-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa min lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay 20 dhallinyaro oo ka mid ah dhallinyarada Hargeysa ku nool ee darbi jiifka ah, kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay markii ay cabasho la hortageen wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska. Garsooraha maxkamada gobalka Maroodi –jeex Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf, oo u waramay BBC-da ayaa yidhi “Waxa ay maxkamada gobalka Hargeysa ay xukuntay 20 eedaysane oo ku eedaysan sakhrad iyo arbushaad xafiis, marka hore eedaysanayaashu waxay ahaayeen 23 waxaanay maxkamadu sii daysay oo ay danbi ku wayday 3 ka mid ah labaatankii kalena maxkamadu waa ay xukuntay.” Waxa la waydiiyay garsooraha waxa loo haystay kooxda darbi jiifta ah ee la xukumay“ Waxa loo haystay laba qodob ayay ahaayeen arbushaad xafiis iyo sakhrad labadaas ayaa loo hastay, arbushaadii waa ay ku wayday waxa ay ku heshay sakhradii oo mukhaadaraadkii lagu eedaynaayay ayay maxkamadu ku heshay, dhamaan markii aanu mid midh u waydiinayna maxkamada ayay qiraal ay ka bixiyeen.” Markii uu shalay soo baxay xukunka maxkamadu, dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland, ayaan soo dhawayn xukunkaas, waxaanay dadku baraha bulshada kaga falceliyeen xukunka lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah. Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan Qaar badan oo shacabka ka mid ah ayaa sheegay in dhallinyaradani u baahnaayeen daryeel iyo in lagu sameeyo dib u dejin, lagana jawaabo dalabkooda ahaa in la caawiyo, laakiin aanay wakhtigan munaasib ku ahayn xukunka iyo xabsiga la isku raaciyay. Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan wuxuu bartiisa facebooku isku weydiiyay su’aashan, “Maandooriyuhu ma kolkii ay cawdeen ayuu mamnuuc ka noqday. Awalba waa kuwii gidaarrada ku cabbayee?.” Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isna yidhi “Dhallinyaradan waxa ay cabashadoosu ku soo beegantahay wakhtigan ay dalka ka jirto dhaxan qaboow, waxaanay is tuseen inay wasaarada arrimaha bulshada u cabasho tagaan si looga caawiyo wax ay dhaxanta ka huwadaan, laakiin halkii laga dhagaysan lahaa, wixii la awoodana lala qaban lahaa, waxa lagu guray xabsi, markii dambena maxkamadu waxay ku xukuntay dambi ah inay wax cabsanaayeen. Dhallinyaradan waxay ahayd in daryeel loo fidiyo oo xataa dadka ganacsatada ah loo weydiiyo inay caawiyaan.” Sidaas waxa baraha bulshada ku baahiyay nin dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka falcelinayay xukunka shalay lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah. Qaar kale oo iyaguna bulshada ka mid ah ayaa aragtidan oo kale ka qaatay xukunka iyo xabsiga la isu raaciyay dhallinyarada. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wada-hadal lala furo Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 15 qof. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in dagaal oo kaliya aan lagaga adkaan karin Al-Shabaab, kaasoo soo socday in ka badan 10 sano, walina aan dhammaan, wuxuuna taa bedelkeed tallo ahaan u soo jeediyay in miiska wada-hadalka lala fadhiisto dadka ay ka go’do tallada ee Kooxdaasi. Xiligii uu ahaa Wasiirka amniga Somaliya ayuu sheegay inuu u bilaabmay wadahadal isaga iyo Al-Shabaab, balse markii xilka laga qaaday uu istaagay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka uu xilka ku wareejiyay ee Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu ka dalbaday inay halkeeda ka sii wadaan wada xaajoodka. “Al-Shabaab waxaan aaminsanahay in lala fariisto inay mudanyihiin in waqtigeeda la gaaray in lala fariisto, waa ogtahay maalin dhaweyd Mareykanka wuxuu la galay qoladii Talibaan uu la dagaalamayay mudo ko dhow 20 sano, Shabaab dad Soomaaliyeed waaye dadka howshaan wada koow in lala fariisto waan qabaa, annaga Wasiirka waqtigii aan ahaa Al-Shabaab wadahadal waa ogolaayeen” ayuu yidhi Cabdirisaaq Cumar. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo Saddex cisho ay ka hadhsan tahay muddada ay u buuxsameyso labada sanno ee ka soo wareegatay xilligii la doortay, ayaa markii uu xilkan u tartamayay baarlamaanka ka hor sheegay inuu laba sanno gudeheed ku soo afjarayo Kooxda Al-Shabaab, taasoo u muuqata mid aan waxba ka dhaqan gelin. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
