-
Content Count
211,346 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo ay sanadkan u fariisanayaan ku dhowaad 40 kun oo arday, kuwaas oo kala joogaa caasimadda iyo gobollada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay habka ay u socata howsha imtixaanka ee ay waddo Wasaaradda Waxbarashadu, wuxuuna ardayda kula dardaarmay ardayda inay dadaalaan oo ay imtixaanka si feecan uga shaqeeyaan, ayagoo faray howl-wadeenada iyo kormeerayaasha Wasaaradda inay adkeeyaan masuuliyadda adag ee ilaalinta imtixaanka. Sidoo laamaha nabad-galyada ayuu faray inay xoojiyaan ammaanka iyo bedqabka ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka ka shaqaynaya oo ay ku dadaalaan inay howshaasi ay si nabdoon ku dhammaato, loona fududeeyo ardaydu inay imtixaanka si dhib yar ku galaan. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ayaa saaka si rasmi ah uga billaabmaya Muqdisho, koofur galbeed, Jubbland, Hirshabelle, Galmudug, iyo Khaatumo, ayadoo dhanka Soomaaliland-na in ka badan 37,000 kun oo arday ay isla maanta u fariisanayaan imtixaanka dugsiyada dhexe iyo sare. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadhaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khudbad ka jeediyay kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo waxa ay ka dhigan tahay in imtixaanka qaran lagu galo degmooyinkii la xoreeyay. Ugu horreyn wasiirka ayaa u jawaabay dad uu sheegay inay ka xun yihiin horumarada laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, wuxuuna ku eedeeyay inay mar walbo niyad-jebinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, iyaga oo baraha bulshada ku faafinayo warar been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay. Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dadkaasi oo uusan cararb baabin in ay ka xun yihiin horumarka maanta la gaaray, maadaama degmooyinkii la xoreeyay maantadan la geeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo qay qaadeyso dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa meesha ka saaray in inta badan dib loo qabsaday deegaanadii iyo degmooyinkii lagu xoreeyay wajigii koowaad ee ay dagaalka Al-Shabaab. “Waxaan aragnaa baraha bulshada iyo meelaha doodaha ka furan yihiin deegaanadii la xoreeyay Al-Shabaab ayaa dib u wada qabsaday. Hadda oo idinla hadlayo Ceeldheer imtixaan gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo tobanaan sano kahor ugu dambeysay ayaa ka socda, Aadan Yabaal 700 oo arday ayaa iyaguna imtixaanka ku jirto” ayuu yiri Jaamac. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaaraayo maxaa looga xanuunsanaa? maxaa loo jecelyahay in cadowga uu ina qabsado?”. Wasiirka gaashaandigga oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale boggaadiyay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab la diriraya, wuxuuna ku amaanay halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. “Maanta furimaha dagaalka wiilal iyo gabdho ayaa ku ciiday oo ilmahooda iyo waalidiintooda ka fogaaday”. ayuu mar kale yiri wasiirka gaadhaandhigga. Waxaa kale oo uu kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed wuu dhaqaaqay, tareenkiisana wuu dhaqaaqay ciddiika hartay nasiibkeed, horay ayaan usoconeynaa Shabaab ayaa dhameyneynaa”. The post Maxay ka dhigan tahay in imtixaanka DF lagu galo degmooyinkii la xoreeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka. Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin. Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars. Dhanka Ruushku roobabkii xagaaga ayaa sii burburiyay wadooyinki liitay oo dhiiqo noqday, kadibna waxaa hoos udhacay jaanqaadkii ciidanka iyo fardihii oo cunay cows uu cayayaan kujiray. Taasi waxay sababtay in ay dhintaan 10 kun oo faras iyo cuduro ciidanka dilay. Reer baadiyihii Ruushka waxay gubeen wixii ay cows iyo raashin haysteen. Fardooleydii baadiyaha Ruushka loo yaqaanay Cossacks waxay maalintii kudhufo-kadhaqaaq kudili jireen 900 askari. Calaa kulli xaal Napolean wuxuu islahaa ciidanka rasmiga ee Ruushku, magaalada Smolensk ee Moskow u jirta 100km ayay kugula dagaalami doonaan, mise magaaladii waa gubeen, waana u baneeyeen. Borodino oo ah duleedka Moskow, ayay dagaal adag kula galeen Ruushka, kadibna Moskow intii ay