-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo(S.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee maamulkaasi Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafidga uu hogaaminayay ayaa waxaa soo dhaweeyay duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaaladaasi. Kadib soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafki siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxda maaamulada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa oo ka yimid magaalada Garoowe oo uu uga soo qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub Puntland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. The post Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xaaf oo ka degay Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kamid ahaa madaxdii ka qayb gashay caleema-saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Galmududg ayaa markii uu tegay Gaalkacyo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhax-maray magaalada Garowe, wuxuuna shacabka reer Gaalkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadaas. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in la isku fahmay in lawada shaqeeyo, dowladda dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeyso dowlad goboleedyada, lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana labaatanka bisha Saddexaad ee Maarso dib loogu laabto magaalada Garowe ee xarunta Puntland, si loo dhameysto wada hadalada loona xaliyo tabashooyinka jira. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo todobo cisho joogay magaalada Garowe, kulamana la qaatay dad kala duwan ayaa maanta safar cirka ah ku tegay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo ka hadlay wada hadaladii Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Unidentified warplanes have launched an overnight airstrike in central Somalia on Wednesday night, local residents said. The air raid was conducted in Luuq Jeelow area, an Al-Shabaab stronghold in Hiran region targeting militants at a base. The details of the casualties remained sketchy. Fear is growing for the villagers after the airstrike by the unknown fighter jets hunting Al-Shabaab fighters in the remote area. US military has in the past carried out numerous airstrikes in Somalia targeting Al-Shabaab and ISIL-linked militants stationed in the country’s northeastern Puntland state. The post Fighter jets carry out an airstrike in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Armed assailants have shot dead killed a Somali military officer outside his house in Mogadishu on Thursday morning, witnesses and police said. Gen Abdulkadir Ibrahim Abdulle was gunned down in the capital’s Hamarweyne district by two men armed with pistols, who immediately escaped from the crime scene. A witness said Abdulle sustained life-threatening wounds and was rushed to a nearby hospital, where he has been pronounced dead upon arrival by the doctor. The security forces cordoned off the area and launched a manhunt, but, no arrest was made for the murder of the military serviceman. There was no immediate claim of responsibility for the assassination, which was the latest in a series of killings and car bombs in the Horn of Africa The post Somali military official shot dead in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib ka qeyb galkii xafladii Caleemo Saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Xaaf oo dadweyne badan kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Garowe uu ahaa mid Wanaagsan iyo is Afgarad kusoo dhamaaday. “Annagu qolyaha koley dirirtu nagala dhaxeysay “Dowladda” Xabad joojin ayaan gaarnay, waxyaabaha kalana hoos ayaa looga hadli doonaa”ayuu yiri madaxwyne Xaaf oo maanta tagay magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay hadda isku soo dhawaadeen oo isfaham uu dhexmaray, islamarkaana lasii wadi doono wadahadalka. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana halkaasi ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah. Kulamadaasi iyo khudbado odayaasha dhaqanka ka jeediyeen magaalada Gaalkacyo ayaa wax badan badalay aragtiyadii madaxda dowadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana xigay kulamo ay ka qeyb galaan madaxdii hore ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala ay shacabka digniin ku siisay in aysan wax hub ah qaadan karin. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Daacish ay hanjabaad u dirtay shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada Qandala islamarkaana ay ku wargelisay in qofkii hub lagu qabto tallaabo adag laga qaadayo. Sidoo kale Daacish ayaa baaritaano ku bilowday gaadiidka ay leeyihiin dhacabku ee rakaabka iyo badeecadaha sida waxaana ay su’aalo badan weydiinayan rakaabka sida uu sheegay qof kamid ah dadka dhibaatadan la kumay oo magaciisa qariyay. Malayshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in ay haatan ka cabsi qabaan in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo dhex milmaan shacabka tuulooyinka kadibna uu ku furmo dagaal gudaha ah. Dagaallo is xig-xigay ayaa Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda dhinaca koonfureed ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii Al-shabaab duullan ku qaadday degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Daacish oo amarro adag ku soo rogtay qeybo kamid ah gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo. Madaxweyne farmaajo ayaa uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in a kaalin hoggaamineed ay ka qaadanayaan jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo. Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rosemary A. DiCarlo appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso meydka ganacsade lagu dilay Muqdisho. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Hilwaa ee Muqdisho. Dilka ganacsadahan ayaa loo adeegsaday Baangad sida jirkiisa laga dareemayay. Ganacsadahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Laami waxaana uu kamid ahaa ganacsatada xoolaha nool ka ganacsada. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray oo wada baaritaano ay ku ogaanayaan cida falkaasi ka dambeeysay. Muqdisho waxaa ka dhaca dilal arga gax leh taasi oo aan lagaran cida ka dambeeysa. PUNTLAND POST The post Faah Faahin : Ganacsade Meydkiisa laga helay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Shirka Shidaalka ee ka dhacaya magaalada London. Shirkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay wuxuu ka dhici doonaa magaalada London 7 bisha soo socota ee Febraayo, kaasi oo looga hadli roono arrimaha shidaalka Soomaaliya. Xildhibaan Fiqi ayaa heegay in Shidaalka uu ka mid yahay Kheyraadka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in laga fakaro bixinta ruqsooyinka bixinta shidaalka. “Shidaalka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay Khayraadka dadka Soomaaliyeed ay wada leeyihiin, In loo hawlgalo Suuq-gayntiisa, Heshiis la gelid shirkado kale iyo shati bixin waxaa jira tallaabooyin badan oo ka horeeya”. “Haddaba, shirka 07 Febraayo 2019 ay wasaaradda Batroolku ku qabanayso London ee lagu bixinayo shatiyada qodista shidaalka Soomaaliya, waa mid suuq madow ah oo aan haysan sharciyadii iyo hey’adihii la rabay In la dhiso ka hor inta aan la qaadin tallaabooyinkaas oo kale” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) iyo 46 qof oo kale ayay xeer ilaalinta Itoobiya ku soo oogtay eedaymo la xidhiidha isku dir bulsho iyo abuuris qalalaase. Eedaha xeer ilaalinta loo gudbiyay maxkamadda sare ee Federaalka Itoobiya waxa lagu sheegay in dadkan oo badankoodu maqan yihiin loo haysto qalalaasihii Jigjiga ka dhacay bishii Ogos ee sanadkii hore xilli ciidanka Federaalka oo isku dayay in ay qabtaan Cabdi Ilay ay ka dhalatay isu soo baxyo qalalaase abuuray. Sida warqadda eedda ku xusan waxa lagu haysta in ay maalgaliyeen, hubeeyeen, talo iyo tilmaan siiyeen dhallinyarada Heego ee nidaamkii Cabdi Ilay taageeraysay, islamarkaana kicin bulsho iyo isku horkeen qoomiyadeed ay sameeyeen taas oo khasaare ka dhashay. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa 25-kii bishan soo bandhigay baadhitaan lagu sameeyay rabshadihii Jigjiga ka bilawday Ogos, 4, 2018 oo muddo ku siman todobaad socday. Waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay in ay rabshadaha ku dhinteen 58 qof laguna dhaawacay 266 qof. Waxa kale oo uu sheegay in haween la kufsaday sidoo kalena dhibaatooyin ka dhaceen kiniisado halka ay jiraan kiisas aan la soo tabin. Waxa kale oo la dhacay hanti gaadhaysa 421 Milyan lacagta Itoobiya ah. 47-ka qof ee dambiyada culus lagu soo oogay waxa xidhan lix qof kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamuud Cumar oo 27, Ogos, 2018 laga soo xidhay guri ku yaalla Addis Ababa, Raxma Maxamed Haybe wasiirkii arrimaha haweenka iyo carruurta, Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ahaa madaxii xafiiska qurbejoogta, Farxaan Daahir oo ahaa madaxii booliska gobolka, Warsame Cabdi iyo Guuleed oo aan xil hayn. 41-ka qof ee kale ayaa waaran loo jaray iyaga oo maqan waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Labagole oo ahaa taliyihii Liyuu Booliska oo la rumaysan yahay in uu Turkiga ku nool yahay halka dadka qaarkood dalka gudihiisa ku dhuumaalaysanayaan. Haddii dambiyadan lagu helo muxuu noqonaya xukunku? Garyaqaan Wali Axmed Aadan oo shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda dawliga ah ee Itoobiya kana bartay Isbarbardhigga Shuruucda dawliga iyo maamul wanaagga ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in ay sharciga Itoobiya dambiyo culus ka yihiin arrimaha loo haysto Cabdi Iley iyo xubnaha kale. “Kiiska Cabdi Iley iyo eedaysanayaasha kaleba waxa kiiskooda gacanta ku haysa maxkamadda sare ee federaaliga ah waxaana dambigaas ku soo oogaya xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka ah . Eedda ugu weyn ee ay fayl gareysteen waxay weeye kicin iyo iska hor keen bulsho,” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Wali. Waxa uu intaasi ku daray in marka la isla akhriyo eedaha xeer ilaalintu soo jeedisay iyo waxa xeer ciqaabeedka Itoobiya ka yidhi dambiyada noocan ah la adeegsan doono Qodobka 240 gaar ahaan farqadaha 1 (B) iyo 2. “waxa uu Qodobku sheegaya in qofka si badheedha u kiciya dagaalo madani ah, hubeeya dadka ama ku dhiiri geliya in midiba midka kale hub u qaato waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya toban illaa shan iyo labaatan sano. Isla qodobkan farqaddiisa (2) waxay sii raacinaysaa in haddii dambiyadaas xagga sare lagu sheegay ay keenaan khasaare ballaadhan ciqaabtu ay noqon doonto xabsi daayin ama dil,” Sidaas ayuu yidhi garyaqaan Wali oo intaasi raaciyay in sida oo kale xeerku sheegayo haddii abaabulka rabshadaha khasaare hantiyeed ka dhasho lala wareegayo hantida dambiilaha. Ugu dambeyn waxa la filaya in bilawga bisha foodda inagu soo haysta loo fadhiisan doono maxkamadaynta Cabdi Iley iyo xubnaha kale waxaanay arrintani ku soo beegsamaysa xilli xiisad siyaasadeed ka jirto Jigjiga, islamarkaana xukuumadda Mustafe Cagjar ku eedaynayso in xubno taabacsan Cabdi Iley in ay ka dambeeyaan rabshadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed. Source
-
Israelis of Ethiopian origin block Tel Aviv highway as they protest against police violence and racism after an officer shot a young community member dead Thousands of Ethiopian Israelis took to the streets of Tel Aviv Wednesday to protest racism and police brutality days after a young community member was shot dead by an officer. Carrying signs accusing the police of “murder”, the protestors blocked main intersections in the Israeli commercial capital ahead of a march to a central protest. Yehuda Biadga, reportedly in his early 20s, was shot dead on January 18 in Bat Yam, near Tel Aviv, after rushing at a police officer holding a knife, according to eyewitnesses. His mother, Mamia Biadga, had called the police to subdue her son who reportedly suffered from a mental condition, but says officers used excessive force. “When a terrorist comes to murder, they don’t shoot him,” she said during the demonstration. “But Yehuda, who served in the army, had to be shot?” The protestors, mainly young members of the community joined by supporters from other segments of Israeli society, marched to the nearby Ayalon highway chanting against the “police state” and calling for harsh measures to be taken against violent officers. Community elders wearing traditional robes and holding colourful umbrellas herded the protestors with instructions in Amharic called through bullhorns. Police looked on from a discreet distance and there were no immediate reports of clashes or arrests. A police spokesman said the justice ministry’s internal affairs department was investigating Biadga’s death. Shahar Mula, one of the demonstration’s organisers, said Biadga’s killing was “a trigger” for the rally, noting a series of incidents since 2015, when the community held protests over its problems. “We came to protest… to convey a message that the police violence cannot continue,” he told AFP, demanding dialogue with the government over the community’s grievances. For Shiran Tasama, the demonstration was connected to a broader cause. “The racism (in Israel) is not directed only at the Ethiopian community, it’s against all the disempowered populations,” she said, calling on them to “unite”. “We’re not just protesting against the police, we’re protesting against the education ministry and all the other institutions that have abandoned the weak populations,” the 26-year-old from Hod Hasharon told AFP. Israel’s Ethiopian community now numbers around 140,000 people, including more than 50,000 born in the Jewish state. Most of them are descendants of communities cut off from the Jewish world for centuries, and were belatedly recognised as Jews by Israeli religious authorities. The community has consistently alleged institutionalised racism in recent years. Source: AFP The post ETHIOPIAN ISRAELIS PROTEST POLICE VIOLENCE AFTER KILLING appeared first on Puntland Post.
