Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tacsi anigo ku hadlaya magacayga, ka xisbiga waddani iyo dhamaan taagerayaashaba waxaan tacsi u diraya qoyska iyo qaraabada iyo qaranka somaliland ee uu ka baxay Rabbi naxariisto jano ha ugu deqee Marxuum dr Maxamed Rashiid sheikh Xasan oo ahaa aqoonyahan ku dheer qaranka somaliland iyo aduunkana magac ku lahaa inuu naxaarista jano ka waraabiyo qoyska uu ka baxayna samir iyo imaan ka siiyo,Anagana nooga daba naxaristo,Su’aasha allah ha u dhib yareeyo Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani amiin amiin Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ciidamo cusub oo boolis ah geeyeen Saldhigyada degmooyinka Gobolkan Banaadir. Ciidamadaas ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga degmooyinka Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Ciidamadaan Booliska ah ayaa dhawaan soo dhameystay tababar lagu siiyay Dugsiga tababarada Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mid ah degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee Magalada Muqdisho. Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka maamul ahaan garab taagan yihiin, waxaana uu ugu mahada celiyay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay ciidanka kusoo biiriyeen dhalinyaro wax baratay. Waxa uu ciidamadaas kula dardaarmay inay siweyn uga qeyb qataan sugida amniga, waxaana uu rajo wanagsan ka muujiyay inay wax weyn ka bedeli doonaan amniga degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir. Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidamadaas booliska ah ee la geeyay degmada Wadajir, waxaana uu ka dalbaday inay dhankooda qeyb weyn ka qaataan sugida amniga degmada Wadajir. Degmooyinka kale ee Gobolkan Banaadir ayaa si lamid ah waxaa la qorsheeyay in la geeyo Ciidamadaas, waxaana xusid mudan in degmooyinka Gobolkan Banaadir ay mar walba ka dhacaan falal isugu jira qarax, dil iyo waxyaabo kale oo lidi ku ah amniga, hayeeshee aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan. Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Kaaraan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-gudoomiyaha-degmada-karaan-.mp3
  3. New York (SMN) – Hay’addaha nabad-gelyada wadanka Mareykanka ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Xasan. Cabdi oo sidoo kale haysta dhalashada Mareykanka ayaa loo haystaa in uu ka qayb-qaatay afduub sadex sano loogu geystay gudaha Soomaaliya wariye madax banaan. Saxafiga oo lagu qafaashay magaalada Galkacayo sanadkii 2012-kii ayaa dib u helay xorriyadiisa bishii September ee 2014-kii. Sida laga soo xigtay dacwad-oogayasha, Cabdi ayaa si toos ah ula hadlay qoyska wariyaha isaga oo waydiiyay 20 milyan oo madax furasho. Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in maxkamadeynta muwaadinkaasi Soomaaliyeed ay ka bilaabato maxkamada heer Federaal ee magaalada New York. Cabdi Yuusuf oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa laga soo xiray gobolka Minneapolis, isaga oo loosoo wareejinayo caasimada Mareykanka si halkaasi maxkamadeyntiisu uga bilaabato. The post Nin Soomaali-Mareykan ah oo la maxkamadeynayo appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Soomaaliya, markii ay shalay ku hanjabtay cunaqabateyn, sababo la xiriira dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso. Waxyaabaha Kenya ku dheggan tahay ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii ay 2009 ay la gashay dowladdii KMG ahayd, kaasi oo ay diideen baarlamankii KMG ahaa iyo QM, labadaba. Haddaba sida uu u qornaa heshiiskan, haddaadan horey u aqrin, hoos ka aqriso. QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH OO DHEXMARAY DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA’AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la’aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan Rasmiga ah ee Is-fahamka. Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”). Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED“. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.” Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan caqabad ku ahayn (ama ka hor imanayn) su’aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go’an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal (Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed. Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Guddiga”), marka Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. Calaamadinta xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la saxiixo WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka. OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba isku si loo saxiixay. Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya Mudane. Moses Wetang’ula , EGH, MP Wasiirka Arrimaha Didabadda Qoraalka oo English ah
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen oday dhaqameedyo ku sugan gobolka oo ay balanta uga baxeen. Al Shabaab ayaa odayaashan xabsiga dhigay kadib markii la sheegay inay ka biyo diideen hadal kasoo baxay saraakiisha Al Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Galgaduud. Odayaasha xabsiga la dhigay ayaa gaaraya 18 oday dhaqameed, waxaana lagu xiray deegaanka Warshubo ee duleedka degmada Xarardeere, sida dadka deegaanka ay saxaafadda u sheegeen Wararka ayaa sheegaya in dhamaan odayaasha ay ka horjeesteen inay keenaan caruur ka mid noqota dagaalyahanada Al Shabaab, iyadoo kadib la amray in xabsiga deegaanka Warshubo la dhigo. Odayaasha ayaa sheegay in AlShabaab sanad ka hor ay ka kaxeysteen dhalinyaro loo balan qaaday in sanad kadib dib loogu soo celin doono, balse waxaa dhacday inaan loosoo celin, taasi oo keentay inay diidaan dhalinyaro kale. Waxaana taasi ay dhalisay in odayaasha ay ka baqaan in markale balanta looga baxo, kadib waxay diideen amarka looga dalbanayo inay dagaalyahano kale keenaan. Al Shabaab ayaa sanadkii las dhaafay odayaashii ugu badnaa ku xerxeray deegaanada gobolka Galgaduud, iyaga oo doonaya inay dagaalyahano u keenaan. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  7. Cadaado (SMN) – Hay’addaha amaanka ee Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin dil ka geystay magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta ayaa tibaaxay in shaqsiga ay ku sameyn doonaan baaris isla markaana uu wajihi doono cadaalada. Ruuxa la qabtay ayaa la sheegay in uu shalay weeraray xarun dhaqan celiyo, halkaasi oo uu ku dilay hal qof, mid kelana uu dhaawacay. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa maamulihii xaruntaasi, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdifitaax. Ninka lasoo wariyay in uu dilka geystay ayaa lagu waramayaa in uu maalmo kahor laga fasaxay xaruntaasi, iyada oo aana la ogeyn sababta ku kaliftay arrintaan. Waa markii ugu horeysay weerar noocaan ah oo ka dhoco magaalada Cadaado, iyada oo shacabka ay arrintaan hadal-hayaan. The post Galmudug oo qabatay nin dil ka geystay Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada online)-Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo safiiradii hore ee Soomaaliya ayaa shaaciyay ujeedada dowladda Kenya ay ka leedahay hadalada hanjabaadaha ah ee kasoo yeerayay maalmihii ugu dambeeyay. Danjire hore C/raxmaan Nuur Diinaari oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dacwadda dhanka badda la joojiyo, maadaama ay ogaatay in looga guuleysan karo go’aanada ay maxkamadda ICJ gaareyso. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan inay saaraan cadaadis adag, kadibna ay ku qasbaan inay ka laabato dacwadda dhanka badda ah si wadahadal loogu dhameeyo xaaladda. “Waxay ka dhigan tahay in Kenya ay geed walbaa ay u fuleyso sidii Soomaaliya ay cadaadis u saari laheyd, taasi oo caalamka dhan og yahay, arintaana waxay ka dhigan tahay in Kenya mar labaad qalad ay ka galeyso Soomaaliya, sababtoo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya waxay sheegtay inaysan ku qanacsaneyn jawaabtii Soomaaliya” Sidoo kale Amb Diinaari ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay in looga guuleysan rabo dacwadda dhanka badda ah, taasina ay qasbeyso inay arimahaani sameyso. “Kenya waxay dooneysaa in dacwadda dhanka badda ay duugto, maadaama ay og tahay in looga guuleysanayo dacwadda marka waxay dooneysaa in wadahadal wax lagu dhameeyo, mana soconeyso”ayuu yiri Am Diinaari. Kenya ayaa la sheegayaa in looga guuleystay hadalada dhanka diblumaasiyadda tan iyo waxii ka dambeeyay markii ay dib ugu yeeratay safiirkeedii kaga sugnaa magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@Live.com
