Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Doorasho cod iyo qof waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1969, 40 sano kadib waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo codkii ah, sida lagu ansixiyay shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay oo ay yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada. Dowladdo KMG ah oo dalka soo maray waxaa baarlamaankooda soo xulayay odayaal dhaqameedyo, laakiin baarlamaanka hadda dhisan ee labada gole, hab ka duwan odayaal dhaqameedyada ayaa lagu soo xulay, waxaana xildhibaan kasta u codeynayay 51 ergo oo beeshiisa laga soo xulay. Laakiin doorashada Hal qof iyo codkii, wey ka sii duwan tahay doorashooyinkii u dambeeyay, sida uu sheegayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye. “Nidaamkani wuxuu uga dawanaan doonaa qofka doortaha ah inuu inta tago xisbigiisa iyo xildhibaankiisa doorto isaga oo fiirinaya fahamsana inta aan horey u sheegay, taasi waxay imaaneysaa side qofka wax dooranaya ee muwaadinka ah loo gaarsiiyaa fariin sax ah oo ku saabsan doorashada iyo kaalinta uu ku leeyahay, xaqa uu leeyahay iyo waajibaadka isaga laga rabo.” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Sabriye. Caqabado muuqdo iyo kuwa daahsoon ayaa horyaala doorasho qof iyo codkii ah, kuwaasi oo u baahan in laga gudbo ka hor sanadka 2020, waxaana ka mid ah hagaajinta ammaanka, Qabyo tirka Dastuurka Dalka, meel marinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya habraaca doorashada, Fahamsiinta dadka doorashada iyo waxa ay tahay, bislaashaha siyaasiyiinta iyo midnimadooda, dhameynta Danaha is diidan ee u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, tirakoobka dadka codeynayo iyo arimo kale. Prof Maxamed Muuse Mataan oo ah Barre ka ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho qaarkood, ayaan weydiiyay caqabadaha daahsoon ee imaan kara waqtiga doorashada, haddii la xaliyo caqabaha loo wadajeedo oo amaanka uu ugu horeeyo. “Kuwa daahsoon way imaan karaan runtiii waa kuwo farsamo ku imaan kara ama ha ahaato dhaqaalihii iyo farsamo ahaan hadii degmada Afgooye oo kale dadkiisa la tira kobo, hadana la baxo oo Baraawe la tago, waxaa suuragal noqon karta inay Afgooy ka tagaan dadkii halkaasi lagu tira koobay, waa arrin laakiin laga shaqeyn karo.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Muuse Mataan. Doorashadan waxaa ku tartami doona axsaab siyaasadeed, 4 September sanadkii 2016 Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka ayaa saxiixay sharciga axsaabta dalka oo Lixdii June 2016 baarlamaanka dalka ay ansixiyeen, 11 Xisbi ayaa la diiwaan geliyay sida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ay sheegeen. Kuma qanacsana Xisbiyadda qaar sharcigan, maadaama ay aaminsan yihiin in laga soo min guuriyay sharciga axsaabta ee dalka Kenya, dhankoodana ay gudbiyeen warqad ay ku cadeynayeen meelaha u baahan in laga saxo. Guddiga doorashooyinka waxay horey u shaaciyeen in loo baahan yahay 139 Milyan oo Dollar, si looga gudbo dhammaan caqabaha hor taagan doorashada cod iyo qofkii ah, Baarlamaankana wali looma gudbin sharciga doorashooyinka dalka si Labada Gole ay u ansixiyaan, ma jirto Maxkamad Dastuuri ah oo kala saari doonta haddii qodobada doorashada la isku qabto ama murun ka yimaado doorashada. Prof. Maxamed Muuse Mataan ayaan markale weydiiyay inay jiraan waxyaabo la taaban karo oo ilaa iyo hadda la gaaray, si doorashadaasi ay u dhacdo. “Wallaahi hada dowladan inta ay jirtay, dowladihii hore waa laga yaabaa, waxaan xusuustaa in la sameeyay sharcigii axsabaha, ugu yaraan hadii aan la tagi Karin degmooyinka iyo tuulooyinka, waxaa lagu qaban karaan xarumaha maamul goboleedyada, ugu yaraan waa in meesha laga durqo oo sanaadiiq la geeyo xarumaha maamul goboleedyada.” Ayuu markale yiri Prof. Mataan. Fullinta balanqaadyadda ay sameeyaan madaxda inta ay ololaha ku jiraan ayaa badan, balse dhaqan gelinta balamaha ayaa laga sugayaa madaxda hadda taladda dalka haya, maadaama badankood ay horey balamahan u qaadeen. W/D:- Mohamed Isse Mohamud Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday kulankii la filayey inay halkaas ku yeeshaan Golaha Wasiirada. Sida xogta lagu helayo Shirka Golaha Wasiirada ayaa u baaqday Khilaaf Xoog leh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Khilaafka xoogiisa ayaa dhashay kadib markii uu Ra’isulwasaare Kheyre diiday inuu dhagax dhigo Dekad laga furayo Magaalada Garacad. Madaxweyne Gaas ayaa markii dambe go’aansaday inuu kaligiis ka dhigo waxayna arrintaas keentay khilaaf iyo inay Isimada kasoo jeedo Puntland hanjabaad u diraan Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu saresyo Maamulka Puntland ayaa xalay dhan lahaa kulamo xasaasi ah kuwaas oo looga wada hadlayey diidmada Kheyre iyo sida laga yeelayo kulanka Golaha Wasiirada. Dood dheer kadib madaxda Maamulka Puntland ayaa isku raacay inaan kulankaas lagu qaban karin Magaalada Garoowe waxaana Kheyre loo sheegay inuu baajiyo. Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu kala tagay waxaana sidaas ku baaqday kulankii Golaha Wasiirada oo intooda badan la filayey inay Maanta ka dhoofaan Magaalada Muqdisho. Khilaafka ayaana sii xoogeystay iyadoo hadda Kheyre uu xuska sanadguurada Puntland uu uga qeybgeli doono Boosaaso Xilli Cabdiweli Gaasna uu uga qeyb geli doono Magaalada Garoowe. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inuu Kheyre Puntland u quuri waayey Qaando Shamiito ah taasoo muujineyso halka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Puntland iyo Kheyre. Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mida odayaasha dhaqanka Isimada Puntland ayaa qarxiyey qorshe ay heshiis ku ahaayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhagax dhigo Dekadda Garacad ee Gobolka Mudug. Islaanka oo ka hadlayey Garacad ayaa shaaciyey wixii dhex maray iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaan afkayga kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana u sheegay in dhismaha dekedda Garacad la dhagax dhigayo, waxaana ka codsaday in madaxda Qaranka kasoo qeyb galaan dhagax dhigga,. Wuxuu igu yiri, waan soo tashanayaa isug. Wuu igu soo laabtay wuxuuna igu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre baa idiin imaanaya. Kheyre Puntland waa joogaa mana noo imaan..” Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday mashruuc cusub oo ka dhan ah Carruurta gaar ahaan kuwooda gabdhaha ah. Degmada Yaaqshiid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan cabsi ay muujinayaan Dadka Degmadda oo ku aadan Caruur la Afduubtay isla markaasna laga rabo madax furasho Dadka deegaankaas dagan ayaa cabsidaas darted joojiyey inay carruurta u diraan dugsiyada iyo Iskuulada sida ay idaacadaha Maxaliga ah u sheegeen qaar ka tirsan dadka halkaas dagan. Cabdulqaadir Sheekh cusmaan oo ka mid ah Dadka Degmadda Yaaqshiid ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay in Qoyskiisa gabar laga Afduubtay, walina ay la’yihiin . Wuxuu sheegay in gabadhooda oo aheyd 12 jir ay ka waayeen wax war ah balse markii dambe la ogaaday in la afduubtay. Wuxuu intaas ku daray inay gabadhaas kasoo hadashay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose. “cabsi badan ayaa nagu jirta, waayahaan gabdhihii waa lagadanayaa, madaxfurasho ayaa laga qaadayaa dhib intaas ka weeyna wuu imaan karaa, marka walwal ayaan dareemeeynaa” Cabdulqaadir Sheekh cusmaan. Meesha uu Afguubkaan ka dhacay waa xaafadda carafad ee Degmadda Yaaqshiiq, sidoo kalana waxaa jiro ilmo kale oo la afduubtay oo laga qaaday lacag. Mashruucaan ayaa ah mid Xamar ku cusub baryahaan waana dabeecad jiri jirtay xilligii dalka ku jiray dagaaladii sokeeye balse hadda waxaa muuqato in dib loo soo celiyey. Dhawaan ayey aheyd markii Gabar laga afduubtay Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano la heystay muddo kadibna lagu soo tuuray laamiga. Arrintaan weli ma aysan ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ah meesha cabsida hadda ka taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Guud ayaan dalka Denmark ayaa waxa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay sharci lagu mamnuucayo in bulshada dhexdeeda lagu xirto Indho-shareerka. Baarlamaanka dalka Denmark ayaa tallaabadan meel mariyay bishii May ee sanadkan,waxaase la qorsheynayaa in galinka dambe ee maanta uu dhaco Mudaharaad lagu diidan yahay tallaabadan oo ay ka qayb qaadanayaan dumarka Muslimiinta ah oo ka dhego-adaygaya in ay sharcigaan cusub u hoggaansaman. Booliska dalka Denmarka ayaa wixii hadda ka dambeeya awood u leh in ay dumarka niqaabka qaba ka saaraan goobaha bulshadu ay ku kulanto,sida uu dhigayo shircigan,Sidoo kalena Saraakiisha ayaa xaq u leh in ay dul dhigaan ganaax $160 doollar ah marka koowaad ee dambiga la galo. Laakiin haddii uu qof afar jeer sharcigaas jabiyo waxaa lagu ganaaxi karaa $1500 Dollar oo doollarka Maraykanka ah. PUNTLAND POST The post Dalka Denmark oo laga mamnuucay indha-shareerka appeared first on Puntland Post.
