-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The funeral of Paul Formosa, the Maltese port manager who was killed in Somalia last week, will be held on Monday 18 February at 9am at the St Anne’s church in Marsaskala, the Formosa family said on Friday. The family thanked the media for respecting their privacy during this difficult time. Formosa’s body was returned to Malta on Thursday. Paul Formosa was shot and killed in a Somalia by jihadist fundamentalists at the semi-autonomous region of Puntland. He was a port manager at the Bassaso port for the company DP World, which was granted a contract for the development of the port. The governor of the Bari region Yusuf Mohamed, said that the perpetrators were disguised as fishermen, at a fish market through which Formosa was passing through to get to the port. Al-Shabab claimed Formosa was in the country illegal, a claim Despite claims by the fundamentalist group, Formosa was in the country legally. A statement by the Al Shabaab had said that attack was part of broader operations targeting the mercenary companies that loot the Somali resources. Source: Malta Today
-
Qaran News
-
(SLT-Hargaysa) Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu somaliland uga tagay. Weriye Cabdimaalik oo saxaafada kula hadlay magaalada Jigjiga ayaa ganafka ku dhuftay hadalo ka soo baxay gudoomiyaha Solja oo la xidhiidha waxyaabaha keenay inuu ka tago somaliland. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka jawaabaya hadalada gudoomiyaah Solja ayaa waxa uu yidhi “Waraysi laga qaaday gudoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto waxa uu ku sheegay inaanay jirin wax weriyayaal ah oo somaliland uga tagay xadhig iyo cabudhin, waxaanu si gaar ah u sheegay in aniga oo Cabdimaalik ahi aan iska tagay oo aanay jirin wax xadhig ah iyo wax dhibaato ah oo igu haysatay Burco, waxaanu ku adkaysanayey markasta inaan wax dhibaato ah uga tagin Burco.” Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu tagay somaliland gaar ahaan magaalada Burco oo uu ku noolaa waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa in hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha Solja uu yahay mid ka duwan sida ay wax u dhaceen, Anigu Burco wax kale ugamaan iman ee xadhig ayaan uga imid kaas oo la xidhiidha warbaahintayada, sida aanu u hadalno, waxa aanu qorno iyo wixii aanu tabino, weerarkii ugu cuslaa noloshayda intaan arkay ayaa nalagu soo qaaday ilaahayna waa naga badbaadiyey laakiin qalabkayagii ayaa la qaatay, gaadhigayagii ayaa lala wareegay anagana waa nala raadinayey umaduna way ogayd oo warbaahinta Burco way baahisay, xaafadaha jaarka la ah xafiiskayaguna way ogaayeen sida xafiiska loo soo weeraray, markaa gudoomiyuhu waxa uu sheegayaa war ka duwan waxaas dhacay.” Weriye Cabdimaalik ayaa sheegay inaanu wax hiil ah uga baahnayn gudoomiye Xuuto waxaanu yidhi “Gudoomiye Xuuto anagu ugama baahnin hiil iyo inuu noo hadlo sababtoo ah kama filayno, aniguna shakhsi ahaan kama filayo Xuuto inuu ii hiiliyo laakiin ka ogolaan maayo inuu I hafro, Imika miyuu damaanad qaadayaa ninka leh Cabdimaalik lama xidhin oo isaga ayaa iskii uga tagay oo isaga oo nabad qaba ayuu iska tagay ma damaanad qaadayaa maanta hadaan Burco ku soo laabto oo aan wajaale ka soo galo, ma damaanad qaadayo balse marka sidaa lay qabto waa ninka ugu horeeya ee odhanaya xadhigiisu waa xalaal hore-na wuu u yidhi.” Ugu dambayn weriye Cabdimaalik ayaa fariin u diray bulshada somaliland waxaanu yidhi “Umada somaliland waxaan u sheegayaa marka la doonayo in qofka xoriyadiisa la banaysto ama la xalaalaysto xadhigiisa iyo dulmigiisa si gaar ah ayaa loo takoorayaa oo waxa la odhanayaa Somaliland ayuu ka soo horjeedaa, aniga oo kaliyana igu dhici mayso balse qof kasta oo ka soo horjeeda dulmiga way ku dhacaysaa, kana yeeli mayno Xuuto iyo qayrkii in naloo soo xidho shaadhka sharciga iyo dawlada iyo shaadhka ururo iyada oo lagu fulinayo dano kale.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ku celiyay walaaca ay ka qabaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay sameeyaan muddo kororsi marka muddo xiloodkoodu uu dhamaado. Wuxuu sheegay inay walwal ay ka qabaan suurta galnimada in dhamaadka sanadka 2021 ay doorasho ka dhacdo dalka, maadaama uu sheegay in waxyaabaha qaar oo loo baahnaa inaan xal laga gaarin sida Dastuurka qabyada ah. Nidaamka xisbiyada ayuu sidoo kale sheegay inaan wali la dhameystirin taasi oo caqabad ku ah doorasho dalka ka dhacda dhamaadka sanadka 2021, Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda ay dib u dhigeyso howlo badan oo qasab ah in la dhameeyo ka hor doorashada, waxaana ugu horeeya diiwaan gelinta dadka dhiibinaya codadka iyo hubinta xisbiyada dalka. “Waxaa ii muuqata markaan xukuumadda fiiriyo, in la daahinayo u diyaar