-
Content Count
213,259 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida umada reer Somaliland iyo Somalida kalaba ay ogyihiin Faysal Cali Waraabe wa nin aan qaranin maalinba ninka uu danihiisa gaarka ah ka waayo, Tusaale ahaan maalinta uu Farmaajo Telka ka qaban waayo, belo ayaa dhacda oo waa maalinta uu Somalida Koonfureed cagta mariyo . !!!. Hadaba waxaa beri aan sii fogeyn la ogaa iyadoo ay fiintu dhex miranayso Faysalka UCID iyo labada Askari ee Somaliland ka taliya ka dib markii uu Muuse Biixi Madaxtooyada ka soo xidhay Faysal Cali Waraabe oo aan jeclaynay in uu ka fogaado Aqalka Morgen dhisay oo Somaliland looga taliyo. “Dagaalkii Sokeeye waxaa riday Ina Muuse Biixi iyo Ina Kaahin”. “Taladii dalka wuu ku fashilmay hadii uu sidaa ku sii wadana waxaanu Insha Allah Tacaala qaban doona Shirbeeleed Qaran”. “Dalka ku eegimayno Muuse Biixi oo anagaa ka ilaalinayna in uu Somaliland dumiyo” Alla Alla waa kii Faysal cartamay Heego ay nacadashay, ee dadkuna ay hoosta iska wada gujiyeen!!!. “Armay run ka tahay” Arintaasi may sii waarin ee waa kuwan imika Faysal iyo labada Askari isku dhufayska ah ee ilaa xad kalgacalkoodu uu gaadhay in ay yidhaahdaan “Waxaanu dalka ka qabanaynaa doorasho labadayada Xisbi oo keliyi galaan oo aanu Xisbiga Wadani ku jirin” Hadaba suaashu waxay tahay maxaa labada Askari ku kelifay in ay Faysal u fuliyaan muraadkiisii ahaa inuu si dadban uga mid ahaado Golaha fulinta ee Dawlada Muuse Biixi, sida Wasiir Arima Dibadeed aan magacownayn, Afhayeen aan sharci aheyn, Wasiir Warfaafineed unlegal ah?. Jawaabta oo koobani waxa weeye Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo labada Askari ku soo karbaashay Siyaasadii Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland. Markaa waxa Khasab moqotay in labada Askari ay isu dhiibaan Faysal Cali Waraabe maadama aanay waxba ka aqoonin Siyaasada caalamka iyo luqadaha lagula hadlo Diblimaasiyiinta aduunka . Wakaa!! halkaas ayuu Faysal labadii Askari ugu noqday Cabdi Turjumaankii SNM.ta iyo Xabashida u kala turjumi jiray berigii Dugsigii Tababarka ee Awaare uu furay CabdilQaadir Koosaar rabi Janada fardawsa ha ka waraabiyee. Imika Faysal waa Faysal Turjumaan intii imika ay Nairobi joogeena wuxuu Ina Kaahin ku sameeyay indha sarcaad isagoo kolba Gaalad ama Gaal cadaana baraayay oo lahaa “Tani waa Heblaayo oo waa Inkaar looga dambeeyo arimaha EU da” ” Kani waa Hebal oo wuxuu belaayo ku qaba arimaha Bariga dhexe iyo kuwa Geeska Africa”. Kani, Tani, kuwani. Ina Kaahin, Ina Cabdi Dheere iyo Sheikh Samalana waxay filma ku matalayeen sidii aan ahaa berigii aan Norway imid . Dhoorayaal V. Heegana waa Wadani dhaba ayay isla soo tubeen. Lakiin belaayo waxay joogta Maalinta ay Faysal ka soo xidhaan guriga!!!!!!! Alla Mahad leh Osman Omar Dool Oslo Norway Qaran News
-
Somaliland: Plans To Invite Members Of Somalia Political Parties To Hargeisa The chair of Somaliland’s smallest opposition political party, UCID, Faisal Ali Warabe, declared to the media, that there are plans, to allegedly, invite senior members of the nascent political parties in Somalia to Hargeisa. Faisal Ali Warabe who is a member of a delegation from Somaliland currently visiting Kenya and consisting of UCID and Kulmiye members only, made the assertion after it was discovered that there were clandestine meetings with members of the Wadajir party in Nairobi. The Somaliland delegation led by the deputy chair of Kulmiye and Home Affairs minister, Mohamed Kahin Ahmed, met with the candidate for the presidency in Somalia, Abdishakur Warsame from the Wadajir party in Nairobi. According to the UCID chair, Fasial Ali Warabe, who has previously met with all manner of Somalia leaders, including the current “head of state”, Mohamed Abdillahi Farmajo, ” We will talk with everyone who understands and appreciates Somaliland’s cause, and we will them invite to Somaliland”. It is worth noting that all the nascent political parties in Somalia oppose the independence of Somaliland. It is not clear whether the administration of President Muse Bihi Abdi has given it’s blessing to such an undertaking or whether this is another flamboyant and ludicrous claim by Faisal Ali Warabe, who has a history of making outlandish statements. One thing is certain, no one has denied the meetings with the Wadajir officials, and the recent remark by the head of the Somalia Elections Commission that “a national elections in 2020” will include Somaliland and candidates from Somaliland adds to the mixture of intrigue and supposition. Whether these plans to invite politicians from Somalia to Hargeisa bear any fruit remains to be seen. Qarannews.com Qaran News