  5. Afgooye (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada. Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 11 kale waa rag. Sargaalka la hadlay warbaahinta maxaliga ah oo diiday in aan magaciisa la deegsado ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye. Wuxuu tibaaxay inay kusoo wareejin doono Hay’addaha amaanka ee Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si buu yiri loo marsiiyo baaritaano dheeraad ah, islamarkaana loo horgeeyo Maxkamadda ciidamadda Qalabka sida. “Ciidamada amaanka ee degmada Afgooye kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen, waxay gacanta kusoo dhigeen 11 ruux Kuwaasoo aan hubinay inay yihiin Al-Shabaab,” ayuu Taliye Nuunow raaciyay hadalkiisa. Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada, oo saacadaha soo socda la filayo inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo, oo shalay aka baaqday booqashadiisa Afgooye. Lama ujeedka dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka uu Farmaajo halkaasi ku tagayo, balse, waxaa la sheegayaa inay tahay dar-dar gelinta howlgaladda ka dhanka Al-Shabaab, iyo waliba sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuuliyiinta degmadda. Waa markii labaad oo uu Farmaajo booqdo Afgooye, isagoo safarkliisii ugu horeeyay ku tagey bishii May ee sanadkii hore 2017, markaasoo kulamo kala duwan kula soo yeeshay madax kala gedisan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Saxaafadda iyo baraha bulshada waxaa laga hadal hayay su’aal uu weyddiiyay Weriye Farhan Max’ed Jimcaalle ee ka tirsan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku hadasha R/W Kheyrre, taas oo ahayd in uu marti ku yahay Garoowe. Haddaba waxa aan isla falanqeyn doonnaa ugu yaraan shan su’aal oo ka muhiimsaneynd kuwaas, oo la weyddiin karay mudane Kheyrre. Waa markii ugu horreysay oo uu wasiirka koobaad kasoo hor muuqanayo warbaahin aan ahayn tan dowladda tan iyo markii uu xilkan qabtay, islamarkaana si toos ah loo weyddiinayo su’aalo. Haddaba shantan su’aal ayeey ahayd in la weyddiiyo ra’iisul wasaaraha intii la weyddiin lahaa marti ku ahaanshiyihiisa Garoowe. 1)Qirashada qaladkii Dhiibistii Qalbi Dhagax:- Madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay sida ay caddeeyeen madaxda jabhadda ONLF in ay qalad ahayd dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, taas oo dhanka kale ay golaha wasiirrada oo uu Kheyrre madaxda u yahay ay ku sheegeen in ay sax tahay, ONLF na ay tahay jabhad Argiggixiso, haddaba su’aasha ah halka uu ka taagan yahay dhiibista Qalbi Dhagax ayeey ahayd in laga weyddiiyo su’aal sidoo kalena uu ka hadlo dhanka madaxweynaha iyo qirashada qaladkaas. 2) Hadalka Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo doorashada 2021-ka:- Mahdi Khadar oo ah wasiir kuxigeenka koobaad ee Soomaaliya ayaa meel fagaaro ah ka yiri in uu soo socdo xisbi weyn oo soomalida oo idil u furan, kaas oo uu madax ka yahay mudane Farmaajo, haddaba sidee bay isku waafiqi karaan hadafka Kheyrre ee doorashada xigta iyo hadalka Mahdi Khadar? su’aashaas iyana waxa ay ahayd mid kale oo muhiim ah islamarkaana dad badan ay u baahnaayeen. 3) Khilaafka Isaga iyo madaxweynaha iyo kaalinkii burburinta ciidanka xasillinta:– is qabsi xooggan ayeey warbaahinta baahisay, kaas oo laga garan karay in uu jiro kaddib markii hoos loo dhigay dhammaan qorshayaashii ammaan ee uu mudane Kheyrre atooraha ka ahaa, in arrinkan wax laga weyddiiyo ayaa ka mudneyd in uu weriyaha ku mashquulo marti ku ahaanshiyihiisa Puntland. 4) Qalqalkii la geliyay xajka sannadkan:- taariikhda markii ugu horreysay ayeey Soomaaliya qarka u kortay in aysan wax diyaarad ah oo xajka aadda aysan ka duulin gebi ahaan dhulka ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taas na waxaa sabab u ahaa harddan la siyaasadeeyay oo ganacsatada u dhaxeeyay, doorka xukuumaddiisa ay ku lahayd qal qal gelinta xajka iyo sida ay wax u dheceen iyana waxa ay ahayd su’aal kale oo muhiim u ahayd in weriyaha uu weyddiiyo mudanaha. 5) Qaabka xukuumaddiisa ay u casisho wasiirrada:– ma jiro wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyrre oo si qurux badan shaqada looga eryay, laga soo bilaabo min Yuusuf Garaad illaa wasiirka waxbarashada, nidaamka ceyrinta mas’uuliyiinta iyo sababta ay noocaas ku doorteen? dhammaan waa su’aalaha wax laga weyddiin karay ra’iisul wasaare Kheyrre intii uu socday wareysigii uu siiyay barnaamijka caawa iyo caalamka ee TV ga BBC laanteeda la hadasha dadka Afka Soomaaliga ku hadla. F.G:- Khibraddeydu ma gaarsiisna in aan wax u sheego qof sida Farxaan M. Jimcaale oo kale, ha yeeshee waa su’aalaha aan is leeyahay waa uu ilduufay weyddiinteeda W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. The Darushifa Rehabilitation Centre in Nairobi’s Eastleigh area has been closed, director of the National Authority for the Campaign Against alcohol Drug Abuse (Nacada) Vincent Muasya aka Chipukeezy has said. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabtay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo. ​Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda. Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya waxayna kala yihiin xarumahaas: Khadiijo Haji, Ceel Baande, Dhamase, iyo Dhuuntoow. Sidoo kole waxay sheegeen in xarunta Shirkadda ku lahayd deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah. Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso. Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas. Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi. Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/cod-hormuuud-1-1.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu todobaadkan safar ka yahay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in todobaadkani uu booqasho laba cisho ah ku tagi doono magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,isagoona todobaadka soo socda gaari doono Khartuum. Safarka Madaxweynaha uu ku tagi doono magaalada Khartuum ee xarunta dalka Sudan ayaa waxaa laga soo xigtay Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa goorta uu gaaro magaalada Khartoum la kulmi doona dhigiisa sudan oo ay kawada hadli doonaan isbedelada ka socda Gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa u kala dabqaadi doona madaxweynayaasha Sudan iyo Eriterea oo mudooyinkaan uu ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed sababay in labada dal ay kala xirtaan xuduudaha. Dhinaca kale, socdaalka Farmaajo uu ku tagi doono dalka Sudan ayaa kusoo beegmi doona xili uu kasoo laabtay booqasho Seddex cisho ah oo uu ku gaaray magaalada Asmara ee dalka Eriterea. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimada Dalka Sudan, sida uu shaaciyey Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somalliya C/Qaadir Macalin Nuur. Warbaahinta Sudan ayaa soo xigatay wasiiru dowlaha oo sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo heshiisyo ay kala saxiixaan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Sudan Cumar Hassan Axmad al-Bashiir. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in safarka Suudaan ay ku wehlin doonaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamida la-taliyeyaashiisa, waxaana safarkan uu noqonayaa kii labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku tago Dalka Suudaan, isagoo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Suudan October Sanadii 2017. Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo markii tago suudan uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi,waxaana ay labada mas’uul kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyo qodobo kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan dib usoo cusbooneysiiyay Safaradiisii tirada badnaa ee uu ku tagayay Wadamada Caalamka isagoo Isniintii kasoo laabtay Dalka Eritrea oo uu saddex maalmood ku sugnaa, wuxuu kaloo 19-kii Bishan dib uga soo laabtay Magaalada Brussels ee dalka Biljim halkaas oo uu uga soo qeybgalay shirkii arrimaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka jamhuuriyadda Soomaaliyaoo ay u tartami karaan shirkadaha daabacaacadda ee guud ahaan dalka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u ku saxiixanyahay,wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa lagu shaaciyay qandaraaskan cusub naqshadeynta calanka Soomaaliya. Naqshadeynta calanka ayaa looga jeedaa sidii midabkiisa buluugga asalka ah loogu celin lahaa,calanka Soomaaliya oo mudadii burburka dalka ay daabaceen shirkado kala duwan,kuwaasoo qaatay midabka buluugga ah,balse ku kala duwan khadda la isticmaalay oo qaar khafiifyahay,qaarna madow-xigeenyahay,halka qaar kalena buluug saa’id ah yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in uusan khad kala duwan yeelan midabka buluugga ah ee lagu yaqaanno calanka dalka,islamarkaana lagu celiyo midabkiisa asalka ah oo lumay wixii ka dambeeyay burburkii dalka,sida ku xusan qoraalka lagu shaaciyay qandaraaska naqshadeynta calanka. Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo furtay qandaraas lagu naqshadeynayo calanka dalka appeared first on Puntland Post.
