-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan 9aad Kalfadhiga 4aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xasilooni darada ka taagay koonfur galbeed ayaa baaq ka soo saaray arrintaas iyaga oo sidoo kale baaq kale u diray dagaal ka socda tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada. Qoraalka Waxaa uu u Qornaa: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare: ISAGA 00 GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ISAGA 00 XOG OGAAL U AH xasilooni darada , nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan rnagaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed; Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soornaaliyeed ee ku geeriyooday arna waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu darnbeeyey ee rnagaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isaga oo welwel xoogan ka qaba in xaalada arnni iyo rnida rnaarnul ay faraha ka baxdo ayuu waxa uu ugu baaqayaa dharnrnaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan rnagaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is rnaandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaarnka iyo kala darnbeynta Magaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxaa ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isla kulankiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018 wuxuu ku guddoonsaday: ISAGA 00 SI DHOW ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa ka socday in muddo ah deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ka wada yihiin Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ay ka mid yihiin Tuulli-Guleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada. ISAGA 00 XOOJINAYA nabadgelyada iyo wadanoolaanshaha Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada. Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed. Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqayaa shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida 1yo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo rabshadaha ka socda magaalada Baydhaba, iyo sidoo kale dagaalka Mooyaale ee Soomaalida iyto Oromada. Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaca dagaalka Mooyaale, guddiga ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed. Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqay shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan
-
Murashaxa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019,mudane Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Murashaxa oo ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa markii uu Garoowe soo gaaray,waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo sita calanka Puntland iyo sawirka murashax,kuwaasoo mudda saacado ah halkaasi ku sugayay. Mudane Juxaa oo barxadda weyn ee caasumadda kula hadlay boqollaal kamid ah taageerayaashiisa , ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay,isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban oo ku saabsan waxqabadkiisa,haddii loo doorto madaxweynaha Puntland. “isu’soo baxaan maanta barxaddan la isu’gu yimid ee reer Puntland,waxay muujinaysaa sida ay dadku ugu heellan yihiin, in ay aayahooda gacanta ku qabsadaan,in dadka ay rabaan ay soo doortaan”,ayuu yiri Mr Juxaa oo la hadlayay taageerayaashiisa. Murashaxa ayaa sheegay in Puntland maanta ay u baahantahay hoggaamiye raad la raaco leh oo hore waxqabadkiisa loo tijaabiyay ee aysan u baahneyn mid ku bar-barta,mid meel kale laga soo xawilay iyo mid koox-daneed ay riiixayso. Wuxuu ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalah,horumarinta bulshada,hirgelinta doorasho qof &cod ah,la’dagaallanka musuq maasuqa, iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada shacabka Puntland. Mar uu ka hadlayay xuduudaha maqan ee Puntland, ayuu sheegay in shacabka gobollada SSC ay wax ka as’aasteen dowladda Puntland,islamarkaana haddii ay wax tabanayaan uu ka garaabayo,balse marnaba aanu cid kale gorgortan kala gelin doonin goboladaasi. Dhinaca kale murashax ayaa farriin u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi”Muuse Biixi waxaan leeyahay,gobolka Sool Puntland gorgortan kama gelayso,dadkiisa ayaa doortay in ay Puntland noqdaan,annana taas ayaan ka shaqeynaynaa”ayuu yiri mudane Juxaa. PUNTLAND POST The post Juxaa: Muuse Biixi waxan leeyahay Puntland gobolka Sool gorgortan kama gelayso appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/Galbeed iyo kuwa Itoobiya. Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey. Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd. Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha. Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi. Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in xukuumadda Soomaaliya ay go’doon gelisay oo ay ka hor-istaagtay xildhibaanada inay u yimaadaan. “Maal-mahan dambe waxaa billowday in xildhibaanada loo diido in deegaanka aan deganahay ay usoo gudbaan, waxaan leeyahay arrintaas arrin wanaagsan maaha, Baarlamanka xor ayuu ka yahay, waana ka madax banaan yahay golaha fulinta” “Xildhibaanada waxay xaq u leeyihiin in dhaq-dhaqooqda xor u noqdaan, waana in la ilaaliya dastuurka dalka iyo sharciga, loona ogolaadaa xildhibaanada inay xor u noqdaan dhaq-dhaqaaqooda” ayuu yiri Mursal Mursal oo horey u degenaa dhisme ku dhex-yaalla Villa Somalia, ayaa kasoo guuray wuxuuna hadda degan yahay hotel Shabeel, oo xarun u ah xildhibaanada xisbiga UPD ee horey u kala ahaa Daljir iyo Damu-Jadiid. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Buulo-burte ee G/ Hiiraan. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob lagu iibiyo Qaadka oo ku taalla bartamaha magaaladaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Buulo-burte oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro u badan qaraxyo ka fuliya gudaha degmadaasi. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Buulo-burte appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maalintii saddexaad kacsam xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Dibadbaxyo iyo rabshado xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay dib uga bilowdeen gudaha magaaladaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Baydhabo, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markale dagaal uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamada dowladda kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Ciidamo taabacsan Sheekh Roobow. Khasaasare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhasheen dagaalkaasi iyo rabshadaha ka socda halkaasi, walow aan ka xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Isgaarsiinta ayaa sidoo kale hawada ka maqan, taas oo saameyn ku yeelatay xiriirka magaaladaasi. Dhinaca kale waxa socda kulamo gooni gooni ah oo ay wadaan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka K/ Galbeed, kuwaas oo looga hortagayo xiisadahaasi. Xaaladda Baydhabo ayaa sii xumaatay tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga soo xiray magaaladaasi Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay ua tirsanaa Al Shabaab. The post Rabshado xoogan Oo weli ka socda magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Magaalada Sheikh Waa Magaalo Qadiimiya Oo Aad U Fac Weyn’ Taariikho Guunina Ay Ku Duugan yihiin’ Waana Magaalo Leh’ Hawo Aad U Fiican Kuna Taalaa Dhul Aad U Sareeya, “ HighLands” Oo leh Hawo Qabow, Magaalada Lagu Magacaabi Jirey “Fardowsa” Waxay Ahayd Magaalo Asaasantay Ama Unkantay’ Wakhtigii Fiditaanka Diinta Islaamka, Waxaa Goobtii Magaalada Fardowsai Ku Taalay Wakhtigan Ku yaala Ku dhawaad 6000-Xabaalo ah’ Waxaanay Isku Hayaan Dhinaca Xabaaluhu’ Lamana Garanayo Cid ku Aasan Xabaalahani. Baadhitaano Ay Sameeyeen Taariikh-yahano Giriik ahi’ “Greece ” Waxay Sheegeen Ku dhawaad 1000-Sanadood In Goobtaasi La Degenaa’ Khubaro Kale Oo Dhawaan Baadhitaano Goobtan Ka Sameeyey Ayaa Sheegay In Magaaladani Qarnigii 16aad’ Ay Magaalo Ahayd Oo La Degenaa. Magaca “Sheekh” Waxaa Laysku Waafaqsan yahay Inuu Ka Yimid Sheekh Qudub “Khutub” Oo Ah Sheekh Qudbigiisu Magaalada Ka Dhisan Yahay Oo Aan Se La Garanayn Taariikhda Qudbigan Loo Dhisay Sheekha’ Se Culimada Baadhitaanka Sameeyey Ay Sheegeen In Ku Dhawaad 800- Oo Sano Ka Hor La Dhisay Qudbigan’ Sidaas Ayaanu Magaca Sheekh Ugu Baxay. •— Taariikhda Dariiqadu Waxay Ahayd Bilowga Magaalada Sheekh” Qarnigii 19aad Ayaa Waxaa Soo Degay Sheekh Sayid Adam Magaalada Sheekh Oo Halkaa Ka Asaasay Dugsi Quraanka Lagu Barto. Sanadkii 1888-Kii Ayaa Waxay Koox Sahani Soo Mareen Agaagarka Meesha Loo Yaqaan “ Guriga Dariiqada” Oo ahayd Bilowgii Magaalada Sheekh, Nin Kamida Kooxdaasi Ayaa Waxa Uu Qoray Qoraalkani waxaanu Yidhi Sidan: “Waxaanu Soo Marnay Goob Soo Jiidasho Leh’ Oo Gidaar weyn Oo Dhagaxi Ku Wareegsan Yahay Oo Qurux badan Waxaana Ka Muuqday Dhisme Weyn Oo Masaajid Noola Muuqday Waxaananu Damacnay Inaanu Gudaha U Galno’ Se Waa Naloo Diiday Inaanu Galno Waxaana Si Wanaagsan Naloogu Sheegay Inaan Goobtan Loo Ogolayn Inaan Qof Aan Muslim ahayni Gudaha U Soo Geli Karo Oo Aan Loo Ogalayn Qofaan Muslim ahayn” Waxaa Se La deganaa Ilaa Bilowgii Qarnigii 19aad, Waxaanu Sheekh Aadam Sameeyey Oo Ka Horaysay Deegaanka “Xaaxi” Oo U Dhaw Magaalada Ood-wayne. Wakhtigan degmada Sheekh Way Kortay Oo Kobocday Waxaanay Noqotay Deegaan Weyn, Waxaanay Degmada Qaadatay 1972-dii Qiyaas ahaan Dadka “Population” Ku Nooli Waa 10,000- Oo Qof. Hadaba Xaafadan Dariiqada Lagu magacaabo Waxaa Ku dhaqan oo