garowga Doorashada, lama diiwaan gelin dadkii doorashada aadi lahaa, sharciga doorashada lama keenin baarlamaanka, waxaa fiican oo muhiim ah shacabka inay ogaadaan labo ka hor doorashada dhaceyso nooca ay tahay, waa nasiib daro in masuulkii la doorto afar sano kadib inuu ka fakaro sidii xilka uu kusii haysan lahaa” “Labo bil ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha uu dalbaday in sharciga doorashada la gudbiyo, walina lama gudbin, waxaana laga yaabaa in taasi ay sababto in ugu dambeyn madaxda dalka ay dalbadaan labo ama hal sano oo dheeri ah, haddii aan wax badan la eegin”ayuu yiri Xidhibaan C/qaador Cosoble. Walaaca xildhibaan C/qaadir Cosoble waxaa horey u qabay hogaamiyaasha xisbiyada dalka qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marka aynu eegno ee fiirsano nolosha aadamaha ilaahay aduunkan ku abuuray kuwa hada nool kuwii qarniyadii hore noolaaba , waxa ay caqabadaha adag ee nolosha kaga baxeen aqoon iyo waayo aragnimo iyo dedaal oo ay ku gaadheen horumar iyo halkaa la taagan yahay. Waxa hubaal ah in dadka oo la dhisaa ay tahay waxa ugu muhiimsan ee umad doonaysa halka ay taagan tahay in ay hore uga socoto oo horumar hiigsato iyo hawlaheega nololeed ee ay u baahan tahay. Waxa tusaale kuugu filan iyo ku dayasho Nabigeenii Muxamed waxa uu 11 sanadood mudo lagu sheego uu iimaanka ka dhisayey asxaabtiisii intii aan hawl kaleba loo dirin, ilaa ay noqdeen dad dhisan oo daafaha dunida diinta islaamka gaadhsiiyey ilaahay raali ha ka noqdo dhamaantoode. Haddaba marka aynu u soo noqono dalkeena maanta waxa aynu rabnaa in aynu hiigsano aduunka horumaray ee dedaalay ee nolosha ku sameeyay daahfur iyo in ay dhibaatooyinka inta ay ka baxaan waliba raba in ay aduunka kaga tagaan raad muuqda oo lagu xasuusto. Waxa aynu rabnaa in aynu maarayno oo xal u helo dhibaatooyinka inala hadhay ee uu ugu weyn yahay jahligu, ee uu ku xigo faqrigu ee ay ka mid yihiin dib u dhaca iyo daryeel la’aanta inta ugu badan ku habsatay qaaradan aynu ku noolahay oo sababtay in aynu aduunka kale daba gurguurano. Waxa aynu rabnaa maamul wanaag iyo dawladnimo cadaalad ku dhisan oo uu qofwaliba dareemo adeegyada baahiyaha uu uga baahnaa dawlad in uu heli karo isaga oo aan u mareyn wado ka duwan sharciyada dalka u yaalla iyo xuquuqaha muwaadiniintu dalkooda ku leeyihiin. Waxa aynu rabnaa waxkasta oo wanaagsan iyo darajo kasta oo sareysa oo Ibnu Adam gaadhay in aynu gaadhno oo hiigsano haday tahay mid aduunyo iyo haday tahay mid aakhiroba. Waa hubaal in aynu gaadhi karno meelkasta oo Ibnu Adam gaadhay !!! Laakiin waxa isweydiin leh sidaynu ku gaadhaynaa? wadadee aynu u maraynaa halka aynu rabno in aynu gaadhno? maxaa aynu u baahanahay in aynu halkaa ku gaadhno? Jawaabaha su’aalahani si dhib yar ayaa looga jawaabi karaa afkana loogu sheegi karaa, hase ahaatee waxa adag sidii la iskugu hawli lahaa ee loo hirgalin lahaa oo u baahan dedaal , go’aan qaadasho iyo isku tashi bulsheed. Waxa aad og tahay akhrista in maanta dalkasta oo aduunkan aynu ku noolahay ku guud yaal oo aynu u aqoonsanahay in uu yahay dal horumar gaadhay ama nolosha binu adamka caqabado badan oo ku gedaanaa intoodii badnayd maareeyay, wax na ku soo kordhiyey lagu xasuusto in aanu dadkiisa oo uu dhisay la’aanteed aanu gaadheen halkaa. Halkaa waxa kaaga soo baxaysa in dadka oo la dhisaa ay ka muhiimsan tahay daaro la dhiso iyo dariiqyo la dhiso, waxa imanaysa halkaasi su’aal sidee dadka loo dhisayaa ah ? Su’aashan iyo su’aalihii ka horeeyay jawaabahoogu waxa ay noqonayaan in aynu meel walba oo wanaagsan oo Ibnu Adam gaadhay ku gaadhi karno dadkeena oo aynu dhisno, oo laga dhiso waxa ugu muhiimsan oo ah diinta islaamka , waxa laga dhisayaa nidaamka waxbarasho ee dalka oo la eegayaa ama la qiimeynayaa aqoonta aynu baranaa ma tahay mid inagu anfacaysa deegaanka aynu ku noolahay iyo duruufaha ku gedaaman. Waa seeska umada ee aan is leeyahay Waynu ka hagaagi karnaa oo ka horumari karnaa hadii aynu maanta ka fikirno dadkeenu 30ka sano ee soo socda dad noocee ah bay noqon doonaan marka aynu arimahaa aan tilmaamay iyo qaar badan oo kale dib wax la isaga waydiiyo, oo aynu dhigano qorshe dheer oo nololeed iyo mustaqbal. Markaa daaraha iyo dariiqyada oo la dhiso waxa ka muhiimsan dadkii nolosha iyo mustaqbalka dambe ee umadan gacanta ku qaban lahaa oo aynu maanta dhisno , sababta oo ah dad dhisan ayaa dal dhisi kara oo dunidana hogaamin kara. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil somalilandstar@gmail.com Source
-
