Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika. Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaan dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga. “Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka. The post DFS oo soo dhaweysay go’aanadii Shirka M/Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland sareeye Gaas, Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay inay jiritaan shakhsiyaad ku shaqeysta waji arggigixiso, kuwaas oo ganacsatada magaalada Bosaso uga qaata [...] Source
  3. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inay is casisho ugu baaqay Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka, ka dib markii ay Isniintii raali galin ka bixisay haddalo ay qortay oo loo arkay inay dadka Yuhuudda ka soo horjeedaan. Ilhaan ayaa raalli galintan bixisay, ka dib markii xubnaha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ay si baahsan u dhaleeceeyeen. Madaxweynaha ayaa saladii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay. Hadalka Trump ee uu ku mucaaradayo Ilhaan Omar ayaa waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii ay Raalli-gelin ka bixisay hadalkeeda ka dhanka ah Israa’iil iyo Kooxaha Maraykanka ee u ololeeya Danaha Israa’iil oo ay ku sheegtay inay yihiin carruurta Binjamiin Natayaahu. Source
  4. Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay hadal ay kasoo xigteen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo ahaa talooyinka cajiib ahaa oo uu siiyay madaxweyne Farmaajo. Qoraalka ayaa warbaahinta dalka Uganda waxay ku sheegeen in madaxweynaha Uganda uu kula taliyay madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala ciidan qaran. Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u baahan yihiin inay helaan tababaro kala duwan kuwaasi oo ugu dambeyn la qarameyn karo si ay amaanka ugala wareegaan ciidamada AMISOM. Kulan gaar ah ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Uganda iyo madaxweynaha Soomaaliya waxaana kulankaasi ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo wanaajin lahaa. Madaxweyne Musaveni ayaa todobaad kahor Soomaaliya ku tilmaamay dal uusan ka jirin nidaam dowladeed waxaana arintaasi ay dhalisay caro badan oo Soomaalida ay ka qaadeen hadalkaasi. Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM waxaana hadda socda dadaaladii ugu dambeeyay ee bixitaanka ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  5. (SLT-Belgium)-Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin sameeyeen shaqaalaha, sida ay shaacisay hay’adda kala hagta diyaaradaha ee dalkaasi. Hakinta duulimaadyada ayaa billaabatay Talaadadii 10-ka fiidnimo ee xilliga dalkaasi. Saddex ka mid ah ururada shaqaalaha ee Belgium, ugu weyn ayaa shaaciyay shaqa joojinta. Hay’adda hagta duulimaadyada dalkaasi ee Skeyes ayaa sheegtay in aanay hubin tirada shaqaalaha u soo shaqa tegi doona shaqa joojinta awgeed. Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka, sidaana aanay sameyn karin maadaama aanay soo xaadiri doonin shaqaalaha muhiimka u ah hawlahaasi. Shaqa joojinta ayaa sidoo kale wax xoogaa saamayn ah ku yeelan doontaa diyaadaha mara hawada Belgium, maadaama Skeyes ay mas’uul ka tahay hawada joogeedu yahay 7,500m. Balse waxaa aanay shaqa joojinta saamayn doonin duulimaadyada dowladda iyo kuwa milateriga. Shaqa joojinta ayaa ka dhalatay muran ku aaddan kordhinta mushaarka shaqaalaha oo laga dhigay boqolkiiba 0.8 labada sano ee soo socota. Ururada shaqaalaha ayaa ku baaqaya in la kordhiyo gunnooyinka iyo lacagaha hawlgabka ah oo la gaarsiiyo heer macquul ah iyo in la wanaajiyo saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha duulimaadyada. Source
