Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta furay Shirka wada-tashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hor-tagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada Qareenada Jaamacadaha, Culimada, ururada haweenka iyo dhinacyo kale. Ugu horeyn ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandeyaasha labada maalin laga doodi doono, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale. Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hor-tagga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo siddii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka, isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo. Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegay in siyaasadda wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliyeed. “Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arrinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaas isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka Cadaaladda View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidamada millateriga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indho-qarshe] oo la hadlayay warbaahinta ayaa asheegay in ciidamada AMISOM ay xilliyada dagaalka daba-socdaan kuwa Soomaaliya oo ka hub iyo qalab yar. Jen. Indho-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay iyagu dhibaatada inta badan ku dhacayso, balse ciidamada ka mushaarka badan ee AMISOM ay gabaad ka dhigtaan kuwa Somalia. “Ciidamada AMISOM ee mushaar ahaanta u qaata 1,000 doollar iyo in kasii badan, waxay xilliyada dagaalka daba socdaan kuwa Somalia, dhibaatada inta ugu badan waxay ku dhacdaa ciidamadeenna, waayo waxay og-yihiin inay u dhaarteen difaacadda dalkooda,” ayuu yiri Jen. Indho-qarshe. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay ay ka go’an tahay mar walba inay dalkooda ka difaacaan cadowga, isagoo hadalkiisa ku daray in ciidamada Somalia ay helayaan dhammaan xuquuqaha ay ku leeyihiin dowladda. Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa waxay saldhigyo kala duwan ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood, waxaana inta badan lala beegsadaa saldhigyadoodaas weerarro khasaare badan ay kasoo gaarto. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 12,000 oo askari, kuwaasoo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka tirsan kuwa Afrika, balse muddo toban sano ka badan ayay ku guuleysan la’yihiin inay ka adkaadaan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Hadalka Taliyaha Millateriga Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmahan si weyn loo hadal-hayay ciidammo kasoo baxay dhufeyso iyo saldhigyo ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah dalka. PUNTLAND POST The post Jen. Indho-qarshe oo si adag uga hadlay Hawl-galka Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18-kii Maarso 2019. Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan. Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan. “Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu. PUNTLAND POST The post Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo Xamar ku qabatay Tababarkii ugu horreeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee Dastuurka KMG ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn Kulanka ka sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay Wada xaajood kaga soo yeeshaan. Muumino Sh. Cumar Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in shanta Cutub ee lagu wareejiyay ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayaan. Sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gaba gabada uu marayo Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay dhawaana ay bilaabayaan wacyi galinta iyo la tashiga bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada iyo degmooyinka dalka. Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay waxaa horay loo dhamaystiray oo la gudbiyay 10 Cutub, iyadoo haatana shantii ugu danbaysay maanta la gudbiyay, iyadoo hada ka dib ay bilaabanayso wacyi galin iyo in la horgeeyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
