-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Daah-furay shir soconaya muddo shan casho ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Caasimadda ee shanta sano ee soo socoto, kaa soo ujeedku yahay in Caasimaddu ay yeelato qorshe ku saleysan baahida degmooyinka si loo fuliyo adeegyo bulsho oo huffan. Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaraya qodobo lagu maalgelinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada,caafimaadka ,bilicda magaalada, Waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, si looga hortago hoos u dhac ku yimaado howllaha uu maamulku u hayo shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay kii ugu horeeyey ee Gobolka Banaadir uu yeesho, isagoo dhabaha u xaaraya hannaan lagu wada xisaabtamo oo bulshada 17-ka degmo u sahalaya in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee xaqa u leeyihiin kuna saleysan baahiyo la isla wada og yahay. “Inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah ee qorshaha horumarinta Caasimadda shanta sano ee soo socota waa guul taariikhi ah oo muujinaysa soo kabasha horumarka Caasimadda, ma jiro maamul shaqeyn kara haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawllaha uu qabanayo,” ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur. Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in barnaamijka horumarinta Caasimadda uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo bulshada, iyadoo sameyntiisa la geliyey wakhti, maal iyo feker, si looga miro-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta Gobolka Banaadir. Waxuna ka codsaday ka qeyb galayaasha shirka in talooyinkooda ay ku biiriyaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan degmooyinka Muqdisho. Ugu dambeyn, Qorshaha Horumarinta Caasimadda oo socon doona muddo 5 sanno ah ayaa hadafkiisu yahay dhimista fakhriga, dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta kaabayaasha maamulka. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Daah-furay Barnaamijka Horumarinta Caasimada Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Saaka Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi hadda uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo dadka deegaanka. Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu biloowda Xalay saqdii dhexe ilaa haddana uu socdo. Dagaalkaasi ayaa salka ku hayo kadib markii dadka deegaankaasi iyo Al-Shabaab uu qilaaf soo kala dhexgalay. Qilaafka ayaa ahaa in Al-Shabaab dadka deegaankaasi ay ku amreen in ay dhalinyaradoda ku soo wareejiyaan si dagaalada Al-Shabaab ay uga qeeyb qaataan. Mid kamid ah Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka deegaanka ay ka soo horjeeysteen awaamiir ka soo baxday Al-shabaab. Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi maadaama dagaalka hadda uu socdo. Magaalo Xeebeedka Xaradheere ee dhacday Gobolka Mudug ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay ku xooganyihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Dadka Deegaanka oo ka socdo Xaradheere appeared first on Puntland Post.
-
Warar lagu kalsoonaan karo oo ku soo dhacay Warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa ku waramaya in Cabdikariin Sh Muuse Qalbi Dhagax uu ku soo wajahanyahay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qalbi Dhagax ayaa muddo 10-Bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaala Itoobiya kadib markii dowlada Soomaaliya ay Itoobiya u gacan galisay. Qalbi Dhagax ayaa laga qabtay kal hore magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi uu ku noolaa. Dowlada Itoobiya ayaa dhowaan sii deeysay qalbi dhagax kadib kulan uu la qaatay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Ma cada in Markii qalbi Dhagax uu yimaado Muqdisho uu la kulmi doono madaxda dowlada uu ku eedeeyay in ay iyaga u dhiibeen Itoobiya. Dhowaan Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in sii deeynta qalbi dhagax ay ku timid codsi dowlada Soomaaliya u dirtay Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo ku soo Wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Degmada Baraawe Gobolka Sh/Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray amar ay haweenka kaga mamnoocayaan in ay xirtaan indha shareerka. Gudoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo saareen Amar ah in haweenka Baraawe aanay xiran ka rin Indha shareerka. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatooyin amni darteed ay u mamnooceen indho shareerka ay haweenka xirtaan Degmada Baraawe. Waxa uu sheegay in ay qabteen Rag badan oo xirtay indha shareer islamarkaasina falal amni daro ka geeysta Degmadaasi. Haweenka ayuu ugu baaqay in ay fuliyaan amarka ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Taliska Ciidamada Amaanka iyo kuwa Milatariga. Degmada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca Falal isugu jira qaraxyo iyo dilal iyo weeraro toos ah oo ay soo qaadaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xarunta Koonfur Galbeed oo Laga Mamnoocay in ay haweenka Indho Shareer xirtaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo. Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka. Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka. Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo. “Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahadsanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Guddigii Qaban-qaabada maalmaha xorriyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, xubnaha Guddiga Qabanqaabada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha oo Casho Sharaf u Sameeyay Guddigii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s experience with political parties dates back to the 1940s. In 1947, the Somali Youth League (SYL), one of the country’s first political parties, established offices in Italian Somaliland, British Somaliland and Ogadenia territories under Ethiopian rule. With the overall objective of eventually unifying all Source: Hiiraan Online
-
Sensitivities on both sides may prolong or delay peace talks between Ethiopian and Eritrean leaders, pundits say. Source: Hiiraan Online
-
Halima Sheikh Ali is the proud owner of one of the few ATMs in Wajir town in northeast Kenya. But rather than doling out shilling notes, it dispenses something tastier: a fresh pint of camel milk. Source: Hiiraan Online
-
The sun was burning brightly when Ahmed arrived in Somalia's capital, Mogadishu, on a deportation flight from the US earlier this year. The tropical trees swayed slowly in the warm wind, oblivious to his anxiety and the torturous months that led to this moment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka taagan hub ay dowladda Soomaaliya 22-kii bishii hore ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo isugu jiray 300 AK47, 300 Bastoolado iyo agab kale, waxaana shaki badan laga muujiyay sharciyadiisa iyo qaabkii loo soo dejiyay. bastoolado, Hubkan ayaan lagu xareyn Bakhaarada ciidamada, isla markaana waxaa la wareegay Hay’adda NISA, iyadoo aysan la socon madaxda sare ee NISA iyo xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo Taliyaha NISA ee G/Banadir Saadaq John iyo madax gaara. Warbixinta waxay soo bandhigay in hubkaasi laga soo iibiyey dalka Jabuuti isagoo ahaa suuq madow oo hore loo qabtay Badda Cas una socda Xuuthiyiinta dalka Yeman. Waxaa kale oo su’aal ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas. ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com https://av.voanews.com/clips/VSO/2018/07/03/5fb54c75-222f-495c-a002-21725c265319_32k.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka ku saleysan siyaasada maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow. Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in lasoo dhaweysto maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay inaysan diidaneen midnimada, balse ay jirto tabasho xal u baahan. “Waa in lala fadhiistaa Somaliland maadaama wadanka uu hadda ka jiro isbedel, xalka Somalia waxa uu muuqan doonaa wixii ka danbeeya wadahadalka Somaliland” Waxa uu intaa raaciyay “Walaalkaa waxbuu kaa tabankaraa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo reer Koonfuroow maxaa idinka tallo ah arrinkaasi aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay hadana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay” “Marka haddii aan alle ka baqno waxa ay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda” Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal degdeg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia. Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ugu baaqay inay garwaaqsadan tabashooyinka Somaliland, waxa uuna ugu baaqay keliya inay ka shaqeeyan wanaajintooda si ay usoo degdegto midnimada. Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in adduunka uu raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso kala ququb iyo gooni isku taag, hase yeeshee waxa uu ku baaqay midnimada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee maamulka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland aysan marnaba diyaar u aheyn la midoobida Somalia. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somalia ay kala yihiin habbeen iyo maalin, waxa uuna carab ***** in Somaliland ay aasaas u tahay dimuquraadiyada. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland aysan kasoo kaban doonin dhibaato joogta ah, waa haddii shacabkeeda ay maalin qura niyeyestaan la midoobida Somalia. “Wey adkaan doontaa inaan la midowno Somalia waayo Somalia uma jilcana dowladnimo iyo dimuquraadiyad” “Aniga ma garanaayo sabab aan ula midowno Somaliland, waayo Madaxda ugu sareysa dowlada iyo baarlamaanka Somalia intuba kuma imaan rabitaan shacab sidee ula midownaa” “Anagu madaxdeenu waxaa soo doortay shacab waxa ay ku yimaaden rabitaanka shacabka, taa ayaan uga duwanahay Somalia mana dooneysno la midoobideeda’’ Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay in Somaliland ay qarka u saran tahay ictiraaf sidaa aawgeed la doonaayo in Madaxda ugu sareysa Somaliland ay muujiyaan dulqaad, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay in maanka la galiyo la midoobid ama la tashi lala sameeyo Somalia, isagoo arrin aad u adag ku sheegay in niyad jab lagu rido shacabka. Haddalka Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii ololinaayo khilaaf Siyaasadeedka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia laga qodaayo ceel shidaal ayaa waxaa markii ugu horeysay arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley). Cabdi Iley, ayaa sheegay in soo saarista shidaalka ku jira dhulka Soomaalida ay waxbadan ka bedeli doonto xaalada dhammaan deeganada maamulka. Cabdi Iley, waxa uu sheegay in ceelasha uusan aheyn hal ceel, balse ay jiran ceelal badan oo u baahan in la qodo si looga faa’iideysto kheyraadka ku jira. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay jiraan dhowr ceel shidaal oo aysan wax war ah ka hayn Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kuwaa oo u baahan kaliya in lasiiyo wakhti kooban oo lagu soo saarayo. Madaxweynuhu waxa uu qiray inuu jiro aag shidaal buux dhaafiyay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota, hase yeeshee la doonaayo in wakhti iyo baaritaan lagu bixiyo. Cabdi Iley, oo arrinkaan ka hadlaaya ayaa yiri “Gobolka Jarar agagaarkeeda mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, ma garanaayo waxa uu damacsan yahay, waa dhul la ciirciiraya shidaal’’ “Dhulkaas inta ku jirta ayaa ku filan Somalia oo dhan, marka waa inaan ka shaqeynaa sida ninkaasi looga eryin lahaa dhulka uu iska heysto” Sidoo kale, Cabdi Iley ayaa intaas sii raaciyay “Haddase waa la isaga daba yimid mana cadda waxa uu ula jeedo heesashada dhulka”. Docda kale, Cabdi Iley ayaa hadalkaas ka jeediyay goob lagu sharaxaayay shidaalka uu maamulka soo saaray xili uu ku sugnaa magaalada Qabridahar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay billowday in dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland ay siiso baasaboorka dalka Jabuuti, xilli weli Somaliland aqoonsi ka helin adduunka. Safaarada dowladda Jabuuti ku leedahay magalada Hargeysa ayaa laga billaabay bixinta baasaboorka dalka Jabuuti, waxaana shalay baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey gabar maalmo kooban dhalaneyd, taas oo iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Hargeysa. Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in gabadha ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa, isla markaana si rasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti, isla markaana ay diyaar u yihiin. Ugu dambeyn Hooyada dhashay gabadha yar ee ugu horreysay ee lasiiyo dhalashada iyo baasaboorka dalka Jabuuti ayaa ugu mahad celisay dowladda Jabuuti habka ugu fudud ee magaalada Hargeysa ay uga bilaabeen bixinta baasaboorka dalkaas. Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kasta xiliyadaan oo kale meel kasta oo Somaali dunida ka joogto waxaa laga Xusaa maalmaha Xorriyada ee 26 ka Juun iyo 1 da Luulyo. Lkn macnaha ay xanbaarsantahay xorriyadu iyo fahamka laga haysto ayaa kala fog sida; Caada-dhaqameed Somaaliyeed oo sanad kasta la xuso, lana xasuusto, meeshana looga haro miyaa? Mise waa Astaan dawlad-nimo oo la rabo sanad kasta in la qiimeeyo waxa ka maqan iyo wixii laga hayo dawladdii la dhisay 1960 kii halgan dheer kadib???. Gumaystuhu markii uu qabsaday Dhulka Somaaliya waxa ay haysatay 4 Astaamood oo kala ah: 1-Hal Qawmiyad oo ah Somaali. 2-Hal Diin oo ah Diinta Islaamka. 3-Hal Deegaan oo aan lahayn xuduud kala xira. 4-Hal Dhaqan iyo hal Luqad. Alle ayaa ku manadaystay 4 taan Astaan Somaaliya Gumaysiga ka hor welina waa haysataa ee maxaa laga xuroobay 1960 kii? Oo mudan in la xuso sanad kasta? WAXAAN FILAA IN AY JAWAABTU TAHAY: 1-Hal Dawlo oo madax banaan. 2-Hal Hogaamiye oo Somaali ah. 3-Hal Calan oo na mideeya. 4-Hal Awood oo na matasha. Afartaan ayaa ah kuwa loo soo halgamay, lana soo dhiciyey 1960 kii halgan dheer kadib ee 58 sano kadib maxaa laga hayaa? Imisa dawlo, hogaamiye, Calan iyo Gobal ayaan leenahay maanta? Dadka Somaaliyeed haddii ay Gumaysigii ka saareen dalkooda 1960 kii, ma ka xuroobeen Maskaxda? Mise weli Gumaysigii ayey ku tiirsanyihiin oo dhulkiisii uga daba tageen?. Dadkii dhaliyey Xorriyada 1960 kii kuma fikirin mana samayn laba dawlo, laba calan, laba dastuur, laba hogaamiye, laba Astaan iwm, mana jirin koofur iyo waqooyi ee waxaa jiray laba Gumaysi kaliya oo kala haystay Koofur iyo Waqooyi, lamana midoobin 1 dii Luulyo ee waxaa la midoobay 26 kii Juun markii Calankaan Buluuga ah ee laga haystay Koofurta ilaa 1954 tii laga taagay Hargeysa 26 kii, lana qaatay Astaanta Jamhuuriyadda ee hadda la xuso, kaliya waxa ay reer Waqooyigu sugayeen reer Koofurta 4 maalmood inta uu Talyaani ka baxayo, 1 dii Luulyo kaliya waxaa lagu wada dhawaaqay lana wada dhistay Dawladii JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA. Waxaa nasiib daro ah in Rag Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahan sheeganaya ay lasoo taagan yihiin maalin kasta ama ay qorayaan in Jamhuuriyadu aheed laba dawladood oo isku darmay 1960 kii, hadana kala go’ay 1991 taas oo ah marin habaabin taariikheed???. Haddii uu weli jiro qof Somaali ah oo ka baqaya Somaali kale! Ama Somaali ka cararaya Somali kale una cararaya Gumaystihii laga xuroobay! Haddii uu jiro Somaali raba in beel beel iyo gobal gobal loo kala jaro dalka? Haddii Gumaystihii shalay u kala qeybiyey dalka beel beel, gobal gobal, kuna soo galay dalka heshiisyo Oday dhaqameed welina uu beel kasta iyo Odayaasheeda uu awood u leeyahay in uu heshiis gaar ah la galo! Arrinta Xorriyada iyo Madaxbanaanidu waxa ay u baahantahay in dib loo eego dibna loo fasiro macnaha Xorriyad? W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online ) – Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa Ee AMISOM oo Soomaaliya laga howlgeliyay sanadii 2007-dii ayaa waxa ay geystaan dacadiyo kala duwan oo ay kula kaceen shacabka iyo hantidooda , waxaana hadda ay bilaabeen in Madaxda dalka ay six un ula dhaqmaan. Ciidamada AMISOM oo dalal kala duwan ka soo jeeda waxa ay Soomaaliya ugu howlgalaan Magaca Nabad Ilaalin, waxaana sidoo kale ay la dagaalamanaa kooxaha Argagixisada ee ka howlgasha gudaha dalka. Tacadiyada ay geestaan Ciidamaada AMISOM ayaa bilowday markii howlgalka tooska ah lagu amray iney la galaan Al Shabaab si ay dalka ugu saaraan. Dhibaatooyin aan waxba la iska weydiin ayeey shacabka u geysteen Ciidamada Shisheeye ee AMISOM sida iney dilaan ama ay dhaawacaan dad shacab ah iyagoo adeegsanaya Gawaarida qafilan iyo rasaas nool nool. Dhowrmar oo shacabka ay dhibaateen ciidamaada AMISOM kama aysan hadlin madaxdii dalka, mana jirin raali gelin buuxdo oo ay bixiyeen marka laga reebo dhacdooyin ay aad kaga caroodaan shacabka oo qaarkood is hor-istaagay gawaarida waa weyn ee ciidanka AMISOM. 