Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Laascaanood)-Guddidii Golaha Guurtida Somaliland ee loo xil saaray Gobollada Bariga ayaa lagu soo dhaweeyey duleedka Magaalada Laascaanood. OLYMPUS DIGITAL CAMERA Guddidan oo ka Kooban 13 Xildhibaan waxa Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Sool, Maayarka Laascaanood iyo Mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Guddidii Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada bariga Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir ayaa sheegay in Ujeeddadoodu tahay xog ogaal u noqoshada xaalada guud iyo abaaraha ka jira Gobolkaasi. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Magaaladda Laascaanood, Agaasimaha Fullinta guddida qandaraasyada qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe oo dhamaantoodba ku soo dhaweeyay Xubnaha Guddidan xarunta Gobolka Sool. Dhanka Kale Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wassaaradda Biyaha Somaliland oo Socdaal ku wajahan Xaalada abaaraha iyo Biyo la’aanta ka Jirta Gobolka Sool ayaa saaka u baxay koonfurta gobolka Sool gaar ahaan deegaanada Kala baydh,Dhumay,Daba taag iyo degmada dharkayn geeyo ee gobolka Sool. Source
  2. (SLT-Boorama)-Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay warbaahinta u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Source
  3. Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay mooshin la daba taagin yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in xildhibaanada Hiiraan ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle inaysan ka shaqeyn danaha shacabka gobolka Hiiraan, balse taasi badalkeeda ay ka shaqeeyaan inay mooshin ka keenaan hogaanka maamulka Hirshabeelle. Arinta mooshinka ayuu sheegay inay ku saleeyaan in loo magacaabo xildhibaanada guddoomiyaha ay la doonayaan inuu hogaanka u qabto gobolka Hiiraan. “Ma ahan dhibaatada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka ee waa Xildhibaanada oo mooshin la daba taagan, waxaa ay leeyihiin guddoomiye hebel bedel ama idinka ayaan mooshin idinka keeneynaa”ayuu yiri Dabageed. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada kaliya ay ku kooban tahay shacabka Hiiraan, maadaama sida uu sheegay shacabka Shabeelaha Dhexe inaysan la qaban dhibaatada. “Dhibaatadaas Reer Hiiraan kaliya ayay gaar u tahay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabey ayaa weli jooga ayuu yiri guddoomiye Dabageed”.ayuu hadalkiisa ku daray Dabageed. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xildhibaanada ugu badan ka dhigay golaha wasiirada, waxaana meesha ka baxay isla xisaabtanka maamulka. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  4. (SLT-London)-Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt in Isbedel lagu sameeyo Sharciga, si Diplomaasiyiinta tacadiyada u geysta Shaqaalaha loo masaafurin lahaa. Maxamuud Axmed oo xilligan Hawlgab ah ayaa waxa uu Tacad iyo Cunsuriyad kala kulmay U-qeybsanaha Caafimaadka ee Safaaradda Dwoaldda Qatar ku leedahay caasimadda dalka UK ee London. Dhibanahaasi oo Sarkaal Ammaanka ka ahaa Safaaradda Qatar ayaa waxa uu tacadi kala kulmay U-qeybsanaha Arrimaha Caafimaadka ee Safaaradaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansari, kaasi oo Muwaadinka Somali-Biritishka ugu yeeri jirey Erayo cunsuriyad xambaarsan, sida Addoonka Madow, Dameer iyo Eey, iyo inuu dhaawaacay Dhibanahaasi sannadkii 2013-kii. Bishii hore Maxkamadda Shaqaalaha ee magaalladda London waxay heshay inuu Diplomaasiga u dhashay ku xad-gudbay Dhibanaha Hawlgabka ah ee Maxamuud Axmed iyo in dhibaatadii loo geystay laga bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 8,000 oo Giniga Ingiriiska ee Pound. Dhinaca kale, Xildhibaanka Deegaanka uu deggana yahay Dhibanaha u matala Barlamaanka dalkaasi, Greg Hands waxa uu ka codsaday Dowladda Britain inay garwaaqsadaan in Diplomaasiyiinta lagala laabto Xasaanadda Diplomaasiyadeed haddii ay ku xad-gudbaan shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradaha. Xildhibaankaasi waxa uu qoraal u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt inuu mar kale dib u eego Xukunkii Maxkmaadda sare iyo haddii Talalabo Sharci lagu ciqaabi doono Diplomaasiyiinta Safaaradaha ee Shaqaalahooda kula kaca Tacadiyaddaas oo kale. Dhibane Hawlgab Maxamuud Axmed horey uma awoodin in Kiiskiisa la dhegeysto ilaa sannadkan 2019-ka, sababo la xiriira Safaaradda Qatar oo iyagu sheegtay Xasaanadda Diplomaasiyadeed ee lidka ku ah cabashadda uu ka gudbiyey Dhibanahaasi. Source
