Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyad) Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan saydhay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”. Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah. Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh. Source
  2. (SLT-Manchester)Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho kadib guuldaradii uu kala kulmay Liverpool, waana markii labaad oo ay Liverpool sabab u noqoto in laga ceyriyo tababarahaan shaqooyinka kooxaha horyaalka Premier League. Maamulka Red Devils waxey go’aansadeen iney shaqada ka ceyriyaan Jose Mourinho kadib laba sano iyo bar uu kooxda maamulay, waxeyna noqotay sheeko lama filaan ah in wakhtigaan uu kusoo aado warkaan ay ku farxeen jamaahiirta kooxda shayaadiinta. Waxaa la xasuustaa In Jose Mourinho laga ceyriyay shaqada Blues dhamaadka sanadkii 2015 kadib markii ay guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Liverpool, waana markii labaad uu Jurgen Klopp masuul ka noqonayo inuu Mourinho shaqadiisa waayo. “Kooxda waxey uga mahad celineysaa Jose Mourinho shaqadii uu kooxda usoo hayay wakhtigiisa, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto mustaqbalkiisa” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Red Devils. Source
  3. Wasaarada Haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee dowlada Puntland ayaa Garoowe ku qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan latalinta haweenka lakulma tacadiyada jisiga . Aqoon isweydaarsigan [...] Source
  4. Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Jose Mourinho, kadib labo sano iyo bar oo uu tababare u ahaa kooxdaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayn u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”. United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman ixili ciyaareedkanla la magacaabi doono , inta kooxdu ay ka shaqaaleysiin doonto tababare kale. Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda. Kooxda Manchester United oo xili ciyaareedkan dheeshay 17 ciyaarood ayaa waxaa ay heshay 26 dhibcood oo keliya, waxaana mudooyinkii dambe ay la kulmeesay guuldarooyin. Tallaabadan shaqada lagaga eryay Mourinho ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Paul Pogba oo sababtay in Pogba aanan la soo safin ciyaartii Anfield. Qaran News
  5. Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto…. Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah. Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo badhtamihii bishan. Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa caymiska iyo laysamadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi. Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticket ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixid “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada taratan adag kula geli doonta Shirkadaha Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya. Qaran News
  6. Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa markii ugu horaysay laga furay xafiis isku xiri doona dadka ka soojeeda maamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya iyo shacabka [...] Source
  7. Hargeysa ( Sh. M. Neywork )-Dowladda Itoobiya ayaa u magacawday maamulka Somaliland Qunsul cusub, kadib markii dhawaan la bedalay Qunsulkii hore . Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday S/land ayaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble, waana nin Soomaali Itoobiyaan ah oo xilal ka soo qabtay dalkaasi. Shamsudiin, waxa uu soo ahaan jiray Danjiraha Itoobiya ee Kenya & Jabuuti, sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli isbedal cusub oo wada shaqeyn ah uu ka curtay dalalka Geeska Africa, kaas oo ay hor boodayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Itoobiya Oo Qunsul cusub U magacawday Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, waxaana xilka Madaxtinimadda Puntland uu haayay Muddo dhan 5 sano. Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay Waxqabadkiisa, waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. Gaas ayaa ku biiraya hadda ka dib in ka badan 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. 8 bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Baku ( Sh. M. Network )-Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians). Shirkan waxaa si wadajir ah u soo Qaban qaban qaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan. Waxaana diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida. Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee dunida. Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaagga ,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta. Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay BFS shirkan oo muddo labo maalin ka socday dalka Azerbaijan. The post Xubno ka tirsan Aqalka Sare Oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Azerbaijan appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa waxay olole aad u ballaaran ay xilligaan ka wadaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Waxaa magaaladaasi gaaray musharraxiin aad u badan, iyadoo musharrax walba uu fagaare ku yaalla magaaladaasi kula hadlo taageerayaashiisa. Doorashada Puntland ayaa la filayaa iney dhacdo 8 January ee sanadka 2019, waxaana markaan u tartamaya in ka badan 20 musharrax. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi oo dhan ku sugan ciidamada Puntland oo heegan ku jira. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARIYAHA-GAROOWE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn waxa ay ka fuliyeen deegaanka Miraalle oo 28-km dhanka Bari kaga began magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wararku waxay sheegayaan in halka duqeynta ay ka dhacday ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Diyaaradahan waxaa sidoo kale dhanka dhulka ah ka caawinayey ciidamada maamulka Puntland, waxaana la sheegay in qorshaha howlgalkan uu ahaa mid si wadajir ah u dhacayey. Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegtay in duqeyntan ay ku dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay waxyeello soo gaarsiiyeen kuwo kale. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta fuliyey ay ahaayeen kuwa Maraykanka, waxaana halka duqeyntan ka dhacday ay tahay dhul buuraley ah. Ma jirto faah faahin kale oo duqeyntan laga bixiyey hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeyn ay dhowaan ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose waxay ku dileen 62 ka mid ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markiisa Labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Munaasabad uu maanta ku qabsaday Gaas, magaalada Garoowe ayuu ku sheegay in xilkan uu diyaar u yahay inuu qabto Shanta Sano ee soo aaddan. Wuxuu tilmaamay in wax badan uu qaban doono, islamarkaana uu dhammeystiri doono shaqooyin badan oo qabyo u ah. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in haddii uu meesha ka baxo ay istaagi doonaan shaqooyin badan oo uu sheegay in hadda ay socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Gaas.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa si cad u shaacisay in Ruux Soomaali ah ay u magacaabeen qunsulka Ethiopia ee deegaanada Somaliland. Shamsudiin Axmed Rooble oo si weyn looga yaqaan dalka Ethiopia ayaa loo magacaabay qunsulka Ethiopia ee Somaliland, waxaana la doonaya inuu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Ethiopia. Shamsudiin, ayaa noqday wasiir ku xigeen, xildhibaan Baarlamaan, safiirka Ethiopia ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana hadda loo magacaabay Qunsulka Ethiopia ee magaalada Hargeysa. Waa nin si weyn looga yaqaano dalka Itoobiya, waana rugcaaddaa dhanka Duplomaasiyadda, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan ka badali doono Hanaanka xiriirka Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida qoraalka lagu sheegay. Waxaa la filayaa inuu xilka kala wareego qunsulki hore ee Ethiopia fadhiyay magaalada Hargeysa oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay. Dhawaan ayay aheyd Markii dalka Itoobiya looga yeeray Qunsulkii Itoobiya ee Magaalada Hargeysa, waxaana dad badan ay sheegeen intaasi ay hoos u dhigtay Siyaasiyadda Somaliland oo loo aaminay in Ethiopia ay ilaalinayso Midnimadda Soomaaliya. Balse magacaabistiisa ayaa meesha ka saareyso hadal heynta arimahaasi la xiriirta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Heshiis xabad joojin ah oo la dhexdhigay ciidamada dowladda Yemen iyo kooxaha mucaaradka ee magaalada Xudaydah ayaa burburay, sida ay ku warameen saraakiisha dowladda taageersan. [...] Source
  15. The Ethiopia government has appointed a new consul to Somaliland capital Hargeisa. The new consul will be Mr.Shamsudin Ahmed Roble who once served as Ethiopia’s ambassador to Djibouti and Kenya. The new envoy replaces the former ambassador Mr.Berehe Tesfaye who had been the resident diplomat in Hargeisa for more than a decade. According to the sources, Shamsuddin has been based in Addis Ababa following Ethiopia’s government move to recall dozen of diplomats across the globe. Somaliland and Ethiopia share a cordial relationship since it announced unilateral independence from Somalia in 1991 but it failed to win international recognization. The post Ethiopia sends consul to Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  16. The Federal government of Somalia has banned Sahan research company to operate inside the country on Monday for national security reasons. Statement from the Ministry of Internal Security prohibited all government and non-governmental organizations to conduct business with Sahan saying the thinktank is involved in activities that are a threat to national security, the unity of the people and the government of the federal government. “The Ministry of Internal Security clarifies that based on investigative reports submitted by the security agencies in the country, Sahan research is banned and will no longer be allowed to conduct any business due to threats posed to the national security, stability, and unity of the country.” TheMinistry has also strongly warned any organization that violates the ban by conducting business with the research company saying it will face the full force of the law. “Any organization or persons that violate the prohibition will