-
Click here Qaran News
-
Ha’yaddahu Waa Qawleystayaal Kumaxaafsadda Magaca Shacabka “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay inoo qabtaan”. Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan. Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”, waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :- 1. Xafiisyada Arimaha Dibada Ee Waddamada Horumaray: Ha’yadana inta badan deeqaha iyo mashaariicada ka fuliya inta badan waddamada soo kor’aaya ee Afrika oo aynu kamid nahay, waxay Xafiisyada arimaha dibadda ee waddamada horumaray u gudbiyaan nuqulo ay ku sharaxayaan ujeedooyinka ay u samaysan yihiin iyo hiigsiga ay rabaan in ay gaadhaan mustaqbalka dhaw, waxa ayna si kalsooni ku jirto uga dhaadhicyaan ahmiyadahooda guud, halka ay xafiisyadaas arimaha dibada ku qanciyaan in xafiiska laftiisa iyo wadankiisuba ay sumacad iyo taariikh u noqon doonto hadii ay bixiyaan xadiga lacagta ah ee ay ka codsanayaan, iyagoo u balan-qaadaya in xafiisyadaas arimaha dibada ay ugu noqon lahaayeen waddo ay u adeegsadaan sidii ay u gaadhi la’ahaayeen dalka ay Ha’yadahani caawimada ka geysanayaan waa hadii arimo muhiim ahi kasoo galaan wadankaas. 2. Sadaqo Iyo Lacago Lagasoo Uruuriyo Kiniisadaha Iyo Dadka Hantida Leh: Ha’yaddahan mashaariicada caawimadda ah ka fuliya gudaha dalkeenu waxay sawiro iyo muuqaalo u gudbiyaan inta badan dadka hantida leh iyo goobaha kiristaanku ku cibadeystaan ee Kiniisaddaha, sawirada iyo muuqaalada ayey kusoo bandhigaan dad baahan, Afrikaan ah, misna gaajo, abaaro, xanuuno iyo caqbado kae oo badani haystaan, taas waxaa tusaale la taaban karo u aha Maal-qabeenka Bill Gate oo caawimadda dartii u furay Ha’yad isaga hoos timaada oo la yidhaah “Bill & Melinda Gates Foundation” Ha’yaddan isagu uu maamul ayaa dhawaan soo bandhigtay ilaa mudadii la aasaasay oo ahayd 2000 in hanti kor u dhaafaysa 4.6 bilyan oo doolar ka geysatay wadamada soo koraaya ee u badan Afrika. Dhanka kale wax ay ku tilmaamaan sadaqo ayaa inta badan Kiniisadaha wadamada horumaray ay kasoo uruuriyaan iyagoo u sheega in ay ugu gar-gaarayaan dad iyo dalal baahan. Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan, mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane. Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan, bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii ay fuliyeen. BEERAHA: Inta badan beeraha iyo deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay. Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan helin. Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan, waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya, WAX-BARASHADDA: Dhanka waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano badan oo dalka ah. Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan, kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha degmooyinka iyo cisbitaaladaba. XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka guud ahaan bulshadadeena. Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta (Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey waxqabadkaas ay fuliyeen. Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka, taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”, taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la xisaabtami lahaa. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
-
(SLT-Dubai)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Malta ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhacdadaasi, isla markaana ay shaacin doonaan wararka dheeraad ee ku aadan baaritaanka Dilkaasi. Xisbiga Waddaniyadda ee dalka Malta waxa uu Dowladda dalkaasi ku booriyey inay xiriir la sameeyaan Muwaadiniinta kale ee Malta ee ku sugan gudaha Somalia iyo in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkii Paul Anthony Formosa. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Bosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World. Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso.Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in maydka Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso, Paul Anthony Formosa la filayo in maanta loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta, si loogu sii gudbiyo dalkiisa hooyo ee Malta. Paul Anthony Formosa oo 52-jir ahaa waxa uu ka soo jeedaa magaalladda MARSASKALA ee dalka Malta, wuxuuna xilka Madixii Shirkadda P & O Ports ee magaalladda Bosaaso hayey tan iyo sanadkii 2017-kii Source