dab qabadsiiyeen, tuubooyinkii biyahana xireen, ayay uga baxeen. Halka Napoleon islahaa calan-cad iyo caleemo ayaa lagugu soo dhaweyn, magaalo gubaneysa oo hal nafar joogin ayuu qabsaday isaga iyo ciidankiisi oo ay kasoo hareen 100 kun askari. Shan maalin markuu Moskow oo gubaneysa ku sugnaa, ayuu 19 October 1812 go’aansaday inuu dib isaga noqdo. Waxaa jidka u galay fardooleydii Cossacks, ciidankii Faransiiska ee bilowga ahaa 650 kun askari, waxaa la xusaa 25-kun ee kasoo badbaadday dagaalka Ruushka, in ay qaarna dhinteen, qaarna curyaanimo iyo cuduro la jiifeen muddo. Napoleon jabkaas dib ugama soo kaban, Ruushkuna waxay noqotay qabriga xukunkiisa, kadibna waxaa loo tarxiilay jaziieradi Elba. Hadda waxan la nool nahay dhacdadaas mid lamida oo waliba ka qaab iyo qorshe liidata. Dagaal u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh keligii iyo kooxda Alshabaab ee cadow ku ah Soomaali oo idil. Wuxuu xukunka qabsaday bilaa qorshe iyo aragti la’aan uusan wakhti u helin una heyn, loona abuurinba inuu wax nidaamsan la yimaado, waayo Madaxweynaha waxay xiiqdii iyo dacaskii kaga soo dhamaadeen mucaaradnimadii Marinaayo, ee Madaxweynihii hore Farmaajo oo dalka qarka usaaray dagaal sokeeye. Waxaa uun safarkiisi 21 Juun 2022 laga warhelay kaambeyn dagaal, 10 cisho kadib caleemo saarkiisa isagoo Abu-Dabi la fadhiya Maxamed Bin Zayed iyo 2-3 July Ankara isagoo la jooga MW Erdogan oo haddana khudbo u akhrinaya ciidan-arday kujira xero Sparta kutaal, lacagna u qeybinaya! Waagaas Madaxweynuhu, sidii Profosoor jaamacad cashar ka akhrinaya wuxuu usheegayay Soomaalida iyo dunida labo kalmadood oo aad moodday inuu markaa bartay; xakameyn-iyo-hoos-udhigid argagaxisada (containment iyo degrading). Wuxuuna afka kasheegay inuu watto siyaasad kudhisan tirtirid, feker kala dagaalamid iyo cunaqabateyn dhaqaale. Uma qorneyn mana haysan Madaxweynuhu wax kabaxsan micneynta kalmadahaas af-ingiriisiga ah oo ula muuqday casharadii uu kadhigi jiray jaamacaddii Simad. Majirin qorshe mideyn siyaasadeed, mid istiraatiji dagaal-ciidan, mid juquraafi, mid mukhaabaraad, mid taaktiik, mid howl-galeed ama kaambayn guud oo dalka, dariska iyo dibadda u dajisnaa, waa uun iska hadaafayay sida uu Mall-ka BBS ee Nairobi udhex hadaafayay oo kale. Iska hadaafidaas ayaa lagula jalbooday, ciddii si macquula u dhaliishana jigraar iyo tuhun argagaxisnimo ayaa lagu shaabadaynayay. Waa dhaqan lamid ah midkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo NN-tiisi dalka ku hayeen, cidii kaa feker duwan shaabadee, cayayaan kukici, dalgal ama safar udiid, dalka dhan kadhig dukaan-xaafadeed (corner shop) adigu leedahay oo dollarka carabta lagu sarifo. Iyadoo qorshe-xumadu sidaa tahay, ayuu haddana Madaxweynuhu helay ciidamo 5000 si adag loogu soo tababaray Eriteria, Danab, Gorgor, Haramacad, Macawiisleey, dhowr kun oo loo kala diray Uganda, Masar iyo Eriteria. Inkastoo sida magacyadu ay ugu egyihiin bahallo, aysan ciidamadaasi disibilin iyo kala danbeyn uga dhex jirin, loona sameyn, balse loo sameeyay in dadka lagu waabsado, baraha bulshadana lasoo dhigo iyagoo ku fiican sida loo dhaanteeyo ama heeso uun loo qaado. Haddana, sidaas oo ay tahay, waxaa la qiyaasaa iskudhaf ciidan dhan 30-40 kun askari inuu Madaxweynuhu haystay, markaana Alshabab waxaa lagu qiyaasi jiray 7 kun. Alshabaab waxay go’aansadeen qorshe ah in aysan gelin dagaal fool-ka-fool ah, una dagaalamaan sidii Ruushku ula dagaalameen Napolean 1812, oo ah u firaaqee, gub meel walba, kadibna kudhufo-kana dhaqaaq. Xusuus dhow waa xasuuqii ka dhacay Cowsweyne, Masagawaa, Budbud, Wabxo, Galcad, Galhareri oo illaa hadda dadka laga qariyo. Ciidankii Gorgor ee ugu hubka iyo tababarka fiicnaa intoodi badneyd waxay ku la’deen Cawsweyne, qaarna firxadkiisi Yurub ayay qaxootinimo isaga dhiibeen. Kuwii Ariteria-na waaba la xasuuqay. Maanta sida ka muuqata video-yada dhoolatuska AS iyo warbixinada caalamiga ah iyo walwalka Pentagon, kooxda argagaxisada waa ka hub badan yihiin, waa ka tababar iyo tayo fiican yihiin, waana ka disibilin wacan yihiin sidii hore. Su’aashu waxay tahay Madaxweyne XSM ma isagaa AS ku sameeyay (containment iyo degrading) mise isaga iyo Ciidankii Xoogga Dalka ayaa sidaas lagu sameeyay? Mise