Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Koongo)-Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan [maanta oo] Axad ah lagu dhawaaqayn. Gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay in sababtu tahay iyada oo kala badh in ka yar waraaqihii codadka lagu dhiibtay ay soo gaadheen xarunta. Af-hayeenkiisa ayaa BBC-da u sheegay in shir la qaban doono Axadda oo lagu lafa guri doono dib u dhaca. Kaniisadda Kaatoligga, oo kumanaan goob joogayaal ah u dirtay goobaha codbixinta, ayaa Khamiistii sheegtay in cidda guulaystay ay iska caddahay, waxaanay ku baaqday in natiijada la shaaciyo si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Booliiska Congo iyo taageerayaasha mucaaradka oo isku dhacay DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa. Hadalkaa waxa si cadho leh uga jawaabay isbahaysiga talada haya oo yidhi kaniisaddu “fal sharci darro ah bay ku tallaabsatay” waxaanu ku eedeeyey in ay “shacabka u diyaarinayso kacdoon”. Kaniisaddu waxay mucaarad cod dheer ku ahayd mudo kordhinta xukunka Madaxweyne Joseph Kabila. Waxa uu haatan xilka ka degayaa 17 sannadood oo uu xilka hayey ka dib waxaanu ballan qaaday inuu suurto galin doono nin markii ugu horraysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo xilka hab sharciga waafaqsan loola kala wareegi doono tan iyo markii ay gobanimada ka qaadatay Belgium 19960-kii. Waxa lagu waday in natiijada rasmiga ah la shaaciyo Axaddan, in kasta oo gudida doorashooyinku dhawr maalmood ka hor ku dardaar werisey in ay dib u dhic karto. Gudoomiyaha gudida doorashada, Corneille Nangaa, ayaa Sabtidii sheegay in la tiriyey in ka yar kala badh codadkii la dhiibtay. Waxaanu yidhi “suurto gal ma aha in natiijada la shaaciyo Axadda. Hawshu way socotaa laakiin weli codadkii oo dhami nama ay soo gaadhin”. Image captionJoseph Kabila Kabila waxa uu xilka la wareegay markii aabihii Laurent Kabila la dilay 2001-dii waxaanu doorasho ku guulaystay sanadkii 2006, mar kale ayuu hadana doorasho muran ka dhashay ku guulaystay 2011-kii. Dastuurka dalka ayaan u ogolayn in uu mar kale isku sharraxo xilka, waxaanay ahayd inuu talada wareejiyo laba sano ka hor, hase yeeshee doorashada ayaa dib u dhacday ka dib markii gudida doorashooyinku sheegay in wakhti ay cod bixiyeyaasha ku diiwaan geliyaan u baahanyihiin. Go’aankaas ayaa waxa uu dhaliyey qalalaase iyo isku dhacyo, oo waxay mucaaradku ku eedeeyeen Kabila in uu doonayo in uu xukunka ku sii dheganaado. Source
  2. London (Caasimada Online) – Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar ayaa guul siyaasadeed weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia ku tilmaamay go’aankii lagu cayriyey ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Raage Oomaar ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Villa Somalia ay bah-dishay xoghayaha guud ee QM Antoni Guterres iyo QM, kadib markii ay cayrisay Haysom Qoraalka Raage ayaa u dhignaa sidan: “Guul weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia oo bah-dishay Guterres iyo QM. Dowladda Somalia waxay cayrisay wakiilkii gaarka ahaa ee QM ee Soomaalia Nicholas Haysom. QM waxay sheegtay in taasi aan la ogoleyn. Hase yeeshee waa ay is-dhiibtay waxayna sheegtay inay beddeli doonto” Huge win for @TheVillaSomalia who humiliates @antonioguterres & @UN. Somali gov expels UN Special rep @NicholasHaysom. UN says this isn’t allowed. But caves in & says it’ll replaces him.”The U.N. chief regrets Somalia envoy expulsion, will send replacement https://t.co/m8jq399axV — Rageh Omaar (@ragehomaar) January 4, 2019 Qoraal kale oo Raage uu ugu jawaabay agaasimaha mashruucda hay’adda ICG ee Geeska Afrika, rashiid Cabdi ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan siyaasadeed