face full force according to the law.” Sahan is a think tank research company with a primary focus on political analysis and security dynamics in the horn of Africa, East Africa, and the Middle East. Its director Matt Bryden, contributed to an article on Washington post’s “Somalia scrambles to prevent Alshabaab former number 2 from running for office,” published on14th December. Mr.Bryden who is a Canadian national and retired military officer who served as coordinator for the Monitoring Group on Somalia and Eritrea in 2008 said the federal government of Somalia is trying to exercise its will against the wishes of its member states referring to the events in Baido, southwest state of Somalia. The post Somali government halts activities of a foreign research organization appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn khasaaro geysatay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday gobolka Bari ee maamulka Puntland. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Miraale oo qiyaastii 28 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Warar qaar ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Al Shabaab. Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku dhintay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Illaa iyo haatan lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi. Deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxaa dhawaan ku dagaalamay Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo ku xoggan dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, waxaana duqeyntii u dambeysay ay ka dhacday gobolka Shabeela Hoose. The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Sadiiq Warfaa xoghayaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhaweeyay kulanka ay wada qaateen guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre. Ugu horreyn Xildhibaan Warfaa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kulanka labada mas’uul, oo uu xusay in ay muhiim tahay in laga wada hadlo xaaladda dalka. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay guddoonka Golaha Shacabka in uu dib u bilaabo kulamadii Baarlamaanka, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee Golahaasi. Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkan uu sameyn ku yeeshay howlihii u yaallay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka madaxda DFS, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. The post Warfaa Oo soo dhaweeyay kulankii Kheyre iyo Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo uu haatan waqtiga ka sii dhamaanayo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax markale u taagan qabashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Madaxweyne Gaas ayaa munaasabad lagu qabtay Garoowe ku soo bandhigay waxqabadkiisa ,waxaana uu xusay in uu wax badan ka qabtay Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay inay weli u harsan yihiin dhameystirka Mashaariicyo muhiim ah, islamarkaana uu codsanayo in mar kale loo doorto maamulkaasi. C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January ee Sanadkii 2014 -kii, waxaana xilka uu hayay muddo dhan 5 sano ah. Ku dhawaad 40 Musharrax oo ay ku jiraan kuwa horay xilal uga soo qabtay DFS iyo Puntland ayaa u sharraxan Hoggaanka maamulkaasi. The post MD Gaas Oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-18122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire has held a meeting with the Speaker of the House of the People, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, in Mogadishu on Monday night. In a closed-door meeting, the two leaders discussed the current situation of the country, according to sources privy to the development. The sources said the leaders reached a preliminary agreement to ease the escalating political tensions in the country. Among the issues agreed to be review are the motion against President Mohamed Abdullahi Farmaajo, enhancing the relations between legislative and executive branches of the government and a possible face to face meeting between President Farmaajo and the speaker. The post Somali PM holds crucial meeting with parliament speaker appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Iskaashatada Kaluumeysatada ee Muqadisho ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii dowladda Soomaliya ku bixisay shatiga Kaluumaysi ee shirkada Shiinaha laga leeyahay. Dowladda Soomaaliya iyo shirkad kaluumeysi oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa kala sixiixday heshiis dhanka kaluumeysiga ah heshiiska kaluumaysiga ayaa shirkada Shiinaha ruqsad u siinaya inay ka kaluumaystaan badaha Soomaaliya. Heshiiskaa ayaa waxaa ka soo baxay durbaba walaac ay ka muujinayaan Kaluumaytada Soomaalida oo dhanka kaluumaysiga ah ayagoo tilmaamay inay awalba dhibaato ku qabay maraakiibta shisheeye ee sida aan Sharciga aheen uga kaluumaysta xeebaha dalka ayadoo aysan jirin wax ogolaanshiya ah oo ay ka heestaan DFS. Xasan Maxamed Rooble , waa gudoomiyaha urur ay ku midaysan yohiin kaluumaysatada Soomaalida waxa uu lahadlay Goobjoog news waxa uu tilmaayaa in hadka kaluumaysatada ah in walaac badan ay ka muujinayaan heshiiska ay dowladu