-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xubnaha ka mida Qoyska Boqortooyda Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya Qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax”ah oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga yeedhay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaalaada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amiir Salmaan kaddibna xidhay oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihii sidoo kale la xidhay laba maalmood dhacdadaas kaddib sida ay BBC-du iyadana xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawirkiisa Adduunka. Khashoggi ayaa lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Qaran News
-
Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaadhaya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya. Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yidhi; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay Mareykanku sheegeen in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka dayn-cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn-cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December. Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah. Markaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aaad ah loo adkeeyay. Ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo. Hadalheeynta ugu badan saakay ay dadka hadal hayaan ayaa ah dooraahada saaka ka dhaceeyso Baydhabo. Shan musharax ayaa u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Dad badan ayaa sii saadaalinaya in Musharaxa Lafta Gareen loo dooran doono xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa la xanibay maanta magaalada Baydhabo. Wararka Doorashada Puntland Post kala soco Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Maanta ka dhaceeyso Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan. Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay. Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan! Kulanka halkee ayuuka dhacay? Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas. Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal. Farriinta uu diray? Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah! Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale? Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah? Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoyska boqortooyada ee Sucuudi Careebiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax” oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray lama maalin dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka. Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Shirarkeena Soomaaliyeed ee xal doonka ah waxaa laga fogeeyo doodaha xal ka raadinta Islaamka iyo nadariyaatkiisa waayo waddadaasi waxay dadka u dhoweyneyso raali ahaanshaha Ilaahey oo horseedeysa tawfiiqda Alle. 1. Raadinta Midnimada Soomaaliyeed oo la siyeeseeyey. Midnimada Soomaaliyeed ma ahan dalab shacab oo keliya ee waa dalab Ilaahi oo amar Ilaahey xagiisa ka yimid ah sida ku xusan suuradda Al-cimraan: وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (103) 2. Reer Galbeed iyo dariskeena ma rabaan inay Soomaali Islaam ku heshiiso oo mabaad’idiisa iyo nadariyaatkiisa la laga dhex raadiyo qaabka dib u heshiisiinta ee keeni karta cadaalad Islaam ee Ilaahey ka raali yahay. Taa bedelkeeda waxaa naloo keenay 4.5 formula (abuurtay dib u dhac iyo khilaaf joogto ah) oo khilaafsan sharaacada Islaamka oo sal dhig u ah dastuurka Soomaaliyeed ee qabyada iyo ku meel gaarka ah. Tusaale ahaan: Taariikh ahaan qabiilada walaalaha ee Aws iyo Khazraj ee carbeed waxay dagaalamayeen 100 sano ka badan haddana Islaamka mabaadi’diisa iyo nadariyaatkiisa ayey ku heshiiyeen. Taasi waxay u horseeday nabad iyo horumar abid ah. Waa maxay tawfiiq la’aan? Qofka markay tawfiiq la’aan heysato waxaa lagu gartaa wuxuu xalka ka raadiyaa hawadiisa wuxuuna ka cararaa diinta Islaamka in xal laga heli karo, wuuna ka leex leexdaa 168 aayadood ee Quraanka oo ka wada hadlayo qaabka dib u heshiisiinta