Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen shan ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan nooca doorasho ay ka dhaceysa dalka markii uu waqtigooda dhamaado madaxda dowladda Soomaaliya. Xisbiyada UPD, Ilays, NPP, Wadajir iyo NDP ayaa waxaa ay soo jeediyeen in nooca doorasho ee la filayo inay dalka ka dhacdo ay noqoto Hal qof iyo Hal cod oo ay balan qaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg yahay 26 Bisha December ee sanadka 2020, isla markaana dowladda laga rabo inay dhameystirto oo la soo doorto xubnaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Dowlad goboleedyada oo ah Aqalka Sare. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka
  2. War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa lagu sheegay in Hay’adda iyo dowladda Federaalka soomaaliya ay isku afgarteen ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka. Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta Wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP. Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan. Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ayaa intii ay wada hadalaada Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka Deyn Cafintu socdeen waxa uu la kulmay madaxda Hey’ada IMF si uu uga dhaadhiciyo in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo waxaa kale oo uu la kulmay waddamada iyo hey’adaha kale ee Soomaaliya ku leh deymaha. Allison Holland Hoggaamiyaha kooxda Wadahadalka ee IMF ayaa madaxda dowladda waxaa ay uga mahad celisay sida ay uga go’antahay hirgalinta shuruudaha Barnaamijka deyn cafinta iyo sida xooggan ay oo ay uga dhiiran yihiin. Hay’adda lacagta aduunka ayaa markale bogaadisay kororka Dakhliga soo gala dowladda Federaalka iyo dadaalka hagaajinta maamulka maaliyadda. Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3 “ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii #SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa. Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Labadii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga gudubtay dhamaan shuruudaha Deyn cafinta ee sadaxdii waji ee SMP, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda waxaana haray shirka go’aan gaarista in Soomaaliya deymaha laga cafiyo kaa soo loo madlan yahay in la qabto bisha december ee sanadkaan 2019 ilaa bisha January ee sanadka soo aadan ee 2020 ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigay wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Ciidamada ayaa badhtanka suuqa Hargeysa ka soo xiray wiilkan dhalinyarada ah oo ka tukaameysanay meel dhar lagu gado. Deegaanada Somaliland ayaa waxa looga diyaar garoowaya xuska 18-May, taasi oo loo badinayo in Xukuumada Biixi u aragtay in wiilkan dhalinyarada ah uu kasoo hor-jeedo dowladnimada aan wali la aqoonsan ee Somaliland. Ilaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo Laamaha amaanku ay ka bixiyeen xariga wiilkan dhalinyarada ah ee lagu soo xiray calanka Soomaaliya ee uu ku labistay darteed. Si kastaba, Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga dhigto dad ku labisan calanka Soomaaliya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay uu sarre u kacay xariga Xukuumada Biixi kula kacdo dadweynaha ku nool Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Growth in Somalia’s economy is expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, but it is vulnerable to destabilizing factors including fragile security, climate change, and poverty, the International Monetary Fund said on Tuesday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al Qaeda-linked militant group al Shabaab. “Somalia’s economy continues to recover, supported by vigorous activity in the construction, telecommunications, and financial services sector in 2018,” Allison Holland, who led an IMF team there, said in a statement. The upbeat review from the IMF, which also forecast inflation would this year ease to 3% from 3.2%, is a sign that the government’s public finance reforms are on track, Finance Minister Abdirahman Duale Beileh said. “No matter how hard these reforms are they are good for our country and we are moving forward with them,” he told Reuters. The government has broadened the tax base and strengthened tax administration, boosting domestic revenue almost 30% to $184 million in 2018, and to $54 million for the first quarter of 2019, Holland said. The reforms are a key step toward accessing billions in international debt relief, and last year the World Bank approved $80 million in grants to fund financial reforms, the first disbursement to Somalia in 30 years. Holland cautioned that the economic outlook remained “vulnerable to the still-fragile security situation, climate shocks, and the still-developing institutional capacity.” More efforts were needed to “improve economic resilience, increase employment and reduce poverty,” she said The IMF team discussed Somalia’s Article IV program, which scrutinizes a member state’s economic, financial and exchange rate policies. Minister Beileh said he expected Somalia to reach the “decision point” stage in the IMF and the World Bank’s debt relief process by early 2020. View the full article
