-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaaji adduunka uga dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eriterea ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka kaga hadlay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xukuumadda Asmara. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sheegay Siyaasadda qar iska tuurka ee Madaxweyne Farmaajo in dhaawac uu ugu geystay walaalaha reer Djibouti. Waxa uu sheegay in siyaasadaasi ay tahay abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo islamarkaana laga garaabo, waa sida uu hadalka u dhigay. HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAN AXMED MACALIM FIQI : Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay. Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo! Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu i soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “Bil Saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A United Nations special envoy announced Thursday that the warring factions in Yemen’s long-running conflict would meet Sept. 6 in Geneva to begin discussions on a cease-fire. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has the longest coastline of any country on the continent of Africa, and has abundant tuna and marlin resources. Yet, there are no Somali owners of commercial longline vessels. Source: Hiiraan Online
-
Al shabaab militants on Wednesday abducted a 6-year old girl from her family in Harbole town, Gedo region, Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wasiirkii hore ee qporsheynta iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa cashar ku saabsan ixtiraamka ku siiyey ra’iisul wasaare Xasan Xasan Cali Kheyre barta twitter-ka. Caynte ayaa ka jawaabay qoraal uu Kheyre shalay soo dhigay barta twitter, oo uga tacsiyeeyey geerida Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, oo ahaa wiil dhallinyaro oo ganacsiyo hindise, balse Kheyre uusan xusin magaciisa. Qoraalka Kheyre ayaa u dhignaa sidan: Si kastaba Caynta ayaa u jawaabay Kheyre, isaga oo u sheegay in ixtiraamka uu ku jiro in mnagaciisa uu xuso wiilka la dilay, isaga oo kadibna u sheegay magaca saddexan ee wiilka iyo aabihii oo ah nin caan ka ah Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Caynte. Caynta ayaa u muuqda mid ra’iisul wasaaraha tusayey inay ceeb tahay inuu garan waayey wiil uu dhalay mid ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti waxay Arbacadii soo saartay hadal ay uga caraysnayd baaq uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey Asmara, kaas oo uu ku dalbanayey in xayiraadda laga qaado Eritrea. Waxay u sababaysay in arrintaas aysan ka filayn inay ka timaado Soomaaliya. Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in Farmaajo uusan ka hadlin “dhulka iyo maxaabiista Jabuuti laga haysto”, oo taa beddelkeeda “uu Asmara kaga dhawaaqay in Eritrea cunaqabataynta laga qaado”. Dhinaca Soomaaliya oo aan mas’uuliyiinteeda la xiriirnay, kama aysan hadlin. Jabuuti waxay ku gooddisay inaysan arrintaas u dulqaadan doonin, ayadoo ciidankeeda ay Soomaaliya u joogaan “difaaca nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya” . Soomaliya midkee u muhiimsan Eritrea iyo Jabuuti? Dr Xasan Sheekh Cali oo arrimaha gobolka iyo kuwa islaamka falanqeeya wuxuu aaminsan yahay in juquraafi ahaan sida loogu kala dhow yahay Soomaaliya loogu kala muhiimsan yahay, oo muhiimadda 1aad ay u leeyihiin Soomaaliya dalalka jaarka la ah, ayadoo dhinaca kalena aysan meesha ka marnayn in Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka dhaxeeyaan diin, dhaqan iyo dhalasho. Maxamed Nuur Caalin oo hore u soo noqday diblomaasi, aadna u falanqeeya arrimaha gobolka wuxuu qabaa aragti midaas u yara dhow. “Go’aan siyaasadeed ayaa dhici kara in madaxweyne Farmaajo lagu tirtirsiiyey in hadduu isku tuuro uu dano siyaasadeed ka helayo. Wuxuu qaatay go’aan halistiisa leh oo dadka maanta jooga aysan fahmi karin”. Xasan Sheekh cali wuxuu sheegayaa in ay haboonayd in madaxweyne Farmaajo uu ku sii wargeliyo dhigiisa jabuuti, booqashada uu ku tagayo Eritrea, wuxuuna ku tilmaamay “farsamo xumo diblomaasiyadeed”. “Waxaa meesha ka muuqanaysa in madaxweynaha Soomaaliya uusan si fiican u fahmin nidaamka siyaasadda juquraafiga ee mandiqadda” ayuu sii raaciyey. Caalin ayaase u arka khilaafka u dhaxeeya Eritrea iyo jabuuti inuu yahay mid ku qotoma juqraafi