-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CLICK HERE Qaran News
-
War-saxaafadeed Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar oo lagu daah-rogey Soomaaliya Muqdisho, 16 Jannaayo 2019 – Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta daah-rogtey Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar ee Soomaaliya iyada oo ay la shaqeynayaan UNICEF iyo la-hawlgalayaal kale. Sahankan waa kii ugu horreeyey ee mug leh oo la xiriira nafaqada ee uu dalku sameeyo tan iyo 2009kii. “Afarta bilood ee soo socda, waxaan ururin doonnaaa xog muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka, nafaqada iyo hab-dhaqanka dadka ee xiriirka la leh nafaqada yaryar ee heer qoys taas oo gacan innaga siin karta in aan si ka wanaagsan sida hadda u fahamno xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka ee Soomaaliya,” ayaa ay tiri Dr Fawsiya Abiikar, oo ah Wasiirka Caafimaadka. “Waxaa laga yaabaa in ay hawshu culus tahay, laakiin natiijooyinka ka soo baxaya ayaa ahaan doona kuwo u qalma dadaalka lagu bixinayo: waxaa ay ina siin doonaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee ina haysta, waxaana ay gacan innaga siin doonaan in aan la nimaadno istiraatiijiyado ka habboon kuwa hadda, kana kharash yar oo lagu dhisayo dadweyne caafimaad qaba, oo nafaqadoodu wanaagsan tahay maanta iyo ummad baraare ku nool berri.” Nafaqada yaryar, sida maaddada ayodhiinta (iodine), fitamin A iyo birta (iron), ayaa ah waxyaabaha aasaasiga ah ee dhisaya caafimaad wanaagsan. Yaraanta ay maaddooyinkan ku yar yihiin jirka ayaa halis weyn ku ah caafimaadka iyo koboca ee dadweynaha, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh, waxaana ay taasi saameyn weyn ku leedahay saameyn ba’an oo muddada fog oo ay ka mid tahay in aaney si buuxda u xaqiijin awoodahoodii garasho, bulsho iyo dhaqaale ee ay lahaayeen. Cilmibaaris la sameeyey ayaa muujisey iyo yaraanshaha nafaqada yaryar ay hoos u dhigeyso awoodda waxbarasho iyo wax-soo-saarka shaqo iyo in ay si ba’an hoos ugu dhigi karto dakhliga qofka, qoyska iyo dalka. “UNICEF waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku bogaadineysaa hoggaanta ay hoggaamineyso Sahanka. Tani waxaa ay ka dhigan tahay tallaabo weyn oo loo sii qaadey sii wanaajinta xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka dalka,” ayaa uu yiri Jesper Moller, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF Somalia. “Waxaa sharaf weyn inoo ah in aan qayb ka nahay hawshan. Waxaan dhammaan wada-hawlgalayaasha caafimaadka ugu baaqeynaa in ay sii wadaan maalgelinta xog-ururinta si ay gacan innooga siiso in aan si sax ah u qiimeyno oo aan wax uga qabanno baahiyaha caafimaad iyo nafaqo ee carruurta. Marka aan sidaa sameyneyno waxaan gacan ka geysaneynaa dhisidda shaqaale xooggan oo caafimaad qaba iyo aasaaska dhaqaalaha Soomaaliya.” Tan iyo 2010kii, Wasaaradda Caafimaadka, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda ayaa ka wada shaqeeynayey dadaallo badan oo muhiim ah oo la xiriira nafaqada yaryar, oo ay ka mid tahay in sanadkiiba laba jeer fitamiin A dheeri ah la siiyo carruurta ay da’doodu u dhaxayso 6-59 bilood, nafaqo-yaryar oo badan oo dheeri ah oo la siiyo haweenka uurka leh iyo kuwa carruurta nuujinaya, in qoysaska la siiyo budada nafaqada yaryar ay ku badan tahay, iyo dhiirrigelinta nafaqada yaryar iyo naasnuujinta iyada oo loo marayo barnaamijka Quudinta Carruurta Yaryar iyo Carruurta Roon-roon / Infant and Young Child Feeding (IYCF) programme. Sahanka waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay sii wanaajinta dadaalladan iyo gacan ka geysashada diyaarinta jawaab iskudhafan oo la bixiyo si wax looga qabto yaraanshaha nafaqada yaryar ee Soomaaliya. Maclumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir: Kheyriya Maxamed, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kheiriasom@gmail.com Kun Li, UNICEF Somalia kli@unicef.org, +254 715581365 Barnaamijkani laftiisa ayaa maanta lagu qabtay Somaliland waxana lagula soo dhuuntay xafiiska madaxweyne Ku xigeenka iyada oo mashruucaasi laga hagaayo magaalada Muqdisho, xukumadda hada ee Kulmiye ayaa dad gaar ah ku shaanbadaysa in ay Somaliweyn doonayaa xaga maanta xukumadda Muuse Biixi dhex dabaalanayso mashaariicda laga hagaayo Muqdisho Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-16012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeri ah ka bixiyay weerarkii ay ka geysteen hotelka Dusit ee xaafadda Westland, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen inka badan 47 ruux. Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa saacado kadib ka hadlay weerarka iyo ujeedada laga lahaa, isaga oo sheegay inay ku dileen dad badan oo Kenyan ah iyo ajaaniib kale. Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ugu magac dareen Labeyka Yaa Qudus, islamarkaana laga gaaray guulihii laga doonayay. Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa jawaabta Donald Trump ee aqoonsiga Qudus uu u aqoonsaday caasimada Maamulka Yahuuda ee Israel, isaga oo sheegay inay difaacayaan Shacabka Falastiin. Guuto loogu magac daray Katiibada Saalax Nabhaan ayuu sheegay inay weerarkaasi ka fuliyeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi. Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay warbixinta Cali Dheere, iyaga oo shaaciyay inay soo bandhigi doonaan shirka Jaraa’id ee Cali dheere oo uu xog badan kaga bixinayo weerarka ka dhacay Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Waa Muuse Biixi oo fadhiya balakoonka sare ee Madaxtooyada, waxa la fadhiyey ninka la yidhaahdo Rodol ee duulista iyo Ina Cali bile waxa u yimi Cabdiraxmaan faarax barwaaqo. Barwaaqo: salaan ka dib ku ye. Madaxweyne Indr ma ogtahay in aan saaka awaamiir badan bixiyey oo xagga Warfaafinta ku saabsan. Intaan Muuse jawaabin ayuu hadalkii boobay Rodol. ‘Haa. Anba haddaan u sheegayey waxiyaabo badan oo aan faray dhammaan shaqaalihii hawada qaarna waaban eryey. Hhhhh. Muuse: kkkkkk. Haye waar belaayaa tihiine. Haye. Ina Barwaaqo ayaa ku noqday: Adeero een sannadkaa maanta ah ma jiro weriye kale oo meel kale u shaqaynayaa, innagii bay rabaan inay laba mushahar isku qaataan. Midda kale waxaan aad u daba galnnay warbaahinta oo waxa jira qaar badan oo intaa ina dhalliilaya. Xataa adiga Adeero handaraab ayay kuu bixiyeen. Halkaa markii ay marinayeen ayaa waxa u soo galay Maayirkii Hargaysa. Soltelco: “Bal warrama adeero” waar waa khayre. Dabeed Muuse ayaa yidhi. Maasha allaah war muxuu naaxay ina Caydiid isagoo yar oo qori qallalan ah ayaa iigu dambaysay. Ina Barwaaqo iyo Rodolnna qosol ayay u dhaceen. Kkkkkkkkk waa run intii Siilaanyo ayuu naaxay imikana wuuba ka sii daray. maasha allaah weeye. Muuse ayaa kula sii kaftamay oo adeer maad GYM gashid ama sidayda yara Ororoddid subixii. Kkkkk hhhhh. Soltelco ayaa sii watey: Adeero waddooyinkan badan ee xaafaddeenna ah. Markaa magacyadii ayaa ka dhiman ee maxaynu u bixinnaa.? Muuse Biixi: dee adeer Ehlul -Bayt ayaynu nahaye reereheennaas mid ahaan ugu magac dar. Haye adeero mid waxaan u bixinayaa Abaa Hurayra. Muuse Biixi: waar adeer Abaa Hurayra inaga daayoo isaga qabiilkooda reer DAWS ayaa la yidhaahdaaye, Cali-ibnu Abii Daallib u bixi. Meelo badan ayaynu wax isaga ahayn isagee, miyaanad Shiikh Aadan Siiro ka dhegaysan. Waxa dhashay islaan ayeeyo inoogu beegne. Halkaas markii ay sheekadii maraysay ayaa waxa taleefan la soo baxay Muuse Biixi. Dabeed waxa uu Missed-Call u diray ina Kaahin. Maxamed Kaahin oo ku soo celiyey: hello. War Muuse niyow miyaan teleefanka lacagi kuugu jirin waa maxay Missed-Callkan yar ee catada ahi. Muuse Biixi: waar Maxamed indr mayee kii Sacad Cali Shire ayaan ku idhi inoo dhaqaalee lacagtoo maalintii Hal Dollar ayuu iigu soo shubaa halkiina anoo Farmaajo la hadllaya ayuu iga go’aye. Ii warran.