-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa waxa uu beeniyey warar sheegayey in Xabsiga la dhigay Maanta oo sabti aheyd. Wareysi uu bixiyey duhurnimadii ayuu ku beeniyey wararkaasna ay yihiin bey aheyd sida uu warka udhigay,xafiiskiisana uu kusugnaa loona tegi karo warbaahinta xaqiiqda rabta. Qaar ka mid ah Idaacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa maanta baahiyey warkaas ah in saaka la xiray Wasiirka oo CID la geeyey. Waxaa la sheegay in Wasiirka uusan cadeyn Eeda dhawaan laga gudbiyey Ee Cabashada Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Source
-
(SLT-Muqdisho)Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta. Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan. Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u tahriibay qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay. Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso. Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 52-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, waxaana sodog u ahaan fanaanka xasan aadan samatar ILAAHAY HA u naxariisto Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka Dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas . “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey Ciidammada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho oo isaga qudhiisa waxyeelo kasooo gaartay. Tuulax ayaa ka mi d ahaa dadkii ka ag-dhawaa mid ka mid ah Qaraxyadan oo ahaa kuwo ism-iidaamin ah, wuxuuna xusay in ALLE uu ka badbaadiyay, balse ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen gaarigiisiina uu burburay. Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, balse askartii la socotay dhibaatada ugu badan ay soo gaartay. “Walaalayaal ALLE samir iyo iimaan hannaga siiyo dhammaan dadkii maanta ku geeriyooday Qaraxyadii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Aniga waan fiicanahay, waxaa ku geeriyooday toddoba ka mid ah askartii ila socotay iyo darawalkaygii, dhammaantoodna ALLAHA u naxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray ciidamadii madaxtooyada Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay weerarkii koowaad, isagoo xusay in falalkaan oo kale ay ka qaadayaan dhiirri-gelin iyo inay laba jibaataan la-dagaallanka Al-shabaab oo uu ku sheegay cadowga Umadda Somaaliyeed. Ugu dambeyn, Waxaa Qaraxyadii maanta ku geeriyooday shacab uu ka mid ahaa Wariye Cawiil Daahir Salaad iyo xubno la socday oo ka tirsanaa TV-ga Universal, waxaa kaloo lagu waayay askar iyo dad kale oo shacab ah. PUNTLAND POST The post TUULAX: Toddoba ka mid ah Askartii Ilaalada ii ahayd ayaa ku dhintay Qaraxyadii Maanta appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle. Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand? Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo. Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon. Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda Muqdisho. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Muqdisho si loola shaqeeyo dawlada Muqdisho, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.” Source
-
(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland Shamsudiin Axmad Rooble. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abey Axmed uu kor qaaday meeqaamka ay Somaliland ka taagnayd dalka Itoobiya ka dib markii usoo magacaabay Safiir buuxa. “Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sannadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yidhi “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland?” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo usoo dhigay boggiisa twitterka . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Arintii ugu hadal haynta badnayd Shalay ee aadka loogu falan qaynayay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxa ay ahayd Kulankii Magaalo Xuduudeedka Wajaale Shalay Jimcihii ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar kaasi oo ay ka dhasheen dareeno kala duwan oo ay ka mid ahayd in wax la iska waydiiyo cidda lahayd Macsuumadda Kulanka iyo meeqaamka Siyaasadeed ee uu Kulankaasi Somaliland u lahaa. Arimaha Dareenada saluugga lihi ka dhasheen ayaa waxa ka mid ahaa kadib markii uu Madaxwyene Biixi Warbaahinta ka sheegay inay casuumadda Kulankaasi isaga xagiisa ka timid “kulankani waxa uu ku saabsanaa, Madaxweyne Mustafe oo intii uu xilka Dalka qabtay aanaan hore isu arag, inaan ku casuuno halkan maanta oo qado ugu samayno, wada Sheekaysano, Isbarano, kana wada hadalno danta laba umadood, Guud ahaan labada dal, iyo Umadda SoomaaLiyeed ee labada dhinacba degan, Nabadgalyada, Ganacsiga,Iskaashiga, wax wada qabsiga, Dhaqanka iyo wax Alla wixii nolosha kusaabsan , inaanu kor uqaadno oo wanaajino ayaanu ka sheekaysanay,labada dhinacna dad mudakar ah oo wanagsan ayaa ka kala yimid oo leh siyaasiyiin, Ganacsato, Madax dhaqameed, dee aad iyo aad, waa la wada qadeeyay aad ayuu u wanaagsanaa, waanan bilaabi doonaan shirar kale iyo isu imaatino Kale”. Falanqeeyayaaasha Siyaasada Somaliland ayaa Ku tilmaamay Kulankaasi mid aan waxba ku soo kordhinayn saaxadda Siyaasaddii Arimaha Dibada Somaliland oo mudooyinkan dhulka taalay islamarkaana aanay Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan ahayn kuwo isku dhigma meeqaam ahaan, waxa ay dareenkooda ay ku muujiyeen inay Madaxweyne Biixi uga haboonayd inuu kulankaasi u diro Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ama Masuuliyiinta la mid ka ah, waxa ay ku tilmaameen kulankaasi mid uu Madaxweyne Biixi kaga galgalanayay Faashilka albaabadii arimaha dibadda ee