-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta Siyaasadda loo dhan-yahay oo looga hadlayay daba-galka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium. Wasiir-u-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay. Shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Kulanka Tubta Siyaasadda loo dhan-yahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo). PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo shir-guddoomiyay Kulanka Tubta Siyaasadda loo Dhan-yahay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Jug culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana jugta daba socday rasaas goosgoos ah. Jugta oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay ka dhalatay Miino lagu aasay Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in miinada ay qaraxday xili goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ilaa afar qof ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kuwaa oo xiliga Qaraxa maraayay goobta lagu aasay oo aheyd dhinaca laamiga. Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray arday dhiganeysay Jaamacad ku taalay Isgooska gaar ahaan wadada gasha Isbitaal Digfeer waxaana dhammaan dhaawacyada goobta ka qaaday ciidamada amaanka. Dad ku nafwaayay ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa Qaraxa oo aad u xooganaa, wallow tirada ay tahay mid aan sugneyn. Goobta uu hadda ka dhacay Qaraxa ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan oo ka dhashay miinada nooca lagu xiro gaadiidka. Dhinaca kale, Qaraxaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo ilaa saaka ka dhacay Muqdisho, waxaana xusid mudan in laba kamid ah Qaraxyada uu ka dhashay miino lagu xiray gawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xulka BrazilXulka kubadda cagta dalka Brazil ayaa u soo baxay wareega siddeed dhammaadka (Quarter Finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018-ka, kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen xulka Mexico. Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa Brazil la timi goolasha qeybtii danbe ee ciyaarta, waxaana u kala dhaliyay daqiiqadihii 51-aad iyo 88-aad Neymar iyo Roberto Firmino. Xulka Brazil ayaa siddeed dhammaadka (Quarter Finals) la ciyaari doona midkoood xulalka Belgium iyo Japan oo caawa wada ciyaari doona. Brazil ayaa koobka adduunka horey u soo qaaday 5 jeer, oo ay ugu dambeysay sanadkii 2002, waxayna hadda kamid tahay xulalka loo saadaalin karo in ay ku guuleystaan koobkan. Koobka adduunka ee 2018 oo hadda ka socda dalka Russia ayaa ilaa hadda waxaa siddeed dhammaadka u soo baxay xulalka France, Uruguay, Russia, Croatia iyo Brazil. PUNTLAND POST The post Brazil oo u soo baxday siddeed dhammaadka koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay. shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed. Kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) —-DHAMMAAD—
-
Qatar Charity’s (QC) office in Somalia, in co-operation with the Benadir Regional Administration opened a dispensary in Wadjer, an impoverished neighbourhood in Mogadishu. Nearly 93,000 needy people are expected to benefit from the health services. Most residents of the area are poor and suffer from the lack of basic health services, as they are not able to afford the costs of private hospitals, QC said in a statement. The 300sq m dispensary is expected to provide the required health services, mostly for children, women and elderly. The opening ceremony was attended by a number of Somali ministers and local figures, including Abdurahman Yarisow, governor and mayor of Mogadishu, who lauded the Qatari donations that contribute to helping the needy. The ceremony was also attended by Osman Mohamed Abdi, deputy minister of ports and marine resources, who noted the importance of the development and relief projects implemented by QC for the benefit of the Somali people. In February, QC’s office in Somalia handed over three ambulances to hospitals in Mogadishu to support the country’s health services. The ambulance donation came at a time when many hospitals in Somalia were suffering from a severe shortage in the patient transport services, especially for urgent cases, as many vehicles were not designed to provide first aid, which had maximised the risk to the lives of many patients. In March, QC interacted with the operation of mobile health