Waxaan Xusuustaa Maalin Taariikh ah oo Ku Beegneyd Wakhti Yar kadib Markii uu Xisbiga Kulmiye Ka Guulaystey Xisbi Xaakimkii Udub ee Madaxweyne Rayaale hogaaminayay, Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda iyo Duulista Hawada Isku Soo Marey Maxamuud Xaashi Oo kamid ah Ragga u holadey Damaca Xisbiga Kulmiye ayaa kalmad Laga Qorrey Waxa uu Yidhi.Maalmihii Farxadiisa, oo ku beegnayd iyana Markii u horeysay ee uu Wasiir Awood badan Noqdo Waxa uu Si jees jees ah u yidhi “Raggu Waa Raggii Goobtuna Waa Goobtii” laakiin Maanta Heestaa.Mid ka Duwan ayaa Miiska u Saaran, Sida Muuqata Marka la Tixraaco Shirka Xisbiga Kulmiye Loogu Qabanayo Boorama iyo. Ajandaha loo soo Dhigay Maadaama Xubnaha Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta loo Qaybsanayo Qaab Beeleed oo laga badelayo Sidii Awal hore ay Reeruhu ugu kala badnaayeen ha ubadnaato Beesha Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, Laakiin Waxa haddana Muuqata in Maanta ay haysato Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Beesha uu kasoo jeedo heestaa uu Maalintaa uu Dinaaxinayay ku Tiraabay ee ahayd “Raggu Waa Raggii Goobtuna Waa Goobtii” hadda Goobtu Waa Madaarka Hargeysa.e Haddaan Geesta kale hoos uga daadago Shirka Boorame loogu Qabanayo Xisbiga Kulmiye, Waxaa Maalmihii u Dambeeyay Dadka Reer Somaliland oo dhami Si aad ah u hadalhayeen Arinta Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo laga Soo.Waayay.Siyaasiyiintii New Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Cali.Maxamed Yuusuf(Cali Gurey), Waxaynu Wada ogayn in Murankii iyo Dacwadii Mudada dheer Socotey, ee ay Wada galeen Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Gurey oo isku Dhinac ah iyo Faysal Cali Waraabe oo isaguna Dhinac ahi in ay daarnayd Marka horeba mid ka Timid Xaga Kulmiye oo laga istaadhey, oo lagu Mija Xaabinayay in aan Jamaal Cali Xuseen Murashax ka Noqon Xisbiga Ucid oo aan Xaqiiqatan Reerka Habar-Awal la yidhaa Laba Murrashax u Yeelanin. Haddaba Markii Dacwadaasi Dhamaatey ee Maxkamadii la isla Galey u Xukuntey Faysal Cali Waraabe Koox yar oo aan ka Badneyn Tobaneeyo Qof ayaa ku Biirey Xisbiga Waddani una Badnaa Dhalinyartii Taageersanaa Jamaal Cali Xuseen iyo Damaciisii, Siyaasadeed Waxaana Xubnahaa lagu Darey Golihii Dhexe ee Xisbiga Waddani Laakiin Jamaal Cali Xuseen, oo Maalmahaa isaga laftiisa loo Tumhayay in uu Ku Biiri Doono Xisbiga Waddani ayaa Ka Badheedhay in uu Ku Biirey Xsibigii Kulmiye ee Mija Xaabiyay Damaciisii Siyaasiga ahaa Waxaana Laga Reebay Kalmad Culus oo aheyd ” Waxaan Xisbiga Kulmiye u Raacey Geellaa Isaga Kaaya Jira”. Inkastoo aanay Kalmadaa aad U Jeclaysan Shacab Badan oo Taageero u hayey Dadka Arimaha Siyaasada u Dhuun Daloolaa Waxa ay Xantii Xaqiijiyeen in Cali Gurey oo isna halkaa Kadaba Marey ay Qaateen Lacag dhan 400.000$ 300.000$ Jamaal ah iyo 100.000$ Cali Gurey ah Laakiin aaney Marin Wadadii ay Kaga Jawaab Celin lahaayeen Ficiladii lagula Kacey Damacoodii Siyaasiga ahaa. Haddaba Marka loo eego halka ay Maanta ka Joogaan Xisbigii ay Ku Biireen ee Kulmiye oo aanay habayaraatee, kujirin Golihiisii Dhexe iyo Gudidii Fulinta Midna Kadib Markii ay Iska Dhex Waayeen Xubnihii Loo Yeedhay Toddobaadkii u Dambeeyay Waxa at Taasi ina Tuseysaa in Loo Quus gooyay Dadkii Mudaakirooday Wax Dambe oo ay inoo Sheegaana Sidaasay ku Dhamaatey Haddii Cali Gurey Maalmaha Qaar ahaan Jirey Addin Yaa Bilaal ama Sayid Cali Runta Sheega Maanta Waxaynu Leenahay la Sheekayso 100.000$ ee Dollar Jamaalna Waxeynu Leenahay 300.000$ ee Dollar ka Sakaw la Sheekayso Geelii adiga iyo Muuse isugu kiin jirey. Bal aynu Eegno Beeshii Wareejinta Xisbiga Kulmiye Sugaysay, iyo dad badan oo kale oo iyaguna aad u qooqanaa Markii.ololaha. Najiib Ismaaciil Maxamed Gabiley Somaliland Tell:0634466339 Source
-
Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda billowdo sanduuqa dhismaha nabadda Somalia, kaasoo ay ku bixi doonto lacag dhan 30-milyan oo doollarka Maraykanka ah. Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dadaallada nabadeed ee ka jira Soomalaiya la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta. Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Somalia tan iyo 2009-kii, waxaana sanduuqeeda taakuleyntana uu yaboohay lacag ku dhaw 45-milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan. Dhanka kale, Xafiiska taakuleynta Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ku haya indhaha isbedellada ka socda Somalia; sida dhaqaahaha, siyaasadda, amniga, doorashooynka la filayo inay dalka ka dhacaan wixii ka dambeeya 2020-ka iyo dib u eegista dastuurka Somalia. Midowga Afrika ayaa dhankiisa dhawaan ka dalbaday beesha caalamka inay ka shaqeeyaan sidii Somalia looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, taas oo qayb ka ah dallaalada la doonayo in kor loogu qaado dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay in Somalia ay soo daabacan karto lacago cusub. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli Dowladda Somalia ay dhawaan dalka ka erdiday ergaygii QM ee Somalia, Nicolas Heysom oo ay ku eedeeyeen inuu fara-gelin ku hayo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Malaayiin Doollar ku bixinaysay sidii loo nabadeyn lahaa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