ahaan meesha ay ku yaallaan iyo dhulka ay ku loollamayaan, oo Soomaaliya aysan xuduud ku lahayn, danaheeda istaraatijiyadeedna aysan ku xirnayn. Jabuuti maxay uga gilgilatay cunaqabataynta saaran Eritrea? Sagaalkii sano ee Eritrea ay cunaqabataynta saarnayd, Jabuuti waxay aad ugu ololaynaysay in cunaqabataynta lagu sii adkeeyo. Sababtu maxay tahay? Waa kan Caalin. “Cunaqabataynta saaran Eritrea waxay Jabuuti u suurtogalisay in dekedo badan ay dhisato, ayadoo kuwa Eritrea looga cararay cunaqabataynta saaran iyo sawirka laga bixiyey oo aan qurxoonayn daraadood. Sidoo kale, joogitaanka ajaanibta ka fogaanaya inay Eritrea tagaan waxay ay Jabuuti ka heshaa dhaqaale badan, sidaa darteed, cunaqabataynta oo laga qaado Jabuuti waxay loollan adag gelinaysaa maqaamkeeda gobolka, waxayna soo nooleynaysaa Eritrea oo haddeerba cilaaqaad aad u fiican la soo ceshatay Itoobiya” ayuu yiri Caalin. Haddaba ilaa xad dadka wax falanqeeya waxay khilaafkan wax ka saarayaan isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ka socda. Saamaynta isbeddelkaas uu ku yeeshay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti maxaa lagu sheegi karaa? Mar kale Maxamed Nuur Caalin. “Isbeddelka hadda socda waxaa loogu yeeraa isbeddelkii qowmiyadaha. Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka uu isbeddelkaas saamaynayo, waayo qowmiyadaha aan ka hadlayno waa Soomaalida, Cafarta, Tigreega, Amxaarada iyo Orommada. Tusaale ahaan, dhinaca Cafarta oo kale, waxay maslaxadooda u arkaan in la isku furo dhulkooda, ilaa iyo Casab iyo Musawac” ayuu yiri Caalin. Wuxuu tilmaamay in taasi ay timid bacdamaa deegaannada dekedaha ay dhistay Jabuuti ay ku yaallaan dhinaca xudduudda Soomaaliya, sidaa darteedna ay cafartu dareemayaan in si loo yara gacan bidixeeyey. Talaabada xigta maxay noqon kartaa? Maxamed Nuur Caalin wuxuu si aan leexleexad lahayn u abaaray waxa uu u arko inay noqon karto talaabada soo socota. “Cunaqabataynta Eritrea waa laga qaadayaa, waayo waxaa u ololaynaya dalal waaweyn sida Itoobiya, Maraykanka, Israa’iil, Iimaaraadka iyo dalalka dhibaatada ku qaba dhallinyarada Eritrea ee dalkooda ka cararaya. Dhinaca kalena, dadaalka Eritrea ay u gashay in cunaqabataynta laga qaado waxaa keenay dekedaha waaweyn ee Jabuuti oo lagu wareejiyey Shiinaha, maraykanka iyo Shiinahana loollan adag ayaa Afrika ku dhex maraya” ayuu yiri Caalin. Dhinaca cilaaqaadka Soomaaliya iyo Jabuuti marka la soo qaado, wuxuu sheegay Caalin oo hore diblomaasi u soo noqday in ay u muuqato in dawladda Jabuuti ay faragelin ku samayn doonto siyasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya. “Ismaaciil Cumar Geelle aad ayuu isaga ilaalin jiray inuu arrimaha gudaha ee Soomaaliya faraha la soo galo, markanse waxay u badan tahay inuu xilliga doorashooyinka keensado musharaxiin, waayo marnaba Geelle kama uusan filanayn in biriijka (buundada) cunaqabataynta looga qaadayo Eritrea ay ka mid noqoto Soomaaliya” ayuu falanqayntiisa ku gunaanaday Maxamed Nuur Caalin. Inkastoo labada falanqeeye ay dhinacyo kala duwan ka eegeen arrintan, haddana waxaa muhiim ah in hoosta laga xarriiqo in khilaafka soo dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti uu ku soo beegamay in yar ka dib Kulankii ka dhacay Abu Dhabi 24kii Luulyo, ee dhex maray Sheekh Maxamed Bin Zaayid aala Nahyaan, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki, taas oo aan hore u falanqaynay. Isha: BBC Somali
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay gabar 6 sano jir ahayd ka afduubteen qoyskeeda oo ku nool magaalada Xarboole oo ka tirsan gobolka Gedo. Qoyska laga afduubtay gabadha ayaa sheegay in dagaalyahanada ay soo weerareen hooygooda habeenkii Arbaca ahayd saq barkii isla markaana ay weydiisteen gabadhooda oo qabtay cudurka albinism-ka ama dadka cad cad. “Afduubayaasha waxa ay guriga soo weerareen habeenkii saq dhexe waxayna dalbadeen in latuso gabadha halka ay jiiftay ama ku hurdeysay, waxay ka wateen sariirteeda iyagoo saartay gaari,” ayuu yiri gabadha Aabeheed Cabdikher Wali. Aabaha dhalay gabadha ayaa sheegay in maleeshiyaadka hooyga soo weeraray ahaayeen 5 dagaalame oo ku hadlayay luuqadda Somaliga ah, waxana uu intaa ku daray inaysan jirin waxyaabo kale oo ay hooyga ka qaateen. Al-Shabaab ayaa markii hore afduuban jiray wiilasha dhallinyarada ah kuwaas oo ay si qasab ah ku dagaal galiyaan iyagoo sidoo kale afduubta gabdho yar yar oo ay dhigtaan adoomo ay u galmoodaan. Mas’uul kamid ah maamulka deegaanka oo lagu magacaabo Sheekh Mustafa Cali ayaa sheegay in falkaan uu yahay afduubkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee loo geysto canug yar. Inkastoo arrintaan ay tahay mid ku cusub Somalia ayaa hadane afduubka iyo dilalka loo geysto dadka albinism-ka waxa ay tahay mid aanan ku cusbeen bariga Afrika. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka hadlay qarixii ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaasoo lagu dilay rag mas’uuliyiin ahaa. Cameey ayaa Maamulka Somaliland ku eedeeyay qaraxaas in iyaga ka dambeeyeen isagoo sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland ay dabada ka wadaan kooxda Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay magaalada Hargeysa kusuganyihiin isla markaana halkaasi ay ku leeyihiin masaajido iyo xarumo kale, waxana uu dowladda federaalka ku dhaliilay inaysan marnaba arrintaasi si cad oo xaqiiqo ah aysan uga hadlin. Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in sababta loo dilay Cabdifitaax oo kamid ahaa mas’uuliyiintii lagu dilay qarixii Buuhoodle ay tahay inay jiraan warar sheegaya in Cabdifitaax la diray isla markaana uu doonayay inuu laascaanood weeraro ama qarxiyo isagoo afcad ku sheegay in maamulka Puntland ay ka go’antahay inay qabsadaan magaalada Laascaanood.
-
Qudus (Caasimada Online) – Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa shaaca ka qaaday in boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziz uu aqalka cad ee Marekanka u diray warqad uu ku diidan yahay qorshaha madaxweyne Trump ee nabadda bariga dhexe. Wargeyska ayaa yiri “Sacuudiga waxay maamulka Trump ku wargeliyeen inaysan taageeri doonin qorshaha nabadda Israel iyo Falastiin ee loogu magac data ‘Heshiiska Qarniga’, haddii aan lagu xusin in Bariga Qudus ay tahay caasimadda Falastiin” Diblomaasiyiin la hadlay wargeyska ayaa sheegay in boqor Salman uu xaqiijiyey mowqifkiisa taageero ee Falastiin iyo qorshihii carabta ee 2002, kaasi oo dhigayey sameynta dal Falastiin oo ku salaysan xuduuddii 1967-kii, caasimadiisana ay tahay Bariga Qudus. Wargeyska wuxuu sidoo kale qoray in boqor Salman uu dhowr goor taleefon kula hadlay saraakiisha Mareykanka iyo maamulka Falastiin, si uu u xaqiijyo mowqifkiisa. Boqor Salman ayaa sidoo kale 80 milyan oo dollar siiyey maamulka Falastiin, si uu buuxiyo booskii ay beeneeyeen Mareykanka, oo lacagtii caawimadda ka jaray Falastiiniyiinta. Wargeyska ayaa qoray in go’aanka Sacuudiga ay ku beddeleen mowqifkooda xilli ay markii hore taageersanaayeen qorshaha Mareykanka uu yimid, kadib markii Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - Unidentified gunmen have shot dead a young Somali businessman in Mogadishu on Thursday, according to confirmed reports from family members and security forces. Source: Hiiraan Online
-
Laba shir oo isku xigay ayaa galabta iyo caawo ku soo xirmay xarunta wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Shirka koowaad oo u dhexeeyay Golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac,iyadoo maalin ka hor uu soo ifbaxay khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas). Khilaafka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday dhagax-dhiga deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,taasoo ka caraysiisay madaxweyne Gaas,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe. Khilaafkaas ayaa sidoo kale sababay in dib loo dhigo musaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan as’aaskii Puntland. Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegay in xataa uu saameeyay hay’adaha heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana xalay soo baxay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in shirkii Golaha wasiirada Soomaaliya ee Garoowe lagu qaban lahaa uu khilaafkaas u baaqday,balse dadaal badan oo la sameeyay markii dambe shirku waa qabsoomay. Haddaba si loo xalliyo khilaafkaas ayaa galabta waxaa shir wadajir ah yeeshay Golaha xukuumadda heer Federaal iyo heer Puntland,waxaana kulanka oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Kheyre lagu xalliyay murankii taagnaa,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goob-joog aha shirka labada dhinac. Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweyne Gaas uu ra’iisul wasaaraha oo jimcaha bixi’lahaa uu ka dalbaday in uu kala qeyb galo xuska as’aaskii Puntland ee 1-da August xalay dib loo dhigay,islamarkaana habeen dambe 3 bisha la qaban doono. Shirka lagu xalliyay khilaafka heer Federaal iyo heer Puntland markii uu dhammaaday ayaa waxa sidoo kale bilowday shirkii khamiislaha Golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu qabtay isla hoolkii shirkii hore ka dhacay,inkastoo uu gaar u ahaa wasiirada Federaalka Soomaaliya. Markii shirkaasi soo xirmay ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle. Wasiir Geelle ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay shirka ka cambaaraysay qaraxii xalay mas’uuliyiinta lagu dilay ee Buuhoodle ka dhacay iyo dil la sheegay in saaka Muqdisho loogu geystay nin ganacsade ah. Wasiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale shirka looga hadlay tacaddiyo ka dhacay gobolka Gedo oo ay geysteen dad ka yimid dhinaca dalka Kenya,waxaana sida wasiirku sheegay ra’iisul wasaruhu amray guddi baaritaan ku sameeya tacaddiyadaas. Guddiga waxaa madax looga dhigay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamuud Guuleed(Khadar). Shirka Golaha wasiirada Federaalka waxaa kale oo lagu meel-mariyay barnaamij lagu magacaabay is-xilqaan oo dadweynuhu ay wakhtigooda qayb kamid ah ku bixinayaan arrimaha danta guud,sida uu sheegay Wasiir Geelle. Shirka waxaa sidoo kale laga shaaciyay in lacag cusub oo dalku yeelanayo dhowaan la soo daabacayo,loona qeybin doono dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka,sida uu Mr.Geelle ku warbixiyay. Colaadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka aloosan degaanka Tukaraq ayaa iyana lagu soo qaaday shirka Golaha xukuumadda Soomaaliya,waxaana goluhu ku baaqay in la joojiyo colaadda Tukaraq oo xukuumadda Soomaaliya ku tilmaantay mid liddi’ ku ah xasiloonida guud ahaan dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika. “Runtii, dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrinkaan in uu oposite ku yahay,la jaan-qaadka dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed la rabo in ay la jaan-qaadan dabaysha nabadda ee geeska Afrika iyo bariga Afrika ka dillaacday” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixinayay shirka. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyada oo kaashanaysa beesha Caalamka ay diyaar u taahy wax ka qabashada dhibaatada ayb reebeen dagaalladii ka dhacay Tukaraq oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay iyo hantidii ku burburtay colaaddaas,sida lagu sheegay qodobada uu wasiirku akhriyay ee ka soo baxay shirka Wasiirada Soomaaliya. Ugu dambeyntii,maxaabiista ku eedaysan burcad-badeedda oo laga soo wareejiyay dalalka debadda ee ku xiran xabsiyada Puntland,islamarkaana arrintooda looga wada-hadlay shirkii wadajirka ahaa ee Puntland iyo federaalka ayaashirka dambe ee Golaha xukuuamadda Soomaaliya,ra’iisul wasaaruhu amar ku bixiyay in la marsiiyo sharciga dalka,si loogu fududeeyo xukunnada adag ee horay dalalka debedda loogu xukumay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Warbixin:- Maxaa ka soo baxay shirarkii maanta lagu qabtay Garoowe? appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Hindiya oo kamid ah dowladaha xeriirka dhaw la leh Soomaaliya ayaa deeq kala duwan ku wareejisay Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxaana deeqda ay isugu jirtay daawo iyo lacag. Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Ms. Suchitra Durai oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho ayaa deeqdaasi oo ka koobneyd daaawo dhan 70 Ton iyo hal Million oo doller waxa ay gudoonsiisay wasiirka wasaaarda Caafimaadka Xukuumada Federalka Soomaaliya Drs Fowsi Abikar Nuur 18 Julay 2018. Safiirka India u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyadoo xustay in deeqday ay ka timid Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Mss Sushma Swaraj si Soomaaliya loo caawiyo. Goobta deeqda dowladda india ay ugu wareejineysay Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Federalka Soomaaliya gaar ahaan Mas’uuliyiin ka socotay wasaarada Caafimaadka waxaana kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda Dr. Abdullahi Haashi iyo wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur. Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqdan ay soo gaar siiyeen dowladda India oo gacan weyn ka geesaneysa in wax loogu qabto bulshada Soomaaliyeed ee u baahan daryeel iyo dabiib Caafimaad.