Xukuumadddiisa ku soo oodmay iyo dagaalka dhinaca Diblomaasiyadda ee lagaga awood roonaaday islamarkaana uu gaadhay heer uu xiitaa wax xidhiidh ah la samayn kari waayo Wadamada Jaarka la ah Somaliland iyadoo awal ay Somaliland duulaano dhaadheer oo siyaasadeed ku qaadi jirtay guud ahaan Wadamada kuyaala Qaaradda Africa iyo Waliba Wadamo Qaaradda Yurub kuyaala. Baraha Bulshada ayaa aad loogu qaadaa dhigay Shalay sawirradda labada Madaxweyne iyagoo shacabka Reer Somaliland intooda badan saluug ka muujiyay hanaanka la iskugu dhereriyay Labada Madaxweyne. Dadka intooda badan ayaa dareen didmo leh ka muujiyay sida uu Madaxweyne Biixi iskugu xayd xayday inuu Gool siyaasadeed ka raadiyo ismaamul aan meeqaam ahaan u dhignayn Somaliland oo ay Madaxweyneyaashii ka horeeyay qaab hoose ula macaamili jireen. Su’aasha kale ee wax la iska waydiiya ee Dareenka dhalisay ayaa ah in maadaama oo uu Madaxweyne Biixi isagu lahaa fidinta Gogoshan Shalay la iskugu yimid, waxa uu ugu macsuumi waayay inuu Madaxweyne Cagjar Hargeysa Yimaado? Una door biday inuu kulan kula qaato Magaalo Xuduudeeda Wajaale. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn. “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “Weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn. “Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.” Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda. DHAMMAAD PUNTALAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Two explosions hit Somalia’s capital, Mogadishu on Saturday, killing more than a dozen people and wounding several others, police said. The al-Qaeda-linked al-Shabab group, which often targets Mogadishu, claimed responsibility for the attack. The first car bomb detonated at a checkpoint near the national theatre, sending thick white smoke billowing into the sky. The second explosion took place just minutes after, reportedly in the same area. Those killed include soldiers as well as three staffers from the London-based Universal TV station, said police Captain Mohamed Hussein. A prominent journalist, Awil Dahir Salad, was among the fatalities, he added. Ahmed Abdi, another police officer, said the first car bomb exploded at a checkpoint some 400 metres from the president’s residence. Police said politicians and other officials had been travelling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. Mohamed Bulbul, a journalist based in Mogadishu, told Al Jazeera that Mohamed Tulah, the deputy governor for security in Somalia’s Benadir region, was wounded in the first blast. “Government officials are stationed near the area and it is a very guarded place. From what we know, the security bomber hit the security checkpoint,” he said. Images circulating on social media showed destroyed vehicles and debris littering the streets. “At first I saw a vehicle driving to and fro, then we tried to stop people walking here and there, and then in the blink of an eye the vehicle exploded, causing havoc,” traffic police officer Mohamed Harun told The Associated Press. Al-Shabab, which has carried out several attacks in Somalia and neighbouring countries, is fighting to topple the Somali government and wants to impose a strict version of Islamic law in the Horn of Africa country. The group used to control most parts of the country, but since 2010, the fighters have been removed from most major towns and cities. The US military, which partners with Somali forces and a 20,000-strong African Union peacekeeping mission, has increased air attacks against al-Shabab under the Trump administration. At least 47 US strikes have been carried out this year. SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES The post Heavy explosions rocked the Somali capital, Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay raali gelin ka bixinayaa war ku saabsan in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo aabare 1:30 duhurnimo laga baahiyay Radio Shabelle. Kaddib baaris iyo dabagal dheeraad ah oo ay Maamulku ku sameeyeen Warkaasi, waxa la xaqiijiyay in uu been abuur ahaa, islamarakaana aysan jirin xarig lagu sameeyay wasiirka. Xubno ka tirsan Xafiiska Wasiirka oo la soo xariiray Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay beeniyeen warkan, waxana ay dalbadeen in raaligalin laga siiyo wasiirka warkaasi. Ugu danbeyn Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay dhageystayaasheeda iyo Wasiirkaba ka raaligalineysaa warkaasi oo si qaldan u baxay. Shabelle waxaa ka go’an in bulshada ay si dhex-dhexaad ah ugu shaqeyso Bushada Soomaaliyeed ee ay u adeegto. The post Maamulka Shabelle Oo raali gelin ka bixiyay War si qaldan uga baxa Idaacadda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Two explosions have hit Somalia’s capital, Mogadishu, killing at least 16 people and wounding more than 20 others, police said. The al-Qaeda-linked al-Shabab group, which often taregts Mogadishu, claimed responsibility for the attack. The first car bomb detonated at a checkpoint near the national theatre, sending thick white smoke billowing into the sky. The second explosion took place just minutes after, reportedly in the same area. Those killed include soldiers as well as three staffers from the London-based Universal TV station, said police Captain Mohamed Hussein. A prominent journalist, Awil Dahir Salad, was among the fatalities, he added. Ahmed Abdi, another police officer, said the first car bomb exploded at a checkpoint some 400 metres from the president’s residence. Police said politicians and other officials had