19-kii Bishii June ee sanadkan waxaa AMISOM markii ugu horeysay ay si xun ula dhaqantay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo Xasaanad iyo maamuus gooni ah leh sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi , oo muddo saacado ah lagu xanibay garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho isagoo loo diiday inuu ilaaladiisa la galo garoonka, xili uu ku wajahadnaa safar shaqo oo Dalka Kenya ah, waloow markii dambe la xaliyay oo ay fasaxeen. Sidaas si lamid ah isla maalinkaas waxaa warar hoose ay sheegayeen in Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad laga hor istaagay safar dibedda ah. Maanta oo Taariikhdu ku beegantahay 3 July 2018 Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Ciidamada AMISOM Ambassador Francisco Madeira, waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay wehlinayeen labadiisa ku xigeen isagoo kala hadlay kaliya arrimaha amniga Soomaaliya iyo Protocol-ka. Waxaana Francisco Madeira uu sharaxaad ka bixiyay dhacdadii xayiraada ee Guddoomiyaha Aqalka Sare mana jirin jawaab rasmi ah iyo raali gelin ay ka bixiyeen xayiraada lagu sameeyey 19-kii Bishii june ee sanadkan Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ciidamada AMISOM u diideen inuu ilaaladiisa la galo garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqidhso. Ciidanka AMISOM ayaa la ogyahay in ay dileen askar katirsan ciidanka dowladda iyagoo sidoo kale dhowr mar duqeeyay deegaano ay dad shacab ah ku nool yihiin oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxanaa ka marneyn dhibka ay shacabka ku hayaan gawaaridooda Qafilan oo dhowr mar dad shacab ah la jiirsiiyay iyagoo si kas ahna u toogtay xoolo nool sida tobanaan neef oo geel ah oo sanadii hore agagaarka garoonka Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobalada dalka ku dileen. Isku soo wada duub Madaxda Dalka oo go’aan adag aan ka qaadan sida AMISOM u dhibaateyso shacabka ayaa keentay in Madaxda ay ula dhaqmaan si aan wanaagsaneyn , hadaba AMISOM oo ogaatay in aysan waxba ka qaadi kirin Madaxda dalka hogaamiso waxa dhibaatooyin hor leh u geysan doonaan Shacabka, Iyo Madaxda dalka maadama aysan jirin la xisaabtan dhab ah oo looga jawaabayo tacadiyada AMISOM ka geystaan guud ahaan dalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankaan maanta ay iskugu yimaadeen xubnaha guddiga maalgashiga shesheeye ayaa looga doodey 8 qodob oo muhiim u ahaa fadhigoodan oo bishiiba mar qabsooma,waxaana ka mid ahaa qodobada laga doodey maanta In la sameeyo siyaasada maalgashiga shisheeye. Markii kulanka gudigu soo geba geboobay ayaa waxaa laga soo saaray illaa sided qodob oo muhiim ah,waxaana ay kala ahaayeen sidan. Guddigu waxa uu u madax bannaan yahay oo uu ka masuul ah Maalgashiga Shisheeye Guddigu si uu u shaqeeyo wuxuu dhamaystiri doonaa qabyo-tirka baahidiisa. Guddigu waxa ay soo jeedinayaan in Maalgashiga lagu ogaado Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo madmadawga laga saaro oo arrintaasna lasoo afjaro. Guddigu waxa uu isla qaatay inuu yeesho xafiis u gaar ah oo uu ku shaqeeyo kaas oo ku dhexyaalla Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Guddigu wuxuu isla qaatay in si degdeg ah English iyo Arabic loogu turjumo Xeerka Maalgaashiga Shisheeye ee AfSomaaliga ku qoran. Sida xeerku dhigayo, waxa guddigu isla qaatay in meeqaamka shirku noqdo sida xeerku qoran. Guddigu wuxuu isla qaatay in la sameeyo xoghaymo hoosaadyo iyo sharci yaqaanno ka hoos shaqeeya Guddiga. Guddigu wuxuu hagi doonaa isla markaana farsamo ka gaysan doonaa dhamaan shirarka maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya ee ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa wax wanaagsan in dekadaha dalka ay helaan maalgelin xooggan si ay Soomaaliya uga faa’iideysato khayraadka dabiiciga ah, dalkuna horumar dhaqaale u gaaro, shacabkuna horumar dhaqaale oo qof walba taaban karo u helo sida umadaha hore u maray ee dunida. Waxaase u baahan in laga fakaro habka ugu habboon ee heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan maalgashiga loo gelayo, gaar ahaan kuwa ay dhici karto in dhibaato weyn ka timaado mustaqbalka haddii lagu degdego oo aan aad looga fiirsan lagalana tashan kuwa sharciga caalamiga ah iyo dhaqaalaha ku takhsusay. 