-
Content Count
215,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi. Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah. Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Masuuliyiinta ka socotay dhanka Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin. Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha hoggaanka u haaya iibinta 50 Blocs oo ka mid ah dhulka laga helay Shidaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in malaayiin lacag ah ay siiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Caasimada Online ayaa ogaatay in intii u dhaxaysay 20-ka Febraayo 2019 ilaa May 11-keeda ee 2019 ay labadaan Shirkadood bixiyeen lacag ku dhow 8 milyan oo dollar, lacagtaas oo toos loo siiyay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Lacagtaan ayaa ku timid dalab ka soo baxay dowladda Soomaaliya, iyadoo u sababeysay in dhaqaalo xumi heysato Dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga jartay deeqihii dibadda tan iyo markii ay eryeen Nicholas Haysom, sida ay ogaatay Caasimada Online. Lacagta ay codsatay Dowladda Soomaaliya waxay kaloo qayb kamid ah ku sheegtay in ay u isticmaali doonto fududeynta taaba gelinta Sharciga Batroolka si wada-ogol ugu meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku sheegtay in looga maarmi karo dowlad gobaleedyada. Shirkadahaan ayaa 2 jeer kala bixiyay lacagahaan iyagoo fulinaya dalabka dowladda Soomaaliya. Qof ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xogtaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay in habeenno badan uu kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya xili saq dhexe ah kulamadaas oo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday. Kulankii ugu dambeeyay waxa uu dhacay 7-dii bishaan waana markii la bixiyay lacagtii ugu dambeysay ee Shirkadahaan. Waxaa la aaminsan yahay in lacagtaasi lugu kala iibsaday codka Baarlamaanka si loo Ansixiyo Sharciga Batroolka Soomaaliya. Shirkadah Spectrum iyo Som Oil and Gas ayaa lacag badan u huraya barnaamijka ku saabsan Batroolka Soomaaliya si ay uga gaaraan guulo wanaagsan iyo rabitaankooda ku aadan Kheyraadka Badda ee Soomaaliya iyadoo laga faa’ideysanayo kala qob qobnaanta Soomaali. Damaca Shirkadahaan waxa uu soo bilaawday Xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ilaa hadda ayeyna Madaxweyne walba iyo Raysal Wasaare kasta kala hadlayeen batroolka Soomaaliya, laakiin hogaamiyaashii hore kuma dhiiran in ay rabitaankooda u yeelaan ilaa Soomaali ay ka heshiiso arimaha dhaxyaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Reuters) - Somalia has criticized neighboring Kenya for deporting two Somali lawmakers and a minister after authorities in Nairobi blocked them from entering the country. Source: Hiiraan Online
-
U.S. Travelers Can Now Use ePassport Lines at U.K. Airports
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Getting through Heathrow just got a whole lot easier for travelers from 7 countries. Source: Hiiraan Online -
Kismayao (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay diideyn in ay ka baxaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda magaalada Kismaayo kadib dalab uga yimid howlgalka AMISOM. Saraakiishaan oo mid ka mid ah ka tirsan la-taliyaasha sare ee dhanka amaanka ee Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Kenya ay warqad u qoreen Taliska AMISOM una sheegayn in aysan ka bixi doonin Kismaayo iyagoo ku micneeyay dalab uga yimid Axmed Madoobe. “Saraakiisha waxay qoreen Warqad ay ku cadeynayaan in aysan hada ka bixi karin goobaha loo cayimay sababta waxay ku sheegayn in uu ka dalbaday Axmed Madoobe una baahan yihiin in la siiyo waqti ilaa sanadka cusub” ayuu yiri Sarkaal aan la hadlanay oo ka tirsan Jubbaland. “Ujeedada socdaalka wakiilka Midowga Africa ee talaadadii waxay aheyd sidii arintaasi loogala hadli lahaa Axmed Madoobe waxaana jira qodobo ay ku heshiiyeen” ayuu yiri Sarkaalkaan aan la hadalnay. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaba aragti ah in hadii ay Ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo ay halis ku jirto damaciisa siyaasadeed ee hogaanka Jubbaland sanado kale. Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa u aragta in ay khasaare xoog leh wajihi doonto hadii ay Ciidamadeeda baneeyaan Garoonka, Dekadda iyo Jaamacadda Kismaayo oo ah 3 rug ee ugu muhiimsan Kismaayo islamarkaana ay dagan yihiin Ciidamada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Waxaan wada ognahay in xadhigii siyaasadeed ee ka dhaxeeyeeyay Dalkeena iyo Kenya uu maalinba maalinka ka dambaysa sii wiiqmayo ayadoo lawada ogyahay halka uu salka ku hayo culayska siyaasadeed ee Kenya saartay dalkeena. Waxaan wada ognahay inay Kenya mar horaba ku tala gashay inay diidmo qayaxan kala hortagto go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ oo guul siin kara soomaaliya. Kenya waxay wadaa qorshe ah ku qabso ku qadi mayside waana sababta ka dambaysa inay dhawr jeer oo hore ku fashilantay inay madaxda somalida ka dhaadhiciso inay hawsha qaab hoose kuwada dhamaystaan, taasoo noqon karta in biyaha badda ee muranku ka taaganyahay loo kala qaato 60% oo soomaaliya qaadato halka Kenya 40% qaadanayso. Go aankaas wuxuu u muuqdaa mid Kenyaaku kaga hortagyaan inay bad la’aan kusoo dhacaan maadaama hadii soomaliya ku guulaysato kiiskan ay Kenya kusoo dhacayso bad yari taasoo la micno ah in maraakiibta doonaya inay ku xidhaan dekedaha Mombasa iyo Lamu ee Kenya fasax kasoo qaataan soomaaliya iyo Tansania oo ah labada wadan ee xuduud badeedka ay wadaagaan Kenya. Maxaa Xilligaan kusoo aadiyay Buuqa iyo Muranka Kenya Bilowday? Waxaa soo dhawaaday xilligii lagu dhawaaqi lahaa natiijada gal dacwadeedka arinta badda ee taal maxkamada ICJ. Waxay kaloo Kenya sii ogtahay inaysan marnaba ku guulaysan Karin kiiskan, sidaa daraadeed Kenya waxaa hortaal labo daran mid dooro. 1: Inay iska aamusto go aanka maxkamadana aqbasho sidaasna ku noqoto wadan aan xorriyad badeed buuxda haysan. Iyo 2: Inay ka gilgilato arintaas una marto dariiqo kasta oo ay wax ku dhacsan karto. Waana mida danbe halka Kenya ka duulayso. xilligaan Kenya waxay qorshaynaysaa inay sii laba jibaarto cadaadiska diblimaasiyadeed ee ay ku hayso dawlda curdankaa ee soomaaliya oo ay isleedahay way u nuglaan kartaa cadaadis siyaasadeed ka awood wayni haduu qabsado. Waxay Kenya quudaraynaysaa inay arintu faraha ka baxdo kolkaasna soomaaliya ku dhaqaaqdo go’aamo lagu degdegay ama xamaasadi ka danbayso taasoo keeni kara in arintu gaarto in lasoo dhex galo labada dale ee jaarkaa, waana halkaas meesha Kenya u socotaa waxayna doonayaan in lasoo dhex galo arintana lagu dhameeyo xaal mastuur. Maxaa Dawlada Iyo Shacabka Soomaaliyeed La Gudboon lagana filan karaa? Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad shucuurtoodu deg deg ku kacdo waxay mar damcaana haday gacmaha is qabsadaan waqti yar kaga jawaab bixin kara. Waxaa taas lagu ogaaday xilligii wadanku kujiray gumaysiga oo dadka soomaaliyeed inyar maahee intooda badan gacmaha isu qabsadeen siday wadanka u xorayn lahaayeen. Maanta oo wadankeenu uusan lahayn dawlad awood badan leh ama ku filan difaaca dalka waxaan shacabka soomaaliyeed oo aan kamid ahay ka fili karaa inay garab istaagaan dawladooda mucaraad iyo muxaafad, yar iyo wayn, aqoonyahan iyo jaahil, askari iyo shibil dhamaan ayadoon loo kala hadhin waxaa waajib nagu wada ah inaan garab istaagno dawladeena kuna caawino sidii loo difaaci lahaa sharafta iyo karaamada qarankeena. Maantoo kale maahan maalin la