-
Content Count
215,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in si wayn hoos loo dhigay awoodda taliyaasha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Saldhigyada degmada gobalka Banaadir kuwaas oo magacaaban dhowr bilood. Caasimada Online ayaa la hadashay ugu yaraan 7 kamid ah taliyaashaan, waxa uuna mid kasta u cadeeyay in uusan lahayn awood uu wax ku maamulo sidii markii hore aheyd oo ay ku maamuli jireen amaanka degmooyinkooda, sidoo kalane ay ku amri jireen Ciidamada ka howlgala degmada. Waxaa laga joojiyay dhamaan kormeerka baraha kontaroolka ee degmooyinkaas ku yaala, waxaa kaloo laga joojiyay in ay soo dayaan ama ay damiintaan dadka ay yaqanaan ee mara baraha kontaroolka ay degmooyinka ay maamulaan kuwaas oo ay markii hore sameyn jirayn. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay in aysan maamulin islamarkaana aysan amar siin karin Ciidamada ku sugan baraha kontaroolka ee degmooyinka. Taiyaashaan ayaa maamula oo kaliya Ciidamada ku sugan xarumaha degmooyinka iyo Saldhiga Booliiska ee degmada halkii markii ay maamuli jireen dhamaan degmada gudaheeda Ciidamada ku sugan. Ciidamada Booliiska ee ku sugan baraha Kontaroolka ayaa waxay ka amar qaataan taliyaasha rugahaas oo go’aan ka gaara xaalad kasta, islamarkaana waxay amraan dhowr iyo tobanka Askari wixii ka dheeraad ahna waxay la aadaan oo ay si toos ah ula macaamilaan Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kale ee qaybaha. Lama oga wixii sababay arintaan mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen taliyaasha aan la hadalnay balse dhalinyaraan ayaa dhowaan loo magacaabay xilalka ay haayeen waxayna intooda badan ahaayeen taliyaashii Ciidamada NISA ee degmooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (CNN)The Trump administration has declared an emergency to bypass Congress and expedite billions of dollars in arms sales to various countries -- including Saudi Arabia and the United Arab Emirates -- citing the need to deter what it called "the malign influence" of Iran throughout the Middle East. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Faderalka ah ee Soomaliya kadib eryidii madaxii Xafiiska UNSOM Haysom. Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenkii Nichalas Haysom ayaa sheegay in howlgalka uu hadda ku howllanyahay dib u amba qaadidda howlahiisa Soomaaliya kaddib markii ay kulan yeesheen isaga iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Raisedon Zenenga, oo ka hadlayay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiriirka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey uu hadda ka roonyahay sidii uu ahaa billowgii sanadkan. Waxaa kale oo uu sheegay in booqashadii Rosemary DiCarlo oo ah madaxa siyaasadda ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay booqashada ku timid Muqdisho wax ka badan ka beddeshay xiriirkii labada dhinac. Raisedon Zenenga,waxaa uu xusay in caqabado badan ay wali jidka yaallaan, kuwaas oo lagu kala ogaanayo halka uu xaalku noqdo. Waxa kale oo uu intaas ku daray in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu ballanqaaday in uu si wanaagsan ula shaqeynayo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacowday Soomaaliya. Mr Zenenga, ayaa si rasmi ah u sheegay in hadda shaqada xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu dib u shaqo billaabay. Madaxii Xafiiska UNSOM, Dowladda Soomaaliya ayaa cayrisay 1-dii Bishii January ee Sanadkaan kadib markii ay ku eedeysay in uu faro-geliyay arrimaha gudaha. Sida ay Dowladdu ku sheegtay warqadii ay ku cayrisay Haysom, waxaa uu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka kadib markii uu soo saaray Warqad uu su’aalo Dowladda uga weydiiyay xarigii Mukhtaar Rooboow iyo shaqaaqadii ka dhalatay Dorashadii Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgalada Batroolka lagu baarayo ama lagu soo saarayo Batroolka Dalka uu leeyahay faa’iido iyo khasaare is barbar socda. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay ka dadaashay sidii ay ugu gaashaaman lahayd caqabadaha ka dhalan kara inta lagu guda jiro soo saarista Batroolka. Dhanka wada qaybsiga ama ka faaiideysiga Soomaalida Batroolka ayuu sheegay in ay ka fikireen, wax walibana ay wada xaajood geliyeen kahor inta aan Golaha Shacabka loo gudbin. Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegay in ay raaceen qodobka 44-aad Dastuurka Dalka oo faraya in aan howsha la guda gelin illaa inta wada xaajood lagu dhameynayo wax waliba oo ashtako ah. Dalalka deriska la ah ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiideysteen soo saarka Kheyraatka Shidaalka, si ay ugu faaiideystaan bulshada kunool Dalalkaasi. Soomaaliya waxa uu tilmaamay in baaris dhowr jeer la kala sameeyay lagu ogaaday inta uu gaarsiisan yahay Batroolka, sahanka baarista ayuu sheegay in uu soo bilawday Konton-meeyadii. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dhulka Soomaalida uu baaran yahay, dhanka badda ayuu sheegay in la baaray xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Nabadgalyada Badda Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay, isla markaana aan jirin khataro baajin kara soo saarka Batroolka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Dowlad Goboleedyada hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid sharciga Batroolka oo todobaadkaan ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland waa u fursad weyn, waxana la yidhaahdaa cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa, in kasta oo aanan anigu Soomaaliya cadow u aqoon, aan se u aqaan waddan aannu walaalo nahay, lkn se is diiddooyin iyo khilaafyo laga gun-gaaandhi karaa na dhex yaallin. 28 sannadood oo ay Somaliland gaar u taagnayd oo ay aqoonsi doon ahayd uma ay muujin Kenyi il naxariiseed iyo wax yuhuun ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed ku saabsan wixii ka horreeyey intii uu soo baxay damaca Kenya ee xeebaha Soomaaliya. Waa ay iska caddahay waxa uu daarran yahay beerlaxawsiga Kenya ee Somaliland oo waa baqe-ku-maal (black mailing) ama suxul maroojin ku aaddan Soomaaliya si ay u ruxruxdo, uguna cagajugleyso. Hase yeeshee arrintu intaas waa ay ka gundheer tahay marka la eego jiritaanka qaab-dhismo-siyaasadeed ee gobolka. Labada waddan ee Kenya iyo Itoobiya waxa ku maqan dhulal dad Soomaali ahi ay deggan yihiin oo hadda labadaas waddan ka mid ah. Haddii Kenyo isku daydo dal-balaadhsi ama in ay xoog ku qaadato mitir xeebaha Soomaaliya ka ah waxa dhici kacdoon Soomaalida inteeda kale ku taageeri doonaan Muqdisho. Dhinaca kale, Kenya waa ay ku adkaan doontaa in ay Somaliland si sahlan aqoonsi rasmi ah u siiso. Waayo? 1. Waxa ay Kenya og tahay in Soomaalida maamulkeeda hoos tagtaa hanqalka la soo kici oo ay dalban aayo-ka-tashi iyo madaxbannaani. 2. In intaas oo kale iyo ka badanna ay la oogsan doonaan Soomaalida Itoobiya oo bilaabi dhaqdhaqaaq xooggan oo aayo-ka-tashi ah. 3. Mawqifka AU oo arrintaas ay adag tahay in ay aqbalaan, gaar ahaanna Itoobiya oo ah waddan saamayn weyn oo siyaasadeed, milateri iyo dhaqaaleba gobolka iyo AU ku leh, arrintuna aad khusayso, una horseedi karto kala daadasho dalkeeda ku timaadda iyo Kenya oo aan lahayn awood ay ku caabbiyi mawqifyada Itoobiya iyo AU, eegaysana degganaanta siyaasadeed ee waddankeeda. Anigu waxa aan u arkaa in Somaliland wixii fursad ah ay ka faa’iidaysan karto, hase yeeshee haddii ay aqoonsi qudha uun xooggeeda isugu geyso iyada oo aan la qiimayn qodobbada sare oo ah run jirta waxa lumi kara fursado kale oo aqoonsi ka fudud oo laga faa’iidaysan karo. “Si