Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. London (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ka dhaxeeyay dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta. Maxkamadda ayaa sheegtay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” Dowladda Jabuuti ayaa maamulka Doraleh kala wareegtay DP World bishii Febraayo, kadib muran soo socday illaa sanaddii 2012. DP World ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah. “Maxkamadda LCIA waxa ay xukuntay in heshiiska Doraleh uu yahay mid sharci ah oo taagan” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qeybta warbaahinta ee dowladda Dubai, oo aan sheegin goorta go’aanka la gaaray. “DP World waxaay ka jawaabi doontaa xukunkan, waxayna eegi doontaa waxyaabaha u furan” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Jabuuti weli ma aysan ka hadlin xukunka la sheegay inuu dhacay. Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  2. Mogadishu ( Caasimadda Online) – Dhowr fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda dhibka ka wado Soomaaliya. Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin. Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday Suuqa Bakaaraha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish. Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan. Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab
  3. By floating the idea of Turkey joining BRICS, Turkish President Recep Tayyip Erdogan seeks to diversify Ankara's foreign policy, with its EU membership bid long stalled and relations with the US on the rocks, analysts told RT. Source: Hiiraan Online
  4. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuullooyin hoos yimaada ay ku soo qabtaan xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ka mid yihiin nin qaraxyada u sameeya iyo sarkaal qaabilsan qorista caruurrta ku biireysa Alshabaab. Howgalka Ciidamada Xoogga ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya iyadoo ay Afgooye gaareen ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inu tegi doono halkaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howolgal dhacay Saaka waabarigii hore ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan. Saraakiisha lasoo qabtay waxaa ka mida nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta. Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow. Howlgalada ciidamada Milateriga ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay sugida amniga degmadaas oo lagu wado inuu booqdo Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah mucaaradka Soomaaliya ayaa dhaliilay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in xayiraadda hubka laga qaado dalka Eritrea oo haysta dhul ka mid ah dalka Jabuuti. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in “magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareenay” Jabuuti oo ay Soomaaliya walaalo yihiin. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Wuxuu muwaadin kasta oo Soomaali ah filayey in Madaxweyne Farmaajo uu la tashi kala sameeyey Dawlada Jabuuti go’aankii ku aadanaa in Eritrea laga qaado cunuqabayta. Ilaa iyo hada sharaxaad lagama bixin sababta ka danbaysa booqashada degdega ah ee Eritrea iyo codsi jeedinta la xariirta cunaqabatayn qaadista. Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno. Horay ayaan u sheegay in Gobolka uu loolan geopolitics ku soo socda, loona baahan yahay hoggaan feejigan oo maarayn kara danaha is diidan ee awoodaha Gobolka iyo kuwa dawliga ah ee ku loolamaya Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa sheegtay inay si xooggan uga soo horjeedo go’aanka dowladda Mareykanka ay cunaqabateynta ku saartay laba sarkaal oo dowladda Turkiga ka tirsan, sababo la xiriira wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah, kaasi oo laba sano ku dhow ku xiran Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanka uusan waafaqsaneyn habka dowladeed iyo xeerarka sharciga iyo caddaaladda midna. Wasaaradda ayaa ku boorisay dowladda Mareykanka inay ka laabato go’aankeeda, waxayna ballan-qaaday inay qaadi doonta tallaabo tan la mid ah oo looga jawaabayo “gardarrada Mareykanka, ayada oo aan dib loo dhigin” Arbacadii, ayaa wasaaradda maaliyadda Mareykanka waxay ku dhawaaqday xayiraaado ka dhan ah wasiirka caddaaladda Turkiga Abdulhamit Gul, iyo wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu. Labadan mas’uul ayaa waxaa la xayiri doonaa dhammaan hantiada ka taal Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka laga mamnuucay inay la sameeyaan wax xiriir maaliyadeed ah. Gul ayaa kadib go’aanka Mareykanka qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Geed igagama baxo Mareykanka, hal shilinna igama yaalo Mareykanka ama meel ka baxsan Turkiga”. 19-kii July aya a maxkamad ku taalla dalka Turkiga ay amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah ninka Mareykanka ah, oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO. Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan. VOA