  5. Somaliland: The Case For De-Jure Recognition Somaliland become independent on 26th June, 1960 with defined borders and was recognized by more than 34 countries including all the then super powers. Somaliland is demanding to reinstate its original borders from June 26th, 1960. Nothing more nothing less. The union to form the defunct Somali Republic failed and Somaliland has withdrawn, just like Senegal and Gambia, just like the United Arab Republic, just like Czech and Slovakia. Somaliland’s case is not one of “separatism”, like Biafra in Nigeria or Katanga in the Congo Democratic Republic nor Cabinda in Angola. It was exactly like the union between Tanganyika and Zanzibar which formed the still existing Tanzania. With two exceptions, the union to from the defunct “Somali Republic” was never ratified and it’s constitution was overwhelmingly rejected in Somaliland. This is sovereign independent nation, Somaliland, formed a union with another independent nation, Somalia, with the hope of uniting all the five Somali regions in the Horn of Africa, Djibouti, Hawd & Ogaden and the Northern Frontier District. That vision was not realized and subsequently the union become unbalanced and eventually led to a civil war which ended in 1991. Somaliland has since then been a de-facto state awaiting de-jure recognition. That in a nutshell, is the Somaliland case. Ahmed Kheyre Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay runtii qeyb ka sheegi kartaa sida baahsan ee loogu fashilmay kalsooni-gelinta iyo dhirri-gelinta ciidamada dowladda oo markii labaad maalin cad lagala wareegayo gacan-ku-heynta degmada. Inkasta oo ay dib u qabsadeen, haddana ciidamada Soomaaliya marnaba ma ahayn inay joogaan xaalad magaalao caasimaddii dalka saaran, ay si sahlan ku qabsato Shabaab. Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa ay muujinayeen heerka awooddooda. Qaraxyada iyo dilalka caasimadda ayaa joogto noqday, waxaana xalay ay magaalada usoo jirsadeen masafao dhow. Madxaweyne Farmaajo wuxuu markii la doortay ballan-qaaday in laba sanno gudahood looga adkaan doono al-Shabaab, lagana saari doono dalka oo dhan, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in ballan-qaadkaas ay fulineyso Al-Shabaab, oo isaga ay uga adkaaneyso laba sano. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay al-Shabaab weeraro dhiig ku daatay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyaga oo si aan dhuumaalaysi ku jirin uga dhex diriray meel madaxtooyada u jirta wax ka yar hal km. Waxaa xigay inay dharaar cad madaafiic kusoo asqeeyaan xarunta Villa Somalia. Hayeeshe, falalkani waxay caadiyan u muuqan karaan wax iska caadi ah oo dowladihii ka horreeyeyba ay la kulmi jireen. Balse iyada oo loo eegayo ballamihii Farmaajo iyo sheegashada Kheyre ee ah inay micno walba ugu diyaar-garoobeen la-dagaalanka al-Shabaab ma ahayn waqtigan in laga hadlo cabsida laga qabo qatartooda, waxay ahayd in la falan-qeeyo sida hadda kaddib loo dhimi karo halistooda. “Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay iftiiminaysaa dayaca amni oo ka jira Muqdisho,” ayuu yiri Ali Dhuux oo dersa amniga gobalka. “Ma ahan wax la dheereysto in berrina ay qabsan karaan qeybo kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.” Faallada Cali Dhuux uu ka bixinayo qatarta aan loo bareerin oo al-Shabaab ay ku muujinayaan awooddooda, ma ahan oo kaliya saadaal. Ilaha qaar ee amniga ayaa fahamsan in loo baahan yahay in mas’aladu hadda aysan joogin sugidda amniga gobolka, balse midda caasimadda ay ku jirto halis weyn. Qabsashadooda Balcad waa farriintii ugu danbeeyey ee si dhoolla-tusnimo leh loogu soo diray dowladda dhexe. In madaxweyne Farmaajo uu si muuqata uga fal-celiyo weerarada al-Shabaab uma baahnaan doonto canbaareyn iyo caga-jugelyn afka baarkiisa ku eg. Waxaa halhaleel loogu baahan yahay tallaab muuqata oo laga bixiyo hujuumkooda joogtada noqday. Waana talada ay siinayaan khubarada amniga. Inaan naan wax laga qaban sugidda amniga, ayay sii leeyihiin khubarada amnigu, waxay degmooyin badan hoos geyn doonta taliska al-Shabaab. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-19032019.mp3 View the full article
