Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jaamacada Badda cas oo kamid ah Jaamacadaha Puntland ugu faca weyn, lana Aas aasay sanadkii 2008dii, ayaa waxaa ka qalin jabisay Dufcadii 7-aad . Munaasabad [...] Source
  2. (SLT-Pakistan)Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacday Arrin Mucjiso, kadib, markii uu Wiil Dhallinyaro ah koray Taawar ay lahayd Shirkad Mobayl (a moble tower), wuxuuna qeylo-dheer ku sheegay inuu doonayo in laga dhigo Ra’isul-wasaaaraha dalkaasi. Telefishinka Geo News ee ugu caansan Telefishinadda dalka Pakistan ayaa soo weriyey in Wiilka dhallinyarada oo magaciisa la qariyey sheegay haddii laga dhigo Ra’isul-wasaare inuu hagaajin doono xaalladda Dhaqaalaha Pakistan, isla markaana uu 6 bilood gudaheeda ku bixin doono lacagaha daynta ee lagu leeyahay Pakistan. Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Sargodha ayaa la sheegay inuu hdaalkaasi codsiga uu ka dul sheegay dhakadda Tawarka Mobayladda oo ku yaalla Deegaanka Bulugga ee magaalladda Islamabaad, isagoo weliba gacanta ku haystay Calanka Pakistan. Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Ra’isul-wasaare Iraam Khaan ama Sarkaalka Boliska ee Degmadda Sargodha. Si kastaba ha ahaatee,Saraakiisha Badbaadada ayaa adeegsaday Wiish, si ay Boliska uga caawiyaan in Wiilka Dhallinyarada lagu qanciyo in laga soo dejiyo Tawarka uu dhakada ka koray. Wiilka dhallinyarada markii la soo dejiyey waxaa loo gudbiyey Saldhig Bolis, mana kala cadda inuu Ra’isul-wasaaraha Pakistan la kulmi doono iyo in lagu sii hayn doono Xabsiga. Source
  3. (SLT-Indonesia ) Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka. Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri. Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed. Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan. Source
  4. (SLT-Ankara) Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”. Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il. Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah” Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”. Source
  5. (SLT-Baydhabo)Wararka ka imanaaya Baydhabo ayaa sheegaya In sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa shegaayo in Sheekha dhawaan lasoo deyn doono. Sheekh oo haatan xabsi uga jiro magalaad Muqdisho ay maamusho wasaarada amniga gaar ahaan hay’adda nabad sugida ayaa lasheegayaa in dhawaan lasoo deyn doono. Xogtaan ayaa ku dareyso in Sheekh haatan gor gortan kula jiro dowlada Soomaaliya laguna wado in laga xaal mariyo xabsigii ladhigay iyo waliba doorashadii Koofur Galbeed oo kamid ahaa musharixiinta ugu cad cad. Rooboow ayaa dowlada Soomaaliya kasoo xirtay magaalada Baydhabo halkaas uga qeyb gali lahaa doorasho maalmo kahor kadhacday Baydhabo oona ku guuleystay musharixii dowlada ay wadatay. Ilaha aan kasoo xiganay xogta ayaa shegaayo in Rooboow arintaas laga xaal marin doono ayadoo dowlada dhexe laga siin doono xil aan si rasmi ah loo ogeyn balse salka ku haayo amaanka. Dowlada Soomaaliya ayaa shaqsiyaad sar sare oo katirsanaa kooxda shabaab ka mid dhigtay laamaha amaanka balse weli kuma guuleysan hanashada amaanka caasim Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalka oo ka dambeeyay markii maleyshiyo beeleed ay isku qabsadeen Dhul beereed ayaa ka dhacay tuulada Bukurarka Biiqaaley. Hal qof, oo lagu sheegay inuu ahaa wiil 10-sano jir ah oo hoygiisa ay ugu tegtay xabad, ayaa ku geeryooday dagaalkaan ka dhacay degaankaasi udhaxeeya tuulooyinka Goley Daa’uud iyo Cadeyga ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Is-qab-qabsiga dhulalka ee sababay iska hor-imaadkaan Galabnimadii maanta dhacay ayaa soo jiitamayay muddo sanado ah. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisad ka dhalatay isku-dhacaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in maleyshiyaad ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo abaabuleen dagaalkaan maanta dhacay. Arbacadii kasoo dhaafay ayay sidaan oo kale udirireen maleyshiyaadkan, xili is-rasaasaynta dhex-martay la xaqiijiyay inay dishay hal ruux, kaasi oo la tilmaamay inuu qof kamid ah dadka degaanka uu ahaa. The post Dagaal beeleed xoogan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-23122018.-Sax.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Ku simaha ahna, wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa maanta kulan albaabadu u xidhanyihiin la qaatay, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa caasumadda Garowe oo maalmihii u dambeeyay khilaaf maamul ka dhexeeyay. Kulanka oo mudda saacado ah socday, ayaan warbaahinta loo soo bandhigin natiijadii ka soo baxday,hase yeeshee ilo’xog-ogaal ah oo ku dhow mas’uuliyiinta kulmay ayaa Puntland Post u sheegay, in laga shirayay xal u helista khilaafka dhanka maamulka ah ee soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) iyo duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse(Axmed Barre). Khilaafkan ayaa Sabtidii shalay si cad u soo shaac-baxay, kadib markii guddoomiyaha gobolka Nugaal uu digniin u jeediyay, duqa caasumadda,isagoo ku eedeeyay in uu wado ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan, taageerada dowladda Federaalka ah. Sidoo kale wuxuu uga digay in uusan qaban shirar siyaasadeed aysan ogayn maamulka gobolka Nugaal. Haddaba sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo’xog-ogaal ah,waxaa kulankii maanta lagu xalliyay khilaafkii u dhexeeyay labada mas’uul ee kala ah;Gu’jir iyo Axmed Barre,waxaana dib loo soo celiyay wada-shaqeyntii maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo maalmahan go’neyd. “Waxaa lagu heshiiyay in si buuxda loo wada-shaqeeyo,lagana tanaasulo wixii qaladaad ah oo la kala tabanayo,waana lagu qancay oo gacmaha la is-qabsaday” sidaasi waxaa sheegay qof xogtan la socday. Wasiir ku xigeenka ahna, ku simaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa la sheegayaa, in uu dadaal badan ku bixiyay xal u helista khilaafka,isagoo ugu dambeyntiina ku guulaystay in uu heshiisiiyo labada mas’uul. Kulanka khilaafkan lagu dhammeeyay ayaa waxaa goobjoog ahaa, wasiir Qoob-deero,guddoomiyaha degamda Dangoroyo ee gobolka Nugaal,duqa caasumadda Garoowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal,sida ay xogtan sheegayso. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Gu’jir iyo Axmed Barre? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Faramaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fursad cusub ay siiyeen Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanadaan ayaa sheegay in hadii Mooshinkii ay la laabteyn aysan micnaheedu aheyn in uu Madaxweynaha ka saxanyahay balse iyagu ay garteyn in dalka ay u tanaasulaan, ayna isha ku heyn doonaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ay ku saxnaayeen sooo gudbinta Mooshinkaasi balse markii dambe ay u tanaasuleen danaha Dalka sida uu sheegay. “Adiga oo dalka ugu sareeyay hadii aad garan weyday in aad dalka u turto, inagaa u turnay oo Mooshinkii la laabanay balse weli way jiraan sababaha aan usoo gudbinay Mooshinka waxaana ku siinaynaa fursad aad qaladaadka aan tabaneyno ku saxdo” ayuu shegay Xildhibaan Odawaa.
