Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada. Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe. Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga. “SAWIRKA 1-AAD” Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya. Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere. Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka. Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan. Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada. 2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal. 28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho. “SAWIRKA 2-AAD” 22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow. Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.”SAWIRKA 3-AAD” Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa. W/D: Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar
  2. Waxaa sii kordhaysa tirada dhimashada dadkii wax ku noqday Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari nooca raaxada ah oo shalay Al-shabaab ay ka fulisay meel [...] Source
  3. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Golaha amniga iyo nabadda ee Ururka MidOwga Africa ayaa Ansixayay qorshe cusub oo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan ee Soomaaliya. Qorshahan oo loo yaqaano Concerpt Operation ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dajiyeen taliska Milatariga AMISOM, kaas oo ka bilaaban doona gobolka Jubbadda Dhexe, si looga saaro Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Howgalladan waxaa si wadajir ah u fulin doono Ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa DFS iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Afhayeenka AMISOM Col Richard Omwega ayaa sheegay in qorshahani uu qeyb ka yahay waqtiga kala guurka, kaas oo AMISOM ammaanka dalka ugu wareejineyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya sanadka 2021-ka. Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona inta badan weero ka fuliya gudaha dalka. The post Midowga Africa Oo ansixiyay qorshe ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Ceelcade (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Daacish uu ka dhacay degaanada hoos yimaadda degaankaasi. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Ururka Daacish. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in arintaan ay timid ka dib markii dhowr xubnood oo ka mid ahaa Daacish ay isku dhiibeen Shabaabka ku sugan gobolka Gedo. Dagaalkii xalay waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac badan oo gaaray labada maleeshiyo ee dagaalamay, laakiin si rasmi looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah. Dadka deegaanka waxay sheegeen inay arkeen meydad iyo dhaawac badan oo labadan koox ah. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta ku sugan Gudaha Soomaaliya. Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa Daacish ku eedeeyey inay bilowday in ay safkii kala jabiyaan waxa uu ugu yeeray safka mujaahidiinta islamarkaana “fitno iyo tafaraaruqna ka dhex abuuraan, iskuna dayaan in ay kala dhantaalaan awoodda iyo cududa Mujaahidiinta u mideysan la dagaalanka cadowga Allaah”. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-23122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dagaal culus maanta uu ka dhacay deegaanka Oronta oo u dhexeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay dhabaha u galeen wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Wafdigan ayaa ku wajahnaa degmada Maxaas oo saacadihii la soo dhaafay duleedkeeda ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beelo wada daga halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, balse laba dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Maxaas Qaasim Maxamed Maalin oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Waxaana uu tilmaamay in wax khasaare ah mas’uuliyiintaasi uusan ka soo gaarin weerarkaasi. Sidoo kale waxa uuxusay guddoomiyaha gobolka Hiiran iyo wafdigiisa in ay Maxaas u tageen dhex dhexaadinta Beelaha ku dagaalamaya halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-c-qani.mp3 The post Al Shabaab Oo weeraray kolonyo galbineysay guddoomiyaha Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Col Caare oo aha sarkaalka hogaamiya jamhada dagaalka kula jirta maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu soo bandhigay Ciidan Xoogan si uu dagaal ula galo malayshiyaadka [...] Source
  8. Shacabka ku dhaqan deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay ka cabanayaan xaaluf ba,an oo lagu hayo deegaanka . Raga dhuxusha shida ayaa la [...] Source
