Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khartoum (Caasimada Online) – Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo. Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho. Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: “Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen. Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray. Warbixin uu soo saaray machadka Clingendael ayaa bishii hore lagu sheegay, in ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ku nool Sudan ay gaajo u dhiman karaan dhammaadka Sebtembar, iyadoo qiyaastii 15% dadka ku nool gobollada Darfur iyo Kordofan ay u badan tahay inay yihiin kuwa ugu daran. Warbixinta ayaa labada dhinac ku boorrisay inay “joojiyaan xannibaadda, bililiqada iyo ka faa’iidaysiga gargaarka bani’aadamnimada.” Sudan ayaa gunta u gashay dagaal sokeeye bishii April ee sannadki hore, kaddib marki muran u dhaxeeyay millatariga iyo kooxda sida milatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF uu isu baddalay gacan ka hadal. 14 bil oo dagaal ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Sudan lagu dilay 14,000 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30,000 oo kale. Malaayiin ayaa ku barakacay ama u qaxay dalal dibadda ah. The post War yaab leh oo kasoo kordhay dagaalka ka socda SUDAN appeared first on Caasimada Online.
  2. Sucre (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan. Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay. Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka. The post Dowladda Bolivia oo ka badbaadday isku day afgambi – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  3. Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka. Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka; 3. Dowlad-nugeylka; 4. Xuduudaha Beylahda; 5. Faragelinta Shisheeye; 6. Isbeddelka Cimilada; 7. Khatarta Tiknoolajiyadda; 8. Khataraha Bulshada; Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Qaraar ka dhan ah Argagixisada iyo Gooni-goosadka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isisoo taraya war sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab, wadahadalkaas ayaa la qorsheeyey inuu ka furmo dalka Qatar, sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, waxaana gar-wadeen ka ah ilaa 3 dowladood oo waaweyn. Xogtaan oo Caasimada Online ay ka heshay ilo xog ogaal ah oo kala duwan ayaa tilmaameysa in qorshaha wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ay dharaan-dhirinayaan dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway. Inkastoo aan la cayimin waqti, hadana waxaan ogaanay in qorshahaan uu si hoose u bilowday, waxyaabaha la qorsheeyey ee go’aanka laga gaaray ilaa hadda waxaa ka mid ah ergada dowladda Soomaaliya ku meteleysa wadahadalkaas oo gaareysa 300 oo qof, sida aan ku helnay xogta. Warkaan oo ilaa hadda aan toos u soo shaac-bixin, balse Caasimada Online ay u soo dusiyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan heynaa ilo wareedyo kale oo xoojinaya jiritaankiisa. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida dul-marka ah uga hadlay wadahadalka la qorsheeyey in dowladda Soomaaliya ay la yeelato argagixisada Al-Shabaab, isagoo dowladda ka dalbaday in bulshada Soomaaliyeed aan waxaba laga qarin. “Wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo,” ayuu yiri CC Shakuur. Dhankiisa Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal uu ciwaan uga dhigay, “WADA HADALKII AL-SHABAAB MIYAA BILOWDAY?” “Shir ay kasoo qayb geleyaan ilaa 300 qof oo qurbajoogta Soomaalida u badan ayaa 22-ka July ka furmaya Doha Qatar. Shirkaan waxaa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo safaradda Soomaalida ee Qatar. Inkasta uu yahay shir soconaya 2 maalmood, hadana ujeedkiisa lama shaacin. Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin ‘Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay cidna hala wadaagin baa la igu yiri’ Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan, maxaase loo qarinayaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdisalaan Guuleed. Sidoo kale Cabdisalaan ayaa sheegay in shir 300 oo qof oo Soomaali ay ka qayb geleyso uusan aheyn wax la qarin karo, “Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ee dowlada xasan Sheekh ay la leedahay, sidoo kale wuxuu shirkaas tusaale u yahay in Qatar ay Soomaaliya uga dhowdahay Imaaraadka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA. Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tegay dalka Norway ayaa madal ay dad badani ku sugnaayeen ka sheegay inay dhici karto in colaada Al-Shabaab ay wadahadal ku soo dhamaa karto, in kastoo uu aad u soo kooban ka hadalka arrintaas, hadana waa farriin muujineysa in damac noocaas ah u uku jiro dowladda Soomaaliya. Bilo ka hor sidaan oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan Muqdisho ka dhacay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Shabaab wadahadal la gasho hadii ay dilka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ka dhaafayaan shacabka Soomaaliyeed. Xogta ugu muhiimsan ee qorshahaan la qarinayo daaha ka qaadeysa waa in magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ay ka socoto qaban-qaabada shirweyne ay Soomaali badan ka qeyb geli doonto, kaas oo ajendihiisa aan ilaa hadda la shaacin, balse Caasimada Online ay la hadleen qaar ka mid ah ergada lagu casuumay. The post DF iyo Al-Shabaab ma waxaa u bilaabanaya wadahadal? Xogta shir ka furmaya dalka Qatar appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Sidoo kale isla maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiiro hoggaaminaya guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda. Qoraal ay Madaxtooyadu ka soo saartay kulamadaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu madaxdaas ugu tegay inuu “lasoo qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.” Faahfaahin intaas dhaafsan lagama bixin kulamada Xasan Sheekh uu guryahooda kula yeeshay 3 masuul ee dalka ugu sareysa markii laga soo tago isaga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah. Xogta ay kulamadaas ka heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu masuuliyiintaas kala hadlay arrimnta dastuurka oo aad uu u daneynayo in la dhameystiro. Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay ololihiisa dhameysrtirka dastuurka, maadaama ay maalmaha soo socda furmayaan kulamada baarlamaanka, horay waxaa loo ansixiyey ilaa afar cutub, hadan waxaa la qorsheynayaa in golayaasha la hor geeyo cutubyo hor leh. Sida ay ogaatay Caaasimada Online, ilaa 5 cutub oo cusub ayaa diyaarsan, kuwaas oo muhiim u ah Xasan Sheekh inay meel maraan, guddiga ka shaqeynaya dastuurka ayaan helin wax fasax ah, waxayna diyaariyeen 5 cutub, labadii bilood ee fasaxa ay ku jireen labada Aqa lee baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye ee baarlamaanka ku adkeeyey inay taageeraan qorshiisa waxkabedelka iyo dhameytirka dastuurka, waxaana la sheegay inay ka ogolaadeen, sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa door weyn ku leh meel marinta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa dhegaha ka fureystay qeylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan hanaanka wax ka bedelka dastuurka, 4 cutub ayaa la ansixiyey waxaana hartay 11 cutub, 5 kamid ah ayaa hadda diyaarsan sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana la horgeynayaa kulamada ugu soo horeeya ee labada Aqal. The post Xog: Xasan oo dib u bilaabay qorshiisa dastuurka, lana wadaagay guddoonka BF appeared first on Caasimada Online.
  6. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’adaha nabad-galyada Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidammada qalabka sida. Askartan ayaa loo haystaa inay jabiyeen amar boolisku ay soo saareen oo ku saabsanaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada, si aan dadweynaha waxyeello u soo gaarin. Raggan waxaa hadda ku socda baaritaanno kala duwan maadaama ay jiraan khasaaro ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee ay ridee xalay, sida lagu yiri war ka soo baxay booliska. Hay’addaha amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira oo raadinaya askar kale iyo gaadiid xabada riday, waxayna taliska booliisku shacabka Caasimadda ku nool ka codsadeen in ay la soo wadaagaan cid walba oo ammniga lid ku ah. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo kaashanaya hey’adaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari. Askartaan ayaa ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, kuwaas oo jebiyey amarkii shalay ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya. Amarka ay askartaani jabisay ayaa ahaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal-dagayo maalmaha xoriyadda Soomaaliya, maadaama ay marar hore khasaare nafeed geysteen xabadaha ay askartu u rido dabaal-degga maalmaha xoriyadda. “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya. Booliska Soomaaliya ayaa warkaan ku sheegay in askartaan markii uu soo dhamaado baaritaanka ku socda la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh inay qaado kiiskaan. “Hay’addaha ammaanka waxa ay baadi goob ugu jiraan tiro intaan ka badan iyo gaadiid xabado riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska gobolka Banaadir. Ugu dambeyntii booliska ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in la jebiyo amar soo baxay, sidoo kale waxaa shacabka looga codsaday qoraalkaan inay booliska ama hey’adaha kale ee ammaanka la soo wadaagaan xogta qof kasta oo caqabad ay u arkaan. “Waxaan shacabka Caasimadda ku nool ka codsanaynaa in ay nala soo wadaagaan cid walba oo amniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wacaya 991,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan kordhiyey howlgallada iyo shaacinta dembiilayaal lasoo qabtay, taas oo ka dhigan in wax badan ay iska bedelayaan amniga caasimadda. Hoos ka eeg sawirrada askarta la soo qabtay The post Sawirro: Askar jebisay amar ay bixisay dowladu oo lasoo xiray – Maxaa loo haystaa? appeared first on Caasimada Online.
