Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee ay ku yeelan jireen magaalada Muqdisho. Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hortagay golaha baarlamaanka, waxaana wax laga weydiiyay eedeynta guddiga maaliyadda Baarlamaanka ee la xiriirta musuq maasuqa dhaqaalo badan. Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali dooni ku takri falka hantida qaranka, taa badalkeedana uu ilaalin doono. Wasiirka wuxuu sheegay in isaga lagu heysto fulinta mashruuc uu sheegay in loola yimid, sidaasi daraadeedna uusan aqbaleyn fulinta mashruucaasi, walow uusan sheegin waxa mashruuca uu yahay. Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Warbixintii ay soo saareen isku khilaafsan waxaana xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in aysan waxba kala socon Warbixinta oo dood badan ka dhex abuurtay baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka waxaana kulanka maanta uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama xildhibaanada ay labada dhinac ay u kala safnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Tuka-raq)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo intii uu joogay magaalada Laascaanood khudbad u jeediyay qaar kamid ah dadweynaha magaaladaasi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa usii gudbay dhinaca magaalada Tukaraq iyadoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in uu goordhaweyd halkaasi gaadhay. Tukaraq ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidammada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Source
  3. Uganda’s Chief of the Defence Forces (CDF), General David Muhoozi is in Somalia on a routine visit to Ugandan troops deployed in the country, under the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Gen. Muhoozi met with the AU Special Representative for Somalia and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madeira on Friday, where the two discussed the progress made in the transitioning of national security responsibilities to the Somali National Security Forces. “A lot has been done, a lot more remains and I can only say that the resilience of the enemy is matched by the resilience of the troops in AMISOM and all the TCCs (Troop Contributing Countries),” said Gen Muhoozi, after a meeting with Ambassador Madeira. He added, “Uganda happens to be one of them and we are proud to contribute to the peace and security of Somalia.” The Uganda CDF commended troops from all the Troop Contributing Countries to AMISOM, for their efforts in the degradation of Al-Shabaab extremists and lauded AMISOM for extending the “frontiers of peace and liberation, and fostering development”, in the Horn of Africa country. On his part, Ambassador Madeira said the visit by Gen. Muhoozi offers reassurance to the Mission leadership and troops. “We talked about how we can move ahead in the coming times. How we can, together, implement the transition, (and) Resolution 2431 of the UN Security Council, which gives us the mandate up to May next year,” remarked Ambassador Madeira. The leaders discussed planned joint military operations with the Somali security forces. “We both agreed that we need to continue to move together, we need to ensure that Somali troops are ready to take over from us. We need also, to make sure that Al-Shabaab is further degraded,” he said. The Head of AMISOM stated that the troops would soon embark on operations to free new areas, which are currently occupied by extremists. “Most importantly, we need to create space for the Government to occupy and be present in much wider areas than it is currently and make sure that the checkpoints and tax collection points by Al-Shabaab are dismantled.” “Leego, sooner than later, will be back into the hands of the Government,” he noted. Al-Shabaab took over control of Leego in Lower Shabelle region in August 2017, after AMISOM troops withdrew from a Forward Operating Base, situated in the area. The town lies about 120 km southwest of Mogadishu and is of strategic importance to Somalia, because it links Mogadishu to the western regions of Bay and Bakool. Gen. Muhoozi who is on a two-day working visit to Somalia also held discussions with the AMISOM Deputy Force Commander in-charge of Operations and Plans, Major General Charles Tai Gituai and AMISOM staff officers, at the Force Headquarters. “We have just finished working on the Concept of Operations (CONOPs) and some of the issues that are in the CONOPs are very specific, because they are dealing with the UN Security Council Resolution 2431 and of course the Somali Transition Plan and the issues that have been raised there, are that, we should be able to focus on the priority areas,” explained Maj. Gen. Gituai after their meeting, adding that AMISOM was already working on those priority areas. “So we have briefed the CDF on all those issues so that he is able to understand exactly where we are, and where we are going,” he stated. Gen. Muhoozi’s visit to Somalia comes at a time when Ugandan troops under Battle Group XXIII (UGABAG XXIII) are wounding up their one-year tour of duty and preparing to hand over to a new Battle Group. The post UPDF plans joint military operations with Somali army appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Waxaa la filayey in sannadka soo socda bixishiisa seddexaad in la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad moodaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyahay in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba. Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya. Adduunka lagama maqal Barlamaan fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaano cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa siyaasiyiin mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul. Waxaa loo baahanyahay in aan doorashooyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowladdo hoose oo cusub. Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advise and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin. Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub. Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado kala duwan leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil. Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida. Dastuurku waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa ay iyaguba fadhiisteen. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre ruraledcomm@yahoo.co.uk Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno lagu faafiyay qaar kamid ah website-yada Soomaalida ayaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku eedeysay shaqaaleysiin qabiil ku saleysan, ayada oo aan lasoo bandhigay wax caddeymo ah oo arrintaas taageeraya. Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska. Si kastaba liis 24 magac ka kooban oo ku caddaa warqadaha codsiga kaararka shaqaalaha xafiiska ayaa lagu ogaaday in laba qof oo kaliya ay ku heyb yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha. Sidoo kale waxaan ogaannay in aysan jirin shaqaale cusub ee la qoray balse warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwa loogu dalbayay shaqaalaha cusbooneysiinta kaararka aqoonsiga. Halkan hoose waxa aan ku soo bandhigeynaa magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddaayeen warqadaha codsiga kaararka aqoonisiga ee la baahiyay: Magaca Qabiilka Umukhayr Fu’ad Ali Dir/Isaaq Xuseen ibraahin Cali Isaaq/Dir Hodan Nuur cabdi Dir/Daqoodi Abdi Barud Dir/Isaaq Abdifitah Abdinur Dir/Isaaq Mustaf Abdi Ali Dir/Isaaq Naima Yusuf Salad Mohamed Husein Mohamed Daarood/Majeerteen Zakariye Mohamed Ibraahin Mogadishu Clan/Sheekhaal Suuban Hesien Jama Majeerteen Cabdiracman Maxamed Guutaale Dir/Isaaq Mohamed Moalim Said Daarood/Ogaadeen Sagal Naasir Shiddo Mogadishu Clan/Habargidir/Sacad Mahdi Husein Abdulle Isaaq/Dir Omar Mohamed Osman Mogadishu Clan/Habargidir Abdirashid Hajinur Mogadishu Clan/Duduble Ciise Aadan Cabdiraxmaan Dir/Isaaq Faadumo Ali Nuradin Mogadishu Clan/Abgaal Abdul Mohamed Makaraan Mogadishu Clan/Xawaadle Ahmed Mohamed Sa’id Dir/Isaaq Abdi Ali Rage Daarood/Ogaden Ali Ibrahin Cali Digil iyo Milifle Abdirahman Warsame Abdi Daarood/Majeerteen Hana Ahmed Igal Dir/Awdal Clan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Waxay bulshada Reer Somaliland ku mashquushay ayaamahan gudo iyo debedba booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ugu ambabaxay gobolada waddanka qarkood. Waxayna noqotay arrinta ugu hadal haynta ama ugu falaqaynta badan ee bulshada goboladaas ka soo jeeddaa is weydaarsato gudo iyo debedba . Ahmiyadda ay arrintaasu u leedahayna ay ka turjumayso sida aan loo kala hadhin ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey. Waxaan jeclaystay markaas inaan ra’yigayga ka dhiibto arrintaas oo bulshada Reer Somaliland la wadaago.Waxaan dib u milicsaday maqaal aan arrintaas ka qoray waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay cusbayd oo uu boqasho ku tegay gobolada qaar oo la moodo in taariikhdu is qorayaso (the history repeats itself Maqaalkaas oo aan warbaahinta Somaliland ku soo bandhigay muddo ilaa 7 sano qiyastii laga joogo, ayaa nasiib darro ka baxay kaydkooda (their servers), balse waxaan u kaydiyey qoraal ahaan ( word document). Waxaa ku dugan qoraalkaas waxyaalo taabanaya isla dareenka aan maanta qabo 100% . Maqaalkuna isla cinwaankaas dusha ku tilmaaman ayuu lahaa. Wuxuuna ii fududeeyey inaanan qoraal kale soo bandhigin oo siduu u qornaa 7 sano ka hor u soo bandhigo isagoo marlabaad xaaladdan aan tilmaannay ka turjumaya. Waakan qoraalkii 7 sano ka hor ‘’Waxaan doonayaa halkan inaan ka bayaamiyo arrin ay caadaysteen maamuladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland taas oo aad mooddo in laga dhaxlay nidaamkii diktaatooriga ahaa una baahan ra’yigayga in wax laga bedelo. Arrintu waxay ku saabsantahay booqashada madaxda Somaliland ku tegayaaan goboladda iyo magaalooyinka kale ee waddanka , taas oo la buunbuuniyo warka madaxdiisana laga dhigo. Tusaale,waxaynu daawanay madaxweynaha oo u kicitimaya Burco iyo sida loo soo habeeyey ambabixiisa iyo ciidamada ku hareeraysan . Ayaama ka hor ayaa la iclaayimyey booqashadaas ,warbaahintuna aad bay ugu mashquushay waxbadanna way qaadaa dhigeen ujeedada madaxweynuhu ka leeyahay booqashadaas! Aniga rayigayga markaan cabiro waxay ila tahay , meesha kuma jiraan wax laqaadaa dhigaa ama laysku mashquuliyaa.Goboladda waddanku Tora Bora (Afghanistan) kuma yaallaan! Mas’uul walba oo xukuumadda ka tirsan waxay ahayd inuu shaqo u tago si joogta gobolada iyo magaalooyinka waddanka, si sawaxan la’aani ku jirtona u soo booqdo! Waa inaynu ogaannaa inayna muhimaddu