yiraahdo hebel mucaarad baan ku ahay iyo isku siyaasad maahin, maantoo kale maahan maalin la fiirsho cida hogaanka dalka haysa qabiilkeeda, maatoo kale maahan maalin la fiirsho dhulka la isku haysto qabiilka dagan, maantoo kale maahan maalin cadawga lala kala safto daba dhilifna loo noqdo. Maanta oo kale waa maalintii xoriyada aan u dagaalamaynay waa maalintii awoowayaasheen iyo ayeeyooyinkeen u hureen dhiigooda si aan inagu xoriyad ugu noolaano. Dawlada somaaliya waxaan ka filli karaa inay daganaan iyo bisayl siyaasadeedkii kol hore ay muujisay ay mar labaad muujiso kana digtoonaato damin kasta oo lagu budhbudhin karo ama lagu carqaladayn karo jawaabta kasoo bixi karta maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ. Madaxda soomaaliyeed waxaa la gudboon inay la tashiga badiyaan ee aysan qol mugdi ah isku soo xidhin lana aamusin masiirka ummadeed ee ay ay alle hortiisa kaga dhaarteen. Maantoo kale waxay ku qurux badnaan lahayd in madaxda dalka hogaamisaa meel iska dhigaan kala duwanaanta siyaasadeed iyo is nacaybka dhex yaal iyaga iyo mucraadka iskuguna yeedhaan dhamaan wax garadka, aqoonyahanka, dhalinyarada, siyaasiyiinta xisbiyada hogaamisa, hogaamiyayaasha maamul goboleedyada, saraakiisha ciidanka ee khibrada fog leh, diblimaasiyiinta dibad jooga ah ee aan dawlada ka tirsanayn iyo madaxdii hore ee dalka soo martay. Kolkay intaas oo soomaali ah hal miis iskugu gayso lana wadaagto meesha wax marayaan iyo qorshaha dawlada uga dagsan arinta hortaal kana codsato in kala duwanaanshaha siyaasadeed ama qabiil meel la iska dhigo laguna mintido difaacida qaranka.waxay taasi horseedi kartaa isku duubni mug wayn oo sababi kadha in guul siyaasadeed iyo mid difaacba lagu gaaro iyo in kalsoonida shacabka iyo dawladu noqdo mid aan la loodin Karin. Furasad Dahabiga ah ee Hortaala Soomaalida, maka faaidaysan doonaa mise waan dayici doonaa? Waxaan shaki kujirin in daadaansiga Kenya uu sabab u yahay awood yarida iyo kala qoqobnaanta dhex taala soomaaliwayn. Wuxuu dalku u qaybsanyahay dhawr maamul goboleed oo mid walbaa dantiisa gaadhkaa fiirsanayo shisheeyana u loogayo dalka, qaarkoodna inay go’ayaan ku dhawaaqeen iyo caasimadii oo kaligeed la daalaa dhacaysa hagardaamada iyo qaraxyada Al-shabaab iyo jilaafooyinka shisheeyaha aan doonayn in Xamar mar labaad noqoto caasimadii ummada soomaaliyeed ee nuurkeedu Africa wada gaadhi jiray. Dhawrkaas qodob iyo kuwo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sababay in dalkeenu horumar balaadhan gaadhi waayo cadawguna ku dhiirado dhaca xoolihiisa. Hadaba maanta oo dalkeenu ku suganyahay khatar amni mid difaac, boob hantidiisa lala damacsanyahay iyo hagardaamooyin kale oo badan waxay dhamaantood noqon karaan fursado ay naadir tahay in la iska indha tiro. Daandaansiga badeed ee Kenya iyo xulufadeedu wadaan waxay soomaalida u horseedi kadhaa waa-cusub oo ifaya, kacdoon shacab iyo dawlad isku duuban oo wada jir uga dhiidhiya hujuumka cadawga. Waxay fursadani noqon kadhaa mid soomaalida midaysa mar labaad kana saarta kala qaybsanaanta iyo is nacayba. Waa tii Abwaankii soomaaliyeed gabayga ku lahaa “Hadii labo dhurwaa hilib dhex maro waaku diriraane’’ ‘Ase waxay hishiiyaan markuu dhidir u muuqdaaye’’ Hadii soomaalidu noqotay waraabahaas oo kale oo ay hishiin waayeen barwaaqada dalkooda taalana kawada faa’idaysan waayeen ugu yaraan waa inaysan waraabahaas ka caqli xumaan ee ay hishiiyaan markay dhidirka(Kenya) kusoo socda oo xoolohooda inuu dhaco raba arkaan. Fariin ku socota aqoonyahanka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan: Aqoonyahanku waa hantida maguurtadaa ee dal kastaa leeyahay, waa midhaha guusha ee dal kastaa ku faano waa badbaadiyaasha dalka markuu xaalad cakiran galo, waa hindisayaasha