qorshuhuba sidaas ayuu ahaa oo uu rabay? Madaxweynaha iyo kooxdiisa DJ (Dam-Jadiid) waxaas oo dhan dan kama laha, waxaana siyaasad, qorshe, diblomaasiyad oo dhan loo fahmay “loo joojin maayo”. Sidii qolodii hore NN, kalmadaas siday ugu hayeen ugu danbeyntii bohol kadhacay. Wuxuuse qolodan danbe, uga sii liitaa markii uu ka adkaan waayay kuwii joogay dhulka dushiisa ee shiddada ku hayay dadka iyo duunyada, wuxuu udhacay lafihii marxuumiinta dhulka hoostiisa kujiray!. Waxaana walwal ba’an laga qabaa Soomaaliya in ay ka dilaacdo wixii Edinburgh-UK ka dilaacay sanadkii 1832 ee ay bilaabeen William Burke and William Hare, loona yaqaanay Burking, oo ah in lafaha dadka geeriyooda laga beecmushataro, xubnahoodana la iibsado, ganacsi-cusub Intaa waxaa dheer, in Madaxweynihii 2022 lahaa waxan AS kusoo afjareynaa 2 usbuuc, uu Oslo Forum 11 Juun 2024 kacadeeyay inuu isdhiibay, kana adkaan waayay AS oo uu diyaar uyahay maanta iyo barriba laxaajood AS, waliba sedexda dal (Qatar, Norway iyo Finland oo mashruucan watta) ka dalbaday in ay kasoo dhaadhiciyaan AS wada-hadlid!. Arrintan oo jugweyn ku ah qof walba oo suud-siyaasadeed usoo toshay ka ceyshidda Soomaaliya, gaar ahaan labada koox DJ iyo NN iyo inta la halmaasha ee iyagu ka beecmushtarayay 15-kii sano lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya ee kudhisan Petrodollar-ka Carabta. Waa yaabe, haddan Soomaali nahay manoo bidhaami weyday caqliyad aan labadan qolo aheyn? Yurubiyaanku markii ay u taag-waayeen waalidii Napoleon oo ciidamadii Faransiiska ugu badnaa xasuuqay, waxay waalidiisa isaga soo xireen, kuna soo afjareen Jazeeradii uu 1821 kudhintay. Laakin dadka dunida jooga waxay u akhriyaan inuu ahaa halyeey taarikhda Dunida galay, xaqiiqduna waa inuu faashil ahaa, dunida dad badan xasuuqay sidii Hitler. Inaga hadda yaan u duceynaa oo inaga qaban kara Dr. Madaxweyne Xasan Shiikh inta uusan isku ceejin xariga qoorta u suran ama aysan isaga kuceejin Soomaalida dhulka dushiisa saaran iyo kuwa dhulka hoostiisa kujira? Kadibna, markaan dowlad noqono oo yara weynaano waxan dunida u akhrineynaa inuu Dr. Madaxweyne Xasan Sheekh halyeey ahaa!. Laakiin nasiib darro Soomaaliduna ilbax uma aha sida Yurubiyaanka, Dr. Xasan Sheekh istiraatijiiste uma aha sidii Napoleon, laakin waxaa hubaala inuu XSM u halaagay ciidamadii Soomaalida sidii Napoleon u halaagay ciidamadii Faransiiska. Madaxweynow, askari aabihii ka horreeyay ciidan ahaa oo aad qabrigii aabihii qodaneyso, sidee qori kuugu qaadayaa? Ilaahay ha xifdiyo Soomaali, danahooda ha u tuso meel walba oo ay dunida ka joogaan. W/Q: Luqmaan-Xakiim Xuseen luqmaanxakiimxuseen99@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Madaxweyne Xasan xariga uu qoorta isaga xiray, inta uusan isku marjin, yaa ka furaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga kama dambaysta ah ee ay ciidamada midowga Afrika ee loo yaqaanno ATMIS dalka ka baxayaan, asagoo lagu badeli doono howl-gal kale oo ay ciidan shisheeye oo tiro yari goobaha qaar ee muhiimka ah ku sii joogi doonaan. Codsi arrintaas oo saabsan oo ay dowladdu horey u gudbisay ayaa waxaa si aqlabiyad leh u oggolaaday golaha ammaanka ee midowga Afrika, ayagoo sheegay inay si buuxda u aqbaleen dalabka Soomaaliya ee la xariira bixitaanka ciidamadan ku dhowaad 20-ka sano ku sugnaa dalka. Danjiraha Soomaaliya ee midowga Afrika Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa sheegay in la gaaray xilligii ay ciidamada ATMIS dalka ka bixi lahaayeen, islamarkaana Soomaaliya ay nabad-galyadeeda ku filantahay, asagoo xusay xilliga askariga ugu dambeeya ee ciidankaasi uu bixi doono. Danjiraha ayaa tibaaxay in bisha December ee sanadkan 2024 ay ciidanka ATMIS gabi ahaantooda dalka ka bixi doonaan, asagoo intaa ku daray in askar tiro yar oo Midowga Afrika hoos tagaahi at goobaha qaar sii joogi doonaan in la soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay sii xoogaysanayso saameynteeda dublamaasiyadeed, nabad-galyaduna ay soo hagaagayso. Source: goobjoog.com
-
Sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta. Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil uu arkay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga intaasi ka dibna waxaa dhacday in uu u sameeyay gurmad. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Galmudug ayaa bilaabay in uu tilaabo ka qaado dadka sida sharci daro ah dhuxusha uga shida dhirta deegaanada gobolka Mudug ka dib markii dhawaan wareegto kasoo baxday lagu mamnuucay. Gudoomiyaha deegaanka Dowgaab ee gobolka Mudug Maxamed Axmed Sheekh Cusmaan iyo laamaha amniga deegaanka ayaa gubay qoryo si sharci daro ah looga soo guray deegaanka oo horay looga joojiyay. Maamulka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay kooxdii jartay dhirta la gubay, waxaana dhawaan la horkeeni doonnaa sharciga. Deegaanka dowgaab ayaa waxaa mamnuuc ka ah jarista dhirta iyo Xaalufka degaanka iyadoo Gaadiidleyda looga digay inay qoryo ama dhuxul ka sameeyaan Degaanka, ciddii lagu arkana tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Maamulka gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo looga hortagayo xaalufka deegaanka, iyadoo gacanta lagu dhigay dad badan oo dhuxul ka sameeyay dhirta markii ay jaraan. Source: goobjoog.com
-
Dabley hubaysan ayaa lagu soo warramaya in ay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed ay ku dileen xalay degaanka Kalabayr Gobolka Nugaa. Kalabayr waa deegaan u dhexeeya Garoowe iyo Buurtinle islamarkaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe. Sida ay Goobjoognews u sheegeen dadka deegaanka ganacsadaha la dilay ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga shaqeyn jiray horumarinta bulshada deegaanka Jalam. Dilka ganacsadaha ayaa salka ku haya arimo la xariira anooyin qabiil. Kooxdii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta si nabad ah uga tageen. Ciidanka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha dilay ganacsadaha. Source: goobjoog.com
-
Danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, waxay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada. Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale. Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen. Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada. Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub. “Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri. Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda. Iyada iyo saaxibadeeda shaqada, waxay si gaar ah isha ugu hayeen dhirta uu sida gaarka ah u cuno chimpanzeega dhaawaca ah ama midka xanuunsanaya, dhirtaas oo ah kuwa aysan hore u cuni jirin. “Waxaan baaritaan ku sameyneynay hab-dhaqanka iyo tuhunka ah ah in laga yaabo in dhirtu dawo tahay ayay tiri” Dr Freymann. Waxay arkeen mid kamid ah xayawaankaasi oo dhutinaya isla markaana raadinaya geedka loo yaqaano ferns. Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale uruuriyeen oo ay falanqeeyeen geedka nooca Christella parasitica, kaas oo isna leh maaddo yareysa xanuunka. Guud ahaan, baarayaashu waxay soo uruuriyeen 17 tijaabooyin oo lagu sameeyay 13 geed oo kala duwan, waxaana loo diray Dr Fabien Schultz, oo ka howl gasha jaamacadda Neubrandenburg ee dalka Jarmalka. Baaristaas waxaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 90% ee dhirtaas ay leedahay maaddo ka hor tagta bakteeriyada isla markaana ay yareeyaan xanuunada. Ma uusan isticmaaleyn gacanta si uu u lugeeyo, wuu dhutinayay,” ayay tiri. Iyadoo inta kale ee kooxdan xayawaannada ay ag fadhiyeen oo ay wax cunayeen, daanyeerka dhaawacan ayaa dhutinayay isagoo raadinayay dhir. “Wuxuu ahaa kan keliya ee raadinayay ee cunayay dhirtaas.” Baarayaasha ayaa dhirtaas soo qaaday oo baaritaan ku sameeyay. Waa dhir lagu magacaabo Christella parasitica, taasoo la ogaaday inay tahay qallajiye xooggan. Guud ahaan, baarayaasha ayaa ururiyay 17 nooc oo 13 dhir kala duwan laga soo qaaday waxayna u direen inuu baaro Dr Fabien Schultz, oo ka howlgala Jaamacadda Neubrandenburg ee jarmalka. Waxay natiijadu sheegtay in ku dhowaad 90% dhirtaasi ay bakteeriyada ka hortagaan, halka saddex meeloodna ay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo qallajiye ah, taasoo micnaheedu yahay inay yareyn karaan xanuunka ayna bogsashada wax ka taraan. Dhammaan daanyeerrada dhaawacan iyo kuwa xanuunsan ee lagu sheegay daraasaddan ayaa si buuxda u caafimaaday, iyadoo Dr Freymann ay ku faraxsaneyd. “Kii cunay dhirta ayaa isticmaalayay mar kale gacantiisa maalmihii yaraa ee xigay,” ayay tiri. “Dabcan, ma caddeyn karno 100% in kiisaskan ay yihiin natiijada tooska ah ee ka dhalatay cunidda kheyraadkan,” ayay u sheegtay BBC. “Balse waxay diiradda saartay aqoonta caafimaad ee laga dhaxlay u kuurgelidda dhirta kale ee keymaha.” Ayay tiri. bbcsomali Qaran News