been travelling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. Mohamed Bulbul, a journalist based in Mogadishu, told Al Jazeera that Mohamed Tulah, the deputy governor for security in Somalia’s Benadir region, was wounded in the first blast. “Government officials are stationed near the area and it is a very guarded place. From what we know, the security bomber hit the security checkpoint,” he said. Images circulating on social media showed destroyed vehicles and debris littering the streets. “At first I saw a vehicle driving to and fro, then we tried to stop people walking here and there, and then in the blink of an eye the vehicle exploded, causing havoc,” traffic police officer Mohamed Harun told The Associated Press. Al-Shabab, which has carried out several attacks in Somalia and neighbouring countries, is fighting to topple the Somali government and wants to impose a strict version of Islamic law in the Horn of Africa country. The group used to control most parts of the country, but since 2010, the fighters have been removed from most major towns and cities. The US military, which partners with Somali forces and a 20,000-strong African Union peacekeeping mission, has increased air attacks against al-Shabab under the Trump administration. At least 47 US strikes have been carried out this year. SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu ku dhaawacmay. Tuulax oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxyada, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay qaraxyada ay ku dhinteen toddoba ka mid ah askartii la socotay iyo darawalkiisa. Hoos ka aqriso qoraalka Tuulax. Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka. Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadahay waxaa ku geeriyooday 7 kamid ah askartii ila socotay iyo darawalkii ilaahay ha’unaxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay. Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda soomaaliyeed. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda tvga Universal oo uu ka baxay cawil daahir salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo. Sawirka hoose waa gaarigii aan saarnaa iyo sida uu noqday Alla dilaa dhinta
-
Somali police say at least 17 people have been killed in attacks near the presidential palace in the capital Mogadishu that have been claimed by the Islamist terrorist group al-Shabaab. At least 25 others were wounded in the bombings on Saturday morning, police officer Ahmed Bashane said. Seven police officers, a prominent Somali journalist, and many civilians were among the dead, he said. An explosives-laden vehicle blew up at a military checkpoint near the palace and the National Theatre around 9:30 am (0630 GMT), damaging nearby buildings and sending thick black smoke billowing into the sky. The suicide attacker detonated his explosives as security forces conducted a search of the vehicle, officer Ali Hassan Kulmiye said. The loud boom could be heard across the city on what is a normal business day in Somalia. The post Death toll in Mogadishu blasts rises to 17 appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka [...] Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay M/ Muqdisho ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa Musuq-maasuq iyo in uu sameystay shirkad gaar ah. Wasiir Oomaar ayaa dacayad ka dhan ah isaga ku tilmaamay eedeymahaasi, waxaana uu xusay in wararkaasi ay baaahiyeen dad Mucaarad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa meesha ka saaray in uu lee yahay shirkad gaar ah, Ganacsi kale. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/oomaar-.mp3 The post Wasiir Oomaar Oo beeniyay eedeymo loo jeediyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caaismada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadii qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dilay dad gaaraya ilaa 20 qof. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ay la beegsatay koontaroollada laga galo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Qoraalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegau in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale. Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab ee ah inay dileen ilaalada madaxtooyada. “Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lagu beegsaday goob baabuurta la dhigto, oo isna lala helay ciidamo gurmad ah oo ku soo wajahnaa goobtii uu qaraxii hore ka dhacay, goob joogayaal waxay sheegeen in Meydadka iyo dhaawacyada askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka laga qaaday goobta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta. Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan. Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay. Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso. Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha G/Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow). Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahaasi, iyadoona lagu magacabaay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir). Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay 23 December sanadkii 2015-kii. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu isbedalo kala duwan ku hayay maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen. Wasiir Geelle, ayaa naxariista Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho. Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal. The post XFS Oo oo ka tacsiyadeysay geerida Wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article