clinics in Somalia, especially in the southern provinces, which are still ongoing in the field. Medical convoys provide primary health services to the displaced and the poor, especially mothers and children under the age of five. So far, around 27,300 people have benefited from this project. At the end of last year, QC’s office in Somalia handed over medicines and medical supplies to the Mogadishu City Hospital as part of the emergency relief project for the victims of the bombing to minimise the serious impact of the accident. As Somalia was facing a worsening humanitarian situation at the beginning of 2017, due to the drought, which caused an increase in the number of displaced persons from 1.1mn to 2.1mn in a few months, QC launched a relief intervention for the displaced in the camps. The number of beneficiaries reached more than 27,975 persons in six provinces of Somalia through the operation of 15 medical convoys. Source: – Gulf Times
-
Kenyan police on Sunday sought help from the International Criminal Police Organization (Interpol) for the arrest of three suspected drug barons who are believed to have sneaked out of the country in June. Coast Regional Police Commander Noah Mwivanda said the trio suspected to be cocaine traffickers escaped from a neighboring country in mid June. Mwivanda told journalists in Mombasa that they have sought the assistance of Interpol to arrest and bring the three to Kenya for face the rule of law. “The three suspects have been classified. They may run today but will not escape forever. This is a business that we are committed to ending,” he warned. Mwivanda said the three are suspected to have sneaked into one of the neighboring countries. He added that the suspected drug barons, believed to be trading in cocaine, heroin and other hard drugs, hail from Mombasa. The East African nation has lately sustained a crackdown on drug trafficking activities since the January 2017 extradition of the notorious Akasha brothers — Baktash and Ibrahim — to the United States where they are facing charges alongside Vicky Goswami (Indian) and Hussein Gulam (Pakistani). Anti-narcotics police officers say most of the drug traffickers have also been avoiding airports for roads, which are poorly manned to traffic the drugs. Most of the narcotics that are seized are cocaine and heroin. Statistics show police at the airport seized drugs valued more than 10 million U.S. dollars every year alone. Most of those arrested were passengers who were on transit. President Uhuru Kenyatta has directed an immediate crackdown on drugs, dealers and their dens at the Coast. Surce:- Xinhua
-
Ten Somali students were arrested inTurkey’s southern Mersin province over alleged links to the Fethullahist Terror Organisation (FETO), the group suspected to be behind the coup attempt in 2016, Garowe Online reported yesterday. The students were arrested alongside six others – three from Djibouti, two from Guinea and one from Syria – in a string of counter-terrorism raids executed by the Turkish authorities. Seven other suspects are still at large. The students were studying at Mersin University, but no other information is known about them. Some 41 other suspects, including on-duty Turkish soldiers ,were arrested over the same alleged links to FETO. The arrests come as the Kirikkale Public Prosector’s Office issued an arrest warrant for the soldiers. The counter-terrorism operation took place across 13 provinces, including Bursa, Sirnak and Kayseri. Turkish authorities believe FETO’s leader Fetullah Gulen directed the defeated coup in July 2016, where 251 people were killed and some 2,200 were injured. The Turkish government led by Recep Tayyip Erdogan accuses the group of attempting to infiltrate government institutions, including the police, military and judiciary to overthrow the state. Last week, Erdogan won more than half the votes in Turkey’s presidential election. Source: – MEMO
-