qorshayaasha badbaadada qaranka. Waa miidii ummada waana kuwa dalkaan samata bixin kara haday adeegsadaan aqoontooda iyo caqligooda meelna iska dhigaan qabiilka iyo siyaasada. Aqoonyahanka soomaaliyeedoow kama liidataan kuwa Kenya ee u tafa xaytay inay dalkooda usoo dhiciyaan badeena, dhamaan wargaysayda,Tv-yada, baraha bulshada iyo meelaha lagu qabto dood cilmiyeedyada waxaad ku arkaysaa aqoonyahan Kenyan ah oo dadkooda fahamsiinaya qaabka dawladooda ay u garab istaagi lahaayeen, iyagoo dadkooda fahamsiinaya siday xaqa ay ku doodayaan u dhacsan lahaayeen, waxaad arkaysaa inay mar horaba diyaariyeen maskaxda shacbka reer Kenya kana dhigeen shacab u diyaarsan dagaal kasta oo Kenya la gasho Somalia. Maxaa aqoonyahankeena ka hortaagan inay ficilkaas mid lamid ah ama ka xoog badan la yimaadaa wadankoodana difaacaan? Waxaan aaminsanahay in aqoonyahanka somaalidu ka karti iyo dadnimo yarayn kenyanka balse ay naga wadanisanyihiin. Gabagabadii waxaan shacabka sharafta badan ee somaaliyeed ugu baaqayaa inay dalkooda difaaciisa u midoobaan dawladoodana garab istaagaan Kala qaybsanaanta iyo isnacaybkana iska saaraan kana faaidaystaan fursadan dahabigaa ee kenyanku na soo hordhigeen. Wabilaahi Tawfiiq. W/Q: Dr. Ali Abbas Yusuf Gaalkacyo, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Moscow (Caasimada Online) – Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono” Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Dawladda Federaalka waxay isniintii ka gudubtay caqabadii ugu weynayd ee dhanka horumarinta shidaalka lagu tuhmo Soomaaliya. Lagu tuhmo ayaan lee yahay, ma jiraan ceelal la qoday oo shidaal ka soo burqaday ama shidaal ganacsi gali kara lagu arkay bad iyo berri ba, laga soo billaabo dhammaad kii 50 meeyadii illaa maanta. Ilaa hadda shidaal ka la sheego, waa qiyaas ku salaysan inuu jiro sistam shidaaleed: lakabyo dhagaxeed dherer iyo mug badan leh oo ay ku jiraan dhagaxda khayraadka dhala – shale ama sandstone, iyo dhagaxda kaydinaya shidaalka sida sandstones(quartz sand or arkosic sandstone), iyo carbonates sida limestone ama dolomite). Waxaa kaloo muhiim ah inuu jiro qaab-dhismeed dhulka dhex diisa ka jiro, oo suurta gelinaya inuu kaydiyo shidaalka: anticlines, faults, iyo siriqyo-lakabeed (traps). Dhinaca kale, dushaa waa inuu daboolaa kaydka shidaaleed dhagaxaan sida shale ama cusubo dusha ka dahaarta. Intaas dhammaan tood waa lagu arkay Soomaaliya. Dhammaan intaasi Soomaaliya way ka jiraan; waana laga helaa. Maxaa xiga oo la sammayn karaa si shidaalka loo soo saaro? Waxaa xiga qodaal, laakiin shirkadaha shirkadaha qodo shurudahaan ayay u baahan yihiin in Soomaaliya ay ka jirto: Xasilooni siyaasadeed iyo inay jirto xukuumado la saadaalin karo (predictable governments). Inuu ka jiro Soomaaliya jawi siyaasadeed, dhaqan-dhaqaaleed oo u sahlaya shirkadaha inay maal gashtaan (dhaqaale furan – liberalised economy, iyo waddan aan lahayn musuqmaasuq, ama musuqa uu yar yahay. Inay jiraan siyaasado, sharciyo iyo xeerar-hoosaadyo ku aaddan sahlidda hawlaha shidaalka iyo inuu shidaalka waddanka inuu lee yahay qaab-dhismeed ka la yaqaano, oo kala soocaya hawlaha: Wasaarad ku kooban siyaasad sammayn, dul-ka-hagid (oversight), Hayadda Nidaaminta hawlaha shidaalka, iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka. Mid kasta waa inay dheeshaa kaalinta saxa ah, shaqadana laysku qabsanin. Hawsha sida ay u socoto waxaa daba-gal shirkadaha ku sammaynaya Hay’adda Nidaaminta Shidaalka. Shirkadaha waxay rabaan inay galaan heshiis iyaga faa’iido badan ugu jirto. Soomaaliya dhawaan waxay sammaysay Heshiis Model ah oo loo yaqaan Heshiiska Soo-saar Wadaagga oo shirkad kasta dan ka leh Soomaaliya inay ka soo saarto shidaal lagula heshiinayo. Heshiis kan wuxuu suurta gelinayaa