  9. Bujumbura (PP) ─ Xukuumadda Burundi ayaa ku hanjabtay in dhammaan ciidamadeeda ka tirsan AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay la bixi doonto hadii Midowga Afrika uu ku adkeysto go’aankiisa ah in 1,000 askari oo ciidamada Burundi ka tirsan ay ka baxaan Soomaaliya bishan dhammaadkeeda. Ururka Midowga Afrika, ayaa dhawaan go’aansaday in 1000 askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan dib loogu celiyo dalkooda, balse waxay u muuqataa in Dowladda Burundi aysan ku qanacsanayn go’aanka Midowga Afrika. “Burundi xilligan diyaar uma ahan inay ciidammo kala baxdo Soomaaliya, balse haddii Ururka Midowga Afrika ay ku adkeystaan go’aankooda bixitaanka kun askari oo ciidamadeenna ka tirsan, innaguna dhamaan ciidamadeena waan la baxeynaa,” ayuu yiri afhayeen u hadlay xukuumadda Burundi. Sidoo kale, Dowladda Burundi ayaa caddaalad-darro ku tilmaantay qorshaha haatan lagu doonayo in 1,000 askari oo ciidmadeeda ka tirsan kala baxdo Soomaaliya, taasoo lagu sheegay inay ku luminayso Burundi Hal Milyan oo doollar muddo bil gudaheed ah. Dhanka kale, Heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidanka nabad-ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay 20,000 ee askair ee Soomaaliya ku sugan ay ka baxaan dalka, iyagoo hawlaha sugida amniga ku wareejinaya ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Tallaabada ay qaadatay Xukuumadda Burundi ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo maalmo ka hor uu booqasho ku tagay Burundi madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn in booqashada iyo go’aankan ay isku xiran yihiin. PUNTLAND POST The post Burundi oo ku han-jabtay inay ciidammadeeda kala baxayso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Johannesburg (PP) ─ Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa mar kale xalay laba qof oo Soomaali ah dil iyo dhaawac ugu geystay dukaanno ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanno ku dhaw magaalada Johannesburg, iyagoo mid ka mid ah kooxaha burcadda ah la dilay. Dilkan ayaa waxaa la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado watay oo la sheegay inay tababaranaayeen, iyadoo ciidamada booliiska dalkaas ay ku gudo jiraan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka iyo dhaawac geystay. Sidoo kale, wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in dagaal kooban uu dhex-maray ganacsatada Soomaalida ah iyo kooxda burcada ah, iyadoo mid ka mid ah ganacsatada uu sheegay in mid ka mid ah kooxdii Burcadda ahayd halkaas ku dileen. Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa sadex maalmood gudahood lagu dilay shan dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed, halka tiro intaas ka badnana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Habeen ka hor ayay ahayd markii degmada Mamelodi oo Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ka tirsan lagu dilay laba dhallinhyaro Soomaaliyeed ah, kuwasaoo ganacsiyo ku lahaa halkaas, waxaana kooxaha dilay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadaan. Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu noqday mid habeen iyo maalin si bareer ah Soomaalida loogu dilo, waxaana weli jirin in Dowladda Soomaaliya ay ka hadashay dilalkaas loogu geysanayo ganacsatada kasoo jeedda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ganacsato Soomaaliyeed oo mar kale dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Taliska booliska Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ciidammo cusub oo boolis ah geeyeen saldhigyada degmooyinka gobolkan Banaadir, si loo adkeeyo amniga caasimadda. Ciidamadaas ayaa waxay ka qayb-qaadan doonaan sugida amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha ciidammada booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ciidankan booliiska Somalia ka tirsan ayaa dhawaan waxay soo