-
Content Count
211,346 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howl-gal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo ka dib markii howl-galka hadda ee ATMIS Soomaaliya uu ka baxo bisha December ee sanadkan 2024. Golaha ayaa sheegay in howl-galka cusub ee AU-da ay hoggaaminayso ay diiradda saari doonaan taageeridda dowladda federaalka ah si loo sii xoojiyo dagaalka Shabaab, loona sugo amniga iyo in mudnaanta la siiyo ilaalinta rayidka Soomaaliya, sidoo kalena laga caawiyo xasilinta iyo amniga Soomaaliya, ayadoo xoogga la saarayo mudnaanta dowlad-dhisidda, iyo ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga argagixisanimada. Dhanka kale AUC PAPS waxay si adag u taageertay codsiyadii ay gudbisay dowladda Soomaaliya 16-kii May 2024 ee ahaa in qaab taxadar leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee ATMIS, iyadoo 4000 oo askar ah loo qaybiyey laba qaybood, kuwaas oo kala ah 2000 dhamaadka June baxaya iyo 2000 oo dabayaaqada Sebtembar 2024 ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidoo la sheegay inay codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS sababa la xariira walaac nabad-galyo. Source: goobjoog.com
-
Matabaan (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta is hortaagay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya. Ciidankaas oo wata gaadiid dagaal ayaa Soomaaliya ka soo galay dhanka deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu guuleystay in Matabaan lagu hakiyo. Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan Matabaan ayaa maanta hor istaagay ciidanka Itoobiya oo u socday dhanka Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb. Saraakiisha hoggaamineysa booliska hor istaagay ciidankaas ayaa Caasimada Online u sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah weydiiyeen sababta ay u soo galeen dalka iyo hadii uu jiro ogolaansho ay ka heystaan madaxda qaranka. Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegi diiday halka ay u socdaan iyo qorshaha ay wataan, sidoo kale waxay ku guul dareysteen inay keenaan ogolaansho ay ka heystaan madaxda dalka Soomaaliya. Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa difaac ka xirtay koontoroolka laga soo galo degmada Matabaan, waxayna u diideen ciidamada Itoobiya inay ka gudbaan halkaas. Muran iyo isku day dheer kadib, ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan, ma dhicin wax gacan ka hadal ah, balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamadu ay ku sigteen inay isku dhacaan. Ma cadda qorshaha ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in guud ahaan ciidamada Itoobiya dalka laga saaro bisha 12-aad ee sanadkaan. The post DF oo awood ciidan ku hor istaagtay ciidamada Itoobiya oo xoog ku soo galay dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024. Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin. Howlgalka cusub ayaa Soomaaliya ka caawi doona xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta. Dhanka kale, Midowga Afrika waxay si adag u taageereen codsigii ka yimid Soomaaliya ee 16-kii May 2024 iyo 17-kii May 2024, kaas oo ahaa in qaab weji leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee howlgalka Midowga Afrika. Sanadkaan waxaa Soomaaliya ka baxaya 4,000 oo askari oo ciidamada ATMIS ka tirsan, kuwaas oo 2,000 oo askari ay baxayaan dhamaadka bisha June 2024, halka 2,000 oo kale ay baxayaan dhamaadka Sebtembar 2024. Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka bisha December ee sanadkaan, in kastoo aan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono go’aankaas. Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay in kadib bixitaanka ATMIS oo dhammaadka sannadkan loo qabtay uu yimaado firaaq amni oo fursad siin kara argagaxisada. War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka miro-dhalinta dadaalladan. Waxyaabaha lagu ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihiin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka, kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS. Hoos ka akhriso warbixinta The post Howlgalka cusub ee ATMIS bedelaya oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