2011 wixii ka horreyey burburkii kadib, caalamku waa uu naga jeestay intiisa badan. Dhibkii dalka ku dhacay wax badan oo ka mid ahna waxaa hurinaayey welina ay dhici karto in ay ka shaqeynayaan sidii Somaaliya u burburi lahayd mar kale dowlado badan oo u arka horumarkeenna khatar iyaga ku toosan. Mahadi ha gaarto 2011 waxaa noo soo gurmaday iyada oo waddenkeena adduunku u heysto lama galaan, dowladda turkiga oo wax xooggan ka qabatay gaajadii iyo macluushii jirtay, horumarin dhismo oo noocyo kala duwan lehna ka bilowday dalka. Turkiga oo uu hogaaminayey waqtigaas Mr. Rajab Ordogan oo Ra’iisulwasaare ahaa, dowladdiisa iyo shacabka turkiga ayaa adduunka u sheegtay in Soomaaliya la tegi karo waxna laga qaban karo. Markaas kadib ayaa dowladaha qaar isku dayeen in ay Somaaliya caawiyaan, taas oo aan heerkeedu gaarsiisney in Somaaliya dib u soo kabato. Somaaliya hadda way ka duwan tahay 2011 kii, waxyaabo badan oo soo xoogeysiga dowladnimada tusinaayo ayaa muuqda, howshuse fari kama qodna si Soomaaliya cagaheeda si buuxda ugu istaagto, weli kaalmo badan ayey u baahan tahay dowladda Soomaliya. Turkiga ayaana ugu horreeya ilaa iyo hadda dowladaha si mug leh ugu mashquulsan dib u soo celinta qarankii soomaaaliya ee burburay, arrin qarsoonna maahan, weyna ku mahadsan yihiin. Waxa muuqanayo in dowlado dana is diidan dalkaan ka leh tartan ugu jiuraan sidii ay ula wareegi lahaayeen dhaqaalaha dalka Somaaliya, si aan shacabku uga faa’iidin khayraadka Alle ku manneystay dalkaan, ama ayba cabsi ka qabaan in iyaga dhaqaalohooda dhibaato soo gaarto haddii soomaaliya ay noqoto waddan mideysan oo khayraadkiisa maareysan kara. Waxa u daliil ah in qaar dowladaha ka mid ah ay isku dayaan in ay dowlad goboleedyada la macaamilaan iyaga oo aan soo marin dowladda dhexe, taasina keento siyaasad ahaan iska hor imaadka ka yimaada madaxda maamulda iyo dowladda dhexe, taas oo ku biya shubaneysa in somaliya ay ahaato dowlad taag daran oo wixii la doono laga sameysto shuruudahana loo yeeriyo. Intaas kuma eka, ee qaar maamullada ka mid ah haddii aysan dhammaantoodba ahayn ayaaba la hubeeya si ay ugu muuqdaan dowlado ama qaran gooni u taagan si aan loo dhihin maamul goboleed, waa nasiib darro. Waxa aad garan kartaa akhristoow heshiisyada faraha badan ee lala galay ama hadda la diyaarinayo in lala galo dowlad goboleedyada in ajaanibta loo ogolaaday saami aan caadi ahayn (70% oo kale) iyo waqti aad u dheer (matal ahaan 30 sano) oo aan la saadaalin Karin waxa dhici karo iyo isbeddelada imaan karo. Waxa aan dowladda Nabad iyo Nolol kula tali lahaa in ay marka hore sharciyadii lagu maamuli lahaa heshiisyada caalamiga ah oo aan doldoleelo lahayn la timaado iyo in aysan aqbalin waxa ka hoosee 51% faa’iidada, iyo waqtiga heshiisyada oo aad loo soo gaabiyo, mar hadddii aan la saadaalin Karin waxa dhici kara waqtiga fog. Waxa kale oo aan talo ku siin lahaa dowladda in aan la simin dowlad ka shaqeyneysa in aan qaran noqonno iyo mid maslaxadeeda kaliya u joogto dalka, amaba midnimadeenna si dahsoon ula dagaashan, danaheeda owgood. Maalgashi dunida oo dhan ayey Soomaaliya ka heli kartaa, arrintu maahan in aan fiirino oo kaliya kuwa maalin walba dantooda noo dul taagan, ee nimaan noo fureyn yuusan noo rarin. GUNNAANAD Danta dadka, dalka iyo diinta waa in laga hor mariyo dan kasta oo dal kale ama qof leeyahay, waana in la saxo khaladaadka ka jiro xirriirak maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe dhxdooda si loo helo dowlad soomaliyeed oo awood badan dibadda iyo gudahaba, haddii kale waxa soo noqnon doona iska horimaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha laba dhinca, taas oo aan cidna maslaxad ugu jirin, laakiin ku wajahan burburinta dowlad qarannimo oo adag. W/Q Dr. Eng. Axmed C. Calasow