-
Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaliya, kaas oo sanad waliba wasaaraddu qaado. In ka badan 37-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, SCC Khaatumo, Hirshabeelle iyo Jubbaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland. Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo saartay digniino kala duwan oo ku saabsan ilaalinta anshax Imtixaanka iyo hanaanka saxda ah iyadoo sanadkaan Imtixaanka laga ilaaliyay in uu banaanka u baxo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare. Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. “Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa. “Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku. Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”. Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira. The post Ardeydii ugu badnayd oo u fariisatay imtixaanaadka dugsiyada sare + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay Soomaaliya ku doonaysay in kaddib bixitaanka ciidamada ATMIS la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dowladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada. War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midawga Afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu aqbalay soojeedin Soomaaliya ka timid oo ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo kutalogalkeedu uu yahay 2 kun askari oo dhammaadka June baxaysa, iyo 2 kun kale oo dhammaadka September noqonaysa. War saxaafadeedka ayaa waxaa lagu ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaalladan. Waxyaabaha lagu ammaanay dowladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo ansixiyay in Hawlgal Nabad Ilaalin ah la keeno Soomaaliya kadib bixitaanka ATMIS appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran. “Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku” Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 appeared first on Puntland Post.
-
Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta. Sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga. Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. PUNTLAND POST The post 68 tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay jasiiradda Canary ee badda Atlaantigga appeared first on Puntland Post.
-
Fowziya Yuusuf Xaaji Aden waa gabar karti badan oo xilal qiima badan ka soo qabatay dalkaan, waana ka soo dhalaali karta xil kasta oo ay qabato mid qaran iyo mid caalamiba. Kurisiga AU waa kursi muhiim ah oo dalka ay dano badani ugu jiraan, waana mudan yahay in loo tartamo, laakiin akhriste dalku wuxuu leeyahy hortabyo qofka ka muhiimsan kuwaas oo la rabo inay dowladda iyo dadkaba ay qimeyn karaan. Waxaa baraha bulshada iyo shir jaraa’id oo Marwo Fowziya qabatay ka muuqday inay arrinkan shakhsiyadeynayaan siyaasiyiin la hubo inay runta iyo xogta dhabta ah ee arrinaan ay ogyihiin, laakiin dano siaasadeed oo tii naga dhaxesay ee ka dalka uga sokeeya iyaga ka dhex arkay. Madaxda dalka waa aamninsan tahay inay u qalanto jagadaas ay hadda daba joogto ee Xoghayaha Guud ee AU xildhibaan Fowziya. Laakiin waxaa masakaxshiil iyo maanka oo si qarameysan loo gedgediyo u baahan inaan dhinacyo badan ka fiirinno fursafaha iyo caqabadaha ku gadaaman kuisgaan kuwee badan? Jagada waxaa xogahaya guud ee African Union, waa jago muhiim oo siyaasadeed oo cid walba oo codkeeda ku siineysaa kaa sugeyso inay wax kaaga badalato ama aadan ku dhibeyn marka aad qabatid ama aysan idinka dhaxeyn colaad kale. Haddaba, ma jiraan caqabadda keeni kara inay kursiga naga hor joogsadaan marka aynu isu soo taagno kuwaas oo aan xuman ahayn laakiin dano daleed ah oo keeni kara inaan ku guuldarreysanno, kadibna ay nooga yimaadaan dhibatooyin waaweyn oo dalkeena jiritaankiisa saameya, in dalka lakala gooyo? Haa waxaana ka mid ah: Qodobka kowaad: Soomaaliya waxaa jooga ciidan ka kooban 12 dal oo Afrikaan ah oo taageera