-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In the recent allegations made by Hon Fawsia Yusuf Adam about her candidacy to the African Union Chairwoman or leader - who stated that the Somali Government's leadership requested she pull out of the contest in favour of the Djibouti candidacy even after she received verbal and formal assurances from the Somali President Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
-
In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka. Bayaan aroornimadi hore ee saaka kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska. Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah. Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo askar boolis ah iyo dad rayid ah ku dilay dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Somali forces capture Yemeni Al-Shabaab leader in Galgaduud
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusamareb (HOL) —The Somali National Army (SNA) and local forces in the El-dher district of the Galgaduud region have captured a foreign national believed to be an Al-Shabaab operative. The suspect, identified as a Yemeni national, was apprehended while attempting to flee by boat from the Mareeg beaches area. This arrest marks a significant victory in the ongoing efforts to dismantle Al-Shabaab's presence in central Somalia. Source: Hiiraan Online -
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka. Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland. Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi. Qorshaha ciidamada ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta wajiga labaad ee dagaalka oo haatan ka billowday Jubbaland, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Shalay sidaan oo kale waxaa dowladda dhexe ay laba diyaaradood oo siday ciidamo uga dajisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo iyagana amniga degmadaas kala wareegaya ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo inay isaga baxaan halkaasi. Wasiirka amniha gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dhowaan hadal jeediyay ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose. Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Daawo: DF oo ciidamo ka dajisay Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS Mudane 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 ayaa daahfuray Kulan ku saabsan Aqoon isweydaarsi iyo sameynta Guddi Hawleedka Isku-dubbaridka Dambiyada laxariira Duurjoogta iyo guud ahaan deegaanka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS. Kulankan ayaa Hadafkiisu ahaa in laga doodo ka ganacsiga sharcidarada ah ee ka dhanka ah Duurjoogta islamakaana looga wada shaqayn lahaa ka hortaga dambiyada, sidoo kalana u wada shaqeen lahaayeen hay’adaha ay quseyso arintaani iyada oo la wadaagayo macluumaadka, samaynta hawlgalada tahriibinta sharci darada ah ee duurjoogta ku nool bad iyo beri iyo dedejinta dacwadaha loogu talagalay la dagaalanka dambiyada duurjoogta ah ee Soomaaliya. Gabagabadii Kulankan oo uu soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilad Mudane 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 ayaa laysku waafaqy dhaqan galinta Gudiga qaran oo ka shaqeeya Isku-dubbaridka Dembiyada Duur-joogta oo ka kooban hey’adaha kala duwan ee dowlada ee heer qaran iyo heer Dowlad goboleed si loo bad baadiyo kheyraadka dabiiciga ah oo ay Duur joogtu kamid tahay. Source: goobjoog.com
-
Djibouti (HOL) — Djibouti authorities are voicing strong dissatisfaction with their port's ranking in the Container Port Performance Index (CPPI) 2023, which placed it at 379th out of 405 global ports, raising concerns about the factors influencing its standing. Source: Hiiraan Online
-
Saddex qof ayaa xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Dilla ee gobalka Awdal Somaliland. Shilka ayaa dhacay Kaddib markii ay isku dhaceen gaari Fitsa ah iyo Bajaaj marayay meel udhow saldhigga degmada. Saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mootada. Saacadahii la soo dhaafay Somaliland dad tiradoodu gaarayso 6 qof ayaa u geeriyooday Shil baabuuur. Maamulada Isbitaallada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaallada la keenay dhaawacyo badan kuwaasoo ka dhashay shilal ka dhacay gudaha Somaliland. Shilalka gawaarida ee ka dhacaya Somaliland ayaa kordhay billihii lasoo dhaafay. waxaa loo sababayay waddo xumo iyo dhalinyarada oo gawaarida ku wadda xawaare sare. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government announced a new military operation to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which will withdraw by the end of this year. National Security Adviser Hussein Sheikh-Ali disclosed that a contingent of 12,000 troops from various African countries will temporarily take over the responsibilities of ATMIS. Source: Hiiraan Online
