Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jaabir Khaliif bounced his leg up and down in anticipation as he waited for his naturalization ceremony to begin. Source: Hiiraan Online
  2. MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — Minnesota Governor Tim Walz, recently announced as Kamala Harris's running mate for the 2024 presidential election, did not change the state flag to resemble the Somali flag or Puntland's state flag. This claim, which surfaced on social media after the announcement, is false. Source: Hiiraan Online
  3. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay. Golaha ayaa ku dhawaaqay xalay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa xalay ansixiyay magacaabista Danjireyaal Soomaaliya uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee dalku ka leenahay caalamka. Waxaana ay kala yihiin: 1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir 2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir 3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir 4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir 5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir 6. Faysal Axmed Salaad – Safiir 7. Abiib Muuse Faarax – Safiir 8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir 9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir 10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir 11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir 12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir 13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud 14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay Shirkii degdega ahaa ee ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  4. The United Arab Emirates (UAE), Kenya and India issued warnings and an advisory Tuesday for their nationals about far-right riots across the UK. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somalis are experiencing an economic downturn characterized by declining purchasing power and high unemployment. Multiple factors, including conflicts, climatic shocks, and global economic changes, have compounded these issues, affecting many Somalis' livelihoods. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — The Somali Cabinet has approved the appointment of 14 new diplomats to represent the country internationally, including 12 ambassadors and two consuls general. The decision, made during an urgent meeting on Tuesday, aims to enhance Somalia's diplomatic presence worldwide. The federal government did not specify where the new diplomats would be posted. Source: Hiiraan Online
  7. In the complex landscape of Somalia's governance, fostering collaboration and coordination among government entities is paramount for sustainable development. Recognizing this need, the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF1 ) Project supported the establishment of the Somalia Inter-governmental Fiscal Forum (IGFF) comprising two key components: The Intergovernmental Fiscal Federalism Technical Committee (IGFFTC) and the Finance Ministers’ Fiscal Forum (FMFF). Source: Hiiraan Online
  8. 454436782_1453982615302878_6530688662188182276_n Qaran News
  9. 454112448_850120816690117_9110678253007572852_n Qaran News
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey muuqaalka haweeney waayeel ah oo ka shaqeyneysa dhismayaasha guryaha oo nin oday ah uu ku qasbayo shaqada, iyadoo la hadleysa Telefishin. Wiil weriye ah oo ka socoday Bay TV ayaa si kedis ah ula kulmay Hooyo ka mid ah shaqaale dhisaya guri, bartamaha magaalada Baydhaba, wuxuuna go’aansaday inuu ka qaado wareysi. Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa dhismaha guriga, wuxuuna u gacan qaaday Maamadii oo TV-ga u warameysa, waxayna u carartay dhanka shaqada. Goobta waxaa ka socday dhisme guri weyn, shaqaalaha dhisaya gurigaas sida caadiga ah wuxuu ahaa rag, balse waxaa ku jirtay haweyneydaan, waana sababta uu weriyuhu u go’aansaday inuu wareysto. Maamada ayaa wareysigaas ku sheegtay in maalinkii ay dhismahaas ka hesho $5 isla markaana ay ku biilato carruurteeda, markii la yiri “maxaad codsanee” waxay ku jawaabtay inay shaqeysaneyso. Daqiiqado kooban oo wareysigaasi uu socday kadib, waxaa goobta yimid ninkii masuulka ka ahaa guriga la dhisayo, wuxuuna labada garbood qabtay maamadii, isagoo u tuuray dhinaca shaqada kuna yiri “Shaqeyso waqtiga ha beerdareyne.” Intaas kadib waxaa baahay muuqaalkii, dadka Soomaaliyeed oo ka carooday sida loo qasbay maamada, duruufta ay ku shaqeyneyso iyo culeyska shaqada ay qabaneyso oo qof haween ah aan looga baran ayaa aad loo falanqeeyey. Daqiiqado kadib waxaa lasoo duubay muuqaalka ninkii odaga ahaa ee maamada qasbay oo xabsiga loo sii wado, kadib markii lagu dacweeyey ciidamada ammaanka, waxaana lagu xiray saldhigga magaalada Baydhabo. Hoos ka daawo The post Daawo: Muuqaal murugo leh hooyo dhisme guri ka shaqeysa oo fagaare lagu bahdilay appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho. Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin. Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada. Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan. Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan. Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”. Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey. Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha. The post Sawirro: Madaale oo hortegay BF iyo arrimo xasaasi ah oo su’aalo laga weydiiyey appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jidah ee dalka Sucuudiga, ahna xarunta ku meel gaarka ah ee ururka iskaashiga islaamka, halkaas oo ay shir muhiim ah uga qeyb-geli doonaan. Shirka ay wasiirka iyo wefdigiisu ka qeyb-gelayaan ayaa ah mid aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka islaamku isugu imaanayaan, islamarkaana looga hadlayo xaaladda marinka Qasa iyo sidii wax looga qaban lahaa duqeymaha arxan darrada ah ee uu maamulka Israa’iil bishii 10-aad halkaas ka wado. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad culusi ka jirto bariga dhexe oo ah gobol dalalka ugu badan ee dhacaahi ay islaam yihiin, islamarkaana ay si xoog leh oo dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaan isugu jirta u saameynayso haddii ay sii kororto xurgufta ka dhexeysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan, taas oo cirka isku sii shareertay ka dib dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas. Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) — Turkey and Egypt, during high-level talks in Cairo, have reaffirmed their unified commitment to upholding Somalia's territorial integrity, emphasizing the critical importance of safeguarding its sovereignty amidst ongoing regional disputes. Turkish Foreign Minister Hakan Fidan and his Egyptian counterpart, Badr Abdelatty, emphasized their stance at a press conference following their discussions. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen ku soo qabtay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay miinooyin aasayeen kolkii gacanta lagu soo dhigey, sida ay sheegeen laamaha nabad-galyadu. Ciidanka Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka ayaan faahfaahin dheeraada ka bixin goobta raggaan laga soo qabtay, balse qoraal masariradda 4 nin oo dhallinyaro ahi la socdaan ayaa lagu baahiyay warbaahinta dowladda iyo mareega ay ciidamada qalabka sidaasi adeegsadaan ee baraha bulshad Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo ka hor qarax lagu hoobtay uu ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, islamarkaana ay saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada dhex wareegayeen farriimo digniin ah oo la xariira weerro qaraxyo ah oo magaalada Muqdisho looga cabsi qabo. Source: goobjoog.com
  15. Harris chooses running mate meant to appeal to white working-class and moderate men Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — A new Overseas Development Institute (ODI) report reveals major challenges and potential in Somalia's peacebuilding efforts. Despite recent progress in stability and governance, international aid practices are complicating locally-led initiatives. Source: Hiiraan Online
  17. Kismayo (HOL) — Jubbaland security forces have seized and burned hundreds of niqabs in Kismayo, stepping up efforts to enforce a ban on the face veils amid fears that Al-Shabaab militants are using them to disguise themselves during attacks. Source: Hiiraan Online
  18. Filming has begun in London on In the Shadows, the true story of refugee Ramla Ali who, without her parents’ knowledge, secretly pursued boxing to become the first Somali-British professional boxing champion. Source: Hiiraan Online
  19. (ERGO) – Turning to labouring on local farms has become a lifeline for around destitute 150 pastoralists, whose livestock were wiped out by extreme drought in Bahdo-Gaabo district of central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimana maaliyadda dalka. Waxaa kulanka ka maqan oo aan ka soo qayb-galin wasiirka Mlmaaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka, balse aa imaan Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka weli maamulkan kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac. Shirkan oo ah kii 22-aad ee wasiirada maaliyadda ayaa waxaa daah-furay wasiie Biixi Imaan Cige, ayada oo ay goobjoog yihiin wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir. Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga wada-tashanayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maamulka maaliyadda dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaiya Biixi Imaan Cige oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyn kadib furitaanka shirka waxa uu dhageystay talooyinka wasiirada dowlad goboleedyada, isga oo uga jawaabay su’aallo la xiriira horumarinta maaliyadda iyo wadashaqeynta labada dhinac. Sidoo kale waxa uu wasiirku dhankiisa la wadaagay xubnaha ka qayb-galaya shirka horumarada laga gaaray maaliyadda dalka iyo dadaallada horumarineed ee ay hadda waddo dowladda Soomaaliya, taas oo ay ugu horeyso qaadista canshuuraha dalka oo muhiim u ah kobaca dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka. Shirka maanta u furmay dowladda dhexe iyo maamullad dalka ayaa socon doono muddo laba cisho ah, ayada la filayo in beri lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed. Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa in shir kan ka ballaaran ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. The post Shir ay ka maqan tahay PUNTLAND oo ka furmay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud. Shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda heer federal iyo heer D.Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo, Waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka. Source: goobjoog.com