-
Muqdisho (PP) ─ Shirka todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka Gobolka ee uu kaga qeyb qaadanayo barnaamijka Is-xilqaan oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shirkan oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu go’aamiyey in maalinta barri ah laga fuliyo degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howlwadaag qeyb ka mid ah olalaha isxilqaan, iyadoona shacabka iyo maamulkuba ay iska kaashan doonaan bilicda iyo nadaafadda degmooyinkas. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey mideynta howgallada ammaanka caasimadda iyo in masuuliyaddaas lagu wareejiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoona Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay soo bandhigeen sida ay uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo dardar gelinta doorka shacabku ay ku leeyihiin. Duqa Caasimadda Mudan Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga warbixiyey masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay Brussels, isagoona faah-faahiyey qaar ka mid ah qorsheyaasha ay ku soo bandhigeen shikaas ee la xiriira horumarinta iyo baahiyaha bulshada Gobolka Banaadir. “Beesha caalamku waxa ay aad u soo dhaweeyeen guulaha dhanka dawladnimada ee dalku gaaray, waxaana la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya, arrinkan oo fursad maalgashi ay ka heli doonaan bulshada Caasimadda, isla markaana deeqaha lagu saleyn doonno baahiyaha jira.” Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, Agaasimeyaasha guud ee Gobolka iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Mideynta Hawl-gallada lagu sugayo Amniga Magaalada Muqdisho oo lasoo Dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga tashanayay sidii xal-waara loogu heli lahaa nadaafad xumida ka dhalata gowraca Xoolaha Caasimadda, waxuu la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada gowraca Xoolaha. Duqa Muqdisho Yarisow ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid lagu kala war-qaadanayo si xal loogu helo nadaafad xumida ka dhalata gowraca xoolaha nool, isagoo Guddoomiyuhu xusay in maamulkiisa ay qorshaha dhow ugu jirto sameynta Kawaanno casri ah oo lagu hubinayo caafimaadka neefka, nadaafadiisa iyo fayodhawrka deegaanka, iyadoo loo marayo nidaam casri ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan yahay xoolaha oo kamid ah nimcooyinka ALLAH dalkeenna ku maneystay loona baahan yahay in laga faa’iideysto, isla markaana loo iib-geeyo dalalka Caalamka si dhaqaalaha ka soo xaroodo u noqdo mid wax ka badala nolosha bulshadeena. Kulanka madaxda Dawladda Hoose iyo Ganacsatada Gowraca Xoolaha ayaa lagu dhegaystay cabashooyinkii ay qabeen, iyadoo la isku raacay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo ilaaliyo danaha guud, gaar ahaan arrimaha fayodhowrka Caasimadda oo maalmahaan uu Maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe dib loogu nidaaminayo bilicda Caasimadda. Qaar ka mid ah Ganacsatada ka shaqeysta Kawaannada Xoolaha lagu qalo ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxayna balan-qaadeen in si dhow ay ugala shaqeynayaan maamulka Fayodhowrka Xoolaha iyo Nadaafaddooda. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaad iyo masuuliyiin ka tirsan M/mulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Dowladda Hoose ee Xamar oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala Hadashay Arrimo la… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay qaraxii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kaa oo lagu dilay Siyaasiyiin caan ahaa. Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Waxa uu Hoggaamiye Muuse Biixi sheegay inay muhiim tahay in la sameeyo baaritaano lana ogaado cidii ka danbeysay Qaraxa maadaama ay ku dhinteen mas’uuliyiin. Muuse Biixi, waxa uu laamaha amniga faray inay baaritaan buuxa ku sameeyan sida wax u dhaceen, islamarkaana gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambeysay falkaas argagagax ku abuuray bulshada Buuhoodle. Waxa uu Biixi sheegay in laamaha amniga ay kula xisaabtami doonaan Qaraxa, waxa uuna tuhun ka muujiyay Qaraxa iyo cida ka danbeysa. Somaliland ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba u dulqaadan doonin cida ka danbeysa Qaraxa, dhibaato iyo falal amni daro ku qaado shacabka Somaliland. Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo isna ka hadlay Qaraxa ayaa amar ku bixiyay in saacado kooban lagu soo qabto shaqsiyaadka ka danbeeyay Qaraxa. C/wali Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan indhaha ka qabsan doonin Qaraxyada loo maleegayo mas’uuliyiinta soo qabtay xilalka. Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay banaanka soo dhigi doonto cida ka mas’uulka ah Qaraxa lagu dilay mas’uuliyiinta, waxaana haddalka C/weli Gaas ka muuqday tuhun aan cadeyn halka uu ku wajahan yahay. Sidoo kale, Puntland waxa ay qoraal ku sheegtay in dadkii ku geeriyooday qaraxaas ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland, balse aan laga aamusi doonin. Si kastaba ha ahaatee, labada maamul ayaa mid waliba sheeganaaya in Siyaasiyiinta lagu dilay Qaraxa ay ahaayen kuwo taabacsan maamulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dubai’s government said on Thursday the London Court of International Arbitration (LCIA) has ruled DP World’s port container terminal contract in Djibouti was valid and binding. The government of Djibouti seized the Doraleh Container Terminal from DP World in February over a dispute dating back to at least 2012. Dubai government-controlled DP World has called the seizure illegal. “The LCIA Tribunal has ruled that Doraleh Container Terminal’s Concession Agreement ‘remains valid and binding …’” Dubai’s government media office said in a statement, which did not state when the ruling was made. “DP World will now reflect on the ruling and review its options.” A DP World spokesman referred to the Dubai government statement when contacted by Reuters for comment. Djibouti officials could not be immediately reached for a comment. Djibouti Ports and Free Zone Authority (DPFZA) said in March it was willing to buy out DP World’s 33 percent stake in the container terminal to end the row with one of the world’s largest port operators. DP World denied that such an offer had been made. In 2017, the LCIA cleared DP World of allegations of misconduct associated with the terminal concession awarded in 2000.
-
Djibouti, an increasingly strategic nation in the Horn of Africa, has condemned last week’s call by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed for the lifting of U.N. sanctions against Eritrea. During his three-day visit to Eritrea’s capital last week, the Somali president urged an end to the economic sanctions and arms embargo that the U.N. Security Council imposed on Eritrea in 2009 for its alleged support of Islamist militant forces in Somalia. Mohamed said lifting the sanctions would promote the “economic integration of the Horn of Africa region.” Mohamed’s statement angered Djibouti, which says Eritrea is occupying the disputed Doumeira islands and is holding more than 10 Djiboutian prisoners. In an interview with VOA’s Somali service, Djibouti’s ambassador to Somalia, Aden Hassan Aden, described the Somali president’s statement as “deeply shocking.” “As a sovereign state, there is no doubt that Somalia has the right to establish diplomatic relations with the countries in the region. However, it is unacceptable to see our brotherly Somalia supporting Eritrea, which is occupying part of our territory and still denying having Djiboutian prisoners,” Aden said. Djibouti hosts military bases for five countries: the United States, France, China, Japan and Italy. The tiny nation is also one of five African countries with troops in AMISOM, the African Union peacekeeping mission in Somalia. The mission has protected Somali governments from attempted takeovers by Islamist militant forces for more than a decade. “Our boys in uniform who sacrifice their blood and life for peace in Somalia, whose brothers are held prisoners in Asmara, would not be happy to hear such a miscalculated statement from a Somali president,” Aden said. As part of a flurry of reforms and peacemaking efforts, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed visited Eritrea last month to end a 20-year state of war between the countries. Last week, Somalia’s president became the second head of state in the region to visit Eritrea. Aden, the Djiboutian ambassador, said his country welcomed the diplomatic movements and talks in the Horn of Africa. But he emphasized that Djibouti’s conflict with Eritrea was unresolved. “Our president has no plans to visit Asmara unless Eritrea releases the Djiboutians it detains and withdraws from the territory it occupied,” Aden said. Source: VOA