inuu soo jiito shirkadaha (attractive and competitive); isla markaana wadanka maslaxa diisa ay ku jirto. Dawladda Soomaaliya maxay ka rabtaa shirkadaha inay ku sifoobaan? Shirkadda lala saxiixdo Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement) inay muddo lix bilood ah ku shaqo gali karto. Shirkadda waa inay wadataa shirkadaha kale ee shaqada la geli kara; haddii kale way iska fadhinayaan sannado badan iyagoo raadinaya shirkad lamaane ah oo la wadaagta shaqada. Shirkadda heshiiska la galaysa waa inay tahay shirkad taariikh wanaagsan leh, oo lagu yaqaano hawlaha shidaalka inay waddamo kale ka fulisay si dhib la’aan ah. Waa inay leedahay khibrad xoog leh, dhinaca ka sahqaynta badda. Shirkadda waa inay awood dhaqaale (financial capability) ay hawlaha shidaalka ku fuliso lee dahay iyadoo dhaqaale yari hawsha u istaagaynin. Soo-saarka shidaalka badda moolka ah aad buu qaali u yahay. Shirkadda waa inay awooddaa inay bixin karto lacag rahan ah (Bank Guarantee) ka dhimanaysa haddii shaqadii ceel-qodidda ama hawsha 3-D seismikada aan la qabanin. Shirkadda waa inay leedahay awood farsamo (technical capacity) oo badda mool ka ah ay kaga soo saari karto shidaal. Shirkado tiro yar ayaa awooda hawsha inay ka qodaan shidaal bad aad mool u ah. Shirkadahee diayaar ah oo Soomaaliya sahan, shidaal-qodid iyo soo-saar ka sammayn kara iminka? Shell-ExxonMobil: Waa shirkad weyn (Consortium) ah oo heshiis la gashay the Democratic Republic of Soomaaliya sannad kii 1988; waxayna kula heshiisay Soomaaliya inay ka baarayso, soo-saarayso shidaal badda aan moolka ahayn ee berriga u dhow ee u dhexaysa Bandar Bayla iyo Marka. Heshiis kaasi waxuu ahaa nooca concession ka, wuxuuna u baahan yahay in loo beddelo nooca Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA). Hadda waxay bixisaa Shell-ExxonMobil tabarrada si kor loogu qaado awoodaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo lacaga ijaarka ku aaddan halkii km2. Isku darka Shell-ExxonMobil, shirkaddan waxay tahay shirkadda dunida ugu weyn ee shidaal soo saarta. Waana shirkado laga lee yahay USA (ExxonMobil) iyo Netherlands (Shell). Shirkadda Soma Oil and Gas (u xuubsiibatay magaca Coastline Energy Corporation) waa shirkad hormuud ka noqotay hawlaha shidaalka Soomaaliya goor Soomaaliya shidaal keed aan la hadal haynin. Waxay ka hawl-gashay baaristii ugu horraysay lagu sahminayo badda Soomaaliya. Xogaha shidaaleed ee la ogaaday hadda waxay qeyb-weyn ka dheeshay Soma Oil and Gas. Shirkaddii hore waxaa gatay dad kale oo magaca ka beddelay, laakiin waxaan la ogeynin awoodeeda dhaqaale, farsamo iyo khibradeeda (markaan Google adeegsaday). Soma Oil and Gas waxay la gashay Soomaaliya heshiis ah inay sammayso baaris; laguna siiyo maalgelinta ay ka sammayso dhinaca baarista balookyo shidaaleed oo 12 ah. Heshiis kaasi waxaa galay Mudane Cabdirisaaq oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah, waagii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka talinayay Soomaaliya. Hadda waxaa la joogaa goortii Coastline Energy la siin lahaa xirmooyin (Block yadii and PSA yadii). Tirada block yada la siin doono, waxay u taallaa dawladda Raiisul Wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre; laakiin waxaa jira heshiis u baahan in la xurmeeyo. Shirkaddaan waa Reer Galbeed (Share ugu badan qofka leh ayay ku xiran tahay). Liberty Petroleum (ama Petro Quest) waa shirkad heshiis la gashay Galmudug tii hore, xoogaa yar oo maaliyad ah ayaa kaga baxday shirkadda Soomaaliya. Dhowr jeer ayay wada-hadallo la gashay Wasaaradda Batroolka oo la diyaarisay Heshiis PSA ah oo aan la saxiixin oo qabyo looga tahay. Shirkadda Liberty Petroleum waxay xiisaynaysaa badda Galmudug iyo tan Baraawe, ee Koofur Galbeed. Waa shirkad