-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Emir of Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani on Tuesday received the heads of delegations participating in the the 16th Ministerial Meeting of the Asia Cooperation Dialogue (ACD) in Doha. The delegations included officials from Saudi and Bahrain, the first official visit by the two Gulf countries’ officials to Qatar since they launched a blockade on the small state in early June 2017. Kuwaiti Assistant Foreign Minister for Asian Affairs, Ali Sulaiman Al-Saeed, welcomed Saudi and Bahrain’s participation, stressing on the importance of holding the ACD meeting in Qatar to enhance cooperation between Asian countries and finding solutions to the problems facing the dialogue process to resolve the blockade. Remarking on his country’s efforts to help resolve the Gulf crisis, Al-Saeed said: “Kuwait is exerting efforts at the highest levels. His Highness the Emir, Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, has made efforts that are known to everyone. However, the issue requires positive dealing with our initiatives.” Prior to his meeting with the heads of the delegations, Al Thani said on Twitter that the ACD “will lay new foundations to benefit from the diversity and great potential of the continent in promoting integration and positive competition among members of this important system Middle East Monitor Qaran News
-
Magaalada Garowe waxaa ka socda Abaabulkii u dambeeyey Gogosha uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu u dhigay Hogaamiyayaasha Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey guud ahaan goobihii [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso. Waxa uu sheegay in sababta ay tahay kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon. Axmed Madoobe ayaa sheegay in looga soo duulay Muqdisho, islamarkaana ay socdaan xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho, taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Jubaland ka waddo arrimo ammaanka lidi ku ah oo laga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho oo la doonaayo in dadka Shacabka ah dhibaato loo geysto. Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqda in uu banaanka soo dhigay inuu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Thursday it has launched a training program on human rights for Somali security forces to enhance their compliance with international human rights law. Source: Hiiraan Online
-
NIGERIAN TROOPS huddle around their captain for a briefing. Several rest their rifle muzzles in the sandy ground, which could block and damage them. During the assault on a terrorist training camp, many forget their training, firing wildly and running off their line of advance. After capturing it, they mill about and ignore the booms of incoming artillery. Finally they are brought up short by an angry Scotsman, who shouts: “Ibrahim, you’re dead!” Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)- Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal , kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa eek a dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxu qado-sharaf u sameeyey labada Aqoonyahan ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh. Kulankan oo madaxda Xisbigu ka soo qeyb-gashay ayey kaga wada-hadleen xaaladda dalka iyaga oo isla soo hadal qaadey helidda Somaliland la wada lee yahay oo labada dhinac ba sheegeen in ay tahay midda Somaliland ku badbaadeyso. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa. Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta. Ugu danbayn safiirku waxa uu dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland. Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan. Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dhinac, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa. Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta. Safiirka ayaa waxa uu Somaliland ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska. Waxaana madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankan maanta Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal , kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa eek a dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Xukuumadu ay ka qaadeyso talaabo adag Dableydii dhowaan dishay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Booliiska Degmadaasi. Wasiirka oo hadal ka jeedinayey deegaankii lagu aasayey labada Sarkaal ee la dilay ayaa waxa uu ka sheegay inay Odayaasha ay isku deegaanka yihiin raggii dilka geystay inay waajib ku tahay inay gacan ka geystaan soo qabashadooda, haddii ay ku gacan-saydhaana bedelkooda iyaga loo xiri doono. “Odayaasha Beeshan (Gar-adag) waa waajib saaran inay hawshan dhinacooda ka qabtaan, Gacan ku dhiiglaha kii naga qariya ayuun baanu ku xidhaynaa” ayuu yiri Wasiirku. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiir Kaahin “Tuugu ehel malaha, Gacan ku-dhiigluhuna ehel malaha. Xukuumadda ayay waajibkeeda tahay inay arrinkaa si adag uga qabato, mana suurto-galayso inaanu si sahlan idiin nidhaahno waxbaanu qabanaynaa oo aanu qaban wayno. Dilka loo geystay Saraakiisha wuxuu dhaawac ku yahay Qarankeena”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Shirweynaha wada-tashiga, jihaynta qorshayaasha iyo baahiyaha Haweenka Puntland oo mudda afar maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta soo xirmay. Shirkan oo ay qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa waxa ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo haween ah, kuwaasoo ka kooban xubno ka tirsan Haweenka Puntland ku metela Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwa ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, wasiiradii hore ee wasaaradda Haweenka Puntland, Haween ka socday sagaalka gobol ee Puntland, Haweenka dhaqaatiirta ah, kuwa ganacsatada ah, qareennada, beeraleyda iyo xoola-dhaqatada. Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland, Aamino Cismaan Xaaji jaamac oo ka hadlaysay xiritaanka shirkan, ayaa sheegtay in mudadii uu shirku socday si weyn looga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta Haweenka, ka hortagga tacaddiyada loo geysto iyo ilaalinta xuquuqdooda , gaar ahaanna Haweenka ku nool degaannada fog-fog iyo dhulka miyiga ah. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegtay in nuxurka shirka ka soo baxay uu sal u noqon doono, jihaynta qorshah shanta sano ee wasaaradda Haweenka Puntland iyo dhammaan qorshayaasha hay’adaha kale ee dowladda eek u shaqo leh arrimaha Haweenka. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shirka soo xiray ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xukuumaddu ay sidooda u dhaqan-gelin doonto qodobada ka soo baxay shirkan, isagoo ballan-qaaday in uu shirka golaha wasiirada horgeyn doono, si loogu rogo go’aan xukuumadeed. Ugu dambeyntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay baaq ku jihaysan kordhinta doorka Haweenka ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo ka hortagga tacaddiyada loo geyso Haweenka. Halkaan ka daawo baaqa oo Caasho Geelle Diiriye akhrinayso PUNTLAND POST The post Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye Cirro Oo Farriin Adag U Diray Xukuumadda KULMIYE Iyo Laamaha Amaanka “Waxaannu Xukuumadda Uga Digayaa Xukun Milateri Oo Aan Golayaashu Xalaalayn Inay Shacabka Ku Fuliso “Dr Cirro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labada Gole ee Baarlamaanka ku boggaadiyey go’aankii diidmada ahaa ee ay ka qateen xukunka Milateri ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku soo rogtay gobolka Sanaag, taasi oo ay labada gole ka codsatay inay u codeeyeen, balse labada gole ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta cod aqlabiyad ah ku diiday dalabka Xukuumadda iyo xaalada deg deg ah ee ay ku soo rogtay Gobolka Sanaag. Siddoo kale Guddoomiye Cirro ayaa digniin adag u diray xukuumadda iyo laamaha amniga oo uu sheegay inay waxay golayaashu diideen dhaqan-geliyaan , isagoo sidaa ku sheegay Saxaafadeed uu ku qabtay Hoyga uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa,waxaanu haddalkiisu u dhigaan sidan “Waxaan warbaahinta u hor imi in aan Boggaadiyo Baarlamaanka Somaliland labadiisa aqalba Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada oo maanta qaatay tallaabo taariikhiya , tallaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan maanta xukunkii milateri ama xukunkii deg deg ahaa ee lagu soo rogay gobolka Sanaag, baarlamaanka waxaan ku boggaadinayaa in tallaabadaasi ay ahayd mid ay sharciyada ugu hiiliyeen mid ay shacbiga ugu hiiliyeen.” Waxaanu intaasi ku sii daray Guddoomiye Cirro “Waxaannu shacabku xasuus-naan doonnaa tallaabadda taariikhigga ah ee aad qaadeen, waxaad u hiiliseen dhammaan shacabka reer Somaliland, waayo xukunka degdeg ahi kuma koobnaadeen gobolka Sanaag oo goboladda kale ayaa ku xigi lahaa oo Awdal baa ku xigi lahayd. Marka maanta shacabka aad la dareen noqoteen waan idinku boggaadinayaa, Waxaad u hiiliseen dhammaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag ee degmooyinkiisa lagu soo rogayay xukunka milateri ee kala ahaa, Gar-adag, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.”Ayuu yidhi Cirro Dhanka kalena Guddoomiye Cirro ayaa Xukumadda Madaxweyne Biixi uga digtay inay xukun Milateri oo aanay xaalaalayn golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu inay dul dhigto shacbiga,”Waxaannu xukuumadda uga digaynaa xukun milateri oo golayaashu xalaalayn oon sharci ahayn inay shacabka ku fuliso, waxaan kale oo shacabka reer Somaliland gobolkasta oo ay joognaa ugu baaqayna in ay ilaashaddan xasiloonidooda iyo nabadgel-yadoodda. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa inay sharciga u hoggaansamaan inay shacabkoodda u tudhaan iyo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo xasiloonni –darro iyo amni-darro ka dhallin karta dalka.