Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxda AMISOM Amb. Francisco Madeira, kaasi oo quseeyay tabasho uu qabay Aqalka Sare. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kuxigeenada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana si gaar ah looga hadlay dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Juun ay ugu diideen inuu Garoonka ka dhoofo Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kadib la fasaxay. Amb. Francisco Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aanay arrintan soo laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Hay’adood. “Een, Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo nidaamka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynayaa in si dhow an labadeena dhinac u wada Shaqeyno.” Ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira. Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdulalahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya,sida lagu daabacay Warbaahinta AMISOM.
  2. Former pastoralist Ibrahim Ismail Ige, 39, lives in the Somaliland capital Hargeisa, and earns a living as a grave digger. Source: Hiiraan Online
  3. The bulk of the contraband sugar impounded in the country is smuggled through the Somalia border, we can report. According to a June 2017 FDD report, Kenya imports $1.2 billion worth of sugar from Somalia. [FDD is the US-based think tank Foundation for the Defense of Democracy.] The report cites an International Business Times report dated June 4, 2014. That, from a country that does not own a single sugar mill. Source: Hiiraan Online
  4. Rochester’s Class of 2018 had the highest number of graduating Somali-American students in the community. Source: Hiiraan Online
  5. Dalka Sweden waxa bisha semtember haddii ilaahay yidhaa ka dhici doonta doorasho. Haddaba aniga oo Sweden deggen muddo 30 sano ah, kana tirsan xisbiga Socialdemokraterna (Social Democrats), waxan jeclahay in aan ummadda soomaaliyeed ee deggen Sweden Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Hadalkiisa ayaa imanaya laba maalin un kadib markii safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsiga dowladda Soomaaliya, oo markii hore u gacan gelisay dowladda Ethiopia. Ayada oo labadan hadal ay is khilaafayaan, ayaan haddana dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadal arrintan, mana shaacin inay kaalin ku lahayd sii daynta Qalbi-Dhagax iyo in kale. Labada hadal ee is-khilaafsan waxaan ku macneyn karnaa 1 – In Safiirka hadalkiisa uu sax yahay, balse laga yaabo in ururka ONLF uusan ka warhayn kaalinta dowladda Soomaaliya ka gashay arrintan. Waxaa xusid mudan in ONLF uu yahay urur aan awood lahayn inuu ogaado siyaasadda dowladda Ethiopia. Waxaa sidoo kale suurto gal ah in kasta oo Qalbi-Dhagax lagu daayey codsiga odayaasha beeshiisa, haddana dowladda Soomaaliya ay gadaal ka riixday arrinta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF, waxaana macquul ah in ONLF ay fursaddan uga faa’iideysatay inay mucaaraddada usii badiso dowladda. 