  8. Kooxaha kubbadda cagta #Madbacada Qaranka iyo Muqdisho City Club ayaa wada dheelay kulan ka tirsanaa horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019. Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad lagu kala maray 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha Muqdisho City Club waxaanan u dhaliyay xidigaha kala ah Maxamed Kulul Jeynaa iyo Qeys Cabdulle Macalin Aadan . Qeybta labaad kooxda Mogadishu City Club ayaa heshay fursado gool ah waxaana labo gool oo mid ahaa gool ku laad u dhaliyay xidiga reer Kenya #Marcel Odhaimbo waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City. “Waxaan ciyaarnay kulan adag iyo todobaad kale oo xiiso badan iminka kooxda aad ay iskula qabsatay kulamada inoo haray waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadano guulahan muhiimka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda Mogadishu City Club Hussein Mbalangu. Natiijooyinka M.C.C Iyo Lixdii Kulan Ugu Horeesay Horyaalka 08/02/2019 Jeenyo 1:0Mogadishu City Club 26/02/2019 Mogadishu City Club 1:2 Horseed 18/02/2019 Mogadishu City Club 1:1 Midnimo 06/03/2019 Mogadishu City Club 1:0 Heegan 13/03/2019 Gaadiidka FC 1:2 Mogadishu City Club 19/03/2019 Madbacada Qaranka 1:4 Mogadishu City Club “Horayna ayaa warbaahinta ugu sheegay in aan kusoo laabanayo wadada guulaha iminka waxaa diirada saarno kulamada inoo horay wareega 1-aad ee horyaalka” waxaa sidaas kulanka ka dib Goobjoog Sports u sheegay Abdiwali Olad Gaatamow oo tababare ku xigeynka kooxda M.C.C. Kooxda Mogadishu City Club Wareega 1-aad waxaa u haray saddex kulan labo ka mid ah waxa ay wajhaysaa kooxaha u adag ee kala ah Elman-Sports Club iyo Dekedda,halka kulanka kale ayaa la ciyaarayso naadiga Jazeera Sports Club. Saddex Kulan Ee Wareega 1-aad Uga Haray Muqdisho City Club 25-03-2019-Elman VS Muqdisho City Club 29/03-2019-Jazeera Sports Club VS Muqdisho City Club 04/04-2019-Dekedda VS Muqdisho City Club Kulanka waxaa Garsoore ka ahaa Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Aadan Cilmi Maxamed,Calanhayaha 2-aad waxa uu ahaa Xuseen Xaaji Basir,garsooraha keydka Axmed Cali Jimcaale,halka xer ilaaliyahay ciyaarta uu ahaa Aweys Nuur Axmed. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta khubad u jeediyay Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii uu booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye. Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay Soomaaliya u tababari doonto Ciidamo Booliis ah oo ka hortaga Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalooyinka iyo Gobalada dalka. “Waxaan Soomaaliya u tababari doonaa Ciidamo gaar ah oo Booliis ah kuwaas oo ka badan kun Askari, waxaan bari doonaa ka hortagga qaraxyada iyo weerarada”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Taliyaha Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhibaato badan ku qabto dilalka ay fuliyaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, sidoo kalane ay dhib badan ku qabto qaraxyada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay Dowladda Jabuuti u tababari doonto Ciidamo arimahaan u tababaran. “Waad ogtihiin Soomaaliya malahan Ciidamadii loogu talagalay ka hortagga Qaraxyada, iyo muusiibooyinka kale ee la midka sida weerarada tooska ah, waxaan rabnaa in aan ka caawano oo aan tababarno dhalinyaro wadaniyiin ah”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel C/llaahi Maxamed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Wali xukun rasmi ah laguma ridin Dadkii ka dambeeyey Faraxumayntii iyo Dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caasho Ilyaas. Madaxweynaha Puntland Saciid Dani oo dhowr jeer ka [...] Source
  11. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa booqasho ku tagay Wasaarada Maaliyada ee Æuntland. Booqashada ayaa ahaud u nuur galid iyo Barasho la xiriirta qaabka [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa shaaca ka qaaday in Isaga, guddoomiyaha gobalka Banaadir, iyo taliyayaasha booliiska iyo asluubta ay ka badbaadayn qarax bilo ka hor ka dhacay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay in afartooda oo hal gaari saaran, markii ay waxyar dhaafayn KM4 ee magaalada Muqdisho halkaasi uu ka dhacay qarax wayn oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. “Hadda ka hor qalad wayn ayaa samaynay, duqa gobalka ayaa isoo wacay, Xaflad aad u qurux badan ayuu Ciidamada ugu sameeyay meel u dhaw dhanaane, markii aan ka soo laabanay hal gaari ayaa afartayna isla raacnay, 2 daqiiqo markii aan ka gudubnay KM4 qarax xoog leh ayaa dhacay”, ayuu yiri taliyaha Difaaca Soomaaliya. “Maalintaas Qaranka waxa uu gali lahaa khasaare, Al-Shabaab-ne waxay u ahaan lahayd guul, marka waa inaa yeelanaa dhiiranaan amni”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha Ciidamada Difaaca Soomaaliya General Indha-Qarshe. Indha qarshe ma sheegin taariikhada ama maalinta uu falkaan dhacay. Sidoo kale ma sheegin qaraxaasi ka dhacay Number afar halka sida tooska ah loogu weeraray hadii ay ayagu ka badbaadayn. Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho islamarkaana looga hadlay isdhaxgalka Ciidamada iyo Shacabka Gobalka Banaadir. Xafladda ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Hoos ka daawo Indha Qarshe oo ka shakeenaya dhacdadaas Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Telefishanka Al-Jazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Salaam Hindaawi oo ah Weriyaha diyaarisay Barnaamijka– لمسافة صفر ”Almasaafa Sifir”, ayaa barnaamijkeeda ku dhex sheegtay inay ogaatay intii ay baaritaanka waday in Shirkadda Dahabashiil ay qeyb weyn ka qaadatay fududeynta Heshiiskii ay Imaaraadka kula wareegtay Dekadda Berbera. Wariyaha ayaa sheegtay in shirkadda Dahabshiil oo ugu weyn xawaaladaha Geeska Afrika ay ku lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si rasmi ah u taageertay, isla markaana website-keeda ay ku baahisay qoraal lagu taageeray heshiiskaasi sida lagu soo bandhigay warbixinta. Dahabashiil oo Xarunteeda ugu weyn ay ku taalo Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska Dekadda Bebera fududeysay iyadoo uu jiray xiriir u dhaxeeyey Shirkadda Dahabshiil iyo Maamulkii Siilaanyo. Xiriirkaas ayaa ahaa inuu Maamulkii Siilaanyo Wasiir ka noqday Mas’uul ka tirsanaa Shirkadda Dahabshiil waxayna arrintaas aheyd sababtii ugu weyneyd ee keentay inay Dahabshiil qeyb ka noqoto heshiiska Maadaama ay Imaaraadka u arkeysay inay Dekaddaas tahay mid muhiim u ah Geeska Africa. Mas’uulka Dahabshiil ka tirsanaa ayaa Wasiir ka ahaa Maamulka Siilanyo laga soo bilaabo 2010 illaa 2017 oo aheyd mudadii uu Siilaanyo madaxweyne ka ahaa Somaliland sida ay sheegtay Al-Jazeera. Warbixinta ayaa sheegtay in Shirkadda Dahabshiil uu leeyahay nin Ganacsade ah oo kasoo jeedo Somaliland laguna magacaabo Cabdirashiid ay qeybta ugu badan laheyd heshiiskaas isla markaasna ay iyada qabatay shaqada ugu badan iyo qaabka loo maray heshiiskaas. Warbixinta Al-Jazeera ayaa lagu sheegay in shirkadda Dahabshiil ay sumcaddeeda dhaawacantay kadib markii laga baaray Musuq Maasuq Maaliyadeed iyo inay maalgeliso Argagixisada kadib markii mid kamid ah shaqaalaheeda lagu xiray Xabsiga lagu xiro dadka Argagixisanimada lagu helo ee Guantanamo Bay. Markii ay soo baxday warbixinta ku aadan in Guantanamo lagu xiray mid kamid ah Shaqaalaha Dahabshiil waxaa bogga hore ee Mareegaha Google Search kasoo baxayey marka Dahabshiil lagu qoro Warbixinada ku saabsan in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu xiray xabsigaas, waxayna taas shirkadda ku noqotay dhibaato weyn oo keentay inay xiriirka u jaraan Bangiyo waaweyn oo adduunka ku yaalo sida Barclays oo laga leeyahay Ingiriiska. Dahabshiil oo ku dadaaleysay inay sumcad daradaas ka hor tagto ayaa heshiis lacag badan ku baxday la gashay Shirkadda Bell Pottinger oo ka shaqeysay inay Google search ka saarto warbixinadda isku xiraya xabsiga Gauntannamo iyo shirkadda Dahabshiil, si sumcadeeda loo ilaaliyo, waxaana suurta gashay in laga waayo 20-ka bog ee ugu horeeyo google Search. Gabagabadii warbixinta, Al-Jazeer ayaa kusoo bandhigtay warbixin ay u dirtay Shirkadda Dahabshiil laguna waydiinayey arrimahaan iyo waxa ka jiro balse nasiib darro waxay sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin Dahabshiil. Halkaan hoose ka daawo warbixinta AL-Jazeera oo ku baxday Afka Carabiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhalliilay habka uu u dhacay garsoore nin ku xukumay in dhagax lagu dilo gabadh curyaamad ahna 100 jeedal lagu dhufto kadib kiis labada qof u dhexeeyay oo ku saabsana kufsi. Waxa uu sheegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan. Qoraal uu arrintan kaga hadlay garyaqaan Guuleed Dafac ayaa u dhigna sidan:- Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada oo aan dacwad ciqaabi hor ool, eed xeer-ilaalin soo gudbisay hayn, dhegaysi dacwad ciqaab ah qaadin ayaa magaalada Hargeysa ku xukumay nin in dhagax lagu dilo, gabadh kufsi ka cabanaysayna in 100 jeedal lagu dhufto. Garsooruhu isagaa isku xeer-ilaaliye iyo garsoore ba noqday. Mana uu eegin in maxkamadiisu awood u leedahay iyo in kale in qof dil lagu xukumo. Umana daynin hay’adaha sharci baadhista, iyo xeer-ilaalintu inay shaqadooda qabsadaan oo ogaadaan wixii dhacay iyo in gabadha curyaanta ah ee soo cabatay ay dulman tahay iyo in kale. Maragna muu qaadin. Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday. Baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhex marin noocay doontee ha noqotee. Inantii uur ayay qaaday. Qareenkeedii waxaay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA da ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwad ba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag. Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa soo jeediyay in Somaliland siyaasad cad ka yeelato arrimaha gobolka ka socda, islamarkaana ay jiritaankeeda ixtiraamaan dawladaha jaarku. Hadalka Xildhibaanka ayaa daba socday xukuumadda oo dhawaan ku jaahwareertay socdaal ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ku doonayay in uu Hargeysa yimaaddo isaga oo uu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Xildhibaanka oo shalay ka hadlayay fadhigii golaha ayaa yidhi “ Wuxuu (Dr Abiy) kaxeeyay Farmaajo oo uu geeyay Kenya, isaga oo Kenya jooga ayuu inala soo hadlay, wuxuu yidhi ‘waxaan soo wadaa Farmaajo’ waynu isku didnay, waynu isku diday Asxaabta ayaynu u yeedhnay, wasiirrada ayaynu u yeedhay maxaa la yeela haddii uu halkan ka soo dego? Wixii ka soo baxay waynagii ogayn,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxa uu intaasi raaciyay in ay ahayd in arrintan oo kale marka horeba siyaasad laga yeesho “ Waxa weeye dawlad walba waxay leedahay barmaamij. Haddii uu maanta madaxweynaheenu hawl leeyahay oo hawshii uu lahaa laga faro fareeyo oo la doonayo in barmaamijka la bedelo oo la yidha ‘aniga soo degaya’ dee nidaamka dawladnimada meel ay taasi kaga jirto anigu ma aqaan, waa in aynu ka mudnaana ixtiraamka aynu leenahay ee dalkeena iyo dawladdeenu leedahay.” Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in ay ku salbabakhday tallaabadii laga qaadi lahaa damaca Dr Abiy Axmed ra’isal wasaaraha Itoobiya ku doonayay in uu madaxtooyada ku keeno Madaxweyne Farmaajo taas oo kadib wada tashi ay madaxtooyadu la yeelatay xisbiyada iyo goleyaasha la isla qaatay in Somaliland ka cudur daarato safarka wada jirka ah ee Farmaajo iyo Abiy. Source
  16. Balcad (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay maamulayeen degmada muddo saacado ah. Al-Shabaab ayaa qabsaday xarunta degmada, Saldhigga Booliiska iyo Xabsiga dhexe ee degmada, waxayna dab qabadsiiyeen Saldhigii Booliiska ee degmada Balcad. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sida ay Al-Shabaab ku qabsadeen Balcad. Dad kala duwan oo ku sugan Balcad ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay degmada aysan ku sugneyn inta badan ciidankii maamulka ee Al-Shabaab iska difaaci kara. Ciidamadii ku sugnaa degmada Balcad ee Milateriga ayaa la sheegay in ay ku baxeen dagaalkii ka dhacay degmada Cadale, waxaana magaalada ku sugnaa 2 Cabdi Bile oo kaliya iyo dhowr askari. Waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab qabsashada magaalada ay u fududeeyeen sirdoon ay ku leeyihiin degmada sababtoo ah waxay ka war qabeen in ciidamadii ku sugnaa Balcad ay shalay ku baxeen dagaalkii Cadale, Ciidan badanna uusan ku sugneen degmada, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hada la geeyay ciidamo kale oo dheeraad ah kuwaas oo isugu jira booliis iyo milateri fariisin ka sameestay goobihii ay xalay ka soo weerar tageen Al-Shabaab. “Al-Shabaab waxaa u fududeeyay qabsashada Balcad basaaskooda, maxay hore ugu dhiiran waayeen, waxaa loo sheegay in xalay ciidan badan joogin degmada, durbadiina waa soo galeen”, sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka. Sirdoonka Al-Shabaab ayaa la sheegay in inta badan ay ka fir-fircoon yihiin kan dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa Degmada Balcad