UN set to launch 30 mln USD peace building fund for Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations will next week launch a peace building fund (PBF) worth 30 million U.S. dollars to help support the country’s peace building efforts. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said on Thursday a joint launch of the new PBF portfolio will be held to highlight the interlinkages between the new projects. The projects will also address Somalia’s peace building priorities as outlined in the peace building priority plan, the national development plan, the national stabilization strategy, the Wadajir Framework, and the national reconciliation framework. “The current portfolio consists of nine active projects valued at 30 million dollars – a sign of the PBF’s increasing focus on Somalia in support of the country’s peace building and state-building efforts,” UNSOM said in a statement ahead of the launch. It said the UN secretary-general’s PBF has supported Somalia’s peace building process since 2009, adding that investments to date amounts to about 45 million dollars, of which a record level of 14 million dollars was allocated to five new projects in 2018. The post UN set to launch 30 mln USD peace building fund for Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Waxbarashada Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu horreeya ee ay qaban doonaan guddiga soo celinta hantida qaranka. Goodax Barre oo sidoo kale ah Guddoomiyaha guddigaasi oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hantida lasoo celinayo kaliya inaan laga celin doonin magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan gobolada Somalia oo ay ku jiraan kuwa Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland laga soo celin doono hantida ay lahayd Dowladdii dhexe , oo aysan ku koobnaan doonin gobollada Koonfurta ku yaalla. Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga soo celinta hantida qaranka ayaa xusay in la isla-gartay in Wasaarad walbaa laga doonayo ugu yaraan inay soo celiso kana shaqeysiiso seddex hanti qaran oo cidna aysan ku jirin iyo ugu yaraan labo Hanti Qaran oo shaqsiyaad ama shirkado ay gacanta ku hayaan. Taasoo ka dhigan in wasaarad walbaa laga doonayo inay soo celiso seddex Hanti qaran islamarkaana ka shaqeysiiso. Dhanka kale, Waxaa la is-weydiinayaa sida Xukuumadda Soomaaliya ay usoo celin doonto goobaha Dowladda ee ku yaala Gobollada Waqooyi ee dalka, iyadoo la og yahay in gobolada waqooyi ka dhismay maamulka Somaliland tan iyo burburkii dalka. Ugu dambeyn, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda ma uusan sheegin hanaanka ay dhaqan gelinta qorshahaasi u mari doonaan, balse wuxuu caddeeyay inay ku jiraan qorshayaasha ay isku fahmeen guddigan. PUNTLAD POST The post Guddiga soo celinta Hantida Qaranka oo ka Hadlay Qaabka loosoo celinayo Hantida appeared first on Puntland Post.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has trained 198 Somali police officers to help step up security for the HirShabelle state. The AU mission said on Friday the police officers are the first batch of 800 new police recruits being absorbed in the state’s police force, to maintain law and order in Somalia’s youngest federal state. “It’s your responsibility as police officers to ensure that you exercise professionalism, observe fundamental issues of human rights, issues of rule of law and constitutionalism when carrying out your duties as police officers,” Simon Mulongo, deputy special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, told the new recruits, according to a statement issued on Friday. The three-month comprehensive training focused on different aspects of policing, including crime prevention and public order management. The police recruits were also taught international humanitarian law and international human rights law, which are critical in their day-to-day duties. The AU mission has developed conditions-based transition plan, to transfer the national security responsibility from the AU troops to the Somali security forces guided by the rule of law and respect for human rights. The move comes after the UN Security Council authorized a gradual troop reduction amid transition of security responsibility to Somali National Security Forces. The AU mission says it has already withdrawn 1,000 troops and more withdrawals are expected in 2019. “I am confident that you will perform your duties with selfless devotion as the constitution mandates you to do – protect and secure the country,” said Christine Alalo, acting AMISOM police commissioner. She expressed gratitude at partners who had supported the vetting, recruitment and training of the police officers. The post AU trains police officers to enhance security in Somali state appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay markii ugu horreysay ay madaafiic ku weerartay saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Somalia oo ah garoonkii ciidamada cirka Soomaaliya ee Balli-doogle. Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray saldhigga Balli-doogle oo ah goob aad loo illaaliyo ammaankeeda. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, kuwaasoo ay sheegeen in ay xasuuq ka geystaan Koofurta iyo Bartamaha Somalia, kuwaasoo lagu dilo xubno badan oo iyaga ka tirsan. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan weerarkan maanta ay Al-shabaab ku qaadday saldhiga Balli-doogle. Saldhigga Balli-doogle ayaa qaybna waxaa lagu tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliyeed ee loo yaqaan [Kumaandoos-ta], Qaybna waxaa saldhig ku leh ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones. Ugu dmabey, Sanadkii hore Mareykanka ayaa ballaariyay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kuwaasoo caawiya ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kooxda Al-shabaab oo duqeysay Saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wixii bishaan ka dambeeya waxay wararkeeda ka baahin doontaa xarunteedda cusub ee ay ka furatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Warbixin lagu daabacay bogga BBC Somali ayaa lagu sheegay in wixii 18-ka bishan Feberaayo laga baabin doono warbixinnada, wareysiyada iyo wararka laanta Soomaaliga ee BBC-da magaalada Nairobi, waxayna warbixintoodu u qornayd sidan: Muddo lixdan sano ka badan markii u horraysay barnaamijyada laanta af Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa gabi ahaantoodka laga soo tabin doonaa Bariga Africa laga billaabo maalinta Isniinta ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 18 Feebaraayo sannadkan 2019ka, dhagaystayaasha ayaana wararka looga soo tabin doonaa xafiiska cusub ee BBC-da ay ka furatay magaalada Nairobi. Anaga oo u dabaal dagayna arrintaas ayaan toddobaadka oo dhan soo gudbin doonnaa barnaamijyo khaas ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Waraysiyo aan la yeelan doono hogaamiyeyaasha miisaanka leh ee gobolka. Nooc dacarta ka mid ah oo laga helay Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo loo bixiyay Dacaar Soomaali, taas oo ay saynisyahanno heleen. Iyo dib u milicsashada magacyada ay Soomaalidii hore u yaqaanneen maalmaha iyo bilaha “Farxad iiga wayn ma jirin in aan hoggaamiyo saxafiyiin caan ah oo aad u gacan qabtay jiilka cusub. Soo wareejintanna waxay noo soo dhawaynaysaa dhagaysteyaashannada Geeska Afrika ku nool, sidoo kalena waxay noo hirgalin doontaa in aan soo tabinno wararka dadka noloshooda taabanaya, kuwa dhiirigalinta leh iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan. Waxaan doonaynaa in aan wararka ku saabsan nolosha Soomaalida la wadaagno Afrika iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri Tifaaftiraha Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, C/llaahi Cabdi Sheekh. Laanta af Soomaaliga ee BBC waxaa la billaabay sannadkii 1957 waxayna wararka soo tabinaysay in kabdan 60 sano toddobaad kastana waxay la hadashaa 3.6 milyan oo ruux oo ku nool Bariga Africa, Geeska Africa iyo dunida dacalladeeda, waxay leedahay Idaacad, online iyo TV iyo baraha bulshada oo kala ah Twitter,Facebook iyo Instagram. Idaacadda BBC News Somali waa idaacadda loogu dhagaysi badan yahay Soomaaliya, waxayna leedahay mid ka mid ah bogagga aadka loogu taxan yahay ee Facebook, iyadoo ay ku taxan yihiin in kabadan 1.1 milyan oo ruux. Qaar ka mid ah saxafiyiinta laanta af Soomaaliga ee BBC: Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo ka mid ah saxafiyiinta laanta af Soomaaliga ee BBC oo labaatankii sano ee la soo dhaafay shaqaynayay ayaa yiri “Markii aan billaabaynay dhammaadkii 80yadii iyo billawgii sagaashameeyadii dad badan ayaa shaki ka qabay in aan u caan bixi doonno sidii kuwii naga horreeyay ee waddada noo banaynayay. Maantana waxaa naloo arkaa in aan aasaas u nahay laanta af Soomaaliga ee BBC. Sidaa daraadeed waxaan ku kalsoonahay in jiilka cusub ay noqon doonaan xidigaha BBC iyo saxafiyiinta dadka Soomaalida ah”. Fartuun Ismaaciil oo reer Muqdisho ah oo ku cusub laanta af Soomaaliga ee BBC: “Waligay waxaan ku riyoon jiray in aan ku biiro BBC, “waxaana si lama filaan ah iigu soo baxday fursad aan ku badali karo dad Cabdinuur Sheekh Maxamed oo kale ah, kaas oo dadkoo dhan ay yaqaannaan, waxaan ku kalsoonahay in aan soo gudbin doono warar iyo barnaamijyo ay ku qancaan dhammaan dhagaysteyaashanadu, diiraddana aan saari doono dumarka iyo dhallinyarada.” Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Wariye C/nuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo muddo 30-sano ah kasoo shaqeynayay BBC-da Qaybteeda Af Soomaaliga ayaa shaqada ka fariisanaya, iyadoo ay dad badan ku tilmameen C/nuur wariye dheelli-tiran. PUNTLAND POST The post Laanta Af Soomaaliga ee BBC oo shaacisay halka ay ku shaqeyn doonto bishan kaddib appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa todobaadkii hore Maalintii Axadda soo magacaabay xubnaha golaha wasiirada maamulkiisa oo ka kooban 48 xubnood. Golaha wasiirada Puntland ayaa wajahaya tijaabadii ugu adkeyd waxaana ay u baahan yihiin inay helaan codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maalinta beri ah la horgeyn doono. Arinta culeeska ku ah golaha wasiiradda ayaa ah in xildhibaanada qaar ay saluugsan yihiin hanaanka madaxweyne Deni uu usoo magacaabay golaha wasiirada, waxaana taasi ay tahay kalsooni darada koowaad ee ay qabaan inay codka waayaan. Arinta labaad ayaa ah in beelaha iyo odayaasha dhaqanka ay dhaliilsan yihiin qaabka loo maray awood qeybsiga wasiirada uu soo magacaabay madaxweyne Deni, waxaana taasi ay dhalin karaa in xildhibaanada u diidaan codka kalsoonida. Arrinta seddexaad ayaa ah in madaxweyne Deni uu albaabada ka xirtay odayaasha dhaqanka markii uu waday la tashiyada xulidda golaha wasiirada, taasi oo dad badan ka careysiisay. Waa tijaabadii ugu adkeyn ee ay marayaan golaha wasiirada, waxaana kadib horyaala fulinta balanqaadyadii uu sameeyay madaxweyne Deni, isaga oo isku haleynayay wasiirada uu la imaanayo. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in golaha wasiirada hortagaan baarlamaanka iyaga oo weydiisanaya codka kalsoonida. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu horeeya ee ay qaban doonaan guddiga soo celinta hantida qaranka. Wasiir Goodax oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddigaasi oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hantida lasoo celinayo kaliya inaan laga celin doonin magaalada Muqdisho. Dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayuu sheegay in hantidaasi laga soo celin doono, islamarkaana wuxuu cadeeyay in gobolada waqooyi “Somaliland” ay ku jiraan meelaha laga soo celinayo hantida. Guddoomiyaha Guddiga soo celinta Hantida qaranka ayaa sidoo kale sheegay in la isla gartay in wasaarad walbaa laga doonayo ugu yaraan inay soo celiso kana shaqeysiiso seddex hanti qaran oo cidna aysan ku jirin iyo ugu yaraan labo Hanti Qaran oo shaqsiyaad ama shirkado ay gacanta ku hayaan. Taasi ayaa ka dhigan in wasaarad walbaa laga doonayo inay soo celiso seddex Hanti qaran islamarkaana ka shaqeysiiso. Waxaa la isweydiinayaa sida xukuumadda Soomaaliya ay usoo celin doonto goobaha dowladda ee ku yaala gobolada waqooyi ee dalka, iyadoo la og yahay in gobolada waqooyi ka dhismay maamulka Somaliland tan iyo burburkii dalka. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda ma uusan sheegin hanaanka ay dhaqan gelinta qorshahaasi u mari doonaan, balse wuxuu cadeeyay inay ku jiraan qorshayaasha ay isku fahmeen guddigan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Goodax-Bare-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay hadal kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadanaa inay weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ku leeyahay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Balidoogle. Saldhigaasi oo ah midkii ciidamada cirka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tababaraa ciidamada dowladda Soomaaliya, waana saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan la sheegay in la dhiso doono waddo ka baxeysa Balidoogle oo tageysa dalka Jabuuti. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay wararka la xiriira in madaafiic lagu weeraray saldhiga Balidoogle, waxaase uu sheegay in madaafiicda ay ku dhaceen meel ka baxsan xerada islamarkaana Al Shabaab ay goobta isaga baxsadeen. Guddoomiye Barre ayaa xusay in ciidamada amaanka ay hadda wadaan baaritaanka ay ku raadinayaan xubnaha Al Shabaab ee madaafiicda ku weeraray saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal Al Shabaab ay baahiyeen ayaa lagu sheegay inay weerareen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay jiraan khasaaro gaaray saldhiga, sida qoraalka ay ku sheegeen. Ma jiro war kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Balidoogle, waxaana adag in xog badan laga helo gudaha saldhiga. Caasimada Online Xafiiska Sh.Hoose Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Atlantic ayaa sheegay in wali xeebaha Soomaaliya ay ka jirto khatarta burcad-badeeda qafaasha maraakiibta. Marco Guerriero oo ka tirsan ciidamada badda Talyaaniga ee howlgalkaasi ayaa shaaciyay in ay dar-dargelinayaan guluf ka dhanka ah burcad-badeeda. “Dhalinyarada burcad-badeedku dib ayey isku soo abaabuleen…waxayna doonayaa in ay fuliyaan weeraro,” ayuu yiri Guerriero. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in howlgal roondo ay dhowaan ka sameeyeen biyaha u dhaxeeya Somalia, Yemen, Jabuuti iyo Eritrea. Howlgalka Atlantic, oo uu taageero Midowga Yurub, ayaa waxaa kaga sugan biyaha Soomaaliya maraakiib la dagaalanta kooxaha burcad-badeeda. Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo soo shaac-baxay intii u dhaxeysay 2008-kii iyo 2009-kii ayaa afduubtay maraakiib ay lacago madax furasho ka qaateen. The post M/Yurub: “Wali way jirtaa khatarta burcad-badeeda Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London) Cabdinur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC ku biiray 1989, ayaa haatan ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da. ”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka,’ ayuu yiri. Idaacaddii aan ka shaqeyn jirnay ee dawladda Soomaaliya halku dhegeedu wuxuu ahaa ‘warbaahinta sida xalaasha ah uga tarjunta mabaadida kacaanka’. “Ha yeeshee BBC oo cid walba ra’yigeeda waydiineysa oo dhinacyada oo dhan u dhexeysa ayaa ku soo dhex dhacnay. Waxaa na hagaya waa mabaadi’da asalka ah ee saxaafadda ee BBC ee dhexdhexaadnimo. Waa taas midda keentay in xataa berigii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya meesha u xun marayey oo qab-qablayaashii ay caasimadda ku dagaalamayeen in dagaalku is-taagi jiray 5:30 waqtiga ay idaacaddu bilaabto si dhinac walba u helo xogta dhinaca kale, xataa gobolada Soomaaliya oo aan la isu gudbi jirin, BBC ayey ka heli jireen wararka, waa horaantii 90-shameeyadii. Mudadii 30ka sano ku dhaweyd ee aan BBC London iyo Nairobi ka shaqeynayey waxaa walwalka u weyni iga hayey dalka oo colaad iyo kala irdhow aan taariikhda na soo marin uu ka dhacay oo aysanna muuqan 30 sano kadib xal ay dadku isku aamini karaan iyo dib u heshiin dhab ah”. “Isla mudadaas waxaa is-bedelay dareenkii iyo fakarkii dadka oo waxaa dhacday in si xor ah qofka uu u sheegan karo fikirkiisa, khaas ahaan soo shaac-baxa iyo helitaanka idaacadaha iyo bogaga internetka. Waxaa kale oo si aan caadi ahayn wax weyn u kordhiyey baraha bulshada, ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamad Isxaaq. “Dadkii ka qaxay dagaalka sokeeye oo dib ugu noqday dalka oo shar iyo khayrba geeyey, waxaa heer sare gaaray wacyiga dadka oo ku aadan doorka dumarka, oo dagaalkii sokeeye intii uu socday oo dhan ahaa kuwii quudinayey oo barbaarinayey qoyska.” “BBC London waxaan ugu tagay oo la shaqeeyey wariyayaashii aan ku dayan jirnay oo aan ku taami jirnay sidii aan heerkooda oo kale u gaari lahayn, sida Cabdullaahi Xaaji Idris, Idris Xasan Diiriye, Maxamuud Sh Dalmar,Aadan Nuux Dhuulle,Yoonis Cali Nuur,Maxamuud Xasan iyo Cabdi Siraad oon aad uga faa’iday khibradoodii”. “Berigaas aniga iyo wariyayaashii kale ee iga dambeeyey waxaa la oran jiray BBC waa la kharibay oo kuwo aan la fahmeyn baa laga soo buuxiyey, balse markii dambe waxaan udub-dhexaad u noqonay warbaahinta Soomaaliyeed, Qiimeyntu maaha aqoontooda ee waa dhageysytaha oo aan la qabsan codka cusub. Shaqaaluhu waa yimaadaa, waana tagaa, waxaase wariye walba lagu qiimeeyaa waxa uu u gudbinayo dhageystaha inuu awalan isagu fahmo, hubiyo oo dheelitiro, si war sugan oo dhexdhexaad ah aad ugu gudbiso dhageystayaasha oo isugu jira heer walba,mid aqoon sare,aqoon dhexe iyo aqoon hoose leh,” ayuu sheegay Cabdinuur Sheekh. Cabdinuur Sheikh Mohamed oo BBC ka shaqeynayey 30 sano ku dhawaad ayaa haatan ka mid noqday wariyayaasha laanta af Soomaaliga ee dhawaan holwgabka ka noqon doona shaqada maadaamma barnaamijyadii loo soo wareejinayo Nairobi. Sources: BBC Somali Source
-
Beledwayne (SMN) – Qaar kamid ah shacabka danta yar ee ku dhaqan Beledwayne iyo duleedka magaaladaasi ayaa waxaa lasoo daristay xaalad beni’aadanimo oo aad u daran. Dadka ayaa ka cabanaya in ay haysto biyo yari, taasi oo ka dambeysay markii uu guray wabiga Shabelle kaasi oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku nool degaanada dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ku adag tahay helida isticmaalka biyaha oo nolasha aadanaha muhiim u ah, waxaana ay sheegeen in qiimaha la siisto biyaha ay sare u kacday. Mas’uuliyiinta dowlada iyo maamul goboleedka HirShabelle ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo gaarisiyaan gargaar biyo oo deg deg, si nolal maalmeedkooda caadig ah dib ugu soo laabato. The post Xaalad beni’aadanimo oo ka taagan agagaarka Beledwayne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdinur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC ku biiray 1989, ayaa haatan ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da. ”Markii aan ku soo biiray BBC [...] Source
-