  9. The African Union Peace and Security Council have now approved a new plan of operations in Somalia that will enable peacekeepers to start liberating regions that are still held by Al Shabaab. Known as the Concept of Operations (ConOps), the blueprint will enable the African Union Mission in Somalia (Amisom) to start with Middle Jubba region to flush out Al-Shabaab remnants at the beginning of 2019. The operations will be carried out jointly with the Jubbaland State Forces and the Somali National Army. The ConOps was approved by the Council on November 30 and will guide Amisom operations until 2021. Middle Jubba, which borders Gedo, Bay, Lower Shabelle and the Indian Ocean — is the only region entirely controlled by Al Shabaab, which has been driven out of most parts of the country. According to Amisom spokesperson Col Richard Omwega, ConOps is part of the implementation of the Somalia Transition Plan, which involves reconfiguring the forces into new sectors in preparation for a conditional handover of security responsibility to Somalia security forces. “Opening and securing of main supply routes in the country in a priority. It also addresses the capacity building of Somali citizens and stabilization programmes to enhance and sustain peace and security as the country readies for a general election in 2020,” said Col Omwega. The document will have to be approved by the AU and senior defense officials of troop-contributing countries — Kenya, Burundi, Uganda, Ethiopia, and Djibouti — before it is operationalized. Amisom deputy force commander in charge of operations, Gen Charles Tai Gituai, on December 17 led a delegation to Jubaland’s capital Kismayu, to discuss the pending operations with sector commanders and Jubbaland security officials. There have been concerns among Somalia watchers that Amisom is planning second phase of withdrawal in February 2019. Due to reduced and irregular funding, the UN Security Council Resolution 2372 issued in 2017 had instructed Amisom to reduce its uniformed personnel to a maximum 21,626 in readiness for a full pullout in 2020. The first withdrawal of 1,040 started in December 2017. Kenya and Uganda have been reluctant to leave Somalia before it stabilizes. Kenya fears that a premature withdrawal could re-energize Al Shabaab to resume attacks in the country after almost two years without a major attack. The post AU approves a plan to launch offensives against al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Injineer Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay mushar Madaxweyne kuxigeen 2019. [...] Source
  11. The United Nations top envoy in Somalia on Saturday condemned the twin bombings in the Somali capital Mogadishu. Nicholas Haysom, UN secretary-general’s special representative for Somalia, called on Somali authorities to spare no efforts in fighting the agents of violent extremism who bear responsibility for this heinous crime. “The attacks in Mogadishu today signify another cowardly assault against the people of Somalia and their inherent right to live in peace and dignity,” Haysom said in a statement issued in Mogadishu. According to local officials, 15 people were killed when suicide car bombs exploded near Somali National Theater in the vicinity of the presidential palace. Al-Shabab claimed responsibility for the explosions. Among the fatalities was a prominent Somali journalist with the London-based Universal Television. “We extend our condolences to the families and friends of the deceased, and we wish the wounded a full recovery from their injuries,” said the UN envoy. The post UN condemns twin blasts in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa markale ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas. Mr Cameey ayaa ka jawaabay eedeyn maalmihii ugu dambeeyay kaga imaaneysay madaxweyne Gaas oo aheyd inuu xiriir toos ah kala dhaxeeyo madaxda dowladda Soomaliya oo dhaqaalo ay ku taageeraan. Wuxuu sheegay in madaxweyne Gaas uu ka shaqeeyay marar badan sidii uu shacabka kaga gadi lahaa in isaga “Cameey” uu taageero dhaqaalo ka helo Dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in Puntland ay u aasaasan tahay inay taageerto dowladda Dhexe ee dalka. Mr Cameey, ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre kaliya uu magac ahaan u yaqiinay markii uu la safanayay xiligii adkaa ee khilaafka uu ka dhashay arimaha Carabta iyo shirarkii maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay inaysan jirin xiriir Hoose uu madaxda kala dhaxeeyay. Camey ayaa dafiray in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay siiso dhaqaalle si uu kaga horjeeddo Madaxweyne Gaas markii la aasaasayay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda. Sideeda Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waana sababta keenaysa in ruux kastaa uu eedeyn iyo jawaab bixiyo. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Midowga Africa ayaa laga sugayaa ansixinta howlgal cusub oo golaha amaanka iyo nabadgalyada Midowga Africa ansixiyeen, kaasi o la doonayo in Al Shabaab looga saaro Soomaaliya. Howlgalka ayaa la filayaa inuu bilowdo horaanta sanadka cusub oo maalmo ay ka harsan yihiin, waxaana qorshaha uu yimid kadib kulamo kala duwan ay yeesheen saraakiisha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya. Howlgalkaan oo loogu magacdaray ARAGTIDA HOWLGALKA ayaa wuxuu intiisa badan ka dhacayaa gobolada ay ku xoogan yihiin AL Shabaab sida Jubbooyinka, Gedo, Baay iyo Shabeelaha Hoose. Afhayeenka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,Richard Omwega ayaa sheegay in howlgalkan uu billaabanayo bisha Koowaad ee sanadka cusub islamarkaana kaliya uu sugayo ansixinta Midowga Afrika iyo waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Qorshaha Koowaad ee howlgalka ayaa ah sidii Al Shabaab looga saari lahaa meelaha ay ku xoogan yihiin, iyadoo qorshaha labaad uu yahay sidii ciidamada dowladda loogu diyaarin lahaa la wareegida amaanka Soomaaliya. Kaliya Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa diiddan qorshaha dhimista AMISOM iyaga oo ku adkeysanaya in inta Soomaaliya ay ka noqoneyso meel amaan ah aan laga bixin lana dhimin Ciidanka AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Beledweyne (Caasimada Online)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo duleedka magaalada Beledweyne, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo wafdi la socday ayaa weerar kala kulmay ciidamo ka tirsan Al Shabaab. Ciidamada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyada gaadiidka ee la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli ay marayeen meel duleedka ka ah degmada Beledweyne. Wafdiga guddoomiyaha ayaa marayay meel u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay kusii jeedeen degmada Maxaas oo maleeshiyaad ay ku dagaalamayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay. Dagaalka dhexmaray Ciidamada uu la socday Dabageed iyo Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhamisho iyo dhaawac. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa kusii jeeday Maxaas, iyagoo lagu waday inay kala dhexgalaan laba maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo uu dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Lama oga khasaaraha guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa kasoo gaaray weerarka ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  15. Danjire Tibor Nagy Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in markan ay la dhaqmayso dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqisho. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Tibor Nagy ayaa sheegay in taageero buuxa ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Danjire Tibor Nagy ayaa sheegay in waqtigaan siyaasadda Maraykanku ay tahay in si toos ah ay ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isagoo si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya. “Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda Federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Tibor Nagy. Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda Maraykanku ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar. Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan safaarad ka furatay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay in uu markan la dhaqmayo dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe (Caasimada Online)- Doorashada Puntland waxaa ka harsan maalmo qura, waxaana socda gunaanadka isi soo bandhigida musharaxiinta, iyadoo ay jiraan dhowr musharax oo si gaar ah farta loogu fiiqaayo iney doorashada kusoo bixi karaan. Juxa oo ka mid ah musharaxiinta sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ka digay nooca madaxweynaha ay reer Puntland dooran doonaan 8da bisha Janaayo. Isagoo kumanaan shacab ah la hadlaayay ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaga digay reer Puntland in ay doortaan hogaamiye aan raad raac laheyn. “Waa inuu yahay hogaamiye raad la raaco leh, waa inuu yahay hogaamiye aan la idinku soo xawilin, hogaamiye aan meel kale ka socon, oo aan boorso madoow wadan ayuu yiri Juxa. Wuxuu Juxa si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta qandaraaslayaasha ah ee siyaasada ka ganacsada ,tiiyoo ay jirto in musharaxiinta doorashada Puntland ay ku jiraan rag badan oo ay fartu ku godan tahay. “Waa inuusan ku xirneyn koox daneed, koox dulaaleed ,qandaraas wadayaal, faqwadaag iyo dhabar socod ayuu yiri musharax Juxa. Hadalkaan ayaa toosh ku ifinaya qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Puntland oo loo arko iney dano kale iyo fikrado kale xambaarsan yihiin. Hoos ka daawo muuqaalka Juxa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/WhatsApp-Video-2018-12-16-at-10.54.40.mp4 Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
