-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Soomaali-galbeed waxa uu saameyn ku leeyahay Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Dhaqanka, magaca, sumcada iyo Dawladnimada Soomaaliya iyo qof kasta oo Soomaali ah halka uu dunida ka joogo. Cumriga dawlad-deegaanka Soomaali-galbeed waxa uu jiraa 25 sano oo Tegree xukumaysay dalka Ethiopia, waxaana isbedelay mudadaas 12 Madaxweyne oo qaarkood joogay 4 bill kaliya, mana jirin mid dhameystay xilligiisa markii laga reebo Cabdi Maxamuud oo dhameystay 9 sano. sababtuna waxa ay aheyd Tegree oo raadinaysay qof ay is famaan oo u fuliya qorshihii ay ka rabtay Soomaaliya. 17 sano kadib markii ay ku daashay kana siib, kana saar ayey ka heshay Cabdi Maxamuud sumadihii ay raadinaysay, waxa ayna siisay kalsooni buuxda, dhaqaale iyo maleyshiya farabadan oo uu ugu fuliyo ujeedooyinkeeda. Hadaba casharada iyo fariimaha uu dirayo Qaraxa siyaasada iyo isbedelka 360 Digree wareegay mar kaliya ee ku kooban Gobalka Soomaalida maxaa sababay; 1-Dulmigii,Tacadiyadii iyo Caburintii dadka Gobalka oo xadkii dhaaftay kadibna dhalisay Qarax aan loo dul-qaadan karin, lana aamini karin mar danbe xubnihii ku jiray maamulkii Cabdi Ilay. 2-Haraadigii Tegree oo weli raba in uu ku adeegto maamulkii hore ee Jigjiga, colaadna dhex-dhigo Soomaali iyo Oromo. 3-Soomaalidii Gobalka oo Qabiil-Qabiil iyo Degaan-Deegaan loo kala qeybiyey, fitnana la dhex-dhigay, halka ay Qowmiyadaha kale mid mid yihiin. 4-Madaxweyne-yaashii soo maray Gobalka oo u badnaa hal beel markii laga reebo laba, hadana Tacadiyadii ugu badnaa ay ku dhaceen beeshaas oo isku qaadatay eedii difaaca nidaamka iyo dulmigii ugu xumaa ee ku dhaca shucuubta Geeska Afrika. 5-Halgankii ONLF oo ku soo dhamaaday mira la’aan kadib markii ay hana waayeen maamulka Gobalka ayna lumiyeen kalsoonidii dadka Gobalka. 6-Kooxaha iyo Axzaabta kale ee Gobalka oo aan abaabulnayn, diyaarna u aheen in ay buuxiyaan kaalintii maamulkii rajiimka. 7-Dawladda Federaalka oo isbedelka ay ka rabto Gobalada ku tijaabinaysa Gobalka Soomaalida, haddii ay ku guulaysatana si fudud ugu gudubto kuwa kale. Sababahaas ayaa keenay dood iyo is jiid-jiid kadib in Madaxweynaha Gobalka loo doorto Mudane Musdhafa Cagjar oo aan ka tirsanayn Xisbiyada Gobalka iyo ONLF, uuna noqday qof aan loo hayn eedo hore, laguna midoobi karo, dejina kara kacdoonka iyo guuxa Gobalka, isla maanta ayuuna bilaabay laba qodob oo saldhig u ah, Astaamaha Somaalinimada, midnimada iyo kalsoonida Somaalida Gobalka iyo rajada Soomaalida kale sida: 1-Bedelida magacyadii “Soomaalida Ethiopia” “Gobalka Ogadenia” “Kilinka 5 aad” iwm, loona bedelay “Dawlad-deegaanka Soomaaliya” “Soomaali-galbeed” “Qowmiyadda Soomaaliyeed” Iwm. 2-Calankii oo lagu soo celiyey kii ay Tegree-gu bedeshay oo lahaa astaanta Calanka iyo Xidigta 5-ta Somaaliyeed. Inkasta oo aad loo soo dhaweeyay doorashada M. Musdhafe hadana waxaa horyaal; 1-Fursado badan oo uu ku guulaysan karo sida:-dadka oo ka daalay dulmi iyo caburin una ooman nabad iyo xorriyad, kooxihii dulmiga iyo caburinta oo fashilmay, isbedelada Gobalka iyo dadka Somaaliyeed oo rabta xasiloonida Soomaali-galbeed iwm. 2-Caqado fashili kara haddii aan laga hor-tigin sida;- kooxihii dulmiga iyo caburinta oo ku jira xididada dawlada fedaraalka welina jooga Gobalada kale, Soomaali yar oo weli rabta; gobalaysi, qabiilaysi, xukun marooqsi, eex iyo qof jaclaysi iwm. Waxaa laga bartay doorashada M. Musdhafe:- 1-In uusan dulmi daa’im noqon-karin awood iyo magac kasta oo uu yeesho. 2-In halgan kasta oo aan lagu dhisin aragti dheer iyo wada sax ah uu ku dhamaado mira la’aan. 3-In Xisbi ama koox kasta ee wayda kalsoonida dadka uu ka qiima badan yahay hal qof oo kalsooni haysta. 4-In qofkii ku adkeysta mabda’ iyo Mowqif hufan oo cad ugu danbeynta lasoo raadinayo kaligiisba ha noqdee. 5-In Gobalka Soomaali-galbeed uu xuddun iyo laf-dhabar u yahay Gobalada kale ee Soomaaliya, lana qeybsanayaan guul iyo guul-daro, col iyo nabad, dhib iyo dheef iwm. W/Q:- Dr. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guul darraystay in uu adeegsado wadooqooyinka dublamaasiyadeed, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyaga oo aan wax magdhaw laga siinaynin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo” Sikastaba ha ahaatee wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo AgriSA ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah. ISHA BBC