-
Geologist Abbas Sharaky estimated earlier this week that the middle wall of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) would be raised from 625 meters to 640 meters, and that the maximum quantity of the fifth filling would be 23 billion cubic meters upping the total in the reservoir to 64 billion cubic meters from 41 billion cubic meters. Source: Hiiraan Online
-
Niclas Fullkrug's late goal helped hosts Germany tie Switzerland 1-1 on Sunday and advance to the Euro 2024 round of 16 top as Group A winners. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Puntland ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo indhowaanahan ciidamada ammaanka ay ka wadeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana taliska uu shaaciyay natiijada laga gaaray. Afhayeenka Booliska Puntland Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana ay ka gaareen guullo waa wayn. Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi ayaa xusay in lagu guulaystay in ammaanka Garoowe uu ku soo laabto sidii looga bartay, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalladooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgallada inta ay socdeen ay gacanta ku soo dhiigeen kooxo cabtooy ah, kuwa dhac u geysan jiray gaadiidka iyo shaqsiyaad watey hub sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in dhammaantood lala tiigsan doono sharciga. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Garoowe, wuxuuna ka codsaday inay ka gacan siiyaan amniga guud. “Nolosha fureheedu waa in ammaan la helo, lama soo ganacsan karo, cid lama soo booqan karo waxkalena lama qabasan karo haddaan nabad lahelin, cidkasta oo dalkaan lexejeclo ka haysaana waa inuu la shaqeeyaa ciidanka”, ayuu yiri Afhayeenka boooliska Puntland. Howlgalladan ayaa si wayn looga dareemay Garoowe, waxaana aad usoo dhaweeyay bulshada deegaanka oo u mahadceliyay ciidamada amniga iyo saraakiisha horkaceysa. Garoowe oo caasimad u ah Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana howlgallo joogta ah ka sameeya ciidamada ammaanka ee Puntland The post PUNTLAND oo shaacisay natiijada howlgaladii Garowe appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland. Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda. Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha. Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa gool ilaaliye ka tirsan kooxda heerka kowaad ee wasaaradda maaliyada ee jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Guddoomiyaha Kooxda uu ka tirsanaa Boqole, Kamaal Maxamed Yuusuf oo BBCda la hadlay isagoo safar u sii ah halkii shilku ka dhacay ayaa xusay in ciyaaryahan Cabdishakuur geeriduusu ay si weyn u taabatay dhammaan bahda ciyaaraha gaar kooxdiisa. “Wuxuu kooxda u ahaa lafdhabar, waxaana geeriduusu nagu noqotay mid naxdin leh, runtii aniga iyo kooxda inteeda kalaba way na taabay waxaase la dhaafayn qadarta” ayuu yiri Kamaal. Boqole iyo booskii uu ugu jiray ciyaaraha kubada cagta Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi, oo yaraantii ay garoomo ku yaalla magaalada Burco ka wada ciyaari jireen kubada Allaha u raxmadee Cabdishakuur Boqole, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qof lahaa hibo hibo gooniya oo kubada cagta. “Cabdishakuur, wuxuu ahaa dhalinyaradii ciyaaryahannadii hayaanka kubadda cagta ka soo bilaabay magaalada Burco, waxaan xasuusta inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtay garoonka Alamze Studium ee Burco.”ayuu yiri Maxamed. Axmed Maxamed Iidaan, waa tababaraha allah u raxmadee Cabdishakuur Maxamed Boqole, wuxuu BBCda u sheegay in kooxdiisu wayday halbowlihii isku hayey kooxda. “Aniga naftay sida geeridiisu ii taaman horre iima taaban, qofksta oo bahda ciyaarahana waa mid taabatay, anigoo macallinkiisaa maalintii waxaan is maqli jirnay muddo badan anagoo ka wada hadli jirnay kooxda iyo nolosha adduunka ee kale” ayuu yiri. Tababare Iidaan ayaa intaa ku daray in gool ilaaliye Boqole uu ku suntanaa qof jecel isku haynta dhalinyarada “ Kooxkasta wuxuu la ahaa saaxiib xitaa kuwa ay xifaaltamayaan ee ay ku tartagamayaan koobabka” “Runtii waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qof xirfadiisa kubada cagtu ay dhaxalsiisay inuu qofkasta jeclaado, shaqsiyadiisa ayaa ahayd mid macaan oo dad