  5. (SLT-Ankara)-Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa weeraray dad caraysan xilli uu ku sugnaa aas caasimada Ankara loogu sameynayay askari laga dilay milateriga dalkaasi. Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya ninkaasi oo lagu xoonsan yahay iyadoo qaar kamid ah dadka caraysan ay isku dayayaan inay feer la dhacaan. Ciidamada ammaanka ayaa Mr Kılıçdaroğlu ka waday meesha, waxaana uu galay guri meesha ka ag dhawaa ilaa inta ay ka dareerayeen dadka caraysan. Mr Kılıçdaroğlu ayaa ka qeybgalay aaska si uu uga tacsiyeeyo askariga Turkiga looga dilay dagaal ay milateriga dalkaasi kula galeen xooggaga Kurdiyiinta ee PKK meel u dhaw soohdinta Ciraaq. Qaar kamid ah dadka ka qeybgalayay aaska ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in hogaamiyaha mucaaradka uu goobta joogo, waxaana arinta ay markii dambe isu bedeshay gacan ka hadal sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Turkiga, Anadolu. Xisbiga CHP ayaa qiray in Mr Kılıçdaroğlu la weeraray, balse ma aanu sheegin inuu dhaawac soo gaaray iyo in kale. Waxa uu intaa ku daray in tallaabo sharci laga qaadi doono “dembiilayaasha falka geystay”. Xisbiga talada haya ee AKP iyo siyaasiyiinta wadaniyadu ku dheertahay ayaa ku dhaliiyay Mr Kılıçdaroğlu inuu wada shaqeyn la leeyahay xisbiga Kurdiyiinta u janjeera ee HDP. Xisbigaasi ayaa beeniya inuu xidhiidh kala dhexeeyo xooggaga la dagaallamaya Turkiga. Xiisad ayaa ka taagneyd Turkiga tan iyo markii uu xisbiga mucaaradka ah ee CHP ku guulaysatay kuraasta maayarada Ankara iyo Istanbul, taasoo guuldarro weyn ku noqotay xisbiga AKP ee uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan. Xisbiga AKP ayaa dood ka keenay guusha musharraxa xisbiga CHP ee maayarnimada Istanbul, Ekrem Imamoglu kaasoo codad aan sidaa u badneyn uga adkaaday musharraxii xisbiga talada haya. Dib u tirin lagu sameeyay codadkii la dhiibtay ayaa guddiga doorashada waxa uu ku go’aamiyay in Mr Imamoglu uu ku badiyay codad dhan 13,000, sidaana uu ku noqday maayarka sharciga ah. Source
  6. (SLT-Khartoum)-Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Suudaan ayaa sheegay inay xidhiidhka u jareen guddiga milatariga ee beddelay hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Cumar al-Bashir. Waxay ku eedeeyeen inay yihiin hadhaadiga xukuumaddii al-Bashir. Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa kulan isugu yimid bannaanka xarunta ciidammada ee magaalada Kahrtuum, si ay ugu dhawaaqaan guddi rayid ah iyagoo doonaya in xilka lagu wareejiyo. Millatariga ayaa sheegay inay ka go`antahay inay xilka wareejiyaan isla markaana ay ka fekeri doonaan guddi isugu jira milatari iyo rayid. Si kastaba, afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Mohamed al-Amin ayaa sheegay inay haatan guddiga milatariga u arkaan mid lagu sii dheereynayo muddada taliskii hore isla markaana ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dibadbaxyada. Maxay madaxda dibadbaxayaashu qorsheynayaan? Ololaha meesha looga saaray Mr Bashir ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xirfadleyda Suudaan ee SPA. Xubin sare oo SPA ka tirsan laguna magacaabo Ahmed al-Rabia ayaa hore u sheegay in laga yaabo inay dib u dhigaay magacaabidda guddiga balse wuxuu maanta xaqiijiyay in ku dhawaaqitaanka laga sameynayo halka ay dibadbaxyadu ka dhacayaan. Dibadbaxayaasha ayaa doonaya in guddigu uu dhiso dowlad ku meel gaar ah, oo xilka sii haysa ilaa ay doorasho ka dhacayso. Muxuu millatarigu sameyn doonaa? Waxay maanta sheegeen inay muddo toddobaad ah kaga jawaabi doonaan baaqa ah in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, iyagoo xusay in laga yaabo inay door bidaan xukuumad isku dhaf ah. Sidey arrinta ku bilaabatay? Bishii December 2018, dowladda ayaa isku dayday inay wax ka qabato xaaladda dhaqaale ee dalkaas oo sii xumaaneysay iyadoo soo rogtay talaabooyin adag. Dhimis ay dowladdu ku sameysay lacagihii ku bixi jiray rootiga iyo shidaalka ayaa sababay mudaaharaadyo bariga dalkaasi ka bilowday oo looga cabanayo maciishadda, balse dibadbaxyada ayaa ku sii fiday magaalada Khartuum. Dibadbaxyada ayaa si degdeg ah isugu beddelay dalabaad ku aaddan in meesha laga saaro Cumar al-Bashiir, oo muddo 30 sano ku dhowaad xukumayay Suudaan. Milatariga Suudaan ayaa Mr Bashir xilka ka qaaday 11-kii April, balse dibadbaxayaasha ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada ilaa laga dhiso dowlad rayid ah. Source