ee shacab Muslim ah inuu raaco ay tahay. Sidaa darteeda Soomaali dulmi, dagaal iyo dib u dhac kama dhamaanayaan ilaa ay xalka ka raadiyaan diinta Islaamka ee dhameystiran. Saydul Fawa’id onlie waxaa lagu qeexay tawfiiq macnaheeda: ” التوفيق معناه: أن يهيئ له أسباب ما يرضيه سبحانه وتعالى، وما يوافق ما أراده من عبده، وهذا التوفيق أن يكون هوى الإنسان تبعاً لما طُلب منه شرعاً، فإذا كان الإنسان لا يرغب فيما حرم الله عليه ويرغب فيما أوجب عليه فهو موفق ” Tawfiiqda micnaheeda waa in insaanka wuxuu rabo la waafajiyo Ilaahey wuxuu rabo ee ku xusan Quraanka iyo Sunnada Nabiga NNK.” 3. Cabsida laga qabo in xalka Islaam laga raadiyo yaa abuuray? A. Aqoon yahanka Soomaaliga oo ku kalsooneyn dhameystirnaanta nidaamka Islaamka ama inaysan aqoon fiican u laheyn diintiisa Islaamka oo ah qaab nololeed dhameystiran. B. Reer Galbeedka iyo dhaqaalaha ay shirarkeena Soomaalida ku bixiyaan ayaan ogoleyn in nidaamka Islaamka xal laga dhex raadiyo. Waayo wax is tusiyeen in xalka nidaamka Islaamka uu badalayo qaab nololeedkooda. C. Islaamiyiinta oo gaabiyey inay si sahlan u soo bandhigaan in Islaamka uu yahay qaab nololeed dhameystiran oo awoodi kara inuu xaliyo mashaakilaadka Soomaali weyn haysta. 4. Shisheeye Raac ama nidaamka Tabciyada loo yaqaan. Isku kalsooni daro ayaa na heysata kuma kalsooni nidaamka dhameystiran ee Ilaahiga ee aan heysano ee ku dhan adduun iyo aakhiro (Al-Islaam). Tusaale ahaa: Abi Ahmed wuxuu rabo ayaan rabnaa iyadoon lays weydiin: 1. Muxuu rabaa? 2. Maxaa naga galay wuxuu rabo? 3. Maxaa faa’iido ah ayaa noogu jirto wuxuu rabo? Faa’ido noocee ah (dhaqaale iyo amni)” 4. Khatarta raacitaanka barnaamijkiisa intuu la’eg yahay? ma u saarnay gudi wax garad ee aqoon durugsan iyo daacadnimo iyo Alle ka cabsi leh ee daraaseeya “waa kuma Abi Ahmed” xaguuse noo wadaa? Ma ku qasbannahay inaan raacno? ma isku tashan karnaa waa haddii ay naga hareyn cid sidaa u fekerta oo dan gaar ama dano shisheeye ka shaqeynaynin? 5. {وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ} [النور: 31 Dambiyadii la galay ma laga towbad keenin. Tawbad iyocafis buuxda iyadoo loo (wada dhan yahay) oo Ilaahey la weydiisto iyo annaga dhexdeena oo aan is cafino iyadoo la raacayo sharuudaha is-cafiska ayaa waxay horseedeysaa liibaan adduun iyo mid aakhiro oo midnimo keeneysa. W/Q: Imam/Dr. Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D. in American Law & Ph.D. in Sharia Law. Professor of Islamic University of Minnesota Former Adjunct Professor of William Mitchell College of Law Imam of Islamic Dawah Center and Dean of Minnesota Dawah Institute
-
Aas Aaskii Jamhuuriyada Somalilaan : Somalilaan waxaa lagu aas aasay Magaalada Burco Taariikhdii 18 May 1991 Qaabka Dawladnimo ee Somalilaan: Waa Dimuqraadi curdin ah oo leh Laamihii fulinta, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay 5 tii sanadoodba mar. Waaxda Xeer Dejininta : Waxay ka kooban tahay Golaha Guurtida oo 82 xubnood ah iyo Golaha Baarlamaanka oo 82 xubnood ah kuwaas oo la soo doorto labada goleba. Labada Gole ee xeer dejintu waa xubno ka wakiila shacabkii soo doortay.Golaha Barlamaanka waxaa la doortaa 5-tii sanadoodba mar, halka Golaha Guurtida la soo doorto 6-dii sanadoodba mar. Waaxda Garsoorka : Waaxda garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta , Maxkamada Dastuuriga ah ama maxkamada sare ayaa ah Hayada ugu sareysa Garsoorka Somalilaan. Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 25 -kii Sanadood ee la soo dhaafay: 1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu markau aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo ” 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” Juquraafi ahaan JSL waxay dhacdaa : Geeska Afrika waxaana ay xuduudo la leedahay sadex wadan oo kala ah Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Gacanka Cadmeed. Qaab dhismeedka JSL wuxuu ka kooban yahay Gobolo iyo Degmooyin : JSL waxay ka kooban tahay 6 Gobol oo Darjada A ah iyo 8 Gobol oo Darajada B ah oo isku darkoodu noqonayo 14 