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Mustaf, waxa uu sheegay in dagaalka labada Qowmiyadood uu soo laalaabtay, hase yeeshee ay ka qaadan doonaan go’aan adag oo lagu hakin doono colaadaha sii baahaya. Mustaf, waxa uu sheegay in isagu qorshihiisu uu yahay dhowrista,dhaqanka diinta iyo waxkasta oo nabada ka soo horjeeda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in gacan bira ay ku qaban doonaan cid kasta oo Soomaalida loona arko inuu hurinaayo colaada Oromada. Waxa uu Mustaf carab ***** inuu ka shaqeyn doono mideynta Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyadoo la ixtiraamayo shacabka Oromada ee deriska la ah Soomaalida. Madaxweyne Mustaf, waxa uu sigaara u sheegay inaysan ogolaan doonin in marnaba la dagaalamo,balse dadka dhaliilaya maamulkiisa uu u ogolaanayo inay keenaan aragtiyo ka duwan siyaasadiisa. “Maaha inaanu noqono kuwo mar waliba usoo jeeda colaad iyo dhiig daadin anigu ma aqbali doono dagaal ooge, waxaan doonayaa in halkii laga dagaalami lahaa laga noqdo kuwo horseed u noqda nabadda, waxaanu aqbali doonaa in maamulkeyga la dhaliilo” Sidoo kale, dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopi ayaa ah mid waqti badan soo socday,waxaana weli ku guuleysan in xal laga gaaro dagaalkaas madaxda soo martay deegaanada. Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda kaalin weyn ka qaadan doonta xal u helida colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Xoghaye yaasha arimaha dibeda mareykanka iyo kenya ayaa la filayaa in kulan degdeg ah ay ka yeeshan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kulanka Xoghaye yaasha ee looga hadlaayo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa gogol xaar u ah fadhiga ay yeelan doonaan isniita madaxweynaha mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kenya Uhuuro Kenyatta. Kulanka ay yeelanayaan Michael Pompeo iyo Monica Juma ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ay labada madaxweyne diirada saari doonaan is araga kulankooda oo ka dhacaya dalka mareykanka. Madaxweynayaasha mareykanka iyo Kenya ayaa waxay isla soo qaadi doonaan xoojinta xiriirka fog ee labada dhinac u dhaxeeya arimaha ganacsiga iyo amaanka qaarada Africa, Soo afjarida dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Shabaab laga sifeeyo dalka Kenya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in Al-Shabaabka ku sugan Kenya lasoo afjaro iyadoo lala gali doona dagaal cirka iyo dhulka ah. Dowlada Kenya oo ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal waxay kula Jirtaa kooxda Al-Shabab oo sanadihii ugu danbeeyay weeraro ka geysaneysay gudaha dalkeeda,halka maamulka Trump uu xoojiyay weerarada dhanka cirka ee kooxdaas tan iyo markii uu xilka qabtay. Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegay in uu kenya ka taageerayo dagaalka lagula Jiro kooxaha Argagixisada gaar ahaan ururka shabab. Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa dhanka kale waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo diyaarada qaran ee kenya Airweys ay bilaabi doonto bisha October ee nasoo aadan dulimaad toos ah oo ay ku tageyso Nairobi iyo Newyork,kadib heshiis labada dowladood ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa maanta lagu wadaa inuu bilaabo la kulanka 1,000 qof oo Soomaalida kasoo jeeda dhulka Soomaalida. Abiye Axmed waxa uu si gaar ah ula kulmayaa hoggaanka siyaasadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo ay wehlin doonaan waxgarad iyo dhalinyaro lasoo xuli doono. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dadka uu la kulmayo waxa ay iminkaba ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Ethiopia. Dowlada Ethiopia ma aysan sheegin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi. Arrintan waxa ay imaaneysaa iyadoo Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ay maalin un kahor Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Thirty five Ethiopians have been returned to their country after completing their one month jail sentence at the Wajir prison, where they were being held after being found in Kenya illegally. Source: Hiiraan Online
-
Know anyone who decided to study teaching or art for the money? Didn't think so. TIME, using data from work done by the Georgetown University Center on Education and the Workforce, entitled "What's It Worth: The Economic Value of College Majors", report some of the lowest earning majors an undergrad can pursue. (For more, see: The Declining Value of a College Degree.) Source: Hiiraan Online
-
