Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (CNN)Speaker Nancy Pelosi recently offered a very blunt assessment of what Democrats need to do in 2020 to ensure a peaceful transition of power in Washington: Win "big." Source: Hiiraan Online
  2. Turkish authorities have scrapped the result of a vote for Istanbul mayor that was lost by the candidate backed by the president, Recep Tayyip Erdoğan, in response to calls by his AK party for a rerun. Source: Hiiraan Online
  3. Minister of Immigration Ahmed Hussen told a parliamentary committee details of his government's plan to better regulate immigration consultants. (Frank Gunn/Canadian Press) Source: Hiiraan Online
  4. Ramallah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas u yaboohay 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray “heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda, waxaa sidaas wariyey wargeyska Al-Akhbaar ee dalka Lebanon. Wargeyska ayaa weriyey in kulan dhex maray Abbas iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed Bin Salman loogu soo bandhigay hoggaamiyaha Faalstiiniyiinta faah-faahin ku saabsan heshiiska Mareykanka, loogana codsaday inuu aqbalo. Sida warbixinta ay tiri, Bin Salman ayaa weydiiyey Abbas “Waa imisa miisaaniyadda dadka kugu hareereysan sanadkii? Abbas ayaa kadib ku jawaabay “Ma ahi amiir, si aan u yeesho dad igu hareereysan.” Bin Salman ayaa kadib u yaboohay 10 bilyan oo dollar muddo 10 sano ah, haddii uu aqbalo qorshaha Mareykanka oo ay ku jirto in dowladda Falastiin ay ka guurto magaalada Jerusalem, islamarkaana xarun ka dhigato Abu Dis. Abbas ayaa la sheegay inuu diiday yabooha Bin Salamn kuna qeexay “dhammaadka noloshayda siyaasadeed” Saraakiisha Falastiin ee ku sugan magaalada Ramallah ayaa diiday inay ka jawaabaan shaac kaa qaadista arrintan. Qorshaha Mareykanka oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn ayaa wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner waxa uu sheegay in shaaca laga qaadi doono kadib bisha Ramadan. Waxaa aad loo rumeysan yahay in qorshahan ay qeyb ka tahay in Falastiiniyiinta ay ka tanaasulaan magaalada Qudus, laguna wareejiyo Yahuudda. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka federaalka ah ayaa bishii March 2018-kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, taasi oo maamusha dekadaha Boosaaso iyo Berbera. Qaraar ay labada Aqalka ansixiyeen ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in heshiisyada waawayn sida arrimaha maalgashiga iyo dibadda ay kaliya geli karto dowlada dhexe “oo mas’uul ka ah dalka oo idil”. DP World ayaa xiligaasi lagu eedeeyay in ay ku tumatay madaxbanaanida, siyaasada iyo qaranimada Soomaaliya, inkasta oo maamulka shirkadaasi ay gaashaanka ku daruureen eedeymahaasi. Tan iyo markii uu sharcigaasi soo baxay, madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyay wali ma uusan qalinka ku duugin, taasi oo su’aallo ku forara sababaha ku riixay ay ka dhasheen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ugu dambeyntii ka jawaabay waxa tan iyo waqtigaasi uu Farmaajo u saxiixi la’yahay xeerkaasi. Khadar oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumada iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay “mid ay curiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka”. Mudanayaasha ayaa hindisahaasi isku dabariday markii Somaliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshis saddex geesood ah oo lagu balaarinayo marsada Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo. “Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la’yahay in aysan sii fogaan walaalaheen [maamulka] Somaliland iyo in wadahadalka aysan saameyn arrintaasi,” ayuu u sheegay Tv-ga Goobjoog, isaga oo raaciyey “Sharcigaasi waa mid uu curiyey Golaha Shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumada ama madaxweynaha uu wax kala socdo, xitaa saldhiga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto. Talaabada dalka looga mamnuucay shirkada DP World oo ay kasoo horjeesteen inta badan maamulada ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixaysay Qadar oo saameyn ku leh maamulka Farmaajo. Dooxa oo xiyaarad cirka iyo dhulka ah ay kusoo rogeen wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada, wallow ay dhinac isaga leexisay. Xukuumada Farmaajo oo mowqif dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka Khaliijka ayaa lagu dhaliilay in ay u xag-lisay dhinaca Qadar oo taageero maaliyadeed iyo siyaasadeed siisa Villa Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay in xukuumada Farmaajo aysan marnaba ku biirayn isbaheysi ka dhan ah dowladaha Qadar iyo Turkiga. Garowe Online
