Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka Amisom francisco Madeira ayaa iska fogeeyay in Amisom ay ku lug leedahay xariga Muqtaar Roobow iyo [...] Source
  2. (SLT-Berlin)-Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May. “Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yidhi Keating. Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa. “Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yidhi “Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yidhi Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October. Source
  3. (SLT-Muqdisho)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay. Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan. Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaadheysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen. Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda. Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso. Source
  4. Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada magaaladaasi ay saakay dagantahay. Dad ku sugan Baydhabo oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in saaka jawiga uu ka badalanyahay sidii uu ahaa labadii maalin ee la soo dhaafay. Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa si caadi ah saaka u shaqeeynaya gudaha magaalada Baydhabo. Ganacsigii ayaa saaka dib loo furay oo dadku si caadi ah u ganacsanaya suuqyada magaalada Baydhabo. Rabshado dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo oo hadda xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalo iyo dibad baxyo rabshado watay oo ka dhashay xarigii Muqtaar Rooboow ayaa ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo ay dad badan ku dhinteen. Muqtaar Rooboow ayaa hadda ku xiran magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Muqdisho)-Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed wadajir ah ka soo saartay Xaalada magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan qalalaasaha iyo gacan ka hadal kasta oo xaalada sii xumeyn kara, gaar ahaan mida bani’aadanimo. Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaankii ku geeriyooday magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee qalalaasaha ku dhintay Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee guddiga doorashada, sidoo kale ay xusheeyaam dhinacyada kala duwan daacadnimada iyo dadaalka howlaha doorashada. Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations. Source
  6. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay uu banaan bax rabshado wato uuka bilowday magaaladaasi. Banaanbaxa ayaa [...] Source
  7. Doha (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho. Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso. Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee. Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska DOHA Caasimada@live.com
  8. (SLT-Nigeria)-Militariga dalka Nigeria ayaa xayiraaddii ka qaaday dhaq dhaqaaqyada hay’adda UNICEF ee woqooyigga bari ee dalkaasi saacado ka dib markii ay hakisay howlaha hay’adda oo ay ku eedeeyeen inay u basaaseyso falaalada islaamiyiinta ah ee ku sugan gobolka aan dagganayn. Goor hore oo Jimcihii ahayd, ayuu militariga Nigeria ayssegay in ay hayaan “xog xaqiiqo ah’ oo ku saabsan in qaar ka tirsan wakiilada hay’adda Qaramada Midoobay ee carruurta ay tababarayaan oo ay shaqaaleynaynayaan basaasiin kuwaasoo taageera falaagada Boko Haram iyo teegeerayaashooda. Waxa ay sheegtay in ay joojinayaan howlaha UNICEF muddo saddex bilood ah Xilli dambe oo Jimichii ahayd ayay saraakiil ka tirsan militariga la kulmeen wakiilo ka socda hay’adda muddo yar ka dibna waxa ay ku dhawaaqeen in xayiraaddii laga qaaday. Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in saraakiisha militriga ay u sheegeen UNICEF in ay joojiso dhaq dhaqaaqyada wax u dhimaya “aminga qaranka” ee wiiqaya dagaalka lagaga soo horjeedo argagixisonimada. Milatariga ayaa sheegay in ay ku boorriyeen “wakiilada UNICEF in ay hubiyaan in ay macluumaadka la wadaagaan hay’adaha ku habboon mar kasta oo wax qabad ama tababbarro shaqaale cusub la fulinayo.” Woqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa ahayd xarunta falaagada islaamiyiinta ah ee Boko Haram, halkaas oo ay ku dhinteen qiyaastii dad gaaraya 30,000 qof, halka tobanaan kun oo kalena lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa ka hadlay xaalada ka jirta magaalada Baydhabo, isagoo ku baaqay in la xakameeyo xiisada siyaasadeed ee ku soo korodhay Koofur Galbeed. Amb. Franscisco Madiera ayaa sheegay inuu si dhow ula socday dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, kaddib xariggii Mr Mukhtaar Roobow. Waxaa uu sheegay in aanay AMISOM qeyb ka aheyn xariggiisa iyo sidoo kale tallaabadii loogu soo duuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay waajibaadkeeda u gudan doonto si daacadnimo ah, isla markaana si dhow ula shaqeyneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ixtiraameysa sharcigooda, dhaqanka iyo qiimahooda. War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Xildhibaano la baxay Badbaado Qaran ay dacwad ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya u gudbiyeen Madaxda Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeynaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howl galka AMISOM ay faragelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya, kana qeyb qaateen xariggii Mukhtaar Roobow. Source
