Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Galaxy Note 9 has some significant upgrades, but it has lost its headline feature and will be an incremental update at best. The reason is that Samsung is working on something far more exciting and now we know it will also be far more expensive… Source: Hiiraan Online
  2. National Assembly Majority Leader Aden Duale has refuted claims that most Somali businessmen are involved in illegal trade. Source: Hiiraan Online
  3. A US drone strike in eastern Afghanistan has killed Mullah Fazlullah, one of the world's most wanted terrorists and chief of the Pakistani Taliban, sources in Afghanistan reported Friday. Source: Hiiraan Online
  4. Oral arguments were made before a three-judge panel from the Eighth Circuit Court of Appeals, June 18, in Saint Paul on behalf of Guled Omar, Mohamed Farah and Abdirahman Daud, who were found guilty of conspiracy to commit murder abroad in 2016. Source: Hiiraan Online
  5. A unique idea is about to become reality for Minneapolis Police Chief Medaria Arradondo. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Noocyada kala duwan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin dhammaan Isgoyska Banaadir ee Muqdisho. Ciidanka tuban waddooyinka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalan waddooyinka kale. Ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoosyda Banaadir, Dabka, Faralonsa, Sanca, Shaqaalaha iyo dhammaan wadooyinka kale. Dadka Muqdisho ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay. Ciidamada qaar ayaa lacago sharci darro ah ka qaadanaaya Mootooyinka ay la socdaan shacabka ciidaya ee u kala gooshaya waddooyinka xaafadaha ee u dhexeeya isgoosyada. Dadka Muqdisho ayaan bisha ramadaan ilaa manta oo ciid ah aan helin farxad ay ku caweeyan, waxa ayna dadka qaar tani ku sifeeyen caburin. Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo. Xirnaashaha saakay ee waddooyinka qaar ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka. Webssaytka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee whitehouse.gov oo lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran ayuu ku sheegay inay Maraykanka sii wadaan sidii ay Saaxiibadooda ku sugan Calaamka kala shaqeyn lahaayeen La-dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Alqaacida Waxa uu intaasi ku daray in si gaar ah diiradda loo saarayo Deegaanadda ay Talisyadda Dhexe iyo Afrika mas’uul ka yihiin. Mar uu Warbixintiisa kaga hadlayey Bariga Afrika waxa ku shaaciyey inay Ciiddamadda Maraykanka weli wadaan dagaalka looga hortagayo Khatarta Daacish iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay. Qoraalka uu Donald Trump u gudbiyey Kongareeska waxa kale oo uu ku muujiyey inay Ciiddamadda Maraykanka taageero, La-talin iyo Dagaal-gelin siiyaan Ciiddamadda Gobalka, oo ay ku jiraan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM. Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda Dagaal ee La-dagaalanka iyo kuwa kale ee laga wado Mandiqadda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Donald Trump waxa uu sheegay inay sii wadayaan Wada-shaqeynta ay Dowladda Jabuuti la leeyihiin, oo iyadu u fasaxday Ciiddamadda Maraykanka inay isticmaali karaan Xuduudaha Jabuuti. Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu Ciiddamo dagaalama u diray Talisyadda dhowr goobood oo ku yaalla Bartamaha Maraykanka, Europe, Afrika iyo Passific. Donald Trump waxa kale oo xusay inay Ciiddamadda Maraykanka hawlgallo ka wadaan dalalka Bariga Afrika, Iraq, Lubnaan, Syria, Gacanka Carbeed, Turkiga, Urdun, Libya, Afganistan iyo Cuba. Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta uu Donald Maraykanka u gudbiyey Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka dalkiisa waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Senator ka tirsan Kongareeska Maraykanka ku baaqay in la joojiyo Dhaqaalaha la siiyo Ciiddanka DFS. Senator Rand Paul oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka La-socka Kharashaadka Federalka iyo Maareynta Gurmadka ee Aqalka Senedka Maraykanka waxa uu ku eedeeyey inay qaar ka tirsan Ciiddanka DFS xubhno ka yihiin Alshabaab iyo in 920 carruur ah la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay. Xukuumadda Federalka Somalia weli kama jawaabin Eedeymaha uu u soo jeediyey Senator Rand Paul Source: whitehouse Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban uu kaga hadlayay Hambalyeynta Munaasabadda Ciidul Fidriga ayaa ku soo hadal qaaday ammaanka Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amniga dalka ay caqabad ku yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab. “Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida oo ah ciidamada xasilinta, oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii shacabka ay uga difaaci lahaayeen qolooyinkan hororka ah oo caadeystay in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay ku laayaan shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarba.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka shaqeyneyso sidii ay magaaladan ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab uga digay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga baaqay in ay ka waantoobaan arrimahaasi, oo ay joojiyaan daadinta dhiigga. “Waxaan uga digayaa qolooyinka argagixisada ah oo nabadiidka ah oo caadeystay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, in ay ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxay dowladda ka shaqeyneysaa sidii ay uga hortagi laheyd falalkaasi argagixisada ah,” Ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka. Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka. “Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar. Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. My uncle, Abdulrahim Abby Farah, who has died aged 98, progressed from the back streets of Barry, in south Wales, to become, by the time of his retirement, the United Nations assistant secretary general for special political questions. Source: Hiiraan Online