dowladda Somaliyeed taas oo ay waddamada qaar u arkaan inaadan ka noqon karin dhexdhexaad go’aanada qaar ama uu go’aankeennu uu noqdo mid jilicsan ama jihaysan oo janjeer leh. Taas waxay noo keeni kartaa inaan kuriska weyno oo waddamada nala tartamaya ay doodooda ku dhisaan qodoobkaas, codkana aan ku weyno. Qodobka labaad: Waxaa qeybsamaya codadka dalalka Afrika, taasina ay hiil u noqoto inuu soo baxo qof annaga dhib nagu ah kaas oo la hubo inuu noqon doono qof saameyn ku dhex golaha, kadibna dhiirrigelin kara inuu wax ka badalo qodobka midnamadeenna ilaaliya hadda oo ah “In xuduudaha Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysiga uga tagay.” Waxaana ka mid shakhsiyaadka qaba in Soomaaliya la kala gooyo oo musharraxa ruug caddaaga reer Kenya ee Raila Odinga oo ah tartame dalkiisa iyo isgaba ay cukus yihiin ah. Halkaan ka daawo isago leh Soomaaliya waa in la jaraa https://saxafimedia.com/raila-odinga-somaliland-quest-recognition/. Qodobka seddexaad: Waxaan Afrika codsannay inay nagu taageeraan kursiga xubinimada aan joogtada ee golaha ammaanka kaas oo wax badan ka awood badan kan AU-da, waxayna siyeen dhamaan codadka AU. Ogow taas hadiyad Soomaali lala jeclaaday ma ahayn ee waxay ku timid dadaallo siyaasadeed oo isdaba texnaa, waxaana ka mid ahaa in wax na lookaga badasho oo aan ka harno kursigan AU, walow aan hadda kor lo sheegeyn. Haddaba dadka maanta rabaa inaay arrinkaan ka dhigaan mid gabar iyo qof gaar ah loogu dan leeyahay waa doqonimo weyn oo u baahan in dib loo eego galalkooda taariikheed dadka ku doodaya arrimahan oo uu Fahad Yasiin ka mid yahay. Ugu dambeyn dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa inaysan fududeysan inuu kursigaan yimaado ruux raba inuu Soomaaliya kala gooyo si awooddeeda daleed loo wiiqo. Sidaas darteed, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyed waa inay qaataan go’aan ay caadifadda ka maran tahay oo ay Soomaaliya ka tanasushaa kursiga AU codkeedana ku biirisaa musharraxa dalka aan walaalaha nahay ee Jibuuti oo mar waliba u taagan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa wasiirkiisa arrimaha dibadda ee Djibouti muddo 15 sano ah Maxamud Cali Yuusuf. Ogow Musharraxa reer Djibouti, waxaa uu heli karaa codadka Afrikaanka ku hadla luqadda Faransiiska oo tiradoodu badan tahay iyo kuwa ku jira Jamacadda Carabta, laakiin haddii ay Soomaaliya tartanto waxay kala qeybin kartaa codadkaas waxaana si fudud ku soo bixi kara Raila Odinga oo la hubo inaan maalin ka shallaay doonno haddaan caadifad ku shaqeyno oo aan xisaabta dhinac fiican manta la eegin. Dowladda waxay sameysay dadaal aad u weyn sida ay Fowziya ku sheegtay shirkeeda: 1- Inay waraaqo u qirtay 50 dal oo Afrikaan ah, hal dal oo kaliya ayaa ku soo jawaabay inay codsigeenna texgelin doonaan. 2- Qiimeyn ay dowladda sameysay waxaa u soo baxday kursigii Golaha Amaanka ka dib inay xaalado badan is badaleen. 3- Tartan oo markii hore ay Kenya Raila soo sharraxatay ma jirin waddo ay Soomaaliya ku ogolaan kartay inay Raila taageerto, waxayna soo shaarxday Marwo Fowziya laakiin markii ay Jibuuto soo dhigtay Muasharaxeeda ayaa waxaa dowladda u soo baxday inay codadka kala jabi karaan oo uu Raila heli karo fursad uu ku soo baxo. Marka dadaalkaas dheer ayey dowladd u gashay kursiga kadibna ay u aragtay inuu Soomaaliya danaheeda dhaawacayo. Gabagabadii walaasheen Fawziya waxaan ka sugeynay inay tiraahdo waan u tanasulayaa dadkeyga iyo midnimada aan weligey u taagnaa waxaana la ololeynayaa walaakey Maxamud Cali Yusuf oo codadkeyga ku biirinayaa. Sabatuna waa tan: Fowziya waxay noqon lahayd halyeeyad mustaqbal hogaamineed u soo istaagi karta dalkan waa qof qaadan kara go’aan kharaar waayo waxay leedahay taariikh mug weyn leh oo ay ka dhaxashay laba waddani oo ay guri kula noolaatay Gen. Abukar Aftooje iyo xurmadle Yuusuf Xaaji Allah ha u naxariistee oo maanta haddii ay joogi lahaayeen ku oran lahaa Fowziya ka joog waa siriq iyo booraan hadimo oo noo soo dhuman karta keenina karta waxaan u noleyn inay halkaas ka baxaan taas oo midnimadii aan u so halgannay. W/Q: Cabdiraxmaan Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Fowziya iyo kursiga AU-da – Maxay tahay xaqiiqda? appeared first on Caasimada Online.