Gobol. Degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobolada Somalilaan waa 100 Degmo oo isgu jira 55 Degmo oo Darajooyinka A ilaa D ah iyo 45 Degmo oo ah Degmooyin ku meel gaadh ah maadaama aanay weli buuxin shuruudihii isku filnaashaha degmanimo ku waas oo Darajadoodu ay weli ka hooseyso Darajada D. Caasimada Somalilaan: Waa Hargeisa waxaana ku nool shacab gaadhaaya ilaa 1.3 Million qof oo dhalinyaro u badan.Shacabka JSL waxaa lagu qiyaasaa 4 Million . Baaxada Dhulka ama bogcada barakeysan ee ay Jamhuuriyadda Somalilaan ku fadhido ayaa cabirkeedu yahay ilaa iyo 167,120 km2. Xeebaha Jamhuuriyada Somalilaan ayaa cabirkoodu gaadhaa 870 Km. Lacagta Somalilaan waa Somalilaan shilling.JSL waxay leedahay Calan iyo astaan u gaar ah. Luqadaha shacabka reer Somalilaan ku hadlaan ayaa kala ah : luqda koowaad Somaali, luqada labaad waa Carabiga iyo luqada sadexaad oo ingiriisi ah . JSL waxay leedahay Dekedo iyo Xarumo Ganacsi : Dekeda ugu weyni Somalilaan waa Dekeda Berbera oo dhacda Gacanka cadmeed , xarunta ganacsiga ugu weyni waa Suuqa Wajaale oo dhaca xadka itoobiya, Badeecadaha dhoofinta ugu badani waa : Xoolaha nool oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’, macdano kala duwan iyo xabagta oo fooxu ugu badan yahay. Somalilaan waa dawlad isku tashatay oo leh dal, dad iyo dan qudha. Geedi socodka Doorashooyinka Somalilaan ee 25-kii sanadood ee la soo dhaafay soo socday waxaa laysku raacay in 18 – kii biloodba ay Doorasho ama Diiwaan gelini dhacdo. Hadaba sanadka soo cocdana ee 2019 ka ayaa la filyaa in ay dhacaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Degaanka oo mudadoodii dhaafay. Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London . Qaran News
-
Maxaad kala socotaa ujeedada weftigii Madax dhaqameedka Oromada ee Somaliland yimi. Waxaa 15-kii bishan aynu ku jirno ee December ee sanadka 2018 yimi Magaalada Hargeisa ee Caasimada JSL wefti madax dhaqameed ah oo uu hogaaminaayo Suldaan Gumiin Abboota Gadaa oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee Wadanka Ethiopia. Weftigan oo ka koobnaa xubno madax dhaqameed ah oo ka soo jeeda Qoomoyada Oromada ee wadanka Ethiopia degan uguna balaadhan qoomiyadaha degan wadanka Ethiopia ayaa ujeeda ay wadanka u yimaadeen waxay ahayd in Xukuumada uu hogaaminaayo Muuse Biixi u dirtay Safiirka Somaliland u jooga wadanka Ethiopia Mudane Axmed Xassan Cigaal Suldaanka Guud ee Qoomiyadaaha Oromada oo la yidhaahdo Abbaan Gadaa Booranaa si Suldaankaasi balan kulan ah uga soo sameeyo Muuse Biixi iyo Raysal wasaare Abbey Ahmed kadib markii Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia diiday inuu la kulmo madaxweyne Biixi. Kulankaas Suldaanka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Ethiopia ayay ka dhalatay in weftigan oromada ah ee dhawaan wadanka Somaliland yimi yimadaan, taas oo iftiiminaysa in meeqaamkii diblamaasiyadeed ee Somaliland hoos u dhigaysa isla markaasna cadaynaysa in Xukuumada Somaliland ay faro madhan ka taagan tahay arimihii geedi socodka ictiraaf raadinta iyo kasbashada wadama jarka la ah madama oo arinteedii ku soo ururtay inay miciin bido madax dhaqameedka ay hayb ahaan wadaagaan Raysal wasaaraha Ethiopia oo gebi ahaanba diiday inuu wax kulan ah ama qaabilaad siiyo madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Biixi. Waa markii ugu horaysay tan iyo intii la aas-aasay Somaliland uu xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland halkaas gaadho, waana mid ay horseed u tahay hogaaminta Muuse Biixi oo Haatan u muuqata mid laga soo laab-laabay saxiibadii Somaliland lahayd, taas oo imika horaanteedii la arko in arimihii Somaliland ku soo ururtay madax dhaqameed hayb wadaag la ah cidaas xukunka haysa. Qaran News
-