ahayn booqashada lafteeda ee ay tahay nuxurka iyo waxqabadka halkaas ka soo baxa! Waxaannu jeclaan lahayn in warku sidan u qornaado ‘Madaxweynaha ama wasiir hebel ayaa magaalada hebla ka soo saaray go’aan ku saabsan …’ oo muhimaddu noqoto go’aanka meesha ka soo baxay, booqashaduna noqon mid laysku mashquuliyo. Aan ka guurno nidaamadii hore ee ina xasuusinaya kuwii keligood taliyayaasha ahaa. Arrintuna kuma koobna xukuumaddan hadeer jirta ee waa dhaqan la caadaystey oo ay xukuumadihii horeba ee Somaliland samayn jireen una baahan in laga guuro’’. Dhammaad. Waxaan ku soo gabagabaynayaa, Madaxweyne Muuse Buuxi wuxuu Somaliland u horseeday joojinta soo dhoweyntiisa iyo sii sagootinkiisa markuu waddanka ka ambabaxayo ama ku soo laabanayo, arrintaas oo iyana qoraal ahaan aan ra’yigayga ka dhiibtay waqti hore. Anoo la yaaban madaxweyne gurigiisa lagu soo dhoweynayo ama laga sii sagootiyo ! Xagee loo sii sagootiyaa ee uu ku maqnaanayaa in badan ? Iyana waa in la joojiyaa sawaxanka iyo buunbuuninta booqashada gobolada waddanka. Waxay haboontahay buunbuunintu iyo dhoola tuska booqashada goboladu marka loolan doorasho ama siyaasadeed jiro oo qudha. Wabillaahi tawfiiq Maxamuud Ismaaciil Barreh UK mahmoud963@hotmail.com Source
  7. Sadarrada Ugu Qiimaha Badan Heesta Hooyo: Meersiyo Xiska Ruxaya Intaad hooyo nooshahay Hambalyiyo salaan baan Dusha kaa huwinaysaa Habrashiyo xaqdhawr baan Hanti kaaga dhigayaa Markaad hooyo dhimatana Hooggayga weeyoo Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo Weligay hoggaagaan Ka dul heesayaayoo Hengel baan u xidhayaa Inta habar dugaag iyo Idil haadda duushee (Hadraawi) Aniga oo meerisyadaas fasal u sharxaya ayuun baan idhi “Waxay ugu daran tahay qofka marka hooyadii dhimato. Nasiib bay leeyihiin dad aan ku jiro oo hooyadood u nooshay”. Jawigii Fasalka ayaa is beddelay. Hablo badan ayay ilmo ka qabatay. Arday hablo ah baa yidhi “Macallin halkaas ka daa” “Maxaa dhacay?” “Hablo hooyadood dhimatay ayaa Fasalka ku jira oo xasuusa tay, oo ilmaynaya”. Anigii ayaa jidhidhicooday.. Sharraxiina koobay. Source
  8. Waxaa farxad ah in markii ugu horreysay warbixin qiimo leh (i tus iyo i taabsii) ee ku saabsan Maamulka Miisaaniyadda 2018 ka soo baxdo Barlamaanka Federaalka oo waayahaan dambe noqday rajo beel, fadhiid. Waxaa ididiilo (rajo) ah in Guddoomiyaha Barlamaanka hor istaagin faafinta warbixinta Guddiga Maaliyadda si dadweynuhu ula socdo dooda dhexmareysa Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah Fulinta. Waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka Federaalka taagero warbixinta Guddiyadda Maaliyadda, kana codsado fulinta (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda) inay si hufan oo waafaqsan nidaamka dowladda uga soo jawaaban qodobbada warbixinta ka hadlayso. Barlamaanka ugama baahna talo iyo tusaale hay’adaha fulinta oo Barlamaanka ku leeyahay korjoog (Oversight). Warbixinta Guddiga waa caddahay, waxayna tilmaameysa lacago maqan, hoos u dhac dakhliga 2018, iyo ku xadgudub hab Maamulka Miisaaniyadda, waxaana loo baahan jawaab cad ee ku dhisan xisaab iyo caddeymo kale. Tusaale ahaan, ka sokow 20 milyan doolar ee ka maqan deeqdii Boqortooyada Sacuudiga, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo sababta Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaraadka u bixin waayeen deeqaha laga sugayay 2018. Nasiib darro, wareysi hordhac ah ee uu siiyay Idaacadaha dalka, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ah aqoonyahan waayo arag wuxuu baalmaray jawaab celintii looga baahnaa, wuxuuse ballan qaaday inuu qoraal rasmi ah oo waafaqsan nidaamka xisaabaadka Dowladda, kana jawaabaya qodobbada warbixinta ku cad ka keeni doono marka uu ka soo noqdo safar uu dibedda ugu baxay. Waxaa xusid gaar ah mudan in, sida Wasiirku xogogaal u yahay, Hay’adda IMF aysan aheyn hay’ad baaris walow ay markasta ku dadaasho inay iska hubiso macluumaadka la siiyo. Gaar ahaan, Soomaaliya waa dal la siiyo kaalmada Farsamo ee ugu badan ee IMF iyo WB bixiyaan sannadahaan si Soomaaliya u noqoto dowlad karti leh oo hanata nabadgelyada iyo maamullka Soomaaliya. IMF waxay ku dadaaleysa in loo ceeb qariyo Soomaaliya oo lacago farabadan lagu siiyo hagaajinta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Publci Financial Management), welina natiijo fiican laga gaarin, waxayna inta badan qaadatay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe siiyaan madaama ay og yihiin “wixii la qariyo ay dib ka soo baxayaan, mas’uuliyaddana markasta dusha laga saarayo Soomaalida. Wafdiga IMF ma yimaado dalka, waxaana lagula kulmaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya, taaso Madaxda Soomaaliyeed ugu filan inay ogaadaab heerka hoose ee xaaladda dalka marayso. Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, waxaa si gooni gooni ah laga rabaa inay bil kasta la socodsiiyaan Barlamaanka Federaalka iyo Shacabka xisaab xirka bishii la soo dhaafay ugu dambeyn 15 bisha lagu jiro, isla markaana lagu faafiyo bogga internetka hay’ad kasta, taaso aan hadda dhicin inta badan.Daahfuurta xisaabaadka Maamulka hantida Qaranka waa joogto, mana ah in la sugo sannad iyo bilo. Xisaab xirka bilaha iyo xisaab xirka waxaa u dhexeya farqiga ah in xisaab xirka sannadeedka la socdo baaris xaqiijineysa hufnaanta maamulka Maaliyadda dalka. Gaar ahaan, Hantidhowraha Guud waxaa laga rabaa inuu soo caddeeyo waafaqsanaanta sharciga xisaabaadka dowladda. Hay’adda nabadsugidda iyo Boolista waxaa laga rabaa inay Guddiyada Barlamaanka siiyaan wixii xog dhaqaale iyo Maaliyadeed ee ay hayaan si loo sameeyo dabagal, hubin, iyo wax ka qabasho. Waxaa nasiib darro ah in xubno xildhibaanno ah ku eedeeyaan xubnaha Guddiga Maaliyadda inay yihiin mucaarad, taaso muujineysa garashaxumida xildhibannadaas shaqada Barlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladeed ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Federaalka. Waxaa habboon in Xildhibannadaas la siiyo tababarro aqoontooda shaqo kor soo qaadeysa. . Shaqaada Barlamaanka waa dabagal iyo sheegidda khaladaadka Dowladda sameyneyso iyo dhibaatooyinka taagan si wax looga qabto. Dowlad fiican waxay imaaneysa marka khaladaadka la sheego, kaddibna la saxo ama laga noqdo. Barlamaanka waa hay’ad la xisaabtan ee ma ahan hay’ad dabadhilif u ah Fulinta. Markii la helo qoraal ka soo baxa Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la kala saari karaa runta iyo beenta. Iska hadal shaqo dowladeed ma ahan. Warbixinta waxay muujineysa in dakhliga guud ee lagu tala galay ahaa $274.6 milyan, ilaa bisha Agoosta waxaa soo xarooday dakhli dhan $156.7 Milyan, halka laga filayay $ 183.06 Milyan. Farqiga dhimman ee la rabo in la soo xareeyo Setember – Disember 2018 waa $117.9 Miliyan, taaso u muuqata inaysan suuragal aheyn. Qiyaasta dakhliga gudaha dhimman wuxuu ku dhow yahay $56.5 Milyan, halka Dakhliga Dibedda dhimman ku dhow yahay qiyaas ahaan $61.4 Milyan. Halkaas waxaa ka muuqata in beesha caalamka ka caga jiiday bixinta deeqaha kabidda Miisaaniyadda 2018. EU iyo WB waxay oggolaadeen inay ku kabaan Miisaaniyadaha 2019-2021 lacago kala ah kala ah Euro 100 milyan iyo $ 80 Milyan. Ma cadda qoondada lagu kabayo Miisaaniyadda 2018. Waxaa muuqata in Madaxda Dowladda Federaalka aysan si fiican ula socon xaaladda Miisaaniyadda 2018 ama is yiraahdeen dadweynaha ma ogaan karaan xaaladda ba’an ee Maamulka Maaliyadda Dalka. Hoos u dhaca dakhliga iyo maamulxumada Miisaaniyadda 2018 wuxuu sabab u noqonaya hoos u dhaca bixinta Mushaaraadka iyo waxqabad kale ee Dowladda Federaalka. Gabogabo Waxaan qabaa in Guddiga Maaliyadda ee BF qabteen shaqo aad u wanaagsan oo bilow ah, loona baahan yahay in la taageero si buuxda. Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga sugaya qoraal rasmi ah ee muujinaya xisaab xirka rasmiga ah ee 8 bilood 2018 iyo ka jawaabidda khaladaadka qoraalka Guddiga ku qeexan. Fadeexo aan laga hadlin waa maqnaashaha Xisaab Xirka 2017 oo weli laga sugayo Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, Waxaan shaki ku jirin in IMF iyo BA (WB) ay og yihiin fadeexaddaas oo caqabad weyn ku ah in Soomaaliya ka gudubto Barnaamijka Ilaalinta Shaqaalaha IMF (IMF Staff Monitoring Program -SMP). Ka hadalka deyn cafin iyo daabacaad lacag waa riyo waqti qaadan doonta haddii aysan Dowladda Federalka runta, xaqiiqada garowsan, aqbalin. Dr. Maxamud M Culusow Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  9. The US Embassy made clarifications after sections of the media reported that the U.S Mission to Somalia located at the U.S embassy in Nairobi, Kenya would be moved to Mogadishu. This was after United States Ambassador to Somalia Donald Yamamoto was on Friday quoted by a Voice of America (VOA), journalist to have implied that the move could take place before the end of the year. The United States Mission to Somalia in a statement refuted the reports, indicating that Yamamoto had been misquoted by the VOA journalist. “Ambassador Yamamoto was interviewed by VOA journalist Sahra Abdi Ahmed. Her tweet, the US Embassy in Nairobi would move to Somalia as early as December, does not accurately reflect what was stated in the Interview,” the statement reads in part. The mission clarified that its department staff currently travel from Nairobi to Somalia for diplomatic engagements but the US was keen on re-establishing its diplomatic presence in Somalia. In 2015, former US Secretary of State John Kerry announced plans to re-open the embassy in Mogadishu. Kerry had indicated that the plan lacked a set timeline but asserted that the US had begun upgrading its diplomatic presence in Somalia. He was presented with a real estate deed for land set aside by the Federal Government of Somalia (FGS) for the establishment of the new embassy offices in Somalia. The post US Denies Plans to Relocate Nairobi Embassy Offices to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Friday that it is spearheading an ambitious police recruitment drive in Somalia’s HirShabelle State to help stabilize the country. The AU mission said the first phase of recruitment of police officers commenced with the screening, vetting and training of at least 200-new police recruits in the state’s administrative capital of Jowhar. “The recruits will undergo a three-month basic policing course, to skill them on critical aspects of policing,” AMISOM said, noting that its working collaboratively with the Somali Police Force to build the capacity of the new recruits to effectively boost law enforcement in the state. It said the training will also focus on cross-cutting issues, such as the international human rights law, the international humanitarian law and