  6. (SLT-Washington)-Ninka sida weyn uga ganacsan jiray daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman ayaa lagu helay danbiyo lagu soo eedeeyay oo ah inuu daroogo u soo safrin jiray dalkaan Mareykanka. Guddi xeerbeegti oo ay Maxkamad ku taalla magaalada New York u saartay dhageysiga dacwado 10 ahaa oo lagu soo oogay, ayaa muddo lix maalmood ah oo ay kiiskani ka doodayeen, waxay Talaadadi shalay isla garteen inuu danbiile yahay. El Chapo ayaa waxaa laga yaabaa in lagu xakumo xabsi daa’in. Waxaana taasi ay soo gaba gabeyn doontaa awoodihi uu ku lahaa kooxda gaangistarada Sinaloa eek a ganacsada daroogada. Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay ninkani inuu Mareykanka soo geliyay daroogo tiro badan inti u dhaxeysay billowgii sideetannadi ilaa laga soo qabtay sannadki 2016-ki. Ka hor inta aysan dowladda Mexico usoo gacan gelinin Mareykanka sannadki 2017-ki. Source
  7. (SLT-Jigjiga)-Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay sharaab dhacay oo si qarsoodi ah ay ganacsato u soo galiyeen, sida ay BBC-da u sheegtay Ayaan Cabdishakuur Axmed oo ah maareeyaha wakaaladda dabagalka dawooyinka iyo cunnada. Waxyaabaha dhacay ee la geeyo magaalada Jigjiga kuma koobna sharaabka oo kali ah ee waxaa dhibaato wayn iyadana ku haya dawooyinka dhacay ama tayadoodi liidato, sida ay Ayaan sheegtay. Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa sare u kacay ganacsiga sida sharci darrada lagu geeyo magaalada Jigjiga, balse in alaabahaasi ay ka mid yihiin kuwo dhacay ayaa noqotay mid laga anfariiray. “Caanihii aan carruurta siisanayay ayaan ka shakiyay, dawdiina waa sidoo kale, arrintaasina walaac ayay igu haysaa,” ayuu yiri Cabdifataax Ilyaas oo ku nool magaalada Jigjiga. “Waxaan ku tallin lahaa in dawladdu mamnuucdo dawooyinka dhanka Soomaaliya naga soo gala ee aan tayadooda la baarin, laguna ekaado midda la soo hubiyay ee magaalada Addis Ababa nooga timaadda” “Waxaan ku daba jirnaa dadka ganacsiga sharci darrada ah magaalada keena ee halista galinaya caafimaadka dadka, waxaana ku hawlannahay sidii sharciga loo hor keeni lahaa ciddii lagu helo in ay dawo, cunto iyo cabitaanno dhacay keentay” ayay tiri Ayaan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa qaba in in dawladdu ay ka gaabisay daba galka tayada iyo waliba la socoshada qiimaha maceeshadda. “Waxaad arki shaaki magaalada Wajaale 300 riyaal ka jooga marka uu dhanka Itoobiya soo galo ee Jigjiga lagu iibinayana 700 oo riyaal la siinayo, ayuu yiri Cabdifataax Ilyaas. Ganacsigan laga dayrinayo ayaa hadda sii faafaya masuuliyiinta dawladduna waxay sheegeen in ay hadda dhibaatadan ka jirto deegaanno ay ka mid yihiin Harta Sheekh, Jarar, Liibaan , Doolo iyo kuwo kale. Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan ayaa sheegay in ay dhibaataddan jirto ayna sameeyaan baadhitaanno ka kadis ah oo lagu eegayo tayada cuntooyinka iyo dawooyinka la iibiyo. “Markii hore waxaa jiri jiray ciidaammo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa deegaanka iyo kuwa faderaalka Itoobiya oo wax ka qaban jiray ladagaalanka koontara baanka, balse muddooyinkii dambe iyo intii isbadalku dhacay arrimaha ammaanka ayay ahmiyadda saareen, ayuu yiri Cabdiraxmaan. “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ay booliisku isugu miisaami lahaayeen sugidda amniga iyo ka war qabka ganacsiga dalka soo galaya.” Ayuu intaas ku sii daray wasiirka ganacsiga. Source