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240626-WA0027.mp4 Qaran News
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240626-WA0027.mp4 Qaran News
  10. Vienna (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Vienna ee xarunta waddanka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa, kaasi oo lagu xalinayo deyn uu sanduuqan kulahaa Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah wasiirka maaliyadda dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Milyan oo aheyd deyntii sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ayey dowladda Saudi Arabia ka bixisay dowladda Soomaaliya, taasi oo loo yaqaano (Bridge Loan). Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay maanta wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada-hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan ka mahad-celineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya.” Heshiiskan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya fursad weyn oo muhiim ah. Soomaaliya ayaa hadda wixii ka dambeeya waxay fursad u heli doonta mustaqbalka dhaw inay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si lamid ah dalalka soo koraya ee Afrika. The post Sawirro: Maxay tahay deynta Soomaaliya lagu lahaa ee maanta xalka laga gaaray? appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay inuu ka laabtay Sharcigii Maaliyadda ee Banaanbaxyada rabshada wata sababay, isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya oo xilligaan la daalo dhacaya sicir barar. Ruto oo hadlay xilli ay xaaladdu faraha kasii baxayso ayaa u muuqda inuu dalkiisa ka badbaadinayo qalalaasaha sii kordhaya ee dhaqaala xumada iyo canshuuraha xad-dhaafka ah oo ay dowladdu soo rogtay ka dhashay. Madaxweynaha ayaa dhanka kale qiray xaaladda guud ee dalka ka taagan isla markaana uu tixgelinayo dareenka shacabka oo si adag uga soo horjeestay ansixinta Sharciga uu asaga qudhiisu markii hore ku adkaysanayay. “Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. anigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.” ayuu yiri Madaxweyne Ruto. Banaanbaxyada ka qarxay Kenya ayaa sababay Khasaare nafeed iyo kuwo hantiyeed, iyadoo Ciidamada Kenya ay isticmaaleen rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre and the new US Ambassador to Somalia, Richard H. Riley, discussed strengthening bilateral relations during a meeting in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Garoowe ka dejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin kahor ciidanka booliska caalamiga ah ay kasoo qabteen dalka Kenya. Hoggaanka xiriirka dibadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska xeer ilaliyaha guud ee qaranka. Ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo maxkamadda awooda u leh. Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo soo qabatay. “Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan.” Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali. “Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho, saakana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal uu Booliska shalay soo saaray. The post Ninkii ay Interpol ka soo qabatay Kenya oo maanta laga dejiyay Garoowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Madax qaybta cuntada iyo calafka xoolaha ee qasaaradda Xaanada Xoolaha Dr. Mowlid Abdullahi Dahir ayaa ka warbixiyey kulanka iyo sababaha loo qabtay. Mr. Mowliid ayaa sheegay in shirkaan muhiimadda loo qabtay ay tahay in lagu hormariyo wax soosaarka cuntada iyo calafka Xoolaha. Halkan hoose ka dhegayso wareysiga Madaxa wax soo saarka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS Mowliiid Cabdullahi. Source: goobjoog.com
  15. Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland ka dejiyey eedeysane maalin ka hor laga soo qabtay gudaha dalka Kenya. Hoggaanka xiriirka dibadda (Interopl) ee boliiska Soomaaliyeed ayaa saaka aroortii diyaarad ku qaadey eedeeysane Maxmed Cumar Ciise oo horay u dilay Marxuum Maxamed Axmed Faarax. Eedeysanhaan ayaa lagu wareejiyey laamaha amaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamada loona marsiiyo Cadaaladda. Booliska Soomaaliya oo wada shaqayn la leh hay’adaha amniga ee dalalka geeska Afrika iyo dunidaba ayaa dhowr gacan ku dhiigle horay uga soo xiray dalalka dibadda sida koofurta Suudaan iyo keenya. Source: goobjoog.com
  16. Dhusamareb (HOL) - Somali security forces, supported by local clan militia, killed seven al-Shabab militants near the Eldher district in Galmudug State following a joint anti-al-Shabab operation. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan midnimada, isagoo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu xilka uga tego arrinta midnimada, gaar ahaan soo celinta Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do dalka. “Xilkeyga xittaa diyaar baan u ahay inaan uga tago in Somaliland kusoo noqoto midnimada Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbadda uu xalay jeediyay madaxweynaha Soomaaliya. Dhinaca kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu tilmaamay inay diidan yihiin in la iibsado badda iyo dhulka Soomaaliyeed, waxna loo dhimo midnimada dalka. “Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan labada dhinac ay ka dhexeyso xiisad xoogan, waxaana uga sii dartay heshiiska badda ee Itoobiya, kaas oo ay diiday dowladda dhexe, kuna tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida dhuleed ee dalka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu xilka ka tegayo haddii Somaliland… appeared first on Caasimada Online.
