-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay sheegay in laga laabtay. Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto. Waxa ay sidoo kale sheegeen in in ka laabashada mooshinka ay qeyb ka tahay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran iyo sagaalka qodob ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga doonayo.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Afhayeenka Gollaha SHacabka ku buriyay Mooshinkii ka yaallay Madaxwayne Farmaajo. Hiraabe oo hadalkiisa sii watay ayaa wuxuu bogaadiyay dedaaladda horumarineed ee hadda dalka ka socda oo ay hormuudka uyihiin Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxda qaranka ayuu ku tartarsiiyay inay adkeeyaan nabada iyo madaxbanaanimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu dhankooda ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan arrimahaasi. Isaga oo sii hadlaya ayuu Sheekh Hiraabe wuxuu afka ku balaariyay in loo baahan yahay in dhinac laysaga leexiyo wax kasta oo ka hor-imaanaya danta dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed. Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed islamarakaana ku jiray xisbigii gobonima doonka ee “SYL” ayaa hadalkaan sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle. 20-kii bishaan December ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Cabdiraxmaan, qoraal uu soo saarey ku cadeeyay in gabi ahaanba ay ka laabteen mudanayaasha Hindisaha xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo. The post Waxgarad ku amaanay Mursal go’aankii uu ku buriyay Mooshinka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka ay dawlada Itoobiya u soo magacawday somaliland. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya uu kor u qaaday meeqaamkii ay somaliland taagnayd ka dib markii uu u soo magacaabay safiirka cusub. Qoraalka gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhignaa sidan:-Anigga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wadahadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. Dhowrjeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xiisad kacsanaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay tuulada Ceel-laheley ee gobolka Gaglgaduud. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, xiisadda ayaa ka dambeysay markii dil loogu geystay halkaasi qof kamid ah dadka degaanka, oo ay wada murneen ruux kale. Illo wareedyo kala duwan ayaa usheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda. Shaqsiga dilka geystay oo adeegsaday Toorey, kaasi oo goobta ka baxsaday ayaa lasoo warinayaa in lagu raad-joogo. Degaanka Ceel-lahalay oo hoos-yimaada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. The post Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Bosaaso)Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka barri. Saraakiisha ciidanka puntland ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubnaha Al-Shabaab eek u lahaayeen Deegaanka Balli Khadar ee Gobalka Barri. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarka ay ku dileen Hal Askari, halka mid kalana ay dhaawaceen. Duleedka Boosaaso ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamada puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab Source
-
Doolow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, oo halkaas ku sugan. Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow kuwaas oo sahay ugelbinayey ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah ayna jirto khasaare gaaray ciidamada Itoobiyaan oo aan la ogeyn inta ay la egtahay. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraalo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegtay in 40 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho ama dhaawac yihiin. M ajirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muxuuu Daaran Yahay Shirka Wajaale. Haddii qiyaastaydu sax tahay bal aan shiisho waxay ka wada hadlayaan: 1- wararkii sirdoonka mareykanku siiyeen Mustafe Cagjar ee ahaa rag baa joogaa Somalialdn iyo Puntland, kuwaasoo hawlaga qarxin ah u soo maleegaya Jig-jiga; waxaynu ognahay in Mustafe Cagjar hadalkaa si u kas ah uga baahiyay Media-ha; isla waqtigaa waxa ku sugnaa Jig-jiga safiirka Mareykanka ee Addis fadhiya, kaasoo u hoyday jig-jiga dhawr habeen. 2-arrinka shidaalka; waxa jirta in in badan shidaalkeenu ka yimaaddo kilinka shanaad, gaar ahaan intii haamaha ay la wareegtay dawladdu; taasoo dawladdun ay dhawaan ku soo rogtay cashuur ka badan ta haamaha Berbera waxay Somaliland doonaysaa in lag caawiyo joojinta shidaalkaas; haddaba su’aahsu waxa weeye marka Monopoly gaas yaa loo xidhayaa?; xogo badan ayaan ka hayaa arrinkaas; waynu faalayn doonaa inshallahu. 3-inta aanay Somaliladn la kulmin ina Djibouti, waxa la rabaa in Somaliand la kulanto kilinka shanaad, taasoo qayb ka noqonaysa isku xidhka wixi la odhan jiray Somali oo dhan; markan waxaynu u shaqaynaynaa sidii substation siyaasadda Djibouti ee shirkii Djibouti lagu qabtay; mawqifka Somaliland ee arrinkaasina waa beerka jecli xaydh jecli. Cabdo; wargeyska mufakirka siyaasadda Geeska. Source