  10. Saakay oo Sabti ah waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka soconaya dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan dadweyne aad u badan. Dadkan ayaa waxa ay waddooyinka magaaladaasi ku jareen dhagxaan waaweyn, kuna gubayaan taayero. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska iyo sidoo kale kuwii Nabad sugidda ay ku jiraan xerooyinkooda, iyaga oo ka baqaya in shacabka iyo iyaga iska horyimaadaan. Waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi, waxaana laga baqayaa in mar kale rabshado ay dhacaan. Shacabka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Baydhabo waxay sheegeen in sidan ay usii socon doonaan dibabadxyadooda inta laga soo deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-CABDULQAADIR-WARCADDE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dalalka iyo hey’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay arrimaha ka taagan koonfur galbeed ee Soomaaliya, iyaga oo ka tacsiyeeyey xildhibaankii ku dhintay Baydhabo, waxaa ay dhaleeceeyey fal kasta oo uga soo daraya arrimaha banii’aadnimada. Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee doorashada, in la xushmeeyo habsami u socodka hannaanka doorashada iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban horumar laga gaaro arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha. War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dooxa ( Sh. M. Network )-Isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayuu sheegay Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qadar looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka ka socda dalka, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda Dalka iyo Horumarada Dowladdu ay ka sameysay dhinacyada Amniga, la dagaalanka Musuqa, Koboca dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah. Ra’iisal wasaaraha xukuumada FS ayaa sheegay in dawladda Qatar ay wada gaareen heshiisyo waawayn oo kor loogu qaadayo horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in la bilaabayo inta aanu sanbadkan dhamaan dhagax-dhigga dhismaha wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jawhar, ayna ku xigi doonaan dhismaayasha wasaaradda Qorshaynta, xarunta Xisbiga iyo mashaariic kale. Waxa uu intaa ku daray in Qatar iyo Soomaaliya si dhaw isaga kaashanayaan dhinacyada gaadiidka cirka iyo dhulka, taas oo wax wayn ku soo kordhinaysa dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la hadlaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Qatar ayaa yiri. “Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, “Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare. The post R/wasaare Khayre Oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Badda Hindiya ee ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay Markab uu saarnaa Hub sharci darro ah, kaas oo ka Kaluumaysanayay Xeebaha dalka. Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska howlgalka Ciidamada Badda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay gacanta ku dhigeen Markab ay saarnayeen illaa iyo 5 Qoray oo nuuca AK47ah iyo rasas gaaraysa 471 wareeg. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegaya in Markabksani si sharci darro ah uga Kaluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya. Taliska howlgalka India ee xeebaha Soomaliya ma shaacin dalka laga leeyahay Markabkaasi ay sheegeen in ay gacata kudhigeen. Waa markii labaad oo muddo 2 todobaad gudahood ah ay Ciidamada India Xeebaha Soomaaliya ka qabanayaan Markab hubeysan oo kal Kaluumeysanayay xeebaha dalka. The post Ciidamada India Oo qabtay Markab ka Kaluumeysanayay Xeebaha dalka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Ergayga gaarka ah ee ururka midowga afrika ee arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in AMISOM aaney shaqo ku laheyn soo qabashada Mukhtaar Roobow iyo keenistiisa magaalada Muqdisho. Ambassador Francesco Madeira waxaa uu sheegay in AMISOM ay xushmeyneyso qarannimada Soomaaliya iyada oo mar kale ku celisay inay masaafo isku mid ah u jirto kooxaha iska soo horjeeda sida uu dhigayo Mandate-ka ay Soomaaliya ku joogto. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada iney aad isu xadidaan xalinta khilaafka ka taagan dalka iyo doorashada koonfur galbeed. AMISOM waxaa ay sii wadeysaa shaqadeeda, iyada oo si dhow ula shaqeyneysa dadka iyo dowladda, xushmeyneysana sharciyada, dhaqanka” sidaasi waxaa yiri Ambassador Francesco Madeira Ugu dambeyntii, waxaa uu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Baydhabo, isaga dhaawaca u rajeeyey caafimaad degdeg ah. December 13, 2018, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Baydhabo ayaa xiray murshaxii koonfur galbeed Mukhtaar Roobow, waxaana magaalada ka socda qalalaasao. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa war Saxaafadeed ka soo saartay xaaladda amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Warka ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa loogu baaqay Dhammaan shacabka K/ Galbeed in ay ka shaqeeyaan xasiloonida amniga ee magaaladaasi. Tan iyo markii Khamiistii la soo dhaafay laga soo xiray Baydhabo Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa magaaladaasi ka taagnaa rabshado ka dhashay xariga Musharraxaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo war ka soo saartay Amniga Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maalintii seddexaad banaanbaxy rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, banaanbaxyaasha ayaa kasoo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay dadka banaanbaxa dhigaya gubeen taayaro badan, iyadoo magaalada ay roqotay Uuro madow, Dhagxaan badan iyo nadaafad daro, sida ka muuqata muuqaalada magaalada Baydhabo. Abaabulka dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa wada dhalinyaro kasoo horjeeda qaabka loola dhaqmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta laga sii deynayo Abuu Mansuur. Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Roobow oo lagu dul qoray “xoriyad siiya Mukhtaar” ayaa lagu dhajiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono. Maalintii seddexaad magaalada Baydhabo waxay ku jirtaa marxalad ka duwan siday aheyd Todobaadkii hore, ilaa iyo haddana ma muuqato xal lagu qancin karo dadka banaanbaxyada dhigaya. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq Afka aan dhaafsiisneyn kasoo saaray xaalada Baydhabo, iyaga oo dalbaday in dadka ay dajiyaan xaalada magaalada Baydhabo. La soco daqiiqad walbaa waxii kasoo kordhaa Xaalada Baydhabo Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-La taliyaha sare ee gudoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa laga dhigay hubkii ay wateen ilaaladiisa iyo Gaari Babdi Bile ahaa oo isaga lagu ilaalin jiray. Jaamac ayaa soo noqday taliye ku xigeenkii hay’adda NISA, balse khilaaf iyo isku dhac kadib xilkaasi laga qaaday, iyadoona guddoomiye Mursal uu u magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan xafiiskiisa. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ciidankiisa looga yeeray xarunta xisbiga Wadajir oo talis Ciidan, halkaasi oo loo sheegay in lagu siin doono Mushaar, balse markii ay tageen lagu wargaliyay in ay Hubka iyo Gaadiidka dhigaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli uu jiro khilaaf adag oo u dhgexeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda dowladda, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Lataliyaha guddoomiyaha BFS Oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidankii ilaalada u ahaa appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-151218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo kulahaa Muqdisho (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ayaa la sheegayaa iney isku afgarteen arrimo ka dhan ah mucaaradka. Qodobbada War-murtiyeedka ayaa u qornaa: Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab. Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada. Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan. Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo. Labada Madaxweyne waxaa ay garawsanyihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan, iskudey kasta oo lagu carqaladeynayo dardarta ka socota gobolka waxaa ay shaki la’aan curyaamineysaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada nabadda iyo dib u heshiisiinta. Madaxdu waxaa ay mideysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan laheyn, siyaasadina dabada ka riixeyso, waxaa ay dhammaan ugu baaqayaan nabadda iyo xasloonida Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 1aad ‘………………. Marka hore Nabad iyo Naruuro ayaan idiin rajaynayaa dhamaan Umadda islaamka, mar labaadkana waxii Afsoomaali ku hadla. Akhristeyaal Saaxiiboyaal, Waxaan halkan idinkula wadaagi doonaa Qoraal Taxane ah, Oo iskugu jira Iftiimin iyo Xogsiinba, Maaha inaan u hadlaayo dan shakhsi oo aniga ii gaar ah. Maaha dhaleecayn qof nacayb iyo Shakhsi weerar. Ugama jeedo qoraal kaygan Raadsasho anfac iyo aduun oo Uma sii maraayo meel aan waxka doonaayo, balse ujeedka aan iskugu hawlay ee igu Ijbaaray waxaa weeyaan. In mudo ahba waxaa SOCIAL MEDIA-YAHA kusoo baxaayey qoraalo iyo Sawiro ay inala wadaagayeen dad fara badan Oo joogaa meelo kala disan sida gobolada Somaliland, iyo dalka debadiisaba, qoraaladaas Xogahaasi dhamaantood waxay daaranaayeen oo ay iskaga mid ahaayeen ujeedooyinka ay ka hadlayeen, Waxay ahaayeen HAMBALYOOYIN, BOGAADIN IYO BUUNBUUNIN qayral caadiya oo loo Tabinaayey qof amaba Masuul aan mudnayn aniga aragtidayda gaar ka ah. Waayo Hadaad maqashid masuul umadda adeege u ah oo waajibaadkiisa maalinlaha ah gudanaaya, oo lagu amaanaayo waxay u dhigan tahay laba mid uun. 1- in dadkan amaanayaa aanay aqoon u lahayn waxan ay ku amaanayaan Masuulkan oo aanay aqoonba waxaa ay qofkan shaqadiisu tahay. 