Statement by Ambassador Yamamoto on U.S. Support to Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United States re-established a permanent diplomatic presence in Mogadishu, Somalia on December 2, 2018. USAID also re-established presence. To create a better tomorrow for the people of Somalia, the United States is committed to providing more than $900 million in critical investment. The United States is meeting life-saving humanitarian assistance needs; expanding education and healthcare; building institutions, good governance, and justice; creating jobs and advancing economic development; and providing stabilization and security for the people of Somalia. Summary: U.S. Humanitarian Assistance to Somalia $420 million in life-saving humanitarian assistance to Somalia this year. Job Creation Creating more than 1,600 full-time, private sector jobs in the last 3 years. (In the dairy sector alone, our support created nearly 500 full-time and 650 seasonal jobs. We helped stop Irmaan Dairy from closing down; it now produces over 3,500 liters of milk daily.) The United States is looking at airport and port upgrades to create trade and jobs. Debt Relief Consideration of debt relief to attract development to Somalia. Education Supporting secondary education for 160,000 youth in Somalia and 20,000 primary school children (45%) girls. Governance and Stabilization $110 million to help establish good governance, conflict resolution, and judicial reform. The post Statement by Ambassador Yamamoto on U.S. Support to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa la weeraray Xarunta Degmada. Ibraahim Maxamed Rooble Gudoomiyaha Garasbaaley ayaa sheegay in dhankooda aan jirin Khasaare kasoo gaaray Dagaalka. Ciidamada Xarunta ku sugnaa ayuu tilmaamay in ay iska caabiyeen Kooxdii weerarka ku qaatay, inkasta oo uu sheegay in aan kala garaneyn cidda ay ahayd. Goobaha Ganacsiga ayaa mar qura la wada xiray, kadib markii rasaasta labada dhinac is qabsatay, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka. Gaadiidka Xaafadaha isaga kala gooshayay ayaa iyanne istaagay, inkastoo markii dambe ay dib u bilaabawdeen. Ciidamada Ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan Weerarka. Ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan Caawa lagu qaaday Xarunta Garasbaaley, maamulka ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidda ay ahayd dhinaca weeraray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-181218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)-Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka. Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee ay maanta ansixiyeen xubnaha golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah miisaaniyadii 27-aad ee qaranku yeesho, ayaa ka kooban miisaaniyadda guud ee dawladda dhexe, hay’adaha madaxa bannaan, Dawladaha hoose iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, iyadoo dhan, 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling. Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee 2019-ka, oo dhan 1,823,975,720,000 (Hal tiriliyan, siddeed boqol saddex iyo labaatan Bilyan, sagaal boqol iyo shan iyo Toddobaatan milyan, Toddoba boqol iyo Labaatan kun) oo Somaliland shilling ah, waxana ay miisaaniyad-sannadeedkii hore ee 2018-ka ka badan tahay 8% (Boqolkiiba siddeed). Miisaaniyad sannadeedka 2019-ku waxay diiradda saaraysaa, Amniga, Xoojinta iyo tayeynta garsoorka, Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Xoolaha kalluunka, Beeraha, Tamarta iyo Macdanta, Deegaanka, Aqoonsi-raadinta, Doorashooyinka, iyo daryeelka shaqaalaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer ay xubnaha golaha wasiirradu ka yeesheen odoroska miisaaniyadda 2019-ka, waxa uu cod geliyey miisaaniyadda, waxana oggolaaday 28-wasiir, halka 2-xubnoodna ka aamuuseen, cid diidayna aanay jirin, waxana sidaas ku meelmaray odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee qaranka, taas oo u gudbi doonta golaha wakiillada oo waajibaadkooda distooriga ah ka gudan doona. Source
-