  6. Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeyay baaritaan ku bilaabay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda. Baaritaankan ayaa bilaawday axaddii, waxaana lagu bilaabay shaqaalaha Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya iyadoo ay maanta wali sii socoto. Dadka lala kulmay ayaa la waydiiyay su’aalo badan oo qaarkood aad u adkeeyeen lamana oga sababta dhalisay waxaana la sheegay in baaritaankaan la marsiin doono dhamaan shaqaalaha Dowladda. Qof kasta oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda arimaha bulshada ayaa la weydiiyay, goorta uu dowladda kamid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa, iyo in uu ogolaado in la baaro dhamaan Akoonadiisa Internete-ka sida Facebook, Whatsapp, Massenger, Imo, Viber, Email iyo adeegyada kale ee Internete-ka. Dadka qaar ayaa markii intaas laga baaro la waydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is yaqaanan oo katirsan Al-Shabaab, islamarkaana xariir la soo sameeya, sidoo kale waxaa dadka la waydinayay in uu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo hadii uusan qaban karin, waxaa la waydiinayay “ma qaban kartaa shaqa kasta oo laguu diro xataa arimaha amniga” shaqaalaha ayaa ku jawaabay haa intii hada martay baaritaankaan. Sidoo kale shaqaalaha baaritaanka maray ayaa loo sheegay in aysan arrintan qofna la wadaagin xataa kuwa la shaqeeya ee dowladda katirsan iyo qoyskiisa. Lama oga sababta arintaan keentay balse waxay walaac ku abuurtay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Arintaan ayaa abuurtay in dowladda Soomaaliya ay ka shaki ka qabto shaqaalaheeda taasna ay keentay in la baaro. Ilaa ma jirto Ciidamo kamid noqday baaritaanka waxayna wararku sheegayaan in aysan Ciidamadu ku jirin baaritaankaan. Si rasmi ah looma oga sida uu xaal noqon doono iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Warsaxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa dad xoog lagaga saaray dhul madaxtooyo loo qoondeeyey Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub. 17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu. Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay. Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin. “Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.” “Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin. “Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda. Yasmin Omar H Mahmoud. Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabey eedaymo siyaasiinta xisbiga Waddani u jeediyeen Xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Abokor ayaa ugu horeyntii ka jawaabay eedaymo uu Ciidammada Amniga u jeediyey Ismaaciil Aadan Cismaan oo xukuumadii Daahir Rayaale kasoo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha, wuxuuna yiri: “Ismaaciil oo shalay sheeganayey inuu ahaa Wasiirkii ugu muddada dheeraa Somaliland, Boolisku way ogyihiine Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiirkii ugu foosha xumaa ee Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha laga qaado. Ismaaciil Wuxuu ahaa Wasiirkii Ciidammada SPU ka cunay lacagtii habeen dhaxa ee la siiyey ay ku mudaharaadeen, ka bacdina xilka lagaga qaaday”. Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay eedaymo uu hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X.Xasan u jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Xirsi Cali Xaaji Xasan markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi baa soo weeraray Carruurtayda iyo Gurigayga, talada Gurigayga lagu soo weerarray isagaa bixiyey, iyadoo si nabad-galyo ah la ii qaban kari lahaa. Wakhtigaa Aniga 12 Xabo oo Rasaas ah ayaa laga riday, laakiin xilligii Xirsi in ka badan 700 Rasaas ah ayaa Gurigayga lagu riday, amarkana isagaa bixiyey”. “Maantana wuxuu haleeli kari waayay inuu Hargeysa Carruurtiisa ku hayo, Laakiin Anigu Nina ma daba socdo, Xirsi wuxuu ahaa Ninkii Inanta Nadiira Maxamed ay 7 Bilood u xidhnayd, iyadoon la marin Maxkamad, haddana Maanta ayuu doonayaa inuu yidhaahdo Ciidan baa wax xidhay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Boorka kulanka la joojiyay Xukuumadda Puntland ayaa madaxweynaha Soomaaliya ka joojisay , kulan dadweyne oo uu xalay ku qaban lahaa, hotel ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa sida la sheegay ku saabsanaa, hannaanka doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah. Balse, warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi uu qorshe hoose ka watay, balse ay ka sii war heshay xukuumadda Puntland, islamarkaana ka joojisay. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xafiiska madaxweyne Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi, uu doonayay in uu ku soo bandhigo ismuujin siyaasadeed iyo taageerayaal la soo abaabulay, kuwaasi oo aad ugu sacabbiya madaxweynaha, si weji-gabax loogu rido xukuumadda Puntland,xilli aan weli laga heshiin khilaafka labada dhinac. Sidoo kale, kulankaasi ayaan lagu war-gelin mas’uuliyiinta Puntland, inkastoo sida la sheegay ay ka sii war hayeen. PUNTLAND POST The post Garoowe: Madaxweyne Farmaajo oo laga joojiyay kulan dadweyne appeared first on Puntland Post.