2 – Arrinta labaad ee suurta-galka ah ayaa ah in ONLF ay saxan tahay, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Qodobkan ayaa waxaa taageeraya xaqiiqda ah in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax ay sheegeen in dadaalkooda lagu sii daayey sarkaalkan. Sidoo kale Qalbi-Dhagax oo hadlay ayaa sheegay in sii dayntiisa uu mas’uul ka ahaa kaliya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Xaqiiqda ah in sheegashada safiir Jamaaludiin ay asaga un ku kooban tahay, halka tan ONLF ay dhinacyo badan oo kale ay taageerayaan, waxay u muuqataa inay ONLF runta sheegeyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax lagu cadaadinayo inuu jeediyo hadal la mid ah kii uu sabtidii Muqdisho ka sheegay safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya. Safiir Jamaaludiin Mustaf Cumar ayaa sheegay sabtidii in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, oo markii hore sarkaalkan ka tirsan ONLF u gacan gelisay dowladda Ethiopia. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegay in saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo Jamaaludiin ay ay ku cadaadinayaan Qalbi-Dhagax inuu sheego in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sii dayntiisa. Ma cadda, haddii arrintan ay ku lug leedahay dowladda Ethiopia guud ahaan iyo inay ku siman tahay safiirka. Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaare Kheyre. Wararka qaar ayaa sheegaya in Qalbi-Dhagax loo ballan-qaaday dhaqaale aan la shaacin cadadiisa. Ilo-wareedyadeena waxa ay sheegayaan in Qalbi-Dhagax uu illaa hadda ka caga jiidayo arrintan, isaga oo aaminsan inuu ku lumin karo taageerada dadkii sida aadka ah uga gubtay dhiibistiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lasoo sheegayaa inay ballanqaday dhaqaale xoogan oo la filaayo in loo adeegsan doono doorashada maamulka Puntland. Dhaqaalahaani ayaa la xaqiijiyay inuu ballanqaaday Dhaxal Sugaha Imaaradda ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ee dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dhaqaalaha uu ballanqaaday Sheekh Maxamed Bin Zayed ay gaar u tahay Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo xusul duub ugu jira dib u hanashada maamulka uu kasii dagaayo. Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa C/weli Gaas u ballanqaaday lacag dhan 1 Milyan taa uu u adeegsan doono codadka Xildhibaanada baarlamaanka, Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Ololaha oo qaadan doona dhaqaalaha ugu badan. Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa doonaya in C/weli Gaas uu kusii ilaalshado Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Saldhigyo la sheegay in Imaaraadka uu ka dhex sameystay gudaha Garoonka magaalada Garoowe iyo Boosaaso. Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Gaas u ballanqaaday inay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo noqon doona keyd kaa oo loo adeegsan doono Musharaxiinta miisaanka leh si aysan u galin tartanka doorashada. Sidoo kale, Gaas ayaa laga doonayaa inuu fududeeyo xal u helida caqabadaha aadka u badan ee dowlada Imaaraadka ka heysta dhanka dowlada Somalia, waxaana arrintaasi dhiiri galinaaya Sheekh Maxamed Bin Zayed. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay kusii nagaato Dekadda iyo Garoomada Puntland, waxa ayna dagaal dadban kula jirtaa musharaxiin ay wadato dowlada Somalia, kuwaa oo laga cabsi qabo haddii ay guuleystan inay meesha ka saaran Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay la dagaalami doonaan maamulka Somaliland ee uu Hoggaamiyo Muuse Biixi. Camey, ayaa sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in maamul jaar la’ah uu sheegto dowlad ka madax-banaan Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Muuse Biixi uu kala ququbay Soomaalida. Camey, waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah Somalia