ay ogtahay inuu guul siyaasadeed uga horseedi doono xagga shacabka. Waxa uu yiri “Dowlad kasta waxay ay cayrsan doontaa siyaasaddii u shaqeeneysaa islamarkaana ah guul siyaasadeed. Tani waxay guul dhameystiran u tahay Villa Somalia iyo “waddaniyiinta fog”, sida aad ugu yeerto, waxay muujiyeen in naceybka darran ee shaqada QM uu shaqeeyo, UNSomalia-na waa ay is dhiibtay” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  3. (SLT-Washington)-Telefishinka CBS ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka ayaa sheegay inuu ku gacan seyray codsi uga yimid dowladda Masar, oo dooneysa inuusan hawada galin wareysi ay ka qaadeen madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi. Codsigaas ayaa waxaa mas’uuliyiinta Telefishinka gaarsiiyay danjiraha Masar u fadhiya dalka Mareykanka. Wareysigaas oo 60 daqiiqo soconaya ayaa lagu soo warramay in Mr Sisi uu ku xaqiijiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Masar iyo kuwa Israa’iil, si ay isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Jihaad doonka ah ee ku sugan gacanka Sinai. Waxa uu sidoo kale dafiray in dowladdiisu ay xabsiga ku heyso dad siyaasiyiin ah, wuxuuna difaacay howlgalkii dhimashada badnaa ee lagu wajahay mudaharaadyadii sannadkii 2013-kii. Mas’uuliyiinta warbaahinta la iska arko ee CBS ayaa sheegay in laga codsaday ineysan wareysigaas hawada ka sii deynin wakhti dhow, laakiin iyagu ay ka dhaga fureysteen dalabkaas. Ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda Masar ka bixisay wararka soo baxaya ee ku saabsan macluumaadka ku jira wareysiga uu bixiyay madaxweyne Sisi. Muxuu yidhi Madaxweynaha? Telefishinka CBS ayaan bixinin qormo dhammeystiran oo ku saabsan wareysiga, balse waxay mas’uuliyiintiisa sheegeen in madaxweynaha wax laga weydiiyay howlgalkii ka dhacay Masar, oo billowday markii ciidamada Milatariga oo uu xilligaas hoggaaminayay Sisi ay af gambiyeen xukuumaddii Maxamed Mursi, bishii Luulyo ee sanadkii 2013-kii. In ka badan 900 oo ruux, oo u badnaa taageerayaasha xisbigii Maxamed Mursi ee Ikhwaanul Muslimiinka, oo hadda mamnuuc ka ah dalkaas, ayaa la dilay, iyadoo ciidamada amaanka ay 14-kii bishii Agoosto ee 2013-kii dadka ka bixiyeen labada fagaare ee kala ah Raabica al-Cadawiya iyo Nahda, oo ku wada yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira. 120 ruux oo kale ayaa 2 maalmood ka dib ku dhimatay fagaaraha Ramses. Mr Sisi, oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaan dhigga ee Masar, ayaa wareysiga CBS lagu weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inuu isaga bixiyay amarkii rasaasta loogu furayay dadkii mudaharaadeyaasha ahaa ee ku sugnaa fagaaraha Raabica al-Cadawiya. Wuxuuna ku jawaabay: “waxaa jiray kumannaan qof oo hubeysan oo ku jiray halkaas muddo ka badan 40 maalmood. Waxaan isku daynay hab kasta oo nabadeed oo aan uga saari karno meeshaas”. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dad kooban ay hubeysnaayeen. CBS ayaa sheegay in madaxweynaha uu sidoo kale “xaqiijiyay in Milatarigiisu ay la shaqeynayeen Israel, si ay uga gacan sarreeyaan kooxaha argagixisada lagu tilmaamay ee ku sugan Waqooyiga gacanka Sinai”, halkaasoo weerarro ay geysanayeen xoogag daacad u ah ururka Daacish ay ku dhinteen boqollaal askari iyo dad shacab ah. Mar la weydiiyay Mr Sisi in wada shaqeynta dhex martay Israa’iil ay ahayd “tii ugu dhoweyd abid”, ayuu ku cel celiyay : “Waa sax waa sidaas… waxaan Israa’iil la leenahay xiriir wada shaqeyn oo aad u baaxad weyn”. Source