  11. Three weeks ago, crowds of mostly Sidama women held a protest to demand Sidama’s constitutional right for a state and expressed dissatisfaction with the delay in organizing the referendum. Unless the regional and federal governments act in little more than two months, more radical action may be taken. While the Sidama people await a response, the implication of Gaado Furra demonstration and two previous Gaados—at Hawassa International Stadium, and Gaado II which was a three days stay-home protest—are that this issue must be swiftly addressed. If the referendum is not held before July 19, Sidama people may push for unilateral self-declaration, a position that was backed by Sidama Zone’s government. The July 18, 2018 decision was made after all 19 woredas and 2 city administrations in the zone voted to push the case for a Sidama state. Through the demonstrations, Sidama people have shown its peaceful opposition to the government failure to undertake referendum. The protest was named Gaado Furra after the ancient Sidama queen. The message on April 9 was that the government must listen to the people and Sidama expect their sacrifices to be finally rewarded with self-rule of their own state. Placards said: “We love Ethiopia but we ask Sidama people’s right”, and “We Sidama support federalism and oppose unitarianism”. The young, mothers, and even grandmothers carried signs stating: “We will not forget the loss of our children, husband and brothers life while marching for referendum”. The march showed women can go to the streets and fight for the community’s right. This latest protest is expected to be the final signal to the government to respect its constitution. The Sidama people have been repeatedly demanding their own region for last 27 years since EPDRF came to power. The latest response has been silence, although the constitution says a referendum should be conducted within a year. Youth movement Ejjeetto is driving the campaign. Under the federation’s founding document, to achieve statehood, two-thirds of the legislature of the relevant district must vote for the move, and then the next tier of government, in this case the SNNPRS administration, must organize a “referendum” within one year of receiving the request. Sidama is Ethiopia’s most populous zone and the autonomy demand goes back many generations. The Sidama are a Cushitic people whose territory was conquered during Shewan military campaigns in late 1800s. A large majority are Christian and they make-up around half of the population of Hawassa, which is the capital of SNNPRS and Sidama Zone. SNNPRS, which amalgamated five provinces of the Derg military regime overthrown in 1991, has 56 ethnic communities that comprise around one-fifth of Ethiopia’s 100 million people. The country’s smallest region, Harari, has less than 200,000 people, compared to the approximately four-million strong Sidama, according to a 2015 estimate. There are nine regions listed in Article 47 of the Constitution, which also details the process for forming a new regional state. The federal government is responsible for all laws governing elections and the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) for conducting all national and regional elections. NEBE has not yet decided a date During discussions with Sidama elders, academics, and others, the Prime Minister showed his government’s commitment to address the question. Yet NEBE has not yet decided a date nor responded to a letter requesting assistance from SNNPRS Council office. NEBE spokesperson Soleyana Shimeles said on April 23 that the Sidama question requires further preparation because it is the first referendum on statehood. The Council could have decided the date it was going to organize the referendum and notified NEBE, asking only for logistical support. Chief of Sidama Zone Administration, Karre Chawicha and the Council representatives pressed NEBE, but they came back empty handed. The delay is apparently partly as the board is in the process of being reestablished. But there is no formal need for negotiation with or recognition from the central government. The Ethiopian constitutional arrangement, unlike many, does not give any power to the federal authority to decide on the formation of new regions. So ultimately, Sidama people could unilaterally declare their own state because of the unjustified delay in providing assistance for a referendum Ethiopia Insight Qaran News
  12. US forces conducted an airstrike on Sunday, May 5, in southern Somalia, killing three al-Shabaab militants, the U.S. Africa Command said on Saturday. Sunday’s airstrike was conducted in coordination with Somali forces, and was the second by the U.S. forces in two weeks. The attack was carried out in the vicinity of Tortoroow. Africom said its assessment had showed that no civilians were killed on injured in the airstrike. The agency hailed the coordination between the U.S. and Somali forces. “This airstrike is an example of the niche capabilities we provide our Somali partners as they take the fight to al-Shabaab,” said U.S. Marine Corps Maj. Gen. Gregg Olson, U.S. Africa Command director of operations. “Our precision strike capabilities support our Somali partners as they continue to lead operations against the terrorist network.” Africom pledged to continue working together with Somali forces to rid the country of terrorists, even as it prepares for the exit of foreign troops. “U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counter-terror operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces,” Africom said. Source: CGTN Africa
