Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The closure of most dispensaries and health centres in areas earmarked for the ongoing multi-agency security Operation Linda Boni has subjected expectant mothers and children to immense suffering. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (HOL) - Local media in Ethiopia have announced that council members from the Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP) have unanimously decided to appoint Mustafa Muhumed Omer as the acting president of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia. There will be regional state elections in 2020. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - Five Al-Shabaab militants were killed in a fierce fighting with the Somali National Army (SNA) on Tuesday evening, Somali officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  4. NAIROBI (Reuters) - United States forces conducted an air strike in coordination with Somalia’s army that killed two al Shabaab fighters, the U.S. military said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad hor leh kusoo bandhigtay Fagaare ku yaal Degmada Jilib kuwaa oo ku hubeysnaa hubka noocyadooda kala duwan. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay oo ku howlanaa ciida ayaa waxaa ka dhexmuuqday carruur yaryar oo la sheegay inay dhaleen Saraakiil iyo dadka deegaanka. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay ayaa waxaa ka dhexmuuqday dagaalyahaano wata tuutihii ugu dambeeyay ee dhawaan loo qeybiyay ciidamada 14-October. Dareeska ay watan maleeshiyaadka ayaa waxaa qeybiyay taliska ciidamada Militeriga waxaana la siiyay ciidamada 14-October oo dhawaan lagu wareejiyay amniga magaalada Muqdisho. Dareeska ciidamada 14-October ee hadda ay heystaan Al-Shabaab ayaa waxaa 14-Bishii July lagu weeraray barkoontarool oo ku yaala afafka hore ee beertanabada weerarkaa oo ay fuliyeen rag hubaysnaa kana tirsanaa Al-Shabaab. Horjoogayaasha ku labisan dareeska ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka Maxamed Abuu Cabdalla. Sidoo kale, Shabaab waxa ay soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha milateriga dawladda Soomaaliya kuwaa oo iyaguna laga furtay ciidamada Dowlada. CIIDAMADA DOWLADA OO KU LABISAN DAREESKA CUSUB
  6. Addis Ababa (PP) ─ Kulan Addis Ababa ay ku yeesheen xisbiga hoggaamiya DDSI iyo Odayaasha dhaqanka maamulkan, ayaa waxaa la iskula gartay in madaxweyne KMG ah loo sameeyo maamulka Soomaalida-Itoobiya, kaasoo xilka hayn doona tan iyo sannadka 2020-ka. Madaxweynaha KMG ah ee Maamulkan ayaa waxaa loo magacaabay Mustafa Muxumed Cumar oo loo yaqaan [Cagjar], isagoo maamulkan hoggaaminaya tan iyo inta doorasho laga qabanyo sannadka 2020-ka, doorashadaa oo lagu soo xuli doono mas’uulkii xilka ka beddeli lahaa. Sidoo kale, Madaxweynahan KMG ah ayaa xilka kala wareegi doona, Axmed Cabdi Maxamed oo xilka lo magacaabay markii ay rabshado ka dhaceen DDSI, kuwaasoo ka dhashay cadaadis la sheegay inuu deegaannadaas ka geystay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar. Dhanka kale, Madaxweynahaan cusub oo la isku raacay in uu xilkaas qabto ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn ugu kacsan madaxweynihii hore DDSI, isla markaana cambaareyn jiray xad-gudubyada ciidamadii maamulkaas ay kula kici jireen shacabka. Ugu dambeyn, Mustafa Cag-jar, ayaa bartay dhaqaalaha dhinaca beeraha, waana 45-jir ku dhashay Magaalada Dhagax-buur, isagoo lagu wado xilkan loo caleemo saaro, sida ay xubnaha xisbigu sheegeen. Gaba-gabadii, Deegaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday rabshado sababay dhimasho, dhaawac, boob iyo burbur hantiyeed oo loo geystay Soomaalida iyo dadka aan Soomaalida ahayn ee deegaannadaas ku nool. PUNTLAND POST The post Madaxweyne MEEL-KU-GAAR AH oo Maanta loo Magacaabay Maamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne. Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed. Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali MP Abdirizak Mohamed has strongly protested against country’s plan to pay a US lobbying firm $400,000 through the end of this year. Hon. Mohamed called paying Sonoran Policy Group (SPG) amounts to corruption. SPG based in Arizona signed a lobbying contract with the FGS to help Somalia to gain renewed funding for the country’s army and lifting ban on Somalis’ travel to America imposed by US president Donald Trump. “This is corruption at its ugliest form by our government. We can not afford to pay such egregious amount to US lobbying firm, while our government relies on foreign aid to sustain itself and feed its people. This is outrageous and unacceptable” he said. Hon. Mohamed added “ mismanaging aid and donor support constitutes corruption, and affects economic development as well as aid effectiveness”. He stressed there has been a growing consensus that these activities threatens development and may reverse hard gained progress. He called for increased efforts from International partners to help fight corruption, and other illicit activities that derail economic development and affect accountability and public transparancy. AGREEMENT The US lobbying firm agreement was signed jointly by Somalia’s UN envoy Abukar Osman and Christian Bourge, executive director of the SPG in earlier this month. The SPG firm commits to arrange talks with White House officials and lawmakers aimed at ending a partial of US suspension of funding for the Somali National Army forces. The firm will also facilitate a future visit to the US by Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed, the agreement stipulates. The payments to SPG of Sh 10 million ($100,000) per month for four months, entails other general work by the lobbying group to enhance Somalia’s image in the US, the agreement said. Last year, US suspened food and fuel aid to Somali government’s military forces over alleged rampant corruption scandal. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  9. Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa si qarsoodi ah u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”), sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Xog ay heshay PUNTLAND POST, ayaan ku ogaanay in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland bilowgii bishan August, 2018 Agaasimaha hay’adda PISA u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo ay heyb wadaagaan, kaas oo muddo dheer ka shaqeynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhanka amniga. Sidoo kale xogta ayaan ku ogaanay in Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo muddo ka cudur daaranayay in loo magacaabo xilkan, uu markii dambe ogolaaday in la magacaabo, wuxuuna hadda musuulkani ku sugan yahay magaalada Muqdsho oo uu horey uga shaqeynayay. Ha’yadda PISA ayaa timid kadib markii 28, June 2018 Golaha Xukuumadda Puntland isku raaceen in la mideeyo hay’adihii sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland Intelligence Service “PIA”) and Puntland Security Service” PSS”), iyadoo loo bixiyay magacan cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”). Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa Digreeto uu soo saaray 13 June 2018 xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii hay’adaha PIA iyo PSS, Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo Cabdullaahi Aadan Maxammed (Ulle). Hay’adaha PIA iyo PSS ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa kuwo howl-gab ah oo aan sidii loogu talagay u shaqeynayn, lamana ogo mideyntoodu waxa ay ku soo kordhin doonto amniga Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo muddo xilliyeedkiisu sii dhamaanayo ayaa in dhawaale waday isbedelo uu ku sameynayay saraakiisha hay’adaha Puntland, kuwaas oo uu in badan u magacaabay shakhsiyaad ay heyb wadaagaan. PUNTLAND POST The post Xog:- Yaa loo magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (PISA)? appeared first on Puntland Post.
  10. War-saxaafadeed ka maanta ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada arday ay Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland dil iyo bara-kicin joogta ah ku hayso shacabka gobolka Sool,gaar ahaanna degmada Laascaanood,waxaana ku xusan magacyada laba qof oo Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen halkaasi iyo kuwa ay sheegtay in la dhaawacay. Puntland waxay sheegtay in 20-kii bishaan August ciidamo ka amar qaata Somaliland ay magaalada Laascaanood ku dileen laba arday oo kala ah,Shaafici Cabdi Goox iyo Barwaaqo Cabdirashiid Warsame,islamarkaana dhaawacyo culus la gaarsiiyay arday kale. Puntland waxay sidoo kale war-saxaafadeedka ku wargelisay dowladda Soomaaliya,hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka in Somaliland dhibaato dil, cabudhin iyo bara-kicin ku hayso shacabka dedgmada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool,sida hadalka loo dhigay PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay dad Laascaanood lagu laayay appeared first on Puntland Post.