The African Union backed Somalia's request to slow the withdrawal of its troops fighting Islamist militants and called for a new international force to replace the AU peacekeeping mission. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu xuntahay laba xildhibaan oo ka mid ah Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu yiri war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay. Bayaan ayaa sidoo kale lagu yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan. Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen” Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba lagu hadal-hayay laba Mudane oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in goob ay magaalada Nairobi kaga sugnaayeen ay ka kaxaysteen sirdoonka Dalka Kenya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley. Sida ay ogaatay Caasimada Online, munaasabad kooban oo ka dhacday xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xalane ayaa danjiraha looga guddoomay warqadaha, halkaasi oo diblomaasiyiinta Mareykanka loo oggoleyn inay bannaanka uga baxaan. Danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dowladda Mareykanka Mudane Joe Biden. Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in dowladda gederaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka. Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano, wuxuuna qeyb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii u dambeeyay ay hakiyeen howl-galadii dhanka duqeymaha ah ee ka dhanka ahaa argagixisada. The post Xalane mise Villada: Xagee ayuu Xasan ku qaabilay safiirka Mareykanka? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley. Danjiraha cusub ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Safiirku uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka. Halkaan ka eeg Sawirada ay baahisay Villa Somalia PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan millatariga dowladda Itoobiya ayaa sida wararku sheegayaan maanta gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa laga soo xigtay in ciidamadaasi oo gaaraya ilaa 3000 ay degmada kasoo galeen dhanka Beledweyne. Wuxuu intaas raaciyay in kadib wada hadal dhex maray ciidamadaas iyo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ay haatan ciidamadaasi dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen. Arrintan ayaa imanaysa xilli ay dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisey in ciidamada Itoobiya guud ahaan dalka ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024. PUNTLAND POST The post Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Digniin caalami ah oo ku saabsan noocyada been abuurka ah ee Ozempic – oo caan ku noqday habka dhimista miisaanka – ayaa waxaa soo saartay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). Daawada waxaa mararka qaarkood loo yaqaan “jaab maqaarka” inkastoo ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay daawaynta nooca 2aad ee sonkorowga. WHO ayaa sheegtay in dawooyinka been abuurka ah ay khatar u keeni karaan caafimaadka. Ururku waxa uu dadka kula taliyay in ay dawooyinka ka helaan oo kaliya ilo sumcad leh, sida dhakhtar, halkii ay ka ahaan lahaayeen goobaha qarsoon ee internetka ama baraha bulshada. Walaxda firfircoon ee Ozempic – semaglutide – waxay ka caawisaa dadka qaba nooca 2 ee sonkorowga inay xakameeyaan xaddiga sonkorta ee dhiiggooda. Si kastaba ha ahaatee, cirbadeynta toddobaadlaha ah waxay sidoo kale calaamad u tahay maskaxda in aan dhernahay. Markaa daawadu waxay dadka ka caawisaa inay lumiyaan miisaankooda iyadoo hoos u dhigaysa rabitaanka cuntada. Dadka aan lahayn sonkorowgu waxay u qaadanayeen dawada sidii daawo miisaan lumis ah. Waxay keentay gabaabsi dadka qaba nooca 2-aad ee xanuunka macaanka waxayna abuurtay suuq lagu iibiyo dawooyinka been abuurka ah. WHO waxa ay sheegtay in ay dabagal ku haysay warbixinada isa soo taraya ee dodgy Ozempic aduunka oo dhan ilaa 2022. Dufcooyin been abuur ah ayaa waxaa qabtay maamulada UK, US iyo Brazil Khatarta caafimaadka “[Waxaan kula talineynaa] xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, maamulka sharciyeynta iyo dadweynaha inay ka digtoonaadaan qaybahan dawooyinka ee been abuurka ah,” ayuu yiri Dr Yukiko Nakatani, kaaliyaha agaasimaha guud ee WHO ee daawooyinka lagama maarmaanka ah iyo alaabta caafimaadka. WHO waxay ka digtay qaar ka mid ah irbado been abuur ah oo laga yaabo inaysan ku jirin semaglutide gabi ahaanba ama kuwa kale waxaa laga yaabaa inay ku jiraan dawooyin kale, sida insulin, taasoo keenta saameyn “aan la saadaalin karin”. “Alaabooyinkan la been-abuuray waxay saameyn xun ku yeelan karaan caafimaadka dadka,” WHO ayaa tiri. Laamaha maandooriyaha ee UK ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore gacanta ku dhigay tiro Ozempic been abuur ah. Waxay dalka ka yimaadeen alaab-qeybiyeyaal sharci ah oo ku sugan Awstaria iyo Jarmalka, waxayna u muuqdeen inay haystaan baakado sax ah. Dr Alison Cave, oo ah madaxa badbaadada ee ururka, ayaa yiri: “Ka iibsashada semaglutide ka ganacsiga sharci-darrada ah ee alaab-qeybiyeyaasha online-ka ah waxay si weyn u kordhineysaa khatarta ah in la helo badeecad ama la been-abuuray ama aan shatiga u haysan in lagu isticmaalo UK.” Waxay tidhi ku duritaanka alaabtan oo kale “waxaa laga yaabaa inay caafimaadkaaga khatar geliso”. Nooca xoogga sare ee Ozempic ayaa si gaar ah loogu sameeyay miisaan lumis waxaana loo suuqgeeyay sidii Wegovy. Tan waxa lagu bixiyaa rugaha caafimaadka dhimista ee takhasuska leh ee NHS ee UK Qaran News
-
Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP. In ka badan kala bar dadka ku geeriyooday xajka sannadkan ayaa la sheegay in ay yihiin dad aan diiwaangashanayn oo aan wadan ruqsadii xajka. Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar kuwaasi oo 630 ka mid ah ay ahaayeen xujeey aan diiwaangashanay sida laga soo xigtay mas’uul masaari ah. Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 6 ka mid ah Xujeyda Soomaalida ay sannadkan xajka ku dhinteen. Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan. Xajka ayaa sannadkan mar kale ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga. PUNTLAND POST The post In ka badan kun qof oo sannadkan ku dhintay xajka appeared first on Puntland Post.
-
Munaasibad balaadhan oo beesha Aadan Maxamed (Aadan Madoobe) si weyn ugu taageertay xisbiga WADDANI ayaa xalay Magalada Burco ka qabsoontay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaanno ayaa dadweynaha kala qayb galay munaasibadda. Beesha Aadan Madoobe ayaa Sheegtay in ay Dhisayan Sanadkan Xisbiga isbedel doonka ah ee WADDANI Iyo Musharax Madaxwayne Cabdiraxman Cirro Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada dowladda Sweden ee ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ee dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Dhinacyadaasi ayaa ka hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya”. “Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Kulankaasi. “Dhankiisa, Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ee ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada-hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika. Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted? Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa. Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan. Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona. Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib. Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Qaran News
-
Taangiyada Israa’iil ayaa ku sii qulqulaya galbeedka Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo madaafiic ku garaacaya teendhooyinka ay degan yiiin dadka barakacay. Ciidamada Israel ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay weeraro cirka ah oo dhimasho badan dhaliyay ka fuliyay Gaza,gaar ahaan guri ay ku sugnaayeen sideed qof oo dhaca xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza. Qaramada Midoobay ayaa uga digaya shirkadaha hubka in ay Israel u gudbiyaan nuucyada hubka , iyaga oo jebinaya sharciga caalamiga ah ee Gaza. Dagaalka Rafah ayaa sii xoogeysanaya iyadoo kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii kordhaya ay ka muuqdaan xulufada taageera labada dhinac. Xamaas ayaa la sheegayaa in ay walxaha qarxa ku weerareen Gaari noociisu yahay kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Israel. Ugu yaraan 37,431 qof ayaa la dilay halka 85,653 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqaymo xooggan ku wadda xeryaha barakacayaasha reer Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
WATCH: Somali refugee trains young people in digital skills
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
After fleeing conflict in Somalia, Mohamed Mataan overcame many challenges growing up in Kenya’s Dadaab refugee camp. Today, he teaches young refugees digital skills in the camps. Source: Hiiraan Online -
Jimco, Juun, 21, 2024 (HOL) - 24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka. Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin. Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars. Source: Hiiraan Online