-
Theresa May’s Brexit in parliament / Courtesy Following a historic defeat of Theresa May’s Brexit deal that was put forward to parliament two weeks ago and narrowly surviving a vote of no confidence, she has been forced to go back to the drawing board and come up with a new deal before March 29th when the UK is set to leave the EU; only 57 days away now. The members of parliament have consistently failed to come up with a majority vote and fears of a hard no-deal Brexit have been looming evidently. However, May has had an unconventional win as government has agreed on a proposal for alternative options for the deal to be struck with the EU. The proposal that was put forward by Conservative Party MP Sir Graham Brady won a majority vote of 317 over 301. From this proposal it is clear the British parliament is most keen on renegotiations concerning the unpopular no-deal option off the table, as well as the Northern Irish Border. Why? Well following the UK’s departure from the EU come March, this border between Northern Ireland and Ireland will be the only physical border between the two factions; a border that is very important for trade. Normally this separation would mean there should be stops and checks at this border for goods going back and forth but this is a trade disincentive and therefore the UK is eager to have an exit deal in which this border remains as open as it is now in order to promote trade. Even in the event that such a deal does not come to realization in time, there exists what is being called a “backstop”: a legal guarantee that there will be no hard border at the North Ireland border. But critics of Teresa May’s exit deal – eventually responsible for her historic defeat in Parliament a fortnight ago – are skeptical of the details of this “backstop.” And despite all these developments, The EU has come out to say strongly that they are not open to any renegotiations, leaving May and her team between a rock and a hard place. PUNTLAND POST The post UK PARLIAMENT FINALLY GETS MAJORITY VOTE appeared first on Puntland Post.