-
Jabuuti (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaga jiro nabadda iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika. Geelle oo ka hadlay kulan sadex cisho socday oo ay yeesheen safiirro reer Jabuuti ah iyo diblomaasiyiin sare, oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Jabuuti, ayaa si wayn usoo dhoweeyay is-beddelka cusub ee Bariga Afrika. Talaabadani ayuu cod dheer ku qeexay in ay xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan Bariga Afrika iyo is-afgaradka laga gaaro xiisadaha jira. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan nabadeynta iyo xasilinta gobolka oo muddo colaad iyo is-riix-riix siyaasadeed oo qaramada dhexdooda ah ay taagneyd. Ugu dambeyntii, Mar uu soo hadal-qaaday xiisada wadankiisa kala dhaxeysay Eritrea oo ay isku haystaan Dhul soondinta labada dal ku yaala ayuu Madaxwayne Geelle carabka ku dhuftay inay dedaalada socda u abuureyso is-dhexgal. The post Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isbedalka G/Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Afgooye (Sh.M.Network) – Kulan lagu taageereeyay Madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xoghayaha dowlada hoose ee maamulka degmada Afgooye, Cumar Farey, ayaa idaacada Shabelle fahfaahin ka siiyay ujeedada kulankaasi. Farey ayaa shaaciyay inay kala hadli doonan Madaxwayne Laftagareen tabashooyinka ay qabaan dadka ku dhaqan degaanada hoos-yimaada gobolka Shabellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 19-kii bishaan ayay ahayd markii Cabdicasiis Laftagareen uu kusoo baxay wareegii koowaad doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay ahna caasimada KMG maamulka Koonfur Galbeed. The post Kulan lagu taageeray Lafgareen oo lagu qabtay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Wajaale) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay muddo sannad iyo dheeraad ah ayaa maanta markii u horaysay Magaalada Wajaale kula kulmay Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. In kasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiraba dhawr jeer uu isku dayay inuu la kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya abby Ahmed hadana umay suurto galin, Kadib markii uu mujiiyay Raysal Wasaaraha Itoobiya inuu ku mashquul sanyahay arrinta isbadalka Geeska Afrika . Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa la odhan karaa Wuxuu musawir u yahay isbadalka Geeska Afrika ka socda . Dhanka kalnea meeqaam ahaan kulanka labadan Masuul ayay dad badani is waydiinayaan maadaama oo Somaliland hore ula xidhiidhi jiray Dawladda Federaalka Itoobiya . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-21122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Daacish ee ka howlgasha qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo loolanka u dhaxeeya labadan koox uu muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Daacish inay yihiin cudur halis ah oo kansar ah. Cali Dheere oo akhrinayay bayaan ka soo baxay Hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa looga hadlay dhibaatooyin iyo gabood fallada Daacish ka wado Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Kooxda Daacish ee Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inay banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiinta dad Muslimiin ah iyo kala jebinta Muslimiinta. Cali Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo u dulqaadaneysay Daacish, isla markaana ay dulqaadkaas ka sii qaadeen madax adeeg, colaad iyo inay ku talax tagaan dulmiga ay ku jireen sida uu yiri. “Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Jihaadka, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii jihaadka ee aan ku soo bixinay dhiiga kumanaan Shuhado ah”ayuu yiri Cali Dheere Cali Dheere oo sii hadlayay ayaa yiri “waa inaan kansarkaas la doonayo in lagu beero safka Mujaahidiinta salka ka jarnaa, cidwalba oo ku howlan qorshahaas gurracan ee aan diinta wax shaqo ah ku lahayn waa inaan kaga hortagnaa kitaab wax hanuuniya iyo seyf u gargaarta” Waxaa uu kaloo ku eedeeyay Daacish inay gabaad u noqotay jawaasiista waxa uu ugu yeeray maamulada ridada, isla markaana xiriir la leeyihiin sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dad uu ku sheegay canaasiir ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo maleegayay dilal lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Source