dhameysteen lagu siiyay dugsiga Tababarada Janeraal Kaahiye ee Muqdisho, waxaana saldhigyadii ugu horreeyay ee la geeyay ka mid ah saldhigyada booliiska Wadajir iyo Kaaraan. Guddoomiyaha degmada Kaaraan, C/fataax Xaaji Nuur, ayaa sheegay inay ciidamadan ka maamul ahaan garab-taagan yihiin, wuxuuna ugu mahada-eliyay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir oo gartay in ciidammo lagu xoojiyo saldhigyada degmooyinka Muqdisho. Mudane C/fataax ayaa ciidamadan kula dardaarmay inay si weyn uga qayb-qataan sugidda amniga, wuxuuna rajo wanagsan ka muujiyay inay wax weyn ka beddeli doonaan ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir. Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Wadajir, Cumar C/llaahi ayaa isna soo dhaweeyay ciidanka booliiska ah ee la geeyay degmadiisa, wuxuuna a dalbaday inay dhankooda qayb weyn ka qaataan Sugidda amniga degmada Wadajir. Ugu dambeyn, Degmooyinka kale ee gobolkan Banaadir ayaa si la mid ah sidan waxaa loo geynayaa ciidammo cusub oo booliis ah, waxaana xusid mudan in degmooyinka Muqdisho ay mar walba ka dhacaan falal isugu jira qarax, dil iyo falal kale oo amni-darro ah. PUNTLAND POST The post Saldhigyada Booliiska Muqdisho oo la geeyay ciidammo cusub si u xoojiyaan Ammaanka appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Taliyaha guutada 4aad ee ciidamada xooga Soomaaliya ayaa ka digay in ciidamada AMISOM laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta wadanka. Col Cali Xaanshi oo u waramay Shabelle ayaa shaaciyey in xoogaga shisheeye aanan looga maarmin dagaalka gobolka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi Taliyaha ayaa intaasi ku daraya in aanan wali la diyaarin ciidamadii la wareegi lahaa ama buuxin lahaa goobaha ay banaayaan ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka. Waxa oo soo jeediyay in aanu lagu deg degin talaabadaan, isla markaana laga yeesho qorshe aad looga fekeray. Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa bilaabay ka dhimista ciidamada, iyada oo Khamiistii ay Muqdisho ka duuleen 200 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi. The post Cali Xaashi: “Lama diyaarin ciidan bedala kuwa AMISOM” appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada online)-Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim, ayaa maqaalkan kasameeyey iskudayga Kenya ay ku dooneyso boobka qayb kamid ah badda Soomaaliya iyo shirkii 7-dii Febraury lagu qbatay magaalada London oo lagu soo bandhigay xog la xiriirta Shidaalka Soomaaliya. Maqaalkan ayaa soo bandhigaya falanqeyn iyo sooyaal kusaabsan shirkadadaha sahanka shidaalka kasameeyey Dhulka Soomaaliya illaa sanadkii 1980, isaga oo ifinaya talana siinaya dhammaan madaxda iyo shirkadaha ku howllan shidaalka Soomaaliya. Halkan Hoose ka Aqriso Qoraalka Proff Yaxye Caamir: Ar Shidaalaa!!! Inteey iska qaban la’dahay? Wada Aqri ama iska dhaaf, Dhibcaha Hoose. Araar: ka sokoow sharciyadii shidaalka oo aan la dhameeystirin, iyo Go’aan ka gaarida Baarlamaanada. Xuriyadda somalida 1960 ka hor ayaa shidaal laga baarayay Dalka, wax badanna horaa loo sii ogaa halka shidaal ku jiro. Waqtigii Kacaanka Goobo badan ayaa Sahan ka sokoow ,la calaamadeeyay oo la ogaaday wixii ku jiray, laakin shuruudo ayaa la isku raaci waayay. Dhibaatadu ma ahan Baaritaan, sidoo kale Qof somali ah ma diidayo in shidaal loo soo saaro Somaliya. Waxaa laga shakisan yahay kalamadaha Bid & Auction oo qoraalada ku qoran macnahooda, oo la leeyahay Xaraash waaye iyo xaraash loogama jeedo. Ropert Okley oo ahaa Safiirkii USA ee dagaaladii sokeeye kadib ,ahaana xubin milkiilashaasha shirkado shidaal. Ayaa yiri: Heshiiskii aan idinla galnay 1963 waxaan sugeeyanya 30 sanno in Aagga noo xiran aan cid kale qaadan Karin, haddana 30 sanno oo kale ayaan sugi karnaa, haddii la waayo xaalad ku haboon, waana noo xirnaanayaa.