  5. (SLT-Bhutan)-Waa Sabti, Gudaha Dalka Bhutan, Lotay Tshering hadda wuxuu dhamaystirtay Qaliin dib u habayn ah oo uu Qof bukaan ah ugu sameeyay Cisbitaalka Jigme Dorji Wangchuck. Laakiin, Lotay Tshering maaha Dhakhtar Caadi ah oo si Maalin leh Shaqadan u qabta Toddobaadkii, waayo? Waa Raysal-wasaaraha Dalka Bhutan oo Juquraafi ahaan dhaca Koonfurta Qaaradda Aasiya. “Anigu waan ku nafisaa..” ayuu yidhi, Tshering oo sannadkan loo doortay Raysal-wasaaraha Qaran Dadkiisu ka kooban yahay 750,000, doorashadana waa tii saddexaad ee si dimuqraadi ah uga dhacda halkaa, tan iyo markii la laalay Nidaamkii Boqortooyada ahaa sannadkii 2008-dii. Raysal-wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dhammaadka Toddobaad walba uu Qaliin sameeyo, marka uu booqdo Cisbitaalka “Dadka qaar waxay ciyaaraan Golf, Aniguse waxaan jecelahay Qaliinnada, waxaanan ku qaataa Fasaxayga halkan (Dhakhtarka)..” ayuu AFP u sheegay Raysal-wasaare Lotay Tshering oo xilligan da’diisu tahay 50 Jir, isagoo ka warramayey sida aanu Xirfaddiisa Caafimaad ugaga mashquulin shaqada kale ee siyaasadeed ee uu hayo. Caasimadda Dalka Bhutan waa Thimphu, malaha Laydhka Gaadiidka kala haga, in Sigaarka lagu dhex iibiyo waa la mabnuucay, Telefiishannada waxa la ogoladaay 1999-kii, sidaa waxa ku warramay standard media. Source
  6. (SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka lagu qaaday meelo ka mid ah Goobaha Shidaalka ee Sucuudiga. Weerarka ayaa lagu ekeeyay Goobo ka mid ah Meelaha Shidaal soo-saarka ee Dalka Sucuudiga, Goobaha Weerarka lagu qaaday ayaa ah laba. Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta, ayaa waxa uu sababay khasaare aan badnayd, kaasi oo soo gaadhay dhuumaha Saliidda qaada ee gaadhsiinaya Dekedda Yanbu, sidaa waxa sheegay Wasiirka Tamarta ee Dalka Sucuudiga Khalid al-Falih oo Qoraal uu soo saaray ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee loo yaqaano SPA. Markii diyaaraduhu bilaabeen duqaynta ayaa Shirkadda Aramco joojisay inay dhuumaha Shidaalka ku siidayso, laakiin dab baa kacay markaa ka dib, sida Qoraalka lagu sheegay “Aramco waxay samaysay Tallaabo kasta oo muhiim ah, si ay u bakhtiisu dhuumaha shidaalka..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Tamartu. Weerarkan ayaa yimid, Maalin ka dib markii Weerar lagu qaaday laba ka mid ah Maraakiibta Shidaalka Sucuudiga oo marayey Xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Al Masirah TV channel oo ah Telefiishan ku hadla Afka Xuutiyiinta ka dagaalama Dalka Yemen, ayaa xaqiijiyey in Milletariga Xuutiyiintu uu Weerarkan ka dambeeyo. Source
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh. Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saarouusan gaysan wax qarribaad ah oo hakad geliyey saliid soo saaristii. KhalidAl-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago “aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto. Taleefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari kasoo xigtay in Xuutiyiinya ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga. Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen. Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta. Reuters
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka. Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan. Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. Source
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa caasimada Somaliland dib ugu soo laabtay, kadib safar uu dalka Kenya ugu maqnaa. Guddoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu beeniyey warar si aad ah loo hadal hayey intii uu ku maqnaa dalka Kenya. Ciro ayaa waxa uu sheegay inaysan wax kulan ah magaalada Nairobi ku dhex-marin Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya Kenya, balse wuxuu xaqiijiyey inuu kulan la qaatay Wafdiyo kale oo safiiro iskugu jirey. Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa wuxuu yiri “Warbaahinta qaarkood waxay qoreen inaan Kenya kula kulmay danjiraha Dalka Qadar iyo Danjiraha Maraykanka, warkaasi ma jiro, laakiin Safiirka Qadar kama duwana kuwii aan la kulmay, wax noo diidanaya inaanu la kulano Safiirro gaar ahina ma jiro, Cidna nooma yeerin karto cidda aanu la kulmayno”. Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Waxa weli socota ku xad-gudubka iyo Xadhigga Muwaadiniinta, waxa u dambeeyay Guddoomiyihii Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI oo isna Rayi lagu xidhay, waxa la yidhi Dawladdu waa lana caayey, haddii ay Cid Cay lagu xidhayo waxay ahad in Maxamed Muuse Diiriye la soo xidho”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi’iyay imtixaanka oo dhan. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho . “Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha loo xilsaaray qaadista Imtixaanka ee ka socday Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ay fashilmeen,waxaana uu ku amray Saraakiishaas inay si deg deg ah uga baxaan deegaanada Hir-Shabeelle. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado. “Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu Magacaabi doono Guddi laga soo xulayo, Aqoonyanada, Culumada iyo waxgaradka deeganada Hir-Shabelle,kuwaas oo ka Shaqeyn doono qabsoomida Imtixaanka Ardayda ku nool deegaannada Hir-Shabeelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay Gaari CabdiBile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya. Hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay kuwa kale, walow aan la xaqiijin inta ay tiro ahaan gaarsiisan yihiin. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa qaraxyo nuuca Miinada ah lagula eegtaa Waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  12. Muqdisho (SMN ) – War Qoraal ah oo Bartiisa Facebook uu ku daabacay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu kaga hadlay Dibadbaxyadii maanta ay Ardayda Sanadkaan ka qalin Jabineysa Dugsiga Sare ka dhigeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Wasiir Goodax ayaa cod dheer ku sheegay in Cabashada Ardayda ay dib u eegis ku sameynayaan soona saari doonaan war Farxad galiya Ardayda. Qoraalka uu Wasiirku Facebookiisa soo dhigay ayaa sidaan u qornaa!. Waxaan halkan baaq uga dirayaa ardayda soomaliyeed ee banaanbaxa rabshadaha wata ka wada magaalada muqdisho xaq ayaad uleedihiin inaad banaanbaxdaan balse marnaba dawladu raali kama ahaaneyso in shaqsiyaad shaati kale wata ay ka faaidaystaan ardayda masaakinta ee dareenkooda muujinaya wax walba amniga ayaa ka muhiimsan waad ujeedan jawaabta ay ka bixiyeen qolyaha nabad diidka ah oo marwalba ka faaidaysta fursadaha noocan oo kale ah dawlada somaliya waxay diyaar u tahay inay wax kaqabato cabashada ardayda marnaba xaq maaha arday juhdi iyo dadaal badan bixiyey iyo mid qash so helay inay imtixaan soo wada fariistaan waana sababta nagu kaliftay inaan goaan noocas ah soo saarno waxaan mar kowaad iyo marlabaad idinku xoojinaya inaad nabad ilaalisan guryihiinana kulabataan dawladuna waxay diyaar utahay inay soo saari doonto goaan idin farxad geliya wabilaaahi tawfiiq. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo dadaal uga jiray in uu dajiyo Ardayda Isusoo baxa ka sameysay Muqdisho ayaa tagay goob fagaaro ah oo u dhow Isgoyska KM4 , waxaana xilli uu doonayay in uu la hadlo Ardaydaasi meesha ka dhacay Rabshad xoogan iyadoo la dhagaxyeey Wasiirka iyo Saraakiil la socotay oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaana Ciidamada Ammaanka iyo qaar ka mid ah Ilaaladaha Hoteelada nawaaxiga ka dhawaa Rasaas ay fureen la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah Dibadbaxayaasha , iyadoo wararka intaas ku darayaaan in Ciidmada Ammaanka ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaalada Hoteelka Lagu Magacaabo Giyaajo oo la sheegay Rasaas ay ku fureen dibadbaxayaashaasi lana xir xiray ilaaladaasi. Dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay kago’antahay in Ardaydu u fariistaan Imtixaan hufan islamarkaana ay la xisaabtami doonto shaqsiyaadka ku lugta leh Iibsiga Imtixaanaadkeeda. View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Roob aad u xoog badan ayaa xalay ka da’ay Caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasi oo geystay khasaare badan. Roobkan ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isagoona bur-buriyey hanti kala duwan. Ilaa inta hadda la xaqiijiyey waxa roobkan ku geeriyooday Lix qof halka ay Sagaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimada cisbitaal weyn ee magaalada Hargeysa. Dadka ku naf waayey roobkan ayaa waxa ka mid ahaa Afar qof oo gaari wada saarnaa oo ay qaaday laag biyo mareen ah oo kutaala xaafadda Boqol iyo kontonka ee Hargeysa. Roobka oo dabaylo watay ayaa sidoo kale waxa ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray hotelo, tukaano, Meherado iyo goobo kale oo ganacsi. Roobkan ayaa magaalada Hargeysa waxa uu ka da’ayey muddo saacado ah kaasi oo hakad galiyay isku socodkii magalada, kadib markii uu wadooyinka halbowlaha ah uu soo dhoobay dhagaxaan badan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday xalay oo soo kormeeray meelaha khasaaruhu ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaarsiiyey, wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoona ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka. Waxa kale oo xusid mudan in Roobkaasi uu waxyeelo soo gaarsiiyay ilaa 50-gaari, halka ay gaadiid kale oo badan ay samato-bixiyeen Ciidammada Dab-damisku. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Dadka ku dhintay roobabka ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa tiradoodu korodhay, Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin ayaa ka warbixiyay halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (SMN ) – Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu sameynayo kobac, kadib markii ay Xukuumadda qaadey tallaabooyin wanaagsan. War qoraal ah oo ka soo baxay IMF ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3% sanadkan 2019-ka, taas oo ka badan sanadkii tagey oo ahaa 2.8%. Sidoo kale, Hay’adda lacagta Adduunka ayaa tilmaantay in hoos u dhac ku yimid sicir bararka Soomaaliya ka jiray mudooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo uu gaarey 3%, iyadoo uu ahaa 3.2%. Allison Holland, oo ah madaxa koox khubaro ah oo IMF usoo dirtay Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameynayso horumar ballaaran, sida adeegyada maaliyadeed, isgaarsiinta iyo dib u dhiska dalka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa wado dedaallo dalka looga cafinayo deynta caalamka, taasoo udub dhexaad looga dhigay dib u habeynta maaliyadda dalka. View the full article
  16. A loud explosion occurred in the Somali capital Mogadishu on Tuesday, the police and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay. “Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah. Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku madalsan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeeha Hoose. Labadaani degmo ayaa sidoo kale u dambeey Groupka- D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan iyo Afgooye ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka caawa ee tartan aqooneedka Shabelle. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loogu riyaaqay. Cabdicasiis ayaa la timid 10 dhibcood , halka Xamar Jajab ay keensatay 10 buundo,sidaasina waxa ay ku galeen barbar dhac. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta la hadley waxaa uu beeniyey in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya, balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in aaney jirin cid u yeedhin kara safiirada uu la Kulmayo. Dhinaca kale Dr Ciro ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo guddoomiye Maxamed Sadiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (SMN) – Qaraxan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa waxa uu barqanimadii maanta ka dhacay xarunta degmada Warta Nabaddda ee gobolka Banaadir. Sida ay dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen waxaa qaraxa fuliyay qof isa soo Miidaamiyay oo watay gaari nuuca raaxada ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhaawacmay ayaa waxa ka mid ah Cali Aadan Warsame oo ah xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda ee M/Muqdisho. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay,sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale waxaa bubur xoogan uu soo gaaray xarunta degmada Warta Nabadda iyo dhismayaal ka agdhow halkaasi. Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta tagay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, balse ma jirto wax faah faahin oo ay ka bixiyeen qaraxaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay culimada waaweyn ee Somaliland ayaa kala hadlay laba arrimood oo uu doonayo in ay culimadu kala shaqayso wax ka qabashadooda kuwaas oo uu ku sheegay qabyaaladda iyo hadallada bulshadu mariso warbaahinta oo uu sheegay in ay been iyo hadallo fidno abuuraya ku jiraan. Madaxweyne Biixi oo muddo kooban xilka hayay, islamarkaana mucaaradku ku eedeeyo in uu jidkii kali taliska hayo ayaa hadalkiisa laga dheehanaya in uu dhibsaday xorriyatul qawlka Somaliland goonida kaga tahay Geeska Afrika gaar ahaana arlada Soomaalidu degto waxaanu sheegay in uu wax ka qabanayo hadalladaasi warbaahinta la marinayo. Madaxweynaha oo culimada la hadlaya ayaa yidhi “Culimada waxaanu ka codsanayna in aad laba arrin duco iyo xoog ba naga caawisaan, dalka laba dhibaato ayaa haysta’ mid waa qabyaaladda inkasta oo aynu 30 sanno oo dhaw-dhaw dawlad ahayn wali dadka waxa ku jirta fikrad ah is ilaali, reer waliba reerka la degan ayuu iska ilaalinaya waa dhibaato, haddii ay wax yari dhex maraan xabad baa qarxaysa, xabadduna tii barigii hore maahe maalin kaliya intaa la gumaadaya oo waa kii dawladaha oo kale waana masiibo u baahan in aynu xoog isugu gayno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaasi raaciyay in aanay arrintaasi Somaliland kali ku ahayn laakiin, ay ka jirto dhammaan dhulka Soomaalidu degto. Hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu Somaliland ku kali yeelay mushkilad uu sheegay in ay tahay dad warbaahinta been ka sheegaya “Ta kale malaha Diinta iyo dadnimada toona kuma wanaagsana inta uu