ku Dhisan Dhammaan Qabiil kasta Oo Soomaaliya Dega waana Makaanka iyo Meesha Qudha ee laga Wada Helayo Guud ahaan Faraha-Qabiil Ee Soamaalida Ka Farcama Haan-kasta iyo Sidoo Kale Dad Aan Faraca Somali gelin Oo Isku Jira, Guud Ahaan Ilaa Qarniyadaa Fog, Waxay ahaayeen Dad Isku Duuban Oo Hal-Xubina. Waa Dad Unug keliya Ah Waxayna Goobtan Deganaaayeen Muddo Dheer, Waana Meesha keliya ee deegaanada Somalida Aan laga aqoon “Qoloma Ayaad tahay/ Qabiilkee Tahay” waa dad Ah’ Hal Xubin Oo Xalan Kana Xora Is bahaysiga Halakeeyey ee Hagaasiyey’ Isla markaana Hoos U dhigay Ummadeena Somalida, Waa Mujtamac dadka kale Iska xigtaystay, iyaga oo Aan Xidhiidh qabiil Ka dhaxayn, Sidoo kale Waa Dad Wax-wada Qaybsada, Waxna-wada Qabsada Walaaltinimo Waarsan iyo Weji-Wanaagsan waa dad isku qaabila Waana Dad isku miciina Oo Maxhaystada iyo Maalqabeebkoodu Isku Quud-dheefsanayaan’ Waa silsilad Bulsho Oo Isku Uur-samaan iyo Is Jacayl ku Badhaadhay, Waxay Isu hayaan Marxabayn iyo Maxabo Aan Gudhin oo Guumowday oo Gaammurtay, Ubadkoodu Waa Isugu Mid Xoolohoduna waa isku Xero, Waa dad is taakuleeya oo Tar iyo Taageeraba Isla garba-jooga, Keliya Waxaad Moodaysaa Hal-Guri, Waana Dad Aad Is odhanayso Somali Haday sida Xaafadan Ahaan lahayd Waxaynu Noqon lahayn Dad iyo Dawlad Dunida 1aad Tartarn la gala. Caqliga Somali Ka Lumay Ee Ay Waayeen Wuxuu Yaalaa Xaafadaasi. Qof kasta Waxay Ku soo dhaweeyaan Qalbi-Moogan Qabyaalada iyo Maan ka gaajaysan Qabiil is-Qolaysiga iyo Qaraabo-Kiilka, Xataa Dhulka, Iyo Guryaha iyaga ayaa Ku siinaya hadii Aad la degto, Lagamana Yaqaan Dhulkan Sida Xero-Gaalka Qof waliba Tallaabada Ootay, Wax keli lahaanshaha Si wada Jir ah ayaa Loo wada leeyahya hanti kasta, Hawl kastana Hal Si ayaa Loo wada qabsanayaa, Horumar kastana si wada jira ayay u wada Gaadhaan. Waana Dad Qofka Xaafada Dariiqada Ah’ Uu u arkayo Qofka kalee Xaafada Dariiqada ah’ Xigtadiisa Iyo xigaalkii. Hoy’ Hu Iyo Hunguriba Kama Wer-weraan Oo Iyaga Ayaa Is Gacan Qabta. Waxbarashada, Caafimaadka, Biilsha, Iyo Sidoo kale Baahiyaha Asaasiga ah’ Ee Nolosha guud Ahaan, iyaga ayaa Iska Kafeeya’ Si Wadara, Oo Aan Waaxid Ahayn. Qof kastana Oo ku soo biira Waxay Siiyaan Hoy hu’ iyo Hunguri’ Waana Dad Aad isugu War iyo Wacaalo haya Qurbo-joog ilaa Qaran Joog. Waana Bulsho Gaadhaya Kumanaan Qoys Oo ku kala Maqan Daafaha Dunida Halka keliya Ee ay kusoo Guryo Noqdaana Dalka Waa Deegaankooda Dariiqada Waayo uma Cuntamayso Deegaanada kale Maadama Ay yihiin Dad ka dhaqan duwan dadka kale Oo Dun-Wanaagsan, Waana Dad Isu qabta waxaanay Isu Qaban Kuwa Isku Qabiilka iyo isku Qudha ahi. Waana Deegaanka keliya ee gayiga Somalidu Degto Min Tajoora Ilaa Tana-River, Ka xoraysan Qudhanka Qabyaalada. Qalinkii: Fadxi Garaad Ciise Cont: 252-63 4001631 Or aqoonyahanfadxi@gmail.com Qaran News
-
International envoys have called on Somali leaders to pursue dialogue to resolve political differences ahead of regional elections in South West State. The envoys from the United Nations, EU, Africa Union, U.S., Britain, Germany, and France, among other nations, expressed concern over recent clashes in the regional state that led to the arrest of al-Shabab co-founder Mukhtar Robow. “We extend our deepest condolences for the death of the South West State assembly member and others who have died in the violence in Baidoa. We deplore all violence and any other acts that could exacerbate the humanitarian situation,” they said in a joint statement issued on Friday night. Robow was arrested and handed over to the Somali National Security Intelligence Agency (NISA) on Thursday after being flown from Baidoa, about 270 km outside capital, Mogadishu. The ex-al-Shabab leader was one of the candidates vying for presidency in Somalia’s South West regional elections scheduled for Dec. 19. His arrest sparked demonstrations between pro-Robow and Somali security forces on Thursday and Friday in Baidoa town. A parliamentarian and a young boy were among more than 10 people killed in the ongoing clashes. In a joint statement, the international partners underscored there should be unified support for the agreed framework governing the elections, and urged all parties to respect the integrity of the electoral process. “We encourage constructive dialogue to resolve political differences and address other challenges in order to advance the political and economic progress of the country,” said the partners, also including those from Denmark, Finland, Ireland and Italy. The electoral commission in Baidoa, South West State has confirmed it planned to carry out the elections despite the arrest of Robow. The post International community urges dialogue to resolve crisis in Southwest State appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay imaatinka Soomaaliya gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA Gianni infantino in uu u gubiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwaasare Khayre. 