  10. Istanbul (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israel ayaa isdhaafsaday weerarro saxaafadda ah kaddib markii ay Ankara ku eedeysay Israel HAYSASHADA dhulka Falastiiniyiinta, halka Tel Aviv ay iyaduna ku eedeeysay Turkiga xasuuqa Kurdiyiinta iyo HAYSASHADA Qubrus. Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxa uu weeraray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas oo dhallinyaro Turki ah u sheegayey “Ha laadina cadawga aad dhulka dhigtaan. Ma tihiin Yahuudda joogta Israel.” Netanyahu waxa uu ugu jawaabay Erdogan: “Haysashada Waqooyiga Qubrus kaas oo ay ciidamadiisu gummaadaan haweenka iyo carruurta Kurdiyiinta ah, kudaha iyo dibadda Turkiga”, waxaa sidaas lagu soo qoray Twitter-kiisa Sabtidii. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya Twitter-ka Israel ayaa Axaddii yiri: “Netanyahu waa dilaa qarsoon oo waqtigan casriga ah.” Afhayeenka Erdogan ahna la taliyihiisa Ibrahim Kalin ayaa isna jawaab adag soo bixiyey. Waxa uu yiri afhayeenka: Netenyahu –“Ha joojiyo sharci daradda uu ku haysto dhulka Falastiiniyiinta iyo caburrinta adag ee uu ku hayo dadka Falastiiniyiinta ah,” halkii uu ka baryi lahaa Erdogan in uusan runta ka hadlin.” “Weerarka Erdogan ama u adeegsiga Kurdiyiinta guulo siyaasadeed kama badbaadin doonto dhibaatooyinka ka haysta gudaha,” ayuu Kalin hadalkiisa ku daray. Bilowgii bishan waxa uu Erdogan ku misaalay xadgudubyada ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta kuwii ay Nazi-yiinta Jarmalka ku sameyn jireen Yuhuudda. Waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta lagu hayo cadaadis, dagaal iyo cabsi galin iyo siyaasado aan ka dhibaato yareyn tii lagu samaeeyey Yuhuudda xilligii uu socday dagaakii labaad ee aduunka.” Turkiga waxa ay xiriirka u jareen Israel 2010-kii kaddib markii ay Yuhuudda ciidamadooda Kumaandooska ah ay waraareen Markab dagaal oo ay leeyihiin Turkida oo joogay meel u dhaw Marinka Qasa iyaga oo ku dilay sagaal Turki ah. Labada dhinac waxa ay hadana danjireyaal is weydaarsadeen 2016 balse waxaa markale safiirkeeda la soo laabatay Ankara bishii Maajo kaddib markii ay Militariga Israel Marinka Qasa ku dileen dibad baxayaal Falastiiniyiin ah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  11. U/M/D 004/2018 Ujeedo: Baaq. Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah 1. Gadhamaytu 2. Cundhuftu 3. Cadhaytu Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed, kana tirsanaa ka hor 07/09/2014 degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti. Sidoo kale degaanadaas oo isku halka degmo ka wada tirsanas ka hor taariikhda kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta. . Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta . Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta . Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan sharciga uu ku wareejiyey maamulkii u adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoonyahankii iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka hor 07/09/2014 ee Somali State, maadama dhulkaa lagu daray maamulka kale iyadoo aan sife sharci ah loo marin. Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diridhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed ka hor 2017 hoos tegi jiray degmada Shiniile. Maadama deeganka aan loo marin sife sharciga waafaqsan loo marin wareejintiisa, dadka degaankana aan afti laga qaadin, waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaasna lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diridhabe deegaankaasina u noqdo mid xasiloon. Wa bilaahi towfiiq Stockholm, Sweden Ibrahim Ali Adan Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed Ibrahimadan@gmail.com Qaran News
  12. The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) on Sunday strongly condemned the deadly explosions perpetrated by al-Shabab at a military checkpoint in Mogadishu earlier Saturday. An IGAD statement has quoted the Executive Secretary of IGAD, Mahboub Maalim, as saying, “We join the resilient people and the Federal Government of Somalia in condemning this horrendous act of terror, and send our sincere condolences to the families of the victims and wish a speedy recovery to the wounded.” Describing the murder of civilians, soldiers and journalists in the blasts as distressing, the Executive Secretary said, “Their bravery and defense of libertarian values against the dark forces of extremism will be remembered for long and will continue to inspire a generation of young men and women.” “The strength and determination of the people of Somalia will eventually triumph over these heinous purveyors of evil.” IGAD has reaffirmed its continued commitment to standing with the people and government of Somali in their effort to combat terrorism through the