xalay kasoo weeraray Saddex jiho oo kala ah laba wado oo jaay ah kana timaada dhinaca degmada Afgooye iyo wada ka timaada dhinaca degmada Jowhar halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad, waxana dagaalkii halkaasi ka dhacay kula wareegeen degmada Balcad. Ciidamada Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay gudaha cagta dhigaan Degmada Balcad, islamarkaana ay qabsadaan Xarunta Maamulka, Saldhiga Ciidamada, Xarunta Nabad Suggida iyo goobo kale oo Magaalada gudaheeda. Saldhiga Degmada Balcad waxa ay ka sii daayeen dhamaan maxaabiistii ku xirnayd, sidoo kalena waxa ay gubeen gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, gaari uu lahaa Agaasimaha Idaacada Balcad & Sarkaalka qaybta Canshuuraha Maamulka Degmada u qaabilsan oo Goomiiste uu lahaa & gaarigiisaba ay gubeen. Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Degmada Balcad ayaa sheegay xalay oo dhan inaysan seexan oo ay ku jireen xaalad feejignaa ah, kadib markii maamulkii Degmada & Ciidanka ay isugu tageen Xaafadda Xaawo Taako oo ah meesha ay degan yihiin Ciidamada Amisom, xalay oo dhana difaac ay halkaasi kaga jireen. Waqti dambe oo xalay ayaa la sheegay Shabaab inay isaga baxeen guud ahaan Degmada Balcad, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, balse waxa ay sii qaateen dhamaan qalabkii kala duwanaa ee yaalay goobihii ay qabsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saaka lagu arkayaa Degmada Balcad kuwaasi oo tagay goobihii Shabaab xalay ay qabsadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Somali forces on Monday night killed two al-Shabab extremists during a confrontation in the southern region of Middle Shabelle, officials said on Tuesday. A police officer who declined to be named told Xinhua that the militants attacked Bal’ad town which was 30 km north of the Somali capital Mogadishu, but were overpowered. “They (al-Shabab) attacked our bases in the town but our forces have managed to foil their attempt and inflicted them heavy casualties killing two of them during the fighting,” the officer said. He added that Somali forces are in full control of Bal’ad denying the claims of al-Shabab that they took over the town. Residents reported sporadic fighting amid sustained gunfire. “We woke up with the sound of gunfire, we were in fear and panic the whole night,” Idman Aways, a local resident told Xinhua by phone. The incident comes a day after al-Shabab militants captured Dhanane town along the coast road in Lower Shabelle region after the government forces withdrew for the unpaid salary of two months. Al-Qaida allied group al-Shabab claimed that they had launched an overnight attack on Bal’ad, capturing the town for a while before setting combat vehicles on fire. View the full article
  18. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi. Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Waxaa habeenkii koowaad ku hoyday magaalada Hargeysa wasiirka arrimaha dibedda dalka Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo noqonaya mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee ka tirsan urur goboleedka IGAD oo booqasha ku taga Somaliland. Booqashada wasiirka waxa ay soconaysaa muddo saddex maalmood ah sida ay sheegtay dowladda Eritrea. Balse su’aasha ugu badan ee taagan ayaa ah waxa ay tahay ujeedada safarkiisa iyo waliba waxa kusoo beegay xilligan. Dr Mustafa Kaydsane oo ah aqoonyahay ku sugan magaalada Hargeysa oo ay BBC-du la hadashay ayaa qaba in sidan “Waa talaabo horey loo qaaday oo ku saabsan wada noolaanshaha iyo nabadeynta Geeska Afrika ayay u muuqataa”. Inkasta oo booqashada wasiirka la sheegay in ay ku dhacday si kadis ah, haddane hab maamuuska loosoo dhoweeyay iyo heerka qaabilaada ayaa ka turjumayay sida Somaliland ay ugu riyaaqsantahay in fadhideeda loogu yimaado markan halkii ay iyadu gargaraaci lahayd albaabada dublamaasiyadda. Boorar waaweyn oo muujinaya sawirka wasiirka iyo madaxweynaha Somaliland oo lagu qorey afka Ingiriiska ayaa la surey dariiqyada muhiimka ah ee magaalada Hargeysa sida uu BBC-da la wadaagay warfidiyeenka lagu magacaabo Khaalid Foodhaadhi oo ku foogan arrimaha Somaliland. Dr Mustafa ayaa markale sharaxaya waxa ay Somaliland uga dhigantahay booqashadan “Somaliland