- “dee bahalka Free ayaa laga dhigtaa yaa ku xisaabinaya”. Waar bal horta dee noogu kaalaya halkeennii waannu joognnaa annaguye idinkuun baa naga maqane. Haye. Haye. Dabeeto waxa yimid Maxamed Kaahin oo wata. Ina Gaafaadhi, Hinda, iyo Afartiisii wasiir ee kale. Maxamed Kaahin: Waar bal dalkii ka warrama. Muuse Biixi: waar kuwii oo iska qaylqaylinaya maahane dalku wuu kala socdaaye haye. Bal idinku iska warrama, wlhi waynu dhannahay. Qarankii ma cid baa inaga maqan. Waaba Jeegaantii kulli. Maxamed Kaahin: mayee cid kale inagama maqnee waxa maqan oo keli ah. Labadii reer Sool iyo Labadii Reer Boorame iyo Shukrri Bandare. Ee shirka inoo wada hadhow ayaynu u sheegaynnaa iyagana wixii aynu soo saarnnee. Muuse Biixi ayaa hadalkii qaatay: “Nimanyohow dalkii waakaas oo waynu haysannaa, dadkanina way waalanyihiin oo intaa way buuqayaan, meeshiiba imika wada mucaarad iyo waxbay u eekaatay ee ka taliya. Maxamed Kaahin: waar niyow miyaad waalan tahay waar dadkani way iska hadllaan, imisaa la inagu qaylinayey waxoodu hadalkaas ma dhaafayo ee hawsheenna waynu wadanaynnaa. Dee reeraha kalena cid metasha waayi maynno. Muuse Biixi: haa waar mar haddii aynu haysanno Ina Warancadde iyo Faysal Cali Waraabe. Arrinku waa isku fadhiyaa. Labadaas ayuun baynu Casho u samaynaynaa markaynu wax ka garan weynoo iyagaa shir jaraa’iid taageero ah qabanayee. Halkaas markii ay maraysay ayaa Nuux Taani soo galay. intaanuu hadalkii bilaabin ayaa Soltelco soo booday. Ku ye “Nuuxow adeer meeshan TUKA-RAQ la yidhaahdaa horta xaggay XARAF ka xigtaa, Ina Cali Bilaa igula murmay waa Bari iyo xaggaase.!!! Intii Taani qosol ku maqnaa, ayuu Muuse Biixi dhirbaaxay. BAB. Oo ku yidhi waar naga saara ciyaalkan Adeer miyaanan ku odhan adigu Hargaysa sheekadeeda ha dhaafin….. Muuse Biixi oo Cadhaysan ayaa ku soo gabagabeeyey. Nuux Taaniyow bal niyow Doorashooyin ayaa soo socdee naga war hay dee. Xagga Ammaanka. Dabeeto Shirkii Jaraa’id ee ay Wadajirka u qabteen waxay ka soo saareen warmurtiyeed sidan u dhignnaa. “Hagbbaddu waa laba gacmood Hantidu waa nagu annaga, Xilalka cidda ugu habboon Hayb baa lagu xulanayaa, Kuwaas handaraab leh iyo Ninkii hadlayaa danee, Horaa loo soconayaa.” Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa ka hadlay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay Cali-guley ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, kaasi oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay inuu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si kulul ucambaareeyay falkaan soo laab-laabtay, wuxuuna cod dheer kaga codsaday madaxda qaranka inay Guddi usaaraan arrintaan, si loola xisaabtamo ciidamadii ka dambeeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Share.mp3 The post Waxgarad cambaareeyay weerarkii Kenya ee xarunta Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Munaasabad lagu soo dhaweynayey Dr Axmed Mursi oo ku taqasusay cudarada Haweenka ayaa ka dhacday Xarunta Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ee magaalada Muqdisho. Xafladan oo si heer Sare loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Cisbitaalka, Dhaqaatiir, qaar kamid ah Howlwadeenada Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale. Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Cabdirashiid Maxamed C/laahi, oo madasha ka hadlay ayaa ugu bishaareeyay Haweenka xamaalida ah in muddo bil ah oo Isbitaalka ufidinayo adeegyo bilaash ah. Isaga oo sii hadlaya ayuu Agaasimaha soo dhaweeyay dhaqtarka cusub Axmed Mursi kaasi oo adeegan bilashaka ah ama la’cag la’aanta ah mudada 30 cisho ka shaqayn doono, isaga oo haweenka ugu baaqay inay ka faa’ideystaan. Dhinaca kale, qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa soo dhaweeyay adeegan uu Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ugu deeqay dadka danta yar, kuwaasi oo ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaasi oo uu ugu deeqo bulshada danta yar oo ay inta badan horay uga faa’iideesteen dadka aan awoodin qarashaadka. The post Isbitaalka Somali Syrian oo daahfuray adeegyo bilaash ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