  17. Beledweyne (Caasimada Online)-Waxaa wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka maleeshiyaadka oo salka ku haya aargoosi qabiil ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacayay deegaanada Hoostaga degmada Maxaas, waxaana maanta la sheegayaa inay xaalad cabsi ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay. Maleeshiyaadka dagaalamay oo deegaanka wada daga, ayaa iska dilay dad dhalinyaro ah oo dagaalka aanan ku jirin, sida wararka aan ku heleyno, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay maleeshiyaadka dagaalamaya. Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliga ku baaqay dagaalka in la joojiyo, kadib qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed. Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda dagaal ee ka taagan degmada Maxaas ay gaartay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. La soco waxii kasoo kordhaa xiisadaasi ka taagan Maxaas. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  18. Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa waraysi lala yeeshay siyaasi Cabdillahi Jaamac Geeljire oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee DAAWASHO wanaagsan Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah Cisbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho. Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Cisbitaalada Madiina iyo Odgugan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale. Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiisul wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen. “Waxaan soo marnay Cisbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo” ayuu yidhi Wasiirka. Source
  20. (SLT-Washington)-Sargaal sare oo ka tirsan Mareykanka una qaabilsan dagaalka lagula jiro ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS ayaa ka gaabsaday go’aanka madaxweyne Trump uu ka qaatay inuu ciidamadiisa uu kala baxo dalka Suuriuya. Brett McGurk, oo ah Ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha dalka Mareykanka u qaabilsan isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallanka IS, ayaa wuxuu ka biya diiday go’aanka Madaxweyne Trump uu ku sheegay iney cidamadiisu ka soo baxayaan Suuriya, McGurk oo ku baaqay inuu Mareykanka uu sii wado dagaalka uu kula jiro IS. Go’aanka Trump uu ka dhawaajiyeyna waxaa daba socotay iscasilaaddi xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka General Mattis. General Mattis ayaa wuxuu sida oo kale uu ka soo horjeestay in ciidamada Mareykanka ay ka soo wada baxaan dalka Suuriya iyo in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ee joogtay Afqaanistaan. Australia oo ka qeyb qaadatay duqeyntii Syria Xal u raadinta Suuriya oo dib uga billaabanaysa Kazakhstan Mr McGurk oo ah diblomaasi waaya arag ah waxaa xilka hadda uu ka hayey Suuriya loo magacaabay 2015-kii xilligii Maamulka Obama. Horraanti bishan December oo uu warbaahinta u warramay ayaa wuxuu sheegay “iney doonayaan iney howlgalkooda sii wadaan ilaa ay xaqiijiyaan xasilooni buuxda iney ka abuurantay Suuriya”. McGurk iscasilaaddiisa muxuu ka yidhi? Warqaddiisa iscasilaadda oo ay shaaca ka qaadday wakaaladda wararka ee AP, ayuu ku sheegay ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS inuu carar uu ku jiro balse aan si buuxda looga guuleysan. Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Mareykanka oo dhan iney Suuriya ka baxaan ay ka dhalan karto halis ah iney IS ay u hesho fiursad ay dib isugu soo abaabusho. Wargeyska New York Time oo soo xigtay farriin E-mail uu McGurk soo diray ayaa sheegtay inuu farriintiisa uu ku sheegay go’aanka la bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya “ay argagax ku abuurtay gabi ahaanna ay ka soo horjeedda siyaasadda dalka u yaallo”. Wuxuuna ugu dambeynti McGurk uu sheegay “inuu amarka cusub ee uu bixiyey madaxweyne Trump uu qaadan karin oo uu ka doorbiday inuu sharaftiisa ilaashado sidaana isku casilay.” Madaxweyne Trump Muxuu yidhi? Madaxweyne Trump wuxuu maalinti Arbacada uu ku dhawaaqay inuu 2,000 oo askari oo Ameerikaan ah oo ku sugan Suuriya uu gabi ahaan la soo baxaya isaga oo go’aankiisaasi sabab uga dhigay in IS laga guuleystay. Ilaa iyo hadda madaxweyne Trump kama hadlin iscasilaadda Mr McGurk uu xilka uu isaga