existing regional and continental mechanisms. In a statement later Saturday, the East African bloc said it follows closely the development in Somalia and “stands ready to support the ongoing regional election process that will lead to one man one vote by 2020.” The post IGAD condemns deadly explosions in Somalia’s Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wali ma hagagain amniga magaalada Muqdisho! Arrin la yaab ku ah bulshada Soomaaliyeed maadama dowladda iminka jirta laga filayey WAX WEYN in ay ka beddesho amniga dalka iyo gaar ahaan Caasimadda. Hase, ahaatee, muddada labada sano ku dhaw ee ay jirto xukuumadda Kheyre, qaraxyado waa sidoodii, dadka ku dhimanaya kama yara kuwii hore intii uusan dalka awooddiisa hayn haddii aysanba ka badneyn. Waa arrin sax ah in amniga dalka laga sugeyn in uu sugo shaqi, xukumad ama dowladda oo dhan, balse loo baahan yahay umadda oo dhan in ay gacan ka geystaan. Hase yeeshee, waxaa meesha ku jirta in maamulka talada markaa haya ay la yimaadaan Istaraatijiyad wax ku ool ah oo ay ku kasbadaan bulshada inteeda kale. Sidee lagu sugi karaa aminga Caasimadda? Waa weydiin adag balse hadana sahlan! Waayo, waxaa jira goobo ay dowladda amnigeeda si wanaagsan u sugtay sida Madaxtooyada ama Villa Somalia, oo dowladdii Xasan Sheekh dhowr jeer la weeraray.. Villa Somalia waxa difaaceeda wax laga badalay bishii Luulyo 2019, iyada oo lagu rakibay qalabto casri ah oo fududeeyey in aan lala haweysan gudeheeda falal amni darro ah ama qaraxyo ah. Waxyaabaha lagu xiray waxaa ka mid ah biro dhulka hoostiisa la galiyey oo baara baabuurta hootooda si ay ku ogaadaan in wax lagu soo xiray iyo in kale. Sidoo kale waxaa la galiyey qabalyo casri ah oo lagu hubiyo dadka iyo gaadiidka (Advanced Security System). Hadaba, maxaa diiday in qalabkaas in la dhigo goobaha ahmiyadda weyn u leh amniga caasimadda sida baraha kontorool ee laf dhabarta ah iyo meelaha ay bulshada ku badan yihiin, si ugu yaraan loo yareeyo halisaha ka dhalan kara qaraxyada? Waa xaqiiqo, in dhaqaale badan ku kacaan qalabkaas, balse sugida amniga iyo dhaqaalaha kee muhiimsan, oo dowladdu lacagi maku yartahay? Tusaale, magaalada Baqdaad aad ayaa muddooyinkii dambe loo adkeeyey amnigeeda waxaana hoos u dhacay qaraxyadii lagu leyn jiray shacabka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”. Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il. Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah” Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ku eedeysan madaxda maamulkaasi caburin ay ku hayaan xildhibaannada. Xildhibaan Khadiija Kuwait oo la hadashay Goobjoog ayaa sheegtay in madaxda Jubbaland ay sidoo kale dastuur aanu baarlamaankooda ogeyn sameyeen. Khadiija ayaa sheegtay iney kasoo carartay magaalada Kismaayo, islamarkaana Muqdisho u timid si iyada iyo xildhibaanno kale si ay garab uga helaan xukuumadda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-XILDHIBAAN-KHADIIJA-JUBBALAND-2.mp3 Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday Daraasad ku saabsan nidaamka federaalka ee dalalka Caalamka iyo sidoo kale doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada dalka. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad. Habdhowraha Golaha Aqalka Sare C/kaafi Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka SareMowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka kadib tacsi u diray Ehelladii iyo Qaraabadii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ugu baaqay XFS, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka in ay gurmad u fidiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi. Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Tiyaatarka Qaranka iyo Taallada Daljirka Daahsoon ee magaaladaMuqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab ay dhexda u galeen kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Weriyaha Goobjoog News ee Hiiraan waxaa uu sheegayaa in Dabageed iyo saraakiisha kale ay ku sii jeedeen Maxaas, iyaga oo ka tagay magaalada Baladweyn. Inkasta oo aanu wax khasaare ka dhalan dagaalka, hadana xabadaha ay labada dhinac is-dhaafsadeen waxaa ay socdeen daqiiqado badan. Hadda, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo wafdigiisa waxaa ay joogaan Maxaas, halkaas oo ay ka bilaabeen dib u heshiisiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wariye yaasha ka howlgala gobolka bari ayaa ka tacsiyeyay geeridii ku timid wariye yaashii ku dhintay Qaraxyadii Mushadisho ka dhacay maalin nimadii shalay . [...] Source
  19. Markaad dib u eegtid Siyaasiyiinta u tartamaya maanta Hogaaminta Puntland ma jiro shaqsi lagu badalan karo Janaraal Cabdullaahi Ilka Jiir oo hada sida xantu sheegayso [...] Source