-
(SLT-Muqdisho)Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku soo qul quleen qeybo ka mid ah Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya. Waxaa ay wasaarada amniga Xukuumadda Farmaajo shaaca ka qaaday in dowlada soomaaliya ay ka war hayso xubnaha Daacish ee ku sugan Gobalada dalka, islamarkaana waxaa ay tilmaamtay in tilaabo adag ay ka qaadi doonto arintaasi, sidaasi waxaa shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ka sheegay Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud. Balse Xukuumada Soomaaliya ma sheegin Magaalooyinka ay joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Kooxda Daacish ayaa mudo badan waxaa ay sheegteen masuuliyada dilal ka dhacay Gobalada Dalkaasi Soomaaliya, sida Gobalka Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Bari. Source
-
(SLT-Addis-ababa) Barlamanka Itoobiya ayaa meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas. Baarlamanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha. Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka. Itoobiya oo aan laheyn xeeb ayaa dhowaan shaacisay iney saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Somalia. Itoobiya ayaa wadahadalo arintaas la xiriira la furtay dowlada Somalia inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli arintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Soomaaliya uu ahaa mid muddo dheer soo jiray, waxaana go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso ciidamada badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada Source
-
Taliska militariga Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay duqeyn ay u geysteen Alshabaab oo dhowaan ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose. Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose,taasi oo jawaab u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan. Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab,mana jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. in ka badn 40 jeer ayey sanadkan duqeeyeen Mareykanku meelo Al-shabaab ah, iyaga oo dilay in ka badan 200 oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa hadda ku kulmay magaalada xuduudka ku taalla ee Tog-wajaale. Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan. Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa Addis Ababa kula kulmi jiray madaxda dawladda Itoobiya, hase ahaatee kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex-mara madaxweyneyaasha Somaliland iyo degaanka Soomaalida Source
-
Ciidamada Booliska ee Gobolka bari kuwa PMPFta iyo ciidamada PSFta ee sida gaar ka ah utaba baran ayaa maalmahan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka waday [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Soomaaliya waxaa tan iyo sanadkii 2006 ka dhacay dagaalo xoogan, kadib aasaaskii midowgii Maxkamadaha Islaamka, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Maxkamadaha Islaamka waxaa ka dhashay ururada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab, walow markii dambe Al Shabaab ay ku xoogeysatay deegaano badan oo gobolada dalka Soomaaliya ka tirsan. Al Shabaab ayaa sameeyay dilal qorsheysan, kuwo gaadmo ah iyo qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, waxaana dad badan ay isweydiin jireen halka ay ka helaan dhaqaalaha iyo hubka ay ku dagaalamaan. Sanadkii 2011 waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa sii yaraaday awooda Al Shabaab ee dalka, waxaana ay hadda ku sugan yihiin meelo kooban, maadaama laga saaray inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee dalka. Sidaasi oo ay tahayna ma dhamaan halista ka imaaneysay Al Shabaab, maxaa yeelay waxay ilaa iyo hadda u muuqday kuwo ka awood badan dowladda marka loo eego sida loo dhaqan geliyo amarada ay soo saaraan iyo canshuurta ay qaadaan. Waxaa muuqata in hadda Al Shabaab ay ka dhex farcameen kooxda Daacish oo ka dagaalanta Syria iyo Iraq, kuwaasi oo ka halis badan Al Shabaab, sida ay ku doodaan khabiirada dhanka amaanka. Awooda Daacish