siisay shirkada shiinaha. “Dowladda Soomaaliya ayaa dalka badahiisa iyo hawadiisa masuuliyad ka saarantahay laakiin waxaan Kaluumeysato ahaan waxaan walwal ka muujinaynaa heeshiiskaan maadaama dadkaan noloshooda ay ku tiirsantahay badda iyo kaluumaysiga iyo waxa ay ka soo saartaan baddaha Soomaaliya sidaas darteed annaga waxaan walwal aan ka qabnaa markabka hadii la siiyay rukhso uu ku kaluumeeysto waxa uu sameen karaa inuu soo dhaafo xadkii loogu talagalay, waxaan ognahay inaan qabin ciidamadii Bada inoo ilaalinayay qalab lagu waardiyeeyo ama lagu ogaan karo markiibta halka ay joogaan, taasina waa walaaca ugu badan aan ka muujinayno in markabku ka soo gudbo xadkii loogu talagalay Kaluumaysada mawaadiniinta ahna dhibaato uga timaado” Rukhsada lasiiyay shirkada shiinaha ee FOCA oo leh 31 Markab oo si xor ah uga kaluumaysanaya badaha Soomaaliya waxaana rukhsadan ku kacaya lacag dhan 1 milyon oo doolar Mareykanka, waxaan heshiiskaan sixiixay Wasaarada Kaluumaysiga iyo kheyraadka badda xukuumada federaalka ee Soomaaliya dowladda ayaana sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu dhicidoonta bankiga dhexe ee Soomaaliya mana jiri doonaan in lacagtaad la isticmaalo ilaa la isaga afgaranaayo qeybsiga kheyraadka dalka uu leeyahay Wasaarada kheyraadka bada ayaa sheegtay in Kaluumaysada shirkada FOCA ay la bixidoonaan Kaluunka nuuca TONAHA loo yaqaano hadana waxaa taagan cabsida ay qabaan Kaluumaysatada Soomaalida sida mar kale uu sharaxayo Xasan Maxamed Rooble “Taas waa ay jirtaa waxaa jira dooni bada lagu waayay mudo kadib doonidii kaliya lahelay dadkiina lawaayay oo dhaawacyo ku yaalan xabado taasna waxaan u aanayneeynaa maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysata badahaha Soomaaliya, waxaa jira dad badan oo ilaa hada badda lagu la,yahay maladilay ma is kood ayeey ulumeen lama ganaayo labo bil ka hor waxaa lumay doon ay sedex nin oo dhalin yaraa ay saran yihiin dhaawac midkood sanadkaan bilaawgiisa waxaa lumay labo doon oo lix nin oo dhalinyara ay saran yihiin inkastoo sedex kamida laga helay siirilanka kuwii kala laga sheegay jaziiradahaan shiisalis lakiin macadam” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay markale musharax Madaxweyne 2019 . [...] Source
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah. Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo bartamihii bishaan. Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa ceymiska iyo leysimadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi. Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticked ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixin “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada kula dagaalameyso Shirkadda Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
  25. Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa door wacan ka ciyaaray in caasimada Muqdisho ay ciyaar saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u yimaadaan ciyaartooy iyo macalimiin Soomaaliyeed intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxayna ka kala imaadeyn wadamada Egland,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya. Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga kooxdii qurbajoogta ee caasimada timida bishii October qeybna ka ah bahda ciyaaraha reer UK ayaa u mahad celiyay xili dhibaan Xasan Macalin sida wanaagsan uu ugu qeyb qaatay socdaalkoodii kowaad ee dalka sanadaha soo aadan ay ka rajeyndoonaan in uu gacan buuxda ka qaato dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ku koray qurbaha. Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa safarka kooxdii imaaday caasimada ayaa u haray waajibaadka xulka qaranka,isagoo kasoo muuqday saddex ciyaareed ayuu xulka u dhaliyay afar gool,20-November 2018 goolkii kowaad ayuu qaranka u dhaliyay wuxuuna goolkaas ka dhaliyay xulka Ethiopia oo ay la ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka,saddex isbuuc ka dib laacib Feysal ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay oo saddexlay ama hatric u dhaliya xulkeena wuxuuna ka dhaliyay wadanka Jabuuti inkastoo ciyaartaas ay aheyd mid saaxiibtinimo hadana waxa ay go’gol xaar u aheyd in mustaqbalka dhaw uu qarankeena ku ciyaaro garoomada gudaha. “Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka waana wax loogu baahan yahay dhamaan siyaasiinta” Ka dib wacdarihii wacnaa uu Feysal kusoo bandhigay garoomada waxa ay dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku barbaaray qurbaha kuwaas oo iminka rajo ka leh in ay iyagana u dheelaan dalkooda waxaana badanaya codsiyada kala duwan ee soo gaaraya xiriirka kubbadda cagta oo ah hay’adda soo xulista iyo ka waqrabka xirfadlayaasha matalaya magaca Soomaaliya,halka qaar ka mid ah siyaasiinta ay ku tartamayaan caawinta iyo garab istaagida xirfadlyasha gudaha iyo kuwa qurbaha. Isku soo wadaba gofeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtida ah hadii la joogteeyo booqashooyinka kooxaha qurbaha laguna xoojiyo xirfadlayaasha gudaha ay keeni karto is badal iyo natiijooyin wanaagsan oo ka imaada safarada xulka qaranka ee ka qeybgalka tartamada caalamka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com