Xalay waxa ka qabsoomay qasriga looga arimiyo qaranka ee madaxtooyada kulan muhiim ahaa bulshaduna ku diirsatay , yididiilo iyo rajana ku abuuray shacabka Somaliland kaas oo dhex maray hogaamiyaasha xusbiyada mucaaradka ah , madaxweynaha iyo xubno kale oo miisaan ku leh qaranka. Tan iyo markii madaxweynhu ka soo laabtay safarkii goballada bariga waxa la moodaa in ay waxbadan u bildhaameen , garawsadayna in uu yahay odeyga mindida daabkeeda haya gudoomiye xusbi aanu ahayn waxa muuqata in madaxweynuha nabar ku taagan ay tahay di-udhac ku yimaada qabsoomida doorashooyinka xilligii loo asteeyey ay dhaafaan. Mudanayaal waad ku mahadsantihiin tanasulka aad abuurteen iyo jawiga degan aad isku af garateen in looga hadlo sidii loo qorshayn lahaa in la gaadho xalka doorashada hor taagan intaa kadib. Garri allay taqaan haddii milil dushiisa la dhayo eelka lama gaadho hore waxa loogu tiraabay “cudurka kaa gala fardaha haddii dameer laga gubo dawada lama gaadhayo ” waxba soo kordhin mayso sawiro la isla galo iyo habeen goob lagu cunteeyo iyada oo aan uurka la iska laab xaadhan , kulanadii hore ee faashilka ku danbeeyey waxba dhaami maayo haddii aan daneeyaasha doorashadu ka go’nasnsho la iman talladaan la rog-rogin waa lagu rafaadaa. Maxaa la gudboon madaxweynaha qaranka.? In uu la yimaado rabbitaanka ka badan ka asxaabta mucaaradka ah , xilna iska saaro in aan maalin dhaafin wakhtiga la isla gartay. In uu u dhug yeesho tabashada asxaabta qaranka jeedinayaan dibna uugu noqon hadaladii xanafta lahaa ee uu hore u jeedin jiray biyo dhacooduna ahaa “Waddani max kamad ha tago iyo wax la mid ah. In uu dib uuga laabto go’aankiisii ku aadanaa koomishanka doorashooyinka xubnihiisa , wax ka beddalna lagu sameeyo. In uu guddi u saaro ka tala bixisa saami qaybsiga gobalada ee kuraasta wakiilada. In uu diyaariyo qarashka ku baxaaya doorashada. In uu dabada ka riixo sidii loo diyaarin lahaa xeerka doorashooyinka qaranka. In uu il gacal ku eego hogaamiyaasha asxasbta albaabadana u furo una arko gacantiisa midig. Maxaa la gudboon asxaabta mucaaridka ah. In ay garwaaqsadaan ijiid aan ku jiido in ay tahay gamco daalis kana tanaasulaan waxyaabaha la isku mari la yahay xalna keenaan. In ay ku dedaalaan xaggooda in arimaha ka fudaydiyaan. In ay u tudhaan shacabkooda dheg xumadana ka daayaan iyo yoo yootanka. In ay la yimaadaan mucaarad wax dhisaysa oo ay ka fogaadaan ku jiq siida Shacab , xukuumad iyo asxaab waxa innagu ceeb iyo laf jab ah in aynu maalin kasta ku jiro is qabsi iyo buuq waxa haboon in aynu gamcaha is qabsano ul iyo diirkeed noqono wada jir aan u dhisno qarankeena curdinka ah. Doorashadu waa isha kaliya ee aan dunnida ka iibno dhaawac bay inagu tahay in aynu tahli weyno in aynu qaban kari weyno doorashada golaha wakiilada oo muddo dhaaf ah. Tusan iyo tub kheyr leh Qalinkii : Maxamed Xuseen Jaamac Source
-
Mudadii sandka ku sinayad ee uu majarah hayay hogaamiye muse biixi waxa uu Qabsoomay iyo Anfaaciga lag fileyay waxay isku noqdeen laba ka fog. Waxynu xusi Doona in muse cugtay xubno wasiiro oo aan khibrad lagu majirto lahaynin taaso suurto gall ka dhigtay in rejadii laga qabay ay hoos uu dhacaday. Tusaale ahaan waxa laga fileyay in muse xakameeyo arrimo dhowr ah . Hawgu horeyso xakameynta sixir bararka xadhagah goostay ee Naafayeey Laf dhabrtii ama Ilahii dhaqan dhaqale ee shucuubta Somaliland hadii aynu dul istaagano waxa ka qabashad arintaas Waxay marar badan muuse iyo kaaliyayaashisu uu xadhko xidheen arinka sicir bararka iyagoo siyaasado cadd ka qaatay hadday tahay baniga dhexe ee Somaliland iyo cida kasta oo ay khuseyso. Balse ilaa hadda halkii la rabay muu gaadhin. Arinta qebyaalda oo iyan koru u kaca laxaad leh ku yimid taaso dhaliisheeda ay leeyihiin hogaanka ummada, sameysanka jabahdo iyo dagaal ogaayaal ka dhashay deegamo Somaliland taaso oo ay udub dhexaad uga dhigeen cadaalad darro ayy ka tirsanayaan hogaanka ummada. Jajab iyo Qeybsan xagg ciidanka Qaranka ah oo loo nisbeynayo in tirsasho iyo tabashoyin xagg hogaanku ay jirto. Siyaasda arimah dibad Somaliland oo fur-fur ku yimid hadab waxa la tilmaami karaa inuu meeqamkii iyo jihadii siyaayda arimah dibad lafteeda debacsani ku timo taaso Farmaajo kaga awood roonaday hogaamiye muse biixi . Iyadoo la odhan karro safaradii itoobiya ay madax weynashii is xigxigay ee