general human rights issues; including due diligence policies, which are prerequisites in their profession. AMISOM said the recruits who are drawn from the Middle Shabelle and Hiiraan regions – two regions that make HirShabelle State – are an amalgam of trainees selected by traditional elders, politicians and other stakeholders in the state, to form an integrated force. The AU Mission hopes to recruit a total of 800 police officers in HirShabelle State alone, as part of the transitioning of the security responsibility to the Somali security forces. HirShabelle State was formed in 2016 during Somalia’s state formation process and will benefit greatly from the new police recruits. The post AU mission spearheads police recruitment in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Turkey’s president on Friday met with his Somali counterpart in Istanbul for talks, according to a statement from the Turkish presidency. The closed-door meeting between Turkey’s Recep Tayyip Erdogan and Somalia’s Mohamed Abdullahi Mohamed at Vahdettin Pavilion in the Uskudar district lasted for one hour and fifteen minutes, said the statement. No further details of the meeting were provided. Erdogan visited Somalia in 2016 and previously in 2011 when he was prime minister. Since 2011, Turkey has provided over $500 million in aid to Somalia and helped the Somali people in such areas as education, health, roads, ports, airports, fisheries, and energy. Last September, Turkey opened its largest overseas military training academy in the Somali capital Mogadishu. It has the capacity to train more than 1,500 troops at a time, according to the Somali government. The post Turkish, Somali presidents meet in Istanbul appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Waxaa farxad ah in markii ugu horreysay warbixin qiimo leh (i tus iyo i taabsii) ee ku saabsan Maamulka Miisaaniyadda 2018 ka soo baxdo Barlamaanka Federaalka oo waayahaan dambe noqday rajo beel, fadhiid. Waxaa yididiilo (rajo) ah in Guddoomiyaha Barlamaanka hor istaagin faafinta warbixinta Guddiga Maaliyadda si dadweynuhu ula socdo dooda dhexmareysa Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah Fulinta. Waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka Federaalka taagero warbixinta Guddiyadda Maaliyadda, kana codsado fulinta (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda) inay si hufan oo waafaqsan nidaamka dowladda uga soo jawaaban qodobbada warbixinta ka hadlayso. Barlamaanka ugama baahna talo iyo tusaale hay’adaha fulinta oo Barlamaanka ku leeyahay korjoog (Oversight). Warbixinta Guddiga waa caddahay, waxayna tilmaameysa lacago maqan, hoos u dhac dakhliga 2018, iyo ku xadgudub hab Maamulka Miisaaniyadda, waxaana loo baahan jawaab cad ee ku dhisan xisaab iyo caddeymo kale. Tusaale ahaan, ka sokow 20 milyan doolar ee ka maqan deeqdii Boqortooyada Sacuudiga, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo sababta Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaraadka u bixin waayeen deeqaha laga sugayay 2018. Nasiib darro, wareysi hordhac ah ee uu siiyay Idaacadaha dalka, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ah aqoonyahan waayo arag wuxuu baalmaray jawaab celintii looga baahnaa, wuxuuse ballan qaaday inuu qoraal rasmi ah oo waafaqsan nidaamka xisaabaadka Dowladda, kana jawaabaya qodobbada warbixinta ku cad ka keeni doono marka uu ka soo noqdo safar uu dibedda ugu baxay. Waxaa xusid gaar ah mudan in, sida Wasiirku xogogaal u yahay, Hay’adda IMF aysan aheyn hay’ad baaris walow ay markasta ku dadaasho inay iska hubiso macluumaadka la siiyo. Gaar ahaan, Soomaaliya waa dal la siiyo kaalmada Farsamo ee ugu badan ee IMF iyo WB bixiyaan sannadahaan si Soomaaliya u noqoto dowlad karti leh oo hanata nabadgelyada iyo maamullka Soomaaliya. IMF waxay ku dadaaleysa in loo ceeb qariyo Soomaaliya oo lacago farabadan lagu siiyo hagaajinta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Publci Financial Management), welina natiijo fiican laga gaarin, waxayna inta badan qaadatay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe siiyaan madaama ay og yihiin “wixii la qariyo ay dib ka soo baxayaan, mas’uuliyaddana markasta dusha laga saarayo Soomaalida. Wafdiga IMF ma yimaado dalka, waxaana lagula kulmaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya, taaso Madaxda Soomaaliyeed ugu filan inay ogaadaab heerka hoose ee xaaladda dalka marayso. Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, waxaa si gooni gooni ah laga rabaa inay bil kasta la socodsiiyaan Barlamaanka Federaalka iyo Shacabka xisaab xirka bishii la soo dhaafay ugu dambeyn 15 bisha lagu jiro, isla markaana lagu faafiyo bogga internetka hay’ad kasta, taaso aan hadda dhicin inta badan.Daahfuurta xisaabaadka Maamulka hantida Qaranka waa joogto, mana ah in la sugo sannad iyo bilo. Xisaab xirka bilaha iyo xisaab xirka waxaa u dhexeya farqiga ah in xisaab xirka sannadeedka la socdo baaris xaqiijineysa hufnaanta maamulka Maaliyadda dalka. Gaar ahaan, Hantidhowraha Guud waxaa laga rabaa inuu soo caddeeyo waafaqsanaanta sharciga xisaabaadka dowladda. Hay’adda nabadsugidda iyo Boolista waxaa laga rabaa inay Guddiyada Barlamaanka siiyaan wixii xog dhaqaale iyo Maaliyadeed ee ay hayaan si loo sameeyo dabagal, hubin, iyo wax ka qabasho. Waxaa nasiib darro ah in xubno