isku wad leh” ayuu yiri Tababare Iidaan. Isagoo ka hadlayey doorkiisii kooxda iyo guulaha uu la gaaray ayuu xusay inuu boos muhima u yahay kooxda. Boqole, ayaa kooxda wasaaraddda Maaliyada ee Somalilnad ku soo biiray saddex sano ka hor isago la qaaday koobka horyaalka caasimada oo ay tobban kooxood oo heerka kowaada wada ciyaarayeen xilli ciyaareedka 2023/2024 oo ay ku guulaysteen. Ciyaaraha gobolada Somaliland, Cabdishakuur Boqole, wuxuu u saftay gobolka Howd oo ka mida gobolada ku caana kubadda cagta ee Soomaaliland. Boqole, ayaa ka soo ciyaaray Muqdisho, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida isagoo sidoo kale gudaha Soomaliland ka ciyaaraha kooxaha, dowladda hoose ee Hargaysa , asluubta, iyo kooxda duulista hawada. Kumu ahaa Cabdishakuur Maxamed Axmed ‘Boqole’ Cabdishakuur Maxamed Axmed oo loo yaqaaney Boqole, waxaa uu deegaanka Yaroowe oo u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer ku dhashay dhammaadka bishii afaradad sanadkii 1996-dii, sida ay BBCda u sheegtay walaashiis Bilan Maxamed Axmed. Marxuunka ayaa ifka ugu tagay saddex carruura, wiil iyo laba gabdhood. Sida ay noo sheegay maamulka kooxdii uu ka tirsanaa waxaa maalinta bari lagu wadaa in lagu aaso marxuunka magaalada Burco ee gobolka togdheer. Ka sokow inuu ahaa gool ilaaliye, wuxuu sidoo kale lahaa xirfada dhiggida garoomada rooga cagaaran ee macmalka kaas oo sidoo kale caan kaga ahaa Somaliland. Howshii ugu danbaysay ee dhigida rooga cagaaran ayuu shaqadeeda soo dhammeeyey degaanka wadaamo go oo u dhow Caynaba sida uu BBCda u sheegay tababe Iidaan. Iidaan, wuxuu kale oo sheegay in allaha u raxmadee Boqole, uu aha darawal xirfadaas sidoo kale ku shaqeeya oo kaxeeya gawaarida. Isha: BBC The post Cabdishakuur BOQOLE: Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degaanada jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin ciidamada Jubaland ee dagaalka kula jira argagixisada. “Hadaanu nahay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland waanu garab taaganahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” ayay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. “Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya Khawaarijta”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi oo kamid ah odayaashaasi. Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan dagaalka Al-shabaab looga xoraynayo dhulka Jubaland oo ay ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada maamulkaasi. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah odayaasha Jubaland oo taageeray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Matabaan (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in maanta ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas. Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug. Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan. Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya. Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen. Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah. Maamulka degmada Matabaan oo wareystay saraakiisha Soomaalida ah ee ku jirtay ciidanka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankaas ay cadey waayeen sababta ay ugu gudbayaan Galmudug. Ciidamo badan oo howlgalka ATMIS aan ku jirin ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ciidamada ATMIS ayey qeyb ka yihiin, markii la isku daro waxay gaarayaan kumanaan, ku kala sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya. The post Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamadii Itoobiya ee xuduudda ka soo gudbay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu maanta dib u dhac ku yimid, maadaama roob xoog leh magaalada. Sidoo kale ceeryaamo badan ayaa maanta qabsatay hawada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in hawada Muqdisho ay diyaaraduhu soo geli waayaan. Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ee Muqdisho ku soo wajahnaa ayaa loo weeciyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn. Roob aad u xoogan oo socday 10 saacadood ayaa Axadii maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka gudaha. Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha. Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar. Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn oo ka socota baraha bulshada. Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey. Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah. The post Howlihii garoonka Aadan Cadde oo maanta hakaday iyo duulimaadyo loo weeciyey… appeared first on Caasimada Online.