Somaliland ku tagi jireen ay iyan hoos uu dhac la taaban karro ku yimid iyadoo loo nisbeyn karro debeysha siyaasdeed ee Geeska Africa ka jirta ee uu hormuudka ka yahay reysal wassarah itoobiya. waxaan ku soo afmeeray Qoraalkaygan tallo ku socta madaxweyne biixi taas oo odhanysa waxa aad haystaa wakhti aad mar labaad ku kasban karto Quluubta shacbiga Somaliland taas oo ku suurto geliysaa inaad wakhti xaadirkan ka tagato mahadhooyin ku gall diwanka Qaranka ee dahabiga ah Dooro garrbo ama Adeegayaal togan oo ay ka reebantahay Qabeyaalad iyo dhalinyarnimo si aad yoolkaga uu gaadho xullo xeel dheeryaal aan farta laguugu fiiqin. Afeef : Qoraalkaygan kooban ee maskxdaydu curisay isla markaan aan jeclaystay inaan bulshoweynta ugu iftiinsho xaiiqoyinka ka dahsoon ee bulshdu tebbayso Qalinkii: Nimcaan cadaani Hussein Candidate of Master of Science in Project Management (M.S.P.M.) Geopolitics analyst free Author Bachelor science of public health Cadaani123@gmail.com Hargiesa Somaliland Source
-
“Maadama oo aan ka mid aheyd dadka wax ka bartey culuumta Dhaqaalaha,waxaan si kooban maqaalkan uga hadli doona jawaabta, weydiinta aan ciwaanka uga dhigey maqaalka . muxuu yahay is dhex-gal Dhaqaale (economic integration)? Maxaa looga dan leeyahay marka la sameyneyo is dhex gal noocan ah? Somaliya, Somaliland iyo Djibouti midkee ku faa’iidi kara wakhtigan? Arragtideyda oo aan sabab uga dhigeyo aqoon iyo xaalada geeskaba ayaan si kooban ugaga faaloon”. Afeef Waxaa suuro gal ah in aanan u macneyn kalmadaha qaar sidii ugu habooneyd. Haddi aan ku horeeyo muxuu yahay is dhexgal dhaqaale (economic integration)? Waa marka wadamo dhowra oo kuwada yaala gobol/ qaarad lama leh xadad ay heshiisyo ka yeeshan sidii ay dhaqaaalahooda isugu furi lahaaye ugana saari lahaayen caqabadaha hortaagan isku socodka dhaqaalaha iyaga oo meesha ka saareya cashuuraha badan iyo wax kasta oo yareyn kara ama hor istaagi kara arrintan. Wuxuuna leeyahay heerar iyo marxalado kala duwan. Inta badan waxaa heearaka uu maro loo qeybiyaa shan heer. Sida wax kasta oo kale ayuu u leeyahay faa’iidooyin iyo khasaareba ka qeyb galeyaasha. Badanaa se sida looga faa’iideysta waxay ku xidhan tahay ka qeyb gale kasta awoodiisa dhaqaale, aqoonta dadkiisa iyo nidaamkiisa dowladnimadiisaba. Shaqsiyan anigu mar walba waxaan aamisanahay isdhex-galka noocan ahi inuu u wanaagsan yahay dayowga addunka qaarad iyo gobolkey doonanba haku nooladane, maxaa yeelay wey is camireyaan dhaqaalaha ummaduhu oo qolaba waxbey haysa waxna wey u baahan tahay taasina waxay sahleysa in nolosha qofka caadiga ah ee addunka jooga uu si fudu u helo baahiyaha aasasiga ah maadam oo uu yaraado heerka faqrigu markasta oo talaabo noocan ah hore dunnidu u qaado. Sido kale wuxu hoos u dhigaa khilaafadka sida fudud uga dhex dhaca dowladaha maadamo ay imaneyso in wax badan la xeeriyo. Inkasta oo taa cakiskeeda uu hoos u dhigo madax banaanida wadamada siyaasiyan oo aanu wadana fursado u banaan si keli ah uga faa’iideysan Karin iyada oo ay daliil cad u tahay sababta UK uga baxayso Yurub inteeda kale. Walow marka ay heerkan gaadha tahay heerarka u dambeeya ee is dhex-galka. Haddi aan intaa kaga imaado qodobkaas maamado si kooban uga hadleyo. Waxaan hadda eegi doona heerarka is dhex-gal dhaqaale uu maro. Iyada oon qodob qodob isku yara dul taagi doono shanti heer een hore usoo sheegay. Free trade.( ganacsi xor ah) Waa hab ama nimdaam dhaqaale oo wadamo dhowr ahi ku heshiiyaan in ay meesha ka saran ama ay hoos u dhigaan caqabad kasta oo cashuureed taaso yareyneysa isku socodka dhaqaalaha iyada oo u jeedadiisu tahay ka faa’iideysiga kheyraadka qolo waliba ay heyso si loo helo waxa loo yaqaan (economics of scale iyo comparative advantage )oo ah in hoos loo dhig kharashaadaka wax soosaarka maamado cashuurihii meesha laga saarey iyo in laga kala faa’iideysto qoloba wax ay hesyso ama ay si fudu usoo saari karto ee kuwa kale ku culus ama aaney haynba. Marxaladani waa halka ay ka bilaabmanto is dhex-gal dhaqaale. Custom union. ( mideynta