xildhibaanno ah ku eedeeyaan xubnaha Guddiga Maaliyadda inay yihiin mucaarad, taaso muujineysa garashaxumida xildhibannadaas shaqada Barlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladeed ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Federaalka. Waxaa habboon in Xildhibannadaas la siiyo tababarro aqoontooda shaqo kor soo qaadeysa. . Shaqaada Barlamaanka waa dabagal iyo sheegidda khaladaadka Dowladda sameyneyso iyo dhibaatooyinka taagan si wax looga qabto. Dowlad fiican waxay imaaneysa marka khaladaadka la sheego, kaddibna la saxo ama laga noqdo. Barlamaanka waa hay’ad la xisaabtan ee ma ahan hay’ad dabadhilif u ah Fulinta. Markii la helo qoraal ka soo baxa Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la kala saari karaa runta iyo beenta. Iska hadal shaqo dowladeed ma ahan. Warbixinta waxay muujineysa in dakhliga guud ee lagu tala galay ahaa $274.6 milyan, ilaa bisha Agoosta waxaa soo xarooday dakhli dhan $156.7 Milyan, halka laga filayay $ 183.06 Milyan. Farqiga dhimman ee la rabo in la soo xareeyo Setember – Disember 2018 waa $117.9 Miliyan, taaso u muuqata inaysan suuragal aheyn. Qiyaasta dakhliga gudaha dhimman wuxuu ku dhow yahay $56.5 Milyan, halka Dakhliga Dibedda dhimman ku dhow yahay qiyaas ahaan $61.4 Milyan. Halkaas waxaa ka muuqata in beesha caalamka ka caga jiiday bixinta deeqaha kabidda Miisaaniyadda 2018. EU iyo WB waxay oggolaadeen inay ku kabaan Miisaaniyadaha 2019-2021 lacago kala ah kala ah Euro 100 milyan iyo $ 80 Milyan. Ma cadda qoondada lagu kabayo Miisaaniyadda 2018. Waxaa muuqata in Madaxda Dowladda Federaalka aysan si fiican ula socon xaaladda Miisaaniyadda 2018 ama is yiraahdeen dadweynaha ma ogaan karaan xaaladda ba’an ee Maamulka Maaliyadda Dalka. Hoos u dhaca dakhliga iyo maamulxumada Miisaaniyadda 2018 wuxuu sabab u noqonaya hoos u dhaca bixinta Mushaaraadka iyo waxqabad kale ee Dowladda Federaalka. Gabogabo Waxaan qabaa in Guddiga Maaliyadda ee BF qabteen shaqo aad u wanaagsan oo bilow ah, loona baahan yahay in la taageero si buuxda. Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga sugaya qoraal rasmi ah ee muujinaya xisaab xirka rasmiga ah ee 8 bilood 2018 iyo ka jawaabidda khaladaadka qoraalka Guddiga ku qeexan. Fadeexo aan laga hadlin waa maqnaashaha Xisaab Xirka 2017 oo weli laga sugayo Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, Waxaan shaki ku jirin in IMF iyo BA (WB) ay og yihiin fadeexaddaas oo caqabad weyn ku ah in Soomaaliya ka gudubto Barnaamijka Ilaalinta Shaqaalaha IMF (IMF Staff Monitoring Program -SMP). Ka hadalka deyn cafin iyo daabacaad lacag waa riyo waqti qaadan doonta haddii aysan Dowladda Federalka runta, xaqiiqada garowsan, aqbalin. Dr. Maxamud M Culusow Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe
  13. (SLT-Hargeysa)-Ammaanka magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceerigaabo ayaa xukuumada Somaliland ay si xoogan u adkeysay magaalooyinkaas oo la filaayo inuu safar ku tago madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Magaalooyinkan ayaa waxaa la geeyey ciidami dheeraad ah , iyada oo hore ay halkaas u sii joogeen wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Biixi kuwaas oo ku hawlanaa qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay Ahmiyadda Diinta Islaamku siisay in Dadku Shaqo kasta oo ay qabanayaan u Talo-saartaan Illaahay (SW). Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay Weerar dhowr habeen ka hor Jabhad reer Somaliland ah oo ku dhuumaalaysanaya gudaha Maamul-gobolleedka Puntland ay ku soo qaadeen Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag. Ugu horreyn Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ka hadlaya Talo-saarashada Illaahay ayaa yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa Talo saarashada Illaahay, Waayo? Muslimiinta waxa halkaa dhigay markii ay ka tageen dariiqii Rasuulka (CSW) ee Tilmaamayey in Qofku uu Illaahay Talo-saarto oo uu shaqeeyo. Nebi ma jiro, hadduu jirana Adhiga ayuu raaci jiray, Nebiga oo la waydiiyeyna wuxuu yidhi ‘Haa..reer Makka ayaan Adhiga ugu raaci jiray baysteyno, waxaan ahaa mid Adhiga raaca si aan ugu fillaado Naftyada iyo inta aan xilkooda hayo’. Laakiin waxaynu ka hadlaynaa Maanta Muslimiintii shaqadii bay ka tageen, Mulsimiintii cilmigii bay ka tageen, waxaynu ka hadlaynaa Muslimiinta la doonayey inay Hal-abuur yeeshaan waxay ka tageen inay noqdaan kuwii wax abuurayey (Hal-abuurayey) markaa waxaan doonayaa inaan ina xasuusiyo inaynu illaahay Talo-saarano oo aynu shaqayno, Waayo? Waddankani (Somaliland) waa qani, laakiin waynu seexanay, haddaad seexatana Adigoo soo taagan ayaa lagu kala tagayaa.” Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in laga wanaagsan yahay in Qof Ilaahay siiyey Caafimaad iyo Xoog uu Qof kale wax ka sugo oo aanu shaqaysan “Qofka oo iimaan la yimaadda oo shaqeeya ayaa Tawakul la yidhaahdaa, waxa soo horjeeda Tawaakul, Tawaakulku waa Inankaa dhallinyarada ah ee Xoogga ah ee hadduu dhagaxa jabi is yidhaahdo jebin karaya, ee hooyadii ka dul kallahayso shanta iyo badhka subaxnimo si ay u quudiso, ee intuu dhexda ka xidho 11-ka baxaya ee Maqaaxiya ka sheekaynaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa Waar shaqeeya oo idinku Dadka hor gala, waar Lixda Subaxnimo Shaqada gala, waar si Dalkani wax u noqdo ka Xalaal miirta, inyar oo kooban oo Dadka jihaysa oo wax ku filan la siiyo si ay u xalaal-miirtaan sameeya. Haddaydaan shaqayneyn si Dalkani u dhismo sidii Japan oo kale, bal shaqeeya 8-dii Saacadood ee Dadkani ku heshiiyey oo ku xalaal-miirta, Dadkana jiheeya si ay wax qabsadaan.