-
Content Count
213,269 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa fasaxay in hub qiimihiisu yahay balaayiin doolar laga iibiyo Sucuudiga, waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda guunka ahi dhextaal ee Iran. Trump wuxu adeegsaday sharci si dhif ah loo adeegsado oo heer federal ah, si uu u meel mariyo heshiiskaa hubka lagu iibinayo oo qiimihiisu yahay 8 bilyan oo doolar, oo sida caadiga ah ay tahay in uu ansixiyo Congress-ku. Wuxu tallaabadaa u qaaday si uu u caddeeyo in xiisadda Iran iyo Sucuudiga dhex taallaa noqotay arin ah xaalad degdeg ah oo qarankiisa la soo gudboonaatay. Talaabadaas ayaa waxay ka cadhaysiisay, dadka ka cabsi qabay in hublaa loo adeegsado rayidka. Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyey in sababta uu Congress-ka u baal maray tahay in iibka hubkaas oo ay ku jiraan gantaalaha aan waxba seegin iyo bambaanooyin kale yihiin kuwo Congress-ku si adag uga soo horjoogsan lahaa. Hubkaas ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga iibiyey dalalka Imaaraat-ka iyo Urdun. Jimcihii ayaa wasiirka arimaha dibada, Mike Pompeo, waxa uu Congress-ka ku wargeliyey go’aanka maamulka ee ah in hubkaa la iibinayo. Warqad uu u qoray oo warbaahinta Maraykanku aad u tebisay ayuu ku yidhi “daandaansiga Iran” ayaa kalifaya in “si dhakhso ah looga iibiyo” hubkaa [Sucuudiga]. “Dhaqdhaqaaqa Iran ayaa halis mug le ku ah xasiloonida Bariga Dhexe iyo nabadgelyada Maraykanka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba”. Ayuu ku yidhi qoraalka. Laakiin talaabadaasi waxay isla markiiba ka cadhaysiisay mucaaradka. Senator ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah, Robert Menendez, oo ka tirsan gudida arimaha dibada ayaa ku eedeeyey Trump inuu “abaal u gelayo dalal keli talis ah”. Qoraal uu soo saaray ayuu ku yidhi “wuxu mar labaad ku guul darraystay in uu danaheena nabadgelyada qaranka ee mustaqbalka fog muhiimad siiyo iyo inuu difaaco xuquuqda aadanaha”. Go’aanka maamulka Trump wuxu soo baxay wax yar uun ka dib markii Maraykanku shaaciyey inuu xoojinayo joogitaankiisa Bariga Dhexe. Kun iyo shan boqol oo askari oo dheeraad ah iyo sidoo kale diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa sida oo kale la geynayaa gobolka dhawaan. Ku simaha wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Patrick Shanan ayaa sheegay in tallaabadaa looga gol leeyahay ka hortagga “khatarta isa soo taraysa ee xoogagga Iran oo ay ka mid yihiin ciidamada ilaalada kacaanku iyo kooxaha xulufada la ahi [ku hayaan gobolka]”. Maxaa keenay xiisaddan Iran? Xiisadda dhex taal Maraykanka iyo Iran waxay sii korodhay bishan markii Washington sheegtay in cunoqabataynta lagu darayo dalalka weli saliidda ka iibsada Iran. Go’aankaas oo loola dan leeyahay in dhoofinta saliidda Iran lagu joojiyo si xukuumaddu u weydo dakhli uga soo xarooda isha keliya ee dakhligu ka soo galo. Trump ayaa sannadkii hore cunaqabatayntii ku soo celiyey Iran ka dib markii uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee ay Iran kala saxeexdeen lixda dal ee shan ka mid ahi xubnaha joogtada ah ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka. Waana taas ta cirka ku sii shareertay xiisaddu. Afar markab oo kuwa saliidda qaada ah ayaa lagu wax yeelleeyay dhacdo Imaaraadku ku sheegay weerarro curyaamin ah, sidoo kalena waxa laba goobood oo Shidaalka laga dhoofiyo oo Sucuudigu leeyahay ay fallaagad Xuutiyiinta Yemen, oo ay Iran taageertaa, ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaany taasi kalliftay in dhuumaha la xidho muddo kooban. Iran way beenisay in ay ka dambaysay dhacdooyinkaa hase yeeshee Admiral Micheal Gilday oo ah madaxa taliska guud ee ciidamda Maraykanka ayaa ku eedeeyey ciidamada ilaalada kacaanka Iran in ay toos uga masuul yihiin dhacdooyinkaas. Source
-
(SLT-Riyadh)-Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe. Kaddib kulan uu Jimcihi shalay magaalada Riyadh kula yeeshay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayuu General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka taliska milatariga ee talada Sudan haya, sheegay in Sudan ay isgarab taagi doonto Sacuudi Caraibya, haddii ay weeraro ama khatar kasoo wajahahaan Iran ama maleeshiyaadka xuutiyiinta Yemen. General Mohamed Hamdan, wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in ciidanka milatariga Sudan uu kasii qeyb ahaan doono dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ka wadaan Yemen, kaas oo ay ku rabaan in ay xiddidada ugu siibaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran. Hadalka kasoo yeeray Golaha Milatariga Sudan, ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay kaga hadlaan siyaasaddooda dibadda, tan iyo marki ay xakunka ka tuureen, madaxweynihi hore ee dalkaasi general Omar al-Bashir bishii aanu kasoo gudubnay. Source
-
