-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, Faadumo Cismaan Faarax ayaa eedeyn kulul u jeedisay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia, iyadoo ku eedeysay inuu fara-gelin ku haayo Xafiiskeeda, iyadoo warqad ay arrintan uga cabanayso u dirtay xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Warqada cabashada ah ayaa cinwaan looga dhigay jawaab celin fara-gelinta xafiiska xisaabiyaha guud iyo marin habaabinta Wasiirka Maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle. Sidoo kale, Xisaabiyaha guud ayaa ku eedeysay Wasiirka inuu Xafiiskiisa ka socdo qas iyo xad-gudub maamulka Maaliyadeed ee waddanka, iyadoo ka jawaabeysay warqad kasoo baxday xafiiska wasiir Beyle 31-kii bishi hore ee Oktoobar, taasoo ay ku tilmaamtay inay ka muuqatay handadaad iyo isku-day la doonayo in lagu nugleeyo xafiiska xisaabiyaha guud ee dalka si uusan u gudan waajibaadka qaanuuniga ah. Ugu dambeyn, Xisaabiyaha Guud ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaamtay warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo aan heysan wax sharciyad ah. AKHRISO: Qoraalka Xisaabiyaha Guud ay ka Qotay Wasiirka Maaliyadda; PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyada Somalia oo lagu eedeeyay inuu wado Fara-gelin iyo Marin habaabin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inay hakisay qandaraasyo malaayiin dollar dhan, oo hay’adda ah, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay. Qoraal kooban oo ay hay’adda caawa soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay in qandaraasyada uu bixiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Sida ay hay’adda sheegtay qandaraasyada la hakiyey ayaa loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah. Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso.#NISA — NISA (@HSNQ_NISA) November 3, 2018 NISA ma bixin faah-faahin intaan dhaafsan. Si kastaba Caasimada Online ayaa baaritaan deg deg ah ku sameysay arrintan, waxaana xiriir la sameynay dad xog ogaal u ah arrintan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay. Sida aan xogta ku helnay qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada. Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah. Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxaa si wadajir ah u leh wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah. Si kastaba, Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cabdirisaaq uusan magaciisa ku qorneyn milkiyadda shirkadda. Lacagta shirkadda qandaraaska lagu siiyey ayaa la rumeysan yahay inay aad uga badan tahay raashinka ay hay’adda u baahan tahay, taasi oo dhalisay shakiga xooggan ee keenay baaritaanka gudaha ah ee NISA ay sameysay. Lacagta 300 kun ee dollar bishii ah ee shirkaddan la siiyey, ayaa la sheegay inay bishii mushahar u noqon karto saddex kun oo askari, oo ah ciidamada dharka cad ee NISA. Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa haysta xasaanad buuxda, mana cadda tallaabada laga qaadi karo, marka hanti-dhowraha guud uu soo dhameeyo baaritaanka. Cabdirisaaq Cumar, weli kama hadal arrintan, xiriir aan la sameynayna nooma suurto-gelin inaan helno, balse dad ku dhow ayaa sheegay inuu jawaab bixin doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah nabadgalyo taama oo ka hirgashay dhamaan gobolada ay ka kooban tahay jamhuuriiyadda somaliland; waxaana kaalinta labaad ku jirtay qabsoomida doorashooyin ku dhisan nidaamka dimurqaadiga ee hal qof iyo hal cod (one man one vote election) iyadoo oo ay soomaliland ka qabsoomeen doorashooyin kala duwan kuwaas oo dhacay wakhtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii dhacay 2003,2005,2010,2012,2017, kuwaas oo dhamaantood ku dhacay jawi nabadgalyo islmarkaana ay u riyaaqeen dhamaan goob joogayaashii caalamiga ahaa ee dusha kala socdey qaabkii ay u dhacayeen doorashooyinkaasi , inkasta oo aaney somaliland kasban natiijadii ka dhalan laheyd in somaliland lagu abaal mariyo ka dib doorashooyinkaasi sida nabadgalyada ah u dhacay haddana waxay somaliland u saamaxeen in beesha caalamku aaney indhaha ka qarsan xaqooyinka ka jira somaliland ee nabadgalyo , dhaqaale,aqooneed iyo dhaqdhaqaaqyada gacansi ee ka socda somaliland Si kasta ha ahaatee , iyada oo ay jireen caqabado dastuuri ah oo wakhtiyada qaar keenay in dib u dhac ku yimaado doorashooyinka wakhtigooda ; haddana marna may dhicin in khilaaf soo kala waajaha asxaabta qaranka awgii ay doorashadu dib ugu dhacdo wakhti dheer waxaana iman jirey isu tanaasul dhinacyada asxaabta ah ama go’aan madaxweyne oo xal lagaga gaadho qabsoomida doorashooyinka , mudane Daahir Dayaale Kaahin ayaa noqdey madaxweynihii ugu doorasho qabashada badnaa intii uu hayey hogaanka dalka isaga oo qabtay doorashooyinkii 2003,2005,2010 iyada oo doorashadii u danbeysayna aheyd tii lagaga guuleystay isaga oo si niyad sami ah ugu wareejiyey Madaxweynihii dhawaan tallada ka degan Ahmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) iyada