-
Somaliland oo Soomaaliya inteeda kale ka go’day ku dhawaad 30 sano waxaa jiray wada hadalo kala duwan oo Dowladda Soomaaliya ay wada galeen kuwaa oo ku soo dhamaaday fashil. Dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa ay dhowr jeer sheegtay in wada hadal toos ah maamulkiisa uu la geli doono Maamulka Somaliland, halka Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in Midowga Soomaaliya ay muhiim tahay balse la joojiyo hadalada xanafta leh sida uu ka sheegay Munaasabii 26-ka Juun oo ku beegneyd markii gobalada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystaha. Waa in laga fogaadaa wax walba oo keeni kara horin colaadeed gaar ahaan hadalada xanafta leh ee ka soo yeera mas’uuliyiinta iyo maamulalada labada dhinac. Soomaalida oo wax walba wadaagta sida Diin, dhaqan, Af iyo luuqad waa in ay wax kabarataa dalalka deriska la ah Soomaaliya oo soo afjaray khilaaf muddo ragaadiyay dowladnimadooda, sida Kenya oo waxaa heshiiyay Raila Oding iyo Uhuru Kenyatta oo muddo khilaaf ka dhextaagnaa , waxaa sidoo kale colaadoodii soo afjaray Mucaaradka Iyo Madaxda Koofurta Sudan, sidoo kale dalka Itoobiya. Waa in Madxaweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka dagaa Magaalada Haregysa ee Maamulka Somaliland isaga oo si hoose u dhageysanaya tabashada iyo waxyaabaha ay tirsanayaan Maamulka Somaliland si loo midoowo. Soomaaliya oo dib u heshiisa waxa ay soo ceshan kartaa sharaftii iyo karaamadii ay ku laheyd caalamka intiisa kale. W/Q: Cabdicaziz Xasan Ibraahim
-
Somaliland’s Ministry of Health Development has launched its own website to serve as the first point of reference on ministry’s activities on the internet. The Ministry’s new website is aesthetically designed using trends and technologies of international standards to enable easy dissemination of a large amount of information and enhance health ministry’s information sharing with public through internet based systems such as websites and social media. The website (www.somalilandmoh.org), divided into many sections, discloses that the ministry has 6 directorates. The website also enables key documents accessible to the public while providing news and updates on the work of the ministry and its delivered health development programmes. The ministry’s new ultra-modern website has the following Key features. User-Friendly Design: The website is aesthetically designed to enable easy dissemination of a large amount of information. Content Rich: The website comprises all the required content about the health development ministry such as key documents, news updates, photos and videos. Responsive Design: The website has a responsive design which enables the website to render well on a variety of devices and window or screen sizes Interactive Search: The website has many useful features to make it more interactive and to provide a deeper engagement to the visitors. The website was designed and developed by Somaliland-based experienced web developer; Eng. Abdirisak Ismail Qalinle better known as Itaqile who has a vast track record of developing websites and previously developed Hargeisa Water Agency’s website and many other private and public institutions websites.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir taa oo lagu mamnuucay Heshiiskii darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in talaabada Guddoomiyaha Gobolka Yariisow ay horseedi karto sharci darro iyo inaan la aqoonsan warqadaha maamulba maamulka ka danbeeya. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu suuragal aheyn warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaaya maamulka Gobolka, kaa oo lagu caburinaayo dadka deegaanka ah. Xildhibaanka ayaa qoraal kooban oo uu kusoo daabacay baraha bulshada ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah. Xildhibaanka waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba la aqoonsado warqadaha maamuladii hore, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in si sahlan lagu mamnuuco amar hore oo kasoo baxay dowladii lasoo dhaafay. Waxa uu Xildhibaanku carab ***** inay u muuqato in shacabka Muqdisho aan lagu maamuli karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa “Waxaa kale oo runti wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loosiiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha goabalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu boobi karin laguna baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah”. Waxa uu qoraalkiisa intaa ku daray Xildhibaanka “Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay usoo Magacaabeen oo kaliya in ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan”, Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayuu ku sheegay mid aan aqoon fiican ka heysan nidaamka dowladeed, waxa uuna ku taliyay in wax laga bedelo warqadaha leyska soo daba saarayo. Xildhibaanka ayaa wax kama jiraan ku sheegay warqadaha manta kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Yariisow, waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan laga laabto qoraalkaasi. Dhinaca kale, waxa uu amarkaasi ku sheegay mid aan waxba dhaamin in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
BORAMA–Practicing journalists in Borama, the provincial capital of Awdal have condemned with the strongest possible terms to the arrest of a reporter by the name of Mr. Hoori. Mr. Hoori was arrested on Tuesday and his detention has been ordered by Awdal regional governor. The reporter is Horn Cable TV Awdal regional correspondent. Mr. Hoori spoke via the phone before he was detained. It is said that the regional governor was furious over a question that the reporter has asked on Sultan Wabar.
-
Flag carrier Ethiopian Airlines, Africa’s largest and fastest-growing commercial airline, has taken delivery of the first of 30 Boeing 737 MAX jets. With the MAX, Ethiopian will be able to achieve a double-digit improvement in fuel efficiency and provide passengers with a more comfortable experience, Boeing said in a statement. “We are glad to include the Boeing 737 MAX 8, the latest in Boeing’s single-aisle series, in our young and modern fleet of over 100 aircraft with an average age of less than five years,” said Ethiopian Airlines Group CEO Tewolde GebreMariam. “The Boeing 737 MAX 8 features the new Boeing sky interior, highlighted by modern sculpted sidewalls and window reveals, LED lighting that enhance the sense of spaciousness ultimately boosting our customers’ experience. Since it is more fuel efficient than the current 737-NG, it has less carbon emission to the environment. “As a customer-centric airline with a high adaptability to emerging technologies, Ethiopian has been pioneering latest-technology aircraft into Africa throughout its 72-year history. In line with the airline’s growth targets under Vision 2025, we will keep on investing in further expansion of our fleet in acquiring the latest aircraft the industry has to offer,” he added. The 737 MAX is the fastest-selling airplane in Boeing history, accumulating more than 4,500 orders to date from 99 customers worldwide. The 737 MAX families incorporates the latest technology CFM International LEAP-1B engines, Advanced Technology winglets, the Boeing Sky Interior, large flight deck displays, and other improvements to deliver the highest efficiency, reliability and passenger comfort in the single-aisle market. In Ethiopian’s configuration, its 737 MAX 8 will seat 160 passengers. “Ethiopian Airlines continues to fly at the forefront of Africa’s commercial aviation industry by operating the most advanced airplanes,” said Marty Bentrott, Boeing Sales vice president for Middle East, Turkey, Russia, Central Asia & Africa. “We are honoured by Ethiopian’s continuing confidence in Boeing airplanes and we look forward to growing our five-decade long partnership.” With this delivery, Ethiopian’s fleet of Boeing airplanes grows to 73 jets, including the 787 Dreamliner, 777, 737 MAX, and the 757 and 767. – TradeArabia News Service Source: – Trade Arabia