maadaama isagoo jooga muddo aad u yar uu bilaabay hurinta colaadaha ka oloosan Gobolka Sool, sida uu hadalka u dhigay. “Biixi waxa uu lasoo baxay colaad abuuris Puntland indhaha kama qabsan doonto falalka colaadeed ee uu abuuray Muuse Biixi’’ “Puntland waxa ay jiritaanka Somaliland kusoo gabagabeyn doontaa wax ka yar Lix bilood, wey adkaan doontaa inay sii dhisnaato Somaliland wixii xiligaan ka danbeeya”, ayuu yiri Cabdixakiin Camey. “Waxaa naga dhamaaday sabarka waxeynu kaashan doonaa awoodeena, Somalilandi-na ha kaashato muruqeeda”. Sidoo kale, Camey ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsadaan wixii u dana, ka hor inta aysan dhabar jabin buu yiri maamulka Muuse Biixi. Haddalka Camey, ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay ciidamo hor leh geeyen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  10. Marna ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku dayacan dalka gudahiisa iyo dibadahaba? Ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii wax loogo qaban lahaa halaynta bay’adda iyo ka hortagga nabaad-guurka bad iyo birri midna? Ma aragtay iyagoo soo bandhigay fikrado xal u noqon kara dhaqaale darida, hagaajinta kabayaasha dhaqaalaha, yareynta saboolnimada, tacliinta iyo cadaaladda? Ma aragtay iyagoo hadal haya qorshe looga difaaci karo macaamiisha danyarta ah dhiig-miiratada mehradaha ganacsi leh ee hadafkooda keliya yahay sidii ay dhaqso ku taajiri lahaayeen? Miyaad aragtay iyagoo ka doodaya sida ugu wanaagsan ee dalka looga hirgelin karo demokaraatiyad hannaqaada? Miyaad aragtay hindiseyaal loo bogey oo ay golayaasha dalka hor keeneen? Waxyaabahas iyo kuwa kale oo badan oo danta muwaadinta Soomaaliyeed ku jirto annigu ma arag mucaraad ku sheega Soomaaliya oo ka doodaya ama hadal haya. Xaqiiqada se waxay tahay in aysan jirin cid aragtay iyagoo wax nuxur leh oo ay la soo shir tagaan. Waxa keliya ee ay xeel-dheerayaal ku nogdeen sida loo baahiyo waxa afka-qalaag lagu yiraahdo conspiracy theory (aragti shirqool) oo ah in tillaabo kasta oo la qaado iyo wax kasta oo la sameeyo ay ku duugan tahay shirqool iyo damac guracan oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed. Falcelintooda iyo hadalkoodana waxa uu ku soo koobmay ka daba dheh sida dhoocil dhaajis barad ah. Annigu ma difaacayo xukumadda Xamar maanta ka jirta, waxaana qirayaa in ay dhanka xukumadda ka jirto gaabis badan, liidnaansho xaad dhaaf ah iyo wax ba’in badan. Laakiin waxaa ka dar oo dibi dhal noqday mucaaradkii ay aheyd in ay ugu yaraan isku muujiyaan kuwo wax dhaama kuwa maanta awoodda haya. Labo aan kala maarmin Inkasta oo uusan caalamka maanta jirin waddan loo barbar-dhigi karo xalaadda soomaaliya ku sugan tahay sababo la xiriira amni la’aanta iyo xasilooni la’aanta dabada dheeraatay, hadana waxaa la oran karaa xukumad liidata waxaa u sabab ah mucaraad liita. Dabcan sidoo kale waa la oran karaa mucaarad liita waxaa sababa xukumad liidata. Micnahuna waa labo isku baahan oo aan midkoodna laga maarmin. Marka ay xukumad ma dhalays noqoto ama ka gaabiso howlahii loo igmaday waa waajibka mucaaradka u iftiiminta shacabka waxii ay xukumadda gabtay, tilmaamidda dhabahii laga lumay iyo curinta afkaaro cusub oo lagu gaaaro himilada bulshadu leedahay. Balse haddii kii awoodda hayay ee liitay ka sii daran yahay kii rabay in uu baddelo soo jugjug meeshaada joog ma ahan. Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed dowladnimada u haraadsan?