26 February 2016-ayaa Infantino loo doortay jagada hogaaminta xiriirka kubbadda cagta caalamka wuxuuna xilkaas kala wareegay Sepp Blatter oo Hogaaminta Fifa hayayintii u dhaxaysay 1998 ilaa 2015. Markii la doortay Gianni infantino waxa uu safaro shaqo iyo booqasho kala duwan ku kala bixiyay wadamada qaar ee Afrika tusaal u ahaan waxa uu booqday South Sudan,Jabuti,Ethiopia,Kenya waxaana waqtigaas jadwalka ku jirtay in Soomaaliya uu soo gaaro,balse cilado farsamo ayuu ugu baaqday imaatinka Soomaaliya. “Marka kasta waxa uu ku mashquulsan yahay sida loo horomarin lahaa kubbadda cagta caalamka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya iyo sidii wax looga badilahaa laguna kordhin lahaa aragtiyo cusub qorshayaasha uu iminka diyaarinayo Infantino waxaa ka mid ah sida loo taageeri lahaa wadamada dalkeena oo kale taasna waan ugu mahad celinaynaa”sidaas waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab. 2017-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda caalamka waxa uu dalka Gabon ku daawaday kulan ka tirsanaa koobka qarmada Afrika 2017 waxaana kulanka dhex dhexaadiyaal ka ahaa afar ka mid ah garsooryaasha heerka caalami ee kubbadda cagta dalka,isagoo amaanay qibarada iyo xifrada garsoorayaasha Soomaaliya waxaana kulankaas dhex dhexaadiye ka ahaa garsoore Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir. 15-November 2018-Doorashadii 7-aad ee xiriika kubbadda cagta dalka oo ka dhacday Muqdisho ayaa markale waxaa dib loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyahaya, isagoona iminka sii hayndoono jagada xafiiska xiriirka k.cagta inta laga gaarayo sanada 2022. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Cabdiqani Saciid Carab markii dib loo doortay Bishii November. “Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diryo hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri Giano Infantino. “Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay,waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. waxaan kaa sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoomiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Sacid Carab. Hogaanka xiriirka kubabdda cagta caalamka ee FIFA iyo kan dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhaxeeyo calaaqaad wanaagsan waxaana gudoomiye Cabdiqani uu sheegay in madaxda qaranka uu u gudbiyay imitaanka Soomaaliya ee Giano Infantino. “Sidee kol hore loo soo dhaweeyay gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed ayaa iminkana loogu diyaar garoobayaa imaanshiyaha Giano Infantino ee Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa gudoomiyahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Isku soo wada duub dad badan ayaa u arka booqashada madaxda FIFA ee dalka in ay tahay fursad kale oo ku aadan horomarinta kubbadda cagta iyo guud ahaan guud socodka wanaagsan ee isboortiga Soomaaliya Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Giano Infantino W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
An Indian Navy ship deployed for anti-piracy operations in the Gulf of Aden made a second arms seizure in six days from a fishing vessel off the coast of Somalia, a defense official said here on Friday. On Thursday, offshore patrol vessel INS Sunayna spotted a suspicious fishing vessel around 20 nautical miles off the coast of Somalia in the Horn of Africa. Indian Navy personnel boarded the ship and seized an arms cache of five rifles, including an AK-47, and 471 rounds of ammunition. After interrogating the crew for piracy-related activities, the fishing vessel was released, said Navy spokesperson Captain DK Sharma. Last Saturday, INS Sunayna had similarly investigated another suspicious fishing vessel around 25 km off the coast of Somalia near Socotra Island and seized four high caliber AK-47s, one light machine gun and ammunition for these weapons. The previous month, too, INS Sunayna had seized weapons and ammunition from a fishing vessel in the vicinity. The arms and ammunition were seized under the authority accorded by UNSCR 2383 (2017), said Captain Sharma. INS Sunayna has been deployed for anti-piracy patrol in the Gulf of Aden since October this year and is part of the Indian Navy’s efforts to ensure safe seas for Indian and international seafarers in the Indian Ocean region. Global efforts to combat piracy in the east coast of Somalia and Gulf of Aden involves the participation of several countries including India, China, Japan, USA, Russia, Pakistan, and European