cashuuraha) Heerkani waa heerka ku xiga kaa hore had iyo jeerna heerarkani midba mid ayuu fure u yahay. Hadaba isaguna waa nidaam ay wadamadii galey heshiiskii koowaad ku mideyneyaan cashuurahooda ay kula dhaqmeyaan wadama aan heshiiska qeyb ka aheyn. Iyaga oo mideyneya cashuuraha ay ku cashuureyaan waxyaabaha uga imaneya wadamada kale si ay meesha uga saran waxa loo yaqaan re-export oo ah in wadan ka mida iyaga wax laga soo dejiyo dabadeedna ku kale oo isla iyaga uuna loo dhoofiyo. Common market. ( suuq guud) Waxaad mooda in si ay iskugu dhowyihiin labadan dambe wuxuu kani kaga duwan yahay shaqaalaha, adeegyada iyo shirkaduhu wey iskaga gudbi karaan wadamada iyada oo wadan kasta si gaar ah u leeyahay nidaamkiisa hagiseed (Regulations) iyo hubinta tayada ama shuruudaha uu dhigtey (standers). Waana heer ka sii yara mug weyn kuwii hore. Economic union or single market. (suuq keliya) Heer kani waa mid ka sii sal balaadhan dhamaan kuwa hore waana heer wax kasta oo caqabad ku ah is dhex-galka dhaqaale meesha laga saareyo, shaqaalaha iyo shirkaduhu si toos ah isugu gudbeyaan lana sameyneyo nidaamyo guud oo lagu hageyo dhaqalaha ilaa heer la sameysanyo lacag qudha iyo siyaasado maaliyaded oo mid ah sida midowga Yurub oo kale. Badanaana waxa laga simaa siyaasadaha dhaqaalaha oo dhan. Waana heerka is dhex-galka dhaqaale u dambeeya waayo heerka ka dambeeya wuxuu isku bedela is dhex-gal siyaasadeed sida aynu arki doono. Political union ( midow siyaasadeed) sida aan kor kuso sheegay heerkan waxa loo guurey dhanka siyaasada maamado dhaqaalihii xoog loo mideyeey, markasta oo dhaqaale ahaan la is dhexgalo na waxaa sahlanata is fahanka bulshada iyo wax wada yeelashada taasina waxay dhiirigelisaa in siyaasadana la mideeyo si loo sii xoojiyo midnmada. Markey dowladuhu isla gartaan iney sameeyan is dhexgal siyaasadeed waxaa sameysma waxa loo yaqaaan federation iyad Source
-
(SLT-Puntland)Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warimayaa in ay duqemo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Buurahaha Gobalka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacay deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ee Gobalka Bari waxaana la tilmaamay in howlgal ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada PSF ee maamulka Puntland. Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in duqeyn ay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri, islamarkaana la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish. Duqeynta ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan deegaanka Miraalle oo 28vkm dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay duqeyntaasi. Inta ogyahay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku geeryooday,kadib duqeyn ka dhacay deegaanka Miraalle, iyadoona halkaasi dhawaan ay dagaal kula galeen daacish, islamarkaana ay shabaab la wareegeen. Source
-
Saxaafadda Adduunka ayaa si weyn u hadal haysa Kiiska Dacawadeed ee ku aaddan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay Dowladda Kenya maanta gudbisay jawaab celintii laga sugayey. Telefeshinka DW ee dalka Jarmalka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay muhiimadda uu yeelan doono go’aanka ay gaari doonaan garsooreyaasha caalamiga ah ee Maxkamadda Hague, maadama uu noqonayo mid dhaqan gal ah oo ay tahay in uu hoggaansamo dalka lagaga guuleysto. Warbaahinta si dhaw ula socota gal-dacwadeedka ay maanta gudbisay Dowladda Kenya ayaa xaqiijinaya in Kenya ay ku adkaysanayso in aysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwaddan maadaama labada dal arrinkan ka gaareen heshiis is afgarad sanadkii 2009kii. Heshiiskan oo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan ayey Kenya ku dacwoonaysaa in uu saxiixay Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdirixmaan Cabdishukur. Warbaahinta ayaa xaqiijisay in ay hakiyeen baaritaankooda shirkado ay Dowladda Kenya siisay qandraasyo la xiriira baaritaanka shidaalka lagu tuhunsan yahay aag-badeedka uu muranku ka taagan yahay.