  7. (SLT-Iran)-Hoggaamiyaha Sare ee dalkaasi, Aayatullaahi Cali Khamanii ayaa waxa uu Jeneral Xueen Salami u magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan, kaasi oo bedeli doona Taliyihii hore, Jeneral Maxamed Cali Jacfari o oxilkaasi hayey tan iyo bishi iSeptember ee sannadkii 2007-dii. Taliyaha Cuusb oo 59-jir ah waxa u ubishii Janaayo sheegeen inay Israel ka tirtiri doonaan Maabka Siyaasadeed ee Caalamka. Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump sheegay bishan 8-dii inuu Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan u aqoonsaday Urur Argagixiso, halka ay Dowladda Iiraan sheegtay inay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka iyo dowladda Mraaykanka u aqoonsanayaan inay maalgeliyaan Kooxaha Argagixisadda ee Caalamka. Source
  8. (SLT-Ukraine)-Majaajilesyta caan ka ah dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada ee ka dhacday dalkaasi. Codadka doorashada wareegga labaad ee la tiriyey dadka codkooda dhiibtay 75% waxay codkooda siiyeen Mr Volodymyr Zelensky. Wareegga koobaad ee doorashada waxaa cod bixinta doorashada madaxweynanimada ku hoggaaminayey Mr Volodymyr isaga oo hoggaanka u hayey 39 musharrax. Mr Zelensky wuxuu loollan adag uu la galay madaxweynaha hadda haya xilka dalka Ukraine Petro Poroshenko. Madaxweynaha Ukraine wuxuu awood u leeyahay iney hoos yimaaddaan ammaanka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda wixi la xidhiidha. Mr Zelensky wuxuu taageerayaashiisa uu u sheegay ‘inuusan weligii illaawi doonin’. Mr Zelensky wuxuu xilka madaxweynanimada marka loo dhaariyo uu hayn doonaa muddo shan sana ah. Mr Poroshenko oo 2014-tii xilka madaxtinimada loo doortay wuxuu cod bixinta doorashada ee wareegga labaad oo kama dambeysta ahaa uu ka helay 25% oo keli ah. Mr Petro oo ah nin maalqabeen ah waxaa xilka loo doortay marki ay meesha ka baxday dowladdii gacan saarka la lahayd Ruushka. Mr Zelensky oo 41 jir ah oo siyaasadda khibrad badan u lahayn ayaa si lama filaan ah ku noqday madaxweynaha dalka Ukraine. Isaga oo aan lahayn khibrad siyaasadeed haddana xilligi uu ku jiray ololahiisa doorashada wuxuu musharrxiinta kale uu kaga duwanaa barnaamijyada siyaasadeed oo uu soo bandhigayey. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dib u helay lacago badan oo ka maqnaa, kadib muddo sanad ku dhow. Kenya ayaa cabashooyin badan u gudbisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kadib markii ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya muddo sanad ah aysan helin mushaaraadkooda. Ku dhawaad 3.7 milyan oo Shilinka Kenya ah ayay heleen ciidamada dowladda Kenya, lacagtaasi oo ka maqneyd tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyay madaxda dowladda Kenya. Lacagta hadda lagu wareejiyay Kenya ayaa la sheegay inay aheyd lacagta ka maqneyd ciidamada 7 Bilood, sida saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ay sheegeen. Kenya ayaa marar badan walaac ka muujisay dhaqaalaha ka maqnaa ciidamadooda iyo dhaqaalo xumada ciidamada Kenya ku heysta dalka Soomaaliya, waxaana ay cabashadooda u gudbiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Midowga Europe ayaa bixiya Lacagata ugu badan ee uu ku shaqeeyo Howlgalka AMISOM, QM ayaa sidoo kale qayb mug leh ka bixisa qaaraanka AMISOM ay uga howlgasho Soomaaliya. Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya oo dalka muddo ka badan 10 sano ayaa hela dhaqaale ka badan mida ku baxa Ciidanka Soomaaliya. Qubaradda Amniguna waxay dhiiri galiyaan in Ciidanka Soomaaliya lagu bixiyo Qarashka Howlgalka si ay awood ugu yeeshaan in ay dalka amnigiisa gacanta ku dhigaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  10. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen xaafadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ciidanku howlgalkaan ku qabteen Boqolaal dhallinyaro ah, kuwaasi oo la isugu geeyey ugu dambeyn xarunta degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa dhallinyarada ay soo qabteen u sheegay oo kaliya in amniga la sugayo, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah ay ciidanka u wateen. Saacado badan ayeey ciidamada dhallinyaradan haysteen, taasi oo cabasho ay ka keeneen dhallinyarada qaarkood. Ciidanka dowladda ayaa mararka qaar howlgallo Boqolaal qof lagu qabto ka sameeya degmooyinka magaalada Muqdisho, xilli ammaanka magaaladana uu yahay mid aan la isku haley karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, iyadoona la soo warinayo in uu ka bad baaday qofkii watay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka agdhawaan meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  12. (SLT-Srilanka)-In kabadan 207 qof ayaa maanta oo Axad ah ku dhintay qaraxyo lala eegtay kaniisaddo iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka. Qaraxyadan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 400 oo qof. Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa wakaaladdaha wararka u sheegay in laba ka mida qaraxyada ay fuliyeen dad isa soo miidaamiyay. Saraakiisha ayaa sheegaya in mid ka mid ah kaniisadaha la qarxiyay oo lagu magacaabo Saint Anthony iyo saddexda hotel ee la qarxiyay ay ku yaaleen Colombo oo ah caasimadda Srilanka. Kaniisadaha kale ayaa yaalla magaalada Negombo, oo ka baxsan Colombo, iyo magaalada Zion ee ku taala Batticaloa. Ma jirto cidda ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weeraradan. Source
  13. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay si gaar ah Ciidamadu uga fuliyeen xaafadaha Taleex, Xaajo Baasto iyo Siigaale ee degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga oo ka hadlay howlgalladan ayaa sheegay in jeedkoodu uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Muqdisho. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay ammaanka demooyinka gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ka dhaca Caasimadda. View the full article
  14. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-shabaab ay hub badan ku qabsadeen. Gaashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi oo ah abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa tilmaamay in Al-shabaab oo habeen kahor weerar kusoo qaaday degmada Garbahaarey ay dabagaleen, islamarkaana khasaare ay soo gaarsiiyeen. Wuxuu sheegay abaanduulaha in ciidanka xoogga dalka ay dileen xubno Al-shabaab ah, sidoo kalena ka qabsadeen hub badan. “Markii ay weerarka nagu soo qaadeen waxaan ka dilnay rag badan, waxaan sidoo kale ka qabsannay hub ay dadka ku gumaadayeen” ayuu yiri Abaanduule Cismaan. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin wax ka jira in hub looga qabsaday gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Baladweyne (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle ee ka soo jeeda gobolkaasi ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan maamulkiisa. Dabageed ayaa ku nuux nuuxsaday in Xildhibaadaasi mar walba ay cadaadis ku saaraan Madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, sidii loo kala diri lahaa xubnaha gobolkaasi. Hadalkan ayuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka jeediyay munaasabad shalay lagu soo dhaweynayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Canab Axmed Ciise oo booqasho ku tagtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. View the full article