hadday u noqon weydo Si kalaa u waaceen ah”! W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la abaalmarinayo askartii ka qaybgashay howlgalkaas looga hortagay nin isku qarxin rabay Magaalada Guriceel. Wasiirka ayaa sheegay in madaxda sare ee Galmudug ay go’aansadeen in la dhiira-geliyo askartaas, maadaama Naftooda ay u hureen in ay qabtaan nin Walxaha qaraxa ku xirnaa sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada Ammaanka Galmudug ayuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada lagu raadinayo dadka lagu tuhmayo kiiskaan in ay wax ka ogaayeen. Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay kordhiyeen howlgalada iyaga oo kaashanaya shacabka. Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab Magaalada Guriceel ay hadda kahor isku dayeen in ay mar galaan, balse dhib lagu gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada ammaanka Galmudug, tan iyo shalay waxa ay wadeen howlgalo lagu sugayo ammaanka Magaalada Guriceel, kadib markii nin Walxaha qarxa ku xirnaa oo galay Xarun ay ku sugnayeen Hogaanka sare ee Ahlu Sunna, waxaana ay ka qaybgalayeen askar kaga dhimatay dagaal sanado kahor Al-Shabaab ay kula galeen Guriceel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa maanta ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaday deegano ka tirsan gobolka Sanaag. Bulaale ayaa sheegay in dagaalkan dib uga dhex qarxay Somaliland iyo Puntland, ay ka dambeysay Puntland, taasi oo uu sheegay inay daan-daansi ku hayso xaduudaha Somaliland. Xildhibaan Bulaale oo ka hadlaya arrintaasi, ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay wado fidno ay Somaliland waxba kaga qaadi kareyn, kaasi oo ugu baaqay inay joojiyo, wuxuuna yiri “Somaliland haddii aanu nahay mar walba waxaanu jecel nahay nabada, iyo in aanu cid kasta nabada kula noolano,xad gudbkaas ay Puntland ku soo xad gudubtay xadka Somaliland, wax faa’iido ah kamay dhaxlin”. “Maamul Goboleedka Puntland waxaanu leenahay xadkiina ku eekada, oo xad-gudubka aad ku soo xad gudubteen xuduuda Somaliland joojiya, Shacabka degan Badhan, Shacabka degan Dhahar, Shacabka degan Laascanood, iyo guud ahaan Shacabka degan Deeganada kala duwan ee Somaliland, waa dad asal ahaan Somaliland ah, wax walbana qaranimada ayaa ka weyn”. Wuxuuna intaas kusii daray “Fidnada ay Puntland wado waxaanu leenahay waxba ku qaadi maysaan ee joojiya, waxaana idin dhaqan noqday in bil kasta oo Ramadana aad fidno abuurtaan, ee fidnadaas iyo coladaas joojiya, oo xadkiina ku eekada, Ciidamada Qarankana waxaan ku hambalyeynayaa siday mar walba heegaanka u yihiin ee qarankooga uga difaacayaan cid kasta oo ku soo xad gudubta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Sida umada reer Somaliland iyo Somalida kalaba ay ogyihiin Faysal Cali Waraabe wa nin aan qaranin maalinba ninka uu danihiisa gaarka ah ka waayo, Tusaale ahaan maalinta uu Farmaajo Telka ka qaban waayo, belo ayaa dhacda oo waa maalinta uu Somalida Koonfureed cagta mariyo . !!!. Hadaba waxaa beri aan sii fogeyn la ogaa iyadoo ay fiintu dhex miranayso Faysalka UCID iyo labada Askari ee Somaliland ka taliya ka dib markii uu Muuse Biixi Madaxtooyada ka soo xidhay Faysal Cali Waraabe oo aan jeclaynay in uu ka fogaado Aqalka Morgen dhisay oo Somaliland looga taliyo. “Dagaalkii Sokeeye waxaa riday Ina Muuse Biixi iyo Ina Kaahin”. “Taladii dalka wuu ku fashilmay hadii uu sidaa ku sii wadana waxaanu Insha Allah Tacaala qaban doona Shirbeeleed Qaran”. “Dalka ku eegimayno Muuse Biixi oo anagaa ka ilaalinayna in uu Somaliland dumiyo” Alla Alla waa kii Faysal cartamay Heego ay nacadashay, ee dadkuna ay hoosta iska wada gujiyeen!!!. “Armay run ka tahay” Arintaasi may sii waarin ee waa kuwan imika Faysal iyo labada Askari isku dhufayska ah ee ilaa xad