-
Garowe (Casimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa ka hor doorashada Puntland waxay yeelan doonaan Tartan noociisa kii ugu horeeyay ah oo Musharixiin ay ka qeyb galaan. Tartanka ayaa ka dhacaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana wararka ay sheegayaan inay ka qeyb gali doonaan inta badan musharixiinta deegaanada Puntland. Tartankaasi oo ah Ciyaarta Kubbada Kolayga “Basket Ball” ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamid ah musharixiinta ku tartamaya magaalada Garowe, oo qaarkood si weyn u yaqaana arrimaha ciyaaraha. Waxay musharixiinta u muuqdaan kuwo is tijaabinaya kahor inta aysan ka qeyb galin doorashada Puntland oo sida qorshaha uu yahay dhaceysa 20 maalin kadib sida la filayo haddii uusan isbadal imaan. Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa kulankan ka joojisay in lagu qabto garoonka ciyaaraha Mira Awaare qaybtiisa kubadda Kolayga oo dhowaan madaxweynaha Puntland dhisme cusub uu dhagax dhigay. Musharixiinta Puntland ayaa mid Walbaa wuxuu doonayaa inuu noqdo shaqsiga badalaya madaxweyne Gaas, balse Ciyaartaa ayaa noqoneyso halkii ugu horeysay oo ay isku arkaan maadaama safaro ay ku jireen muddooyinkii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa bari oo Arbaco ah Taariikhduna ku beegantahay 19-ka Decembar ee sanadka 2018-ka ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Doorashadaasi oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa ay ku adkeeysanayaan guddiga doorashooyinka maamulkaasi in bari ay ka dhaceeyso Baydhabo. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo goobjoog ka ahaan doonto doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa aad u adag lamana sii saadaalin karo cida ku guuleeysaneeyso doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed. Waxaa la sii saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhax mari doono Musharaxa la yiraahdo Xuseen Cismaan Xuseen iyo Lafta Gareen oo labaduba Dowlada Soomaaliya xilal ka soo qabtay. Waxaa wali Muqdisho ku xiran Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo isagu doorashada aan ka qeeybgaleeynin. Dowlada Soomaaliya ayaa galaan gal muuqda ku leh doorashada magaalada Baydhabo bari ka dhaceeysa iyada oo taageero siineeysa mid kamid ah musharixiinta tartamaya. Wararka Doorashada kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo bari ka dhaceeysa Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ku aaddan xiisadda ka oogan degaanno ka tirsan Hiiraan oo u dhaxeeysa laba beel oo walaalo ah. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Daba Geed ayuu sheegay in ay kala hadleen arrinta soo korortay si uusan dhib uga dhallan. Waxaa uu ku eedeeyay guddoomiyaha in sidii loo baahnaa uusan u marayn maaraynta xiisaddaasi qabaa’ilka suntan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/NABADOON-HIIRAAN-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cismaan Sheekh Muxumed(Qoox) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada oo lagu wado in maalinka berri ay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee caasimad goboleedka gobolka Baay. Wuxuu sheegay in doorashadani aan la oran Karin mid caddaalad ah isagoo ku sababeeyay in doorashada laga reebay mid kamid ah lixdii musharrax ee isu soo taagay waa Mukhtaar Rooboow Mansuur. Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii rabshadaha watay oo dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo. Siyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadkii ka dambeeyay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaasi in lagu la xisaabtamo. Siyaasi Cismaan Qoox ayaa sheegay in dibadbaxyo ay ku diidan yihiin rabashadihii ay Baydhabo martigalisay iyo soo qabashada Mukhtaar Rooboow ay ka dhigi doonaan dalka UK oo ogalaanshiyo ay dowladdaasi ka heystaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-SIYAASIGA-KG-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com