  11. MARKA, Somalia (Caasimada Online) – Heavy fighting broke out last night between Somali army forces and Al-Shabaab fighters in Marka town, some 91km southwest of the capital Mogadishu. The clash flared up in Jilib-Marka area after heavily armed fighters launched gun attack on police station and military base, a policeman Mohamed Hussein said. Hussein says the Al-Shabaab fighters raided bases manned by government soldiers, leaving 3 people dead. Up to 7 other people were reportedly sustained injuries from the latest fighting in the coastal town of Marka. The group’s fighters also fired several mortar rockets at military bases, according to a witness, who asked to be anonymous. He told Caasimada Online that the skirmish had lasted for an hour, saying both sides used heavy and slight weapons during the fighting. Neither Somali military nor Al-Shabaab has commented on the gun battle that took place in the coastal town in south of Somalia. The militant group has lost the coastal town of Marka to Somali army forces following joint military offensive earlier this week. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ee ka Dagaallanta Somalia ayaa lagu arkay sawirro ay baahiyeen iyagoo xiran dharka ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay, taasoo la yaab ku noqotay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Al-shabaab ayaa muuqaalladan baahiyay shalay oo ahayd maalintii koowaad ee ciidul-adxa, iyagoo dhoolla-turs ciidan kusoo bandhigay Degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay gabi ahaantiis gacanta ku hayaan. Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Somalia, gaar ahaana dharka guutada 14-ka Oktoobar oo Qaraxii Zoppe kaddib la dhisay, si ay uga hortagaan falalka Al-shabaab ay Muqdisho ka geysanayso. Sidoo kale, Waxaa kaloo waxyaabaha ay soo bandhigeen ka mid ah gaadiid dagaal oo ay ciidamada Somalia iyo kuwo ay Kenya ee AMISOM ka tirsan ay leeyihiin, iyagoo ku xiran calanka lagu yaqaan Al-shabaab. Dharka guutada 14-ka Oktoobar, ayaa wuxuu shakigiisa ugu weyni soo if-baxay weerarkii la damacsanaa in lagu qaado madaxtooyada Somalia bishii lasoo dhaafay ee July, iyadoo kooxihii weerarkaas fulinayay ay xirnaayeen dharka ciidamadan u gaarka ah. Xilligaas ayaa waxaa shaki abuurmay dartiis xilalkooda ku waayay qaar ka mid ah saraakiisha hay’adaha ammaanka, inkastoo aysan jirin tallaabo ka badan intaas oo ay dowladdu qaadday. Dhanka kale, Khuburo Amni ayaa waxaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay dharkaas ku heshay dagaallada ay ku qaadaan ciidamada iyo ilo kale oo ka mid ah Dowladda Somalia, inkastoo aan weli si dhab loo ogeyn halka uu ka soo galay. Ugu dambeyn, Waxaa jira shakiyo fara badan oo ku aaddan cidda dharkan Al-shabaab u gudbiya, iyadoo kooxdan ay u muuqato inay xubno ku dhex-leedahay Dowladda Somalia, taasoo wiiqi karta qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo lagu arkay direyska cusub ee Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Kismaayo (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay lala beegsaday xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, kuwaasoo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay laba xubnood oo Ururka Al-shabaab ka tirsanaa, isla markaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeyntan. “Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Somalia waxay weerar ku qaadeen xagjirinta Al-shabaab oo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari uga aadan Kismaayo, waxaan ku dilnay laba argagixiso ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska AFRICOM. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaan sheegin magacyada labada ruux ee ay sheegeen inay ku dileen duqeynta ay la beegsadeen, inkastoo tani ay qayb ka tahay duqeymo xilliyadii dambe lala beegsanayay xubnaha ugu sarreeya Al-shabaab. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa toddobaadyo ka hor sidan oo kale duqeyn ay geysteen ciidamada Mareykanka waxaa lagu dilay xubno dhawr ah oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen saraakiil sare. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Somalia sida Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Taliska AFRICOM oo sheegay inay duqeyn cirka ah ku dileen xubno ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The US military says it has carried out an airstrike in south of Somalia, killing 2 Al Shabaab fighters. The strike was conducted on Tuesday about 46 kilometers (28 miles) northeast of the coastal town of Kismayo. A statement issued by the US Africa command said it had killed 2 Al- Shabaab fighters in the drone strike. US military assesses that no civilians were killed in the airstrike against Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. The Trump administration approved expanded military operations against extremists in Somalia, including al-Shabaab, which is linked to al-Qaeda The U.S. has carried out 20 such strikes this year against the Somalia-based al-Shabab. The al-Qaida-linked group is the deadliest Islamic extremist organization in sub-Saharan Africa and it often targets Somalia’s capital, Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno illo diplumasiyiin ah ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka. Heshiiska dowlada Somalia iyo Shirkada u dhexeeya ayaa la sheegay inuu ku qotomo sida ay dowlada ugu matali laheyd xafiisyada muhiimka ah ee Mareykanka. Heshiiska u dhexeeya dowlada Somalia iyo Shirkada lagu magacaabo SPG ayaa waxaa ku baxeysa dhaqaale dhan $400,000 oo dollar-ka Mareykanka ah,waxaana heshiiska bishan Somalia u saxiixay Abuukar Cismaan Baalle oo ah Danjiraha Soomaaliya ee QM. Shirkada SPG ayaa waxaa heshiiska dhankeeda uga saxiixay madaxa fulinta SPG Christian Bourge, oo uu fadhigeedu yahay Gobolka Arizona. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in shirkadan ay dowladda Somalia ka saacidi doonta u ololeynta in cunaqabateynta Kaalmada Ciidanka ah ee saaran Somalia ay ka qaaddo dowladda Mareykanka. SPG waxa ay sidoo kale ka shaqeyn doontaa sida ay dowlada Somalia u heli lahayd dib u cusbooneysiinta Kaalmada Mareykanka ee Somalia ee dhinaca amaanka ah. SPG, waxa ay sidoo kale kaalin weyn ka qaadan doontaa in Somalia laga qaado xayiraada dhanka socdaalka ah ee saaran Somalia iyo in sharikaddan ay Somalia ku matasho meelaha lagu jaangooyo Siyaasadda Mareykanka. Musuqa Xubnaha Dowladda Soomaaliya dhexdeeda ah ayaa sabab u noqday in Mareykanka uu joojiyo kaalmadii dhinaca milatariga sida uu horay u sheegay Mareykanka. Sidoo kale, shirkadan lagu magacaabo SPG ayaa horay wakiil uga noqotay dalalka Afghanistan, Saudi Arabia, Kenya, the Czech Republic, The Kingdom of Bahrain iyo Nepal iyo kuwo kale,waxaana ay dalalka kala shaqeysaa sidii ay waddamada u heli lahaayeen kaalmada Mareykanka. Heshiiskan Sharikadda SPG waxaa ay bishiiba qaadan doontaa $100,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu qandaraaskan soconayaa muddo afar bilood ah. Dhinaca kale, Dowlada Somalia iyo SPG ayaa heshiis ku gaaray in muddo kooban looga miro dhaliyo qorshaha lagu heshiiyay si xal loogu helo baahiyaha ay Somalia kaga xiran Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Gaalkacayo-[Puntland Post] Dhismaha Garoonka kubada cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah loo bilaabay. Dhisida garoonka kubada cagata ee Gaalkacyo ayaa la rabaa in lagu dhiso qaab isku tashi ah, waxaana ka qeyb qadanaya shacabka qaybihiisa kala duwan. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Dhismaha garoonka cayaaraha Cawaale ee Gaalkacyo oo la bilaabay appeared first on Puntland Post.