  7. War goordhow nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Melleteriga Kenya. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay ciidamo saad melleteri u siday deegaanka Faxfaxdhuun, dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in uu hadda ka socdo wada xiriirisa Girileey iyo Fax Faxdhuun. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiic lays dhaafsanayo oo aad u culus. Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
  8. Buuhoodle (Caasimadda Online) – Xalay saaladdii Maqrib kaddib waxaa markii ugu horreeysay uu qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle. Laba ka mid ah dadka deegaankaas ugu saameynta badnaa ayaa qaraxaas lagula eegtay oo halkaas ku geeriyooday iyada oo uu dhaawacyo soo gaaray saddex kale. Wali ma jirto cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas walow ay tuhunno badan qabaan dadka deegaanka. Hadaba, kahor inta aysan cid qaadan mas’uuliyadda ama aan lagu shaabadeyn qolo gaar ah, sameynta deg deg ah ee kuu yeelan karo maxay tahay? Buuhoodle waa degmo ka tirsan Soomaaliya oo hoos tagta G/Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya. Hase ahaatee, waa magaalo aad u camiran oo ka weyn qaar ka mida magaalo madaxyo gobollo oo dalka ku yaal iyada oo loo sababeenayo in ay ku taal xad beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Magaalada gudeheeda ayaa u kala qeybsan Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ay qeyb ka mid ah sheegataa Itoobiya. Taas, waxa ay keentay in shacabka reer Buuhoodle ay ka cabsadaan falcelinta ka imaan karta ciidamaa Itoobiya eek u sugan deegaanka kuwaas oo hawlgallo ka bilaabi kara Buuhoodle. Saameynta kale? Buuhoodle waa magaalo dhaq dhaqaaq ganacsi oo xog leh ka jiro waxaana ka mid ah dadka tiir dhexaadka ah bulshada reer G/Galbeed ama Raxanweyn. Sida ka dhacda Somaliland iyo Puntland haddii qarax dhaco ama falal amni darro waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa dadka Raxanweynta ah ee jooga deeganaas, taas ayaa dhalisay cabsi ay qabaan dadkaas ku dhaqan Buuhoodle in ay dhibaato u geystaan.
  9. Muqdisho (Caasaiamada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaa bishii July, 2018 ka dhacay dilal qorsheysan oo aad u badan kuwaa oo lala eeganaayay shaqaale dowladeed, Askar iyo dad rayid ah. Dilalka July ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay dad xiliga la dilaayay intooda badan ku guda jiray shaqo maalmeedkooda. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi iyo Howlwadaag kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Bishii July ayaa lagu tilmaami karaa bisha ugu dhibaatada badneyd oo sanadkaani soo marta Muqdisho waxaana dadka la dilay ay gaarayan ilaa 31 ruux. HOOS KA AKHRISO DILKII MUQDISHO KA DHACAY BISHII JULY 2018 1- July 01 2018, Waxaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqa weyn ee xoolaha ee isla Degmada. 2-July 2, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Xasilinta ee DFS ayaa Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Barkontorool oo ku yaala halka loo yaqaano sarta Seybiyaano kaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb. 3-July 2, 2018,Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dilay Mooto bajaajle ay ka shakiyeen. 4-Jul y3, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo suuqa ku iibinaayay kabo. 5- July 6, 2018, Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed. 6- July 8, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Debka ee magaalada Muqdisho ku dilay nin asal ahaan kasoo jeeday dalka Yemen oo halkaa ku lahaa Dukaan lagu iibin jiray alaabaha Hidaha iyo dhaqanka. 7- July 9, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa askari kamid ah ciidamada Xasilnta ku toogtay xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid. 8- July 9, 2018, Askari ka tirsan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Minishiibiyada ayaa lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa ka danbeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. 