oo arrinta mucjisada ahi noqotey sidii uu aqbaley natiijadii ka dhalatay doorashada oo aheyd mid dalalka afrika naadir ku ah Si kastaba ha ahaatee, waxaan qormadaydan ku soo gudbin doonaa xalka lagu furdaamin karo doorashooyin somaliland ka dhaca march 2019 haddii Eebe ogolaado waxaana ka mid noqon kara:- 1. In madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi cabdi oo qodob dastuuri ah siiyey kala dirista KDQ uu kala diro Guddida KDQ si la mid ah talaabadii uu qaadey madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin , ka dibna madaxweynaha iyo Asxaabta qaranku si dhakhso ah u soo magacabaan xubnihii badali lahaa guddidaasi 2. In xubnaha Guddida doorashooyinka qaranku ay dantooda gaar ka ah ka horeysiiyaan danta qaranka oo xilalka iska casilaan iyagoo u tudhaya danta mushtamaca maadaama oo asxaabta badidoodu aaney kaslooni buuxda ku qabin doorasho ay dhex u yihiin GDQ ee wakhti xaadirkan jooga , si ay xal ugu noqoto doorasho dalka ka qabsoonta 3. In asxaabta qaranku gaar ahaan mucaaradku soo badashaan xubnahooda kaga jira GDQ, si ay xal ugu noqoto qabsoomida doorashada , inkasta oo xubnaha GDQ yihiin xubno dhaarsan oo ah garsoorayaal dhex u ah asxaabta qaranka haddana waxa asxaabta qaranku ku kala badan yihiin soo xulista xubnaha komishanka oo ka kala yimaada madaxweynaha 2 xubnood, guurtida 2 , iyo asxaabta oo mid mid ( 3 xubnood)soo magacowda . image.png Qalinkii: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin Caalin178@gmail.com Hargeisa somaliland Qaran News
-
Seven dead in IS attack on bus carrying Egyptian Christians
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gunmen attacked a bus carrying Coptic Christians in central Egypt on Friday, killing seven in the latest assault on the religious minority claimed by the Islamic State group. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inay hakisay qandaraasyo malaayiin dollar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay. Qoraal kooban oo ay hay’adda soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay in qandaraasyada uu bixiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Sida ay hay’adda sheegtay qandaraasyada la hakiyey ayaa loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso. NISA ma bixin faah-faahin intaan dhaafsan. Goor dhow naga fisha xog buuxda oo arrintan ku saabsan Insha Allah. Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso.#NISA — NISA (@HSNQ_NISA) November 3, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay dareemay culees ah in laga jarayo timaha ay u jartaan hanaanka ka baxsan sida wanaagsan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay arintaasi xog dheeri ah ka bixiyay, waxaana ay sheegeen inaysan aqbali karin in dhalinyarada magaalada Muqdisho laga qaado xoriyadda. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa markii ugu horeysay arintaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay inay la yaabeen markii ay ogaadeen cidda bixisay amarkaasi. “Walaalayaal waxaan waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga Xamar Jajab u gaar ahaa” “Waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyrada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan”ayuu yiri Mr Tuulax. Dhalinyarada Degmooyinka Xamar Jajab, Xamarweyne, Waaberi iyo Hodon ayaa dareemay culeeska timaha dhalinyarada looga jarayo. Arrinta la xiriirta ka jarista Timaha ee dhalinyarada ayaa waxaa horay Caan ugu ahaa Maxkamadihii Islaamiga,waxana hadda uu ku dambeeyaa deegaanad aya dalka ka joogaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo oo ka mid ah xubnaha u tartamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay inuu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo 17-ka bishan. Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in haddii laga guuleysto uu soo dhaweynayo musharraxa xilka kusoo baxa, wuxuuna meesha ka saaray inuu natiijo walba oo soo baxda uu ka hor-imaanayo. “Haddii aanan ku guuleysan waayo Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo uu yimaado mid danta deegaanka iyo diinta wada, waan garab is-taagi doonaa, ma dhihi doono Yaasiin aan aniga ku jirin Aqbal ma ahan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Sidoo kale, Khudbad uu u jeediyay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo dugsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo, ayuu u ballan-qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu xoojin doono aqoonta iyo Waxbarashada deegaannada Koonfur-galbeed. “Xilka haddii aan ku guuleysto waxaan dhihi doonaa yaa cadowga uga hor-tagaya qori, yaa qalin ku difaaci doona Koonfur-galbeed. Haddii aan intaas isku raacno waxaa heli doonaa ammaan iyo caddaalad,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali. Dhanka kale, Mukhtaar Roobow oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay inuu dagaal ku qaadi doono Al-shabaab, isagoo ka codsaday shacabka Koonfur galbeed