  8. Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, maalgashi sidii loogu sameysan lahaa Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta ayaa maalintii Labaad wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa soo qabqan qaabisay Geel Project, waxaana ka qeybgalay maalintii Kowaad mas’uuliyiin kala duwan. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, wasiirka Ganacsiga, wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga, shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya xoolaha, beeraha iyo Kalluunka iyo marti kale ayaa shirkan ka qeybgashay. Waxyaabihii aadka looga hadlay waxaa ka mid ah sidii wax soo saarka dalka u heli lahaa suuq dibadda ah. Dhammaan mas’uuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay iney diyaar u yihiin ka shaqeynta arrimaha kobcinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo sidoo kale maalgashiga sidii ay uga shaqeyn lahaayeen. Maanta aya ala filayaa in shirkan lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Iyadoo muddooyinki dambe uu jiray khilaaf qaatay muddo islamarkana ka dhashay is-qab-qabsi la xiriira maamulka degmada Baardheere, ayaa Madaxweyne kux-geenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid [...] Source
  10. Shacabka ku dhaqan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo la sheegayo in deegaankaasi iyo deegaannada ku dhow ay abaar ka jirto. C/qani Maxamed, guddoomiyaha gobolka Sool oo kormeeray deegaankaasi ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka ayaa sheegay iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah islamarkaana xaaladooda ay aad u adag tahay. Guddoomiye C/qani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii dadkan aan gurmad loo helin ay xaaladda meel adag gaari karto. Wuxuu sheegay in maamulkooda uu dedaal ku bixin doono sidii loo heli lahaa cawinaad degdeg ah. Tukaraq ka sokow abaarta ka jirta weli waxaa laga dareemayaa saameynta dagaalladii dhowaan halkaasi ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho ( SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho. Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, basle Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisamaha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay duleedka M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada. Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta. Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Garoowe ( S,MN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Punland ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa uga digay golihiisa wasiirada in ay ku kacaaan falal la xariira musuq-maasuq iyo wax isdaba marin. Sidoo kale waxa uuu kula dar daarmay in ay la yimaadaan hanaan ku dhisan iskaashi dhexdooda ah, si bulshada loogu faa’iideeyo adeegyada aas aasiga ah. Dhankooda wasiirada cusub ayaa ballan qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay horumarin doonaan shaqooyinkooda. Shalay ayey aheyd markii xubnahani lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Ciidamada Booliska Gobolka ayaa Xalay xir xiray dhalinyaro badan kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee Muqdisho. Howlgalka ayaa laga sameeyey inta udhaxeeysa Cali Kamiin ilaa Baar ubax. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyey weerar habeen hore lagu qaaday xero ciidanka ku lahaayeen halka loo yaqaano Furayaasha. Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay dad aad u farabadan oo u badan dhalinyaro. Waalidiin badan oo caruurtooda howlgalka lagu qabtay ayaa xalay hor dhoobnaa xarunta xisbiga oo ciidamada ay fariisin ku leeyihiin. Puntland Post The post Ciidamada Amniga oo howlgal ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan TIKNIKO, kaasi oo ay sheegeen inay kala wareegeen ciidamadii watay xili dagaal uu dhexmaray. Al Shabaab ayaa sheegay gaarigaasi ciidamada dowladda ay kala wareegeen kadib dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac sababay. Waxaa la sheegay in gaarigaan oo uu ku xirnaa qoriga DHASHIIKAHA iyo saanad kale oo ciidan oo hub badan uu ku jiro inay kala wareegeen ciidamadii ay maalmo ka hor kula dagaalameen deegaanka Jazeera. Gaariga oo taarkadiisa ku xirnyed aheyd XOOGA 05704 ayaanan la sheegin halka Al Shabaab ay kusoo bandhigeen, balse waxaa goobta lagu soo bandhigay ku sugnaa ciidamo ka tirsan Al Shabaab. Dhowr jeer oo hore AL Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay gaari ay dhawaan soo bandhigeen kaasi oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caaismada@live.com
  17. Hargeysa(Caasimada Online) – Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay waydiiyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa xukuumad ahaan uga meel yaalla xujayda Somaliland oo dhib ku qabta gudashada waajibkaadka Xajka iyo sidii loogu heli lahaa hab u gaar ah oo Somaliland ku tagto. Wasiirka ayaa sheegay in dadaallo badan oo ay sameeyaan aanay suuro gelin in Sucuudigu aqbalo warqado ay dadka reer Somaliland ku tagaan Xajka, kuwaas oo ka madax banaan Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa sheegay in bulshada Somaliland Xajka ku tagto lacag qaali ah, haddana ay yihiin kuwo xilliyada u dambeeya la qaado, islamarkaana aanay daryeel ku helin xajka. Wasiirka oo arrimaha ka jawaabaya ayaa yidhi “Caqabadaha siyaasiga ah ee inaga haysta citiraaf raadinta iyo aqoonsiga dawladnimo iyo jiritaanka, sida aad ka war qabtaan weli basaboorkeena lama citiraafin in aynu nahay gobol jira oo Islaam ah oo dawlad leh oo degaan ah waa la og yahay laakiin, duruufahaas ayay salka ku haysa. Imbadan baanu ka dadaalnay sidii Basaboorkeena ama waraaqo gaar ah ay inoo citiraafan welina hawsha waanu ku dhex jirna, sanad aan laga hadalna way yar tahay,” Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland wuxuu sheegay in ay bilahan ku hawlanaan doonan sii wadida dadaalkooda. “Imikana qorshaha waxa noogu jirta 120-ka maalmood ee soo socda in xilka wasaaraddu ka shaqaynaysa yahay sidii loo heli lahaa duruuf gaar ah oo aynu ku xajno inagu, madaxweynaha cusub Md Muuse Biixi Cabdi waanu ka wada hadalnay, qorshe ayaa nooga yaalla haddii ay noo hirgashana way noo hirgashay haddii ay hirgeli waydana qorsheyaal kale oo aanu idiinla nimaadno oo aad nala qaadataan ayaanu idiinla iman,” Sidaas ayuu xildhibaannada u sheegay wasiirku. Wasiir Khaliil waxa kale oo la waydiiyay xidhiidhka Somaliland ee Carabta iyo sida ay fursad ugu helaan wasaarad ahaan in ay Somaliland u soo jiidaan dhaqaalaha badan ee Carabtu ku bixiso dalalka Islaamka sida Sekooyin iyo samafallada kale. “Dawladaha Carbeed waa run wax way bixiyaan dhaqaalena way leeyihiin waana niman naxariis badan markaad dhinac ka eegto laakiin, siyaasadaha caalamiga ah ayaa hadheeyay. Waxaad moodda in baryahan dhammaan wixii la odhan jiray samafalka la soo koobay oo cidhiidhi badan lagu hayo oo iyaga laftoodii isu adeegsadeen, hadda dagaalka siyaasiga ah ee dawladaha Carbeed ka dhexeeya ayay qolaba qolo ku eedaysa in ay argagixisada caawiso dabeedna iyagii baa isku buuqay marka wax alla wixii, masaajido imika dalkeena ka socda iyo agoomo ay taageeri jireen dariiqii loo soo marin lahaa lacagta ayaaba adkaaday laakiin, waa niman jecel in ay wax galiyaan walaalahooda muslimiinta ah laakiin, dariiqii ay soo marin lahaayeen ayay iyagiina iska xannibeen,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Khaliil. Waxa kale oo uu sheegay in dagaallada ka socda dalka Yemen yihiin dagaallo u dhexeeya dalal Carbeed, islamarkaana ay dad Carbeed dhibaataynayaan taas oo qayb ka ah waxyaabaha adkeeyay samafalkii laga heli jiray. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Puntland ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, ayaa waxa ay keentay dareen colaad siyaasadeed oo ay kala tirsanayaa qabaa’ilada ku dhaqan Puntland. Marka beel ahaan loo eego golaha wasiirada Puntland, waxaa loo qeybiyey laba. Marka la isku daro 9 wasiir, waxaa la siiyaya beesha Majeerteen, ayada oo 5 ka mida sagaalkaas laga siisyay beesha Maxmuud Saleebaan ee Majeerteen oo uu ka soo jeedo Deni. Qabaailada kale ayaa waxa loo qaybiyay 9 Wasiir. Arintaan ayaa waxa ay dib soo nooleysay dareenka horay looga qabay Puntland, oo ahaa in Puntland ay tahay degaan ay heystaan beesha Maxamuud Saleemaan oo ay ayagu isku bad-badalaan maamulkeeda, cida madaxweynaha ka noqonaysana waxaa markastaa laga soo xushaa beesha Maxamuud Saleemaan. Waxa hogaanka Punland horay isku xigsaday oo qabtay: Cabdullahi Yusuf (Cumar Maxamuud) Cade Muuse(Cusmaan Maxamuud) Cabdirahman Faroole (Ciise Maxamuud) Hadana dib ayaa loo soo bilaabay mar kale Cabdi Wali Gaas (Cumar Maxamuud) Saciid Deni(Cusmaan Maxamuud) —————- (Ciise Maxamuud) – Madaxweynaha ku xiga Saciid Deni waxa uu laga soo dooran doonaa beesha Ciise Maxamuud Arintaan ayaa waxa in mudo kasoo horjeeday beelaha ku dhaqan Sool iyo Sanaag iyo kuwa degan degaanka Mudug. Beesha Carab Maxamuud Saalax ayaa waxa ay soo saartay warmurtiyeed ay uga soo horjeedo magacaabista golaha Wasiiradda oo aan ayaga waxa wasiir ah laga siinin. Dhanka kale beesha Leylkase ayaa iyadana waxaa la siiyay hal wasiir oo ay ka biyo diideen ilaa iyo hadda. Saciid Deni ayaa sheegay in aan waxba laga badalaynin habka loo qaybiyay Golaha Wasiirada. Salaadiinta Puntland ayaa iska fogeeyay in ayan wax shaqo ah ku laheynin, oo aan lagala tashan magacaabista golaha wasiiradda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Dadweynaha reer Burco oo ku farxey iscasilaadda Guddiga doorashadu gudbiyeen. Magaalada Burco waxaa ilaa maalmahanba koone ilaa koone dadku ka hadlayeen sida goobaha lagu Shaaho, suuqyada ganacsiga iyo dhulka siyaasadda lagu faalleeyaba iney arrin saxan oo qiimo badan tahay iscasilaadda la sheegey in guddiga doorashooyinku ula tageen madaxweynaha Somaliland dhowaan. Dadka reer burco iyagoo aan u eegayn muxaafid iyo mucaarad iyo xisbi waxay dhammaan isku aragti ka ahaayeen in aan loo baahneyn cid fadqalalo sabab u noqota waayo wadajirkeenna ayaa wax kasta ka qiimo badan ee qof binu aadam ah oo KIISHKIISA dhaansanaya waxba inagama khuseyso. Waxay dadka wax garadka ahi isku raaceen in nimankan loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA ee uu madaxda u yahay Siciid Cali Muuse (SICIID NAAKHUUDE) oo markoodii horeba la MUSTAFEEYEY oo ahaa kuwii ugu musuqa badnaa, ugu caddaalada yaraa, ugu xilkasnimada darraa ee weligeed soo mara Somaliland iney waddanka dhibtooda iyo sharkooda ka badbaadiyaan oo ina dhaafaan. Dadka aanu ra’yi ururinta ka qaadney waxay isku raaceen nimankani waxay isugu dhejiyaan Meesha haddii la diidey waa uun fidno iyo shar wixii ay doonayeen adduunyo xaaraana ayay ahayd tiina hele oo buuxsade haddey wax u tareyso ee yaaney dadkayaga isku dilin ee hanna dhaafaan. Waxaan aad ula yaabey Nin reer burco ah ayaa I tusey Baabuur iyo guryo uu durbaba ka gaadhsiiyey ninkii qolada loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA ugu qaabbilsanaa BURCO wuxuu ninkaasi oo ay isku ARDAA ahaayeen igu yidhi bal ka warran ninkaasi inuu hodmey ayuu isu haystaa waxase aan la yaabbanahay isaga iyo kuwa Hargeysa joogaa waxay Meesha isugu dhejinayaan haddii garsoorkoodii keeney iney carruuri foodkii gasho aniguse kaas xaaraanta gadhka u samaystey qabiil ma ugu hiilin karaa?. Xamse Yuusuf faraska1988@gmail.com Qaran News