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Abuukaate Zakariye Yuusuf oo wareysi siiyey Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa xusay in Golaha Wasiirada ay u baahan yihin in la hor geeyo Baarlamaanka. Abuukaataha ayaa ku dooday in sharciga uu qabo haddii Golaha Wasiirada ee la hor geeyey Baarlamaanka isla markaasna la ansixiyey la badalo in ka badan laba meelood ay waajib tahay in kalsooni cusub looga raadiyo Baarlamaanka Soomaaliya. ” Sharciga wuxuu qabaa in marka hore si wadajir ah Golaha Wasiirada loo horgeeyo Baarlamanka Soomaaliya , markii ay helaan ogolaanshaha Golaha Shacabka sidaas ayey ku shaqo galayaan, haddii markaas ka dib laba meelood meel ay baxaan ama la badalo wasiiradii hore loo ansixiyey, Caqliga iyo sharciga intaba waxay tahay in mar kale Golaha Shacabka la horgeeyo si ay u helaan kalsooni” Ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf. Wasiiradii uu soo magacaabay Ra’isulwasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa siyaabo kala duwan Liiska uga baxay oo xilkii baneeyey Wasiiro gaarayo illaa 10 oo kala ah: 1) Daahir Geelle, Wasiirkii Warfaafinta. 2) Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda. 3) Cabdi Faarax Saciid (Juxa) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. 4) Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirkii hore ee Warshadaha 5) Axmed Mursal, Wasiirkoo hore ee Gaanshaandhigga. 6) Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirkii hore ee Waxbarashada. 7) Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirkii hore ee Dastuurka oo dhawaan dhintay Allaha u naxariistee 8) Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga 9) Cabdifataax Geesey oo ahaa Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 10) Cabaas Siraaji (Allaha u naxariistee) Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 11) Maryqan Qaasim, Wasiirkii hore ee Gargaarka. Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in Xildhibaanada mucaaradka ah aysan ku baraarugsaneyn arrintaas balse ay kaliya yihiin mucaarad aan diyaar u aheyn inay wax saxaan. Wuxuu sheegay in Baarlamaankii iyo Golihii Wasiirada ay noqdeen kuwa isku mid oo aysan jirin maskax diyaar u ah inay soo jeediso sharcigaan lagu xadgudbayo. Wuxuu Maxkamadaha ugu baaqan inay arrintaan soo farageliyaan isla markaasna ay ku dadaalaan in la saxo sharciga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mas’uuliyiin cusub magacaabay Halkan hoose ka akhriso Source
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen shaciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Ujeedka sharciga doorashooyinka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dajinta iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda, laguna hir-gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka. Sharciga ay maanta xukuumaddu meel-marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan, iyadoo sharcigna uu ka mid ahaa ilaa saddex qodob oo ay mucaaradku dalbadeen inay dowladdu wax uga qabato sida ugu dhaqsiyaha badan. Kulanka Golaha Wasiirrada DF oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel-mariyay sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay. Dhanka kale, Ansixinta sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qayb ka ah hal-beegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay. Ugu dambeyn, Xildhibaanno dhawr ah oo ka hadlay sharciyadan maanta la meel-mariyay ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan, iyagoo kula taliyay baarlamaanka inay si qoto-dheer u eegaan sharcigan, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u meel-mariyaan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada DFS oo Meel-mariyay laba sharci oo uu ku jiro midka Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi [Baadiyow] oo ka mid ah la-taliyeyaasha Ra’iisul Wasaaraha Dalka ee dhinaca dib-u-heshiisiinta ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan ahayn wax xun, isagoo ku baaqay inay heshiiyaan siyaasiyiinta kala aragtida duwan. Dr. Baadiyoow oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafad ay dalka wada leeyihiin, isla markaana looga baahan yahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga iyo horumarka dalka. “Siyaasiyiinta waa inay heshiiyaan oo aysan is haruufin, mucaaradka in aan loo arkin inuu xun yahay dowladaha dimoqraadiga mucaaradka iyo muxaafadka dalka ayay wada leeyihiin, kii shalay mucaarad ahaa, berri ayuu madax noqonayaa,” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo ku khilaafay sida madaxda Dowladda Federaalka Somalia u weeraraan siyaasiyiinta mucaaradka. Dhanka kale, Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo shalay inta aan loo dooran xilka madaxweynenimada uu ahaa mucaarad dhaliilana uu soo jeedin jiray, haatan uu yahay madaxweynaha dalka. “Madaxweyne Farmaajo shalay wuxuu ahaa mucaarad, maanta Madaxweyne ayuu dalka ka yahay, marka waxaa la rabaa mucaaradnimada inaan xumaan loo arkin, dalalka dimoqraadiyada ka jirta mucaaradnimada waxay ku jirtaa qeyb ka mid ah dowladnimada”ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow oo xilligan lagu tilmaamo inuu ka mid yahay taageerayaasha Dowladda Madaxweyne Farmaajo, halka dowladdihii hore uu mucaaradi jiray. Dr. Baadiyoow ayaa ku baaqay in la joojiyo nidaamka keli-taliska, sidoo kalena la joojiyo guul-wadeynta iyo in shacabka la isku soo bixiyo markii ay siyaasiyiintu isku qabtaan fikir lagu xallin karo wadahadal iyo is-tixgelin. Ugu dambeyn, Dowladda uu Madaxweyne Farmaajo ayaa mucaaradka kasoo horjeeda u adeegsata hadallo qallafsan, waxayna ku tilmaamo Qaran-dumis, dowlad diid iyo erayo kale. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah la-taliyeyaasha RW Somalia oo sheegay in mucaaradka DF la siiyo tixgelin appeared first on Puntland Post.