  17. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa amar ku bixisay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi Getachew assefa. Dowlada oo jartay warqada lagu soo xiraayo Getachew assefa ayaa hay’adaha amaanka fartay in lasoo xiro, kadib markii bartiisa la waayay muddo ku dhow bil. Qoraalo kala duwan oo kusoo baxay wargeysyada kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday Getachew assefa, isla markaana aaday dhanka Sudan. Waxa ay qoreen in Getachew assefa uu muddo ku dhow bil ku dhuumaleysanaayay Gobolka Tigray oo uu ka soo jeedo. Waxa ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada in Mr Getachew assefa uu qoyskiisa kala baxay dalka Ethiopia sidaana uu ku baxsaday. Getachew assefa, ayaa waxaa loo heystaa kiisas la xiriira Awood sheegasho, Meel ka dhaca xuquuqda aadanaha, Xariga iyo dilal toogasho ah oo lagu fuliyay dad tuhmanayaal ah. Sidoo kale, Wargeyska tesfanews ayaa qoray in dowlada Ethiopia ay baadi-goob xoogan ku heyso Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo ka danbeeyay dilal sharci daro ah oo ka dhacay dalkaasi, waxaana gacan ku dhigistiisa loo xil saaray gudiyo ka tirsan Hay’adaha amaanka dalkaasi. Abiy Axmed, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa isbeddel ku sameeyay Hay’adaha amaanka dalkaas,waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Ethiopia. Abiy Axmed, waxa uu xil ka qaadis kadib amar ku bixiyay in la baaro dhammaan shaqsiyaadka xilka laga qaaday waxaana kamid ahaa Getachew assefa, oo aad loo raadinayo. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa baaritaano ku heysa mas’uuliyiin badan oo dhawaan laga qaaday xilka kuwaa oo la tuhmaayo. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  18. MOGADISHU (Caasimada Online) -Phumzile Mlambo-Ngcuka, the Executive Director of the United Nations entity dealing with issues related to gender, UN Women, has encouraged Somalia to continue making progress in the areas of gender equality and women’s empowerment. Ms. Mlambo-Ngcuka’s comments were made on Sunday in Baidoa, the interim capital of Somalia’s South West State (SWS), at the start of a three-day visit to the country, said UNSOM, the UN Assistance Mission in Somalia. Visiting as part of a delegation led by the Somalian Minister of Women and Human Rights Development, Deqa Yasin, Ms. Mlambo-Ngcuka met with the acting president of South West State, Hassan Hussein Mohamed, cabinet ministers, female members of the SWS regional assembly and civil society representatives. There are 31 female legislators in South West State’s parliament, more than in any of Somalia’s other states. Ms. Mlambo-Ngcuka congratulated Mr. Mohamed for the high participation of women in the parliament, whilst urging him to go further, saying “We expect you to do even better in the future.” Somalia is currently reviewing its constitution, ahead of federal elections planned for 2020. The previous federal elections, in 2016, were held under an indirect suffrage system, which a report from UNSOM, released earlier this month, credited with the formation of a more diverse Parliament: almost a quarter of those elected were women, up from 14 per cent in 2012. The report called for the 2020 elections to establish a system of representation that is inclusive of all citizens, based on the one person, one vote principle. Speaking during Ms. Mlambo-Ngcuka’s visit, Minister Yasin said: “We can have an impact on the constitutional review process to make sure (a future constitution) contains language that gives women opportunities in a very specific way, so that girls and women will benefit in the future.” With the UN Official’s visit to Baidoa coinciding with World Humanitarian Day, Ms. Mlambo-Ngcuka took the opportunity to thank humanitarian workers in the country for their sacrifices and their dedication to communities who are targets of violent people and extremism. Since the beginning of the year, there have been an estimated 74 incidents of violence affecting humanitarian personnel in Somalia, resulting in the deaths of seven workers. A further 18 were abducted, and six are still being held captive. “We are there with them every step of the way,” added Ms. Mlambo-Ngcuka. “(We) call on all of those who work in the humanitarian space to have targeted interventions to ensure that the security of women and girls is addressed and their participation as leaders and not just as victims is also enhanced.” On arrival in the country on Saturday, the senior UN official met with Prime Minister Hassan Ali Khaire and Foreign Minister Ahmed Isse Awad in the capital, Mogadishu, as well as with women representatives from the business community, politics and civil society. Sources: UN
