-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray “kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday” balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah. Iran ayaa hore u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas. Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay. Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo “aragagixisanimo dhaqaale.” Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin xamuulka laga qaado Soomaaliya in la geliyo dalkeeda, iyadoo aan cidna la socon. Go’aan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabaha sida xamuulka ah loo geliyo dalkaas oo aan cidna wadan. Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar amni. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa” ayaa lagu yidhi go’aan ka soo baxay dowladda Kenya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegay in Sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal ku galka aan loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo, sida ay caddeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka Ganacsiga iyo alaabaha xamuulka ee Kenya loo qaado. Source
-
(SLT-Ankara)-Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xidhnaa ku-dhawaad 3 sanno. Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baadhe ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xidhay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen. Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo badh. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox argagixiso. Source
-
(SLT-Jordan)-Boqorka Jordan King Abdullah ayaa u sheegay la taliyaha dhanka siyaasada ee madaxweyne Donald Trump Jared Kushner, in nabad waarta ay ka dhici karto bariga Dhexe marka ay imaado in dalka Falastiin loo aqoonsado wadan Madax-banaan. Mr Cabdala ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan in loo baahan yahay in Israa’iil ay soo celiso dhulka ay ku qabsatay dagaalkii carabta ay la gashay sanadkii 1967-dii. War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Jordan ayaa dhanka kale walaac looga muujiyay qorshaha sirta ah oo Mareykanku doonayo in uu ku dhameeyo colaada u dhaxeysa carabta iyo Israa’iil. Kushner ayaa lagu yiri Israel waa in ay ka baxdaa dhamaan dhulka ay kaga sugan tahay daanta Galbeed oo ay xooga kula wareegtay dagaalkii 1967-dii. Maamulka Trump ayaa ka meermeeraya in uu Falastiin u aqoonsado dal madax banaan iyadoo safaarada Mareykanka ee Israel sanadkii hore uu u soo raray magaalada Jerusalam oo uu Israel u aqoonsatay caasimada Israa’iil. Wafdiga Kushner uu hogaaminayo ayaa wada olole lagu taageerayo shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Manama sanadkaan kaasi oo diirada lagu saari doono nabad waarta oo dhexmarta labada Wadan. Source
-
(SLT-Makkah)-Raysal Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga. Waa wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Qatar oo ka qeyb geli doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka. Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa todobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirka oo maanta dhacaya uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar, kaasoo noqonaya Mas’uulkii ugu heerka sareeyay oo Qatar ka socda oo hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sano ka hor xiriirka u jaray Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada Gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
-
“Waxay u fekeri jirtay qaabkay doonto, arrintaas ayaana nolosheedii galaaftay” Sidaasi waa sida uu Mohammad Ali Najafi, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Iran iyo duqii hore ee magaalada Tehran, ku sharraxay sababtii uu u toogtay xaaskiisii labaad. Waxa uu doonayey in uu furo – dalabkaas oo ay ka diidday. dabadeed waxa uu ku dhuftay shan xabbadood, mid kamid ah xabbadahaas ayaa wadnaha ka haleeshay, sida ay booliisku sheegeen. Booliiska ayuu isu dhiibay, inkastoo uu markii hore iskudayey in uu baxsado, kaamarooyinka booliiska ayaa qabtay oo ka duubay muuqaallo lagu qoslo. Najafi ayaa loola dhaqmay si xushmad wayni ku jirto, arrintaas oo dadka baraha bulshada adeegsada ay si wayn uga horyimaadeen, marka la eego sida ninkan loola dhaqmay iyo sida loola dhaqmo dadka caadiga ah ee dambiyada yar yar gala – sida qofka Ramadaanta afura ama gabadha aan hijaabka xidhan. Waxa uuba ku sigtay in uu qirto in uu xaaskiisa dilay. Dagganaanta ka muuqatay Mr Najafi ayaa dood wayn dhalisay – mid ka mid ah dadka Twitter-ka adeegsada ayaa bartiisa ku sheegay in qaabkii Najafi uu u galayey saldhigga booliiska uu soo xasuusiyey filimkii Se7en iyo qaabkii uu Spacey ugu dhex lugeeyey saldhigga booliiska asagoo korkiisu wada dhiig yahay. Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku amray ciidanka amniga Kenya in ay si deg deg ah ay wax uga qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah oo ku sii kordhaya gudaha Dalkaasi. Kenyatta ayaa soo saaray war saxaafadeedkaan shalay Arbacada ahayd xilli uu tacsi u dirayay badhasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago oo maalintii isniinta aheyd la dilay walaalkii lagu magacaabo John Kinyor. Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in walaac ay abuurtay dilalka sharci-darrada ah ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsan loona baahan yahay in wax laga Qabto. Booliska Kenya ayaa sannadihii la soo dhaafay kordhiyay dilalka iyo tacadiga ay ku hayaan dadka rayidka, waxaana sannad kasta ay dilaan boqolaal qof. Ugu dambeyn wuxuu ku amray guddiga adeega booliska Kenya in ay qaadaan tallaabo wax ku ool ah si loola tacaalo Arimahaan. Si kastaba ha ahaatee meydka walaalka Mandago ayaa laga helay maalintii isniinta aheyd dhisme ay ciidanka booliska magaalada Eldoret ku leeyihiin suuqa Chepkanga. Source
-
Waxaa berri oo jimco ah, 31-da bishan May lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka lagu qabto shirka madaxdeedka caadiga ee 14-aad ee ururka iskaashiga Islaamka. Shirkan oo loogu magac daray “Aan u midowno Mustaqbalka”, waxaa ku baaqay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis, iyada oo lagu wado in looga hadlo in la midoobo, xal loo helo arrinta Khaliijka, Falastiin iyo Kashmiir. Waxaa kale oo shirka looga hadli-doonaa “heshiiska qarniga” ee ay soo jeediyeen Mareykanka, taasi oo xal looga gaarayo loolanka Falastiin iyo Israel. Ururka iskaashiga Islaamka, oo ay ku jiraan 57 dal, waxaa uu jiraa 50 sano, waa midka 2aad ee ugu weyn caalamka Qaramada midoobey kadib, waxaa ayna kulmaan 3-dii sanaba mar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay kula taliyeen Muwaadiniintooda inaysan u socdaalin dalka Somalia. Qoraal kasoo baxay xafiiskaasi ayaa waxaa muwaadiniinta UK looga digay inay socdaal ku tagaan deegaanada Somaliland, oo la sheegay inay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka amaanka ah. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain waxa lagu muujiyey inay sii kordhayso cabsida Argagixisadda iyo Afduubka ee ka dhici kara dalka Soomaaliya. Sidoo kale xafiiska ayaa digniin kasoo saaray deegaano ka tirsan Dalka Kenya inaysan muwaadiniinta u safrin, iyadoo laga baqayo in afduub loogu geysto gudaha dalka Kenya. Kenya waxaa hadda lagu afduubtay muwaadiniin u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan gacanta Al Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Kenya ku dooneyso in maxaabiistaasi lagu soo daayo. Ururka Al Shabaab ayaa qatar ku ah dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraro kala duwan oo labada dal ay ka geysteen ay qasabtay inay waxyeelo gaarsiiyaan ajaaniib badan, taasi oo keentay digniinaha dhanka amaanka ee inta badan laga soo saaro labada dal. Muwaadiniinta u dhalatay UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan ka muujiyaan suurtagalnimada weeraro ama afduub ay kala kulmaan ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (SMN): –Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay. Magacyada 2-da marxuu ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal. Sarkaalka ayaa sheegay in uu goobta shilka ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay. View the full article
-