( Dhagaheeyga ayaan ku maqlayay makuu sidaa lahaa Amb. Okley-1993). fiiri: African Intelligence- 2014. Wasiir Cabdirisaq Cumar oo tagay Holland shirkadda Anglo-Dutch , waa diiday in laga wada hadlo wixii ey u waceen. Shell/Exxon, ayaa tiri waxaa nala siiyay 5 Ceel shidaal oo Badda ah, sannadkii 1980 oo 50% ayaan leheyn, dagaaladii 1991 ayaa howsheenii hakiyay, welina xuquuqdeeni ma dhumin oo xaalado aan caadi aheyn, dagaal ayaa dhacy. Sannadkii 2012 Puntland ayaa heshiis la gashay African Oil Corp. in kasta oo sahankii wax lagu waayay. Adam Smith International ASI ayaa war bixin teeda ku sheegaty in aan lagu kalsoonaan Karin Som Oil qoraaladeeda oo aynan ka muuqan daah furnaan iyo la talinteeda. la talinta ( petroleum Resimes Advisor PRA ee uu leeyahay Jay Pork . Dowladii Xassan sheikh ayaa Ingriiska ka codsatay in marka hore Dowlada la siiyo taageero farsamo Technical support oo ka kooban shan qeybood: Geophysics, Engineers, Law, Accounting, iyo Interpenetrating Data , waa la diiday waxaana lagu yiri: marka hore la soo heshiiya maamul gobaleedyadiina. Iyada oo laga cararyo ENI ayaa la sameeyay Som Oil ee ma aheyn shirkad hore u jirtay.waxaana lala kaashaday Michel Howard & taajirkii Ruushka. kenya oo lacag badan ka hor marsatay shirkada shidaal oo haddii Maxkamadaha looga raayo aan iska bixin Karin lacagtaa oo ka badan 100 million. Kenya oo Shiinaha u balan qaaday Ceel Shidaal oo ku yaal meel u dhexeeysa Mogadishu iyo Baraawe, shiinahana uga bedelatay hub badan. Laba ka mid ahaa 4 shirkadood oo baddeena shidaal ka baarayay oo kala ahaa ( Stat Oil Norway hore Kenya u siiyay Block 126 iyo Anadarko USA ayaa shaqadoodii joojiyay, kadib markii Dowladahoodii iyo Safaaradahoodu u sheegeen in howshoodu ey sharci daro tahay oo fasax Kenya aan lagu shaqeyn Karin ,taasina ey sharaf daro u keenee wadamadooda. weyna ka tana suleen markii lagu yiri: Aaggaa Somaliya iyo Kenya cid leh lama hubo. Shirkadda Total oo hore Kenya u siisay Block L 22-28 ayaa iyana shakisay oo shaqadii hakisay. Shirakada Shidaal ee Kilimanjaro Capital oo uu leeyahay Zulfqar Rashid Hindi uu Jan. Iidi Amiin u eryay Canada ayaa isna loo saxiixay Amas –Qoryoley- Afgoi,4 Ceel shidaal. Som oil & Gas ayaa lagu eedeyay in kharajka ka galaya baaritaanka, oo lafteedu qaar ka mid ah ey soo deeynsatay kuna sheegaty $43 million in laga badbadiyay oo lacag saa’id ah la saaray oo ah Laba jibaar ka badan kharajkii ka galay. Jalling wierson iyo Ayca oo ah madax dhinac Dhaqaalaha iyo Sharciga kala taliso shirkadda shidaalka ee Shell ayaa Dacwo u qoray Dowlada Mareeykanka iyaga oo leh shirkadda Mareykanka ee “Liberty Petroleum Corp” ee Lenience farax uu ku siiyay Cabdi qaybdiid dhinaca badda Galmudug ,dhul badeedkaa annagaa hore naloo siiyay. Shirkadaha hore wax loogu saxiixay waxaa ka mid ah : 1-Shirkada CCECC oo Shina ah 2016 ayaa punt land u saxiixday.2- Shirkada CIOG China international Oil and Gas dowladii ku meel gaarka yaa u saxiixday. Shirkadaha kale ee heeysta saxiixa ee sugaya qeybtoodii waxaa ka mid ah : 3- General Energy oo Laba saxiix heysato. 4-DND international. 5- RAK Gas. 6-ANSAN WikFs. 7-Horn Petroleum. 8-African Energy. 9- African Oil Corp. 10- ION Geophysical Corporation.11- Kilimanjaro. 12-Petro Quest Africa.13- Som Oil. 14-BGP inc. 15-spectrum .16- A& A. 17-CONOCO. 18-Phillips.19- ENI.20- Chevron. 21- Royal Dutch Shell.22- British petroleum. Iyo kuwa kale oo heeysta Fasax hore loo siiyay, lacaguna uga baxday. kacaanku waxa uu u saxiixay 1980kii shirkadaha Bp ( Amoco, Sinclair ) Chevron( Texaco) CONOCO, ENI, Shell ,Exxon Mobile iyo 5 Shirkadood oo kale. Maxaa laga shakisan yahay? Shirkii London 2019, Mustamiciin Al kiraam ayaan ka eheyn, Goob jooge kaliya, abaabulka , soo ban dhigida, martiqaadka cid kale ayaa leheyd, Goobta la soo bandhigayo ma ahan mid aan xukuno. Gudoomiye xigeenkii Baarlamaanka maxaa geeyay Hayad fulin ma ahan. Dowladu Balama hore ayey ka baxday, waa la kala aamin baxay. Mucaadaku waxa ey ka baqayaan in ey ku lacageeystaan madaxdan oo illaa owlaada ey Abkoowyaal u yihiin ey xukunka sii heystaan, mucaaradka laftiisu waxa uu rabaa sidaa oo kale. Spectrum waa shirkad yar oo shaki la galiyay diiwaan galinteeda iyo milkiila yaasheeda. Dib u dhacii shirkii la qaban lahaa 9 June 2018. Need assessment for Development, extractive Industry . in si public ah loo soo bandhigo waa la diiday. ENI oo ah shirkad shidaal oo