  19. Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celiyeen gaadiid lagala soo baxsaday dowlad degaanka ismaamulka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay gacanta ku dhigeen xiligii ay rabshadaha ka dhacayeen deeganada maamulka oo ay lasoo baxsadeen dhalinyaro boob waday. Mahad Maxamed Xasan, oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarada amniga Galmudug, ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gaarigani oo lala soo galay degmooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Galgaduud oo xiga dhanka ismaamulka Itoobiya. Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Hal gaari baa wareejinay hadda oo laga la soo goostay dowlad degaanka ayaa lagu qabtay degmada Balanbal waana celinay, sababtu waxaa weeye waxaa naga dhaxeeysa wada shaqeyn amni DDSI waxaana ku raad joognaa gaadiid kale” “Waxaa jira gaadiid kale oo ku dhex jira deeganadena waxaanu ku howlanahay gacan kusoo dhigistooda” Sidoo kale, Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegay in deegaanada maamulkooda ay kusoo dhuunteen dad dhibaatooyin kasoo geestay dhulka Soomaalida, kuwaa oo qaarkood lasoo galay hanta uu lahaa maamulka, hase yeeshee ay ku raad joogan si hantidaasi loogu wareejiyo maamulka. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Somaliland ay sidoo kale gacanta ku dhigtay gaadiid la gala soo goostay maamulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  20. As the ruling coalition (EPRDF) 36-member executive committee (it is the highest government body of the party) continues its meeting for a second day, reports emerged today that an arrest warrant has been issued on Getachew Assefa. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online): Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa shalay iyo maanta buux dhaafiyay xaafada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta ugu haboon ee loo dalxiiso xilliyada munaasabadaha. Dadka oo 17ka degmo ee gobalka Banaadir ka yimmid ayaa u badnaa caruur iyo haween, halka ragu ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen fantasyaha iyo damaashaadka xaafada Daarusalaam. Boqolaal ruux ayaa sidoo kale ku tukaday salaadii ciida. Goobtan oo ah mid amaan ah, waxaa xiliyada ciidaha ka muuqda isbadal ballaaran, waxaana lagu soo kordhiyaa adeegyo qaas ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam. Bulshadii tagtay shalay iyo maanta ayaa uga mahad celiyay maamulka Daarusalaam sida ay isugu xilqaameen in dadka reer Muqdisho ay helaan goob qurux badan, nadiif ah, oo amaankeeduna sugan yahay oo ay ku damaashaadan. Maamulka Xaafada Daarusalaam oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in adeegyo aan horey u jirin ay soo kordhiyeen ciidan, si ay u qanciyaan kumanaanka ruux ee usoo dalxiis taga xaafada. Daarusalam waa goobta ugu ballaaran oo lagu dalxiiso oo ku taalla Muqdisho, waxaana dhisay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah. Caasimada Online Muqdisho-office caasimada@live.com
  22. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyah Maamulka Puntland Cabdi weli Gaas ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay dhaqaale xoogan ku bixiso dagaalka ay qaado Al-Shabaab. Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay garab u tahay Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo tilmaamay inay jiraan cadeymo badan oo muujinaaya taageerada. Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in cadowga qalqalka amni ku haya Puntland ay ka kooban yihiin Seddex qeyb, waxa uuna qeybta koowad iyo labaad ku kala sheegay Al-Shabaab iyo Daacish, halka qeybta seddexaad uu ku sheegay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab,Daacish ay taageero ka helayaan cadawga deriskooda ah,oo uu ku sheegay Somaliland sida uu hadalka u dhigay Cabdi weli Gaas. “Somaliland waan la socnaa in si hagar la’aan ah ay u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish, marka uu arrinku sidaa yahay Puntland waxaa ku waajibtay inay is difaacdo” “Puntland waxa ay cadeyn buuxda u heysaa qaabka ay Somaliland u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish waxaanu xaqiijineynaa in dhaqaale xoogan ay ku bixiyaan silo qalqal galiyo amniga Somalia inteeda kale” Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cidkasta oo ku soo duusahay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland ay caqabad ku tahay xasiloonida deegaanada Puntland. Haddalka Cabdi weli Gaas, ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi uu isna ku dhawaaqay in maamulkiisa iyo shacabkuba ay iska difaacayaan Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  