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanebi ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Ninkaan ayaa lagu qabtay deegaanka Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan. Saraakiisha Ciidamada ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkaan uu ka mid yahay tiro maleeshiyaad ah oo ka lumay Khawaarijta markii ay ku jabeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Ceeldheer. Dhowr habeen ayey ciidanku ku raad-joogeen ninka hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer. Ninkaan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo dalka Yemen, sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdeen labo nin oo mid Soomaali yahay, midna ka soo jeedo dalka Yemen, kuwaas oo maalmo badan ay duurka ku wadajireen. Sida ay saraakiishu noo sheegeen waxaa duurka gaajo ugu geeriyooday labadii nin ee kale, xogta sheegeysa in raggii kale ay dhinteen waxaa saraakiisha ciidanka la wadaagay ninka la qabtay ee u dhashay dalka Yemen. The post Sawirro: Nin Shabaab ah oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
-
How Mombasa beat Djibouti, Dar in new World Bank port ranking Mombasa port bypassed its main Eastern African competitors, Djibouti and Dar es Salaam, in the latest World Bank global ports index over ship delays and non-tariff barriers. According to the newly released Container Port Performance Index (CPPI) 2023, increasing business bottlenecks in the Djibouti port, a facility touted as the region’s maritime hub, resulted in a drastic drop from position 26 in 2022 to 379 in 2023. The port of Dar es Salaam dropped 55 places from 312 to 367, blamed on inefficiencies. This year, Ethiopia, the most populous country in the region, cited increasing insecurity in the Red Sea and Non-Tariff Barriers (NTBs) in the Djibouti port as some of the factors that led Addis to intensify its quest to have an alternative corridor for its imports and exports, with the country looking to the Lamu port. Addis approached the self-declared autonomous Somalia region, Somaliland, seeking the use of its Berbera port, a deal that caused serious diplomatic tension with Mogadishu, which declared the deal null and void. Ethiopia offered Somaliland possible recognition in exchange for being allowed to set up a naval base and commercial port, a move Mogadishu declared illegal. A Memorandum of Understanding signed by Somaliland President Muse Bihi Abdi and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on January 2, was supposed to grant Ethiopia’s naval forces access to 20 kilometres of Somaliland coastline for 50 years. In return, Dr Abiy agreed that the Ethiopian government would engage in an “in-depth assessment” of Somaliland’s recognition. Somaliland also received a stake in Ethiopian Airlines. But Mogadishu annulled the deal, pushing the Ethiopia government to renew interest in the use of the port, has given the $25 billion Lamu Port, South Sudan, Ethiopia Transport (Lapsset) corridor a lifeline, after South Sudan focused on using the Mombasa port. In May this year, Ethiopia got its first shipment of fertiliser through the Lamu port, in a move to diversify its trade routes and reduce reliance on ports in Djibouti. The port of Dar, which has been giving Mombasa a run for its money, also saw a drop from 312 in 2022 to 367 in 2023, way below Mombasa, which fell two positions to 328 in 2023. Kenya Ports Authority (KPA) Managing Director Capt William Ruto said that Mombasa port is competing with other international ports and the Strategic Plan 2023-2027 is meant to increase its throughput and efficiency. Capt Ruto attributed the resilience of the port to the elimination of NTBs such as roadblocks and double weighing of transit cargo at the entry and exit points. “To remain relevant in the dynamic maritime industry, we have also continued to invest in port capacity expansion and modern equipment acquisition. The total container capacity for both Container Terminal 1 and second container terminal at the Port of Mombasa stands at 2.1 million 20-foot equivalent units per annum,” Capt Ruto said. Kenya Ships Agents Association Chief Executive Officer Elijah Mbaru noted that the World Bank report on the status of African ports indicates a need to improve efficiency across the continent, after most of the ports recorded a decline on the ranking. Mr Mbaru said ports play an important role in facilitating economic growth globally and are a critical conduit within the supply chain. He said the implementation of new digital systems and sustainable practices have reduced vessel waiting time from days to hours and, with such efforts, efficiency will be achieved and the cost of doing business will reduce. “In line with creating employment and being a catalyst for economic growth, it is worrying to see some of the ports on the continent dwindling in terms of efficiency,” Mr Mbaru said. The CPPI ranks 405 global container ports by efficiency, focusing on the duration of port stay for container vessels. “Its primary aim is to identify areas for enhancement for the benefit of multiple stakeholders in the global trading system and supply chains, from ports to shipping lines, national governments, and consumers,” he said. The KPA