Union nations. The post Indian naval ship seizes illegal arms from fishing vessel off Somalia coast appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa ka hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay. Mr Madeira ayaa xusay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uusan qeyb ka ahayn xarigga Sheekh Mukhtaar roobow oo ah Musharrax u tagaan xilka Madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wakiilka ayaa sheegay in AMISOM ay ixtiraameyso jiritaanka shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in ay mar walba dhexdhexaad yihiin Francisco Madeira wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dajiyo xasaradaha ka taagan magaalada Baydhabo, si loo qabto doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Sidoo kale Mr Madeira ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka AMISOM uu sii wadi doono xiriirka iyo la shaqeynta shacabka iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dhawrayaan shuruucada, dhaqanka iyo aayaha dalka. Ugu dambeyn Francisco Madeira ayaa ka tacsiyeeyay dadkii lagu dilay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. The post AMISOM Oo iska fogeysay ku lug lahaanshaha xarigga Roobow appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya. Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey. Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd. Wariyaheena C/qaadir War Cadde ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha. Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi. Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horreyn guddoomiye Mursal ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday xiisadaha ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoonaka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xarigga loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnsuur oo ka mid ahaa Musharraxiinta K/ Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga Sheekh Abuu Masuur, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Musharraxaasi. Dhinaca kale Afhayeenka BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada K/Galbeed iyo qaabka ay hadda wax u socdaan. Guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayuu ka dalbaday in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada, si loo xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xiisado xoogan ay ka taagan yihiin gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka dhashay xarigii Khamiistii la soo dhaafay loo geystay Musharrax Sheekh Mukhaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al Shabaab. The post Guddoomiye Mursal Oo dalbday in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-15122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia (SRCC) and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, has been following closely the events in the South West State of Somalia that culminated in the arrest of Mr. Mukhtar Robow. Ambassador Madeira wishes to inform the public and its partners that AMISOM had no part in the arrest of Mr. Robow and his subsequent transfer to Mogadishu. AMISOM will continue to recognize and respect the sovereignty of the people and the government of Somalia and reiterates its resolve to remain impartial in the implementation of its mandate in the country. “I wish to call upon all parties to exercise the utmost restraint in resolving the issues related to the current situation in the country and the upcoming elections in the South West State of Somalia. AMISOM will continue to execute its mandate in close cooperation with the people and the government of Somalia, with maximum respect for their laws, their culture, and their values,” said Ambassador Madeira. “We are saddened by the loss of lives in Baidoa and send our heartfelt condolences to the bereaved families and pray for the quick recovery of those who sustained injuries,” he added. The post AMISOM appeals for restraint on political standoff in Southwest State appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xarigii loo geeystay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax madaxweyne Koonfur Galbeed. Faysal ayaa sheegay in ay aheyd wax aad looga xumaado falkii ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Abuu Mansur.“Waan cambaareyneynaa xariga loo geystay muqtaar roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay Magalada Baydhabo,Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo,sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Muqtaar Rooboow Abuu Manauur. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntland Post The post Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in la sii daayo Abuu Mansuur appeared first on Puntland Post.