  11. At least 53 people were killed and some 229,000 others affected by tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Somaliland and Puntland in northern Somalia in May, the UN humanitarian agency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  12. The Somali Community Board of South Africa claims the man behind a mosque attack in Malmesbury had a history of mental illness. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shaaciyey in maalinimada berrito ay tahay ciid, hambalyona u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Fidriga darteed. Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey farxada ciidul fidriga shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wadajir. “Ciid Mubaarak, ciid wanaagsan dhamaantiin meelkasta aad joogtaan, waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacab weynaha Soomaaliyeed bilashada ciida soonfur gaar’ahaan shacab weyanha Puntland meelkasta oo ay joogaan, mid difaac ku jira, mid nabad gelyada ilaalinaya, mid sharwadayaasha dalka ka ilaalinaya, meelkasta aad joogtaan waan idin salaamayaa, waan idiin hambalyeeynayaa hadaad culimo tihiin, haday dhaqan yihiin, haday dhalin yaro yihiin, haday dumar yihiin, dadka Puntland meelksta ay joogaan, waxaan leeyahay sandka sandkiisa barwaaqo ku gaara, kugaara wadajir, kugaara midnimo, ku gaara inaad dalkiina difaacataan, Alle hanaga aqbalo acmaasha aan sameeysanay bishii Ramadaan meelkasta aad joogtaaan, waxan idin leeyahay Hamblyo caafimaad Alle ha’idinku gaarsiiyo nabad gelyo Guul, Midnimo iyo Horumar ayaan idiin rajeeynayaa, Waad Mahadsan tihiin”Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara hambalyo ugu diray ciidanka qalabka sida ee Dawladda Puntland, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwa sugaya amaankeena xiliga aan gudanayno waajibaadka Alle ina faray =Dhammaad= PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay in Bari ay tahay Ciid appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bilashada Ciida oo Bari ku beegan. Madaxweyne Farmaajo ayaa mahad ciliyay dhamaan ciidamada iyo shacabka isaga oo ugu baaqay in amaanka la sugo. Maalinta bari ah ayaa munaasabada dabaaldaga Ciidul Fidriga ay ka dhaceeysaa Guud ahaan Dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyada Ciida u diray Bulshada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  15. Maamulka Gal-Mudug ayaa ku dhawaaqday in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga. Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Ayaa Goordhow ku dhawaaqay in ay bari u dabaaldagayaan maalinta Ciida. Sh.Shaakir ayaa sheegay in bishii laga arkay deegaano katirsan Gal-Mudug iyo Gobolada kale ee dalka Soomaaliya. Ciidaan ayaa u muuqato in dadku ay si wadajir ah ay ugu dabaaldagayaan Bilashadeeda islamarkaasina aanay jirin wax qilaaf ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Galmudug oo ku dhawaaqday in ay Bari tahay Ciid appeared first on Puntland Post.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka. Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka. “Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar. Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga. —— DHAMAAD——— PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga appeared first on Puntland Post.
  17. Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bari tahay maalinta ciida. Sheekh Kheyroow Aadan oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta Ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciida bishiina meelo badan laga arkay. Mudane Kheyre ayaa sheegay in dad kala duwan ay la xariireen islamarkaasina bishii laga arkay Gobolada kamid ah dalka Soomaaliya. dhinaca kale Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa isna xaqiijiyay in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fitriga. Muslimiinta ku Nool Dunida ayaa Bari u dabaaldagi doono Maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga kadib 29- Maalmood oo ay soo soomanaayeen. Ciid Wanaagsan Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in ay tahay Bari Ciid appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay tuhuno soo ifbaxaaya ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka Carabta ay kaalin weyn ka qaadatay Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Dowlada Imaaraadka ayaa Qaraxyadaasi ula gol leh hoos u dhac ku imaada dhaqaalaha, Qaranimada, Amniga iyo Rajada Somalia. Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dowlada Imaaraadka carabta ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka caawin jirtay dhinacyada soo dhoofinta Hubka sharci darada ah iyo Kiimikada laga sameeyo Qaraxyadatanka culus. Qaraxyada qaar ayaa la xaqiijiyay in lagu dhex sameyn jiray gudaha Xerada Imaaraadka uu ciidamada ku tababari jirtay ee Gen,Golden, kaa oo ahaa Saldhiga isku xira Imaaraadka iyo Al-Shabaab ah. Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay in Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada ay kusoo galin jireen magaalada Muqdisho iyagoo kusoo dhex qarin jiray Mucaawanada ay soo gaarsiin jireen Somalia. Mid kamid ah Saraakiisha baaritaanka ka qeybqaatay oo nooga xog waramaayay Qaraxyada iyo Kiimikada ay Imaaraadka ku caawiyaan Al-Shaba ayaa yiri ‘’Imaaraadku waxa uu in badan ka shaqeeyay sida Somalia looga tirtiri lahaa qaarada Africa dhab ahaantii waxaa jira haliso badan oo uu u maleegay Somalia balse anaga oo kaashaneyna garaadkeena ayaan ka hortagnay halista’’ ‘’Waxaa jirta inay Hub iyo Kiimikada Qaraxyada siin jireen Shabaab, balse baaritaan dheer kadib waxaan helnay xaqiiqda taa oo noo sahashay inaan fashilino dhagartooda’’ ‘’Baaritaanka mudada qaatay waxaan ku ogaanay in Kiimikada laga sameeyo Qaraxyada ay kusoo dhex qarin jireen Raashiinka mucawinada ah, gaar ahaan