Mareekan ah. Waxaa kaloo jira shirkado tiro badan oo xiiso iyo xawaare xoog leh ku socda oo raba inay ka qeyb galaan tartarnka qandaraas yada lagu furay London bishii February. Shirkada haasi. Shirkada haasi waxay isugu jiraan Reer Galbeed, India iyo China. Haddii lagu guulaysto sannad kan heshiisyo PSA ah in shirkado lala galo, waxaa hubaal noqon doonto in Soomaaliya ay leedahay shidaalka lagu tuhmayo iyo in kale. Waxayna kala caddaan doontaa ka gadaal marka la qodo ceelal dhowr ah. Waxaa kaloo ka soo gali doona lacago intay baarista iyo ceel-qodidda socoto iyo dhaqdhaqaaq shirkado Soomaaliyeed oo la jaan-qaadi doona Shirkadaha Shidaalka baaray. Dhinaca kale dhalin yaro ayaa shaqo ka heli doonta. Gunaanad hawshii ansaxinta Sharciga Shidaalka ee shalay wuxuu gundhig u noqonayaa hawlo kale oo soo raaci doona oo lagu sahminayo, lagu qodayo shidaalka iyo lagu hormarin doono khayraadka Soomaaliya. Waa iftiin yar oo rajo ah oo ka soo dhex-muuqday muddo badan oo taneel mugdi ah la dhex marayay.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay inay suura-gal tahay in shacabka Hargeysa mar dambe looga taliyo Xamar. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo gooni isu-taaga ay Somaliland weli la baadi-goobeyso ictiraaf. Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la oran jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi ‘Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaasi oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi'”. “Markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18-may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa” “Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta, hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato” “Maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan ‘Geel-jire’, ayaa Guddoomiyaha xisbiga Waddani ka difaacay eedeymo uga yimid Madaxweyne Muuse Biixi. Geel-jire ayaa sidoo kale waxa uu naqdiyay qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay shacabka hargeysa munaasibadii 18-May, taasi oo uu ku tilmaamay khudbad xisbi oo olole doorasho ku jira. Siyaasi Geel-jire oo wareysi gaar siinayey mid kamida telefishanada soomaalida, ayaa waxa uu ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri “Khudbada madaxweynaha waxaan ahaa dadkii ka rajaynayay in Madaxweynuhu fursadan ka faa’iidaysto oo uu jeediyo khudbad maalinta qaranka u qalanta oo kalgacal ku dheehanyahay oo dadka ururinaysa oo midayneysa oo isu soo dhawaynaysa quluubta shacabka oo kooban”. “Waxaan barteyda facebooka ku soo qoray wada jir ka hadal madxweyne oo ku tun-tuunso wada jirka umadda iyo niyad wanaaga khudbadaada soo socota, laakiin markaan dhagaystay nasiib darro kamaan helin wixii aan ka sugayay aniga iyo dad kaleba, waxaanay u eekayd khudbad xisbi oo xisbi olole ku jira, waxay ahayd khudbad aan waxba ka qaban kala qaybintii dadka ku dhacday iyo tabashooyinkii jiray”. “Madaxweynuhu wuxuu ka bilaabay bilowga khudbadiisa heestii waabaa beryay oo laba bayt ah, wuxuunan carabka ku sii xejiyay kuwii ‘Kuwii ka baydhee, bahdooda ka leexday waa baaba’ooda.’ inuu qaybtaas dambe jeclaa ayaad moodaysay”. Wuxuuna intaas ku daray “Xisbi dhan (Waddani) oo ilaa 10 qof oo madaxdooda ahi fadhiday oo guddoomiyihii ku jiro muu magacaabin inay fadhiyaan, iyagoo fadhiya ayuu guddoomiyahoodii eeddo halkaas uga jeedinayay dadkana wuxuu lahaa taageerayasha Waddani iyo inta kale ayuu u kala qaybinayay”. “Madaxweynuhu muu lahayn umadda Somaliland ee uu masuulka ka wada yahay, iskumuu wada qaadin ee dad kala jaada ayuu tilmaamay oo qaarna taageerayasha Waddani yihiin inta kalena dad kale yihiin”. “May ahayn khudbadii dadka isu keeni lahayd, ee dadkan isu soo dhawayn lahayd, waxa kale oo iiga muuqatay arrinta