President Bihi of Somaliland President Farmajo of Somalia Two Pictures Showing The Reality In The Horn Of Africa. These two pictures are of President Muse Bihi Abdi of Somaliland and the head of the federal entity in Mogadishu, Mr. Farmajo. Both men are in vehicles. President Muse Bihi is in a normal car driving through the streets of Somaliland, meanwhile, Farmajo is in an armored military vehicle. President Muse Bihi is standing clear for all to see, whilst Farmajo is covered head to toe in armored uniform. President Muse Bihi is being guarded by Somaliland officials, on the other hand, Farmajo’s bodyguards are entirely AU forces. Therefore, the question is, which one of these men was elected directly by his voters? Which one is the democratically elected leader? And which one is hiding behind outside forces? These two pictures clearly display the distance between Somaliland and Somalia. It is not a gap that can be easily bridged. Somaliland is built on dialogue, discussion and consensus. The people of Somaliland are united in their determination for sovereignty and fully support the reclamation of independence. Although, Somaliland still has some way to go in terms of fully mature democracy, it is nevertheless in a better position than many places in the Horn of Africe, the rest of Africa and even the Middle East. Somaliland enjoys de-facto status with regard to its relationship with the international community and in the fullness of time will attain de-jure recognition. Somaliland is a strong believer in the old proverb “learn to walk, before you can run”. We do not complain to sovereign nations or international bodies about “who got what in the region” or “who did what”. With great maturity, we debate the issue. What has occurred? What are reasons behind this matter? What can do or say about the matter? And so on. It is this kind of free and frank debate, that has made Somaliland, Africa’s Best Kept Secret. But, not secret for long. The international community has finally realized that after billions of dollars spent, and all manner of assistance; politically, Somalia is a lost cause. No doubt the ordinary people of Somalia are grateful for and worthy of all the assistance offered to them by the UN, EU, AU and other international organisations and nations, but it’s political leadership is both morally and intellectually bankrupt. This has dawned on the international community after the fiasco of the United Nations representative, Nicholas Haysom’s, undignified and diplomatically incorrect expulsion, along with the events in Baidoa, that nothing will ever change in Somalia. It is the same old same, with just new faces. The bereft of leadership in Somalia is encapsulated by the meeting held in Villa Somalia, Mogadishu, to discuss the response by the visit of UK Defence Secretary, Gavin Williamson’s historic visit to Somaliland. The Somalia PM, a neophyte in terms of politics and international diplomacy advocated the severing of ties with the UK and the UN. The very same UK and UN that keep the weak federal entity in place in Mogadishu!. Ergo, if Farmajo makes this fool his PM, then surely, he deserves to be driven around in an armored military vehicle. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari nooca ay Soomaalidu utaqano Qooqanta oo wadada marayay. Ugu yaraan hal askari oo qaybta dambe ee baabuurka saarnaa iyo qof shacab ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu leeyahay mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan oo kusoo aadaya xili amniga Muqdisho si wayn loo sugayo. The post Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayo munaasabad maanta lagu caleema saareyay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameeyay balan qaad cusub oo ku aadan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda dhexe ay wada shaqeyn wanaagan la yeelato dowlad goboleedyada, waxa uuna intaas ku daray in loo baahanyahay in si wadajir ah ay danaha shacabka Soomaaliyeed uga wada shaqeeyaan. “Waxaan balan qaadayaa in xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed aan la yeelan doono maamul goboleedyada, wayna ii muuqataa in xiriirka uu soo hagaagayo” ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si buu yiri loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Balan qaadkaani cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ifafaalo wanaagsan ka bixinayaa xiriirka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-16012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland. Barnaamijkani oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakare waxaana kamid ahaa hadaladiisii “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani qusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-deenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, inshalaah waxaanu qaban doonaa kulan noocan oo kale ahna ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka”ayuu yidhi Dr. Sakariye. Marwo Amaal, Dr.Adna Aadan Ismaaciil,Wasiirka Beeraha Somaliland,Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF ayaa dhamaantood ballan qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani. Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudabd ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadisata cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaaij weyn oo waxtar leh,waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi,waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu galabta baadhis deg-deg ah ka bilaabey dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana waxaa uu albaabada iskugu dhuftey oo uu qufushay dhammaan xafiis-yada uu baadhista ka bilaabaayo Hanti dhawraha guud oo warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay in uu baadhis buuxda ka bilaabay xarunta dawlada Hoose ee Hargeysa. Goor Dhaw La Soco Muuqaalka Warkan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey. Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka. Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda, islamarkaana uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii ay la lahaayeen dalalka Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia. Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, isla markaana uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Hotelka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadhiga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, hayeeshee ana weli lama cadeyn in uu ku xidhnaa qaraxa iyo in Wadada uu ku aasnaa. Qaraxa kadib ayaa Gaadhiga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cida saarneyd gaadhigaas iyo khasaaraha ka dhashay, hayeeshee waxaa goobta gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Source
-
The United Nations Children’s Fund (UNICEF) and Somali health ministry on Wednesday launched the first major nutrition survey in the country since 2009. Both the ministry and UNICEF said in a joint statement issued in Mogadishu that the Somali National Micronutrient Survey will be carried out in the next four months. Fawziya Abikar, minister of health, said they will be collecting data related to micronutrient at the household level that will help them better understand the health and nutritional status of children and women in Somalia. Jesper Moller, UNICEF Somalia acting representative, said the nutrition survey represents a major step forward towards improving the health and nutritional status of the country’s children and women. “We feel very honored to be part of the process. We call on all health partners to continue investing in data collection to help us accurately assess and respond to the health and nutritional needs of children,” said Moller. “By doing so we help build a stronger and healthier workforce and economic foundation for Somalia,” he added. The post Somalia, UN agency launch major nutrition survey for children, women appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya. Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi. Source
-
(SLT-Muqdisho)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalkaasi Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya. Sgaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Source