  12. Jowhar (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Ware oo la hadlaayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn la’ yahay Al-Shabaab. Hoggaamiye Waare ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqa u diidan yihiin maamulka iyo ciidamada yar ee ka hoos shaqeeya. Waxa uu Waare sheegay in deeganada ay maamulaan ay ka jirto dhibaato ka dhalatay Wadooyinka xiran iyo weerarada Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin dhaqdhaqaaq ciidan daruufo jira aawgood. Waare, waxa uu sheegay in culaysyada jiraa aanay ku koobnayn Hirshabeelle balse ay ka wada jiraan wadanka, waxa uuna carab ***** inuu aaminsan yahay in dhibka ugu badan uu yahay mid heysta maamulkiisa. “Waxaanu ku dhex jirnaa dhibaato kala ceyn ah tan ugu daran waxa ay naga heysataa dhanka Al-Shabaab oo xitaa dhaqdhaqaaqa noo diiday” Waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin jidadka mudada dheer u go,doonsan Al-Shabaab iyo weerada dhaba galka ah ee lagu dilo Mas’uuliyiinta maamulkaas Sarakiisha iyo Askarta. Docda kale, Waare ayaa cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howl geli doonaan si wax looga bedelo Amanka deeganada maamulka Hirshabelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  13. The African Union (AU) announced its mission in Somalia will continue working to ensure the security and stability of the country, consistent with the UN''s decision to remain there until 2019. Source: Hiiraan Online
  14. Horumar Summer School offers programming designed for immigrant and low-income families Source: Hiiraan Online
  15. Abdi Nor Iftin is coming home to share the story of his American dream, one he hopes will help “make America great again.” Source: Hiiraan Online
  16. The family of a 15-year-old girl who was gang raped by three men in Wajir early this year will have to wait longer for justice after the case was adjourned to August 10. Source: Hiiraan Online
  17. Djibouti lies more than 2,500 miles from Sri Lanka but the East African country faces a predicament similar to what its peer across the sea confronted last year: It has borrowed more money from China than it can pay back. Source: Hiiraan Online
  18. Financial troubles, staffing shortages and high demand threaten to halt the only free private ambulance service in Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa si weyn Puntland looga dareemayaa dhaq dhaqaaqa olole ee ay wadaan murashixiin tiro badan oo doonaya in ay u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaas. Waxaa loolanka ku jira rag miisaan culus ku leh siyaasadda deegaanada Puntland iyo waliba guud ahaan dalka sida Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Juxa, Cali Xaaji Warsame iyo kuwo kale. Waloow aysan si rasmi ah u shaacin, waxaa Iyana la filayaa in ay loolamaan madaxweynaha haatan talada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Musharixiinta waxaa sidoo kale ka mid ah General Maxamd Siciid Xirsi Moorgan. Hadaba waa maxay Guuxa ugu weyn ee ka jira Puntland? Garowe oo ah caasimadda maamulka Puntland waxaa hadda ku sugan oo walina ku soo qul qulaya murashixiinta tartamaya waxaana ka socda is xulufeysi. Sida ay Caasimadda Online xogo hoose ku heshay, siyaasiyiinta waa weyn ee Puntland waxaa sanadkan ka go’an laba arrimood. KOW – Hadal haynta ugu weyn ee ka dhex jirta siyaasiyiinta waa in uusan soo laaban Cabdiwali Cali Gaas oo uu hadda xilka ka sii dhammaanayo Midda Labaad: In sanadkan madaxtinimada la dhaadfiyo beesha Maxamuud Saleebaan oo intii ay Puntland jirtay soo haysay talada. Kaliya, waxaa si KMG ah madaxweyne aan ahayn beesha Maxamuud Saleebaan u soo qabtay Maxamed Cabdi Xaashi oo ku xigeen u ahaa AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cabdi Xaashi waxa uu ahaa Sool clan waxa uuna xilka hayey wax ka yar shan bilood!! Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online)- Prof. Gaandi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaladaadka istaraatiijiga ah oo ay gashay dowladda federaalka Soomaaliya, mar uu wareysi siiyey Universal TV. Prof. Gaandi ayaa qaladaadka dowladda u kala qaaday mid Istaraatiiji ah iyo mid siyaasadda ah, waxaana warbixintaan kusoo qaadaneynaa Qaladaadka Istaraatiijiga oo uu Prof-ka ka hadlay. 1) Amni Prof. Gaandi ayaa sheegay inuu amniga ahaa muhiimada koowaad ee laga sugayey dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in laga sugayey dowladda inay gacanta ku dhigto amniga, wuxuuna xusay inay arrintaas dowladda ku fashilmatay oo aysan waxba ka qaban. 2) Dib u heshiisiinta Prof. Gaandi ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed soo mareyn dhibaato iyo dagaalo badan loona baahan yahay in la heshiisiiyo lana iloobo wixii soo dhacay. Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan xoogga saarin dib u heshiisiinta. 3) Dhameystirka Dastuurka: Prof. Gaandi ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya ku fashilan tahay inay Dastuurka ka saarto kumeel gaarnimda isla markaasna la gaarsiiyo dalka qof iyo cod, wuxuuna sheegay inaan weli jidkaas la qaadin . 4) Maqaamka Muqdisho Prof. Gaandi ayaa qodobka afaraad ee Istaraatiijiga ah oo ay ku fashilmatay dowladda ku sheegay inay tahay maqaamka Muqdisho. Wuxuu tilmaamay laga soo bilaabo dowladdii Carto in cid kasta ay ka leexaneysay lagana gaabinayey in maqaamkaas la caddeeyo. Gaandi ayaa aaminsan inay dowladda Soomaaliya ee hadda jirto qaaday wadadii dowladahii hore. 5) Adeegga Garsoorka Gaandi ayaa qabo inay dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay wax ka qabato adeegga Garsoorka oo uu u arko inay tahay qodobada ugu muhiimsan markii nabad la helo kadib. 6) Tiro Koob Ugu dambeyn Gaandi ayaa qodobka ugu dambeeyo ku sheegay inuu yahay tiro koob laga sameeyo dalka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qabaa inay arrintaas dowladda ku fashilmatay waqtigana uu ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Wefdi ka socdey urur goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana ay kulan la qaateen madaxda labada maamul, wada hadalka ayaa la xiriirey in ay labada dhinac oggolaadaan qorshe IGAD iyo UNSOM ay soo dejisey oo xaaladda lagu dejinaayo. Sida aan ogaanay waxaa qorshahan si weyn u soo abaabuley dowladda Ingriiska, waxaana uu dhigayaa sidii dagaal danbe aanu u dhici lahayn, qorshahan ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya dowladda Ingriiska. War saxaafadeed ka soobaxay UNSOM iyo IGAD ayaa lagu sheegay in ay la kulmeen, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas, ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey, Isimada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Sool, sidoo kale waxay Hargeysa kula kulmeen, Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalland Dr. Sacad Cali Shire, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, hoggaamiyaasha UCID iyo Waddani. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka labada dhinacba waxay soo dhaweeyeen in nabad lagu dhameeyo xaladda, waxaana ay soo dhaweeyeen qorshaha IGAD-UNSOM, warka ka soo baxay ergada qorshaha nabadda wada ayaa sheegay in todobaadyada soo socda wadahadalku sii socon doono. Wararka ayaa sheegaya in qorshahan cusub ee xaaladda lagu dejinayaao uu dhigaayo in isu socodka labada maamul, ganacsiga iyo is-dhexgalka sidii hore uu ahaa loo soo celiyo, in dadka uu saameynta ku yeelatey colaadu loo oggolaado in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo, in ciidamada la kala qaado oo Somaliland ay dib ugu laabato xeryahoodi hore, gobolka Soolna laga dhigo mid ka caagan ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay aad usoo dhaweysato Somalia oo uu sheegay inay wadaagan dhaqan isa shabaha. Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu xaqiijiyay in marka la eego wadamada kale ee afrikaanka ah ay aad uga soo dhaweystan Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dhib badan isla markaana lala noolaankaro. Abiy Axmed oo ka qeybgalaayay kulan ay Madaxtooyada Addis Ababa ku yeelanayeen qaar kamid ah Xildhibaanada dalkaasi oo ay ku jireen kuwo asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somalia oo xiligaan u bisil nabadda iyo midnimada. Waxa uu sheegay in Ethiopia aysan ka raali noqon doonin in la kala jaro, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan sida ay Somalia dib ugu midoobi laheyd. “Ethiopia baalmadow kama gali doonto Somalia waxaanu horay u ballanqaadnay ka shaqeynta horumarka Somalia, haddana waxaan xaqiijinayaa in Somalia iyo Ethiopia ay isugu imaan doonaan wadada wanaaga”. “Waayo Soomaalida waan kasoo dhaweysanaa wadamada kale waxaana u sabab ah inaanu wadaagno dhaqan, midab iyo diin” Sidoo kale, Abiy Axmed waxa uu kulankaasi ka cadeeyay in mudada uu hayo xilka ay xooga saari doonaan ka shaqeynta nabadda, horumarka iyo midnimada Somalia. Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqda mid lagu dhiirigalinaayo dowlada Somalia oo iminka ku dadaaleysa dib u hagaajinta arrimaha horumarka dalka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Boqoro iyo qaar ka mid ah gudida beesha West Burco Clan ayaa canbaareeyay Mr. Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex-dhexaad ka ahayn goob jooganimada doorashadii madaxtooyada oo uu hogaaminayay goob joogayaasha caalami ah. Waxa ay madax dhaqameedkani beesha caalamka ay ka codsadeen in aan mar danbe goob jooge nimo ugu soo dirin Somaliland Michael Walls oo ay ku tilmaameen mid aan dhex ka ahayn arimaha doorashada iyo qabaalika ee Somaliland. Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ahaa odayaasha hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta waxaanu halkan ku canbaaraynaynaa, ku ceebaynaynaa, ku dhaleecaynaynaa saancadaalii Michael Walls oo ku xad gudbay xuquudayada magacayaga iyo shirkayagaba.” Boqor faysal waxa uu sheegay in aanay beeshoodu wax lug ah ku lahayn samayntii filimkii ‘Baadigoob’ laakiin waxa uu sheegay in eedaha filimkaas ku jiray in ay run ahaayeen uu caddeeyey Michael Walls, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Barnaamijkii baadigoob isaga [Michael Walls] ayaa u furay inuu ahaa barnaamij run ah oo sax ah oo xaqiiqo ku salaysan, waxa cadaatay in aanu ahayan goob jooge ee uu ahaa garba jooge cid gaar ah u adeegayay, waxa cadaatay in aanu ka mid ahayn daneeyayaasha doorashadii dalka ka socotay ee uu ahaa danayste cid gaar ah u adeegaya, sida qaran dumisku u jiro, ayaa waxa jira qabiilo dumis ninkaas waxaanu leenahay meel kasta oo uu aduunka ka joogo cid kasta oo magaca nala wadaagtaa waa inay gacan bir ah ku soo qabtaa haduu Yurub tago iyo haduu meel kale tagoba oo maxkamadaha dunida la hor geeyaa” Dhinaca kalana, boqorka oo Michael Walls ku xidhiidhinaya xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa uu yidhi, “Waxa aan leeyahay xarunta dhaqanka ee uu waxaas faxshiga ah ka sheegay, waa in haayada wanaagfarista iyo xumaan reebhista la geliyo waxa aanu haynaa warar aan diinteena ku wanaagsanayan, dhaqankeena ka baxsan. Michael Walls arimaha dhaqankeena meel buu kaga dhacay, kuwa diinteena meel buu kaga dhacay waana isku keen dilayaa waana isku keen dirayaa, jeegaantiina haday laba geesood ahayd waxay u baahatay gees sadexaad oo saanbuus sadex gees ah la samaynaayo, dalka hadii aan laga dayn saanbuuskaas sadex geeska ah waxaanu keeni doonaa mid afar gees ah oo aan waligiiba hore loogu arkin.” Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu shirkaas jaraa’id ee ay warbaahinta kula hadleen uu ka seegay”Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa arintii yaabka lahayd ee fajicisada lahayd ee gaal iyo islaamba ka yaabisay ee ninka cadaanka ah ee beesha West Burco Clan shirkeedii soo farogaliyay, arimahaas waxa galiyay aad ayaanu ula yaabnay taariikhda la qarinaayo ee West Burco Clan oo aan qarsoomayn oo baryahanba ay ka shaqaynaysay jeegaantu, waxaanu u sheegaynaa wax la qarin karo in aanay ahayn. Waxaanu ka doonaynaa beel weynta West Burco Clan meel kasta oo ay ku nooshay in sidii Saleebaan Rushdi ninkaas loo raadiyo oo la horkeeno maxkamada caalamiga ah, waxaanuna leenahay haayad kasta oo uu u shaqeeyo ama jaamacada uu ka shaqeeyo waxaanu u sheegaynaa in aanu ninkaasu waxa uu sheegay aanay waxba ka jirin, beeshaas iyo Somaliland-na meel kaga dhacay.” Guddoomiye ku xigeenka guddida beesha West Burco Clan ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay “Ninkaas ahaa madaxa goob joogayaasha waxa uu soo farogaliyay wax ka duwan waxii shaqadiisu ahayd oo ah inuu qabaalika Somalilad farogaliyo, oo uu ku sheegay shirkii beelweynta West Burco Clan ay ku qabsatay Gacanlibaax iyaga oo aan soo hadalqaadin doorashooykii iyo goobjoogayaashii oo ka hadlay dantooda gaarka ah, waxa uu ku soo daray inuu West Burco Clan ku lug lahaa barnaamijkii Baadigoob, waxaanu arintaas u aragnaa inuu si dhaqan xumo ah ugu milmay beelaha Somaliland oo uu wax ka sheegooda ku soo dhiiraday, waxaanu u gudbin doonaa dacwad oo aanu looyaro u qaban doonaa cid kasta oo ay arintiisu xidhiidh la yeelato hadii ay tahay Jaamcadii soo dirsaday iyo cid kasta oo ay arintiisu gasho, waxaanu leenahay hadii uu ka tagay dalka intuu kalmadahaas foosha xun ee loo dhiibay sii yidhi kuma soo noqon karo, sababta aanu ugu soo noqon karina waa amaankiisa ilaa iyo uu soo cadeeyo oo uu keeno xaqiiqooyin, hadii u soo cadayn waayaana isaga ayaa la kulmi doona talaabo waafaqsan talaabooyinkii uu qaaday.”
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonnaa warbixin Kooban oo aan ka qornay Guddoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka Soomaaliya laga soo billaabo 1960-2018. Waa muhiim in la haayo xogta Garsoorka annagoo u kuur galeyna inaan helno war bixin wax ku ool ah oo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan bahda garsoorka. Waxaan si hor dhac ah idiinla wadaagi doonnaa warbixin kooban oo aan ka helnay Xafiiska warfaafinta ee Garsoorka Gobolka Banaadir. Gudoomiyayaashii soo maray Maxkamadda sare ee Dalka (Hogaanka Garsoorka). Alto Boronaajo (Talyaani 1960) raxman Sh.Cali Siciid (1968) Maxamud Sh.Axmed (1969) Axmed Shire (1974) Xasan C.laahi Faarax (1976) Maxamed Axmed Xuseen (1985) Axmed Xasan C.le Xasan (1988-1991) Adan Gaab (2000) Sh.Maxamuud Sulaymaan (2002) Yuusuf Haaruun (2004) Maxamuud Cumar (indhabuur 2007-2011) Caydiid Ilka xanaf (2011-2016) Garyaqaan Ibraahim iidle Suleyman (2016-2018) Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed (2018). Xafiiska Warfaafinta Garsoorka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ka dalbaday in la hakiyo musuq uu sheegay in lagu hayo hantida Qaranka. Raila Amolo Odinga, waxa uu Kenyatta u xaqiijiyay in boob lagu hayo hantida Qaranka, gaar ahaan kuwo ku jira Bankiga. Odinga, waxa uu Kenyatta qudhiisa ku eedeeyay inuu lunsado dhaqaale xad-dhaaf ah, balse ugu baaqay inuu qirto musuqa uu ka galaayo Qaranka. “Hantida Qaranka waxa ay u dhexeysaa Kenyatta iyo madaxda ka hooseysa waxaa nagu adag inaanu indhaha ka qabsano waxa dhacaaya”. “Waa inaan banaanka keena musuqa lagu hayo hantideena si meesha looga saaro tuhunada iyo boobka lagu hayo hantida”. Sidoo kale, Raila Amolo Odinga, ayaa madaxweyne Kenyatta u xaqiijiyay in boobka socda ay u hayaan cadeymo sidaa aawgeed la doonaayo in la xaqiijiyo boobka tagan. Haddalka Raila Amolo Odinga, ayaa imaanaya xili uu dib usoo noqonaayo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Uhurro Kenyatta. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com