-
Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka socda shirar looga hadlayo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka hoggaanka Jubbaland iyo sidoo kale waxgaradka degmadaasi. Xildhibaan Shire Colay oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wadahadalladan ay haatan meel wanaagsan marayaan. Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay la kulmeen waxgaradka islamarkaana hadda waxyaabo badan la isku fahmay. Si gaar ah xildhibaan Shire ayaa sheegay iney xalin doonaan wax walbo oo ay tabanayaan waxgaradka iyo shacabka degmada Baardheere. Marar badan ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa laga diidey maamulka Jubbaland, si gaar ah madaxweynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanad ka hor safar ku maray gobolo badan oo ka tirsan deegaanada Puntland iyo Galmudug. Hal Sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa uu deegaanada Puntland iyo Galmudug ka sameeyay Dhaxdhigga Mashaariic ku dhow 20, maamulada deegaanadaasi ka arimaya waxa ay sheegayaan in xataa aysan socon dadaallo lagu fulinaayo Mashaariicdii uu ballanqaaday Madaxweynaha oo markii horaba Siyaasiyiinta qaarkood ay la yaabanayeen sidda loo fulin doono. Dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayuu dhagax dhigay 23 Bishii January 2018, waa mid ka mid ah Mashaariicda dadka degaanada Galmudug ay u qabeen Baahida badan, Madaxweyne Farmaajo, xilligaasi waxaa uu sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedda waxaana uu xukuumadda ku amray fulinta Mashruuca Dekedda. Dekeddii wali howli kama socoto Sidda uu xaqiijiyay Shalay Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in madaxweynaha hal sano ka dib looga fadhiyo fulinta dhismaha Dekedda Hobyo iyo Mashaariicdii uu ballanqaaday. Akhriso mashaariicda madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigay sanad ka hor. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km) Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km) Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km) Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km) Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km) Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq Garoonka diyaaradaha Cadaado Dhismaha Dekedda Hobyo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ururada Bulshada rayidka Hirshabele ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dedaallada lagu soo afjarayo colaadaha ka jira degaanno ka mid ah maamulkaas. Guddoomiyaha ururada bulshada Rayidka Hirshabelle, Cabdiraxiin Axmed Maxamed ayaa sheegay in inta badan lagu guulaystay dhammaynta , xiisadihii ka jiray Hirshabeele ee la xiriiray qabaa’ilka. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in sidoo kale hadda la wado dedaallada ku aaddan sidii heshiisiin loo gaarsiin lahaa beelaha isku haya deegaannada maamulkaasi. Guddoomiye C/raxiin ayaa sheegay in cid walbo oo kasoo jeedda Hirshabelle waajib ka saaran yahay xallinta colaadahan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Bulshada-Rayidka-Hirshabelle-Wareysi-Cabdiraxiin-Axmed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabadh uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Labo kamid ah gawaadhida booliska ayaa gaadhay guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen. Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah. Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu is-casilo madaxweyne Cumar Al Bashiir. Xidhitaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xidhay bannaabaxyada. Source
-
(SLT-Qudus)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijisay inay Askarta Yuhuuda ay saaka toogasho ku dileen Gabadh Falastiiniyad ah oo la oran jirey Samaah Saahir Mubaarak oo 16-jir ahayd. Askarta Yuhuudda ayaa la sheegay inay Gabadhaasi ku toogteen Bar Kontorool oo lagu magacaabo Al-zaayim oo ah dhabaha laga galo dhulalka dadka Yuhuudda sida sharci-darradda loo dejiyey ee Maale Aduumin ee Bariga magaalladda quddus-ta la-haysto. Afhayeen u hadlay Askarta Yuhuudda ayaa sheegay inay Gabadhaasi toogteen, xilli iyadoo tooreey wata u soo carartay dhanka ay joogeen Askar ku sugnaa Barta Kontoroolka ee Al-zawiim. Marxuumadda oo ka soo jeeday magaalladda Ramallah ayaa la sheegay inay u geeriyootay dhaawacyadii rasaastii lagu furay. Dhinaca kale, Askarta Yuhuudda waxay si Ku-meel-gaadh ah u xidheen Barta Kontoroolka ee ay ku dileen gabadhaas da’da yar ee Reer Falastiin. Source