doorashada inaanu si daacad ah uga waramin ee mawqifkii isaga iyo xisbigiisa kulmiye iyo UcId wada gaadheen ayuun buu ka dhigay tanaasul uu isagu sameeyay” “Mana ahayn tanaasul ee waa mawqif uu gaadhay oo wixii ay Waddani doonayeen kamuu jawaabin, markaas anigu wax alaale wax ay soo kordhisay oo ahinaynu ahayn sidii maalintii ka horaysay aynu ahayn, wuxuun baa faraq ah dadka dabaal degayay ee waddaniyada jecel ee aynu ka mid nahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa hogaamiyaha cisbiga Ucid eng Faysal CLi waraabe. Kulankaasi oo ahaa mid qarsoodi ah ayaan si dhab ah loo ogeyn waxa looga hadlay. Siyaasiinta mucaaradka ah oo kusugan Nairobi ayaa ka wada kulamo kula duwan. Puntland Post The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasiirka Arimaha gudaha Iyo Feysal Cali Waraabe oo Kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Xoghaye ilkacase wuxuu ugu safray Dalka Kenya inuu kaga Qayb-galo Shir uu Shir-gudoominayey Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada Soomaaliya, wuxuuna kulanka ku metelayey Maamulka S/land, Halka Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed & Jubaland-na Xubno shirkan u joogeen. Taasi waxay ka dhigan tahay in Somaliland ahayd Maamul hoos yimaada Soomaaliya. Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Wixii ka dambeeyay 08 Feb 2017 oo shacab badani ay aad u taageereen Dowladda Soomaaliya, waxaa taageeradaas barbar socotay qorshe uu maalgaliyey Xafiiska warbaahinta Villa Somalia iyadoo dhaqaale joogto ah bil kasta uu xafiiskaas ku bixinayay faafinta fariinta xukuumadda iyo jaa’ifada siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda. Annigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa dadkii qaybta ka ahaa Ololihii Madaxwaynaha, waxaa Alle igu ogyahay in aanan talo ku lahayn, ogayn, qayb-na ka ahayn qorshahaas. Mana bixinayn mana qaadanayn Allaa igu oge. Sidaas oo ay tahay markaan ogaaday waan la kulmay Agaasime C/nuur, waana ka digay khatarta ka imaan karta arrintaas. Wuuna igu beeniyay. Waxaan markhaati Alle ka ahay in ay jireen dad badan oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku taageeyay Dowladda, welina ku taageersan balse aan qayb ka ahayn qorshaha Xafiiska Agaasime Abdinur Mohamed Ahmed ku maalgaliyo qoylaysatada baraha bulshada. 22 Augost 2018 markii Agaasimihii Madaxtooyada loo magacaabay Aamino Siciid Cali, Agaasime kuxigeenna loo magacaabay Abdirisaaq Caato ayay waxay joojiyeen dhaqaalihii Xafiiska Warbaahintu bil kastaa bixin jiray. Arrintaasina waxay kaliftay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Agaasimihii waaxda Warbaahinta Cabdinuur iyo Agaaaime Kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato. Khilaafkaas wuxuu sababay in fashil xooggan oo Dowladda uga yimaada dhanka baraha bulshada, waxaana xoogsatadii markii ay waayeen dhaqaalihii ay dib ugu soo jeedsadeen Nabad iyo Nolol in ay caayaan. Waana khatartii aan ka digayay markii horeba. Looma joojin oo dhagaha ayaa laga furaystay. Anna waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu riyaaqay in dhaqaalahaas xaaraanta ah la joojiyo, waayo nafiijada ayaa ii muuqatay. Ugu dambayn waxay arrin isugu soo biyo shubatay in Cabdinuur uu dib usoo abaabulay qaar ka mid ah xoogagii dhaqaalaha la siin jirey, si ay samcad dil iyo jaa’ifo ugu sameeyaan Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato, si uu dib ugu soo celiyo dhaqaalihii Xafiiskaas uu bil kasta bixin jirey. Waxaan hayaa Document iyo mavluumaad dheeraad ah. Haddii ay arrintaan sii socotana waan soo bandhigayaa. WQ: Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin) The post Maxaa keenay in ciidankii baraha bulshada ee DFS uu dib u soo weeraro Villa Somalia? appeared first on Puntland Post.