The Ambassador of the breakaway Somaliland in Uganda, Hemse Abdul said it’s high time, that the international community recognised Somaliland as an independent state to allow them deal with their problems effectively. “We need to strongly unite for the welfare of our nation, peaceful coexistence and defence in a united voice as one wherever we are in the world,” Abdul said. He praised what he called a flourishing relationship with Uganda that has allowed them settle in peacefully. Majority of Somalis from Somaliland living in Uganda are students studying from different institutions. Others are businessmen who have lived in Uganda for a long time including others who were born here. Somaliland, which is located in the horn of Africa; celebrates two independence days in a year – one in May and the other in June. They gained their independence from the British protectorate of North Ireland on June 26 1960 but were later amalgamated with neighbouring Somalia. However after the fall of long-time dictator Said Barre that saw Somalia plunge into a long civil war in 1991 Somaliland broke away and declared independence on May 18. “Due to various political and social issues the fruits of the reunion didn’t turn out positively, people of Somaliland suffered systematic discrimination, injustice, characterised with massive killings. We couldn’t continue with the marriage,” Hamse said. He adds that the position to dissolve the reunion and regain their independence, 27 years ago has seen unprecedented levels of improvement in peace and stability, private sector development, human rights infrastructure development among others. The ultimate objective for the past 27 years of the sparsely populated nation of four million people has been getting international recognition and Hemsi says it will remain so until they acquire it. Source: – The Observer
-
Sophia, the famous humanoid robot, has finally met Ethiopia’s prime minister after her lost body parts were found. A bag containing some of the robot was lost at Frankfurt airport last week, which led to the cancellation of a press conference scheduled to take place on Friday at the Ethiopian National Museum in the capital, Addis Ababa. We don’t yet know what was discussed in today’s meeting, but we do know that Sophia isn’t pre-programmed with answers. Instead, she uses machine learning and responds by reading people’s expressions. Designed by Hong Kong firm Hanson Robotics, Sophia has been programmed to speak Amharic, Ethiopia’s official language. She also speaks English.https://twitter.com/fitsumaregaa/status/1013702190014369793 She shot to fame after becoming the first robot to gain the citizenship of a country – when Saudi Arabia gave her nationality last year. Source- BBC
-
Former pastoralist Ibrahim Ismail Ige, 39, lives in the Somaliland capital Hargeisa, and earns a living as a grave digger. It is a far cry from the life he used to lead, when he had a large herd of 60 camels and 200 goats in the rural areas. His whole family depended on livestock for a living. But the harsh drought that hit Somalia in 2016 turned his village, Dobo-bariyale, on the southern border with Ethiopia, into a desert. All the animals died and the family moved to Nasa-Hablood 1 IDP camp, east of Hargeisa, where they live now. “I never thought my income would be tied to the death of people,” Ibrahim told Radio Ergo. Ibrahim learnt all about grave digging in the early part of 2017. Now it takes him three days to complete a grave and he sells the space for $40. It is a decent amount to support his 12-member family. Still, Ibrahim is sad that he has not been able to continue the proud pastoralist tradition that he inherited along with his livestock from his father. “If I got my camels back I would not choose the city over the rural lifestyle. Keeping livestock is prestigious and a respectable man’s job. I would go back to the previous life any day, I was leading a very good life,” Ibrahim said. Drought has brought to huge numbers of Somali pastoralists unemployment, food scarcity, displacement, and the stress of getting accustomed to a new life in the urban areas. Many have had to accept that they can no longer build their lives around livestock. Abdi Haashi Keynaan, 65, a former pastoralist and father of 20 children from his four wives, owned 700 goats in Galgadud region of central Somalia. His entire herd was wiped out in the drought. Abdi’s family migrated to Adado town in 2016, and settled in Karama IDP camp. He started repairing shoes, earning $2-3 a day, which provided an important lifeline for his large family. They cook one meal to share together when they all come back home in the evening. Despite working every hour he can, Abdi cannot make enough