-
Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in degaanno badan oo Jubbooyinka ah ay ka saareen dagaalyahnnada Al-shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen meelo ka mid ah Jubbada Hoose Taliyaha aaga Kismaayo Cabdi Badqas ayaa sheegay in hada ay wadaan sidii miinooyinka loogu saari lahaa degaanadii dhawaan ay kala wareegeen Al Shabaab. Badqas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada Jubbaland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hor leh, islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab. Waddooyinka qaar ayuu sheegay in Al-shabaab ku duugeen Miinooyin islamarkaana haatan ay wadaan howlgallo miino saaris ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Taliyaha-Aaga-Kismaayo-Wareysi-Cabdi-Badqas-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Dadka adeegsada facebook-ga ayaa sii kordhaya ayadoo ay jiraan fedeexooyin xidhiidh ah oo ku aaddan sida loo maamulo xogta dadka ee gaarka ah iyo dhaliilo la xidhiidha isku dayga sharikaddaasi ay ku doonayso in ay ku cidhibtirto waxyaabaha xun xun ee bartaas lagu wadaago. Sharikaddan wayn ee ay bulshadu kuwada xidhiidho ayaa sheegtay in tirada dadka barteeda iska diiwaan galiyey ay ugu yaraan bishii hal mar kor ugu kaceen 9% sannadkii horena ay dadkaasi gaareen 2.32 bilyan oo qof. Kororkaan ayaa imaanaya ayadoo ay jiraan ololeyaal dadka looga digayo in ay ka fogaadaan adeegsiga Sharikaddaas. Aas aasaha Sharikadda Mark Zuckerberg ayaa yidhi ” Wax weyn ayaan ka baddalnay sida aan u maamulno sharikadda anagoo diiradda saarayna arrimaha ugu waaweyn ee bulshada”. Ayadoo dhaqaalaha sharikadan uu sii xoogaysanayo ayaa haddana waxaa jira walaac laga qabo sida ay sharikaddani u maamusho xogta gaarka ah ee dadka adeegsada barteeda kadib markii ay soo baxday fadeexaddii the Cambridge Analytica data sharing ee dadka xogtooda lagu jabsaday iyo sidoo kale walaac laga qabo in shabakaddaas loo adeegsado dano siyaasadeed. Sharikaddan ayaa lumisay ku dhawaad saddex meelood saamiyadeeda tan iyo bishii July kadib markii looga digay in ay hoos u dhigto koritaanka dakhligeeda. Hase ahaatee waxay hal mar kor u kacday 9% yadoo faaidaasi ay aad uga sarraysay macaashkii ay saadaaliyeen dadka wax falanqeeya. Isugaynta macaashka ay heshay sharikadda Facebook sanadkii 2018 ayaa ahaa $22.1 oo bilyan macaashkaas oo kor u kacay 39% marka loo eego sanadkii 2017. Dalalka ay sida gaarka ah u kordheen dadka adeegsada facebook-ga ayaa waxaa kamid ah India, Indonesia iyo Philippines, hase ahaatee isma aanay baddalin tirada dadka adeegsada ee kunoool Maraykanka iyo Canada. Source
-
(SLT-Tehran)-Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xidhneyd Mareykanka. Marzieh Hashemi, oo war akhriye ka ah Press Tv, ayaa la xidhey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay. Waxa la hayay muddo 10 maalmood ah. Mas’uuliyin Mareykan ah ayaa sheegey in la sii daayay Marzieh isbuucii la soo dhaafay kadib markii baadhis lagu sameeyay. Dowaldda Mareykanka ayaan faahfaahinin kiiska gabadhhaasi wariyaha aheyd. Marzieh ayaa boqollaal dad ah ku soo dhaweeyay gegeda dayuuradaha ee Imam Khomeini International Airport Arbacadii. Source
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Howlgalladan ayaa daba socda kadib dil xalay magaaladaasi loogu geystay Nabadoon Xayeesi Mursal oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada golaha shacabka. Dadkii dilkaasi ka dambeeyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay raggaasi ku raadinayaan. Saraakiisha ammaanka ee degmada Afgooye waa ay ka gaabsadeen in ay faah faahinno ka bixiyaan howlgalladan iyo haddii ay jiraan dad ay kusoo qabteen. Warkaan wiixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Xadhiga haldoorka ayaa walaac xooggan ku keenay nidaamka dowladda Sucuudiga, kaddib markii qaar ka mid ah hantiilayaasha iyo rag awood ku lahaa dowladda lagu xidhxidhay huteel ka mid ah kuwa raaxada ee waddankaasi. In ka badan boqol bilyan oo doolar ayaa la sheegayaa in lagu wareejiyay dowladda Sucuudiga, taasi oo u dhiganta hantidii ay sheegtay inay dowladdu ku raadjoogto. 