-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in guulo laga gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka Tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab labo sano ka hor, natiijooyin wax ku ool ah ayaana ka soo baxay dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka difaaca shacabka, sida lagu sheegay bayaan at dowladdu soo saartay Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in Guulo la taaban karo ayaa laga gaaray dagaalka, ayadoo in ka badan 70 magaalo ayaa la xoreeyay, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland. Degaanadan ayaa markii hore fariisin u ahaa kooxda Alshabaab, balse hadda waxay gacanta ugu jirta dowladda, waxaana ka mid ah Aadan Yabaal, Ruun-Nirgood, Ceel Dheer, Xarardheere, Buulo Xaaji. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay dib u soo celiyaan dhaqdhaqaaqa dadka oo ku dhawaad 800 km u jira magaalada Muqdisho, taasoo u ogolaaneysa inay si aan xadidneyn u safraan. Olole ciidan oo firfircoon oo waxtar leh oo ay taageerayaan xulafada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sidoo kale ka socda gobollada Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose. Waxaa xusid mudan in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen xasilinta caasimadda iyo ciribtirka khatarta falalka Alshabaab Muqdisho, guushaana waxaa loo aaneynayaa dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha amniga qaranka iyo dadka deegaanka oo si firfircoon u taageeray tallaabooyinka xasilloonida ee ka socda caasimadda. Dadka deggan gobollada la xoreeyey waxay sidoo kale gurteen abaal-marinta dadaallada xasilinta qaranka, kuwaas oo ka kooban bixinta adeegyada muhiimka ah sida biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada, waxaana intaa waxaa dheer, maamullada maxalliga ah iyo xarumaha amniga loo sameeyay si kor loogu qaado xasilloonida meelahaas”. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa qaar kamida ah warbaahinta caalamiga ah ee dalka ka howlgala ku eedaysay warar been abuur ah, waxayna uga digtay inay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Chen Wendi. Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashi ay wadaagaan labada iyo ajandeyaal kale oo labada dhinac ahmiyad weyn u leh. Shiinaha ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, asagoo ka gacan siiya dhinacyada mashaariicda, amniga, waxbarashada iyo siyaasadda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, xilli ay u tartameyso kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Fowsiya oo warbaahinta la hadashay ayaa diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”. Inkasta oo Fowsiya ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah. “Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey tiri. Fowsiya ayaa sheegtay in markii ay weydiisay sababta Soomaaliya uga hareyso jagadaasi muhiimka ay u sheegeen inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga harto, si uu isagu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda. “Muddo markii aan doodda wadnay oo dhamaan ay ku adkeysteen in aan haro waxaan isku dayay in aan garnaqsado, gubaabiyo oo uga waramo danta weyn ee kursigaas ugu jirta umadda.” Waxay intaas kusii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen ana marka waxaa ka codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska beddeli doona.” Waxay ku dheeraatay faa’iidada Soomaaliya kursigan u leeyahay, ayada oo diiday inay u tanaasusho Soomaaliya, “Midowga Afrika wuxuu ku dhow yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka usoo hoyanaya maamuus, lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.” “Lama arag tartame ama dal lagu qasbo inuu tartanka uga haro qeyrkiis, markaa intaas oo dhan eegay waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu horey uga hor istaagay madaxweyne Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay. “Madaxweyne Xasan wuxuu ku adkeystay inuu codkiisa Kenya siinayo oo aan waqti iskaga lumin, waa la qaatay markaas arrinka oo waxaa goostay in aan sugo doorashada dambe ee sanadka 2025, waxay noqotay in aan siddeed sano kale sugo oo dib isku soo sharaxo waqtigan himika ah.” Xildhibaan Fowsiya marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin. Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah. Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay. Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika. The post Daawo: Fowsiya oo diiday tanaasul, kashiftayna sida ay Xasan iyo Xamza uga hiiliyeen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay tartiibiso bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, ayada oo ka digtay firaaq amni, sida ku cad dokumentiyo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters. Hawlgalka ATMIS ayaa waxaa ka go’an inay dalka ka baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar lagu bedelo. Si kastaba, warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayay xukuumadda Soomaaliya kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 oo askari oo lagu waday inay baxaan dhammaadka bishan June. Dawladdu waxay hore ugu talisay, qiimayn wadajir ah oo ay la samaysay Midowga Afrika bishii March, in guud ahaan wakhtiga ka bixitaanka lagu jaangooyo “hadba heerka diyaargarowga dhabta ah iyo kartida” ciidamada Soomaaliya. Qiimaynta wadajirka ah, oo uu ansixiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in “si deg deg u dhimista shaqaalaha ATMIS ay horseedi doonto firaaq amni.” “Weligey sidan oo kale ugama walaacin jihada dalkayga,” ayuu yiri Mursal Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamanka. Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah labada maal-geliye ee uga sarreeyaa ee ciidamada ATMIS, ayaa doonaya in la dhimo tirada nabad-ilaaliyaasha sababo la xiriira walaacyo laga qabo maal-gelintooda mustaqbalka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed diblomaasi iyo sarkaal Ugandan ah. Wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub ayaa noqday kuwa adag, ayada oo Midowga Afrika uu doonayey sharciyad ka xoog badan kan ay Soomaaliya ogoshahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. Sidoo kale, khilaaf ayaa hoggaamin kara in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ay dalka ka baxaan. Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan ka jawaabin codsi ku aadan inay ka falceliyaan warbixintan. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in uusan jirin jadwal go’an oo ku aadan soo geba-gebeynta wada-hadallada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay gaaran heshiis caawin kara in lagu guuleysto nabad iyo amni. “Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista dhimista si looga hortago firaaq kasta oo amni,” ayuu u sheegay Reuters. Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya, si ay uga doodaan dhimista iyo howl-galka xiga. Iyadoo dhimista ay socotay oo ay dalka ka baxeen 5,000 oo ka mid ah ku dhawaad 18,500 sanadkii tegay, dowladdu waxay muujisay kalsooni. Waxa ay sheegtay in ciidamada cusub aysan dhaafin 10,000, ayna tahay in lagu koobo howlaha ay ka midka yihiin sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dadweynaha. Uganda iyo Kenya oo sidoo kale ku tabarucay ciidamada ATMIS, ayaa walaac muujiyey. Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana ciidamada Soomaaliya aysan sii wadi karin dagaal muddo dheer. “Ma dooneyno inaan galno xaalad aan kala cararno, oo la mid ah wixii aan ku aragnay Afghanistan,” ayuu u sheegay Reuters. Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay dhimista ay codsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse ay tahay in la maqlo walaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. The post DEG DEG: DF Soomaaliya oo wax ka bedeshay qorshihii bixitaanka ciidanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 34 qof ayaa dhimatay, iyadoo tobanaan kale lagu daweeyay isbitaal, ka dib markii ay ku cabbeen khamri si sharci darro ah looga soo saaray gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Afhayeen u hadlay dowlad gobolleedka deegaankaas ayaa xaqiijiyay dhimashada ka dhalatay cabista khamriga ay ku jirto maadada halista ee methanol. “Dembiyada noocan oo kale ah ee bulshada burburiya waxaa lagu xakameyn doonaa gacan bir ah, “ayuu yiri madaxa gobolka MK Stalin oo soo dhigay bartiisa bulshada ee X. Arrintan ayaa ka dhacday degmada Kallakurichi, halkaas oo in ka badan 100 qof oo la ildaran matag, iyo calool xanuun la dhigay isbitaallada, taasoo dhalisay baaritaan ay boolisku sameeyeen. Mas’uul ka tirsan degmada MS Prasanth ayaa sheegay in tirada bukaannada ku jira xaalad halis ah ay isbedeshay, taasoo soo keentay in dhimashadu ay sare u kacdo. Dowladda gobolka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in ay shaqada ka joojisay ugu yaraan 10 mas’uul oo ay ku jiraan aruuriyaha degmada iyo taliyaha booliiska, waxayna laama nabad-galyadu qabteen hal qof oo iibinayay khamriga sharci darrada ah iyo 200 litir oo qamri lagu daray maadada methanol, sida ay dawladu sheegtay. Gaadiidka gurmadka deg dega ah, dhaqaatiir iyo xeeldheereyaal ah ayaa la geeyay degmada si ay wax uga qabtaan dhibaatada dhacday, waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto tirada dhimashadu. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo ay kaga qayb-gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha. Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad wayn u yeelan doona labada dhinac inay yeeshaan wada shaqayn joogta ah, gaar ahaan horumarinta Garsoorka. Inta uu dalka Shiinaha joogo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeyb-galaya Shirka. Source: goobjoog.com
-
Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa daaha ka qaaday khilaafka sii ballaaranaya ee u dhaxeeya hoggaanka siyaasadda iyo ciidamada, isagoo su’aal galiyay hadafka dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu yahay burburinta Xamaas. Ka dib sagaal bilood oo dagaal ah oo in ka badan 37,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay magaca ciribtirka kooxda hubaysan ee Maxaas, Rear Admiral Daniel Hagari ayaa u sheegay TV-ga Channel 13 ee Israa’iil in hawshu ay ahayd mid aan macquul ahayn oo si fudud “khalad”. “Xamas fikradeedu Waxay ku qotontaa quluubta dadka, qof kasta oo u malaynaya inaan baabi’in karno Xamaas waa khalad.” ayuu yiri janeraal Hagari. Hadalka Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa muujinaya in ciidanku ay ka niyad jabeen dagaalka muddada dheer ka socda marinka Qasa, islamarkaana uu saameyn ku yeeshay khilaafka hoggaamiyaasha siyaasadda. Dhowaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu kala diray xukuumaddiisii dagaalka, sidoo kalena uu ka horyimid go’aan ay ku dhawaaqeen militarigu oo ku saabsanaa dagaalka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley . Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley. Waxaa uu rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday. waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga. Source: goobjoog.com
-
Dibadbax xoogan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ka dib markii xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo halkaas ka soo degayay. Dadweyne u diyaarsanaa inay soo dhoweeyaan siyaasiga Cismaan Cumar Dool oo garoonka diyaaradaha ka soo degayay, oo ay ciidamada Soomaaliland xabsiga dhigeen ayaa billaabay bannaan-bax ay arintaa ku diidanyihiin. Dibadbaxa oo rabshado watay, islamarkaana ku faafay meelo kale oo magaalada kamid ah ayaa waxaa hadda ku baxay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale oo doonaya inay xiisadda xalliyaan. Lama oga sababta ay ciidamada Soomaalilamd u xireen siyaasigan kamid ah xubnaha ugu cadcad Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Xukuumadduna weli kama hadlin. Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha guud ee urur Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus oo uu ku eedeyay inay Israa’iil u oggalaatay saldhigyo militari iyo garoommo diyaaradeed , si ay u weerarto goobaha Xisbullah ee gudaha Lubnaan. waxaa kalo uu sheegay isagoo tixraacayay muuqaalka ay soo bandhigeen ee saldhigyada iyo xarumaha militariga Israa’iil inuu ka mid yahay qayb yar oo ay ka soo bandhigeen xog badan oo ay ka hayaan awoodda Israa’iil , isagoo intaa ku daray inay u diyaarsanyihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil iyo xulafadeeda. Hanjabada Xisbullah ayaa markiiba laga dareemay gudaha Qubrus; hoteellada ayaa la joojiyay dhammaan dadkii sii qabsaday goobaha la isugu yimaado iyo xeebaha ayaa si la mid ah dadkii tagi jiray ay maanta hoos u dhaceen, iyadoo Qubrus ay joojisay fiisooyinkii ay bixin jirtay safaaradda ay ku leeyihiin Beirut. Dhinaca kale Afhayeenka dowladda Qubrus, Konstantinos Letymbiotis ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay, wuxuu cabasho ka muujiyay hanjabaada Xisbullah, isagoo sheegay ina ysan Qubrus wax lug ah ku lahayn colaadda gobolka, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada dhulkooda in laga weerarro Xisbullah. “Cyprus kuma jirto, kamana qayb qaadan doonto dagaal kasta…. xiriirka Jamhuuriyadda Qubrus la leedahay Lubnaan waa mid aad u wanaagsan dhammaan wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan heer diblomaasiyadeed. Ma jiro waddan loo ogolaan doono in uu hawlgalo milatari ka sameeyo Qubrus” ayuu yiri Konstantinos Letymbiotis. PUNTLAND POST The post Ururka Xisbullah oo ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweyne Xasan ayaa toddobaadyaddii dambe ku maqnaa safaro shaqo oo dalka dibaddiisa, kuwaasi oo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeyb-galey Madasha Nabadda ee Oslo, halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo ra’iisul wasaaraha Norway. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka Switzerland uga qeyb-galey shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gaba-gabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal. Xasan ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Hakan Fidan uu kula kulmay. Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab. The post Xasan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay iyo xogta safaraddii uu galay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Masuuliyin ka Tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Magalada Burco kulan balaadhan kula qaatay Cuqaal ,Odayaal, dhalinyaro aqoonyahan iyo haween kaso jeeda gobollada Togdheer ,Saraar iyo Sanaag ee beesha Axmed Faarax Biciide ee East Burco Clan Waxgaradka Beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda.Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda. Qaran News
-
Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay Safaarada Somaliland ee Jabuuti… Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, oo ku sugan dalka Ingiriiska, isla markaana u jooga hawlo gaar ah iyo kuwo shaqo, ayaa beeniyay Warar been Abuur ah, oo lagu faafiyay baraha Bulshada ee Facebook. Safiirka oo Warbaahinta Xogreeb Media khadka Telefoonka kula xidhiidhay, isla markaana waxka waydiisay Wararka sheegaya in Safaarada Somaliland ee Jabuuti, lagu amray inay dalkaas ka baxdo, ayaa sheegay in Wararkaasi yihiin been abuur. Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu sheegay inay Wararkaas ay faafinayaan dad cadow ah, isla markaana waxku raadsada faafinta dacaayadaha, waxa u dadkaas kula taliyay inay beenta iska daayan. Sidoo kale waxa u tilmaamay in shaqada safaarada iyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee labada dalka aanay waxba iska bedelin. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — The Chinese Embassy in Somalia announced on Wednesday that it will offer financial awards to the top 50 students in Somalia's National Examinations in 2024. The awards, ranging from $1,000 to $400, aim to enhance the friendship between China and Somalia and invest in Somalia's future, according to Chen Wendi, Chargé d'Affaires of the Chinese Embassy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare ee dhaqaalaha. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Aweys Cabdullaahi ayaa sidoo kale ah agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. La-taliyahan cusub ayaa qeyb ka noqonaya la-taliyeyaal dhowr ah oo horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha, xilli qaarkood ay dood xooggan dhaliyeen, maadaama ay jiraan wasaaraddo ku shaqo leh arrimaha loo magacaabay. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna leh la-taliyeyaal badan tan iyo markii uu xilka la wareegay, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan. Balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare magacaabay maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Attorney General Keith Ellison's office said the cases involve false documentation, billing for services not provided and taking kickbacks, among other crimes. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali Ministry of Education has deployed exam staff and materials to designated school locations throughout the country, amid hundreds of Somali students in Adan-Yabal, Harardhere, and Elder, recently liberated districts will set exams for the first time in 33 years. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahimo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaawac xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Axmed Abshir Geedi oo ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya arrimaha qoyska iyo waxbarashada. Axmed ayaa waxaa la dhaawacay isaga oo ku sugnaa gudaha Beerta Banaadir, waxaana ku dhacday xabad aan la garaneyn halka ay ka timid. Dhaawaca Axmed Abshir Geedi ayaa ah mid fudud, waxayna xabadda uga dhacday gacanta midig, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay. “Xalay 7:00 fiidno aniga oo joogo Beerta Banaadir, isla markaana dhex socdo ayaa qadartan la kulmay waxaan ka war helay gacanta midigta ah oo ay xabad qabsatay oo aad u dhiig baxeyso jiho ay ka timid ma garan karo” ayuu yiri Axmed Abshir Geedi oo la hadlay Telefishinka Shabelle. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. “Isla markii waxaa la’iila cararay isbitaalka, haddana xaaladdeyda caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay” ayuu sii raaciyay Axmed Abshir Geedi. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in arrintiisa ay la wareegeen laamaha amniga, ayna wadaan baaritaano, si loo ogaado cidda la dambeysay falka lagu dhaawacay. “Qolada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa howsha ku jiro aniga ma kala garan karo sida ay wax ahaayeen, aniga oo dhex socdo Beerta ayay xabaddu i haleeshay” ayuu mar kale yiri. Axmed Abshir Geedi ayaa si wayn looga yaqaanaa baraha bulshada, wuxuuna ku caan baxay arrimo qoyska, waana mid kamid ah aas aasayaasha xarunta qoyska ee Guryosamo. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhaawaca Axmed Abshir Geedi appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan maanta oo Khamiis ah safar ugu baxay dalka dibaddiisa. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sii jeeda waddanka Imaaraadka Carabta ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Hamaan. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu safarkiisa ku sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya. Dhinaca kale Madaxtooyada Puntland weli kama hadlin ujeedka safarka madaxweyne Deni uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Nairbo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ka kaxeystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday gudaha magaaladaasi. Xildhibaanada la watay ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo labaduba ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana gaari ku ritay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka dalka Kenya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in labada xildhibaan oo kasoo baxay hoteelka lagu hor-jaray gaari, kadibna lagu qasbay inay xoog ku raacaan, waxaana halkaas lagu waydiiyau su’aallo dheeraad ah. Intaasi kadib waxaa lasoo wariyay in labada xildhibaan lasii daayay oo ay dib u heleen xoriyaddooda, laakiin ragga watay iskuma sheegin waxa ay ahaayeen iyo ujeedkooda. Su’aalaha wax laga waydiiyay ayaa ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda federaalka, ayna ku howlan yihiin abaabulka mooshin, sida ay ku warrameen ilo xog ogaal ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Kenya iyo dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula dhaqaaqay xildhibaannadaasi. Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay xildhibaannada iyo xubnaha ku sugan dalka Kenya oo qaarkood dagan gudaha dalkaasi. Nairobi ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin badan, waxaana magaaladaan shirar ku qabsada xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxda sare ee dowladda dhexe. The post Rag hubeysan oo hoteel ku yaalla Nairobi ka kaxeystay xildhibaanno ka tirsan BF appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia’s prime minister Abiy Ahmed visiting Sudan in June 2019. Photograph: Ashraf Shazly/AFP/Getty Images “ I am sorry, I don’t know anything about Abiy Ahmed.” The message flashed up from someone I had been told to call Napoleon. It was the middle of 2023, six years after I had first arrived in Ethiopia, and one year after I had left, in the midst of a war which was tearing it apart. Ethiopia was lurching from crisis to crisis, and behind each of them loomed one figure larger than any other: the prime minister, Abiy Ahmed. Napoleon was in the US. He had known Abiy when the two of them had worked together as cyber-intelligence officers in the 2000s. A mutual contact had prepared him for my call, and assured me that he was ready and willing. Just one day earlier, Napoleon had told me himself, via text message, that he would share with me what he knew of the character of the man who, five years earlier, had won control of the Ethiopian state. Now, though, Napoleon was having second thoughts. When I tried to ring, he blocked my number. Read more here The post From Nobel peace prize to civil war: how Ethiopia’s leader beguiled the world appeared first on Puntland Post.