-
HAL-HAYSKA MUUSE BIIXI EE DHINACA XABSIGA: “Qofkastoo hadla Xabsigaan dhigayaa, Reer tolkii ama Hayada uu ka tirsanaa Hal-Asbuuc bay Qayl-qaylinayaan ka dibna Sidaan doono ayaan ka yeeli doonaa marka Odayo Reerkooda ah oo Naga Baryayaa noo yimaadaan”. Hal-hayska Muuse wuxuu Cadaynayaa Aqoonta uu Shacabka S/land u leeyahay, Maadaama Dhawaaqii Xubnahani dhaafi waayey Hal-asbuuc oo keliya. Hada ka hor bay ahayd markuu Muuse soo jeediyey in la Xidho Gudoomiye Ciro oo Xiligaas ahaa; Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharixii Xilka Madaxweyne; ka dibna uu dabo-dhigay Hal-hayskiisan kore. Muuse, Wuxuu ilaaway in Xabsiga joogtada ah ee Shacabka iyo Xubnaha Xilalka hayaahi uusan Xal lagu aamusiiyo Tabashada Muwaadiniinta noqon karin; Balse uu sii Xoojiyo Dareenka Mucaaradnimo ee Bulshada; Sidoo kalena soo dedejiyo Gadoodka Shacabka “Taariikhdu iyadaa is Fasirta”. Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Mudane Mohamed Sadiiq Dhame, oo leh Xasaanad Xisbinimo & Muwaadaninimo. Xildhibaan Dhakool, oo leh Xasaanad Xildhibaanimo & Mid Muwaadaninimo. Abdi-malik Coldoon oo leh Xasaanad Saxaafadeed, mid Samafale iyo tiisii Muwaadaninimo-ba waxay si Sharciga Baal-marsan bay ugu jiraan Xabsiga Hargeysa. Waxaan Cadaynayaa in Ficilada noocan ahi ay 20 Sano oo kale dib u riixayaan Aqoonsi ay S/land ka hesho Bulshada Caalamka ee Indhaha ku Haya Dhaqdhaqaaqa Dimoqraadiyada S/land. Hadaba; Waxaan Xukuumada Muuse Biixi ugu Baaqaynaa inay Xubnahan Masuuliyiinta ah si Degdeg ah Xoriyadoodii ugu soo Celiso. Hadii Taas la Waayo, Waa in . Xubnaha & Hogaanka Xisbiga Waddani Gudo & Debadba . Xubnaha Baarlamaanka ee Xilkaska ah oo ay Hormuud ka yihiin Gudoomiyaha Golaha & Xubnaha Gobolada Bariga ka soo jeeda . Hogaanka Suxufiyiinta & Hayadaha Samafalkaba waxaa la gudboon inay iska kaashadaan Mudaharaad Joogto ah oo lagu difaacayo Xuquuqda Muwaadaniinta, si Xubnahani Xoriyadoodii dib ugu Helaan. Ogaada, Xubnahani Bishii Barakaysnayd ee Dembi-dhaafka & is-cafinta ahayd ayay Xabsi ku jiraan. Illahow Somaliland Badbaadi !!!!!!!!!!!!. Mahadsanidin Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