casilay. Wuxuuna maalinta Sabtida uu madaxweyne Trump markale uu ku adkeystay go’aankiisa ah iney ciidamadiisa ka soo baxaan Suuriya, isaga oo weliba carrabka ku dhuftay in IS laga guuleystay. Go’aanka madaxweynaha waxaa sida oo kale ka hor yimid xubno sare oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga iyo beesha caalamkaba. Kooxda Isbahaysiga ee ay Kurdiyiintu hoggaaminayaan iyo Xoogagga Dimuqraadiga ee Suuriya (SDF) ayaa sida oo kale ka mid ah dhinacyada go’aanka madaxweynaha ka so horjeestay iyaga oo sheegay haddii ay ciidamada Mareykanka baxaan Suuriya iney dib iisu soo abaabulayaan kooxda IS. Mareykanka waxaa dalka Suuriya ka jooga 2,000 oo askari oo Madaxweyne Obama uu dalkaasi ka howl geliyey waloow ay jiraan warar sheegaya ciidamada Mareykanka ka jooga Suuriya iney intaa ka badan yihiin. Source
  21. Mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda Gaas ee waqtigeeda dhammanaayo in aysan waxba ka qaban dhaqaalaha maamulkaas. Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah musharrixiinta sanadkaan u tartamaya doorashada Puntland ayaa sheegay in waqti badan oo dhaqaalo lagu abuuri karay aanan waxba laga qaban, isagoo xusay in looga baahnaa maamulka hada jira ee Puntland in adeegyada aas-aasiga ah aanu wax badan ka qaban. Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay in Puntland ay hadda fursado kale haysato, islamarkaana xildhibaannada loo baahan yahay iney doortaan shaqsi waxtar leh. 8-January 2019 ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/DR-DAAHIR-MIRE-JABRIIL-22-12-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka dalka Soomaaliya. Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay. Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho. Al-Shabaab ayaa Laba Qarax ku qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka iyo waliba daljirka Dahsoon ee Muqdisho. Ku dhawaad 27 qof oo Isugu jira Askar iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho. Source
  23. Gudoomiyaaha baarlamanka hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed ka taagan xadka goballada hiiraan iyo galgaduud. Sheekh Cismaan Barre Maxamed Gudoomiyaha golahaas ayaa xusay in dagaalkaas wax faaido ah uusan ugu jirin dhinacyada dagaalamaya islamarkaana muhiim ay tahay in si shuruud la,aan ah loo joojiyo. Cismaan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku dhow halka lagu dagaallamayo iney kala dhex-galaan beelahan is haya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GUDOOMIYAHA-HIRSHABELLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT- Xudeydiyah)-Kooxdan qaramada midoobay ka socota ayaa waxay u kuur galayaan sida uu dekedda Xudeydiyah uga hirgalay heshiiska xabbad joojinta. Kooxdan uu hoggaaminayo General Patrick Cammaert oo uu u dhashay dalka Denmark waxay dekedda gaareen maanta iyaga oo howlahooda u kuurgelidda xabbad joojinta iyo dhinacyada magaalada ku dagaallamayay sida ay ciidamadooda magaaladda uga saareenba si rasmi ah u billaabaya Talaadada horteenna ah. Maalinti shalay ahayd ayuu golaha ammaanka ee qaramada midoobay ansixiyey qaraar lagu meel marinayo koox ka socota qaramada midoobay oo muddo 30 maalmood ah dekedda xudeydiyah ka howl galeysa. Sanado badan kaddib waxaa dalka Yemen laga qabaa rajadi ugu wanaagsaneyd. In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen Heshiiska dhexmaray dhinacyada ku dagallamaya Xudeydiyah ayaa waxay horraanti bishan ku guuleysteen wadahadallo nabadeed iney yeeshaan. Wadahadallaadaasi oo loo arkay iney mustaqbalka u horseeddo heshiis la taaban karo iney sanadka cusub gaaraan. Xudeydiyah waxay sanadkan ahayd meel aad u halis badan oo ay ka dhacayeen dagaallo. Xudeydiyah oo ah dekad muhiim ah xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo xoogagga daacadda u ah dowladda Yemenba dagaalkooda wuxuu ku saleysnaa sidi ay Fallaagada Xuutiyiinta uga faramaroojin lahaayeen. Sida oo kale Dekedda xudeydiyah ayaa waxay noolashooda ku xiran tahay Malaayiin qof oo dalkaasi Yemen ku nool oo macaluul la ildaran. dhawaqa rasaasta ayaan si buuxda uga istaagin magaalada, iyada oo ay maalmo ka soo wareegtay meel marinta heshiiska xabbad joojinta balse inteeda badan waa ay deggan tahay. Sida uu dhigayo heshiiska xabbad joojinta ee la gaarayna waa iney Xuutiyiinta ciidamadooda kala baxaan dekedda si ay qaramada midoobay ay gacanta ugu dhigto maamulka Dekedda. Kaddibna, ay dhammaan dhinacyada isku hayo halkaasi ay ka baxaan magaalada iyo nawaaxigeedaba. Dalka Yemen dagaalka ka qarxay March 2015-ka waxaa ku dhintay dad ka badan 10,000, iyada oo malaayiin qofna ay qaxeen guriyahooda dad ka badan 14 milyanna ay macaluul ba’an soo food saartay. Source