  4. Duqa caasimadda Garoowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa Axadda maanta ah heshiis la saxiixan doona shirkadda laamiyada dhista ee TTN oo laga leeyahay dalka Turkiga. Mudane Axmed Barre ayaa qoraal uu Facebook-giisa soo geliyay ku sheegay, in uu maanta heshiis la saxiixanayo shirkadda TTN,si ay dhisto 4 laami oo cusub,kuwaasoo laga hirgelinayo caasimadda Puntland ee Garoowe. Laamiyada cusub ayaa la saarayaa waddooyinka kala ah; 1: wadada Alnasaar 2: Jidcadaha Global 3:wadada u baxda xaafadda Jillab iyo 4: wadada Ely Hutel ilaa Shaariqa,waxaana mashruucan ku deeqay World Bank. PUNTLAND POST The post Heshiis dhisme 4 laami oo maanta Garoowe lagu saxiixayo appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Garoowe)-lix musharax oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir jiraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe waxa ay uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada madaxweyne ee Puntland. Musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in markii ay arkeen duruufaha adag ee dalka uu marayo iyo faragelin ay sheegeen in lagu hayo doorashada ay sababtay in ay ka tanaasulaan tartanka doorashada isla markaana ay codkooda ay ku biirayaan musharixiin kale oo sadex ah kuwaas oo kala ah Cabdisamad Maxamed Gallan,Siciid Cabdulaahi Deni iyo Daahir Mire Jibriil. Cabdirisaaq Jaamac Janagale oo u hadlayay musharixiinta tanaasulay ayaa sheegay in ay codkooda iyo cududooda u midaynayaan sidii isbedel la taaban karo uu uga dhici lahaa Puntland islamarkaana looga gaashaaman lahaa in markale xukunka uu kusoo laabto madaxweynaha iminka musharaxa ah Cabdiweli Gaas iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa faragelin ay xukuumadda Federaalka ku sameyso doorashada madaxweyne ee Puntland taas oo la filayo in ay dhacdo 8-da bishan January. Hadaba Murashixiinta sheegay in ay tanaasuleen ayaa kala ah:- Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) Cali Axmed Gamuuti Cabdixakiim Cabdi Xaashi. Maxamed Salaad Qoryoolay Cabdullaahi Jaamac Saalax Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre. Source
  6. Garowe (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu ciidamadii ugu badnaa geeyay magaalada Garowe. Ciidamadaasi ayaa u badan kuwo laga kala keenay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in laga leeyahay ujeedada ah inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Garowe. Doorashada ka dhaceyso magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa la doonayaa in la adkeeyo amaankeeda, waxaan saraakiisha ciidamada hogaamineyso ay sheegeen inay doonayaan inay door ka qaataan amaanka magaalada Garowe. Madaxweyne Gaas oo wajahaya culees siyaasadeed adag ayaa sheegay inuu doonayo in amni iyo kala dambeyn ay u dhacdo doorashada madaxweynaha ee ka dhaceyso magaalada Garowe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta badan ee kusugan magaalada Garowe oo dhankooda gaadiid dagaal iyo ciidamo la tagay ay sabab u tahay ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Garowe. Maalinta Talaadada ee soo socota waxaa magalada Garowe ka dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. (SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad qaran oo deg deg ah, si uu u billaabo dhismaha darbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, isagoo aan ansixin ka helin aqalka wakiillada ee Koongareeska. Aqlabiyadda aqalka Koongareeska ayaa gacanta ugu jirta xisbiga mucaaradka ah ee dimuqraaddiga, iyagoo kuraasta ugu badan ka helay doorashadii xilliga dhexe ee dhacday 6-dii bishii Nofembar. Dhawaaqa cusub ee ka soo yeeray Trump ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo ku gacan seyray codsigiisii ahaa in loo fasaxo dhaqaalaha lagu dhisi lahaa darbigaasi. Ismari waagan ayaa sabab u noqday in Mr Trump uu ka gaws adeygo ansixinta hindise sharciyeedka dhaqaalaha guud ee hay’adaha dowladda, isagoo shuruud uga dhigay inuu helo kharashka lagu