  18. Waxa maanta magaalada Viena ee dalka Austria heshiis kula saxiixday Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige heshiiskaas oo xal looga gaaray deymo Sanduuqa OPEC uu ku lahaa Soomaaliya oo dhan $36 Milyan. Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wadahadalada xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska ay kaalin muhiim ah ku lahayd fududeyntiisa Dowladda Sacuudiga oo uu uga mahacelceliyay. “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan. Heshiiskaan maanta ay magaalada Viena ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadaxaajoodyo iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya sida Soomaaliya gaar ahaan Afrika. Source: goobjoog.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan Qaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabato damaceeda gurracan. Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026. Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna. Taallooyinka dhagax tuur, SYL, Axmed gurey, Sayidka, Xaawo taako, iyo daljirka dahsoon ayaa dhammaantood u taagan halgamayaal Soomaaliyeed oo naftooda u huray calanka, madax-bannaanida, iyo ciidda dalka, waxaana lagama maarmaan ah in la xasuusto oo loo duceeyo. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) – Somali government has secured an agreement with the OPEC Fund for International Development to settle an outstanding USD 36 million debt. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare kux-igeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa xalay khudbad xasaasi ah oo hadal-heyn badan dhalisay ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay Muqdisho. Saalax oo ku hadal qabsaday hoggaamiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo meesha fadhiyay ayaa ugu yeeray “GUDDOOMIYE” isaga oo ka hadlay taariikhda Somaliland iyo maalinta qaran ee 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi 64 sano kahor. “1960 markii gobonimada la qaadanayay dareenkii jiray ma ahayn kan maanta jiray ee dadka lagu cabirayo, sida uu sheegay guddoomiye Firdhiye, gabaygana ay ka muuqatay AUN abwaan Kadiye xilli dadku quluubtoodu iyo rabitaankooda uu mid ahaa” ayuu ku yiri qayb kamid ah khudbaddiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale isaga oo ka hadlayayu midnimada ayuu sheegay in loo baahan dhab ka hadal, si loo soo celiyo Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale. “Dhab ka hadla siyaaadeed ayaan u baahanay si loo baadi goobo dadkaasi waa dadkii taariikhda midnimada ku suntanaa oo iyagu keenay halkan door wayn ayaan ka qaadan doonaa in midnimada la baadi goobo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenku. Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada. Qaar kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Firdhiye oo meesha joogay, isla-markaana metal SSC loogu yeero ereyga guddoomiye, halka qaarkood ay tilmaameen inuu Saalax ka hadlay arrimo xasaasi ah oo jiro Maxamed Maxamuud “Waxaan qac waa dhaftay guddoomiye Fidhiye kulaaha isagoo hortiisa fidhiyo”. Abdirashiid Cawil “Reerkaada ku-matasho ee kuma matashid SSC-Khaatumo ee waxaa metala wixii Somalinimada ogol oo u horeeeyo Xasan iyo Xamza”. Amiin Cabdiraxmaan ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Gudoomiye kulaha Aar wuxu garacsana”. Cabdiqani Cali Nuur “Waxan marqaati ka ahay nin siyaasi ah inuu yahay oo dadkiisi soo celin karo”. Najmo Cabdiraxmaan ayaa iyaduna tiri “Gudoomiye Firdhiye miyuu yiri war ninku geesisanaa?”. The post Daawo: R/W ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  23. Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay eedaysane loo haysto dil hore uga dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay maanta la wareegeen oo garoonka diyaaradaha Garoowe laga soo dejiyay eedaysanaha oo baxsad ahaan ugu cararay dalka Kenya “Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe” ayaa lagu yiri Qoraalka. Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax kaasi oo Garoowe ka dhacay 17 May 2023 waxaana soo qabashadiisa iska kaashaday Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka Booliska Puntland. “Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha”. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda Awoodda u leh kiiskiisa. PUNTLAND POST The post Booliska Adduunka ee Interpol oo Booliska Puntland ku wareejiyay eedaysane dil loo hayso oo baxsad ahaa appeared first on Puntland Post.