9-July 10, 2018, Nin lagu magacaabo Cabdi Cali, ayaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako ku dilay wiil la dhashay oo kala dhexeeyay muran hantiyadeed. 10- July 9, 2018, Waxaa isgooska maanaboolyo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo dilkiisa uu ku saleysnaa muran kala dhexeeyay gacan ku dhiiglaha. 11- July 12, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Macalin Nuur ee degmadaas ku dilay Haweeney la sheegay inay ganacsato aheyd. 12- July 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Jamhuuriyada aagga Masjidka Turkiga ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar. 13- July 18, 2018, Ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ku dilay qof shacab ah kaa oo waday gaari iska roge ah kadib markii uu dhexda u galay kolonyo ka tirsan ciidamada NISA. 14- July 18, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ka howlgalaayay baarkoontarool oo ku taala baar ha idhaafin. 15-July 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Shaaciye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cartan Siyaad. 16- July 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysab ayaa suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Hodan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo dadka ay ku sheegeen inuu ahaa baalashle/caseeye. 17-Jul 22, 2018, Askari ka tirsan dowlada Somalia ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal gaadiid BL kadib markii uu diiday Seddex kun oo sh/Soomaali ah. 18-Jul 22, 2018, Maleeshiyo hubeysnaa ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday. 19-Jul 22, 2018, Macalin dhiga Dugsi Quraan ayaa xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ku dilay mid ka mid ah ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd. 20-Jul 23, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada ayaa Xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley Gobolkan Banaadir ku dilay nin Mooto bajaajle ahaa oo uu muran dhexmaray taas oo keentay in askriga uu dhowr xabadood ku dhufto Darawalka mooto Bajaajka. 21-Jul 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeynaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ku dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga. 22- July 24 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, Waxa uuna mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. 23-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay xaafada Barmuudo xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa. 24-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waxda Shooriyada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay 72 sano jir kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo. 25-July 26 2018, Askari ka tirsan Minishiibiyada dowlada ayaa lagu dilay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn xarunta Degmada. 26-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Suuqa Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu halkaa ka raaci lahaa mooto bajaaj. 27-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee G/Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa TV-ga SBS oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan. 28-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliya ayaa agagaarka Suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxa uu si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 29-Jul 29, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen laba xidigle ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Laba Xidigle Maxamed Axmed Maalin ayaa ka tirsanaa Saldhiga degmada Hodan. 30-Jul 30, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir ku dilay ruux la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka isla markaana shacab ahaa. 31- July 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xilliga la dilaayay ku sugnaa goob Maqaaxi oo Shaaha laga cabo, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse. Dilalka dhacay bishii July 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia, iyadoo aanu jirin wax hadal ama dareena ay ka muujisay dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeedda Puntland ee Dawlada Federaalka intooda ku sugan magaalada Garowe ayaa shir albaaabadu u xiran yihiin laleh golaha wasiirada Puntland oo uu shir gudoominaayo