-
Qaran News
-
DOZENS of women wearing hijabs clamoured to take a selfie with the new Mayor of Islington, who was hailed as an “inspiration” to young women at a Muslim celebration on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
-
A few years ago, Somali stock Exchange was created with the aim to attract investment and accelerate reconstruction of post-conflict Somalia. CNBC Africa spoke to Hassan Dudde, Chief Executive Officer to share more on the achievements. Source: Hiiraan Online
-
Somali national has been found guilty of assaulting a Kenyan politician and causing him permanent disability. Source: Hiiraan Online
-
Government of the United Kingdom is providing a mammoth amount of £8 million for humanitarian support to Somalis affected by the current drought. The funds will go towards providing food security, nutrition, clean water, basic health services and livestock vaccination. This additional support will provide a significant boost to those affected by the drought. Source: Hiiraan Online
-
Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalim ayaa Safar shaqo ku joogta dalka Turkiga, Kadib Martiqaad Rasmiya oo ay ka heshay dhiggeeda dalka Turkiga Emine Erdogan, Waxaana kulan gaar ah oo ay ku wada yeesheen magaalada Ankara looga hadlay Xidhiidhka soo Jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo Xoojin lahaa. Waxaana Kulanka si gaar ah looga hadlay Arimaha Caafimaadka , Hooyadda iyo Dhalaanka , Sidii loo Horumarin lahaa Tacliinta Haweenka, Arimaha Nabadda iyo Horumarinta . Dhinaca kale Marwada Koobaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim ayaa Lagu Casuumay Munaasibadda “MAALINTA AFRIKA” oo lagu Qabtay Xarunta dhaqanka ee Guriga Afrika (Afrikan House). Marwada Koowaad ee Soomaaliya Saynab Cabdi Macalim oo khudbad ka jeedisay Munaasibadda Maalinta Afrika, ayaa ka hadashay Taariikhda Soomaaliya iyo Siday Hormuud ugu ahayd Qaaradda Afrika iyo muuhiimada uu leeyahay Xidhiidhka Turkiga iyo dalalka Afrika. Marwo Saynab ayaa ka hadashay Xiriirka Walaaltinimo ee Turkiga iyo Soomaaliya, iyo Sidii uu Shacabka Soomaaliyeed Turkigu u garab istaagay Wakhtigii Adkaa,Waxayna sheegtay inuu yahay Saaxiibka dhabata ah, Kadib Markii Madaxwaynaha turkiga oo Xiligaasi Raysal wasaare ahaa iyo Marwadiisu ay yimaadeen Soomaaliya Sanadii 2011-kii Taasi oo Indhaha Caalamka kusoo jeedisay. Waxayna uga mahad celisay Madaxwayne Rajeb Dayib Erdogan iyo Marwadiisa Hiilka dhabta ah ee ay Soomaaliya u muujiyeen, Iyagoo Soomaaliya ka hergeliyey Mashaariic kala duwan Sida dhismaha Wadooyinka, Guryaha , Cisbitaalo, Dugsiyo waxbarasho Iyadoo Sidoo kale Turkigu uu Tababar Siiyo Ciidamada Soomaaliya. Marwada Koowaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim Waxay sidoo kale Khudbadeeda ku xustay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airline oo Duulimaadyo Toos ah ka Bilowday dalka, Kuna xidhay Caalamka intiisa kale, Iyadoo Hada Shirkado badan oo Caalami ah ay door bidayaan inay Soomaaliya duulimaadyo ku tagaan. Munaasibadan Maalinta AFRIKA oo ay Qabateen Marwadda dalka Turkiga Emine Erdogan iyo Wasaaradda Arimaha debedda Qaybteeda Afrika , Waxaa Qayb galay Safiirka Soomaaliya Turkiga jaamac Cabdullaahi Caydiid , Safiiradda dalal ay kamid yihiin Liibiya, Kongo, Nijar , Madaxwaynaha Ha’adda TIKA , Marwooyinka Safiiirada Afirka ee ku sugan dalka Turkiga, Ardayda Afrika ee wax ka barta Turkiga, oo ay Qayb ka yihiin Arday Soomaaliyeed oo deeq Wax barasho ka helay Dawladda Turkiga. Marwada ayaa la kulmi doonta gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas si ay ugu dhiirrigeliso ka qeyb qaadashada horumarka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Serbia, Ivica Dačić ayaa Arbacadii safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Serbia. Mr. Dačić ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta. Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia. Sida laga soo xigtay Dačić, Madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya xeerarka caalamiga ah. Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheekh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay dalka Kosovo sannadkii 2010-kii. Kosovo waa waddan yar oo ka go’ay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin. Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com