-
(SLT-Jigjiga)-Afar maalmood kaddib magaalada Jigjiga waxaa laga qaaday Bandowgii ay horay uga soo rogeen hay’adda ammaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Bandowga ayaa ahaa mid mamnuucayay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Jigjiga xiliyada habeenkii si loo sugo amniga, loona xakeemo rabashado dhimasho sababay oo qomiyado ku saleysnaa kana dhacay magaalada. Sidoo kale go’aanka laga qaaday Bandowga Jijiga ayaa ku soo beegmay xili uu magaalada dib ugu laabtay hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Axmed Shide oo sheegay in uu la xaliyay wixii khilaafaad ahaa soo kala dhax-galay maamulka kaddib markii ay shir jaraa’id wada jir u qabteen isaga iyo madaxweyne Mustafe Maxamuud Cagjar oo xurguf siyaasadeed soo kala dhax-gashay. Laga soo bilaabo bishii June sanadkii 2018kii rabashado ka taagnaa Jijiga ayaa laga sheegay in ay ku nafwaayeen dad gaaraya 59 ruux, halka 266 kalana la sheegay in ay ku dhaawacmeen. Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wali xabsi ku jira, sidoo kale waxaa jira dad kale oo ka tirsanaa maamulkiisa oo lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay qeyb ka ahaayeen rabashadiihii ka dhacay deegaanka iyo dacadiyo kale oo ka dhan ah Aadanaha. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jazeerada Malta ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ruuxaasi ku geeriyooday ay sidoo kale la dhaawacmeen seddex kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo mid kamid ah la sheegay inuu u dhashay dalka India. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Boosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World. Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana Cali Dheere uu sheegay in arinta ay ka dambeysay kadib cabasho ay ka heleen shaqaalaha dekada Boosaaso. Meydka Paul ayaa la filayaa in loo qaado dalka Imaaraatka Carabta, waxaana kadib la sheegay in dalkiisa Malta loosii wareejin jiray. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
(SLT-Venezuel)-Qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub sida UK,France,Germany,Spain iyo wadamo kale ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday hogaamiyaha Mucaaradka dalka Venezuel Juan Guaido uu yahay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas. Arrintan ayaa timid kadib markii uu Madaxweyne Nicolas Maduro uu diiday waqti loo qabtay oo ah inuu ku dhowaaqo doorashooyin cusub, Mr Guaidó ayaa bishii la soo dhaafay ku dhowaaqay inuu yahay Madaxweyne ku meelgaar ah waxana uu helay taageerada dowlada Maraykanka. Hase yeeshee dowlada Ruushka ayaa taageertey Mr Maduro iyadoo ku eedeysay wadamada qaarada Yurub inay farogelin ku hayaan arrimaha dalka Venezuela. Ugu yaraan 15 dal oo ka mid ah ururka Midowga Yurub ayaa taageeray Mr Guido halka dowlado kale sida wadanka Giriiga ay taageero u muujiyeen Mr Maduro. Source
-
(SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay cisbitaalka magaalada Boosaaso ku geeriyooday ninkii shalay toogashada ku dilay maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cisbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay ”Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guul-daraysay” sidaas waxaa u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Boosaaso oo magaciisa qariyay. Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninkan ayaa muujinayay nin oo ay waraysanayaan saraakiil ka tirsan ciidammada booliska, iyagoo waydiinayay meesha uu ka yimid iyo magaciisa, hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay. Ninkan oo ku hubaysaa bastoolada ayaa shalay abaarihii 7:15 wuxuu toogasho ku dilay maamulihii shirkadda P&O port u qaabilsanaa Dekedda Boosaaso, isagoo dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha ajnebiga ee ka shaqaynaysay Dekedda Boosaaso iyo laba askari oo ilaalo u ahaa Paol Farmosa. Ciidammada Ilaalada Dekeda ayaa toogtay ninka dilay Paol Farmosa, waxay kaloo qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ahaa shacab doonayay inay wax ka soo iibsadaan suuqa Kalluunka magaaladda Boosaaso. Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xalay kulan xaasaasi ah la qaatay wasiirka maaliyada, Sacad Cali Shire waxana uu Ka codsaday in uu beeniyo in wax dayn ah ay lala wareegeen xukumadii hore ee Siilaanyo, waxana Dr Sacad aad loogu canaantay arintaasi Ka baxday. Dhanka kalena waxa jirta xubno mihiim ah oo ku dhow dhow madaxweynaha oo iyagu talo ku bixiyay in aan arintaasi aan la beenin taasi oo ay sheegeen in ay sii abuuri doonto buuq hor leh hadii uu wasiir Sacad uu saxaafada la hadlo Hadaba hadii uu Sacad Cali Shire uu saxaafada la hadlo oo arintani uu dhabarka u saaro xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo sida Madaxtooyada laga soo abaabulay uu warbaahinta la hor yimaado dafiraad iyo hadal aan isaga Ka soo bixin, waxa ay arintani noqon doontaa fadeexadna kale. Qaran News
-
NISA: Waxaan Gacanta Ku Dhignay Hub Ay Leeyihiin Al-shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka “NISA” ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigeen hub ay leeyihiin xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Forsooleey oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal ay NISA soo dhigtay barta Twitter-ka ayeey sidoo kale ku sheegtay iney burburiyeen goobo Al-shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka. Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood. Source: goobjoog.com -
(SLT-Congo)-Xukuumadda xilka sii banaynaysa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay difaacday go’aanka ay wasiirradii hore ugu ballan qaadday inay heli doonaan mushaarkoodii inta ay nool yihiin iyo weliba dhaqaale kale. Go’aanka dhammaan wasiirraada bishii lagu siinayo in ka badan 2000, halka kharash intaa ka badan la siin doono Ra’iisul Wasaarayaashii hore, ayaa waxaa ka dhashay dhaleecayn xooggan. Inta badan dadka dalkaasi ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan saboolnimo baahsan. Qof la taliye u ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa kharashaadkaasi waxa uu ku qeexay mid aan badnayn oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in wasiirradu aanay ku soo dhicin faramarnaan markii ay xafiiska banneeyaan. Heshiiskan ayaa waxa uu qorayaa in wasiirradii hore ay inta ay nool yihiin ay bishii heli doonaan in ka badan 2000 oo doolar, halka Ra’iisul Wasaarayaashii hore ay heli doonaan lacag waxoogaa intaas ka badan oo ay u dheer tahay dawayn caafimaad oo bilaash ah oo dibadda loogu qaado. Qof u dooda xuquuqda aadanaha ayaa heshiiskaasi ugu yeeray inuu yahay iskuday lagu doonayo in lagu sii wado xatooyadii lagu hayay hantida dadweynaha. Arrintan kuma koobna oo kaliya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, ee dadka Nigeria ayaa waxa ay aad ula fajaceen markii ay ogaadeen in senator-radda ay bishii qaataan in ka badan 30 kun oo doolaar oo kharashaad ah. Sidoo kalana xildhibaannada Kenya ee la siiyo mushaarka aadka u badan ayaa waxaa lagu yaqaan in markii la doortaba ay jaangoystaan kharashka ay qaadanayaan. Source
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale ku dhawaaqay inay Albaabbada isugu Dhufanayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya, kaddib markii ay kordheen falal amni-darrada ah ee ka dhaca gudaha dalkaas ee ay geysnaayso Al-shabaab. Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay in talaabadan ay timid kaddib markii dadkii dhawaan weeraray Hotel DusitD2 ee Nairobi ay kasoo galeen Kenya dhanka xeryaha qoxootiga Dhadhaab. Sidoo kale, Waxay sheegeen in waraaqaha Xoogagga Al-shabaab ay kusoo galaan Kenya laga sameeyo xeryaha, taasina ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka Kenya. Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Sannadkii 2017-dii ku dhawaaqday inay joojisay go’aankii ay Dowladda Kenya ku doonaysay inay xeryahaas ku xirto, kaddib cabasho ka timid qoxootiga ku nool xeryahaas oo iska fogeeyay eed ahayd inay dugaal siiyaan kooxaha weerarrada ka geysta Kenya. Garsoore lagu magacaabo John Matibo ayaa sheegay inay diideen go’aankii horey ugu dhawaaqay wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, kaas oo ku saabsanaa in la xirayo xeryaha Dhadhaab. Ugu dabeyn, Xeryaha Dhadhaab waxaa nool Qoxooti badan oo Soomaaliyeed kuwasoo tiradoodu ay ku dhaw-dahay nus-malyuun qof, kuwaasoo qaarkood dhawaan waddankooda dib ugu soo laabtay, kaddib markii loo sheegay in la xirayo xeryahaas. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo mar kale shaacisay in ay Albaabada u laabayso Xeryaha Dhadhaab appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa xalay ku geeriyoodey ninkii dilay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso. Ninka ayaa lagu magacaabayey C/laahi Maxamed Ibraahim, waxaana uu ku dhintey isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, kadib dhaawac shalay soo gaaray markii uu dilay Fermosa kadib. Saraakiisha ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyey in ninkaan uu ka mid ahaa xarakada Al-shabaab, islamarkaana aanu ahayn kalluumeysato sida lagu baahiyey baraha bulshada. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Paul Anthony Fermosa oo tan iyo October 2017 ka shaqeynayey dekadda Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi. Taliyaha Booliska Afgooye Dhame C/qaadir Maxamed Mursal oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladan lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo falalka amaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya degmada Afgooye oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-jaamac.mp3 The post Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay degmada Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online) – Warqadda lagu casuumay waftiga dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya shirka shidaalka Soomaaliya ee London, ayaa abuurtay su’aalo la xiriira dhanka anshaxa iyo cidda shirkaas awoodiisa leh. Qoraal ka soo baxay shirkada qaban qaabinaysa shirkaas ee Spectrum Geo Inc, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa loo diray safaaradda UK ee Muqdisho, ayada oo waftiga Soomaaliya loogu codsanayo dal ku gal (Visas). Si kastaba, waxaa yaab leh in qoraalka ay shirkaddaas ku sheegtay inay ayada bixineyso oo ay mas’uul ka tahay qarashka ku baxaya safarka waftiga Soomaaliya, sida tikit-ka, hoteelka, gaadiika ay isticmaalaayaan inta ay London joogaan iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin. Adduunka kama dhacdo, oo marna lama ogola in wafti dal ka socda oo baxaya ama aadaya dal kale in qarashkiisa ay bixiso cid kale, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa dhibaato dhinaca sharciga ah. Xitaa waftigii sidaas sameeya ee dal ka socda, haddii lagu ogaado waxay ku waayeen xilalkooda ama waa la maxkamadeeya. Sababta sidaas loo yiri ayaa ah “Qof kasta qofkii bixinaya qarashka safarkiisa ayaa maamula”, sidaas darteedna lama ogola. Waxaa sidoo kale tan ay abuureysa shaki ku saabsan in shirkan aysan dowladda gacanta ku hayn balse ay marti ku tahay, islamarkaana shirkadda ay shirka mas’uul ka tahay dowladdana wixii xaraashka kasoo baxa ay wax ku leedahay. Halkan ka aqriso qoraalka kasoo baxay Spectrum Geo Inc, oo ay heshay Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimada Online)-Hay’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka badashay weerar ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo lala eegtay xarumo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin gobolka. Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal laga fuliyay deegaanka Farsooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose Al Shabaab ay kaga furteen hub badan, waxaana jira khasaaro weerarka ka dhashay. Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkaasi sidoo kale lagu burburiyay labo xarumood oo Al Shabaab ay Zakawaadka uga qaadi jireen dadka ku dhaqan deegaanka Farsooleey ee gobolka SHabeelaha Hoose. Dhinaca wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inay kordheen tirada duqeymaha diyaaradaha aan duulaha laheyn ay ka geysanayaan gobolka, kuwaasi oo lala eegto saldhigyada Al Shabaab. Tan iyo sanadkaan cusub ee 2019 ayaa la sheegay in weeraradii ugu badnaa laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lala eegtay saldhigyada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in tan iyo xalay diyaarado badan ay dul heehaabayeen deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi, waxaana la sheegayaa in Shabeelaha Hoose uu yahay gobolka ugu badan ee AL Shabaab ay ku dhuumaaleystaan. La soco waxoo kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Jowhar (SMN) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn la xariirta musuq-maasuq u jeediyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Xubnahani ayaa sheegay in madaxweynuhu mas’uul ka yahay dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka jira deegaanada HirShabelle. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la masuq-maasuqo, islamarkaana si gaar ah loo isticmaalo canshuuraha maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli malmihii la soo dhaafay ay taagneyd cabasho la xariirta mushaar la’aan heysata xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-mahad-ee.mp3 The post Baarlamaanka HirShabelle Oo eedeeyay madaxweyne Waare appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdooyin xanuun badan ayaa laga diiwaan geliyaa qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan dadka rayidka ah ay gaaraan. Shalay barqadii qaraxii ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay goob shacabka ay ku badan yihiin, waxaana khasaaraha ugu badan uu geystay dadka rayidka ah. Dhacdooyin murugo badan ayaa laga diiwaan geliyay qaraxii shalay oo dad badan ay ku dhinteen, waxaana dadka ugu badan dilay dhismaha kusoo dumay oo ay ku hoos jireen. Wiil Dhalinyaro ah oo degan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay qaraxaasi, kaasi oo guursaday Afar maalin ka hor qaraxa, waxaana shalay uusoo aaday degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. “Wiilka alle ha u naxariisto Jimcihii ayuu guursaday, saaka markuu naga tagayay waa la celin waayay, waligii xiligaasi Xamarweyne muusan aadin, iska joog ayaa la dhahay, balse wuu diiday wuuna ku dhintay Qaraxa”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehelka wiilka dhalinyarada ah. Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxaasi ayaa ah inay hal meel iyaga oo wada hadlaya ay ku geeriyoodeen wiil yar iyo Hooyadii oo ku sugnaa Carwo ku taalo goobta qaraxa uu ka dhacay. Wiilka yar oo 17 Jir ahaa ayaa la sheegay in hooyadii uu usoo qaaday Quraac, balse iyada oo ka qaadeyso Al baabkana wada taagan yahay uu qaraxa dhacay, waxaana lasoo saaray iyada hal meel iskula dhintay. Dhimashada dadka waxaa kordhiyay goobta oo mashquul badan iyo dadka oo uu dhismaha ku dumay, waxaana badankood dadka ay hoos galeen dhagxaanta duntay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Brussels (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February , iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan. Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb gashay Brussels appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-050219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium, 4 February , iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan. Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo taageero ka dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay u muuqataa in dowladda federaalka iyo shacabka Muqdisho ay ugu dambeyn isugu yimadeen go’aan ah in aan wax laga qabin karin amniga Muqdisho, oo aysan jirin wax rajo ah. Markii horeba shacabka waa ay qabeen taas, balse waxaa hadda muuqata in dowladda ay kusoo biirtay. Toddobaadyadii dhowaa amniga faraha ayuu kasii baxay. Qaraxyada ayaa noqday kuwa is-daba joog ah oo ugu yaraan laba ayaa dhacaya asbuucii, halka dilalka qorsheysan ay yihiin kuwa maalin kasta dhacaya. Dowladdii oo markii hore looga bartay marka qarax uu dhaco inay raaciso ballan-qaad amni oo aan natiijo lahayn, cambaareyn iyo tacsiyeyn, ayaa hadda lag waayey intiiba, oo ahaa waxa kaliya ee shacabka ay ku niyad dhisan jireen. Bal dib u fakar, oo xusuuso markii kuugu dambeysay oo aad maqasho madaxda dowladda oo cambaareynaya qarax, kii ugu dambeeyey shalay uu dhacay. Goorma ayuu ahaa ballan-qaadkii ugu dambeeyey ee wax ka qabasho amni oo aad maqasho? Ma maqashay maalmahan shacabka dhibban oo xitaa tacsi loo dirayo? Waxaa cad in ugu dambeyn dowladda ka rajo dhigtay Muqdisho, ama garowsatay inay tabarta u dayrisay oo aysan lahayn awood ay wax uga qabato amniga faraha kasii baxaya. Hay’adihii amniga ee qaabilsanaa sugidda amniga ayaa ayagana u muuqda in shaqadoodii ay gabeen. Si gaar ah, hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA, oo qaabilsan uruurinta xogta Shabaab, si qaraxyada looga hor-tago ayaa u muuqata inay iska seexatay. Agaasimaha aan rasmiga ahayn ee hay’adaas, Fahad Yaasiin ayaa in ka badan laba toddobaad dalka ka maqan isaga oo ku sugan magaalada Nairobi. Haddii