Abuja (SMN) – Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Sooomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa kamid ah korjoogtada caalamiga ah ee Midowga Afrika uga qaybaleysa doorashada guud ee dalka Nigeria. Kormeerayaasha ka socota AU-da ayaa waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, waxaana waajibkoodu yahay indhadheynta qaabka ay u qabsoomeyso cod-bixinta. 16-ka Febraayo oo maalinta berri ah ku beegan ayay dhaceysaa doorashada madaxtinimada Nigeria, taasi oo ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah, iyada oo la rajeynayo in ay coddeeyaan 80 milyan oo ruux. Kormeerayaasha oo tegi doona dhamaan goobaha cod-bixinta ee gobolada kala duwan ee Nigeria ayaa doorashada kadib waxa ay soo saari doonan warbixin ku saabsan doorashada iyo sida ay u qabsoontay. The post Somalia oo qayb ka ah korjootada doorashada Nigeria appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaybtii 3aad “Maxaan dogob beer is idhi Daruuro u soo sasabay Biyuhu uga sii dareen!” Muuse waa la doortay.Talooyin badan waa uu xambaarsanaa.Waxa ugu cuslaa barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo ballanqaadyadii la xidhiidhey ee aannu kala shaqaynay. Waxa aan ka mid ahaa dadkii aqoonsanaa haddii uu Muuse soo baxo oo uu raaco barnaamijkaas siyaasadeed iyo qorshaha hawl-galladiisa ama fulineed ee la socdey waxa ay hoggaamintiisu Somaliland ka tallaabin doontaa is goysyadii halista badnaa ee ay taagnayd. Muuse waxa uu dadkii barnaamijka wadey la qaatay, in kasta oo barnaamij kalena meelo kale dad kale ka wadeen, haddana kaayagii in uu ku socdo barnaamijkaas iyo qorshaha fulintiisa, iyo diyaarinta dadkii u qalmi lahaa ee ka midho-dhalin kari lahaa oo lagu soo xusho aqoon takhasus leh iyo waaya-aragnimo la hubiyey, karti iyo hufnaan la bilkeedey, iyo dadnimo iyo daacadnimo la shirrabay. Somaliland oo ku dhaqanta nidaam mucbeel ama mutaweled ah oo isugu dhafan hab-dawladeed qabali ah iyo mid casri ah (Hybrid) waxa suurta gal ahayd dadka loo baahan yahay in laga heli karayey qabiil kasta oo labeentiisa laga soo xulan karayo. Caqabaadka ugu waaweyn ee Somaliland horyaalley, barnaamijka siyaasadda iyo qorshahiisa fulintuna ka soo dabqaadanayeen waxa ka mid ahaa, uguna muhiimsanaa, illayn haani gun bay ka tolantaaye: Midnimada iyo wadajirka Somaliland oo sii diciifayey intii Kulmiye talada hayey. Lahaanshaha bulsheed (social belongings), ahaansha (Identity) iyo xukunku (authority/govern) si ay isu daboolaan, isuna qabtaan waa in la qaadaa markiiba tallaabooyinkan oo soo noolayn kara dhayidda iyo xoojinta wadajirka bulshada ayaa qorshuhu ahaa sida: • Dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqda qofka ee muwaaddinnimo/geyiilennimo. (Noolaynta ku daadashada ummadnimo iyo qarannimo qof qof iyo bulsho ahaanba). • Madaxtooyadu waa in ay noqotaa meel ay iska wada dhex arkaan bulshada kala duwani oo ay wada lahaanshe ka dareemaan meel iyo xafiis kasta oo ay adeeg uga baahdaan. • In dib loogu noqdo saami-qaybsiga kuraasta aqalka wakiillada. • In dib loo jeedaaliyo distoorka qaranka si wax-ka-beddelka loo baahan yahay loogu samayn karo. • Golaha guurtida- In dib loo eego tirada iyo saami-qaybsiga kuraasta iyo habraaca xulashada. • In la iska jiro cudurka weynaynta magaalo-madaxda, iyada oo hay’adaha waaweyn ee qaranka loo kala qaybinayo gobollada waddanka. (maamul daadejin) • In culays la saaro daah-furnaanta iyo xakamaynta musuqmaasuqa, eexda, qaraabokiilka iwm oo ay ku jirto caddaynta ama xaqiijinta hantida shakhsiga ah inta aan xilka loo cayimin . • In dib loo eego xeerarka habraac ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose, maamul daadejinna lagu sameeyo. • In dood laga furo isu soo dhoweynta iyo midaynta 18-ka May iyo 26-ka Juun. Qorsheyaasha kale iyo fulintoodu waxa ay ku saabsanaayeen hagaajinta tayaynta iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaale, adeegyada bulsheed, amniga iyo arrimaha dibedda. Xoogga waxa uu qorshaha hawl-galeed saarayey oo mudnaanta koowaad lahaa kor-u-qaadka iyo tayaynta dhaqaalaha (xoolaha, beeraha, kalluunka, macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah, ganacsiga iyo maalgelinta maxallig ah iyo ta shisheeye, tayada bangiga iyo xeerarka lagu maamulayo iwm), caafimaadka, waxbarashada, xasillonida iyo xidhiidhka dibedda, arrimahaas oo lagu xaqiijin karo dhisidda xukuumad tayo leh oo yeelata maamul wanaag iyo xilkasnimo hoggaamineed sida sharciga oo cid kasta ka sarreeya, garsoor hufan iyo caddaalad, xakamaynta iyo la dagaalanka musuqa, lunsiga hantida qaranka, qaraabokiilka, eexda, sugashada degganaan siyaasadeed iwm oo ka mid ahaa waxyaalihii daashadey ee hoos u dhigay haybadda iyo milgaha dawladnimo ee xukuumadihii hore, gaar ahaan tii u dambeysey ee Kulmiye. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 4aad Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article