87 qof ayaa la sheegay inay qirteen lacagaha lalunsaday, halka 8 kalena lasoo sheegayo inay diideen wax dambi ah, kuwaasi ayaana haatana wajahaya dacwad. Dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa lala xiriirinayaa khaarijintii loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji. Inkasta oo dhaxlsuguhu ku raja weyn yahay in tallaabadii ka dhanka ahayd musuqmaasuqa ay ku dhiirigelin doonto maalagashadayaasha caalamiga ah in Sucuudigu yahay waddan la maalgashan karo. Xidhitaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada ayaa saraakiisha Sucuudigu waxay horey u sheegeen inay tahay hawlgal billaw ah oo meesha looga saarayo saarayo musuqmaasuqa. Xiliigaasi, ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro. Guddi musuqmaasuqa la dagaalamayay oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa ka mid ahaa dadkii lasoo xiray, balse dhawaan lasii daayay. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in labadaba ay dhisaan laba guddi farsamo oo go’aan ka gaadhaya habka ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan dalka Afghanistan. Guddiyadan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii looga hor-tagi lahaa in argagixisada ay dalkaas u adeegsato meel laga weeraro Mareykanka iyo xulufadiisa. Madaxa wadaxaajoodka Taliban, Mullah Abbas Stanikzai ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinadan kadib toddobaad wadaxaajood ah oo uu dalka Qatar kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan, Zalmay Khalilzad. “Labada guddi waxay diyaarin doonaan hindisayaal waxayna qaadan doonaan go’aan ay soo saari doonaan miiska wada-hadallada xiga ee 25-ka Febraayo ka dhacaya Doha” ayuu yiri Stanikzai. Waxa uu sheegay in kadib la qaban doono kulan ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan quwadaha adduunka, QM iyo wakiilo ka socda dalalka Islaamka, kuwaasi oo damaanad qaadayaal noqon doona, ayada oo xaqiijin la siin doono ciidamada shisheeye si ay uga baxaan Afghanistan. Source
-
Jubada Hoose(S.M.Network):-Kolonyadan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay kasoo tilaabay xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana ay kusii jeedaan dhinaca degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Alshabaab ay qarax kula eegteen inta u dhaxaysa Degmoogyinka Dhoobleey iyo Afmadaw oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose. Al shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadasi laga eegtay ciidamada Kenya ee kasoo talaabay xadka dalalka Kenya iyo soomaliya. Lama oga ilaa iyo haatan qasaaraha dhabta ah ee kadhashay qaraxyaadsi lala eegtay ciidamada Kenya. Dowladaha Kenya iyo Somaaliya ayaa ku heshiyay in ay sika kaashadaan weerarada kadhanka ah al shabab oo dagaal xoogan kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa ee Amsiom. Al shabab ayaa inta badan weeraro dhabogal ah kuqaada ciidamada dowladda Kenya xiliyada ay kusocdaalayan wadooyinka xiriiriya koonfurta soomaliya. The post Alshabaab Oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii ka dhacay magaalada Garowe kadib madaxda maamul goboleedyada ayaa dib ugu laabtay deegaanada caasimadda u ah si waxyaabaha looga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ay ula wadaagaan xubnaha ay isla shaqeeyaan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ku hakan magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxaana diyaaradii uu la socday ka haray guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano la socday, iyadoo isla diyaaradda ay Waare usoo gudbisay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu usoo gudbay magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kulamo kale gaar ah oo uu doonayo inuu la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya uu kala hadlo kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, inaysan helin dhaqaalo badan oo loo balan qaaday. Waare ayaa ka duwanaaday madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeyb galay munaasabadii ka dhacday magaalada Garowe, sababtoo ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaan dib ugu laabtay caasimadaha maamul goboleedyada, laakiin Waare ayaa usoo gudbay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in hadda uu ka dagay culeesaadkii baarlamaanka, balse waxaa jiro culees siyaasadeed u dhaxeeyay isaga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