23. Kismaayo (Caasimada Online)-Jubbaland waxa ay markii labaad dhinac isaga riixday magacaabis ka timmid Muqdisho, halkaas oo fadhi u ah Dowlada dhexe ee Somalia. Waxaa labbada jeerba saraakiisha laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay qalad ay ku kacday Jubbaland. Caasimadda Online waxa ay la xiriirtay xubno sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland si ay u weydiyaan sababta ku qasabtay iney ka hor yimadaan amarrada dowlada dhexe madaama uu dalka federaal yahay, waxaana ay xubnahan sheegeen in Xamar laga abaabulaayo qorshe lagu duminaayo Jubbaland, ayna qallad tahay in qof ugaarsi lagu hayo loo soo diro xubno dadka lagu marin habaabinaayo si loo muujiyo in labbada dhinac ay wada shaqeyn ka dhaxeyso. Jubbaland waxaa ay sheegtay in aaney wax taageero ah ka helin Villa Somalia mudooyinkii lasoo dhaafay, sidaa aawgeed ay go’aan uga gaaren xiriirka kala dhexeeya dowlada. Waa dood culus sidee maamul aadan waxba ka taageerin ugu qasabto inuu qaato amaradaada, waxaana meesha ka maqan is garabsiin, si taa lamid ah waxaa meesha ka baxeysa qaadashada amarada dowlada. Hadii aad maqasho Federaal waa in dowlada dhexe hormarisaa gobolada laakiin ma`ahan dumin ayuu yiri sargaal sare oo ka tirsan Jubbaland. Docda kale, Dhowr jeer ayuu madaxweynaha Jubbaland ku yiri dowlada dhexe aan wada shaqeyno oo dhaqanka wax ka badala hase yeeshee way diiday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  24. Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay iyo saaka ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose,sida laga soo xigtay dadka magaaladaasi. Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan degmada Marka xalay ka soo weeraray dhanka degaanka lagu magacaabo Jilib-marka,waxaana markii dambe dagaalkaasi ku fiday xaafado ka tirsan magaalada,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale duqeymo culus oo ay is-weydaarsanayan dhinacyada dagaallamay ayaa laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha Marka,inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya oo ku sugan halka lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab dib looga riixay magaalada Marka,islamarkaana dagaal-yahanno looga dilay halka kuwa kalena nolosha looga qabtay,sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo saraakiishu sheegeen in weli ciidamadu ku sii siqayaaan degaanno horleh oo Al-shabaab gacanta ku hayso,laakiin waxay ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan khasaaraha dhankooda gaaray. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Dagaallo culus oo ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Maalmahii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay dadka lagu eedeynaayo Musuq-maasuqa ee ay soo xirayaana ciidamada ammaanka, ilaa iyo hadda dadka musuq-maasuqaa lagu eedeeyay waxaa ka mid ah Wasiirro, Agaasimayaaal, Taliyaal ciidan iyo garsoorayaal maxkamadeed, arrintaan waxey taagneed boqolkii cisho ee ugu dambeysay, dad badan waxey is weydiinayaan waxa bilahii ugu dambeeyay xoojiyay arrintaan. Shabakadda caasimadda waxay la xiriirtay aqoonyahan Khaliif Nuur oo aad u darsa siyaasadda soomaaliya, waxaana weydiinay sida uu u arko qorshaha musuq-maasuq la dirirka ee dowladda, wuxuuse aaminsan yahay iney isaga leexinayaan culeys siyaasadeed oo heysta. Dowladda madaxweyne Farmaajo wax badan kama qaban amniga, garsoorka, shaqo abuurka, siyaasadda arrimaha dibadda, dub u heshiisiinta iyo dhameystirka Dastuurka (sideed iyo tobankii bilood) oo uu xilka hayay, waxaana muuqata iney bilaaban doonaan doodo ku saabsan waxqabadkooda. Si ay ra’yul caamka u qaldaan waxey hadda bilaabeen iney dad musuq-maasuq u xiraan, aqoonyahan Khaliif wuxuu sheegay in mudada uu farmaajo xilka hayay ay dhaceen musuq-maasuqyo waaweyn oo la yaqaano dadka ku lugta leh, hadana aan waxba laga qaban, wuxuu laba kacleynta musuq-maasuq la dirirka xilligaan ku tilmaamay jahawareerin siyaasadeed. “Ma jiraan wax ka run ah iney la dagaalamayaan musuq-maasuq, waayo waxaa heysta culeys siyaasadeed oo ay rabaan iney arrintaan ku damiyaan, bulshada soomaalidu waa ka dharagsan tahay waxa hadda socda, waxaana loo baahan yahay wax ka weyn agaasimayaal musuq-maasuq lagu eedeeyo, mudada u hartay Farmaajo iyo waxa horyaalla aad bey isku diidayaan” ayuu yiri aqoonyahan Khaliif Nuur. Wuxuu sidoo sheegay inaan beesha caalamka lagu marinhabaabin Karin musuq-maasuq la dirir been ah, wuxuu qabaa iney dadka musuq-maasuqqa lagu tuhmaayo iyo dadka la beegsaday ilaa hadda iney tahay arrin is diideysa, wuxuuna kula taliyay Farmaajo iyo Kheyre iney runta abaaraan oo ay dowladnimada ka run sheegaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com