-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhdiisa Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay. Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Waxaa uu meesha ka saaray in la qabto wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan. Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la qaban wareegyo kale. Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod 2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od 5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod Waxaana xumaaday inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen. Akhri sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed. waa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ayuu ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed. Haddabawaa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-191218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow doortay Madaxweyne cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 Musharrax, iyadoona lagu kala baxay isla wareegii koowaad ee Doorashadaasi C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa ku guuleystay doorashadan, kaas oo helay 101 Cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha cusub oo la dhaariyay doorashada kadib ayaa hoggaamin doona maamulkaasi Afarta sano ee soo socota. The post Lafa Gareen Oo ku guuleystay doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo dhowr jeer iska casilay jagooyin muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Maanta waxaa uu ku guuleystay doorasho ay gacan ku siisay dowladda federaalka ah, waxaa kursiga uga horeeyey Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu is-casilo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The lawmakers of Southwest state assembly voted unanimously to elect Abdiaziz Lafta Gareen as new president during an election held on Wednesday in Baidoa city. Lafta Gareen won 103 votes against his closest contender Aden Saransor who garnered 22 votes, according to the electoral commision of Southwest State. Five candidates, including Lafta Garen have contested for the leadership of Southwest state. The election took place amid tight security in the city with troops blocked the roads. The post Southwest State elects former energy minister as new president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga doorashada koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen uu u guuleystay madaxtinnimada koonfur galbeed . Tartanka oo ku soo gabagaboobey wareegga koobaan waxaa loo kala helay : Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen.( 101) Ibraahim Macalin Nuur.(6 ) Aadan Maxamed Nuur Saransoor.( 22 ) Xuseen Xusmaan Xuseen.( 3 ) Am Sayid Axmed Shekh Daahir ( 4 ) halka 13 ay halowday. Tartanka waxaa laga reebay Mukhtaar Roobow, isaga oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (PP) ─ C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo ka mid ahaa musharraxiintii u Tartamayay jagada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa ku guuleystay doorashadii maanta dhacday Baydhabo waxaana uu helay 101 cod. Lafta-gareen oo la sheegay inay wadato Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku guuleystay cod aqlabiyd ah, waxaana ku xiray musharrax Aadan Saran-soor oo ka mid ahaa musharraxiintii la tarmtayay. Sidaas daraadeed, Guddiga Doorashada maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku dhawaaqay in C/casiis Lafta-gareen uu ku guuleystay doorashadii maanta dhacday ee lagu soo xulayay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed. Hadal kooban oo uu goobta ka jeediyay, Aadan Madxamed Nuur Saransoor oo ahaa musharraxii ku xiray musharraxa guuleystay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorashada sida ay u dhacday, isla markaana uu si gaar ah ugu hambalyeynayo madaxweynaha cusub. “Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno madaxweynaha guuleystay ee C/casiis Lafta-gareen,” ayuu yiri Aadan Saransoor oo ALLE ugu bayay inuu xilka cusub la gabgalo musharraxa guuleystay. Dhanka kale, Madaxweynaha cusub ee Koonfur-galbeed ee maanta la doortay C/casiis Lafta-gareen oo noqonaya madaxweynihii labaad ee loo doorto hoggaanka Koonfur-galbeed ayaa isaguna hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu u hambalyeynayo xildhibaannadii doortay iyo kuwii aan dooran. “Waxaan u mahad-celinayaan guddigii doorashada, ciidamadii sugayay amniga guud ee doorashada iyo musharraxiintii saaxiibadey ahaa ee ila tartamay, gaar ahaan Aadan Saransoor oo igu soo xigay dhanka codadka” ayuu yiri Saransoor. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in maanta Koonfur-galbeed ay heshay madaxweyne daacad ah oo danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doona, isla markaana la-wada shaqeeyo maadaama ay dhammaantood guuleysteen. Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana goob-joog ka ahaa Doorashadan mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Somalia, waxaa kaloo goobta ku sugnaa madax-dhaqameedka iyo odayaasha Koonfur-galbeed. PUNTLAND POST The post C/casiis Max’ed Lafta-gareen oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Koonfur-galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay. Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Waxaa uu meesha ka saaray in la aado wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan. Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la aadin wareegyo kale. Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod 2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od 5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod Waxaana halaabay inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa bilaabay tirinta codadka xildhibaanada baalamaanka ay dhiibteen, waxaana tirinta kadib la shaacin doonaa codadka ay kala heleen musharixiinta Tartameysa. Guddiga ayaa uga digay xildhibaanada ilaa natiijada ugu dambeyso laga gaaro inaysan dhici karin wax mashxarad iyo Sacab ah. C/Casiis Lafta Gareen ayaa ah ruuxa aadka loogu saadaalinayo Doorashada hadda ka socoto magaalada Baydhabo. Xildhibaanada ayaa markale codeyn doono haddii aysan dhicin Tanaasulaad ay sameeyaan musharixiinta usoo baxa wareega ugu dambeeya ee doorashada. La soco arrimaha doorashada Koofur Galbeed. Caasimada online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa goordhow soo idlaatay bixinta codadka xildhibaanada Koofur Galbeed oo dooranaya mid kamid ah Shan musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Xildhibaanada ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana dhamaantood ay mareen sharuudaha bixinta codadka ay ku doonarayaan musharaxa madaxweynaha Koofur Galbeed hogaamin doono afarta sano ee soo socoto. Xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Goordhow ayaa la filayaa in la bilaabo tirinka codadka xildhibaanada ay dhiibteen, waxaana kadib la shaacin doonaa codadka la kala helay. Toos ula soco doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay si rasmi ah uga bilowday doorashada Madaxweynaha K/ GaLbeed Soomaaliya. Illaa iyo shan Musharrax ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo kala ah:- Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, iyo Danjire Seyid Axmed Sheekh Daahir. Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan iyo wafdi kor joogto ah oo saaka dowladda Soomaaliya u dirtay K/ Galbeed. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Soomaaliya lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Radisoshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Doorashada K/ Galbeed Oo ka bilaatay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (PP) ─ Waxaa xarunta madaxtooyada ee mamulka Koonfur-galbeed ka billowday doorashada madaxweynaha maamulkaas oo ay ku tartamayaan illaa shan musharrax oo uu ka mid yahay musharraxa ay sida weyn u taageerayso Dowladda Somalia. Xildhibaannada ayaa billaabay inay codadkooda dhiibtaan, waxaana ku sugan goobta ay doorashadu ka dhacayso xubno kormeerayaal ah oo ka socda dowladda dhexe ee Somaila, si ay ula socdaan sida ay doorashadu u dhacayso. Musharraxiinta Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ku tartmaaya ayaa waxay kala yihiin; C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] Aadan Maxamed Nuur [Saransoor] Xuseen Cusmaan Xuseen Ibraahim Macalin Nuunow Sayid Axmed Sheekh Daahir Doorashadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan Baydhabo laga soo xiray Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiinta la filayay inay maanta u tartamaan doorashada ka socota Baydhabo, wuxuuna ku xiran yahay magaalada Muqdisho. Haddaba, kala soco natiijada doorashadan kasoo baxda shabakadda Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Doorashada Hoggaanka Maamulka Koonfur-Galbeed oo Goor-dhaw ka bilaabay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hor istaageen musharax doonayay inuu taageerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe. Musharax C/Samad Maxamed Galan ayaa laga hor istaagay inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe. Wariyaasha magaalada Garowe ku sugan ayaa sheegaya in musharaxa uu doonayay maanta inuu taagerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe, waxaana hor istaagay laamaha amaanka. Lama oga sababta Musharaxa loogu diiday inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe, iyadoo ay socoto qaban qaabada iyo ololaha doorashada Puntland. Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimadaa@live.com
-
Al-Shabaab claimed it killed a senior Somali security officer in Middle Shabelle region, south of Somalia, the latest in series of assassinations targeting army personnel by the militants. The victim, Mohamed Ali Mohamed [Kartoon] was shot dead in Galbole by assailants armed with pistols, according to a statement posted on the Al-Shabaab-affiliated media outlet. The group said the slain officer was working with the African Union Mission in Somalia [AMISOM] as an undercover agent. There were no immediate sources verifying the claims. Al-Shabaab often carries out executions in areas under its control in the south and central Somalia as part of the decade-long insurgency in the Horn of Africa country. The post Al-Shabaab says it killed security official in Middle Shabelle region appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Sida ay goob joogayaal soo sheegayaan, dagaalkan waxaa deegaankaasi ku qaaden ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi ku sugnaa dagaalyahannada Al-shabaab. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in diyaarado dagaal lagu arkayo nawaaxiga deegaanka uu dagaalkan ka socdo. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dowladda federaalka ahna aanay wax war ah kasoo saarin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ka bilaabatay codeynta xildhibaanada Koofur Galbeed ay ku dooranayaan madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay ku tartamayaan shan musharax. Xildhibaanada ku sugan goobta cod bixinta ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana tirada guud ee xildhibaanada Koofur Galbeed ay gaarayaan 149 xildhibaan. Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya dadka ugu horeeya ee codadkooda dhiibto. Xubnaha Guddiga doorashada ayaa ku xigsanaya, waxaana guddiga ay shaaciyeen in Afarta musharax ee ugu codka badan ay u gudbi doonaan wareega ugu dambeeya ee doorashada. Kadibna waxaa isku soo hari doono labada musharax ee ugu cod badiya, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod Hal dheeri ah, haddii aysan dhicin xubno ka tanaasula ka qeyb galka wareega ugu dambeeya. Haddii Musharixiinta ay isku cod noqdaan waxaa la sheegay inay markale Tartami doonaan oo wareega ugu dambeeya ay u gudbi doonaan. Shanta Musharax ee Tartamaya ayaa kala ah:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 2-Siid Axmed sheekh Daahir 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 5-Ibrahim Macalin Nuurow. La soco Doorashada Koofur Galbeed Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Puntland ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe wuxuu ku dhowaaqay in uu xilkaasi iska casilay. Wasiirka ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sarreysa Puntland sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, mana uu sheegay dhibaato uu xilkaasi uga tagey. Arrimo isaga u gaar ah oo aan shaacsaneyn ayuu sheegay wasiir Timo Cadde in uu xilkaasi ku baneeyey. La soco wixii kusoo kordha Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A two-day conference organized by the United Nations opened in Geneva. The conference will address the humanitarian needs of the refugees around the globe and will come up with solutions to attend to the needs of the refugees and the internally displaced people. High profile guest including donors from all over the world attended this conference, it gives the participants an opportunity to work together and address the key humanitarian aspects of the refugees and the internally displaced people. A high-level delegation led by the governor of Benadir region and mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman who arrived Geneva on Tuesday represent Somalia in this conference. The mayor has presented the difficulties and needs of the thousands of internally displaced people in Mogadishu that ran from the droughts and conflicts in the regions to the conference. “Somalia is recovering from the difficulties that resulted from the civil war in the country which caused the displacement of thousands of families. We are now planning to re-settle and create a better life for over 500,000 people who were displaced from Benadir region” said Mogadishu mayor. The mayor also urged the international community to support the efforts of Benadir administration to get a lasting solution to problems of the displaced people on employment, resettlement and provision of essential services to the lives of the people. The mayor will also meetings with other mayors in the sidelines of the refugee conference in Geneva. According to UN agencies, an estimated 1.1 million IDPs currently live in Somalia, and at least 548,000 additional people have been displaced since November 2016 due to the drought. Most people displaced by drought left rural parts of Bay, Lower Shabelle, and Sool and settled in urban areas such as Mogadishu and Baidoa. Displacement numbers continue to rise as more people leave their homes and displacement monitoring increases. The post Mogadishu mayor attends an International conference in Geneva appeared first on Shabelle. View the full article
-
Toos u daawo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee Baydhabo ka socota. Toos u daawo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee Baydhabo ka socota. Slået op af [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa noqoneyso mid Taariiqi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo doorashadan oo kale ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Afar Sano kahor magaalada Baydhabo kama aysan dhicin doorasho lamid ah tan maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana muddadaasi madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan. Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan waxaa doortay Malaaqyada Matalaya beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed, waxaana ay sidoo kale soo xuleen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi uu leeyahay. Madaxweynaha Koofur Galbeed ee maanta la doorto kadib waxaa qorshaha uu yahay in lagu xejiyo doorashada guddoonka baarlamaanka Koofur Galbeed, maadaama uu dhamaaday waqtiga ay xilka hayeen, sida aan xogaha ku heleyno. Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo gaarsiiyay maanta inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaanan ka qeyb galeynin doorashada, waxaana uu horey u shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, kadib heshiis uu la galay dowladda. Waxaa Sidoo kale Doorashada maanta ka maqan Mukhtaar Roobow Mansuur oo ahaa musharixii ugu horeeyay ee Buuxiyay Sharuudihii laga doonayay, waxaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho. Toos ula soco Doorashada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com