Muqdisho (SMN): –Shir Madaxeedka Dalalka iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya Magaladda Barakeysan ee Maka Almukarama ee Boqortooyadda Sacuudiga, waxaana ka qayb galaya Madax ka socota ilaa 57 Dal. Shirka oo ay sanadkan Martigalisay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa diirada lagu saari doona Arimaha ugu waa weyn ee ka jira dalalka Islaamka. Madaxda ka qayb galaysa ee lagu casuumay shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo shaley Gaarey Dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxda Boqortooyadda iyo kuwa dalalka kale ee Shirka Iskaashiga Islaamka ka qayb galaya. Arimaha cajiibka ah ee laga calaamadiyey shirkan furmaya waxaa kamid ah Amiirka Qatar oo ka qayb galaya Shirkan, xili ay Xiisad u dhaxeyso Sacuudiga iyo Qatar. Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa warqad u diray Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, isagoo ka codsadey in uu kazoo qayb galo kulanka Madaxda Dalalka Islaamka. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad Sugida ee degmada Beledxaawo ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Al Shabaab, kaasi oo ka howlgalayay deegaanada gobolka Gedo. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee degmada Beledxaawo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka isku dhiibay ciidamada Jubbaland uu xubin muhiim ah uu ahaa ururka Al Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay kamid ahaayeen kuwa weerarada ugu badan ka geysanayay deegaanada Jubbooyinka. Sarkaalka ciidamada Jubbaland kusoo bandhigeen degmada Beledxaawo ayaa kamid ahaa kuwii fuliyay weerarada ugu badan ee Al Shabaab ka geysteen deegaanada gobolka Gedo, sida taliyaha uu sheegay. Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa shaaciyay in saraakiisha kale ee la shaqeyneysay sarkaalkaan ay fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Jubbaland, ka hor inta aan la bilaabin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo Al Shabaab wali weeraro ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Jubbaland. Dhamaadka bisha Ramadaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay inuu bilaaban doono howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): –Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo Xalay Shir Saxafadeed ku qabatay Xarunta Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixisay Howlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyen Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Taliyuhu waxaa ay sheegtay laamaha Amnigu in ay kusoo qabteen Howlgalo laga sameeyay Degmadda Hodan ilaa 3ruux oo lagu tuhmayo falal ka dhan ah Amniga, haatana ay kusocdan Baaritaano. Shaqsiyaad Laga soo qabtay Degmadda Xamarweyne iyagoo ka ganacsanaya Muqaadaraadka Maanka Dooriya iyo rag siyaabo kala duwan dilal uga fuliyey Muqdisho ayey Warbixinteeda ku dartay Zakiyo Xuseen Axmed oo sharaxaysay Howlgaladii ugu danbeeyay ee Booliska. Tan iyo Markii Dhawaan lagu dhawaaqay Howlgalo Balaaran oo Caasimada laga fulinayo Ciidamadu waxa ay wadeen Dadaalo kala duwan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-30052019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Al Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin waqooyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka oo ahaa mid qorsheysan uu ka dhacayay deegaanka ku dhawaad 30 daqiiqo. Ururka Al Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray saldhiga ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray ciidamada Jubbaland. Walow Weerarka uu socday inka badan 20 daqiiqo, haddana waxaanan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocdayadiisa kala duwan la isku adeegsaday. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid ururka Al Shabaab, dhankooda khasaaro aan badneyn uu sogaaray. Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah marka ay ku qaadaan saldhiga ciidamada ku sugan yihiin waxay ka helaan saanad ciidan, waxaana marar badan ay weeraro ka geysteen gobolka Jubbada Hoose. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad muddo 10 cesho gudahood ah baaqday kulan afurin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir, si looga hadalo arrimaha ka taagan degaanada Galmudug oo ay doorasho ku soo wajahantahay dhamaadka sanadkaan 2019. Kulamadaan oo ay abaabuleen Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Wasiir Qoor Qoor, General Gorod iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha Habar-gidir ayaa dhicisoobay sida ay noo sheegayn odayaal ka tirsan dadkii ka baaqday kulankaasi. Ballantii ugu dambeysay ee baaqata ayaa aheyd habeenkii talaadada oo lagu balamay in kulan Afurin ay ka soo qayb galaan odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir balse markii dambe uu suurta geli waayay kulankaasi. Saddexda jeer ayaa laba kamid ah lagu balamay Madaxtooyada Soomaaliya ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin South Africa, halka kulanka kale lagu balamay Hotel Jazeera balse ay suurta geli waysay in ay dhinacyada aqbalaan ama ay ka soo qayb galaan. Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa talaadadii si kulul u weerartay odayaasha beesha Sacad oo ay ka soo jeedo, waxayna sheegtay in ay qiimeyn waayeen kadib markii ay ka dalbatay in ay ka dhageestaan warbixinta ay wado ah oo ah kulanka Madaxweynaha kadibna ay ka qaataan wixii ka anfaca kulanka balse ay diideen. Odayaasha ayaa aaminsan hadii ay kulankaasi ka qayb galaan laga bixin doono fasiraad qaldan inta sawiro laga qaato kadibna ay dowladda ku dhaqaaqi doonto talaabooyin aan sax aheyn oo dadweynaha lala wadaagi doono in lagu heshiiyay. Villa Somalia ayaa kulamo kale ku casuuntay beelaha, Waceysle Abgaal, Murusade, Mareexaan, Dir iyo kuwa kale si ay uga wadahadlaan xaaladda Galmudug oo ay dhowaan ka dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha lamana oga in ay qabali doonaan iyo inkale. Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeeysa in ay dhinaca dhaqanka ka soo marto arinta Galmudug oo ay u xaal waysay balse waxaa socda kulamo kale oo dhaqanka looga wacyi gelinayo in ay la kulmaan hogaanka dowladda oo lagu eedeeyay in ay curyaamiyeen Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadin Itoobiyaan ah ayaa loo magaacabay Agaasimaha Guud Maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah sida ay ogaatay Caasimada Online. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah oo ka tirsan Shaqaalaha hey’ada duulista hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO) ayaa talaadadii saxiixay qandaraas 2 sano ah oo uu ku hogaamin doono maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskaan ayaa is afgaradkiisa waxaa lagu gaaray dalka Morocco ee qaaradda Afrika, waxa uuna ninkaan saxiixay maalmo ka hor sida aan ku helnay xogtaan oo ay nala wadaageen mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda duulista rayidka Soomaaliya. Waxa uu maamuli doonaa dhamaan Duulimaadka iyo Hawada Soomaaliya isagoo qaadan doono kumanaan dollar oo mushaar ah iyo lacago kale oo gunna ah. Sidoo kale waxa uu yeelan doonaa fasax iyo xuquuqo kale oo dhanka shaqada ah. Sidoo kale waxa uu maamuli doonaa dhamaan lacagaha laga helo duulimaadka hawada Soomaaliya ee qadka ama hawada Soomaaliya lagu kireeyo sida ay noo sheegayn dadka aan la hadalnay. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah waxaa ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo hore u ahaa madaxa operation-ka ee hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka Qaramada Midoobay ee dhanka hawada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay laba dalab oo arintaan ku saabsan balse laga diiday markii ugu dambeysay. Xukuumadda waxay dalbatay in muwaadin Soomaaliyeed xilkaan loo magacaabo waxa uuna ahaa dalabkii 1-aad oo lagu gacan seeray halka markii 2-aad ay dalbatay in loo magacaabo muwaadin kale oo aan aheyn qof u dhashay Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo markii dambana laga diiday dalabkaas kale, waxaana lagu cadaadiyay in ay ogolaadaan ninkaan Itoobiyaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
JOHANNESBURG (AP) — South Africa’s president on Wednesday named a trimmed-down Cabinet that is 50% women, making the country’s one of few in the world to be “gender-balanced.” Source: Hiiraan Online
-