(SLT- Lyon)-Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay qarax Bam oo ka dhacay magaalada Lyon ee ku taalla dhanka koonfur Bari ee dalka Faransiiska. Weerarka ayaa ka dhacay qalbada wadooyinka waaweyn ee magaalada,sida ay xaqiijiyeen Booliska. Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in in sideed qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse ilo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in 13 qof uu dhaawaca sii Marayo. Madaxweyne Emmanuel Macron oo shir Jaraa’id qabtay kadib qaraxaan ayaa tacsi u diray dadka ku dhaawacmay Qaraxaan. Denis Broliquier oo ah gudoomiya magaalada ayaa sheegay in ciidanka amniga ay baadi goob ugu jireen la tuhmaha qaraxaan ka Danbeeyay. Muuqaalo laga duubay Camerada qarsoon ee CCTV-ga ayaa laga dheehday nin wajiga qarsaday oo wata baaskiil kana tagaya afaafka moofo ku taalla goobta ka hor inta uu qaraxa Dhicin. Dalka Faransiiska ayaa la tacaalaya weeraro kaga imaanaya kooxaha Argagixisada dhowr kii sanno ee la soo Dhaafay. Sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 130 qof lagu dilay toogasho iyo qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Paris. Source
-
(SLT-Nairobi)-Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi waxaa la soo taagay Jamaal Maxamed oo ah Soomaali haysta Dhalashada Maraykanka, kaasi oo lagu soo oogay inuu feedhay Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo hore u ahaa Xildhibaan laga soo doortay Wajeer sannadkii 2017-kii. Eedeysanaha waxaa lagu eedeeyey inuu Siyaasigaasi ka dhigay Naafo, kadib markii uu ku feedhy Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi bishii September 17-dii ee sannadkii 2017-kii. Dhibanaha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka gaahdeen Lugta Bidix, taasi oo sababtay inay naafo noqoto. Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay gudaha dalka Kenya. Garsooraha Maxkamadda Makadara, Enice Kimaayo waxay sheegtay inuu Eedeysanaha dhibaato gaadhsiiyey Dhibanaha oo ay waxyeello xooggan soo gaadhay. Garsooradda waxay tilmaamtay in la hayo caddaymo ku filan oo taageeri kara dacwadda loo haysto Eedeysanaha. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in 1,500 ka tirsan Milatariga Mareykanka lagu kordhin doono ciidankooda ku sugan Bariga Dhexe. Hadalkaan Trump ee Jimcaha shalay ayaa ku soo aaday xilli ay cirka ay sii galeyso xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan. Xilli uu warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ka hor inta uu u duulin dalka Japan ayaa waxuu tilmaamay in ciidanka la sii qorsheeyay mar hore si ay uga hortagaan suura galnimada falal ammi daro oo Mareykanka kaga imaan kara dalka Iiraan. Waxaa rabnaa in aan heysanaa ka hortag, sidaasi darteed waxaan xoojin doonaa difaaceena Bariga Dhexe. Xiligaan ma filayo in Iiraan ay dooneyso dagaal ay la gasho Mareykanka. Maamulka Trump ayaa sidoo kale Jimcaha maanta ku wargaliyay aqalka Congress-ka qorshaha loogu daabulayo cutubyo ka tirsan milatariga Mareykanka. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo sii xumaaday waxii ka dambeeyay markii Kenya ay garoonka diyaaraha kasoo celisay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaasi u tagay ujeedooyin kala duwan, waxaa sidoo kale tagay magaalada Nairobi hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka yihiin xiisadda labada dowladood, islamarkaana ay ugu baaqayaan inay xaliyeen xiisada taagan. Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso in ay fursad kaga raadiso Kenya Khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay yeeshaan xiriir Wanaagsan, isagoo taasi ku tilmaamay inay yihiin hadalo dadka ay abuureen. “Annaga ma dhihin kuwa ka dhex faa’ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. “Soomaaliya wax kuma tarto Kenya ee Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Farmaajo. Waxaa wali taagan xiisadda ka dhalatay go’aanada dowladda Kenya ka qaadatay Soomaaliya, waxaana dowladda SOomaaliya oo ka hadashay arintaasi ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aanada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Briefing the Council, Raisedon Zenenga, deputy head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), reported that Somalia had made significant progress on its economic and security sector reforms “The Federal Government has decided to apply the same rigorous approach to bring accountability and transparency to the security sector,” he said, noting, among other recent steps, the completion in March of biometric registration of all Somali National Army soldiers. All 16,000 soldiers registered were now receiving their salaries directly into their bank accounts. “This has cut out middlemen, reduced corruption, and ensures regular payment of salaries to military personnel. It also paves the way for rightsizing the