madaxweyne Cabdiwali Gaas. Kulankan gaarka kuma sugna xubnaha Dawlada Federaalka ee aan kasoo jeedin Puntland oo uu kamid yahay raisul wasaare Xassan Cali Khayre. Shirkan oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay ayaa hor dhac u ah shirar guud oo ay yeelanayaan illaa maanta xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira ee Dawlada Federaalka iyo xukuumadda Puntland kuwaas oo xooga lagu saaraayo xalinta mad-madowga soo dhex galay labadda dhinac. Isla Garowe waxaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiiradda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Waa markii ugu horaysay taariikhda oo magaalada Garowe iyo guud ahaan degaanada Puntland lagu qabanaayo shirka golaha wasiiradda xukuumada Federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee DFS oo shir gaara laleh xukuumada madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
  11. Buuhoodle (Caasimadda Online) Waxaa faafaahin dheeri ah laga helayaa qarixii xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle oo ay saraakiisha sar saree e Khaatumo ka tirsanaa ku dhinteen. Sid la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay wasiirkii hore ee amnig Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal). Sidee ayuu Qaraxo u dhacay? Qaraxa oo la sheegay in uu dhacay salaaddii Maqrib kaddib ayaa saraakiisha lala eegtay iyaga oo taagan afaafka hore ee Masjid Jaamac oo ku yaal bartamaha magaalada. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah qaraxu ma ahayn mid lagu fuliyey gaari laakiin waxaa is miidaamiyey naftii haligge watay sun. Nafitii haligaha ayaa ku dhawaaqay halkii ay taagnaayeen madaxda qaraxa kahor inta uusan is qarxin. Xalay waxaa durbadiiba la aasay kaddib markii jirkiisu googa’ay Axmed Maxamuud Doolaal balse saaka ayaa isna la aasay Cabdifataax Maxamed Cali (Cabdifataax Reegal). Ma jiraan dhaawacyo? Sida Caasimadda Online loo xaqiijiey marka laga yimaado labada mas’uul eek u dhintay qaraxa waxaa jira saddex dhaawac oo hadda lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada Buuhoodle.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Booqashada M. Farmaajo ee Dalka Eritrea ayaa laga muujiyey guulo iyo rajo wayn oo usoo hoyatay labada shacab iyo labada dawladood, sidoo kale cabsi ayaa laga muujiyay isbedelada gobalka iyo dawrka madaxda Eritrea? HADABA QORMADAAN KOOBAN WAXAAN IS BARBAR-DHIGAYNAA RAJADA IYO CABSIDA: Somaaliya & Eritrea waxaa ka dhaxeeyay xiriir sokeeye mudo ka badan 1000 sano kaas oo ku salaysnaa; deegaanka Geeska Afrika, soo gelitaankii Diinta Islaamka Geeska Afirika, Dagaaladii dhex maray Muslimiinta Geeska Afrika iyo Kirishtaanka, Dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika soo maray, Boqortooyadii Islaamka ee Turkey ee Geeska Afrika, Gumeystihii Talyaaniga ee wada qabsaday Somaaliya iyo Eritrea Ciidamadoodina is ku bedelay iyo Halgankii xornima doonka labada shacab iyo hiiladii ay isa siiyeen iyo abaalka ay isku leeyihiin. Eritrea waxa ay xor tahay 25 sano kaliya, halka Somaaliya ay xor tahay 58 sano lkn intii ay Eritrea xorta aheed Somaaliya waxa ay ku jirtay Dawlad la’aan, dagaal sokeeye iyo taag dari awoodeed, halka Eritrea na ay ku jirtay dagaal deriskeeda Ethiopia iyo Go’doomin beesha Caalamka gaar ahaan Afrika iyo IGAD. Kulankaan labada Madaxweyne waa kii ugu horeeyey ee dhexmara labada dawladood iyo labada Madaxwayne oo rasmi ah kadib xorriyadii labada dal, rajada laga filan karo ayaa ah; 1-In si wada jir ah looga qeyb-qaato is bedelada Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Bulsho ee Gobalka ka socda. 2-In la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritrea, kaalin -na ay ka qaataan M.Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed. 3-In Mandiqada lagu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni, loona horseedo horumar dhaqaale iyo mid bulsho. 4-In Eritrea lagu soo celiyo IGAD, Afrika iyo Beesha Caalamka, lagana saaro Go’doominta iyo faquuqa. 5-In la xiro xarumaha iyo Saldhigyada Jabhadaha iyo Mucaaradka Somaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Sudan ee dalka Eritrea. 6-In la isla fahmo qaabka loola dhaqmayo Quwadaha waawayn ee ku loolamaya Geeska Afrika gaar ahaan America iyo China. 7-In la isla fahmo khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo faragelinta ay ku hayaan Geeska Afrika iyo dhibaatada ka socota Yemen iyo saamaynta ay ku leedahay Geeska iyo sida ay ugu fashilmeen dawladaha Carabtu gaar ahaan Khaliijka. 