waligeedba rajo ayay qabtay in ay maalinkan iman doonto, aad ayayna ugu sabirtay, arrinta arrin sahlan ma ahan, waa mid cusub, Somaliland wax weyn bay oga dhigantahay, in wasiir arrimo dibadeed oo IGAD ka tirsan in uu Somaliland yimaado, cid walbana haruubkeeda ayay tolanaysaa”. Isbadelka Geeska Afrika Markii ay kacday dabeysha isbadelka Geeska Afrika ee ka dhalatay Itoobiya, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo meel fagaaro ah kula hadlayay dadweyne ayaa u muuqday in uu calaamad su’aal galinayo arrinkan, balse waxa uu ku afeeftay in ay soo dhoweyn doonaan wixii nabad iyo wanaag lagu raadinayo. Hadda waxa ay u egtahay in dabeyshii isbaddelka ay soo gaartay Somaliland, qodobadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska iskaashigan Geeska Afrikana maanta lagu lafo gurayo madaxtooyada Hargeysa. Markale Dr Mustafa ayaa sidan qaba “Go’doonkii Somaliland saarnaa in uu hadda jabay ayaad mooddaa, sidaas ayaan u akhrinayaa aniga”. Mar aan sii fogeyn, madaxweynaha Somaliland waxa uu joogay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed, mana ahan wax aad loo qariibsado suurtogalnimada in arrimo badan la’isla soo hadal qaaday. Qodobka ugu weyn ee heshiiska Iskaashiga Geeska Afrika ayaa loo arkaa in uu yahay isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dalalka, si wadajir ahna loo maalgashado kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha, waddooyinka iyo qadadka tareenada. Waa halkan meesha aanan malaha looga maarmin Somaliland marka laga hadlayo muhiimadda halka ay dhacdo dhul ahaan iyo dekada weyn ee Berbera oo haddaba ay hawlo ka socdaan. Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Booqashada wasiirka Eritrea waxa ay kusoo hagaagtay xili ay jirto hadal hayn ku saabsan dib u bilaabashada wadahadaladii hakadka ku jiray ee Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Dhowaan madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday in ay bilaaban doonaan 19-ka bishan, balse sheegay in ay doonayaan dal kale oo aanan Turkiga ahayn. Dr Mustafa waxa uu qabaa in booqashada wasiirka laga yaabo in ay xiriir la leedahay arrimaha wadahadalada “Xitaa safarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho waxa ay u badantahay in ay wadahalada la xiriirto, hoostana la’iska wada ogyahay” ayuu yiri. Xaqiiqda ah in Eritrea ay xubin muhiim ah ka tahay urur goboleedka IGAD ayuu Dr Mustafa Kaydsane oo hadalkiisa sii wata yiri “Wadahadalada soo socda Igad qeyb ayay ka tahay , dhanka guud markaan ka eegnana waxaan qiyaasanaynaa in wax uun la isu soo dhoweeyo , in Somaliland-na loo arko in aanan laga maarmaynin in ay qeyb ka noqoto geeska Afrika haddii ay dhaqaale noqoto iyo haddii ay nabad noqotaba”. Xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya Eritrea iyo dowladda Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu sareeyay, waana sababta ugu weyn ee meesha keentay mala awaalka in arrinta wadahalada ay booqashada ku saabsantahay. Markii ay warbaahinta la hadleen wasiiradda arrimaha dibedda ee Eritrea iyo Somaliland, ma aysan sheegin faahfaahin badan oo aan ka ahayn afgobaadsi. Wasiirka Eritrea ayaa yiri “Madaxweynahayga ayaa halkan iisoo direy bal si aan usoo eego wax aka socda Somaliland, waxaan ogahay in duruuf badan oo adag aan soo marnay oo isku mid aan ka nahay”. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga war dhawrayaa hadalka kama dambeysta ah ee soo bixi doona marka ay booqashada soo idlaato. Xigasho: BBC Somali Source
  20. (SLT-Doha)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaadhan uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in wada hadalo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada. Wada hadalada labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed. Tartanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, marka loo eego loolanka dalalka Khaliijka ka dhaxeeya, sida Sacuudiga, Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar. Qatar ayaa xilligan galaan-gal xooggan ku leh arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay xulufo la tahay, isla markaana siiso taageero dhaqaale. Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo 28-kii bishii February uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Source