National Army,” said Zenenga. In parallel with these security sector reforms, the Federal Governments had launched military operations in Lower Shabelle region to advance the Transition Plan, degrade Al Shabaab in strongholds that are contiguous to Mogadishu and thereby halt the recent increase in Al Shabaab attacks in the capital. Yet, Somalia continued to grapple with significant challenges, he said, explaining that the Federal Government’s reform efforts have encountered “inevitable” resistance. The economic reforms and security sector reforms entail dismantling a war economy that had flourished for decades. “There are many vested interests which pose obstacles to increased accountability. Taking on these vested interests requires not only the determination, which the Federal Government has shown, but an inclusive approach of building relationships with all stakeholders to demonstrate that the reforms will yield benefits for the whole nation,” Zenenga stressed. He also noted that the dialogue between Somalia and Somaliland, which also has implications for the completion of the constitutional review process, remains stalled. “We are, however, encouraged by ‘Somaliland’ President Muse Bihi’s remarks on 18 May expressing his readiness to promote peace with Puntland, including through the exchange of prisoners, and to cooperate with Somalia on issues related to security, trade and education.” Recalling that UNSOM began the new year facing a security crisis as a result of the mortar attack on the UN compound on 1 January, and a political crisis as a result of the expulsion of the special representative of the Secretary-General Nicholas Haysom on the same day, Zenenga said the two incidents had severely disrupted the Mission’s engagement with the Federal Government of Somalia and had also elevated the security risk level for UN personnel and left our staff deeply demoralized. While the Mission had immediately prioritized the safety and security of its staff while concentrating political efforts on mending relations with the Federal Government, Zenenga underscored that a lasting solution to the continuing security threat “will come from denying Al Shabaab space and opportunities to prepare and launch attacks.” View the full article
-
The UK government is providing £8 million for humanitarian support to Somalis affected by the current drought. The funds will go towards providing food security, nutrition, clean water, basic health services, and livestock vaccination; this extra support will provide a significant boost to those affected by the drought. Many thousands of families have not had time to recover from the 2017 drought and are already facing another crisis. Two failed rains and harsh weather conditions during the dry Jilaal season (January-March) has led to water scarcity, crop failure and an accelerated decline in livestock productivity. The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Somalia estimated 5.4 million Somalis are now projected to be food insecure by July; of which, at least 2.2 million are likely to be acutely food insecure. A spike in drought-induced displacement continues as rural communities flee to urban areas – nearly 45, 000 people have moved so far this year. Severe acute malnutrition rates among children are increasing rapidly, particularly among internally displaced people. On 20 May aid agencies in Somalia launched a Drought Response Plan which called for urgent and sustained resources to avert a major crisis. The plan seeks $710 million to provide critical, life-saving assistance to 4.5 million drought-affected Somalis in the most severely affected areas this year. Head, DFID Somalia, Phil Evans, DFID said: “The drought is affecting millions of Somalis, many of whom have had to leave their homes and livelihoods in desperate search of basic necessities. This funding will provide life-saving assistance to thousands of Somalis living in desperate conditions.” “The number of people at risk will continue to grow if nothing is done. We have learnt lessons from the past and know that acting early saves lives and makes sense.” View the full article
-
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in waajib qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister of Somalia’s Federal Government, Hassan Ali Khaire has inaugurated a new mosque built in the Intelligence headquarters on Friday. The mosque is named after the father and the first director of the Somali spy agency Ahmed Suleyman Dafle. Dafle served as the director of the organization for thirteen years after its inception and then as minister for interior. The construction of the modern mosque commenced four months ago. The PM thanked the spy agencies for the implementation of the religious center inside their headquarters saying it will be a great impact for the staff of the agency. The new worship structure is set to change the image of the public as one of the most feared government organization to just any other security department. View the full article