Talyaani ah ayaa Xassan sheikh ku casuuntay Rome Sept 2013. Waxaana kulmay Hassan sheikh iyo Paolo Scarono , waa la isku afgarn waayay kadib markii uu Xassan Sheikh ku eedeeyay in ey Heshiis la galeen kenya kaana uuna aqoonsan doonin, kuna xad gudbeen madaxbanaanida Somaliya fasax kenyana kuma baari kartiin. Waa lagu soo kala tagay, waana loo goodiyay ,arrintaa xassan waa eeday. Shirkadda ENI ee Talyaaniga Saamiga ugu badan waxaa leh Dowlada Qadar , mar dambe ayaa looga yeeray Framaajo Talyaaniga, lama ogo in uu ogolaaday iyo in kale, waxaase la ga shakin karaa xirrirka ka dhexeeyo dowlada somalida iyo Qadar iyo dhinaca kale Qadar oo saamiga ugu badan iska leh, iyo fasax kenya bixisay mala ogolaan karaa. Waxa laga baqayaa sida wadama badan oo shidaal leh oo eyna dadkoodu ka faa’iidin in ey nagu dhacdo, sida : Nigeria ,Angola, tusaale: Geni bisaaw ( hal nin ayaa xakuma 39 sanno, wiilkiisu waa madaxweyne ku xigeen, shidaal waxaa masuul ka ah Dumaashigii, dadku waa sabool dakhligu ka hooseey 2$ maalintii iyaga oo heli kara boqolaal dollar maalintii, looma dhiso isgoolo iyo isbitaalo, Lacagta ka soo xarooto shidaalka waxaa lagu shubaa account bank oo qof leeyahay halkii tan Dalka lagu shubi lahaa, Bank oo ku yaal Washington , Dowlada Mareykanku kama hadli karto .Carabta halkii shidaal laga helaba shirkaduhu waxa ey ku hayaan kali talis xukumo, kadibna iyagaa rado. In Dacwada Maxkamada laga Noqdo, Kenyana si hoose loola heshiiyo. Talo: In shakiga la iska dhaafo, oo si wadar & daah furnaan ah loo maamulo shidaalka. In la dajiyo sharci iyo nidaan cad, go’aankuna uuna ku koobneeyn xukuumada lana helo gudiyo madax banana oo heer deegaan iyo heer qaran ah, aqoon yahano si madax banana isku xilsaaro lana aqoonsado doorkooda. Sida Norway ama Turkiga in aan la nimaad qorshe shidaal soo saaridda, ka horna la diyaarinayo Khubaro wadani ah . sida in 500 Araday lagu barayo shidaalka howlihiisa iyo aqoontiisa ka hor heshiisyada. Dowladda waxaa u habooneyd in ey furto Dood furan ,uuna soo fadhiisto madaxweyne, Raisul wasaare, wasiir, ururo bulsho, gobalada , Mucaarad ,dadweyne. si loo shaki baxo. Annaga kaliya isma heysano ee waa la isku keeyna heeystaa. Intaas hadaad isku geeyso maxaa kuu soo baxaya? Wixii ka khaldan ka sax , wixii ka dhiman ku dar. Qore: Yahya Amir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─ Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Gol-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac. Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay weerareen fariisin ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku leeyihiin Deegaankaas, waxaana ka dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah socday, sida shacabka halkaas ku nool laga soo xigtay. Shacabka deegaankaas ku nool qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay inay saakay arkeen dhimashada afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, balse aysan garanayn dhaawacyadu intay yihiin, maadaama dagaalku uu xilli saq dhexe ah uu dhacay. Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Somalia ee gobolkaas ka hawl-gala ayaa diiday inay ka hadlaan dagaalka iyo khasaaraha kasoo gaaray dhinacyadoo iyo dhinac kale, iyagoo sheegay inay Al-shabaab iska caabiyeen. Sidoo kale, Al-shabaab ayaan dhankeeda sheegtay inay xalay weerareen saldhig ay ciidamada Dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Gol-weyn, inkastoo aysan sheegin khasaaraha kasoo gaaray iyo midka ay geysteen. Ugu dambeyn, Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid deegaan, balse ciidamada Dowladda Somalia ay halkaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo xalay dhex-maray ciidanka Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Tiradii ugu horeysay ee ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ayaa Khamiistii ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyaga oo dib ugu laabtay wadankooda. Sarkaal qariyay magaciisa oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ayaa u sheegay warbaahinta in bixitaanka askartaasi oo gaaraya 200 ay horudhac u yihiin Kun askar oo la filayo in ay Burundi kala baxdo