dhisayo darbiga xuduudda. Wuxuu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii ay sannado u sii socon lahayd xannibaadda kala bar ka mid ah howlaha dowladda, oo hadda ku jirta isbuucii saddexaad. Qiyaastii 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha federaalka ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo 22-kii bishii Disembar. Qareennada iyo shaksiyaadka kale ee ku dhow madaxweyne Trump ayaa la filayaa iney kulan yeeshaan galinka dambe ee maanta oo sabti ah, si ay uga arrinsadaan xaaladda. Maxaa dhacay ka dib markii uu madaxweynaha Jimcadii la kulmay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga? Madaxweynaha ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa markii hore rajo wanaagsan ka qabay kulanka 90-ka daqiiqadood qaatay oo ka dhacay aqalka Cad , wuxuuna sheegay inuu yahay mid ay “natiigo wanaagsan ka soo baxeyso”. Hase ahaatee xaaladdu ma noqon sidaas, saraakiisha Dimuqraaddiguna way diideen dalabka madaxweynaha. “Waxaan ku dhawaaqi karnaa xaalad qaran oo deg deg ah waxaana u dhisi karnaa si dhakhso ah. Waa laga yaabaa inaan sidaas sameeyo. Waa jid kale oo noo furan”, ayuu yiri Mr Trump. Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray; “Aad baan ugu faraxsanahay inaan sameeyo waxa aan sameynayo, uma aqaanno xannibaadda howlaha dowladda, waxaan u aqaannaa inaad sameyso waxa aad ku khasban tahay oo ay dan ugu jirto amniga dalkeenna”. Afhayeenka aqalka Koongareeska, haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi ayaa sheegtay in kulankii dhacay Jimcadii uu ahaa mid la ogaa inuu “muran ka dhalan karay”, halka hogaamiyaha xildhibaannada Senate-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga Mr Chuck Schumer uu isagana yiri “Waan u sheegnay madaxweynaha inaan u baahan nahay sidii ay dowladda ku sii shaqeyn lahayd, laakiin wuu ka soo hor jeestay”. Trump ma ku dhawaaqi karaa xaalad qaran oo deg deg ah? Waxaa shaki la galinayaa in Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqi karo xaalad qaran oo deg deg iyo in kale. Tallaabo noocaasoo kale ahna waxay horseedi kartaa in madaxweynaha uu mucaaraddo kala kulmo xisbiga uu kasoo jeedo qudhiisa, waxaana dabcan loollan lagu galin doonaa dhinaca maxkamadaha. Source
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo u warramayay Laanta Afka Soomalaiga ee BBC-da ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu deegaanada maamulkaasi kaga Mamnuucay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Wasiir Cawad ayaa sheegay in uusan xilligan habooneyn go’aanka Madaxweyne Gaas, balse waxa uu tilmaamay in Puntland ay xaq u leedahay sugida amniga deegaanadeeda, islamarkaana ay ku taageereyso dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in DFS aysan halis ku aheyn amniga iyo degenaashaha Puntland. Sideeda bishan ayaa la filiyaa in doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo ay u taagan yihiin Musharraxin dhowr ah. The post XFS Oo ka hadashay go’aankii ka soo baxay Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  9. New York ( Sh. M. Network )-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ceyrisay Ergaygii Xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wada shaqeynta dowladda siyo Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerida dhinaca nabadda iyo dib u dhis ka Soomaaliya. “Goluhu waxa uu rajaynayaa in wada shaqeyn buuxda ay ka dhaxeyn doonto dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay”. Ayaa lagu yiri warkan. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyo dhawr ah oo ay ugu horayso gargaarka Bani’aadanimada. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli DFS ay ceyrisay Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay uu ku xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya. The post QM “Eryiddii Haysom ma saameyn doonto xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya” appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa qoraal uu sabti soo saaray aad uga xumaadey in Soomaaliya ceyriso ergeyga qaramada midoobey Nicholas Haysom, iyaga oo intaasi ku daray inay Muqdisho ka filayaan wada-shaqeyn. Qoraalka waxaa lagu ammaanay diblomaasiga muddada dheer u shaqeneyney qaramada midoobey, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay inay beesha caalamka ay Soomaaliya kala shaqeyn-doonaan soo celinta nabadda iyo degenaashiyaha, waxaa uu golaha filayaa inay wada shaqeyn fiican dhex marto Soomaaliya iyo UNka. Inkasta oo ay ka soo horjeesteen ceyrinta Haysom hadana qaramada midoobey waxaa ay sheegtay inay badaleyso, si Soomaaliya cagaheeda isku taagto. Golaha ammaanka waxaa uu sheegay in sanadkan 2019-ka uu yahay mid halis ah, iyaga oo ugu baaqay madaxda Soomaalida inay wada-shaqeeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay Wiil Dhalinyaro ahaa loogu geystay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Xoosh oo ka tirsan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal. Dabley hubeysan ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Wiilka Dhalinyarada ee la dilay uu ahaa Qof shacab ah, islamarkaana uu ka mid ahaa dadka deegaanka. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkeynley oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonay dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo xalay dil ka geystay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-060119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay ka badbaadayaan beegsiga siyaasiyiin ee dowladda Soomaaliya. Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bartilmaameydsaday siyaasiyiin badan , isaga oo tusaale usoo qaatay C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xildhibaan C/fataax ayaa sheegay inuu ka xun yahay hab dhaqanka dowladda hadda jirta, waxaana uu sheegay in dadkii horey uga horyimid madaxweyne Farmaajo iyo kuwa hadda dhaliilaba ay hab dhaqan aan wanaagsaneyn kala kulmayaan. “Waxaan doonayaa inaan cambaareeyo hab dhaqanka xukuumadda hadda jirta, hab dhaqankaasi wuxuu ku saleysan yahay mid aargoosi ah, oo qofkii maalin dowladda sidaa u jaleecay iyo qofkii is yiri toosiyoo wax u sheeg labo gabil lagala boodayo”ayuu yiri Xildhibaanka. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay bartilmaameydsatay qof kastaa oo wax ka ogaa heshiiskii Kampala Accord, waxaana uu sheegay inuu kamid ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur. Wuxuu sheegay in kaliya Sheikh SHariif uu ka badbaaday in beegsi uu kala kulmo dowladda, maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii Kampala Accord wax ka ogaa, isagana uusan ogeyn hadda xaalkiisa. “Qofkastaa oo meeli ay kasoo gashay Kampala accord waa la weeraray, waxaa tusaale ku filan C/raxmaan Cabdi Shakuur, Qaramada Midoobay oo Haysom budhkii lala dhacay iyo Shariif Xasan”ayuu yiri Xildhibaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Somaliland waxa ay ku nooshahay dunia ayada u gaar ah, oo ku dhisan isku been sheegid iyo mala’ waal. Waa duni, inta caqliga u saaxiibka ah marka laga reebo, ay badankood iska qaataan wixii ay u sheegto. Hase yeeshee cayrinta danjire Nicholas Haysom waxay fursad u tahay in dunidaas ay kasoo baxdo, kuwa kula nool-na ogaadaan beenta inaanay sii socon karin. Warkayga aan caddeeyo, aniga dhib uma arko in Somaliland sheegato inay ka go’day Somalia, waxaase diidanahay in ayada oo ay saas jirto, haddana ay u dhaqanto mar walba sida inay Somalia qeyb ka tahay. Markii dowladda Somalia ay cayrisay Haysom, waxay Somaliland