  13. © Greg Nash Conservatives slam Omar over Gaza tweet: 'How many times will Omar rush to the defense of terrorists? Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka socda shirka madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada, waxaana wararku ay sheegayaan in aan ilaa hadda la isku mari la’yahay hal qodob oo ah qodobka kaliya ee Shirkaan horudhaca ah. Sida aan xalay werinay waxaa shirka shalay oo dhan looga hadlay qodobka khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan madaxweyne Xaaf kadib markii madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay soo jeediyeen inta aan la guda gelin shirka in marka hore laga hadlo khilaafka Dowladda iyo Galmudug kadibna la galo tabashooyinka kale oo ay ka siman yihiin dhamaan maamul Gobaleedyda. Maanta ayaa mar la isku dayay in qodobka Xafa gadaal loo dhigo, lagana hadlo arrimaha wada quseeya dhinacyada, hase yeeshee waxaa taas diiday Xaaf. Waxaa kadib dib loo guda galay arrinta Xaaf. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyeen Xaaf, hase yeeshee waxaa kadib la isku mari waayay aragti ay soo jeediyeeen saddexda Madaxweyene Gobaleed taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya u hogaansanto qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ee shirkii Jabuuti ka dhacay. Kheyre iyo Farmaajo ayaa diiday in ay qorsahhaas taageeraan, sababtoo ah Xaaf markaas waxay u ogolaaneysaa inuu Madaxweyne sii ahaado Afar sano oo heshiiskaas ka bilaabaneysa ama 3 sano oo hadda dhiman. Farmaajo iyo Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyaan Xaaf, islamarkaana dowladda ay dagaalka ka dayso, balse waxay ku adkeysteen in waqtigiisa kasoo billowdo xilligii uu beddelay Cabdikariin Guuleed, sidaas darteedna ay qasab tahay in sanadkan doorasho dhacdo. Qodobkan oo ah qodob ay ku adkaysanayaan madax goboleedyada in xal laga gaaro marka hore, ayaa caqabad ku noqday in ajandayaasha kale ee Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu jiro muran iyo doodo xoog leh oo arintaasi ka taagan waxaana macquul ah in shirka lasoo afjaro ayada oo aan xilka Xaaf go’aan laga gaarin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. WASHINGTON (Reuters) - A Virginia man who worked as an FBI interpreter in counterterrorism cases, and whose sons were also investigated by U.S. authorities, has been arrested and charged with federal crimes, the Justice Department said in a statement on Monday. Source: Hiiraan Online
  16. Balcad (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla goobta lagu magacaabo Ceel-Geelow una dhow degaanka Yaaqle. Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay kadib ayaa la sheegay in ciidamada dawladda ay dib usoo gurteen. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in baabuur ay saarnaayeen saraakiil ay ku qarxiyeen miinooyinka dhulka lagu aaso. Wararka hordhaca ayaa sheegaya in ilaa afar askari ay dhinteen. Sida ay sheegayaan wararka dhinaca amniga waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo xubno ka tirsan ciidamada dawladda. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen abaanduulihii guutada labaad ee ciidamada xooga dalka oo magaciisa lagu sheegay Cali Khaliif iyo ku xigeenkiisii oo magaciisa lagu koobay Cabdikariin Hilowle. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka maanta ay ku dileen 11 kamid ah ciidamada xooga dalka, isamarkaana ay ku gubeen seddex kamid ah gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan. Deegaanka maanta dagaalka uu ka dhacay ayaa ku dhow deegaanka Xawaadleey oo horaantii bishii Maarso Al Shabaab ay qabsadeen. Waa weerarkii ugu horeeyay oo Al Shabaab ay qaadeen bishaan Ramadaan oo maanta kow aheyd. Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
  17. Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
  18. NewAGE has discovered 1.6 trillion cubic feet of natural gas in a locality called Elkuran, according to the private weekly newspaper in Ethiopia, The Reporter. Source: Hiiraan Online
  19. The Somali Police Force is redefining its policing priorities as it strengthens its law enforcement capabilities. Source: Hiiraan Online
  20. Al Shabaab’s Disturbing Threat Causes Panic Among Lamu Residents Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadkaan Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeeda loo sameyn doono tartan furan oo ku aadan ciddii qaadan laheyd qandaraaskaas. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in shirkadaha daneenayo fursadaan ay u furan tahay inay soo gudbistaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka Bishaan. Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiyada ay Shirkadaha soo gudbistaan ay go’aan ka gaari doonaan guddi ka socdo Wasaaradda oo ka kooban Culimada iyo Bulshada rayidka ah. Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo oo sanadkii hore ay Dowladda u xirtay Mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa. Halkaan hoose ka akhriso Guddiga shaqadaan loo xil saaray C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya. Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU, May 6 (Xinhua) -- International charity NRC on Monday called on the world to scale up humanitarian response in Somalia to help avert food crisis due to severe drought ravaging the country. Source: Hiiraan Online