkadda Towfiiq waxaa la asaasay sanadkii 1992-dii, waxayna ka mid tahay shirkaddaha waaweyn ee fara ku tiriska oo ka jira dalka Soomaaliya. Abshir Dhiirrane PUNTLAND POST. The post Shirkadda Towfiiq oo ka digtey sifo sharci dara oo loogu shaqeysto magaceeda appeared first on Puntland Post.
-
The State of Qatar has invited the international community to join forces to find radical solutions to the crisis in Somalia so that it can maintain its sovereignty and achieve national reconciliation, noting the efforts and concrete steps taken by Somalia at all levels for the benefit of the Somali people. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Shirkii dhawaan ku soo dhammaaday dalka Belgium-ka xaruntiisa Brussels waxa uu ahaa mid wajiyo badan. Bilowgii shirkaas waxaa dhacay wax aan la fileyn sida in ay madasha ka dudeen waftdigii Jubbaland ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madobe iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo gacan qaaday madaxweyne Farmaajo. Hadaba, waxaa baraha bulshada qabsaday sawiradda ay Faysal Cali Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh la galeen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dad badan oo ka mid kuwa adeegsada baraha bulshada ayaa midba si gaar ah uga hadlayey walow la’isku raacsanaa hal arin! Maxay tahay? Faysal Cali Waraabe ma aha shaqsi ay siyaasadiisu saadaalin gasho ama fadhiso! Hase ahaatee, waxa uu kulanka isaga iyo Farmaajo uu u diray farriin dhallinyarada Somaliland taas oo ay hore isaga indha iyo dhaga tiriin! Ma aha arin cusub in siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee gooni u goosatada ah ay la kulmaan kuwa dhiggooda ah ee Koonfurta, waxaa dhacday in ay madallo badan isugu yimaadaan iyaga oo ay ka muuqato saaxiibtinimo iyo muxubo badan, waa arin taban in hormuudka Soomaaliyeed sidaas isugu soo hirtaan, yeelkeede, maxaa loo qaldaa oo loo marin habaabiyaa jiilka cusub, gaar ahaan kuwa Goboladda Waqooyi? Siyaasiga Somaliland marka uu Hargeeysa joogo waxa uu ku beeraa jiilka soo koraya ee Somaliland cabsi “Apprehension” ku saabsan Koonfurta isaga oo isugu dara run iyo been. Yeelkeede, taas oo ay jirto isla siyaasiyiintii cuqdadda ku abuurayey bulshada ay matalaan iyaga oo ku meelmarinaya siyaasadooda kala qeybtinta jiilalka aan dhalan markii uu dalka ka dhacay dagaaladdii sookeeye ayaa isla iyagii Hotel-lada 5 Star-rada ah kula khaxweeyaya madaxda ay shaarica ku muujiyaan in aysan wax wadaagi karin! Tusaale, bilowgii sanadkii 2017, waxaa Hargeysa lagu xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo lagu eedeeyey maxaad Muqdisho u booqatay oo isula sawirtay Madaxweyne Farmaajo. La yaab, Faysal Cali Waraabe waxa uu si shaaric ah wareysi uu siiyey Universal Tv ku yiri: “Dowladdan (Somaliland) waa daciif ee anigu waan toogan lahaa!” Waxa uu ula jeeday Coldoon oo uu ka xumaaday in ciqaabtiisii lagu koobay xarig! Faysal sidoo kale waxaa laga hayaa “Wiilka Soomaaliya ku dhasha waxaa nooga dhaw midka ku dhasha Itoobiya! Ku darso Faysal waa ninkii yiri: “Qofkii Soomaaliya laga maqlo carrabka halaga gooyo! Haka reebin! Markii ay fanaanadda Xamda Yar timi Muqdisho waa kii lahaa “Gabdhaha yar yare e Somaliland ka taga ee Muqdisho aada Facebook ka caawa”! Hadaba, soo a aha farriinta Faysal ee ah la fiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan in ay ku cibro qaataan dhallinrada Somaliland? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cadan (Caasimadda Online) – Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi ayaa sheegay inay Yeman ka badbaaday hal arrin oo ay kala mid noqon rabtay Soomaaliya. Madaxweyne Haadi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da xilli uu ku sugnaa Magaalada Cadan ayaa sheegay inay Somaaliya kala mid noqon lahaayeen amni darada iyo xasilooni la’aanta haddii aysan garab ka heli laheyn Isbahaysiga Sacuudiga. Hadalkaan ayuu Haadi sheegay kadib markii la waydiiyey su’aal aheyd haddii uu ka shanleynayo adeegsiga iyo faragelinta dalkiisa ay ku sameeyeen Isbaheysiga Sacuudiga wuxuuna ku jawaabay ” Maya, kama shanleynayo sababtoo ah haddii aanan garab ka heli laheyn isbaheysiga Sacuudiga waxaan noqon laheyn Soomaaliya oo kale” Wuxuu sheegay inay dalka Yeman ka dhici lahaayeen Dagaallo Sokeeye, sida kan Somalia ragaadiyey tan iyo sannadihii 90-aadka ee Qarnigii hore, waa sida uu hadalka u dhigay. Isbaheysiga Sacuudiga iyo Dowladda Yeman ee uu madaxweynaha ka yahay Haadi ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qeybo kamid ah oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Xuutiyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com