dalka. Horaantii todobaadkaan ayey ahayd markii Madaxwaynaha Burundi ee Pierre Nkurnziza uu muujiyay in aanu ku qanac-saneen talaabadaan isaga oo sheegay in ay luminayaan dhaqaalo badan. Midowga Africa ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in 21, 500 oo ah ciidamada ka jooga Soomaaliya ay la bixi doonaan sanadka 2020, kuwaasi oo ka kala socda wadamada xoogagooda ku taageeray AMISOM. The post Askar ka tirsan AMISOM oo ka duulay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay tuulada Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab duulaan ku ekeysay fariisin ay ciidamada xooga ku leeyihiin halkaas. Illo dadka degaanka ayaa sheegaya in uu jir khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo uu keenay iska hor-imaadka. Saraakiisha ciidamada xooga ee halkaasi oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khasaaraha. Ma jiro illaa iyo haatan war ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. The post Faahfahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Akhrisyaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Subax ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Dear colleagues, I am absolutely saddened to see in this report that Somaliland accepts to be called an administration and not definitely put on a par with the Federal Government of Somalia. I wonder, then, how long will the Somaliland people stand the embarrassing and sheepish attitude of their government whenever they meet the heads of other states? The Ethiopian government had in the past reluctantly accepted the concept of statehood of Somaliland, although not openly, but has now undisguisedly backtracked that notion and began calling us Somaliland Administration. It is demeaning, humiliating and belittling political attitude towards Somaliland government and people. We should all say togather with a loud voice NO to Ethiopia. Ibrahim Dayrfadal Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya ay ku dhawaaqeyso mar walbaa hadalo xiisadda sii kicin kara. Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya ay gadaal ka riixayaan dowlado iyo shirkado shisheeye oo doonaya inay caqabad ku noqdaan shidaalka Soomaaliya. Waxay falanqeeyayaasha sheegayaan in labo ujeedo ay kala leeyihiin shirkadaha iyo dowladaha gadaal ka riixaya dowladda Kenya, waxaana falanqeeyayaasha ay sheegayaan in dowladaha garab taagan Kenya ay doonayaan inaan lasoo saarin shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale shirkadaha taageersan Kenya ayaa la sheegayaa inay iyaga doonayaan inay shidaalka soo saaraan, islamarkaana ay ku owr kacsanaan dowladda Kenya. C/raxmaan Sahal Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha siyaadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya aysan iyada laheyn go’aanada qaar ee ay ka qaadatay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya. “Waxaan dareensanahay Kenya waxaa ka dambeeyo Wadamo diidaya in Shidaalka Soomaaliya lasoo saaro, sidoo kale Kenya waxaa gadaal ka riixaya shirkado iyaga doonaya inay Shidaalka Soo saaraan, Laakiin Kenya Marnaba arintaasi uma hirgeleyso” “Soomaalida kama tanaasulayaan taako dhulkooda kamid ah, Kenya waxaa muuqata inay hadda handadaad sameyneyso, luqadaasina waxaa ku hadla dal niyad jab uu ku dhacay oo meel kasta looga guuleystay”ayuu yiri Falanqeeyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Burundi oo ku hanjabtay inay ciidammadeeda kala bixi doonto Soomaaliya Milatariga Burundi Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay inay la bixi doonto dhammaan ciidammadeeda shanta kun ee ka jooga Soomaliya, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto kunka ciidammada Burundi ee laga saarayo Soomaaliya dhammaadka bishan. Shan dal oo Afrikaan ayay ciidammo ka joogaan Soomaaliya. Inkastoo ay jirto walaac laga muujinayo in Soomaaliya ay weli ka fogtahay inay cagaheeda isu taagto, haddana heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya. Tifaftiraha BBC ee Afrika, Will Ross, ayaa ku soo warramaya in qorshaha bixitaanka ciidammada uu yahay mid lagu muransan yahay. Arrimaha ay isku haystaan waxaa ugu weyn dhaqaalaha. Bil waliba in ka badan labaatan kun oo ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee la dagaallama Al-shabaab, ayaa qofkiiba wuxuu qaataa lacag ka badan kun doollar. Mushaarka la siiyo ciidammadaasi, oo uu xilligan bixiyo Midowga Yurub, ayaa si toos ah waxaa loogu marsiiyaa xukuumadaha ay ka socdaan. Qayb ayaa laga jaraa lacagtaasi kahor inta aan la siinin ciidammada. Xukuumadda Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ka soo jeedaan Burundi, waxay sheegtay inay lumin doonto in ka badan hal milyan oo doollar bil gudaheed. Qaran News