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) waxa kale oo uu khubdaddiisa kaga hadlay Weerar ay Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ku qaadeen Jabhad uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada Qaranka Somaliland “Saddex Habeen ka hor Ceel Af-weyn ayuu dagaal ka dhacay, muxuu doonayaa Ninka Ceel Af-weyn dagaalka ka ridayaa ? Muslimiinta halkaa waxa dhigay dagaal aan waddo lahayn, Dad yar baynu nahay, 7 boqol iyo 2 kun baa Codeeyay Dalkaa dhan ee aad arkayso oo doorashadaba dannaynayey, waxan yar waxaynu u samaysanay inaynu ku kala nabad-galo (Doorashada), qaabka uu doono Qofku haku badiyo waynu ku heshiinay, waxaynu nidhi meeshaa ha lagu tartamo oo kii yimaadda muddadiisa aynu ku ilaalino kuna toosino, Annagu waxaanu nahay kuwa ku toosinaya ee Madaxweynaha ku leh ‘kaa daa’, laakiin Madaxweynaha waynu dooranay oo Doorasho ayuu ku yimid, waar Madaxweynaha haddaynu beddelayno Sifo sharci ah ayaa jirta laakiin dagaal maya, dagaal waanu ka soo horjeednaa, Magacuu doono ha yeesho, awoodda uu doono ha yeesho meel ku taallo aynu is-dillo (ma jirto)…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in inta reer Somaliland isku mashquulsan yihiin Shisheeyuhu qorshaynayo siduu Dhulkooda u qabsan lahaa “Somaliland waalla qabsanayaa ha dhawaato ama dheeraatee, weliba Saylac ayay ku hammiyeysaa inay qabsato (Itoobiya), 60 KM ayaanu ku jirnaa Badda cas ma yeelayno (Bad la’aan), ka meesha (Itoobiya) haystaa yidhi, Maraykankaa yidhi Itoobiya inay bad la’aato ma dhici karto Soomaaliduna yeelato Xeebta ugu dheer, kii dunida haystayna sidaas ayuu yidhi, kii jaarkaaga ahaana sidaas ayuu yidhi, haddaad Idinkuna is cuntaan oo kii wax tawdaaba uu Qori soo qaato sow innaga oo soo taagan meesha ha lala wareego maaha? Waar ka daaya ayaanu leenahay.” Sheekhu wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadkaaga ururri, waar waxay u baahan yihiin sii, Waar Dadkaaga heshiisii, wax alaale iyo wixii nabad lagu helayo waa inuu sameeyaa Madaxweynuhu, waa inuu Dadka la tashadaa oo uu Dadkiisa ururiyaa.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Doorashooyinkii la filaayey inay dalka ka dhacaan sanadka 2019 bishiisa saddexaad ee golayaasha deeganka iyo wakiilada ayaa waxaa inaga xiga oo kaliya muddo afar bilood ah . Ilaa hada waxaa aan muuqan saansaan ay doorashadaasi ku dhacdo waxaana la filayaa in kominshanka doorashooyinka Somaliland ay todobaadka soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqaan in dib dhac ku imanaayo wakhtigii ay dhici lahayeen doorashooyinkii. Sida uu dhigaayo xeerka doorashooyinka qaranka qodobkiisa sagaalad farqadiisa labaad ayaa waxaa uu dhigayaa “ waa in kominshanka doorashooyinku ay cayimaan wakhtiga doorashada 120 maalmood ka hor wakhtiga ay doorashadu dhaceyso” Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya kiiska dilkii wariye Jamaal Kashoqji, waxaana dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu dalbaday inuu la kulmo madaxweynaha Turkey. Diblumaasi sare oo reer Turkey ah ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkey Erdogan, waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono madaxweyne Erdogan. Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa shaaca ka qaaday in Turkey aysan waxba u arag kulan dhexmara madaxweynahooda iyo dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan, ayaa doonaya in Erdogan uu kala hadlaa dhameynta Kiiska Magac xumada u horseeday boqortooyada Sacuudiga iyo Shaqsiyadiisa ee Dilkii Wariye Jamaal Kashoqji. Lama oga jawaabta uu bixin doono Erdogan, maadaama diblumaasiga sare ee reer Turkey uu shaaciyay in Maxamed Bin Salmaan uu doonayo la kulanka madaxweynaha dalka Turkey. Sacuudiga iyo Turkey ayaa xiriirkooda uu hooseeyay waxii ka dambeeyay markii sanadkii 2017 la go’doomiyay dowladda Qatar, iyadoo Erdogan uu la saftay dowladda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-London)-Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga. Lacagtan oo la isticmaali doono shanta sano ee soo socota ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu joojiyo oo loogaga hortago dhibaatooyinka haweenka ka soo gaara gudniinka fircooniga ah. Dowladda UK ayaa sheegaysa in tani ay tahay maalgashigii ugu weynaa taariikhda dunida ee looga gol-leeyahay in gudniinka fircooniga lagu ciribtiro wixii loo gaaro 2030-ka. Caadadan oo looga dhaqmo meelo badan oo Afrika ka mid ah, ayaa waxay tahay mid gabdhaha looga jarayo qeyb ka mid ah xubinta taranka. Hay`adda ActionAid ayaa soo dhoweysay deeqda UK, balse waxay sheegtay in diiradda la saaro gudniinka oo keliya inuusan ku filneyn cirribtirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka. Xirmadan gargaarka ah ayaa lagu taageeri doonaa ururrada sida mashruuca Saleema ee dalka Sudan, oo ujeeddadiisu tahay inay gabdhaha tusiyaan inay awood leeyihiin haddii aan la gudin, iyo sidoo kale in duqeyda bulshada la wacyigeliyo. Wasiirrada ayaa sheegtay in lacagta ay sidoo kale faa`iido u leedahay UK, iyadoo loo adeegsan doono yareynta khatarta in gabdhaha la dhoofiyo si loo soo gudo. Gudniinka gabdhaha ayaa sharci darro ka ahaa UK, tan iyo sanadkii 1985, sharci la soo saaray sanadihii 2003 iyo 2005 ayaa dembi ka dhigaya in muwaadiniinta Britain iyo dadka sida rasmiga ah u deggan ay caadadaasi ku sameeyaan meel ka baxsan Ingiriiska. Dowladda ayaa sheegtay inay jiraan haween iyo gabdho lagu qiyaasay 24,000 oo ku nool Ingiriiska oo khatar ugu jira gudniinka. Kaddib marka lagu dhawaaqay deeqda gargaarka ah, xoghayaha horumarinta caalamiga ah Penny Mordaunt ayaa sheegtay in gudniinka aan laga cirib tiri Karin UK, ilaa dunida laga cirribtiro. Anne Quesney, oo ah la taliye sare oo xuquuqda haweenka ah kana tirsan hay`adda ActionAid ayaa ku tilmaantay deeqdaasi mid muhiim u ah ciribtirka mid ka mid ah tacaddiyada ugu ba`an ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Source