kasoo daba tuuretay war-saxaafadeed ay taagero ugu muujisay. Waxa ay sheegtay inuusan khuseyn go’aanka dowladda Soomaaliya, ayna lasii shaqeyn doonto danjire Haysom. Marka Somaliland sidaas leedahay, waxay rumeysan tahay in Haysom uu yahay ergey xogahaya guud ee QM u qaabilsan laba waddan oo kala ah Somalia iyo Somaliland. SI fiican ugu fiirso, inta badan qoraalada kasoo baxay xafiisyada dowladda Somaliland, waxaa Haysom loogu yeeraa ergeyga QM ee Somaliland iyo Somalia. Waa cinwaan xogahayah guud ee QM Antonio Guterres uusan bixin, waa cinwaan Haysom uusan isugu yeerin, balse waa jago labaad oo Somaliland ay ugu darto ergey kasta oo QM ay usoo magacowdo Somalia. Aniga waxaan ugu yeeraa “kula qabso”, waayo Somaliland waxay mar walba kula qabsataa ergey kasta oo Somalia loo soo diro. Waxaan is-weydiin jiray maxaynaan weli u arag ergey gaar ah oo QM usoo dirto Somaliland, oo mar walba Somalia iyo Somaliland isku nabay? Waa su’aal aan jawaabteeda haysto, laakiin waxaan jeclaa in kuwa riyo maal-meedka ku nool ay is-weydiiyaan. Markii Somaliland ay soo saartay qoraalka ay ku taagertay Haysom, waxaa laba maalmood kadib qoraal soo saaray xogahayah guud ee QM, Antonio Guterres oo sheegay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Somalia, kana xun yahay go’aanka Villa Somalia. Waxay ahayd ceeb iyo fadeexad siyaasadeed oo mar kale ku dhacday Somaliland. Ma ahayn wax cid ay u raadisay, ee ayada ayaa lugaheeda ku doonatay. Waxaa cad inuusan jirin ergey Somaliland iyo Somalia, balse uu jiro ergeyga Somalia oo kale. Somaliland cidna kuma qasabto in tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Somalia ay ka jawaabto, oo ay tiraahdo “nama khuseyo”. Haddii aysan khuseyn maxaa daba dhigay oo ay mar kasta uga hadlaan. Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti oo Somalia la deris ah, islamarkaana Somaliland ay rumeysan tahay inay la meel joogto, waxba kama galin kamana hadlaan go’aanada dowladda Somalia. Xaqiiqda ah in Somaliland mar kasta dooneyso inay ka daba qeyliso dowladda Somalia, ayaa astaan u ah inay Somalia qeyb ka tahay, meel ay uga baxsatana aysan jirin. Waxaan hadda sugayaa ergeyga cusub ee xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres uu usoo magacaabo Somalia, kadibna Somaliland ay kasoo daba tuurto warqad wiifto kula qabso ah oo leh “Waxaan soo dhoweeneynaa ergeyga cusub ee Somaliland iyo Somalia loo soo magacaabay.” W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Waji Ka Mida Guusha Ku dayashadu allaaba ma keento guul. Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas. Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood. Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn. Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo. Daalka waxa jira dad aan dareemin. Jure Robic kor baynu ku xusnay. waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka. Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay! Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh. Dhaawaca ma dareemaan! Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda. Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn. Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa. Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan. Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R. Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan ********. John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta. Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta. Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa: Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood. Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan. Shayga aad ku wacantahay lasoo bax. Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay. Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu Facebook shalay galab uu dagalkiisa soo dhigay Wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sababay in ay isku maan dhaafaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad Cumar. Xoosh oo ka falcelinayey kulan dhexmaray laba ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Cali Xaaji Warsame ayaa sida soo qoray isaga oo soo raaciyey sawirka labada musharax – “Dr. Ali Isse Abdi ( seated on the left) is the best hope for the reconstitution of Puntland and Somalia in that order. He represents Leadership, Integrity and Intellect, demonstrated by his Pan-African economic leadership during 25 years of positive economic interventions that turned around the economies of many African countries. #IsooMareey!!.” MACNAHA ‘Dr. Cali Ciise Cabdi (Fadhiya Middig) waa rejada ugu wanaagsan ee dib u dhiska Puntland iyo Soomaaliya sida ay isugu xigaan. Waxa uu tusaale u yahay hoggaamin, qaaya soor iyo aqoon xeeldheer, waxa uu ku muujiyey hoggaamintiisii dhaqaalaha Pan-Africa 25kii sano ee uu faragalinta dhaqaale ee taban uu waday taas oo wax ka bedeshay dhaqaalaha wadamo badan oo Africa ah,#Isoomareey. Intaa marka uu qoray, waxaa ka soo falceliyey asxaab badan oo musharaxa uu taageerada u muujiyey nasiib wacan u rejeeyey balse waxaa si lama filaan ah falcelin muran ka dhex abuurtay isaga Xoosh soo dhiibtay Yusuf Garaad Cumar. WAA TAN QORAALKII FALCELINTA (Comment) ee Yusuf Garaad….. “Mudane Cabdi Xoosh, waan qariyaa/keydsadaa aragtideyda ku saabsan hoggaanka Puntland maxaa yeelay waxaan leeyahay dhawr saaxiib iyo kuwo kale heerkaas ah [Inta aad ku sheegtay Dr Cali Ciise] oo loolamaya waxaana ka mid ah Dr. Cali Ciise. Maadama aan diidmadeyda sheegay, waxaan rejeynayaa taageerada aad [Cali Ciise] u muujisay in ay ku kooban tahay baaxadaada shaqsiyaded.” Waxaa isaga oo karaya oo caro/xanaaq la qarxi raba soo jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh oo sidan yiri- “Yusuf Garaad fadlan fiiri akoonka Twitter-keyga iyo Faceook waxa an si gaar ah ugu sheegay aragtiyada lagu muujiyo in aan aniga leeyahay oo aan loo aaneyn karin hay’ad kale oo aan meteli karo. Waan se kaa niyad jabay maxaa yeelay si gaar ah ayaad ila hadli kartay halkii aad si shaarac ah u smeyn lahayd. Hadda adiga sheekada keenaya taas waa jawaabteyda kama dambeysta ah.#Niyadjab!!@ Halkaa marka ay mareyso Yusus Garaad jawaab dambe ma soo bixin, ma garaneyno in hilfaha la’isugu sii laabay luuqooda!! Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa fariin u diray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka oo ka shaqeynaya doorashooyinka 2021 ka dhacaya dalka Soomaaliya. Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan u aqoonsaneyn inay yihiin guddi madax banaan, maadaama sida uu sheegay ay xafiis ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya. Guddiga doorashada ayuu kula taliyay inay kasoo guuraan madaxtooyada Soomaaliya si uu u noqdo guddi madax banaan, maadaama hadda uusan u aqoonsaneyn inuu madax banaan yahay. Xisbiyada kala duwan ee dalka oo talo ay kala dhaxeyso guddiga ayuu sheegay inaysan fursad u heysan inay la kulmaan, maadaama madaxtooyada oo xildhibaanada qaar loo diiday ay dhex degen yihiin guddiga madax banaan ee doorashooyinka. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka doonayaan in xukuumadda ay ku cadaadiyaan inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, islamarkaana dhamaan xisbiyada dalka ay kala shaqeyn doonaan. “Guddiga doorashooyinka waxaan u aqoonsaneynaa inay madax banaan yihiin markey banaanka madaxtooyada soo dagaan, sababtoo ah anaga xisbiyadii ayaan nahay talo ayaa nagala dhaxeysa, laakiin lama kulmi karno” “Guddiga doorashooyinka waxaan ka codsaneynaa inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay ansixiso sharciga doorashooyinka, waxaana u balan qaadeynaa dhamaanteen inaan kala shaqeyno arintaasi”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa. Xoghayaha maamulka Jubaland, ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen iyo xiriir dhanka hormarkaa oo laba shacab yeeshaan. “waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka, xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi. Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa, waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono” Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa si buuxda isugu raacay raacay bayaan jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom. Bayaanka, oo ay soo diyaarisay Britain, ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka uu “ka walaacsan yahay” go’aanka Soomaaliya ay ku cayrisay danjire Nicholas Haysom. Golaha ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu rajeynayo “wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Soomaaliya iyo QM” Bayaanka ayaa lagu sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono “Sanad muhiim u ah Soomaaliya” , waxaana uu ku baaqay in “madaxda Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaa is-beddellada siyaasadeed iyo amni ee dalka” Bayaankan oo ay ahayd in golaha ammaanka uu jimcihii soo saaro ayaa baaqday kadib markii dowladda Shiinaha ay ka hor-timid, islamarkaana codsatay in is-beddel lagu sameeyo. Waxaa kadib bayaanka lagu soo daray qodob bayaanka ay “ku adkeeyeen xushmadda ay u hayaan madax bannaanida, sharafta dhuleed, xoriyadda siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.” Bayaanka ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom. Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom. Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  20. (SLT-Garoowe) Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan dhaqaalaha ku takhakhusay kana soo jeeda Gobolka Sool, dhawaana shaaciyay inuu kamid yahay murashaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si xawli ah oo aan hore loo saadalinayn waxa u xoogaystay awoodiisa murashaxnimo. In kasta oo dadbadani saadalinayaan in Aanu jagada murashaxa Madaxweynaha ku soo bixi doonin siyaasigan Rer Sool hadana waxa hadal hayntiisu ku xoogantahay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo warar hoose sheegayaan inay wadato Xukuumadda Soomaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Si kasta oo ay tahay waxa la ogaan doona halkay ku danbayso rajada Dr. Cali Ciise Cabdi maalmaha inagu soo aadam. Source
  21. (SLT-Muqdisho)Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay wado caburin iyo cabsi gelin, isagoo ku baaqay in wax laga bedelo hab dhaqanka siyaasadda iyo sida ay hadda wax u socdaan. Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu furiyay xarun uu yeelan doono Xisbiga uu hoggaamiyo ee UDP ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha uu dalka marayo iyo caqabadaha ay wajaheyso dowladda Federaalka. “Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado xaalado kala dhantaalaya cilaaqaadka dowladda iyo shacabka, isla markaana luminaya waqtiga qaaliga ah. Waa eedeyntii u horeysay ee Xasan Sheekh uu meel fagaare ah ugu soo jeediyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isla markaana Hoggaamiye ka noqday Xisbi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole. Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-050119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Allaah ha u naxariistee Halgamaagii weynaa ee Khaliif Sheekh Maxamuud ayaa Maansadisii garnaqsi waa ka mid ahaa Tuducan : ” Ha la wada garamo, Maanta [...] Source