  20. Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah golaha shacabka ayaa waraysi uu siiyay Goojoog waxa uu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta ciyaaraha iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed meelbo ay joogaan. “Ciyaartooyda imaanaysa dalka waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dalkooda iyo dhaqankooda”sidaas ayuu Goobjoog u sheegay Xildhibaan Xaasan Macalin. Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud waxa uu door wacan ka dheelay in ay caasimada yimaadaan tababarayaal iyo ciyaartooy Soomaaliyeed kuwaas oo wadanka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxaana kooxdaas ay ka kala yimaadeyn dalalka England,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya. “Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saaran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka”. safarka kooxda imaaday bishii October waxaa laga faa’iday laacib Feysal Xasan Axmed oo ku noolaa dalka Norway tan iyo bishii November xulka qaranka ayuu u dheelay saddex kulan wuxuuna u dhaliyay ilaa afar gool bishii hore xulka Ethiopia ayuu ka dhaliyay gool aad u wanaagsan ka dib markii labada dal ay wada ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka. Xirfadyahan Feysal todobaadyo ka hor waxa uu noqday xidigii ugu horeeyay oo xulka qaranka dalkeena u dhaliya saddelay ama hatrick,isagoo goolashaas ka dhaliyay xulka wadanka Jabuuti oo ay la ciyaareyn kulan saaxiibtnimo ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna arintaas dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku koray qurbaha,iyagoo iminka rajayna in ay dheelaan xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars). Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysiga Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. KKKKKK yaa ictiraafba ka hadlaya dawladnimo ayaa laga hadlayaa iyo ku dhaqanka sharciga oo dastuurku kow ka yahaye. Korsi loo dortay shan sanadood in 15 sanadood ku fadhiyo xildhibaanku haduu qurux u arko dantiisa gaarka ah ee shakhsiga ah wax ka badan kamuu talinin waana sida xildhibaanadu u badan yihiin. Kulmiyena malaha waaba siyaasadiisa waayo muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye ee wax lagu faano iyo xarago ayaabay ka dhigtaan II KORDHI AAN KUU KORDHIYO EH. Waayo tani 2010kii dalka iyagaa hogaaminayay inta muddo kordhmo dhacayna waynu ognahay. Mudadaa wixii wanaagsanaaday guusheeda iyaga ayaa leh wixii xumaadayna iyagaa leh. Sharafta iyo quruxda iyo karaamada dawladnimadu kuma jirto kii la doortaa marka muddo-xileedkiisu dhamaado inu kursiga isku sii dhejiyo oo iskaga fadhiyo uun ee waxay ku jirtaa qofka xil loo doortaa marka muddo xileedkiisu dhamaado inu kursiga baneeyo hadii sharcigu u ogol yahay uu doonayana mar kale u soo tartamo oo hadii uu ku guulaysto intii uu fadhiyay in le’eg hadana ku sii fadhiyo iyadoo xalaal ah oo sharci ah. Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray) Kulmiyaha Debed-yaalka ah Qaran News
  22. Riyaad ( Sh. M. Network )-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxigxigay oo shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasoo galaaftay nolosha dad maato ah aan waxba geysanin. Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada,wuxuu cadeeyay inuu dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumintii ku geeriyootay qararyadaasi naf la caariga ah. Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah,wuxuuna u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu eebe bogsiiyo kuwii ku dhintayna janadiisa ka waraabiyo. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Baxreyn bayaan ay soo saartay ayay ku cambaaraysay qaraxyadaasi waxayna sheegtay in ay la jirto Xukuumadda Soomaaliya kana saacidayso ka hortagga falalka cadawtinimo ee noocan ah oo xasiloonida iyo nolasha shacabka Soomaaliya qalqal gelinaya. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay in mowqifkeeda ku aadan argagixisada uu yahay mid cad kana shaqeynayso sidii dunida looga cirib tiri lahaa. The post Sucuudiga Oo cambaareeyey qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Washington ( Sh. M. Network )-Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya wuxuuna yiri “ Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.” Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda maraykanku ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar. Soomaaliya iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo saaxiibtinimo, waxayna dowladda Maraykanku safka hore kaga jirtaa dalalka saaxiibada ah ee aad u daneeya arimaha Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyada Amniga, Horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u soo noolaynta Kaabayaasha dhaqaalaha. The post Mareykanka “Somalia waa u muhiim Midowga Africa” appeared first on Shabelle. View the full article