howshiisa qof kale uu qaban lahaa, hay’adda ma lahan agaasime ku xigeen, oo Fahad ayaa ah agaasime ku xigeenka, balse maadaama uusan agaasime jirin xilka sii haya. Sida muuqata, Fahad oo xilka agaasimaha si aan rasmi ahayn u haya ku dhowaad shan bilood, ayaa xilkan sii hayn doona maadaama aysan muuqan ama qorshuhu ahayn in qof ka sareeyo la magacaabo, isagana aan xilkan loo magacaabi karin sabab ay doontaba ha ku timaadee. Dhinaca kale, ciidamadii dhar cadka NISA ee lagu beedelay kuwii hubeysnaa ayaa u muuqda inaysan wax macno ah oo badan kusoo kordhin amniga magaalada. Arrimahan oo dhan ayaa imanaya ayada oo NISA ay sanadkan heshay miisaaniyaddii ugu badneyd abid ee dowladda ay u qoondeysay oo ah 12.5 milyan oo dollar. Kaalay sheeg waxa intaas oo lacag ah lagu qabto. Si kasta oo aad u eegataba waxaa muuqata in dowladda ay ka rajo dhigtay Muqdisho. Allaa u maqan shacabka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa war kasoo weerarkii shalay lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa maamulihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso. Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka lagu dilay Formosa uu ahaa mid lagu difaacayo “kheyraadka umadda Soomaaliyeed oo ay boob ku hayaan dowlado iyo shirkada shisheeye” Wuxuu sheegay in shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka Carabta ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale ajnabi ah. Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka jawaabtay cabasho ka timid shacabka Boosaaso, oo qaati ka taagan dhibaato uu sheegay inay ku hayso shirkadda DP World. Cali Dheere ayaa ku hanjabay in Shabaab ay shisheeyaha ku sugan Soomaaliya, oo uu sheegay inay boob ku hayaan dhaqaalaha Soomaaliya, ay dagaal adag lagelayso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Senator Faroole “Siyaasiyiinta Dhalinyarada ahow, raggayaga waa wayn ee jooga waxweydiiya”. Ooraahda kore marka aan maqlay ayaan iswaydiiyay Siyaasiyiinta uu magacdhabey, ee la daalaa dhacaya mucaardnimada aan jihada lahayn, ma fahmeen fariinta Senotor Faroole? Qaasatan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma fahmay falaarta xagiisa ku socotay? Haddaba waxaa halkaas iiga muuqday fursad aan wax ugu waadaxin karo qolooyinku fariintu u socotay, oo aan filayo in ay halhalleel ku dhaaftay, sababtoo ah qolooyinka hadda ku jira siyaasada Soomaaliya uma haystaan afkooda wixii ka soo baxa in ay diiwaan galayaan berina lagula xisaabtami doono. Inkastoo aan Soomaaliya laga aqoon isla xisaabtan, oo sidii gabyaagii Ismaaciil Qaasim (AUN) ay ku wada sifoobeen markii lahaa: “Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga’e Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe” Kaad isleedahay waa ugu shisheeyaa ay dhici karto isla daqiiqad kan kuugu dhow in uu yahay. Waxyaabihii siyaasada udub dhexaadka u ahaana ay ka aradan yihiin, taasoo ay ugu horeyso mabd’a iyo afkaar ay ku qotonto aragtida uu xambaarsan yahay, tanoo ku hagaysa dariiq uu u arko in bulshada uu matalayo hadduu ku hoggaansho uu libin ku gaarsiin karo. Anoo haddaba qalbiga ku haya siyaasaddaas Soomaalida ee jirjiroolka ah, khibrad dhan tan iyo 1995-tiina xambaarsan, ayaan mar walba waxaan u cuskadaa taariikhdii la soo maray iyo waxa hadda taagan, tan oo haddii aad madaxa ku haysid casharo badan kaaga soo bixi karaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo taageerayaashiisu waxa ay aaminsan yihiin, siyaasi wiilashii la beesha ahaa dowladi laysay in uu asagu ugu horreeyay. Ayaga oo aan eegayn see wax u dhaceen, maadaama ay mudan tahay wax walba oo dhaca in la is waydiiyo wixii sababay. Dowladdu doodda ay keentay oo ahayd in xabadda dhinaca illaalada ka bilaabmatay, ayaguna iska caabiyeen. Kaliya waxaa cad in dowlad xoog ku maquunisay. Tan iyo dhacdadaas wixii ka danbeeyay taageerayaasha CCW iyo asaguba waxay garaacayeen durbaanno colaadeed iyo diidmo qaawan oo ay kala horyimaadeen DFS, ayagoo daliikoodu yahay in ay yihiin dhibanayaal la hor istaagay xuquuqdoodii, go’aansadayna mudada afarta sano ah ee DFS in ay qarqarka ka lushaan, haddii ay afka ciidda u dari karaanna u daraan, taas oo micnaheedu yahay AAN ISKU AAKHIRO SEEGNO. Hadaba, halkaas haddii ay taagan tahay, aan dib ugu laabto waxa ay ahayd fariinta Senotor Faroole ee aan rabo in aad