  18. (SLT-Istanbul)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xidhiidhka labada dal, xoojinta iskaashig iyo wadajirka. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. Source
  19. (SLT-Cape Town)-Allaha u naxariistee Hilaal Xirsi Jaamac oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaali ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo burcada Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ugu tageen burcad Koonfur Afrikaanka isla markaana rasaas ay kala dhaceen qeybta sare ee jirkiisa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal u ahaa dhacdada lagu dilay marxuumka. Marxuumka la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanay xaafada Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town .waxaana la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika. Kooxihii burcad Koonfur Afrikaanka ahaa ee dilay marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen ka hor inta ay ciidamada Booliska gaarin goobta uu dilka ka dhacay. Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ay ka dhacaan dilal loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Maraykanka ayaa si weyn kor ugu qaadday weerarrada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Ugu yaraan shan weerar oo dhinaca cirka ah ayaa Maraykaku ay qaadeen afartii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan inay dhaceen duqaymo kale oo dheeraad ah. Weeraradan ayaa bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab iyo goobo ay hubka ku kaydsadaan. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dood adag ka yeeshaan Warbixintii Musuq maasuqa la xiriirtay ee dhawaan ay soo saareen guddiga maaliyadda baarlamaanka dalka. Guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa maanta hor geynaya xildhibaanada warbixinta la xiriirka miisaaniyadda sanadkaan aynu ku jirno ee 2018, taasi oo dood badan ka dhex dhalisay xildhibaanada. Warbixinta ayaa ku eedeyneysay maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda inay sameeyeen musuq maasuq badan oo dhanka dhaqaalaha la xiriira, walow wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabtay arintaasi. Guddiga maaliyadda ayaa warbixinta ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in maamulka gobalka Banaadir uu soo galay 2018-ka qarash gaaraya 25 Milyan oo dolar, halka qasnadda dowladda hoose ee xamar lagala baxay in ku dhow lix Milyan oo doolar, taasi oo aanan la ogeyn halka ay ku baxday. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ka doodi doona arintaan, waxaana laga baqayaa inay xiisad ka dhex dhaliso xildhibaanada taageersan xukuumadda iyo kuwa mucaaradka ku ah. La soco waxii kasoo kordhaa kulanka maanta Insha allah. Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii Gawaari kala duwan ay ka afduubteen inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee Koonfurtaa Soomaaliya. Gaadiidkan oo isugu jiray kuwa qaada Xaamuulka, kuwa Nuuca Raaxada iyo Cagaf Cagaf ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay Afduubteen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkii la socday Gawaaridaasi ay Al Shabaab horay u kaxeysteen. Lama oga illaa iyo hadda u jeedada rasimiga ah ee Al Shabaab ay u qafaasheen Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday intaba. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Al Shabaab warqado ay dadka deegaanku uga digayaan in ay la shaqeeyaan maamulka Beled-Xaawo ay kudaadiyeen degmadaasi. The post Al Shabaab Oo Gaadiid ka Afduubtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Istanbul ee dalka Turkey kula kulmay madaxweyne Erdogan ayaa kala hadlay arimo dhowr ah. Waxyaabaha madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Erdogan ayaa waxaa kamid ah fulinta balanqaadyo madaxweynaha Dalkaasi uu u balanqaaday Soomaalida labo sano kahor. Balanqaadkaasi ayaa ahaa in dowladda Turkey ay kumanaan guri ka dhiso doonto magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo loogu talo galay dadka danyarta ah, sida uu horey u balanqaaday. Madaxweynaha dalka ayaa kaga mahadceliyay Erdogan iyo shacabkiisa sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 xiligaasi oo abaar xoogan ay dalka ka dhacday. Farmaajo, ayaa soo gabo gabeeyay safarkiisii uu ku tagay dalalka Talyaaniga iyo iyo Turkey isaga oo kala hadlay madaxda dalkaasi wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xalay u howday magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana uu magaalada Caasimada u ah Uganda kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com