2- iyo in ay tahay Barnaamij uu isagu abaabulkiisa leeyahay oo ah waxaa aynu u naqaano “IIDHEHDA” taas oo loola jeedo ama loola dan leeyahay, Yool Habaabin iyo Buunbuunin si Dadka waxma garatada ah loogu mashquuliyo, waxaan dani ugu jirin. Haddaba waxba yaanan idinku badin sharaxaada mawduucayga oo aan toos u abbaaro ula jeedkkaygee, Waxaan rabaa inaan waxooga iftiimin ah idinkala wadaago Arin ku saabsan Magaalada Xeebeeda Berbera iyo Maayarka Magaaladaas Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDIN). Magaalada berbera waa Magaalo aad u facweyn oo Taariikh badana leh oo aynaan halkan kusoo koobi karin, Balse Arintaas kagaba hadli maynee. Waxaan Mawduucan si qoto dheer ugaga hadli doonaa Mustaqbal Xumaanta iyo Nasiib dara soo wajahday Magaaladii berbera ee Somaliland u ahayd KINSIGA dahabka ah ee dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd. Akhriste ii ogolow inaad wakhti kooban ii raacdid Magaaladii berbera, ogow tagi mayno dalxiis iyo Tamashleyn ee waxaan doonayaa inaad Ila soo aragtid, Xaalka magaaladu ku sugan tahay hada, iyo inaan waliba kaaga sheekeeyo siday Berberi ahayd shan sano uun ka hor. Aan kaga bilaabee markaad maraysid XABAALO TUMAALOOD tuulada loo yaqaan oo Magaalada Galbeedkeeda dhacda masaafo gaadhaysa 25KM. Waxaad u galaysaa Dhul seesan oo oo lamiga ku teedsan, Seeskastaa waxaa ka kooban yahay Cabir dhan 100m oo dherer ah iyo 100m oo kale oo balac ah. Waxaad is odhanaysaa tolow meeshan ma beer ayaa laga dhigayaa, Waayo Dee maaha meel guri laga dhisan karo oo magaaladii waxay u jirtaa 25KM, waa guriga magaalada ugu soo xiga. Haddaad tahay qof ka yimid dhinaca Burco ama Sheekhna waxaad Seeska ugu soo galaysaa Tuulada loo yaqaano TUULO XAYAWAAN oo Koonfur kaga beegan berbera masaafo dhan 35KM. Waa sidii uun Sees aanay ishaadu dhinaciisa kale arkayn iyo Calaamad aad u aqoon sanaysid in dhulkani yahay arlo dad qayb sadeen oo mulkiyeen Lkn aanad garan karin waxaa loo isticmaalaayo. Hada wali magaalo kuuma dhawa oo meelna 25km ayaa xigta meelna 30KM ku dhawaad. Ila soco Akhriste, Oo waxii aad aragtid ama kaa yaabiya ama aad iswaydiisid, hadhaw markaynu berbera gaadhno iwaydii hada wax badan baa kuu hadhaye. Waxaad taqaanay marka magaalo intaas loo jiro ama laga baxo inaad aragtid laba mid uun. 1- dhul beeralay ah oo aan laga aqoon Sees ama jagooyin. 2- iyo Dhul Xoolo daaqeen ah oo Meesiyada lagu foofiyo oo la kala lahayn. Balse Berberi la mid maaha ee hala yaabin. Waxba hays waydiin Haddaad maqli jirtay Dhulka waxii magaalada ka baxsan 15KM, waxaa maamusha Wasaaradda Hawlaha guud, Berberi waxay haysataa sed bursigaas dheeraadka ah ee. Hays waydiin anigana hay Su’aalin goorta iyo xiliga uu dhulkani magaalo noqonaayo oo Berberi soo gaadhayso, waayo dee aniguba garan maayo, Jawaabta oo kuma dhaamo. Haddaad maqli jirtay dawlada hoose waxay dorshaysaa oo qaybisaa kolba Bagcada ku haboon inay magaalawdo, oo ay deegaamaysaa Tanna aad aragtay fadlan Hays mashquulin, Berbera waxaa lagu kala gatay Qiimo jabane. Hadda waxaynu soo gaadhnay berbera, waxaad joogtaa Halkay labada wado ku kulmaan SIIRO-GA. Haddaba Berbera aan kaaga sheekeeyo, immika waad I fahmaysaa, waayo 25KM iyo 30KM ayaynu Seesas Iyo Calaamado soo dhaafaynay, Waan garanayaa Su’aalaha kusoo haraatiyaaya ee I dhagayso, anniga si aad Sawirada Maskaxda kuugu jira aad ugu heshid Jawaabo aad ku fahanto. Aan Berbera kaaga bilaabo siday ahaan jirtay iyo siday tahay…. Ahmed Muse Mohamed Lasoco qaybaha dambe…. Qaran News
  21. Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo. Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ahr ku laheyn xariga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xiran yahay. Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xariga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya. “Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xariga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM. Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn. Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Daahir Dabadii Meeshii aan dadaal xoogle iyo dahab ka eegaayey ayuun-baa sidii buul duqeed daaha loo rogay,Ninoow-na Doorashaa dhici ha u dabaal degin,mudadii ay Golahan Wakiiladu fadhiyeen Somaliya waxa is-bedelay Afar Gole Baarlamaan. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay. Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan. Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen. Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda. Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com