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni, ayaa saaka la filayaa in xukuumadiisa cusub uu horgeeyo barlamaanka Puntland, si uu uweysiisto inay siiyaan codka kalsoonida barlamaanka. Kadib [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay caddaatay in dowladda Soomaaliya ay ka been sheegtay heshiiska shidaalka kadib markii uu dhageystay barnaamijka Galka Baraista ee VOA. Qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook, hoos ka aqriso. Waxaan dhagaystay barnaamijka galka Baarista ee idaacadda Voa-da qeybteeda Afka Soomaaliga ee uu soo diyaariyey Wariye sare Harun Maruf oo xog badan oo dahsoonayd kuna saabsan shidaalka Soomaaliya dibadda soo dhigay. Waxaa wax lala yaabo ah in wasiirka Batroolka u qaabilsan Villa Somalia in hadalkiisa ay ka muuqatay: aqoon yari hawsha uu ka shaqaynayo, inkiraad xaqiiqooyin jira, qarin xog muhiim ah sida saamiga shirkadda Spectrum, adeegsi sharci hore oo ay wasaaradiisu soo baabi’isay, degdeg iyo khayraadkii umaddu ay wada lahayd oo uu doonayo asaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay in si mugdi ah u maamulaan. Waxaan bogaadinayaa Xoghayihii joogtada ee u danabeeyey wasaaradda Batroolka mudane Jamaal Qaasim Mursal oo bixiyey xog badan oo wax ku ool ah, muujiyey aqoon iyo xog-ogaalnimo, daacadnimo iyo geesinimo, banaankana soo dhigay wax badan oo uu wasiirka Batroolku daboolayey. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaaliyadda UK oo dareentay khiyaanada ay wadaan madaxda Villa Somalia oo ay u xilsaarteen wasaaradda Batroolka, kuwaasoo qaaday tallaabo geesinimo leh oo lagu difaacayo khyaraadka Soomaaliya oo shakhsiyaad iyo shirkado dallaaliin ah ay doonayeen in ay London kula kala wareegaan, ayadoo ay muuqato in weli ay socoto arrintii sida hadalka wasiirka Batroolka ka muuqata oo laba magaalo oo kale doonaya inuu ku soo bandhigo mashruucii xaraashka. Waxaa ila quman in si wanaagsan loo dhagaysto warbxinta Haaruun Macruuf uu ka diyaariyey arrimaha shidaalka.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeyn jiray dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkooda loo diiday inay gudaha u galaan dekadda, kadib markii ay warbaahinta la hadleen. Gaadiidleydaan ayaa sheegay in muddo shan sano ah loo diiday inay ka shaqeeyaan dekadda magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay dhibaatada lagu hayo soo bilaabatay dowladihii Xasan Sheikh Maxamuud. Xiligaan la joogo ayay sheegeen inay xaaladda kasii dareyso islamarkaana dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan wax ka qaban cabashada ay qabaan gaadiidleyda waaweyn ee ka xamaalan jiray dekadda. Gaadiidleyda ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u gacan gelisay dekada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lacago xad dhaaf ah ka qaada gaadiidka qaar ee galaya gudaha dekada magaalada Muqdisho. Cabdullaahi Cali Faarax oo ah afhayeen u hadlay gaadiidleydaan ayaa sheegay in wasaaradu ay siisay Shati, balse markii dambe ayuu sheegay in laga celiyay, taasi oo keentay inuu gali waayo dekadda. Afhayeenka ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay kala kulmeen wasaaradda gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in gaadiid badan ay ku jiraan garaashyada Muqdisho, maadaama ay shaqo la’aan ku dhacday. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/war-yaxye-ciise-gaadiidlayda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiseen guddi xoojiya tayada iyo tirada waxyaabaha dalka yaalla. Guddigan ayaa ganacsatada kala shaqeyn doona sidii wax soo saarka dalka loo tayeen lahaa looguna heli lahaa Suuq wanaagsan. “Waxaan halkaan ku dhisnay gudi runtii aad iyo aad loogu baahan yahay oo in badan talooyinka nooga yimid ganacsatada ee ku howlan dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa beeraha, kalluunka iyo xoolaha” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddigan loo dhisay iney u kuur galaan wax soo saarka dalka iyo sidii tayadooda loo hagaajin lahaa looguna raadin lahaa suuq ka baxsan wadanka iyaga kaashanaya dowladda. “Waxa ay shaqadoodu tahay iney u kuur galaan wax soo raarka dalka sidii tayadooda loo hubin lahaa iyo suuqyo lageeyo, sidoo kale waa in la hagaajiyaa sidii wax soo saarka gobollada ay is ku dhaafsan jireen madaama waddooyinkii ay burbursan yihiin, waxaad arkaysaa gobol wax soo saarkii ku jaban yahay mid aad u sareeyo taasna waa in guddiga ay xil iska saaraan sidii dalku wax soo saarka gudaha uu wadanku u xoojin lahaa” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in ganacsatada ay waajib tahay iney la shaqeeyaan guddigaan ay aas-aastay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha si wax soo saarka dalka uu u noqdo mid tayo iyo tiraba ka yeesho suuqyada caalamka ee loo iib geeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa su’aalo ka keenay hadallo is khilaafsan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkii maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ka yidhaahdeen waxa Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadka. Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay boggiisa Twitter-ka ku sheegay in shacabka Somaliland ayaan daran yahay waxaanu soo bandhigay su’aalaha ku xeeran weedhaha iska hor iyo daba yimid ee madaxweyne Biixi iyo wasiir Sacad“Madaxweyne Muuse: “Saldhigga militariga waan ka kiraynay dawladda Imaaraadka”!. Wasiir Sacadna waxa uu leeyahay “kiro kama qaadanno”! Keebaa run sheegaya? Keebaase shacabka been u sheegaya? Shacabkaygu ayaan daranaa?,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro ku yidhi qoraalkiisa. Madaxweyne Biixi oo hore waraysi u siiyay telefishanka Universal ayaa la waydiiyay waxa ay Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera waxaanu sheegay in laga kireeyay “Saldhigga waa ka heshiinay, waa ka kiraynay hawshiisiina way socota waana Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, cid saddexaad ma khuseeyo Saldhiggu,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Hase ahaatee wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo todobaadkan la waydiiyay sababta Miisaaniyadda Qaranka loogu dari waayay kirada Saldhigga laga qaado ayaa sheegay in aanu kiraysnayn “Saldhigga isaga Kiro kama qaadano. Kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad. Hadalladaas kala fog ayaa u muuqda kuwo jaahwareer ku riday bulshada Somaliland, islamarkaana muujinaya in xaqiiqooyin badan ka qarsoon yihiin maaddaama dhawr sanno kadib heshiisyada lala galay Imaaraadka aanay wax badan ka ogayn. Wasiir Sacad oo aan sheegin tirade sannadada la sii qadinta iyo cidda qaadatay toona waxa uu dhawaan bulshada u sheegay in Kiradii dekedda Berbera ee DP World oo sanadkiiba ah 5 Milyan oo dollar la sii qaddintay waxaanay ka mid tahay arrimaha layaabka ku noqday bulshada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com