8-In dawlad kasta ay aqoonsato Siyaadada iyo Jiritaanka dawlada kale isna wada ixtiraamaan dawladaha Geeska Afrika. ARIMAHA CABSIDA LAGA QABO WAXAA KA MID AH: 1-In Madaxda Eritrea ay is xigsiiyaan ama si gaar ah ugu dhawaadaan Ethiopia, Somaaliya iyo Jabuutina gaar u riixaan. 2-In Eritrea ay Isarael fursad u siiso in ay soo dhex gasho soona fara geliso arrimaha Geeska Afika, maadaama ay saldhig ku leedahay Eritrea. 3-In Jabhadihii ay Eritrea hoyga u aheed kusoo fidaan Somaaliya haddii xarumaha laga xiro culaysna ku noqdaan sidii dhacday 1988 markii M. Siyaad Barre iyo Mingisto heshiiyeen. 4-In Afawerk iyo Abiy Ahmed u weecdaan ama u bataan dhinaca Emaaraatka, Somaaliya iyo Jabuutina culeys ku saaraan in ay lumiyaan dhex-dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka. 5-In M. Afawerk laga bedeli- waayo dhaqanka Jabhadnimada, lana qabsan-waayo Siyaasadaha fur-furnaanta iyo Dhaqaala abuurka Geeska Afrika ka socda. Hadaba waxaa soo dhaweyn iyo taxadar mudan xiriirka cusub ee u bilawday Somaaliya iyo Eritrea. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada mas’uul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay. Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland. Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa” “Waxaan rajeyneynaa in Ra’iisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsan” Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab ***** in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Ra’isul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda. Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qatar ayaa si caro leh u beenisay warar sheegaya in muwaadiniinteeda ay ka hor joogsatay in ay u safraan dalka sacuudiga si ay uga qeyb qaataan acmaasha xajka ee sanadan 2018-ka. Qoraal kasoo baxay Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi beenta ah ay baahisay dowlada Sacuudiga, hase yeeshee Qadar aysan ka suuroobin in dad cibaado doon ah ay is hortaag ku sameyso. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta Qadar ayaa sheegay in muwaadiniintooda ay ku guda jiraan safarkooda dalka Sacuudiga si ay usoo gutaan waajibaadkooda, waxa ayna beeniyeen in khilaafka kala dhexeeya Sacuudiga uu saameeyay cibaadada. Qoraalka Qadar ayaa waxaa lagu yiri “Khilaafka nagala dhexeeya Sacuudiga saameyn kuma yeelan doono arrimaha shacabka iyo cibaadada waana beenineynaa eeda sacuudiga” Wasaarada ayaa intaa ku dartay in xajka uu ka mid yahay shanta tiir ee islaamka ayna arimahan kala xiriireen dhigooda sacuudiga. Dowlada Qatar ayaa meesha ka saartay in siyaasada iyo acmaasha lagu waajib yeelay muslimiinta aysan isku xirneyn. “Qadar ma gaarin heer ay acmaasha la meeldhigto siyaasada, shacabkeenu kama hor joogsan xajka mana dhici doonto” Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa gudaha asbuucan shaacisay in dalkeeda uusan soo gaarin muwaadiniinta u dhashay Qatar ee gudanaya waajibaadka,sida uu sheegay Khalid bin Faisal Al Saud oo ka hadlay arimaha xajka. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Qadar iyo Sacuudiga oo khilaafkooda uu meel xun gaaray ayaa waxa uu xiriirkooda xumaaday bartamihii sanadkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland goor dhow ka furmi doona shir labba geesooda oo ay yeelan doonaan gollaha wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo golaha wasiirada Puntland. Shirkan oo ka qabsoomi doona hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyada Puntland ayaan si dhaba loo ogayn waxa ay kawada hadli doonaan labadda dhinac, hase ahaate waxaa la filayaa inay ka doodi doonaan xiriirka iyo wada shaqaynta Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland. Marka uu shirkaasi soo idlaaddo isla Garowe waxaa ka qabsoomi doona shirka khamiislaha ee gollaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo shirkaas kaga hadli doona shaqooyinkoodii caadiga ahaa ee ay kaga doodi jireen shirarka khamiislaha ee ay todobaad walba yeeshaan. Shirarkan ayaa kusoo aadaaya kadib khilaaf meel sare gaaray oo soo kala dhex galay Dawlada Federaalka iyo Puntland kadib markii raisul wasaare Xassan Cali Khayre uu ka gaab-saaday inuu qayb ka noqdo dhagax dhiga dekadda degaanka Garacad, wuxuuna khilaafkaasi sababi gaaray inuu maanta baaqdo shirarkan qorshaysnaa. PUNTLAND POST The post Shirarka Golaha wasiirada Puntland iyo Dawlada Federaalka oo ka dhacaaya Garowe appeared first on Puntland Post.