-
Canary (Caasimada Online) – Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay illaa 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta, sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga. Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal. The post Ku dhowaad 100 tahriibe oo laga soo badbaadiyay badda Atlaantiga appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Israa’il ayaa duqeymo culus Jimcihi ku garaacay degaanno ka tirsan koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 45 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka Gaza. Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamada Isra’il ay labadi maalin ee lasoo dhaafay xoojiyeen duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee Rafax, halkaas oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan. Ciidamada Isra’il ayaa weerarka Rafax billaabay horraantii bishi May, waxay qabsadeen waqooyiga, koofurta, iyo bariga, iyaga oo hadda kusii siqaya dhanka galbeed. Rafax oo bilooyin ka hor aheyd hoyga in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin u badan qaxooti iyo barakac, ayaa hadda u muuqata mid haawaneysa. Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in dad lagu qiyaasay 100 kun ay ku hareen Rafax, iyadoo dadka intiida badan ay u barakaceen dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka ee Gaza. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasiyiinta Isaaqu iyagaa Somaliland Dhibaato ugu filan. 1》AHUN madaxweeyne Cigaal 1991 wuxu ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Jabuuti ee lagu dhisay “Dawladdi Manifesto” taasi oo AHUN Cali Mahdina loogu doortay madaxweyne, halka AHUN Cumar Carte Qaalibna loo doortay Raysal Wasaare, dabadeedna, Cumar Carte u magaacabay Cigaal wasiirkiisii Ganacsiga. 《1.1》1993 ayeey Cigaal iyo Cumar Carteba Somaliland ku soo laabteen. —Weliba intaanu Cumar Carte dalka ku soo laaban, intuu diyaarad shakhsi ah ka qaatay sucuudiga ayuu AHUN Siyaad Bare Nigeria ugu tagay, halkaasna lacag ugu geeyey. 《1.2》Cigaal iyo Cumar Carte shirkii Borama ee 1993 ayey xilkii Madaxweynanimo kula tartameen AHUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa madaxweeynihii u horeeyey ee Somaliland. 《1.3》 Guuldaradii kadib, Cabdiraxmaan tuur iyo Wasiirkiisii Maaliyada AHUN Ismaaciil Hure Buubaa waxay ku biireen “Dawladdii Salbalaadh” ee Itoobiyaha lagu dhisay, taasi oo Caydiid madaxweyne ka noqday, halka ay Madaxweyne ku xigeenana ka noqdeen Cabdiraxmaan Tuur iyo AHUN Maxamed Faarax Cabdillaahi (Xasharo) oo reer Borama ahaa. 2》AHUN Maxamuud Cabdillahi Sifir oo ahaa Xoghayihii Arimaha Dibeda Xisbiga Kulmiye 2003, kadib markii Xisbigii UDUB helay doorashadii madaxtooyada ee 2003, wuxu iska dhiibay Xamar, isagoo noqday Raysal Wasaare ku Xigeen. 2010 markii Kulmiye xilka ku guuleystana wuxu ku soo laabtay Somaliland, waxana loo magacaabay Safiirkii Somaliland ee Kenya. 《2.1》Intaa waxa dheer in 2005 markii Doorashadii Baarlamanka Somaliland la qabtay, waxa Madaxweyne Daahir Rayaale lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo Gollaha Wakiillada Ingiriiska (house of commons), dabadeed wuxu ka codsaday wakhtigii Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyo Ku xigeenkiisii oo London joogay wakhtigaas —Waa Madaxweyen Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixiye— inay u raacaan madasha. Labadooduba codsigii Madaxweyne Rayaale way ka muquurteen, iyadoo weliba maalmo kadib Siilaanyo wareysi uu siiyey idaacadda BBC ku sheegay in qorshihii SNM aanu aheyn inay ka go’aan Somaliya. 