from shoe repairs to support his family. Sixteen of his children are of school age but do not go to school as he cannot pay the fees. Abdi said he was able to provide enough for his children before and that he would love to go back to the rural lifestyle if he could get some more livestock. He enjoyed his life much better then. Across Somalia, from north to south, destitute former herders have been displaced from the rural areas and turned to new trades or casual jobs. Abdi Deero Muhumed, 58, is working as a watchman at Al-Shifa Hospital in Bardera, Gedo region. He earns $100 a month that takes care of his family living in Habaal-Cadey camp. He lost his 200 goats and 50 camels in Daar village, 30 km north of Bardera, after five years of drought. The odd jobs that pastoralists have picked up have been a relief for their families. But many are a burden to relatives, who have let them move in to share their homes. Abdisamad Mohamed Abdullahi, a professor of social sciences at the University of Hargeisa, sees the exodus of former herders to the urban areas as very damaging to the country’s economically important livestock sector. He said it is vital that governmental authorities take strong measures to mitigate against future droughts, by planning for alternative water supplies including constructing water catchments and wells. This would enable pastoralists to move their livestock during drought and preserve their herds. Radio Ergo
-
Somalland government has categorically denied of accusations that deputy UN Secretary, has claimed that more than 12, 000 Internally Displaced People have fled from Tuka Raq due to the conflict and skirmishes between Somaliland armed forces and Puntland militia soldiers. Somaliland has called on Mr. Peter De Clerk to present evidences proving that people have been displaced in the town. UN undersecretary Mr. Clerk has urged the warring sides to refrain from an acts that would to lead to unrest and violence in the region. Mr. Clerk further stated that there is a humanitarian situation in Sool and Sanaag regions but due to the protracted conflict in the region created that 12000 internally displaced people have fled from the conflict zone and the international organizations are providing the right protection and caring. The UN undersecretary said that tension remains high as both sides are massing army reservists as fire exchanged in the last couple of days between the two sides in the front lines.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd tii markii hore Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Ethiopia, islamarkaana aysan jirin sabab ay iminka kusii dayso. Waxa uu sheegay inay dayso iska daayee, in dowladda Soomaaliya ay isku dayaysay inay Qalbi-Dhagax lagu sii hayo xabsiga, illaa inta ay ku guuleysaneyso in la sheego in ayada ay sii daysay. Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax iyo Axmed Madoobe ay dadaal xooggan u galeen in lasii daayo Qalbi-Dhagax. Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax. Jacfar Kuukaay, oo ka tirsan VOA ayaa wareystay Caddaani Hirmooge. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/0bf358fc-babb-40fd-8f6e-0f0ce7bf9cc4_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
By Ahmed Abdi Jigjiga, Occupied-Ogaden— Ethiopian soldiers killed one civilian and arrested scores of civilians in the South-Eastern towns of Shilabo and Yu’ub in the Dollo Province in occupied Ogaden, according to relatives and eyewitnesses. “The Ethiopian paramilitary (Liyuu Police) killed Kafi Mohammed Abdulaahi who was one of their detainees after he came out from the prison to beg for food,” said one of his relatives, who asked not to be named. “Sheikh Abdullahi and Maryam, among others, were taken to the Ethiopian garrison in Yu’ub town,” said a witness. The reason for their detention is not immediately clear; however, the area which is closed for petroleum corporations, including to Chinese Poly-GCL are engaged in oil and gas exploration without the local peoples’ consent.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo askar Degmada Hodan ku dilay wiil Bajaaj lahaa barqanimadii Maanta. Askarigii dilka geystay ayaa lagu soo xiray Xarunta dambi baarista ee CID, waxaana markii kiiskiisa la qoro loo gudbin doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si loogu qaado dambigii uu galay. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la kulantay qoyskii uu ka dhashay wiilkii la dilay waxaana la isla gartay in meydka la duugo isla markaasna ay dowladda Soomaaliya bixiso duugta. Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo qoyska wiilka laga dilay ayaa ku balamay in la isku soo laabto marka la aaso beydka si loo dhameystiro kiiskaan isla markaasna maxkamad loo soo taago askarigii dilka geystay oo si bareer ah falkaan u geystay. Tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa yareyn doonto dilalka soo batay oo ay askarta dowladda u geysanayaan dhallinayarada Bajaajyada wado. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey dilalkaas kadib markii la xiray inta badan jidadya Muqdisho, waxaana muuqato inay dowladda qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu yareenayo arrintaan. Ugu dambeyntii meydka wiilkii dhallinayarada ahaa ayaa lagu guuleystay in la aaso kadib iskaashi dhexmaray dowladda iyo qoyska waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu askarigaan kasoo muuqan doono Maxkamadda horteeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Absent parents who refuse to contribute towards their children's care face being 'banned' from taking foreign holidays. Source: Hiiraan Online
-
The Ambassador of Somaliland in Uganda, Hemse Abdul said it’s high time, that the international community recognised Somaliland as an independent state to allow them deal with their problems effectively. “We need to strongly unite for the welfare of our nation, peaceful coexistence and defence in a united voice as one wherever we are in the world,” Abdul said. Ambassador of Somaliland in Uganda, Hemse Abdul He praised what he called a flourishing relationship with Uganda that has allowed them settle in peacefully. Majority of Somalis from Somaliland living in Uganda are students studying from different institutions. Others are businessmen who have lived in Uganda for a long time including others who were born here. Somaliland, which is located in the horn of Africa; celebrates two independence days in a year – one in May and the other in June. They gained their independence from the British protectorate of North Ireland on June 26 1960 but were later amalgamated with neighbouring Somalia. However after the fall of long-time dictator Said Barre that saw Somalia plunge into a long civil war that persists to this day, in 1991 Somaliland broke away unliterary declaring independence on May 18. “Due to various political and social issues the fruits of the reunion didn’t turn out positively, people of Somaliland suffered systematic discrimination, injustice, characterised with massive killings. We couldn’t continue with the marriage,” Hamse said. He adds that the position to dissolve the reunion and regain their independence, 27 years ago has seen unprecedented levels of improvement in peace and stability, private sector development, human rights infrastructure development among others. The ultimate objective for the past 27 years of the sparsely populated nation of four million people has been getting international recognition and Hemsi says it will remain so until they acquire it. Observer
-
Ten Somali students were arrested inTurkey’s southern Mersin province over alleged links to the Fethullahist Terror Organisation (FETO), the group suspected to be behind the coup attempt in 2016, Garowe Online reported yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Britain ayaa qalab ay qiimahooda gaaraysa 5.6 milyan oo Bound ugu deeqday ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia, si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah. Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka xamuul, cagaf-cagaf iyo kuwokale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa hawlaha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Muqdisho. Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya, David Concar ayaa markii uu qalabka wareejinayay sheegay in Dowladdiisa ay ku faraxsan tahay inay AMISOM kala shaqeyso dadaalka ay ku dooneyso inay xasiliso Somalia, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso. “Kaalmadan aan ku wareejinayno AMISOM wuxuu qiimahoodu ku fadhiyaa 5.6 milyan oo Bound, waxaan rajeynaynaa inay si weyn gacan ka siiyaan AMISOM inay nadiifiyaan waddooyinka muhiimka ah iyo inay sii wadaan xasilinta Somalia. Waxaan kaloo doonaynaa inay hawshaan la kaashadaan ciidamada Somalia ee ay awooddoodu dhismayso,” ayuu yiri David Concar. Sidoo kale, Danjiraha ayaa ayaa uga mahad-celiyay ciidanka nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada ku deeqay dadaalka ay geliyeen inay xaqiijiyaan Somalia oo xasillooni hesha. “Waan idin kaga mahad-celineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay danjiraha Britain u fadhiya Somaila. Taliyaha ciidanka AMISOM, Jen. Jim Beesigye Owoyesigire oo qalabkaan kala wareegay Britain ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan tari doonaan ayna gacan ka geysan doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay weli ku harsan tahay. “Dowladda Britain waxaan uga mahad-celinayaa taageerrada ay Ciidamada AMISOM siiso, waxaana si gaar ah ugu amaanayaan qalabkan faraha badan ee ay nagu taageertay,” ayuu yiri Jen. Owoyesigire. Mar uu ka hadlayay sida ay ugu shaqeyn doonaan qalabkan ayaa wuxuu ku yiri hadalkiisa. “Waanu garanaynaa qalabka, awooddeenna waanu wanaajin karnaa, sidoo kale waxay naga caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhibaatooyin badan ka wada Soomaaliya.” UGu dambeyn, Sanadkii lasoo dhaafay ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu meel mariyay in si tartiib-tarrtib ah loo dhimo tirada guud ee ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, isla markana ciidamada amniga Somalia lagu wareejiyo mas’uuliyadda wax ka qabashada ammaanka dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Britain oo Qalab kala duwan ugu deeqday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliiya ayaa xirtay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, qaarkood waxaa lagu jaray dhagxaan halka kuwa kalana la dhigay ciidamo inkastoo maanta la furay qeybo badan oo kamid ah. Dadka Muqdisho ku nool ayaa siyaabo kal duwan uga hadlay arrintaan, kuwa way soo dhaweeyeen halka kuwa kalana ay dowladda ku eedeeyeen inay caburin ku heyso shacabka isla markaasna ay ka hor taagan tahay inay raadsadaan nolol maal meedkooda. Haddaba waxaan warbixintaan ku falanqeyn doonaa dowladda Soomaaliya oo ay heysato laba daran mid dooro. Haddii ay dowladda Soomaaliya furto jidadka Muqdisho waxay u badan tahay inay Al-Shabaab fuliyaan qaraxyo maadaama hadda lagu hayo caburis weyn, waxaana maalmihii dambe laga nastay qaraxyadii Muqdisho wareeriyey, haddii uu qarax dhaco oo ay dhammaadaan shacab badan waxaa dowladda Soomaaliya lagu eedeenayaan inay dayacday amniga . Haddii ay dowladda Soomaaliya xirto jidadka Muqdisho si looga hortago kuwa naftooda haligayo oo ay u muuqato dhimasho isla markaasna aan ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed waxaa dowladda lagu eedeenayaan inay dadka caburisay isla markaasna ka hor taagan tahay irsaaqadooda. Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dhari labada dhinac ka gubanayo oo aan meelna ku baxsaneyn, waxaase muuqato inay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aanka ah in la badbaadiyo shacabka Soomaaliya. Ururka Al-Shabaab ayaa muddo dhawr bil ah laga hor istaagay inay sameyso qaraxyo taasoo ay ugu wacan tahay ciidamada dowladda Soomaaliya oo dadaal dheeri ah ku bixiyey sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho. Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay jirto sabab kale oo yareysay qaraxyadii Shabaab fulin jireen waxayna ku sheegayaan inay Shabaab soo wajahday dhaqaale xumo isla markaasna ay awoodi la’yihiin inay qaraxyo isku dayaan. Dhagaha dadka Muqdisho ayaa muddooyinkaan ka nastay qaraxyada, waxaana la dareemayaa nafis yar oo ku aadan muhiimada ay leedahay in xoogga la saaro sidii Shabaab loogu badin lahaa cadaadiska lagu hayo. Jidadka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamada Xasilinta oo baarayo gawaarida, inkastoo ay mararka qaar sameeyaan qaldaad ay kamid tahay inay toogasho ku dilaan shacab aan waxba galabsan haba ugu badnaadaan dhallinyarada Bajaajyada ku shaqeysto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carte Waxaa uu dowladda dhexe uu ku eedeyay in ay burburisay Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland. Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada. Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira. “Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sophia, the famous humanoid robot, has finally met Ethiopia’s prime minister after her lost body parts were found. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa kexeeya mootooyinka loo yaqaan Bajaaj-ta ee saddexda lugood leh. Askari ka tirsan ciidamada xasilinta oo ku sugnaa agaaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa toogtay wiilkan oo la sheegay inuu ka gudbay bar ay ku koontaroolayeen gaadiidka. Mooto Bajaaj-ta ayaan inta badan lagu baarin baraha ay ciidamada xasilintu ku sugan yihiin, balse waxaa xilliyadii dambe soo kordhayay dilalka ay qaar ka mid ah ciidamada dowladdu u geysanayaan dhallinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta. Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarigu uu amar siiyay wiilka mootada watay, balse uu maqli waayay, taasoo keentay in askarigu uu xabbadeeyo wiilka geeriyooday. “Wiilka dhallinyarada ah ee geeriyooday wuxuu watay mooto kuwa saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj-ta, waxaana toogtay askari ka tirsan ciidamada xasilinta, kaddib markii uu maqli waayay amarkiisa,” ayuu yiri ka mid ahaa dadkii goobjoogga ka ahaa falkan. Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa sheegay in wiilkan ay laba xabbadood uga dhaceen dhabarka, uuna u geeriyooday dhaawac soo gaaray, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falalka iska-soo-daba-noqday ee xilliyadii dambe ka dhacayay Muqdisho. Darawallada kexeeya Mooto Bajaaj-ta ayaa dhawr jeer ooh ore ka cawday sida ay ula dhaqmaan ciidamada dowladda, iyagoo sheegay in lacago badan laga qaado, sidoo kalena loo diido waddooyinka muhiimka ah inay maraan. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo darawal Mooto Bajaab lagu dilo Muqdisho, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli dhawr darawal oo sidan oo kale ah lagu dilay qaybo ka mid ah Muqdisho, mana jirto wax war ah oo laga soo saaray dilalka lagula kacay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xaslinta oo Muqdisho ku toogtay wiil dhalliniyaro ah oo watay Mooto Bajaaj appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabto inta aad adduunyada joogto, Sidaa Darteed Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale. Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba cunto sida Xaanshiyaha , Bacda iyo Baakadaha ayaa waxaa dhacdey in nin bac Qaad ah sitey isla markaana waxaa Bacda Qaadka ugu dhex jirey Mobile wuxuuna reer sac u joogey ka codsaday in la siiyo Musqul si uu ugu soo xaajoodo waxa uuna qaadkiisii saartay meel darbi ah, dadkii guriga joogeyna wax feejignaan ah ma siin qaadka uu ninku meesha saartay, waxaana dhacday intii uu musqusha ku jiray in Sacii reerku lahaa soo galay daaraddii kadibna uu afka si fiican ula helay Qaadkii darbiga saarnaa oo uu ku dhex jiray Mobile-ku, wuxuuna Mobile-ka ahaa mid yar oo aan sidaa u weyneyn waxaana Sacii u suuragashay in uu ku liqo caleentii Qaadka.Mobile-kii Ninkii markii uu soo dhameystay xaajaddiisii Musqusha ayuu dibadda u soo baxay, waxa uuna arkay haraadigii qaadka oo ka sii laalaada afka Saca, inta uu naxay oo afka labadii yeeray ayuu ku dhawaaqay “Alla Mobile-keygii……Alla Qaadkeygii”. Reerkii guriga ayaa qaylo dhaantii ku soo baxay, waxa uuna ninkii u sheegay in Sacaan uu ka cunqay qaadkii uu watay iyo waliba Mobile ku dhex jiray bacda qaadka. Odeygii reerka oo yaaban ayaa yiri “Qaadka garanay laakiin maxaa caddeyn kara in Sacu uu liqay Mobile”, waxaa la wacay Mobile-kii waxa uuna yiri “Lama heli karo, Waa mashquul, Qadka ayuu ka maqan yahay iyo wixii la mid ah”, meeshiina waxaa ka bilowday muran xoogan oo u dhexeeyay ninkii socotada ahaa iyo reerkii, mid ka mid ah dadkii ku soo baxay ayaa yiri “Saca hadduu Mobile liqay si sahal aha ayaa loo helayaa waxaa la siinayaa Burgaanti oo waliba dhowr xabo ayaa la isugu darayaa” waa lagu wada qoslay waxaase ka biyo diiday ninkii lahaa saca oo isagu soo jeediyey in haddii uu Sacaan laqay Mobile waxaa lagu kala baxaa in Raajo la saaro Saca, Murankii ayaa sii dheeraaday, qolo kale ayaa soo jeedisay in saca laga qabto ilaalo gaar ah si saxaradiisa loola socdo. Mar kale waxaa la soo jeediyey in saca la qalo qarashka uu bixiyo ninka Mobile-ka leh, hase yeeshee ninkii waa uu diiday, waxay Odoyaashii meesha isugu yimid ayaa go’aamiyey in ninkii Mobile-ka lahaa loo celiyo wax xooggaa lacag ah, sidaa ayaana markii dambe lagu kala baxay. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494