  16. The former Ethiopian dictator Colonel Mengistu Hailemariam has met with Ethiopia’s former Prime Minister Hailemariam Desalegn in Zimbabwe’s capital Harare on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. The former Ethiopian dictator Colonel Mengistu Hailemariam has met with Ethiopia’s former Prime Minister Hailemariam Desalegn in Zimbabwe’s capital Harare on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. It's summer and the sun is slowly setting over the hilly green space near Fozia Ismail's house in Bristol. Her husband Andy opens the door as Foz, as she likes to be called, makes final preparations in the kitchen. Source: Hiiraan Online
  19. Djibouti, an increasingly strategic nation in the Horn of Africa, has condemned last week’s call by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed for the lifting of U.N. sanctions against Eritrea. Source: Hiiraan Online
  20. Global maritime piracy may see its first significant increase by the end of this year since the height of the Somali piracy in 2010. Source: Hiiraan Online
  21. A woman accused of being a member of Al Shabaab terrorist group has told a court that police arrested her when she went to visit her brother in a boarding school in Kajiado. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay xubnaha sare ee maamulka, taasi oo shaqadii gobolka habsaamisay. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaafka uu u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa sida; Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulah) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada, Xuseein Maxamed Nuur Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Maamulka & Maaliyada iyo Cumar Abdirisaak Xuseen, Xoghayaha Guud ee Ggobolka Banaadir, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku haayo ka mid tahay awoodaha maamulka. Yariisow ayaa la sheegay in ku-xigeenadiisa aysan shaqada uga dambeyn, una arkaan qof la siman ama ayaga ay ka sareeyaan, ayaga oo isku haleynaya awood isaga ka sareysa, sida aan xogta ku heleyno. Dhammaan ku xigeenada Yariisow ayaa ku kala xiran madaaxtooyada ama xafiiska raiisul wasaaraha, taasi oo siisay awood dheeri ah, oo ay ku qaadaan tallaabooyin isaga uusan ka war-hayn. Qaar ka mid ah xubnaha gobolka ayaa Yariisow u arka inuusanba gobolka maamulin oo uu magac u yaal yahay. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir laga cabsi qabo inay keynto is bedel degdeg ah, waxaana xubnaha Maamulka ee is haya uu mid walba uu isku halaynayaa oo uu si gaar ah ugu xiran yahay Xafiisyada Madaxda sare ee dowladda. Wararka ayaa sheegaya in isbeddel kasta ay u badan tahay inuu ku baxo Yariisow, maadaama uu ugu awood yaryahay xubnaha maamulka gobolka, ayada oo ku xigeenadiisa ay ku xiran yihiin madaxda sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa u yeeratay safiirkii ka jooga magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayada oo aad uga carreysan in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eritrea. Eritrea ayaa waxa ay haysataa dhul ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana Jabuuti ay sheegtay in ayada oo taas jirto uu madaxwenaha Soomaaliya dalbaday in Eritrea laga qaado cunaqabateynta ay tahay arrin aysan ka fileyn Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay shaklay safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa lagu yiri “Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay. Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed” Safiirka ayaa qoraalkaas soo saaray isaga oo ku sugan magaalada Jabuuti, waxaana xog cusub oo soo baxday ay sheegeysaa in safiirka loo yeeray, ee aanu halkaas iska tagin. Xiriirka labada dal ayaa lagu warramayaa in iminka uu yahay mid aad u xun, oo aanu jirin wax xiriir ah oo gebi ahaan dhex-maraya, lamana yaqaan sida lagu xalin doono iyo cidda kala dhex-gali doonta. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  24. Anakara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya inaysan marnaba ilaawi karin abaalka wanaagsan ee ay ka heshay dowladda Jabuuti oo ciidankeeda ay joogaan Somaliya. Jabuuti ayaa si wayn kaga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Magaalada Asmara, kaasi oo ahaa in xayiraada hubka laga qaado dowladda Eritrea. Warbixin uu soo dhigay Xasan Sheekh Boggiisa xiriika Bulshada ee Facebook, ayaa u dhiugneyd sidan:- Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka. Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin. Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen. Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya. Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya. Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay: “HIIL WALAAL MA HUNGOOBO” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre cududaar ka bixiyey dorraad ka qayb galka munaasabad dhagax dhig ah ee loo sameynayey Dekad laga dhisayo Garacad ”Gobolka Mudug” ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka bilowdey kaasoo saameyn ku yeeshey kulamo la filayey iney dhexmaraan Puntland iyo Federaalka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo kala dhexgaley xiisada siyaasadeed ee ka bilaabatey dhagax dhig loo sameeyey dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kala hadlay Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararka ku heleyno ka codsadey in xiisada uu qaboojiyo. Dhinaca kale in qayb ka tirsan golaha xukuumada Soomaaliya ayaa shalay waxay ka soo dageen garoonka diyaardaha magalada Garowe kuwasoo qorsheynaya iney ka qayb galaan kulan horey la filayo inuu dhexmaro golayaasha xukuumada Puntalnd iyo Federaalka. Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka tirsan golaha xukuumada Puntland kulan ay la qaateen Madaxweyne Gaas habeenkii xalay aad uga biyo diidan qabsoomida kulankaan. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay ka baaqsadey xaflad qalan jabin ah ee ka dhaceysay jaamacada PSU Halkaas oo uu goob joog ka ahaa RW Khayre. Xigasho: Garowe Online