  22. Garowe (HOL) — Puntland President Said Abdullahi Deni has defended the 2021 decision to stop using the Somali shilling, asserting that the shift to the U.S. dollar saved the region from economic instability and widespread poverty. "We have $7 million worth of Somali shillings stored with no way to use them. There's no central government to exchange it for other currencies. If we hadn't taken this step, our people would be impoverished today," Deni stated. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay illaa 4 nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, isla markaana ay wadeen qaraxyo xilliga gacanta lagu soo dhigayay. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay howlgalkan, waxaana lagu sheeegay in ragga lasoo qabtay ay wadeen miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. “Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah es Soomaaliya. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh. Ciidamada dowladda ayaa haatan kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gudaha caasimada, si looga hortago cabsi laga qabo weeraro ay mar kale Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Jimcihii lasoo dhaafay ayaa kooxda weerar ku billowday qaraxyo ka fulisay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu laayay dad u badan shacab, waxaana haatan soo baxaya digniino kale oo ku aadan weeraro kale oo ka dhici kara gudaha caasimada. The post Afar nin oo qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Gabdhihii TikTok-leyda ee ay maalin kahor xukunka ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta laga sii daayay xabsiga, kadib markii ay iibsadeen xukuna ku dhacay. Gabdhaha la sii daayay ee maanta dib u helay xoriyaddooda ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Khadro Anjalii iyo Farxiyo Zona, kuwaas oo xukun 6 bilood ah ay ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir. Dhammaantood waxaa horay loogu eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga dhexe. Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaasha baraha bulshada ee Internet-ka ayaa xaqiijiyay inay lasii daayay gabdhaha, isla markaana ay iibsadeen xabsiga lagu xukumay. “Ugu dambeyn dhammaantood waa xor, caawana guryahooda ayay u hoyan doonaan maalmaha soo socdana si toos ah ayaad u wada sheekeysan doontaan gabdhihii waa lasoo daayay sifo sharci ah ayayna kusoo baxeen oo uu u ogolaanaayo dastuurka dalka iyo shuruucdii lagu xukumay” ayuu yiri Bilaal. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka wuxuu xaq u leeyahay in xukunnada noocaan oo kale ah uu iibsan karo waana iibsadeen, iyagana intaas ayay waxay igu filantahay wacyigelin iyo kuwa waana qaadasho”. Bulshaawi ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay cashir u noqon doonto dhammaan dhalinyarada kale, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada, maadaama uu yimid isla xisaabtan dhab ah, kaas oo muhiim u ah akhlaaqda qofka, dhaqanka iyo diinteenna Islaamka. “Waxaan rajeynayaa insha allah dadka daawadayaashooda ah inay ku waana qaataan waxyaabaha noocaan oo kale ah, si aysan mar kale noogu soo laaban waxaan u rajeynayaa nolol qurux badan, wanaag iyo cimri dheer oo cibaado leh ayuu mar kale yiri Bilaal Bilshaawi. Dhinaca kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo iyana loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok. Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May ee sanadkan, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho. The post War cusub oo kasoo kordhay xukunka gabdhihii TikTok-leyda appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale digniin culus kasoo saaray weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub. Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4 iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab. Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado. Horay ayaa Qaramada Midoobay sidaan oo kale uga digtay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana mar-walba oo ay soo baxaan digniinahan inta badan dhaca weeraro, inkastoo mararka qaar meelaha laga digay aanay ka dhicin ee la beegsado goobo kale. Jimcihii ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi. Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan. Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda. The post Digniin culus: Gawaari qaraxyo sida oo ku jiro Muqdisho appeared first on Caasimada Online.