 Runtii maanta ma jiro mucaraad nuxur le oo abaabulan oo xambaari kara qarannimada ummadda Soomaaliyeedd. Waxa keliya ee jira shaqsiyaad danley ah oo waxtarkooda ku kooban yahay sidaan horey u sheegay beenta iyo warxumo tashiilka. Hadaan la helin sida ugu dhaqsiyaha badan mucaarad xalaal ah oo hanan kara quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed waa nuga dheeraanayaa geedi socodka aan ugu jirno dowladnimo dhamaystiran. Waxaa xataa dhaci karta in ay naga burburto inta yar ee an hadda haysano. Suurta-galna ma ahan in laga dhexwaayo 12ka malyan ee Soomaaliyeed gabdho iyo wiilal qaluub wanaagsan oo toosiya dowladnimada yar ee aynu hadda haysano. W/Q: Warsame Elmi Saxafi madax-banaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. The national government wants farmers to produce more hay in order to export some to Djibouti. Agriculture Cabinet Secretary Mwangi Kiunjuri said the Government had struck a deal with Djibouti to buy all the hay Kenya can offer. Source: Hiiraan Online
  12. A senior al-Shabab commander surrendered to Somali government forces on Monday after eight years of insurgency, an army official said. Source: Hiiraan Online
  13. Addis-Ababa (Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay qaabkii loo sii daayey, ciddii ka danbeysay xiritaankiisa iyo in Itoobiya loo gacan geliyo iyo qorshaha mustaqbalka uu doonayo inuu ku dhaqaaqo. Isagoo wareysigii ugu horeeyay bixiyay ayuu caddeeyay in sii deyntiisa ay ka timid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo isbedello ka wada dalkiisa, isla markaana ay is arkeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa. Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Soomaalida ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay xilliga la soo qabanayey C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyo, iyadoo madaxda sare ee dowladda uu filayo inay la socdeen arrintaasi. “Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen, … Mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen…” ayuu yiri Qalbi dhagax oo wareysi siiyey Ramadan TV. HOOS KA DAARO OO DHAGEYSO
  14. MOGADISHU (Reuters) - Seven people were wounded by a roadside bomb in Somalia's capital Mogadishu on Monday, the police said. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (Reuters) - Seven people were wounded by a roadside bomb in Somalia's capital Mogadishu on Monday, the police said. Source: Hiiraan Online
  16. NEW YORK, July 2, 2018 /PRNewswire-- UNICEF USA has appointed Somali-American supermodel and activist Halima Aden as the newest UNICEF Ambassador. The announcement follows Aden's travels with UNICEF and UNHCR to Kakuma, the refugee camp in Kenya where she was born. Aden was formally introduced to UNICEF USA via their partnership with Endeavor (formerly WME|IMG). Source: Hiiraan Online
  17. Doc Martens, 28 years old, refugee, Somali, black, Muslim and a cool beard: these are not the facets usually associated with our political system. But, last month, something rather strange happened. Source: Hiiraan Online
  18. Hamburg (Germany): On a football pitch in the heart of Hamburg, several languages could be heard through the drizzle of persistent summer rain. From the sidelines, the coaches shouted instructions in German, while players urged passes in Farsi (Persian). There were snatches of Arabic, and a cheer of “FC Lampedusa St Pauli” when the ball thudded into the net, echoed by the sparse crowd of viewers. I was at a tournament featuring what may be the northern German city’s most unusual football team, composed entirely of refugees. Source: Hiiraan Online
  19. According to the new rules, “ghetto children” will be separated from their families once they turn 1, for at least 25 hours, each week for mandatory lessons in “Danish values.” Source: Hiiraan Online
  20. Former pastoralist Ibrahim Ismail Ige, 39, lives in the Somaliland capital Hargeisa, and earns a living as a grave digger. Source: Hiiraan Online
  21. For Halima Aden, her roster of accomplishments is filled with firsts: Source: Hiiraan Online
  22. BOISE, Idaho (AP) — Families who had fled danger and violence overseas were enjoying a 3-year-old’s birthday party in Boise, Idaho, when the unthinkable happened: A man ran up and began chasing and stabbing the children, then turned his knife on the adults who tried to stop him. Source: Hiiraan Online
  23. Like Kenya’s capital Nairobi, Dar es Salaam, Tanzania’s most populous city and one of the fastest growing cities in the world experiences excruciating traffic gridlock that keeps motorists for hours on the roads. Source: Hiiraan Online
  24. Ten Somali students were arrested inTurkey’s southern Mersin province over alleged links to the Fethullahist Terror Organisation (FETO), the group suspected to be behind the coup attempt in 2016, Garowe Online reported yesterday. Source: Hiiraan Online
  25. MOGADISHU, July 2 (Xinhua) -- The Somali government on Monday condemned a mortar attack on Sunday in Mogadishu that reportedly left at least five people dead and more than ten others injured. Source: Hiiraan Online