  16. Qaar ka mid ah gaadiidleyda ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa cabasho waxa ay ka yihiin lacag canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay. Waxay sheegeen in dowladda hoose ee Garoowe kusoo rogtay gaadiidka iska-rogaha ah lacag dhan $2 maalintii, taasi oo ay sheegeen in culeys weyn ay ku tahay. Qaarkood darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan shaqeyn doonin inta wax laga bedalayo go’aankaasi. “Annaga culeys ayeey nagu tahay, mana shaqeyn doonno inta wax laga bedalayo, $2 ma bixin karno, waayo waxaa ka badan lacagaha kale ee ay dowladda naga qaaddo” Dowladda hoose ee Garoowe weli wax jawaab ah kama aanay bixin cabashadan kasoo yeereysa gaadiidleydan. Gooboog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (SMN) – Waxaa dib loo helay Ilmo yar oo Jimcihii la soo dhaafay laga xaday Isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho. Baaritaano qaatay muddo labo cisho ah ayey ku suuragashay in la helo cunugaasi oo la sheegay lagu hayay degmada Hodan ee G/Banaadir. Cabduqaadir Ibraahim Cali oo ah adeerka Wiilkaasi yar ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen. Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Ibraahim Tuulax ayaa ka hadlay dhacdadaasi. Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in illaa 4 Qof oo ay ku jirto Haweeneydii soo xaday cunugaasi loo soo xiray kiiskan. Halkan hoose ka dhageyso Codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/ilamaha-la-xaday-.mp3 View the full article
  18. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qarashaad ku bixineyso sidii ay ku dumin lahayd dowlad goboleedyada. Caalim ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanay marmarsiyo u noqoneyn in dhaqaalo xumi darteed aysan ula dagaallami karin Al-shabaab. Lacagaha lagu bixinayo in lagu dumiyo dowlad goboleedyada ayuu sheegay in dowladda ay kula dagaallami karto Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-220419.mp3 View the full article
  20. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle ay ka wada maqan yihiin magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle. Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ka maqan magaalada Jowhar, waana markii ugu horeysay oo dhamaantood laga waayo magaalada, iyadoo la filayay in baarlamaanka kulamo ku yeeshaan magaalada Jowhar. Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana xubnaha baarlamaanka iyo guddoonkooda ay ku wada sugan yihiin inta badan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo inta badan leh awooda Hirshabeelle ayaa golaha wasiirada ka wada dhigay xildhibaano si aan loola xisaabtamin. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa arintaasi ku eedeeyay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle, maadaama waxba ka qaban baaqashada kulamada baarlamaanka. Xildhibaan Ismaaciil Cirfiid ayaa shaaciyay in xeer Hoosaadka baarlamaanka Hirhabeelle uusan ogolaaneyn in dhamaan xubnaha guddoonka ay ka maqnaadaan caasimada maamulka, balse taasi ay hadda dhacday. “Kulanka Golaha Baarlamanka Hirshabelle Baqashadiisa waxaa sabab u ah Xukumada. 3Gudoon ee Baarlamankana Waa ay kamaqanyihiin Caasimada. Xeer Hoosaadka Baarlamanka Maqorayo in Gudoonka Baarlamanka Ay ka maqnaadaan Caasimada. “Qofkaste Sharciga ayaa ka Weyn Masuul kastena Gambarkiisa ayaa lagu fadhisindoona”ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil Cirfiid. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ka maqnaadaan magaalada Jowhar, iyadoo kulamada caadiga ah socdaan. Ma jiro wax horumar ah oo madaxda talada haysa ay gaarsiiyeen deegaanada maamulka, waxaana Al Shabaab ay joojiyeen mashaariic ka socotay magaalada Jowhar, iyadoo taasi ka dhigan inaysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo madaxda maamulkaasi ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamuud Macalim Koronto oo ahaa Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaday madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiin caan ah oo taageera hogaanka Villa Somalia. General Koronto ayaa Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ku tilmaamay rag aan lahayn taariikh wanaagsan ayna u hadli karin dadka ku nool magaalada Muqdisho. Sidoo kale qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay in ay Fekarka Xagjirnimada ah ay ku shubeen dhalinyarada u dagaalanta Al-shabaab maantana ay la safanyihiin Dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan cidna u wadin dacwo sax ah sida uu hadalka u dhigay. Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya maxaa ka dhaxeeya Dowladda iyo General Koronto ? Maxamuud Macalim Koronto waxaa uu Ciidanka Soomaaliya katirsanaa waqti aad u fow waxayna dowladii dhexe ay bur burtay isagoo ah Gaashaanle Sare ah waxa uuna kadib kamid noqday u qaxday dalka Maraykanka. Muddo dheer kadib ayuu dalka ku soo laabtay Koronto waxa uuna qabtay xilal kala duwan oo dhanka Ciidanka ah. Markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Taliyaha qaybta 27aad ee Xoogga dalka waxaana xilkaas laga qaaday muddo bilooyin ah iyadoo ay dhalisay dood badan. Koronto waxaa khilaaf adag kala dhaxeeyay maamulka HirShabelle, taas oo sababtay in dhowr ay jeer ay murmeen waxaana markii dambe khilaafkooda gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda u qoray Warqad ka timid HirShabeelle oo muujineysa in aysan la shaqayn karin Gen Koronto, waxa uuna cadeeyay codsigooda ah in laga badalo Koronto iyadoo ay aqbashay Dowladda Soomaaliya waxaana lagu badalay Generaal Tareedisho. Koronto ayaa markaas kadib isku beddelay mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda dowladda. General Koronto oo heesta Baasaboor Ameerikaan ah ayaa sidaan oo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu talada dalka haayay taas oo markii dambe sababtay in lagu heshiisiiyo Madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Saraakiil caafimaaad oo ku sugan magaalada Khartoum ee waddanka Sudan, ayaa laga soo xigtay in madaxweynihii la casilay ee dalkaasi, Omar Hassan al-Bashir lagu arkay astaamo u eg cudurka Faalliga ee xanniba xididada dhiiga qaada ee maskaxda. Mid kamid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya xaaladdiisa oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u sheegay in uu al-Bashir ku arkay astaamo muujinaya in ay xirmeen qaar kamid ah xididada maskaxda ee dhiigga qaada, balse weli ay baaritaan ku hayaan xaaladdiisa caafimaad. Sidoo kale, dhaqtarka ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee al-Bashir ka sii darayso, kadib markii uu cuntada diiday, nafaqada jirkiisana ay aad hoos ugu dhacday, isagoo xusay in xataa uusan daawooyina si toos ah u qaadan Karin wakhti xaadirkan. Omar al-Bashir ayaa haatan ku xiran xabsiga si weyn loo ilaaliyo ee loo yaqaan Kobar, kadib markii laga soo wareejiyay guriga martida ee magaalada Khartoum oo uu hore ugu xirnaa, waxaana laga qaaday taleefonkiisa gacanta ee khaaska ah. Mudane al-Bashir ayaa militarigu xilka ka qaadeen 11 bishan April kadib mudda ku dhow 4 bilood oo dalkaasi ay ka socdeen dibad-baxyo xiriira oo lagu dalbanayey in uu xilka ka dego. PUNTLAND POST The post Al-Bashir oo cuntada ka soomay iyo caafimaadkiisa oo laga deyrinayo appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wali Jahwareer iyo faham waa ayaa ka taagan Tubaha Qaranka oo ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Afarta Tub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hey’adaha Dowladda ka abuurtay is bar bar yaac, doodo iyo sidoo kale in aysan xubno badan wali fahmin arintaan ayna dhaqaaqi la’dahay muddo dhowr bilood ah. Mid kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha ku midaysan Tubta amniga iyo Cadaaladda ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu Khamiistii canaan kala dul dhacay Wasiiro iyo Agaasimiyaal kuwaas oo kulan la qaatay Raysal Wasaaraha. Xubnaha uu Raysal Wasaaraha ku xanaaqay ayaa la sheegay in ay fulin waayeen qodobo quseeyo amniga, qaarkood waxay ka cabanayeen is hortaag lagu sameeyay, qaarna waxaysan fahamsaneen shaqada loo diray sida uu noo sheegay Sarkaal aan la hadalnay. “Waxaan ka xumahay in aan maalin walba idin sharaxo, idin fahamsiiyo shaqada aan ka rabo Tubtaan misane aadnan ku guulaysan in aad keentaan” ayuu ku yiri Raysal Wasaare Kheyrre xubnihii uu la kulmay sida uu noo sheegay Agaasime katirsan dadkaasi. “Aniga halkaan uma imaanin inaa cashir bixiyo, kaligiinna maahan ee tubaha dhanba waxaa ii muuqata in aanan la fahmin, war sidee idinla dhaqmaaa” ayuu yiri Kheyrre oo la hadlay Wasiiro iyo xubno kale. Xaqiiqda jirta ayaa in aysan socon shaqo marka laga reebo kulamo aan dhamaanin iyo isbar bar yaac joogto ah sida ay noo xaqiijiyeen Xubno badan. Wasiiro badan iyo Agaasimiyaal ayaa is weydiiya Su’aashaan (Tubaha Kheyrre ma fahamtay) waxa uuna mid kasta kuu sheegayaa in aysan aheyn wax soconaya qorshahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com