kalgacalkoodu uu gaadhay in ay yidhaahdaan “Waxaanu dalka ka qabanaynaa doorasho labadayada Xisbi oo keliyi galaan oo aanu Xisbiga Wadani ku jirin” Hadaba suaashu waxay tahay maxaa labada Askari ku kelifay in ay Faysal u fuliyaan muraadkiisii ahaa inuu si dadban uga mid ahaado Golaha fulinta ee Dawlada Muuse Biixi, sida Wasiir Arima Dibadeed aan magacownayn, Afhayeen aan sharci aheyn, Wasiir Warfaafineed unlegal ah?. Jawaabta oo koobani waxa weeye Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo labada Askari ku soo karbaashay Siyaasadii Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland. Markaa waxa Khasab moqotay in labada Askari ay isu dhiibaan Faysal Cali Waraabe maadama aanay waxba ka aqoonin Siyaasada caalamka iyo luqadaha lagula hadlo Diblimaasiyiinta aduunka . Wakaa!! halkaas ayuu Faysal labadii Askari ugu noqday Cabdi Turjumaankii SNM.ta iyo Xabashida u kala turjumi jiray berigii Dugsigii Tababarka ee Awaare uu furay CabdilQaadir Koosaar rabi Janada fardawsa ha ka waraabiyee. Imika Faysal waa Faysal Turjumaan intii imika ay Nairobi joogeena wuxuu Ina Kaahin ku sameeyay indha sarcaad isagoo kolba Gaalad ama Gaal cadaana baraayay oo lahaa “Tani waa Heblaayo oo waa Inkaar looga dambeeyo arimaha EU da” ” Kani waa Hebal oo wuxuu belaayo ku qaba arimaha Bariga dhexe iyo kuwa Geeska Africa”. Kani, Tani, kuwani. Ina Kaahin, Ina Cabdi Dheere iyo Sheikh Samalana waxay filma ku matalayeen sidii aan ahaa berigii aan Norway imid . Dhoorayaal V. Heegana waa Wadani dhaba ayay isla soo tubeen. Lakiin belaayo waxay joogta Maalinta ay Faysal ka soo xidhaan guriga!!!!!!! Alla Mahad leh Osman Omar Dool Oslo Norway Qaran News
-
Somaliland: Plans To Invite Members Of Somalia Political Parties To Hargeisa The chair of Somaliland’s smallest opposition political party, UCID, Faisal Ali Warabe, declared to the media, that there are plans, to allegedly, invite senior members of the nascent political parties in Somalia to Hargeisa. Faisal Ali Warabe who is a member of a delegation from Somaliland currently visiting Kenya and consisting of UCID and Kulmiye members only, made the assertion after it was discovered that there were clandestine meetings with members of the Wadajir party in Nairobi. The Somaliland delegation led by the deputy chair of Kulmiye and Home Affairs minister, Mohamed Kahin Ahmed, met with the candidate for the presidency in Somalia, Abdishakur Warsame from the Wadajir party in Nairobi. According to the UCID chair, Fasial Ali Warabe, who has previously met with all manner of Somalia leaders, including the current “head of state”, Mohamed Abdillahi Farmajo, ” We will talk with everyone who understands and appreciates Somaliland’s cause, and we will them invite to Somaliland”. It is worth noting that all the nascent political parties in Somalia oppose the independence of Somaliland. It is not clear whether the administration of President Muse Bihi Abdi has given it’s blessing to such an undertaking or whether this is another flamboyant and ludicrous claim by Faisal Ali Warabe, who has a history of making outlandish statements. One thing is certain, no one has denied the meetings with the Wadajir officials, and the recent remark by the head of the Somalia Elections Commission that “a national elections in 2020” will include Somaliland and candidates from Somaliland adds to the mixture of intrigue and supposition. Whether these plans to invite politicians from Somalia to Hargeisa bear any fruit remains to be seen. Qarannews.com Qaran News
-
Qaran News
-
DOZENS of women wearing hijabs clamoured to take a selfie with the new Mayor of Islington, who was hailed as an “inspiration” to young women at a Muslim celebration on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