-
A high-level delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in South African capital, Pretoria on Friday evening. Farmajo is among leaders invited to take part in the inauguration ceremony of the South Africa President-elect, Matamela Cyril Ramaphosa on Saturday 25th May. The President is scheduled to meet various African leaders at the sidelines of the event to discuss issues of mutual interest. Farmajo will meet the Somali diaspora community in South Africa to discuss xenophobic attacks meted against foreigners in the southern African state. Somalia is was among the leading African states supported the South Africa during the struggle against the apartheid government and fight for independence. View the full article
-
Xisbiga uu hoggaamiyo Xassan sheikh oo shir ka yeeshay xaaladda Galmudug Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay halis ugu jirto in ay burburto haddii aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ka joojin fara-gelin uu xisbigu sheegay in ay ku hayso. War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka xisbiga ayaa soo jeediyay in la fuliyo heshiiskii midaynta Galmudug ee ay dalka Djibouti ku wada-saxiixdeen labadii dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee kala qeybiyay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta ay ku hayso xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana bulshada halkaasi deggan u ogolaato in ay keligood ka wada-hadlaan aayaha iyo masiirka degaannadooda. Sidoo kale xisbiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dowlad goboleedka Galmudug ka qaaddo cuna-qabateynta dhaqaale una fasaxdo qoonada ay ku leeyihiin deeqaha caalamku bixiyo ee la soo mariyo xukuumadda dhexe . Dhanka kale xisbiga ayaa taageeray xoojinta heshiis iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda khuseeya kaasi oo ay dhowaan magaalada Gaalkacyo ku wada-saxiixdeen dowlad goboleedka Galmudug iyo Puntland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Xassan Shekh oo sheegay in Galmudug halis ugu jirto in ay burburto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban wuxuu kaga hadlay magacaabista madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in caasimada Soomaaliya ay joogaan ciidamada AMISOM oo magaalada ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, islamarkaana ay yihiin ciidamo badan oo xaqiijin kara amaanka, balse aysan wali ka dhicin doorasho qof iyo codkii ah. Wuxuu sheegay in madaxweyne kastaa oo qabtaa xilka madaxweynaha dalka inuu soo magacabo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taasna aysan wanaagsaneyn. “Caasimadda waxaa ku sugan ciidanka ugu faraha badan ee Soomaaliya, waana xarunta AMISOM oo ah ciidanka ugu xoogga badan dalka. Haddana Madaxweyne kastaa wuxuu ku daydaa kii ka horreeyay oo wuxuu noo magacaabaa Duq Magaalo iyo xataa ku xigeennadiisa” “Madaxweyne aan dooranno ha noo dambeeyee, Muqdisho oo keliya inteenna deggani qof iyo cod ma dhiiban karnaa aan ku dooranno Duq Magaalo?” “F. G. Xog ogaal uma ahi sababta uu Madaxweynuhu xalay xilka uga qaaday mid ka mid ah Ku Xigeennada Duqa, mid hor lehna u magacaabay. Kan cusubna hambalyo ayaan leeyahay, guulna waan u rajeynayaa. Qormadeyduna kuma saabsana sababta uu isbeddelku u dhacay ee waxaan u dan leeyahay nidaamka dalka ee doorasho la’aanta caasimadda”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu magaalada Pretoria kaga qeybgalayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/africa. Shalay ayuu madaxweynaha u ambabaxay dalkaasi, kadib casumaad loo fidiyey, iyadoo lagu wado in caleema saarkan ay ka qeybgalaan madax badan oo Africa ah. Madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda ka qeygaleysa caleema saarkan qaarkood iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bardaale (Caasimada Online)-Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib baaritaano ay ka sameeyeen degmada. Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inay baaritaankaasi ka sameeyeen degmada iyo deegaano ku dhow dhow, waxaana guddoomiyaha degmada uu sheegay in xubnaha la qabtay ay Al Shabaab ka tirsanaayeen. Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha la qabtay oo gaaraya seddex ruux loo wareejin doono magaalada Baydhabo, si halkaasi maxkamad loogu soo taago. “Degmada amaankeedu wuu soo hagaagay, nimankii amni diidka ahaa ayaa waxaan kasoo qabanay dad lala xiriirinayo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, Hadda waxaan gacanta ku heynaa seddex ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa” “Al Shabaab inta badan wey is qarinayaan, laakiin baaritaanka ciidamada daraawiishta ay ka sameeyeen Bardaale iyo duleedkeeda, laakiin hadda waxay Al Shabaab ku soo koobmeen inay dhuumaaleyso weerar ku qaadaan, waana fashilka lagu ogaado marka koox ay burbureyso”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Bardaale. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inay wanaagsan tahay xaalada wadada isku xirta Bardaale iyo Baydhabo, halkaasi oo Al Shabaab inta badan ay weeraro ka geystaan Al Shabaab. Xubnaha Al Shabaab ee la qabtay ayaanan wali lasoo bandhigin, waxaana guddoomiyaha degmada Bardaale uu sheegay in baaritaan marka ay ku sameeyaan xubnahaan kadib inay saxaafadda usoo bandhigi doonaan islamarkaana loo wareejin doono magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baay Caasimada@live.com
-
Turkish aid agency distributes food aid to IDPs in Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
urkey's state-run aid agency distributed Friday food aid to internally displaced persons (IDPs) in the town of Gelan on the outskirts of the capital Addis Ababa. Source: Hiiraan Online -
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney Soomaaliya ku taageereyso ilaa £8 million oo wax looga qabto abaarta ka jiro goobo badan. Meelaha sida gaarka ah loo xusay waxaa ka mid ah cunto la’aan, nafaqada, biyo nadiif ah, caafimaadka dadka iyo xoolaha iyo arrimo kale. Iyada oo aaney dad badan ka soo kaban abaartii 2017-kii ayaa waxaa helay dhibaato kale, 2 sano ayaaney roob di’in taasi oo xaaladda khatar gelisay. Hey’adda OCHA waxaa ay ku qiysaastay in ilaa 5.4 million oo Soomaali ah ay haatan wajahayaan cunto yari, oo 2.2 million ay aad u daran yihiin. 20-kii May hey’adaha gargaarka Soomaaliya waxaa ay codasdeen gargaar degdeg ah, waxaa ay doonayeen $710 million oo arrimaha abaarta wax looga qabto, gaar ahaan dad gaaraya 4.5 million. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdishop (SMN) – Nabadoon Bedal Jaamac Xirsi (Laangare) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay baabi’ineyso calaamadaha xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Nabadoonka oo la hadlayay Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan dowladda Kenya ay kaga gol leedahay, si ay u baneysato bariga iyo badda Soomaaliya. Sidoo kale Nabadoon Bedal ayaa xusay in Kenya ay tirtireyso Astaantii Ingiriiska ee uu ku kala xadeeyay Soomaaliya iyo Kenya Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu soo kala dhexgalay mad madow Siyaasadeed iyo muran dhinaca badda ah, kaas oo ay dacwaddisa ka furan tahay Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. View the full article
-
Kenya Airways Chief Executive Officer Sebastian Mikosz has resigned on "personal grounds", effective December 31. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle. Munaasabadda xarig jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta. Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa. Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),isagoo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Johannesburg (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Magaalada Johannesburg ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee K/Afrika Cyril Ramaphosa oo maanta lagu qabanayo M/ Pretoria ee dalkaasi. Sidoo kale waxaa caleema saarka lagu marti qaaday qaar ka mid ah madaxda dalalka Caalaamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan duceedyo la yeelaN doono madaxda sare ee South Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dhibaatootinka ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay dalkaasi. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-Subax-25052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is rasaaseyn xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Taleex ee degmada Hodon. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan oo dooneysay inay dhac geysato iyo ciidamo boolis ah ay isku rasaaseeyeen xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida saraakiisha Booliska ay sheegeen. Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah raggii burcadda aheyd uu ku dhintay iska hor imaadka xalay dhacay, waxaana baxsaday ruux kale oo kamid ah kooxda dhaca geysanaysay. Sidoo kale waxaa iska hor imaadka ku dhaawacmay taliyaha waaxda uu dagaalka ka dhacay iyo qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ku shaacisay barta Twitter-ka xogta weerarka ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir. “Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay.” “Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah” “Dhanka kale waxeey ciidamada boliiska gacan ku soo dhigeen askari boliis ah oo shalay dad shacab ah ku dhawacay degmada Howlwadaag”sidaasi ayay shaacisay Zakiye Xuseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com