inay ku garab-siiyaan sidii cadawga ku soo duulay ay isaga difaaci doonaan qori. Ugu dambeyn, Mukhtaar Roobow ayaa xilka hoggaanka Maamulka Koonfur-galbeed kula tartami doona in ka badan labaatan hoggaamiye oo qaarkood la sheegay inay wadato dowladda Somalia, waxaana xubnaha doorashada ka qayb-galaya ka mid ah madaxweynaha xilligan ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan. PUNTLAND POST The post Mukhtaar Roobow oo ka hadlay Mowqifka uu qaadanayo hadii looga adkaado Doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho mid ka mid ah saraakiisha shirkadaha Isgaarsiinta dalka, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku hubeysnaayeen bastoolado, ayna mas’uulka ku dileen agagaarka xarujnta ay shirkadda Xawaaladda Tawakal ku leedahay suuqa bakaaraha, gaar ahaan waddada koowaad. “Dableyda dilka geystay waxay si lama filaan ah u toogteen mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu magaccabai jiray Cimsaan Maxamuud, dilka kaddibna way baxasdeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka goobta uu dilku ka dhacay ku sugnaa. Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay inaysan garanayn sababta dilkan ka dambeysa, waxayna xuseen in tani ay cabsi weyn ku abuurtay shaqaalaha shirkadaha ku yaalla Suuqa Bakaaraha, iyadoo bishii hore sidan oo kale loo dilay mas’uul ka tirsanaa Shirkadad Xawaaladda Amal, iyadoo aan illaa hadda cidna loo qaban dilkiisa. Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa goobta uu dilku ka dhacya gaaray, kuwaasoo aan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilka geystay, kaddib baaritaanno saacado socday oo ka sameeyeen halkaas. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka mas’uulkan, sidoo kalena kama aysan hadlin shirkadda Isgaarsiinta Hormuud dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa shaqaalaheeda gellinkii dambe ee maanta. Ugu dambeyn, Dilkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ka shaqeynayeen gudaha suuqa Bakaaraha ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda si ammaanka u adkeeyaan, kaddib cabashooyin amni-darro oo kasoo yeeray ganacsatada Suuqa Bakaaraha. PUNTLAND POST The post Koox hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabo gabeysay dhageysiga dacwad loo heystay sagaal eedeysane oo ay ku jireen masuuliyiintii kastamka dekadda magaalada Muqdisho. Sagaalka xubnood ee maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay go’aanka ka gaartay ayaa la xiray bishii Agoosto ee sanadkaan, waxaana markii ugu horey ay maxkamad kasoo muuqdeen bishii September, iyadoo maanta dacwadooda lasoo gabo gabeeyay. Masuuliyiinta kala duwan ee go’aanka laga gaaray waxaa kamid ah Axmed C/llaahi Samow oo ah madaxa fursada ee dekada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa jira Go’aano laga gaaray 2 eedeysane oo ka tirsan Wasaaradda Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya. La soco Goordhow Go’aanka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa furay Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada oo laga howlgeliyey Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiimad weyn ay ku fadhiyaan dib u soo nooleynta xarumihii waxbarashada, gaar ahaan machadyada tababarada iyo luqadaha ee aqoonta bulshada lagu dhisayo. “In dib loo howlgeliyo xarumihii Tababarka iyo Luqadaha ee Caasimadda waa mid ahmiyad weyn ku fadhida oo uga mahadcelinayno Jaamacadda Jobkey ee howshan xilka iska saartay, si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee dhinaca Luqadaha”. Eng. Yarisow ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu had iyo jeer u taagan yahay sidii aqoonta bulshada Caasimadda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo soo nooleyn lahaa xarumihii kala duwanaa ee waxbarashada ka shaqeyn jiray. “Waxaan rabnaa in muwaadin walba uu wax qori karo waxna akhrin karo, waana sababta aan waxbarashada dadka waaweyn uga hirgelinayno Caasimadda, sidoo kale waxaan rabnaa in caruur walba uu waxbarto”. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhinaca kale shahaadooyin guddoon siiyey degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii bisha Ramadan oo iska kaashadeen Jaamacadda Jobkey iyo Idacaadda Shabelle ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Daah-furay Xarun Waxbarasho oo Casri ah appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka hadlayey kulanka golaha shacabka ayaa codsaday in xukuumadda federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la timaado qorshe sanadeed la mid ah miisaaniyadda, si loogula xisaabtamo sanad walbo dhammaadkiisa. Xildhibaan Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri “Barmaamijka xukuumadda sanadkii hore si degdeg ah ayaa lagu keenay, warqadu runtii nuxurkoodu aad u liito, aad u yaryar, oo aan ka tarjumeyn caqabadaha iyo shaqooyinka laga rabo xukuumad Soomaaliyeed, marka waxaan ku dari lahaa, in sanad walbo qorshaha cusub ama barnaamijka sanadkaas la joogo..’ Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxaa uu soo-jeediyey inay sanadka soo socda ee 2019-ka ka bilaabaan xukuumadda soo gudbinta qorshaha “ Masalan, 2019-ka ayaa noo bilaabaneysa, qorshaha xukuumadda ee sanadka 2019-ka in la keeno sanadkaas, si sanadkan aakhirkiisa xukuumadda loogula xisaabtamo ay u cadaadaan”. Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ka digay in duubduub wax walbo loo qaato, taasina ay sahli karto in xukuumadda iska qabato wax cusub oo aan lagu ballamin, sida hadda socota “Laakin sidii hore haddii ay tahay si duubduub ah ayaa loo keenay, makala go’neyn, tafasil mala heyn, wax cusub oo aan ku qorneyn, oo tiro badanna waa socdaan hadda oo ka duwan wixii la soo gudbiyey, marka in qorshaha si miisaaniyadda loo sarifaayo, oo sanad sanad looga dhigaayo, in qorshaha xukuumadda ee sanadkaasna la soo raacsiiyo. Arrinta uu xildhibaanka ka hadlayo ee xukuumadda inay lahaado barnaamij sanadeed la ogyahay waxaa ay ka jirtaa dunida inteeda kale, laakin xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ay xildhibaannada u qeybisay qorshe 4 sano ah oo dheer, oo aaney muuqan wax ka qabashada. Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo ka hadlayey buug uu xildhibaannada u qeybiyey waxa uu ballan-qaaday in xukuumadiisa ay soo afjari doonto amni darida, faqriga, musuq-maasuqa, colaadaha iyo arrimo kale oo ay muhiim tahay in muwaadinka ogaado, si berri lagula xisaabtamo ra’isul waaraha iyo golihiisa wasiirrada. Barnaamijkan waxaa ku qornaa in wax looga qabanayo arrimo badan oo ay ku jiraan, gurmadka abaaraha, sugidda amniga, cadaaladda, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa, qof iyo cod 2020-ka, Dowlad wanaag, Adeegga bulshada, dib-u-heeshiinta iyo xiriirka caalamiga. Arrinta uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waa arrimaahaas oo kale, maanta ma jirto qaab looma xisaabtamo, waayo sida ay wax ku socdaan waa duubduub iyo marin habiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ogeyn meel ay wax marayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopia is set to launch its first earth observatory satellite in September 2019, joining a list of few African countries that have put the devices into orbit. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom ayaa maanta booqashadiisa u horeysay ku tagay magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland. Socdaalka Danjire Nicholas Haysom ayaa qeyb ka ahaa safaro maalmihii la soo dhaafay uu ku tagayay xarumaha maamul goboleedyada, isagoo raadinaya xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa ayaa waxay Madaxtooyada Garowe ku wada qaatay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Wafdigii uu hoggaaminayay Nicholas Haysom, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo taageerada Beesha Caalamka. Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen, waxaana Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay markii u horeysay tahay uu soo booqdo Puntland, isla markaana Puntland u tahay wanaag. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey inay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalkaiyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caalamka ay siiso Soomaaliya. Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dhankiida sheegay in Madaxweynaha Puntland kala hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada. “Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom. Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horay booqasho ugu tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, sidoo kale waxaa uu dhowr cisho ka hor kula kulmay Muqdisho Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha ay dhawaan ay Cadaado ku doorteen garabka xildhinaabada maamulkaas ee kasoo horjeeda madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku dhawaaqay golohiisa wasiirada. Axmed Maxamuud Xasan oo ku magac dheer Baasto ayaa shaaciyey 11 xunood oo noqonaya golihiisa xukumaddiisa, aan la aqoonsaneyn. Arritan ayaa lagu faafiyey digreeto qoraal ahayd oo ay heshay Caasimadda Online. Tallaaabadan waxa ay uga sii dareysaa khilaafka Glamudug oo dhawaan u muuqday mid gaaray heer aan waxba laga qaban karin. Sidoo kale waxa ay ku soo aaday xilli garabka Dhuusomareeb ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay dhabar jab kala kulmeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaddib markii uu Sheekh Axmed Shaakir ku biiray kooxaha taageersan Villa Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulankooda uga hadlay arrimo badan oo muhiim ahaa, Ajanadaha Maanta Waxaa uu Ahaa: Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay/addah Caalamiga ah Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha JFS. Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare. Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare. Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF. Ugu dambeyntii, xogheyaha aqalka oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah uu warbixin la xiriirtay jawaabihii xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedka la wadaagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi, intaasi kadibna la magacaabay guddi arrinta khilaafka wax ka qabto, kaas oo weli aan la sheecin magacyadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulankooda uga hadlay arrimo badan oo muhiim ahaa, Ajanadaha Maanta Waxaa uu Ahaa: Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay/addah Caalamiga ah Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha JFS. Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare. Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare. Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF. Ugu dambeyntii, xogheyaha aqalka oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah uu warbixin la xiriirtay jawaabihii xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedka la wadaagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi, intaasi kadibna la magacaabay guddi arrinta khilaafka wax ka qabto, kaas oo weli aan la sheecin magacyadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Madaarka Garoowe & Xoggo kale oo xasaasiya Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, waxaana ay weftiga Ambassador Nicholas Haysom la qaateen kulan gaar ah, isla markaana Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa markii kulankii soo gebageboobay si wadajira ula hadlay Warbaahinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn kusoo dhoweeyey Wakiilka qaramada midoobey Soomaaliya u qaabilsan iyo weftiga uu hogaaminayey Puntland, iyadoona Madaxweynuhu uu tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horaysey tan iyo intii la magacaabay wakiilku uu ku yimaado Puntland, isla markaana ay ka Puntland ahaan wanaag u tahay imaanshaha wakiilka iyo weftigiisa. “ Waxaa sharaf weyn noo ah inay nooyimaadan wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusub yahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha DFS iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay inay isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka. “Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qado sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo weftiga uu hogaaminayey. PUNTLANDPOST The post Warbixin:- Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Gaas iyo Mr Nicholas Haysom? appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirakoobka falal-dambiyeedyadii sannadkan (2018) ka dhacay guud ahaan Somaliland iyo tirada dilalka ka dhacay. Ilaa 19,664 dhacdo ayaa la sheegay inay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2018-ka, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasna ay yihiin Kufsiyo. Falalka dilka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 ruux oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane hase ahaatee waxaa ku eedaysan falalka kufsiga 105 ruux kuwaasi oo uu ku jiro kufsi wadareed. Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 108 kufsi sida ay boolisku sheegeen. Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 ruux waxaana ku dhaawacmay 2,255 ruux. Booliska Somaliland ayaa xusayay sannad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Ololaha Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marayo meel xasaasi ah, waxaana isbadal ku imaaday filashadii laga qabay doorashada iyo cidda kusoo bixi doonto. Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiro musharixiin dhawr ah oo ka quustay u tartamidda Kursiga Koonfur Galbeed maadaama ay soo meesha soo galeen Musharixiin awood leh oo ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya. Musharixiinta ku dhow inay ka tanaasulaan u tartamidda kursigaan ayaa waxaa kamid ah Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday Wasirka Maaliyadda. Fargeeti oo markii hore kamid ah Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda ku jiro xaalad walwal ah kadib markii ay ballanta uga baxeyn Xildhibaan iyo Musharixiin markii hore ku dhiiragelinayey inuu isku soo taago xilkaan. Fargeeti oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Axadda Berri ah u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxaana laga yaabaa inuu halkaas kaga dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa maadaama uu kalsooni ka waayey Xildhibaanadada. Sidoo kale musharax Xuseen Calool kuus ayaa isna wajahayo cadaadis weyn, mana jirto kalsooni buuxda oo uu ku qabo inuu xilkaas u tartamo inkastoo ay wadato Dowladda Soomaaliya. Xuseen Calool Kuus ayaa ah dooqa labaad ee Musharixiinta Dowladda ay wadato, waxaana kaalinta koowaad kasoo galay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Siyaasi si weyn ugu xiran Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo 17 Bishaan waxaana xilkaas u taagan illa 8 Musharax oo ay ku jirto hal haween ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com