loorarka burka ayey kusoo dhex darsan jireen kuwo ay ku jiraan Kiimikada’’ ‘’Waxa ay inta badan kiimikada kusoo dhex dari jireen Saadka uga imaan jiray Abu Dabai iyadoo kiimikada lagu soo cabeeyay loorar ayaan ku qabanay baaritaanka, dabcan cid waliba oo ka shaqeyneysa Qaran jabka Somalia sidaa ayaan uga hortagi doonaa’’ Sarkaalkan oo sababo amni u dalbaday in laga tago magaciisa ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan marnaba ku fakerin in Dowlada Imaaraadka carabta ay dhagaro intaa la’eg u maleegeyso Somalia, hase ahaatee ay ogaaden xaqiiqda Imaaraadka. Dhinaca kale, waxaan wali meesha ka bixin dhagarta ay dowlada Imaaraadka carabta u maleegeyso Somalia, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in qalqal galinta Muqdisho ay u adeegsan doonto Xagjiriinta Daacish-ta Somalia oo wadahadal ay kula jiraan. BAARITAANKA QALFOOFTA QARAXA Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (CNN) - For the world's 1.8 billion Muslims, Thursday and Friday mark the conclusion of Ramadan, a 30-day period that requires participants to abstain from eating and drinking between sunrise and sunset. Source: Hiiraan Online
  20. A sudden upsurge in brutal violence in northern Mozambique, including the beheadings of women and children, has sounded alarms that a violent jihadist movement like Boko Haram or al-Shabaab could be evolving. Since October last year, over 50 people have been killed in about 20 attacks in Cabo Delgado province on the Tanzania border. Source: Hiiraan Online
  21. Concerns about an influx of immigrants in Faribault, Minn., prompted the city to pass a rental housing law aimed at driving Somalis and other black residents out of town, the American Civil Liberties Union argued in a lawsuit filed Wednesday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda. “Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda Nabad diidka ah Alshabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka. “Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni. “waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey Ciidamada Xasilinta oo u dul qaatay Culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo Xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga digay Argagixisada Nabad diidka ah inay joojiyaan dhibka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaggoo carabaabay in Dawladda ay ka shaqeyn doonto siddii ay uga horgi laheyd falalka argagixisinimada leh ee Kooxda Alshabaab ay geeystaan. “Waxaan uga dagayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan oo ay qubaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan, Waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, Maalinta Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaan Jawi wanaagsan oo farxad leh. “ Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in laga wada shaqeeyo Nabadda, in la isku naxariisto, in la is gargaaro, in lagu wada Ciido Jawi wanaagsan oo farxad leh, Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wadamada Saudi Arabia, Algeria, Libya, Egypt, Kuwait Qatar iyo Indonesia ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciidul Fidriga Sidaasi waxaa Goordhow baahiyay Tv-ga Aljazeera oo soo xiganaya Ururka ay ku mideeysanyihiin wadamada Muslimiinta Caalamka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (IAC), ayaa ku dhawaaqay in bari ay tahay Maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga. Wadamadaasi ayaa sheegay in bishii ay arkeen. Wali dalka Soomaaliya kuma dhawaaqin in bishii laga arkay dalka Soomaaliya Wasaarada Diinta iyo Oowqaafta Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay bari ku dhawaaqdo in ay tahay maalin ciid ama la dhameeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan. Muslimiinta Dunida ayaa si qilaaf la’aan ah u soo soomay 29-bari waxaana la rajeeynayaa in qilaaf la aan ay ku afuraan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Inta Badan Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in ay tahay Bari Ciid appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga kuwaa oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018. Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:- 1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta. Guddoomiye 2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga. Xubin 3-C/raxmaan Ducale Beyle , Wasiirka Maaliyadda. Xubin 4- Xasan Cali Maxamed , Wasiirka Gaashaandhigga. Xubin 5-Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga gudaha. Xubin 6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda. Xubin 7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka. Xubin 8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Xubin 9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir. Xubin 10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam. Xoghaye guud Shaqada laga rabo guddigaan 1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo. 2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed. 3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda. 4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda. 5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka. 6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. London (Caasimada Online) – Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar, ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday Magaalada London ee dalka UK. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa xaqiijiyay geerida Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka oo ku xanuunsanaayay dalkaasi. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal Cabdi Wali Jaamac Gorod, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya. Sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada Somaliya ayaa dhambaal tacsi ah u diray Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya eheladiisa. Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay dalka UK.