ee Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inaysan buurneyn, laakiin waxaa soo ifbaxaya in xubno badan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay ku biirayaan dhankaasi, waxaana ugu badan ajaaniibta dalalka caalamka soo dirsadeen ee ka dhex dagaalama Soomaaliya. Halista badan ee ka dhalan karta Kooxda Daacish ayaa ah inay dib u qabsan karaan magaalooyin hadda ka maqan gacantooda, waxaana 10-ka sano ee soo socda ay noqon karaan caqabad kale oo dhanka amaanka ah. Dagaalka hadda ay iclaamiyeen Al Shabaab ee ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa dhibaato kale keenaya, waxaa ugu horeeya inay dhalinyaro badan oo u dagaalamaya labada dhinac ay ku dhiman doonaan, waxaa dhibaato kale ay soo gaari doonaan shacabka ku sugan goobaha lagu dagaamalayo. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku baraarugtay halista kooxda Daacish, waxaana wasiirada ay ka doodeen dhibaatada ka imaan karta iyo sida haboon ee looga hortagi karo inaysan ku faafin gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-21122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
In February, the Djibouti government cancelled DP World’s contract, signed in 2006, to run the Doraleh Container Terminal. DP World has welcomed comments from US National Security Adviser John Bolton in support of the port operator’s continuing dispute with the Government of Djibouti. Bolton backed DP World’s plight at the Heritage Foundation when he presented the US Administration’s new strategic policy on Africa. Bolton highlighted and criticised in particular the Government of Djibouti’s autocratic actions earlier this year in expropriating illegally, the Doraleh Container Terminal. A DP World spokesperson said: “We are grateful for the support of President Trump and the US Administration and will continue to use all available resources to bring about a resolution to this needless dispute.” DP World added that the Government of Djibouti continues to flout international business laws, disregarding multiple international court rulings in DP World’s favour that declared the expropriation illegal. In February, the Djibouti government cancelled DP World’s contract, signed in 2006, to run the Doraleh Container Terminal. DP World claimed this attempted renationalisation was illegal and began court proceedings, resulting in the August injunction in London. In September, the High Court of England and Wales in London ordered that the injunction over Djibouti port operator Port de Djibouti should continue. The ruling, which was first made on August 31 following a suit brought by Dubai’s DP World, prevents the company from interfering with the management of the joint venture company, Doraleh Container Terminal. DP World has previously confirmed that it will continue to pursue all legal means to defend its rights as shareholder and concessionaire in the Doraleh Container Terminal, accusing the Djibouti government of a “blatant disregard for the rule of law”. The company also issued a warning to other companies seeking to operate in the East African country. ArabianBusiness.com Qaran News
-
MACADKA HERITAGE SOMALIA EE DHAWAANTA QABTAY DOODA SOMALIA IYO SOMALILAND WAA MACAD KA SHAQEEYA SIYAASADA SOMALIYA. WAA MACAD ISKU SHEEG U SOO TAFO XAYTAY SIDII SOMALILAND DHIBAATO LOOGA ABUURI LAHAA. WAA MACAD KU SHEEG HADA KA WADA DHAQDHAQAAQ URUR SIYAASADEED SOMALILAND KA SOO HORJEEDA OO LAGA WADO DALKA INGIRIISKA. MADAXDA SHIRKA FURTAY OO ASALKOODU KA SOO JEEDO SOMALILAND WAA KUWA LA SOO MARIYEY DHAQAALAHA LAGU SAMEYNAAYO URUR LID KU AH SOMALILAND. SOMALILAND WAA QARAN DHISAN OO LEH BAARLAMAAN IYO MADAXWAYNE SHACABKU SOO DOORTAY. SOMALIA NA BAARLAMAANKA IYO MADAXWAYNUHUBA WAXAY KU YIMAADEEN GACAN KU RIMIS SHISHEEYE WATO. DALKA WAXA KU ILAALIYA CIIDAMO AJANABI AH. WAXAAN LEEYAHAY AQOONYAHANKA SOMALAND EE KA QAYB GALAY SHIRKAA DIB UGU NOQDA AQOONTIINA. WAAYO AQOONTU MAAHA SIDA LOO KALA HADAL BADAN YAHAY EE WAA TA KU TUSTA INAAD MEELDHEER WA KA EEGTO. INTAYDAAN TEGIN SHIRKA WAXAA HABOONAYD INAAD DARISTAAN SHAQADA MACADKA HERITAGE SOMALIA. MASUULIYIINTA XISBIGA WADDANI EE KA QAYBGALAY SHIRKA WAXAY AHAAYEEN MASUULIYIIN KA TIRSAN XISBI QARAN OO SOMALILAND AH. WAXAY MARAAYAD U YHIIN 44% SOMALILANDERS AH OO XISBIGA KA TIRSAN. WAXAY MEEL KAGA DHACEEN SHACABKII AY MATALAYEEN OO ANIGU KA MID AHAY. WAXAAN U SOO JEEDINAYAA INAY ISKA CASILAAN XILKA AY U HAYAAN UMMADA SOMALILAND. WA BILAAHI TAWFIIQ MAHDI JAMA Qaran News