Swimming is a good way to lose weight and get fit. This is especially true if it's an activity you already enjoy; which will make you more likely to continue doing it. Swimming burns calories and improves your heart health; but it can be especially beneficial for those with joint problems. Ask your health care provider before you begin a new swimming routine. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian pilot pleaded for training weeks before Max crash
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NEW YORK (AP) — Just days after a Lion Air Boeing 737 Max nosedived in Indonesia and killed all 189 people aboard, an Ethiopian Airlines pilot began pleading with his bosses for more training on the Max, warning that crews could easily be overwhelmed in a crisis and that one of their planes could be the next to go down. Source: Hiiraan Online -
Dowladda Itoobiya ayaa todobaadkan waxay qaaday laba talaabo, kuwaasoo aad uga careysiiyey dad Soomaaliyeed oo aad u badan. Tan hore, bogga rasmiga ah ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa isbuucaan lagu soo daabacay khariiradda Afrika oo Soomaaliya laga saarey. Intaasi waxaa wehlisay in Somaliland laga dhigay dal madax banaan halka Soomaaliya inteeda kale lala mideeyey dalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika dhaca. Daqiiqado kahor inta aysan soo shaac-bixin khariiradaasi ayaa si degdeg ah looga saarey, waxayna wasaaraddu arrintaasi ka bixisay raali gelin buuxda. Qoraal kooban oo wasaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in ay tahay khalad farsamo oo dhacay, balse waxay wacad ku martay in ay baaritaan ku sameyn doonto. Xukuumada Muqdisho oo arrintaasi ka fal-celisay waxay sheegtay in ay aqbashay cudur-daarka Itoobiya, ayna rumeysan tahay in aysan ahayn “fal ola kac ah”. Mar kale, shalay, waxaa dibadda timid in Itoobiya ay saddex dal u kala qeybisay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Barta xiriirka diblumaasiyadda ee wadamada caalamka ee wasaarada arrimaha dibada Itoobiya, waxaa kasoo muuqday Puntland iyo Somaliland, oo dal ahaan loo diiwaan-geliyey. Maamuladaasi waxaa Itoobiya u jooga Qunsulyo, halka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya uu ugu magacaaban yahay danjire, kaasoo Muqdisho fadhigiisu yahay. Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibada, ayaa falkaan ku sifeeyay “kala qaybin ay Itoobiya ku sameyneyso dalka Soomaaliya”. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia dalalka ay ku leedahay ergo diblomaasiyadeed waxay ku dartay Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya. Dowladdeennu ma aha in ay u aammusto sidii ay u aammustay markii Ethiopia iyo Somalia ay isku dartyay Addis Ababa,” ayuu yiri Garaad. Mar kale, afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaaciyey in “dowlad ahaan aysan u aqoonsaneen Somaliland iyo Puntland ayna u arkaan maamulo hoostaga dowladda federaalka ah”. Talaabooyinka is-xig-xiga ee ay qaadeyso Itoobiya ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda ay jirto xiisad salka ku haysa dacwada la xiriirta dhanka badda oo u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Addis Ababa ayaa horey u sheegtay in ay ka shaqeyneyso isu soo dhowaanshiyaha labada dal. Balse ficiladii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in ay calaamad su’aal gelinayaan doorkaasi ay sheegatay. Nairobi ayaa qaadatay bilooyinkii lasoo dhaafay go’aano ay cadaadis siyaasadeed ku saareyso Muqdisho. Tusaale ahaan, waxay joojisay duulimaadka tooska ee labada caasimad. Intaasi kuma aysan simin, waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed kasoo musaafurisay garoonka xarunta dalkaasi, iyada oo u diiday Baasaboorka diblumaasiga ah. Xukuumada hadda talada haysa oo kaliya jawaabteeda kusoo koobtay “walaac” ayaa nan tan iyo xiligaasi qaadan go’aan adag oo ay uga fal-celineyso “daan-daansiga” Kenya. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee kiiska badda labada wadan ay hortaalo, oo ay Kenya dooneyso in laga laabto, ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkan 2019 ay soo saari doonto go’aanka ugu dambeeya. Dhanka kale, Dowladda Federaalka illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin talaabada ay Itoobiya qaaday ee Somaliland iyo Puntland ay waddan ahaan ugu diiwaan-gelisay barteeda xiriirka diblumaasiyadda. Isha: Garowe Online