On August 14, Ilhan Omar, a five-foot-tall Somali immigrant who moved to the United States from a refugee camp when she was 12, became the second Muslim woman to win a major party primary in a federal election. Source: Hiiraan Online
-
One afternoon in 1993, as Carolyn Treadway looked out through her house window, she caught the sight of a woman in a traditional Islamic garment practicing parallel parking between mobile cones beside Faribault's Central Park. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis city leaders and residents came together Thursday to mark the opening of Samatar Crossing — a former freeway ramp converted into a crossing for pedestrians and bicycles and connecting downtown with the city’s Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Australia appears set to get its sixth change of prime minister in 11 years on Friday in a ballot of government lawmakers which would continue an era of extraordinary political instability. Source: Hiiraan Online
-
In general, my intellectual curiosity has been the source of my political awakening that led me to focus upon the role of human fallacy in the business of governance. Provocative and compelling readings and Source: Hiiraan Online
-
Ipsos Synovate lead researcher Tom Wolf has responded to Kirinyaga Governor Anne Waiguru’s threats to sue the research firm following its recent survey which listed the former Cabinet Secretary for Devolution among the most corrupt political leaders in the country. Source: Hiiraan Online
-
Jeddah (HOL) - Two Somali Nationals were killed in a stampede during the Holy Pilgrimage in Mina city near Mecca on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Somalia waxaa lagu eedeeyaa iney ahmiyad badan siiso baraha bulshada isla markaana lacago bandanna ay ku bixiso. Waxaa arrintaan sii xoojiyay Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yalla wadanka Ethiopia, isagoo wareysi siinayay barnaamijka (Gal Baarista ee VOA-da) wuxuu sheegay in dhawr jeer laga codsaday inuu dowladda ka caawiyo in la istaajiyo kacdoonkii ka socday baraha bulshada mudadii uu xirnaa. Wuxuu sheegay in loo soo jeediyay inuu hadlo si loo joojiyo xaaladii taagneed xilligaas. “Waxaa ii yimid xubno ka tirsan sirdoonka Ethiopia iyo qaar ka mid raggii gacanta igu hayay, waxey ii sheegeen in dowladda Soomaaliya uu culeys saaran yahay kaas oo dhanka baraha bulshada ah kuna saabsanaa arrinteyda, waxey i yiraahdeen “Fadlan hadal oo waxaad tiraahdaa waxaan ahay Ethiopian oo anigaa halkaan immid dowladda Ethiopia-na wadahadal kula jira, xor ayaan ahay si dowladda uu uga istaago kacdoonka ka socda baraha bulshada, balse waan diiday” ayuu yiri Qalbi Dhagax. “Mar walba waxaan aaminsanaa inaan ahay Soomaali, soomaaliduna ay isku mid ii tahay, mana rabin inaan ka laabto qaddiyadeyda, ragii markaas gacanta igu hayay wey ku kala qeybsameen codsigii ahaa in la joojiyo kacdoonkii ka socday barbaraha bulshada iyadoo aniga la i adeegsanayo, qaar ka mid ah ayaa diiday oo yiri lama qasbaayo hadii uusan raali ka aheyn, anigana raali kama aheyn” Hadalka Qalbi dhagax wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad u siineyso baraha bulshada taas oo niyadjab ku rideysa dad badan oo aaminsanaa iney dowladda waxqabadka guud xoogga saareyso. Dadka arrimaha Villa Somalia u dhuunduleela waxey talo ahaan soo jeedinayaan in Farmaajo iyo Kheyre laga doonayo iney la yimaadaan wax ka weyn baraha bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa ku dhawaaqay in dib loo bedelaayo calanka iyo magaca maamulka DDSI. Mustafe Cagjar, ayaa hadalkan u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis ababa waxa uuna ka hor cadeeyay in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in calanka uu doonaayo inuu yeesho maamulka uu yahay Calanka qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, markii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar. Mustafe Cagjar, waxa uu intaa raaciyay inuu ka shaqaynayo sidii kalmadda Ethiopia looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Ethiopia”. Mustafe Cagjar, waxa uu sidoo kale sheegay in dib loo soo celin doono heesta calanka ee aheyd Soomaaliyey toosa. Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida. Docda kale, waxa uu ka digay in laga shaqeeyo amni darro ku imaada deegaanada maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamulka iyo dhulkuba ay yihiin kuwo hadda degan. HOOS KA FIIRSO NOOCA CALANKA UU RABO MUSTAFE CAGJAR