fahamtaan. Senotor Faroole waxa uu wasiir ka noqday xukuumadii Cadde Muuse(AUN), mudo yar gudahood waa ay isfahmi waayeen, tanoo aakhirkii sababtay in wiillal ilaalada u ahaa Sanotor Faroole ay gudaha u galaan Baarlamaankii Puntland, tanoo sababtay geerida qaar ka mid ah ilaaladii Senotor Faroole. Haddaba, tan waxaan u xusayaa siyaasi la laayo wiilal ilaalo u ahaa, kuna baxa gacan maamul in CCW ilaaladisa looga horreeyay. Maxaa dhacay ka gadaal dhacdadaas Garoowe? Beesha wiilashu ka dhinteen iyo Maamulkii markaa jiray si nabad ah ayay ku dhameeyeen, mana jirin talaabo danbe oo la iska waydiiyay. Kaalintii Senotor Faroole dhacdadaas ka dib maxay ahayd? Senotorku dhacdadaas ka dib, mar haddii beeshii iyo Dowladdii is afgarad dhexmaray, ma uusan qaadan durbaano iyo dhagaxtuur uu dariiqyada Garoowe la soo istaagee, waxa uu go’aansaday in uu u baneeyo saaxada madaxweyne Cadde Muuse, xiliga ugu mudan ee dagaal u furan yahayna in ay tahay xiliga doorashada, inta ka horeysana uu dalka banaanka uga baxo, asaga oo aanan siyaasadda ka bixin, 2009-kana sidii uu ku guulaysan lahaa ka fakaraya. Tallaabadaa uu qaatay Senotor Faroole ee uu u siiyay shacabka iyo Dowladdii Madaxwayne Cadde Musse in ay is arkaan, waxa ay u soo dadajisay Guushiisii shantii Janaayo 2009-kii, asagoo ku helay codkii ugu badnaa ee Madaxwayne Puntland ku guullaysto illaa iyo hadda 49 cod. Tani waxa ay na baraysaa ama ayba ahayd in go’aanka Senotor Faroole xiligaas qaatay ay ahayd tii ugu haboonayd, haddii uusan sidaas samayna ayba dhici lahayd in uu lumin lahaa fursad uu madaxwayne ugu noqdo Puntland, marka ay shacabku u arkaan nin hortaagan in maamulkii Cadde Muuse xiligaas shaqeeyo. CCW Ma maray wadadaas Faroole? Uma muuqato, waxa uu doorbiday in uu dariiqyada u istaago DFS, dhagaxtuuryo joogto ahna uu wado, ilaa sida ay wax isku tuseen oo malaha ah in uu Af-wax ku dumin karo, ama qolooyin badan oo gadaal ka soo riixaya ka soo dhaadhicinayaan, ayagoo raba in ay asaga ku gabadaan, ayaguna shaarkoodu guban. Waxaan qabaa haddii uu qaadi lahaa wadadaas Faroole, oo shacabka iyo DFS uu isku siin lahaa waqti, asaguna xiliga doorashada la gaaro uu asagoo dhamystiran, daldaloolo badanna u muuqdaan, amase shacabkiiiyo DFS oo kalataagan u imaan lahaa, in uu helilahaa fursad uu ama wadanka ku hoggaansho ama uu noqon lahaa nin yimaada kaalin muuqata. Fariinta Faroole Senotorka oo runtii ahaa nin mudadii uu xilka ka hayay Puntland fikriyan aan uga soo horjeeday, ayaan haddana waxaan qirayaa in uu wax badan oo wanaag ahna leeyahay iyo qibrad ku aadan tan iyo xornimadii wadanka. Talaabada kale ee lagu xasuusto, mudanna in la xuso ayaa ahayd xiligii uu nidaamka xisbiyada isku dayay in uu Puntland ka hirgasho, markii isfahamdaro dhiig ku daatay keentayna uu go’aansaday in uu iskaga haro, inta maamulku iyo gobolkuba fowdo gali lahaa. Fariintii uu diray 26-Janaayo, ee Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ayaa nuxurkeedu waxa uu noqonayaa ” War waxaad isku fiirisaan ficilkiina iyo waxa ka dhalandoona, haddii ay dhibku ka wayn yahay faa’iidadaad raadinaysaan, iskaga hara. Wado kale oo aad ku gaari kartid guulna raadso”, sida asaguba sameeyay. Faroole ma uusan waayeen wiilal dariiqyada u istaaga maamulkii Puntland xiligaas, laakiin waxaa u muuqatay in cidna aysan ka faa’idayn asaga iyo maamulkuba in ay dadka isku laayaan. CCW waxaan rajaynayaa in uu iskaga haro kaarka dhibanaha ee uu hadda adeegsanayo, sida Faroole aadan waligiis afkiisa uga maqlayn adeegsiga dhibanaha. Uuna noqon miino loo adeegsado DFS, ee uu noqdo nin isku diyaarsha mustaqbal, fiirsadana fursadaha iyo daldaloolada uu berri is oran karo waad uga guulaysan kartaa dowladda jirta. Haddiise uu sida uu hadda ku jiro kusii socdo, asagoo dhaawacyo badan oo siyaasadeed qabana xiliga doorashada la gaaro, waxaan caadna naga saarnayn in uu luminayo 4-ta sano ee soo socota dowladda imaandoontana, waayo? xitaa haddii qolodan hadda xukunka haysa aysan soo laaban, xukuumaddii kale ee timaadana siyaasi dhaawacan, xukuumad cusub oo xoog raadinaysa kaxaysan mayso. Gabagabo: Inkastoo Faroole uusan idinka dheerayn siyaasiyiintiinan dhalinyarada ah, bal fariintiisan aan idiin faahfaahiyay iskula laabta oo wixii dhiman buuxiya. W/Q: Muxyadiin Ciid muciid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