  21. Kenya oo cunaqabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, raali-gelin-na ka dalbaday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddeli mowqifka Kenya ee ku aaddan “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Hadalkeeda ayaa yimid maanta kadib markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo la isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya. Monica Juma ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee “dhulka la isku haysto” ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn. Juma ayaa tidhi “In inkasta oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku diiday eedeymaha Kenya, haddana way caddahay inaysan beenin jiritaanka khariirad muujineysa in xidhmooyinka shidaal ee la xaraashay ay yihiin kuwa Kenya.” Juma waxay ku dooday in kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ eek u saabsan dhul-badeedka labada dal ay isku hayaan, ay Soomaaliya ku sheegtay inay ilaalineyso xuduudaheeda, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan aqoonsaneyn xuduudda ay Kenya dooneyso. “Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tidhi Monica Juma. Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin. “Dalalka dunida waxay go’aanno ka adag kuwii aan qaadannay u qaateen wax ka yar arrimaha aan ka walaacsannahay” ayay tiri. Ayada oo warbaahinta caawa kula hadleysay Nairobi ayay sheegtay inay jiri karto cunaqabateyn Kenya ay saarto Soomaaliya, taasi oo ku xidhnaan doonta jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso “xuduudda lagu muransan yahay” Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan in sharaxaadda ay siineyso Kenya ay qeyb ka ahaato raali-gelin ay siiso Kenya. Qaran News
  22. Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo,Qoyskiisa & Eheladiisina Samir iyo Iiman saadiqa ha ka siiyo ee Waxaa caawa magaalada Hargeisa ku geeriyooday Qoraa & Siyaasi Maxamed rashiid sheekh Xasan. Mar kale Bahda Qarannews oo ku hadlaysa Afka Akhristayaasheeda waxay Tacsi Tiiranyo leh u diraysaa Qoyska,Ehelada & Qaraabada uu ka baxay Marxuum Maxamed Rashiid Sheekh Xasan,Ilaahayna waxaan Dhamaanto u weydiinaynaa inuu Naxariisto ka waraabiyo. Taariikhdiisa oo Faahfaahsan Goor-dhaw filo Qaran News
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Macharia Kamau waxa uu dhawaan soo saaray qoraal ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi. Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Macharia Gaytho, waxa uu ku tilmaamay tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia. Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee maamulka iyo mashaariicda Khaaska ee wargeyska Daily Nation, waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro. Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin warqadda dowladda Kenya ka soo saartay khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee xafiisyadda nidaamka maamulka ee saraakiisha ururadda iyo waaxyaha dowladda Somalia. Sidoo kalena ay siyaasiyiin sarsare, shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciiddamada Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya. Qoraagaasi waxa uu qormadiisa ku sheegay inay maalgashi culus ku sameysteen hanti-ma-guurto iyo ganacsi iyo inay Kenya u adeegsadaan sidii dal lagu qaado lacagaha, waa sida uu hadalka u yiri. Waxa uu sii raaciyey side cunaqabatayn loola beegsan karaa shaqsiyaadkaasi, iyadoo arrintan ka maqan tahay ficilkii fal-celinta ee dowladda Kenya u cuskatay khilaafka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com