《2.2》2009 Xukuumadii Daahir Rayaale waxay soo saartay go’aan uu saxaafadda la wadaagay Wasiiru Dawlihiisii Arimaha Dibedu, kaasi oo ahaa in aanu Siilaanyo dalka soo gali karin, maadaama uu soo saxeexay hadii uu Doorashadii 2010 Xisbiga Kulmiye ku Guuleysto inuu Somaliland ku darayo Federalka Somaliya. Ergooyin badan oo u tagay Madaxweyne Rayaale, kana baryey in Siilaanyo la cafiyo, kadib wuu ogalaaday in Siilaanyo dalka soo galo. 《2.3》2012 xukuumadii Siilaanyo waxay “Baarlamanka Somaliland” ka codsatay in la laalo, qodob dastuurka ku jiray oo dambi ka dhigayey in Somaliya lala kulmo, arinkaas oo sababay in shirkii London ee 2012 Somaliland la meeqaam noqoto ama ka mid noqoto Maamul Gobaleedyada Federaalka Somaliya. 3》2012, markii la galay Doorashadii Ururda Somaliland, seddex urur (Damal, NDP iyo Gurmad) oo soo bixi waayey, godoomiyaayashoodii waxay cadhadii u nafis doonteen Xamar. 《3.1》Maxamed Cumar Carte, Gudoomiyihii Ururkii Damal, markiiba waxa laga dhigay Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Somaliya, mudo ka dibna Foosiya Xaaji Aden, Gudoomihihii Ururka NDP ayaa loo magaacabay Raysal Wasaare ku Xigeenkii Somaliya, halka Nuur oo ahaa gudoomiyihii Ururka Gurmadna laga dhigay Wasiirkii Dekaddaha Somaliya. 4》Madaxweyne Muuse oo isaguna soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, wuxu ka mid ahaa gudi Cabdiraxmaan Tuur u saaray inay ka soo talo bixiyaan inay Somaliland ka sii mid ahaato Somaliya iyo inay ka go’do. Gudidaas oo uu Gudoomiye u ahaa Saleebaan Gaal, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland, waxay dhamaantood go’aamiyeen in Somaliya laga sii mid ahaado. 《4.1》February 2020, waxa xafiiska gaarka ah ee Raysal Wasaaraha Itoobiyee ku yaala Xaafadda Afaraad ee Addis-Ababa kulan gaar ah oo saacado socday ku yeeshay, Madaxweyne Muuse iyo Farmaajo. Maalmo kadib waxaynu maqalnay Madaxweyne Farmaajo ayaa Hargeysa ka soo degaya, iyadoo weliba xataa sida Cabdiqaadir Jirde oo reer Hargeysa ahi inoo sheegay roogii casaaa ee lagu qaabili lahaa Madaarka Hargeysa la geeyey. 《4.2》Axmed Keyse,Wasiiru Dawlihii Arimaha Dibedda ee Xukuumaddii Siilaanyo oo dhawaan Hargeysa saxaafadda kula hadlay wuxu sheegay in Muuse berigaa ogalaaday, kadib markuu Farmaajo ku qanciyey in Muuse Madaxweynaha Somaliya noqdo, Jamhuuriyaddii Soomaaliddana kol kale boodhka laga jafo. Sidaa si la mid ah, waxa saxaafadda isaguna la wadaagay Maxamed Dheere, Agaasimihii Madaxtooyada Somaaliya ee Xukuumadii Farmaajo oo reer Berbera ah. 《4.3》December 2023, waxa Djibouti ku kulmay Madaxweynaha Dawladda Federalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland, maalmo kadib, wasiirkii Arimaha Gudaha Federaalka Somaliya wuxu inoo sheegay in la kala saxeexday sidii Somaliya iyo Somaliland hal dawlad u wada noqon lahaayeen ma jirto cid Dawladda Somaliland ka tirsan oo arinkaa ka jawaabtay. 5》Intaa waxa dheer, Garyaqaan Caydiid Cabdillahi (Ilka xanaf) Wuxu ahaa Garyaqaankii Guud ee Somaliya, wuxu ahaa nin reer Somaliland ah. Waxa lagu badaley Ibraahin Iidle Saleebaan oo markii la magacaabayay ka tirsanaa Xukuumada Kulmiye, isla marka la magaacabayeyna ahaa Garyaqaankii Guud ee Dawladda Somaliland. Isagana waxa lagu bedelay Baashe Yuusuf Axmed oo xukuumadii Siilaanyo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada, intaanu xamar tagina wuxu xil muhiim ah ka hayay Xisbiga Waddani, isagoo ahaa Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani. Ruwaayadani waa lacag la’aan, waxana la jilayey dhawr iyo sodon sano. Abdirahman Mohamed Ibrahim cabdiraxmanmid@gmail.com Qaran News