asserts significant improvements in cargo handling at one of East Africa’s gateways. According to the KPA, the turnaround time for container vessels decreased from an average of three days in 2022 to two days in 2023. Additionally, the average container dwell time was reduced to 3.5 days from 3.9 days in 2022, marking a 10 percent improvement. Ship waiting time for containerised vessels dropped to 0.2 days, with gross vessel turnaround time decreasing from 90.5 hours in 2022 to 64.1 hours in 2023. The port rankings are based on efficiency, measured by the elapsed time between a ship’s arrival and its departure after completing cargo exchange. The World Bank emphasises that efficient port operations are crucial for regional trade development, noting significant improvements since 2020, following the Covid-19 pandemic-induced downturn. The ranking methodology used in the report combines an administrative approach, reflecting expert judgement, and a statistical approach using factor analysis to ensure the rankings are both accurate and statistically robust. In the report, the Port of Berbera in Somaliland surged to position 106, a significant leap from 144, underscoring its rising prominence in regional cargo handling efficiency. Berbera’s impressive performance can be attributed to the operational takeover by DP World in 2017. Since then, cargo volumes have increased by 35 percent, and vessel productivity has soared by 300 percent. According to the D World, the container terminal achieves 50 – 75 moves per hour, which is significantly better than the global average cited by the World Bank of 23.5 moves an hour. The port of Mogadishu and Morocco’s Tanger Med showed gains in their positions over 2022. Tanger Med is the highest ranking African port on the World Bank list – and the only African port to command a position in the top 10, as it holds steady in position three. Operated by APM Terminals, in 2023, Tanger Med Port processed 8,617,410 TEUs, marking a growth of 13.4 percent, compared with 2022. This achievement, equivalent to 95 percent of the port’s nominal capacity, was accomplished four years ahead of targets. The port took delivery of two of an order of eight STS double cranes, representing an investment of €117 million ($125.5 million). The cranes can manage cargo ships of up to 26 containers with a 24,000-Teu capacity. Africa business Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha. Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar. Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn ka socota baraha bulshada. Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey. Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah. Imtixaanka ayaa saakay dib loo dhigay muddo hal saac ah, balse wuxuu bilowday roobka oo weli socda, roobkaas ayaa soo gaalay maanta gelinkii dambe. Suuqyada waaweyn iyo mehradaha ganacsiga ayaa badidood xirnaa maanta, lamana soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay roobka da’aya. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay wadooyinka uu maanta roobku ku burburiyey halka gelin, kuwaas oo dhowaan la dhisay. The post Sawirro: Saameynta roobka Muqdisho uu ku yeeshay imtixaanka iyo wadooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Shabaab. Ninka ayaa doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud. Qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ninkaan inuu u dhashay dalka Yemen. muddo dhowr sano ah ayuu ka tirsanaa Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in uu ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan Galmudug. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo safar shaqo kujooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Shabaab isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, ciidanka xoogga dalka iyo bulshada deegaanka. Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida; Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Xoosh oo hadlay ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee deegaanka ka socda sida; Amniga, Nabadda iyo Xasiloonida isaga u mahadceliyey geesiyaasha ciidamada qalabka sida, isla markaana carabka ku adkeeyey in dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedkaba Jubbaland ay ka iskaashan doonaan sidii Xasillin iyo Adeegyo kala duwan looga hirgelin lahaa halkaasi iyo meel walba oo laga kiciyo Al-shabaab. “Deegaankan muddada gacan ku heynta Khawaarijta waxaa ay dhaxalsiisay in aaney jirin oo adeeg bulsho sida; Waxbarsho, Caafimaad, Leyrar iyo qaar kale. Waxaa farriitan kula laabanayaa caasimaddi, Dowladda Federaalka iyo Saxiibada Caalamka, waxaanna Dib usoo celin doonna noloshii iyo horumarka ay ku taamayaan reer Buulo Xaaji” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh). Buulo Xaaji waxaa ay Al-shabaab heysteen 16 sano, ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan gaaray deegaanka, iyadoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo tagay deegaanka uu sheegay inaan dib looga laaban doonin. Source: goobjoog.com
-
Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan. Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas. Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara. Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. Source