qof weyni meel isa soo taago fogaare ah oo waliba caalamka oo dhanna maqlayo oo casrigan imika bahaluhu (Warbaahinta) ay tuurayaan in uu qofka weyni been sheego, in uu qof aan ka gayin caayo, in uu dadka fidno aan jirin ka dhex yidhaahdo haddana aan lagu ceebaysan ee lala qaxweeye oo lala qoslo oo la isu yimaaddo uun. Waa Mucjiso waliba waxay gaar u tahay Somaliland, boqol Telefishan ayaa Af Soomaali ku hadla oo ka Somaliland uun bay waxaasi ka soo baxaan, waxay ila tahay arrintaana caqli celin iyo talo iyo sharci ba ha loo doono,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan Somaliland gaarka u ahi u baahan tahay wax ka qabasho “Arrintaas u gaarka ah Land-tana(Somaliland) waxaanu jecelahay in aynu iska waanino kana ducaysano dee sharci iyo caqlina iskaga qabano ilayn haddii kale xumaantii iyo samaantii ayaa isku milmaya haddii xumaanta la qaban waayo oo la suulin waayo dee way simayaan oo waxa isku mid noqonaya xumaantii iyo samaha, beentii iyo runtii baa isku mid noqonaya kii dadka isku dirayay iyo kii islaaxa samaynayay ayaan la kala garanayn, kii wanaagga waday iyo kii xumaanta waday baan la kala garanayn ilayn waa la caadaystee xalkaasina waa mid inoo gaar ah oo in aynu wax ka qabano doonayno,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi Waxa kale oo madaxweynuhu yidhi “Dardaarankiinii waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga Qaranka la ilaaliyo si wada jir ah, ciddii khalkhal galinaysa dalka xil kasta oo ay haysana gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn, markaa haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama Qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay, haddii wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii Qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon.” Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya iyada oo xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool u xidhan yahay hadallo ka dhan ah 18-ka May oo uu saxaafadda mariyay. Waxa kale oo hadallo ay baraha bulshada ku faafiyeen u xidhan Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon. Source
  22. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-duhur-140519-sx.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Boqolaal arday ah oo ka careeysnaa go’aankii ay wasaaradda waxbarashada Soomaliya ku joojisay Imtixaanaadka Dugsiyada sare ayaa maanta banaanbax weyn ka dhigay magaalada Muqdisho. Ardaydaan oo ku qeylinayay ereyo ay ku muujinayeen, sida ay ugu xun yihiin in markale dib loogu celiyo Maadooyinka qaar ee Imtixaanka ayaa isugu tagay Taalada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Ardaydani oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho ayaa Shabelle u sheegay in aysan aqbali karin go’aanka wasiirka waxbarashadda, islamarkaana iyagu aysan qaadeyn mas’uuliyada ah Imtixaanka la musuq maasuqay. Sidoo kale banaanbaxyo waa weeyn oo ay arday Soomaaliyeed uga soo horjeedaan tallabadan ayaa ka kala dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka. Wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdullahi Goodax barre oo xalay la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in dib u dhigay Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoona shaaciyay in markale la qaadi doono 27 bishan May ee 2019-ka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  24. Dubai: Saudi Energy Minister Khalid Al Falih said on Tuesday that two oil pumping stations for the East-West pipeline had been hit by explosive-laden drones, calling the attack “an act of terrorism” that targeted global oil supplies Falih said that Saudi oil output and exports for crude and refined products were continuing without disruption, but that the state oil giant Aramco had halted oil pumping in the pipeline while the damage was evaluated and the stations were repaired, according to a statement carried by the state news agency SPA. Saudi Energy Minister Khalid Al Falih in a statment said “Two pumping stations on a major Saudi oil pipeline were attacked by drones on Tuesday, halting the flow of crude along it,” The two pumping stations bombed belong to Saudi Aramco, forcing the state oil company to suspend operations in the area to assess what the kingdom said was ‘limited’ damage. The stations are linked to a pipeline transporting oil from fields in the eastern sector to the port of Yanbu on the western coast, state-run Saudi Press Agency reported, citing the Energy Ministry. Earlier, a television station run by Yemen’s Houthi group said on Tuesday the Iran-aligned movement had launched drone attacks on Saudi installations, without identifying the targets or time of the attacks. Probe underway after Saudi oil tankers came under ‘sabotage attack’ off Fujairah UAE on Sunday said the sabotage targeted four ships off the coast of Fujairah Gulf news Qaran News